-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Boosaaso)-Koox hubaysan ayaa xalay fiidkii waxay toogasho ku dileen guddoomiyihii hore ee degmada Qandala ee gobolka Bari Jaamac Maxamud Khuurshe. Naxariistii janno alle ha siiyee Jaamac Khuurshe ayaa la dilay isagoo markaasi ka soo baxay Hotel ku yaalla xaafad u dhow dekeda Bosaso magaaladda Bosaso. Ciidamada Booliiska gobolka Bari ayaa goobta dilka ka dhacay gaadhay, iyagoo halkaasi ka bilaabay baadhitaano la xidhiidha dilka Ma jirto koox sheegatay dilka gudoomiyihii hore hase yeeshee dilal noocan oo kale waxaa magaaladda Bosaso ka gaystay Ururka Daacish oo muddo kooban gacanta ku dhigay degmada Qandala xiligii uu guddoomiyaha ka ahaa. Source
-
(SLT-Muqdisho)-Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa waxay soo bandhigtay muuqaal kooban, oo laga soo duubay Abshir Gaarane Axmed oo ka mid ahaa Fanaaniinta Gobolka Banaadir. Muuqaalkan oo lagu baahiyay barta NISA ku leedahay Twitter-ka ayaa lagu yidhi “Abshir Gaarane Axmed oo ka tirsan Kooxda Fanka Gobalka Banadir, una qaabilsanaa argagixisada Al Shabaab xuuraanka & maaliyadda ayaa dabagal dheer ka dib NISA gacanta ku soo dhigtay, iyadoo loo gudbinayo Hay’adaha Garsoorka.” Abshir Gaarane ayaa muuqaalkan ku qirtay inuu Ururka Al Shabaab ku biiray sanadkii 2013, isla-markaana uu u qaabilsanaa macluumaadka iyo maaliyadda. “Kooxdan Al Shabaab waxaan la shaqo bilaabay 2013-kii, shaqadeeda waxaa waaye Fanaan, waxaana ka shaqeeyaa Gobolka Banaadir, qaybtiisa Fanka iyo Suugaanta. Aniga waxaan u qaabilsanaa qaybta macluumaadka iyo dhanka maaliyadda.” Ayuu yidhi Abshir Gaarane. Source
-
Wararka naga soo gaaraya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ganacsade Soomaaliyeed Afguub loogu geystay gudaha wadankaasi. Ganasadahaan oo caan ka ah Johannesburg ayaa waxaa la sheegay in laga afduubtay xaafadda Alexandre oo ka tirsan magaaladaasi. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya inuu ka mid yahay ganacsatada aas aasay shirkadda Salahudiin oo baqaaro badeecadaha Lagu iibiyo ku leh inta badan gobollada dalkaasi. Wariyaha Shabakadda Warbaahinta Shabelle ee Koonfur Afrika, Cabdixakiin Ibraahim Biif ayaa ka warbixiyey wararkii ugu dambeeyey iyo xaaladda Soomaalida. Halkan hoose ka dhageyso Wareysiga. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Cabdi-Xakiim-ibraahim-Biif-.mp3 View the full article
-
(SLT-Liibiya)-Ra’isul Wasaaraha Liibiya Fayez Al-Siraaj ayaa sheegay in uu isweydiinayo sababta Imaaraadka Carabta ay ku dooneyso in saldhig milatari ay kaga dhisto bariga Liibiya oo mucaaradka Maamulaan. Mr Siraaj ayaa wareysi uu siiyay tv-ga Al-Jaziira ee fadhigiisu yahay magaalada dooxa ayaa wuxuu ku eedeeyay xukuumada Dubai in ay taagaarto maleeshiyada Janaraal Khaliifa Xaftar. Ra’isul Wasaaraha caalamka aqoonsan yahay ayaa dhanka kale tilmaamay sababta Imaaraadka ay xero Milatari uga dhiseyso liibiya maadaama xad ayna la Laheyn. Xaq uma lihid inaad faragaliso dalkeena adiga oo maalgalinaya maleeshiyo diidan maleeshiyo mucaarad ku ah dowlada ayuu yiri Fayez Al-Siraaj. Dalkan ku yaal waqooyiga Afrika oo hodan ku ah saliida ayaa dagaal sokeeye madaxa la galay tan iyo sanadkii 2011-kii kadib markii wadamada NATO ay xilka ka qaadeen madaxweynihii la dilay ee Mucammar Al-Qadaafi. Source
-
Any simple talk on Somalia and the picture that comes to mind is one of anarchy. Since 1990, Somalia has never known peace. Yet there is so much potential in the country. Source: Hiiraan Online
-
Kismaayio (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in xalay duqeymo xoogan diyaarado dagaal ay ka fuliyeen gobolkaasi. Duqeymaha oo ahaa kuwa is xig xigay ayaa waxaa lagu garaacay deegaanka Hargeysa-Yarey, degmada Saakow iyo deegaano u dhaxeeya magaalooyinka Jilib iyo Bu’ale oo ay ku sugnaayeen dagaayahannada Al-Shabaab. Wararka ayaa sheegaya in duqeynta koowaad laga fuliyey deegaanka Hargeysa-Yarey, gaar ahaan saldhig ay Al-Shabaab ku leeyihiin halkaasi, kaas oo gabi ahaan la burburiyey, sidoo kalena lagu dilay dagaalamayaal ku sugnaa, sida ay innoo sheegeen ilo lagu kalsoon yahay. Duqeyn kale oo xigtay ayaa sidoo kale ka dhacday agagaarka degmada Saakow, taas oo la soo warinayo in lagu burburiyey Xero uu hub ugu Keydsanaa Al-Shabaab. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in duqeyn kale oo dhanka cirka ah xalay laga fuliyey inta u dhaxeysa degmooyinka Jilib iyo Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe. Saraakiil ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegay weerarkaasi lagu dilay horjooge sare oo xiriir dhow la lahaa hoggaamiyaha guud ee Al-Shabaab Axmed Abuu Cubeyda. Sirdoonka Soomaaliya ma shaacin magaca sarkaalka lagu dilay duqeyntaasi. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Xarakada Al-Shabaab oo ku aadan weeraradaan cusub ee xalay ka dhacay gobolka Jubbada Dhexe. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada huwanta oo garab ka helaya diyaaradaha Mareykanka ayaa kordhiyey dhaq dhaqaaqyada ay ka wadaan gobollada Jubbooyinka.
-
Ciidamada Booliska dalka Kenya ayaa gudaha u galay Kuleej ku yaalla xaafadda Islii ee magaalada Nairobi,waxaana halkaasi ay kala baxeen tobaneeyo ruux oo Soomaali ah oo xaruntaasi wax ka baranayey. Xaruntan ayaa waxaa sidoo kale wax ka baranayey dad ajaaniib ah,waxaana dhammaan dadka la xiray ay ahaayeen 49 ruux oo Sooamali ah iyo qof ka soo jeeda dalka Uganda. Booliska ayaa gabi ahaan albaabada isugu dhuftay Kuleejka, waxayna sheegeen in uusan soo marin nidaamka saxda ah ee diIwaan galinta. Sidoo kale ciidamada Booliiska ayaa gudaha u galay Kuleejka Atlas oo isna ku yaalla xaafada Islii, walow Kuleejkaasi uu diwaan galin sax ah ka heystay dowladda dalkaasi Kenya,mana jirin dad laga soo xiray. Inta badan dadka Soomaalida ah ee la soo xiray ayaan heysan aqoonsi sax ah, halka qaarna ay wateen dal ku gallo iyo Baasabooro dhacsan. View the full article
-
Qaar ka mid ah musharraxiinta maamulka Galmudug oo soo saaray Warsaxaafadeed ayaa ku dhaawaqay in ay qaadaceen doorashada madaxweynaha Galmudug, waxaana ay sheegeen in aysan ka qeyb geli doonin tartanka loogu jiro doorashadaasi. Musharraxiintaan oo kal ah: Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), Cabdullaahi Faarax Wehliye, Cabdi Cabdullaahi Axmed (Cabdi Dheere) iyo Kamaal Daahir Guutaale ayaa tilmaamay in aysan ku qanacsaneyn jadwalka doorashada ee shalay la soo saaray. Sidoo kale waxay ku eedeeyeen dowladda federaalka inay afduubatay doorashada, sida ay hadalka u dhigeen. Halkaan hoose ka akhriso: View the full article
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweynaha HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare oo xalay ku hoyday Beledweyne ayaa kulamo ka bilaabay gudaha magaaladaasi. Kulamada oo ah kuwa xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saarayaa xiisada gobolka Hiiraan, gaar ahaan khilaafka ka taagan degmada Buulo-Burte ee gobolkaasi. Waare ayaa kulamadaas la qaadanaya waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ee Beledweyne, isagoo ka dalbaday inay ka taageeraan, sidii loo soo afjari lahaa khilaafka salka ku haya dhinaca maamulka ee weli ka taagan gudaha degmada Buulo-Burte. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ka maamul ahaan ay ka go’an tahay, sidii loo xasilin lahaa xiisadaha ka jira Hiiraan oo muddo wajaheysa culeys siyaasadeed oo u dhexeeya madaxda HirShabelle, siyaasiyiinta gobolka iyo sidoo kale waxgaradka deegaanka. Dhowaan Madaxweynaha HirShabelle iyo wasiirka arrimaha gudaha maamulkaasi ayaa tegay Buulo-Burte, basle wax natiijo ah kama soo bixin socdaalkaasi. HirShabelle ayaa u muuqata inay ku fashilantay siyaasadda Hiiraan, waxaana taas sabab u ah sida la sheegay isbedalka deg dega ah ee ay ku sameyso mas’uuliyiinta gobolkaasi.
-
Taliska hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay baraha bulshada ee Internetka ku baahiyey Muuqaal kooban, kaasi oo uu ka soo dhex muuqday Abshir Garane Axmed oo ah Fanaan ka tirsan waaxda Fanka ee maamulka gobolka Banaadir, wuxuuna qirtay inuu sidoo kale ka mid yahay Al-Shabaab. Garane ayaa sheegay in dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab uu ku biiray 2013-kii, islamarkaana uu u qaabilsanaa xuuraanka iyo maaliyada, sida uu ku sheegay Muuqaalka laga soo doobay oo sikimo soconayey, kaas oo la soo dhigay barta Twitter-ka ee NISA. Sidoo kale taliska nabad sugida ayaa sheegay in Fanaanka muddo lagu hayey dabagal, islamarkaana haatan gacanta lagu soo dhigay. Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii la soo dhaafay xoojisay baaritaanada ka socda gudaha magaalada Muqdisho, kuwaas oo qaarkood lagu soo qabtay xubno ka tiranaa Xarakada Al-Shabaab oo ku sugnaa qaar ka mid ah degmooyinka G/ Banaadir. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Subax-22012020.mp3 View the full article
-
Garoowe (Caasimada Online) ― Maamulka Puntland ayaa war ka soo saaray ciidamo ay dhowaan Somaliland ku soo dhaweysay magaalada Laascaanood, kuwaasi oo ay sheegtay inay ka soo goosteen Ciidamada Puntland. Puntland ayaa gebi ahaanba waxba kama jiraan ku tilmaamtay arrinkaasi, iyadoona beenisay inay Ciidamo ka tirsan maamulkeedu ay ku biireen kuwa Somaliland. Xuseen Cismaan Gabiley, Wasiirka duulista hawada iyo garoomada Puntland iyo Saraakiil ka tirsan ciidamada oo warbaahinta la hadlay ayaa si wada-jir ah waxay u sheegen in Ciidamada ay soo bandhigtay Somaliland yihiin kuwa been abuur ah. Waxayna Somaliland ku eedeyeen inay dhalinyaro aan ka tirsaneen ciidamada Puntland ay ka kaxaysteen deegaanka Boocame, isla markaana ay ku shaaciyeen inay yihiin ciidamo ka soo goostay maamulkooda, iyagoo u soo xidhay direys, waa sida ay hadalka u dhigeen Mas’uuliyiintaasi. Somaliland iyo Puntland oo wadaaga xuduud ayaa waxa ka dhex aloosan xiisad colaadeed oo mudda badan ka dhex taagneed labada maamul, midaasi oo la xiriirta gacan ku haysta deegaanada xuduudka ah ee ay wadaagaan. Labada maamul ayaa iyagu inta badan soo bandhiga Ciidamo ka soo kala goostay labada dhinac, midaasi oo arrin iska caadi ah noqotay in mar walba la arko labada dhinac oo soo bandhigaya ciidamo kagu sheegay inay soo goosteen.
-
The death toll from a new flu-like coronavirus in China rose to nine on Wednesday with 440 confirmed cases, Source: Hiiraan Online
-
Muxuu yahay ciyaartoyga 75 jirka ah ee hadda ku biiray koox ka dhisan Masar? Eez Eldin Bahder has signed to play in the Egyptian third division at the age of 75 (Photo: Egyptian Football Association) Xiriirka kubadda cagta ee waddanka Masar ayaa ku dhawaaqay diiwaan galinta ciyaartoy 75 jir ah oo ku biiray koox ka tirsan horyaalka heerka saddexaad ee waddankaas. Mas’uuliyiinta maamulka kubadda cagta ee Masaarida ayaa aaminsan in ninkani uu yahay ciyaartoyga ugu da’da weyn ee caalamka, oo xirfadda rasmiga ah ku jira. Kooxda 6th October, oo kaalmaha ugu sarreeya uga jirta horyaalka Masar ayaa heshiis la saxiixatay ciyaartoygan waayeelka ah, oo magaciisa lagu sheegay Eez Eldin Bahder. Ilaa iyo hadda lama faah-faahinin macluumaadka ku saabsan nooca uu yahay heshiiska uu la galay kooxda, iyo sida uu u ciyaari doono toona. Waa nin aan horay looga sii aqoonin gudaha Masar, mana jiraan kooxo rasmi ah oo uu usoo ciyaaray ama taariikh kubadda cagta ah oo uu leeyahay. Xiriirka EFA iyo iyo Mr Bahder ayaa maamulka buugga taariikha adduunka lagu qoro ee Guinnes ka codsaday inay imaadaan Masar ayna daawadaan ciyaartoygan oo kubadda ciyaaraya, si ay taariikhda ugu diiwaan galiyaan inuu yahay ciyaaryahankii ugu da’da weynaa ee abid garoonka soo gala. Eez Eldin Bahder wuxuu heshiis u saxiixay koox ka tirsan horyaalka heerka saddexaad ee waddanka Masar, isagoo ay da’diisu tahay 75 sano Bishii September ee sanadkii lasoo dhaafay ayey xiriirka kubadda cagta ee Masar soo jiiteen indhaha warbaahinta, ka dib markii waxba kama jiraan laga soo qaaday codadkii ay ku taageerayeen Maxamed Salaax, xilligii uu u tartamayay ciyaaryahanka ugu wanaagsan xagga ragga ee abaalmarinta Fifa. Xiriirka aduunka ee Fifa ayaa sheegay in mas’uuliyiinta masaarida ay farta waaweyn kusoo qoreen labadii cod ee looga baahnaa, sidaas darteedna aan la tirinin. Xiriirka Kubadda Cagta ee Masar ayaa sheegay in ku simaha tabaraha xulka qaranka kubadda cagta ee Masar iyo kabtanka kooxda ay u codeeyeen Salaax, oo ah weerayan u dheeela kooxda Liverpool. Waraaqaha lagu codeeynayay ayaa waxaa sidoo kale ka maqnaa saxiiha xoghaya guud ee Fifa, kaasi oo ay khasab tahay inuu ka muuqdo. Abaal-marintaasi cayaaryahanka ugu wanaagsan ee Fifa waxaa sanadkii lasoo dhaafay ku guuleystay laacibka kooxda Barcelona Lionel Messi, oo ka qaaday weeraryahanka kooxda Juventus Cristiano Ronaldo iyo Virgil van Dijk oo daafaca kaga dheela naadiga Liverpool. Qaran News
-
'Food insecurity' raises the likelihood of infectious diseases and suicide, new study shows. Source: Hiiraan Online
-
Dubai : Nearly 250 workers of a Dubai-based ready mix company are out of job for the last seven months. Source: Hiiraan Online
-
Buug Faransiiska ku faafay oo lagu sheegay in ‘CIA-da ay ka dambeysay qaraxyadii 9/11’ 3,000 oo ruux ayaa lagu dilay weerarkaas oo lagu fuliyay 4 diyaaradood oo ay Al-Qaacidda afduubatay Madbacad ku taalla waddanka Faransiiska ayaa raalligalin bixisay ka dib markii buug maaddada taariikhda lagu baro ardayda Iskuullada dalkaas lagu arkay jumlad lagu sheegayo in weerarkii daaraha mtaanaha ee Mareykanka lagu qaaday 11-kii bishii September, 2001-dii “ay abaabushay hay’adda sirdoonka ee CIA-da”. Buuggan ayaa isbuucyadii lasoo dhaafay si weyn ugu faafay Faransiiska. Sheekada ku saabsan weerarkii 9/11 ee lagu arkay buuggan ayaa markii hore lagu shaaciyay baraha xiriirka bulshada, waxaana dibadda usoo saaray koox macallimiin ah. Buuggan oo lagu koobay taariikhda qarnigii 20-aad ayaa loogu talagalay ardayda ku jirta waxbarashada hoose ee iskuullada. Madbacadda ayaa boggeeda internet-ka ku sheegtay inay khalad tahay jumladdaas ay kasoo muuqato buugga. “Jumladdan waxay qeexeysaa sheekooyin qarsoodi ah oo aan xaqiiqda ku saleysneyn, loomana baahneyn inay soo muuqato. Ma aha qoraal ka turjumaya waxa ay tifaftireyaasha madbacadda iyo qorayaasheeda aaminsan yihiin”, ayaa lagu yiri bayaan ku qornaa luuqadda Faransiiska. Buuggan loo soo saaray ardayda Iskuullada ayaa markii hore lagu qeexay inuu yahay mid si dhammeystiran uga sheekeynaya taariikhdii lasoo maray qarnigii tagay, iyadoo lagu wada xusay taariikhdii Faransiiska, Yurub, iyo guud ahaan dunida inteeda kale. Waxaa qoray Jean-Pierre Rocher, oo ah macallin wax ka dhiga maaddooyinka taariikhda iyo juqraafiga, horayna cilmiga seyniska uga qalin jabiyay jaamacadda Po ee magaalada Paris. Inkastoo buuggan uu soo baxay bishii November ee sanadkii lasoo dhaafay, waxaa sheekadan la ogaaday markii gabar uu macallin dhalay ay soo iibsatay, kadibna uu labadooda midkood arkay jumladda ku saabsan arrinta CIA-da. Usaama Bin Laadin wuxuu ka mid ahaa dadka ay sida weyn u doon-dooneysay FBI-da Mareykanka Bogga 204-aad ee buugga ayuu qoraagu ku sharraxay mowduuca ku saabsan sida loo abuuray ururka jihaad doonka ah ee la magac baxay al-Qaacida iyo “habkii uu u dhacay weerarkii 11/9 2001 lagu qaaday daaraha New York iyo Washington”. Kadibna wuxuu qoray jumladda soo socota; “Dhacdadan caalamka oo dhan laga arkayay – wuxuusan shaki ku jirin inay qorsheeyeen (laamaha sidoonka) ee hay’adda CIA-da, ujeeddadooduna ma waxay ahayd inay saameynta Mareykanka ku fidiyaan gobolka Bariga dhexe? – Waxaa Mareykanka laftiisa lagu waxyeelleeyay caalamaddii uu isaga sameystay”. Macallinkii jumladdan helay ayaa si deg deg ah ugu faafiyay bogga ay Facebook-ga ku leeyihiin macallimiinta. Afhayeenka boggaas ayaa wargeyska Le Monde u sheegay in “islamarkiiba ay arrintu cirka isku shareertay”. Madbacadda ayaa sheegtay in dib loo sixi doono buuggaas, mar kalena lagu shaacin doono waddanka Faransiiska. Sheekadan waxaa durbadiiba soo qaatay wargeys ka faallooda arrimaha sirdoonka, kaasoo ka cawday in jumladdaas lagu xusay macluumaad been abuur ah oo sheegaya in arrimo sir ah ay ku lifaaqan yihiin weerarkii 11-kii September. Wuxuu wargeyskan sheegay in daraasad la sameeyay bishii December ee sanadkii 2018-kii ay muujisay in 21% ka mid ah dadka ay da’doodu ka hooseyso 35 sano ay aaminsan yihiin in Mareykanku uu si uun ugu lug lahaa fulinta weerarkaas, buugganina hadda dadka loogu talagalay ay yihiin kuwa da’daas ah. In ka badan 19 sano ka dib markii ay 19 qof oo ka tirsan al-Qaacidda ay diyaarado lasoo afduubay ku qarxiyeen daartii ganacsiga adduunka, daartii gaashaandhigga Mareykanka iyo barxad ku taalla gobolka Pennsylvania, waxaa isbuucan la filayaa inuu maxkamad milatari oo Mareykan ah kasoo muuqdo nin loo heysto mas’uuliyadda qaraxyadaas. Khaalid Sheekh Maxamed ayaa lagu hayaa xabsiga Guantanamo Bay, wuxuuna ahaa nin aad ugu dhawaa hoggaamiyihii hore ee al-Qaacida Usaama Bin Laadin. 2,997 ruux ayaa naftooda ku weysay weerarkii lagu burburiyay daaraha mataanaha ah. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Laga bilaabo shalay waxaa bandow lagu soo rogay waddo muhiim ah oo soo gasha madaxtooyada Soomaaliya, waxa uuna amarkaan ka soo baxay taliska Villa Somalia. Xog ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegeysa in shalay lagu wargeliyay maqaayadaha Dalsan iyo Blue Sky, in aysan banaanka soo dhigi karin kuraas wixii ka dambeeya afarata galabnimo (4:00 pm). Bandowgaan ayaa saaran kaliya wadada madaxtooyada ka soo gasha dhanka Xaawo Taako, waxaana la sheegay in uu amarkaan socon doono ilaa 10-ka bisha 2-aad ee sanadkaan. Sidoo kale waxaa la joojiyay isticmaalka gaadiidka ee wadadaasi iyo socodka dadweynaha, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiisha ammaanka iyo qaar ka mid ah dadkii caawa laga celiyay aagaasi. Dhowr qof ayaa caawa laga hor-istaagay in ay ka soo gudbaan waddada Xaawo Taako, oo ah halka uu bandogu saaran yahay, waxaana xiran ilaa madaxtooyada. Lama oga sababta ka dambeysa go’aankaan, balse xog aan helnay ayaa sheegeysa in qorshuhu yahay in la daah-furo Tiyaatarka qaranka markii la gaaro 8-da bisha labaad ee sanadkaan, markaas oo ku beegan saddex sano guuradii ka soo wareegatay doorashada madaxweyne Farmaajo. Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in Al-Shabaab ay damacsan yihiin in qarax ismiidaamin ah ay ku qaadaan Tiyaartarka qaranka iyo dhismaha Maktabadda oo laabdooduba lagu sameeyay dayactir muddo dheer kadib.
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Afar ka mid ah musharaxiinta u sharaxan Xafiiska Madaxtooyada Galmudug ayaa ka horyimid jadwalka Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka, uu soo saaray garab ka mid ah Guddugii Doorashada ee Talaadadii kala qaybsamay. Musharaxiinta kala ah Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), Cabdullaahi Faarax Wehliye, Cabdi Cabdullaahi Axmed (Cabdi Dheere) iyo Kamaal Daahir Guutaale oo lagu tiriyo musharaxiinta mucaaradka ayaa si rasmi ah uga horyimid jadwalka. War saxaafadeed ay xalay soo saareen ayay ku sheegeen inay Dowladda Federaalka garab gaar ahi u afduubtay hannaanka maamul u samaynta Galmudug, taasina ay tahay mid aan la aqbali karin. War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay inaanan la tixgelin cabashadii musharaxiinta ee ku aadaneyd in kow iyo labaatan maalmood dib loo dhigo doorashada, sababo ku aadan iyagoo aan weli fursad u helin inay la kulmaan Xildhibaanada, sidoo kalena aan la tixgelinin heshiisyadii horey loo wada gaaray. Musharaxiintan ayaa waxay ku taliyeen in laga gudbo sharciyaynta garab gaar ahi loogu afduubayo Guddiga Doorashada, sidoo kalena uu Guddoonka Baarlamaanka Galmudug ka shaqeeyo mideynta Guddiga Doorashada, ee labada garab u kala jabay. Go’aankan ayaa waxaa loo arkaa mid xoojinaya khilaafka ba’an ee wiiqay geedi-socodka dhismaha Galmudug-ta cusub, taasoona ay eedeyda ugu weyn qaadi doonto Dowladda Federaalka. Haddii Dowladda Federaalka loo wakiishay maamul u samaynta dadka reer Galmudug ayay dadku ku doodayan ay ahayd inay Doorashada Galmudug la dhigto mid daahfuran, bedelkii ay garab gaar ahi taageeri ugu muujin laheyd.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Zubair Al-Muhajir oo ka mid ahaa Saraakiisha Ajaaniibta ee ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa uu bixiyay wareysigii ugu horeeyay, maalin kadib markii Caasimada Online ay baahisay xogtiisa, isagoona kaga hadlay sida uu dalka ku yimid, qaabka uu Shabaabka uga soo goystay, waxa ku kalifay iyo farriin uu bulshada la wadaagay. Zubair Al-Muhajir oo ka mid ahaa Saraakiisha Ajaaniibta ugu sareysa ee Al-Shabaab la joogta ayaa wareysi uu siiyey VOA ku sheegay in uu Soomaaliya yimid sanadkii 2006-dii, xilligii Midowga Maxkamadaha Islaamiga. Ninkan oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Ivory Coast ayaa burburkii Maxkamadaha ka dib ku biiray Ururka Al-Shabaab, waxaana uu ka soo mid noqday Golaha Shuurada ee Ururka Al-Shabaab. Zubair Al-Muhajir ayaa wareysiga ku sheegay sanadkii 2013 inuu isaga baxay Ururka Al Shabaab, balse deegaanada uu ururkaasi maamulo uu isaga soo tagey bishii October sanadkii 2019. Su’aal ahayd waxa ku khasbay inuu isaga soo baxo Al-Shabaab ayaa sheegay inay sababuhu badan yihiin, ayna ka mid yihiin inaanay cadaalad wax ku xukumin, hoggaankooduna aysan ku dhaqmin Shareecada Islaamka. “Sababaha igu kalifay way badan yihiin, waxaa ka mid ah inaysan cadaalad wax ku xukumeynin, inay umadaha Muslimiinta ah gaaleysiinayaan iyo qof kasta oo xiriir la leh, inaysan hoggaankooda isku dhaqin Shareecada, inay dhiigga Muslimiinta daadinayaan, inay shacabka dulminayaan iyo inay dadka danyarta ah canshuur uga qaadaan magaca Zako.” Mar la weydiiyay goorta uu ogaaday inay qaab guracan u shaqeeyan maleeshiyada Al-Shabaab ayaa wuxuu yiri “Inay khaldan yihiin waxaan ogaaday 2009, qaraxii Hotel Shaamow ka dib.” Qaraxii Shaamow miyaad weydiisay Madaxda Al-Shabaab, maxayse ka yiraahdeen oo la weydiiyay ayaa wuxuu yiri “Haa waan weydiiyay Abuu Zubeyr/Ina Godane, markuu joogay, wuxuu iigu jawaabay hadalkii uu hadda Cali Dheere sheegay, taas ayuu iigu jawaabay ma fahamtay? Anigana waxaan ogaaday inuu khaldan yahay.” Mar la weydiiyay waxa uu jeclaan lahaa inuu dadka uga sheego waxaysan ka ogayn Al-Shabaab ayaa carab ***** inuu dadka ogeysiinayo inaanu ujeedku Shabaab ahayn ku dhaqanka Shareecada Islaamka, balse ay dadka khaldayaan. “Dadka waxaan ogeysiinaynaa inaysan nimankan dantoodu ahayn Shareecada, ee ay dadka marin habaabinayaan, dano gaar ah ayayna leeyihiin nimankaas, aan Shareecada ahayn.” Ayuu yiri Sarkaalka ka soo goystay Al-Shabaab. Su’aal kale oo la weydiiyay ayaa ahayd sidee Al-Shabaab looga hortaggi karaa, weeraradooduna lagu joojin karaa, waxa uu ku jawaabay “Maadaama Al-Shabaab sheeganayaan in dagaalkoodu uu ku saleysan yahay Diinta, waxaa lagama maarmaan ah in lagu qanciyo dhalinyarada in dagaalkoodu uu Diinta khilaafsan yahay. Laakiin waxaa la rabaa Culimo fahamsan fekerkooda oo raadin kara maraajiicda khaldan ay ka duulayaan.” Adiga hadda qorshahaagu muxuu yahay oo la weydiiyay ayaa yiri “Aniga hadda waxaan rabaa inaan dhalinyarada u bayaamiyo in dagaalkan uusan Diinta waafaqsanayn, maslaxada dantana uusan ku jirin. Arrintaasna waxaan ka diyaariyay buug, waxaan rajeynaa inaan soo bandhigo dhawaan, Insha’Allah.” Zubair Al-Muhajir oo ka jawaabayay su’aal ahayd maku laabanaysaa wadanka aad ka timid ee Ivory Coast mise waxaad sii joogeysaa Soomaaliya, ayaa wuxuu yiri “Ilaahay baa og, waan arkaynaa Insha’Allah.” Su’aashii ugu dambeysay ee la weydiiyay ayaa ahayd waxa uu u jeedin lahaa Ajaaniibta ka barbar dagaalanta Al-Shabaab, waxa uuna yiri “Horta dadka waxaan rabaa inaan u sheego waxaa jira dad badan oo aaminsan in Muhaajiriinta ay Shabaab u yihiin dhibka jira, laakiin xaqiiqda saas maaha. Muhaajiriinta waxay u yimaadeen inay walaalahood Soomaaliyeed caawiyaan, balse markii ay arkayn dhaqanka Al-Shabaab iyo diin la’aantooda ay ka hor yimaadeen, taasaa sababtay in qaar ay dilaan, qaar musaafuriyaan, qaarna ay illaa iyo hadda xabsiyadooda buux dhaafiyeen.” Zubair Al-Muhajir oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa ku hadla luqado kala duwan, sida Faransiiska, Carabiga, Ingiriiska iyo Somaliga. Muuqaalkii uu soo duubay iyo wareysigan lala yeeshay ayuu labadaba ku jeediyay af Somali. Hoos ka dhageyso wareysiga https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/01/Zubair-Al-Muhajir.mp3
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare, xubno ka tirsan IGAD iyo qaar kamid ah safiirada beesha caalamka ayaa is faham ka gaaray xiliga ay qabsoomeyso doorashada HirShabeelle kadib kulamo ka dhacay Muqdisho. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in dhinacyadu ay ku heshiiyeen in doorashada HirShabelle la qabto bilaha March ilaa April, waqtigeedana laga soo hormariyo afar ilaa saddex bil. Sidoo kale dhinacyada ayaa isku afgartay in wasaaradda arimaha gudaha Soomaaliya ay maamulka kala shaqeyso jawiga doorashada iyadoo ay wasaaradu waajib ka saaran tahay in doorasho daah furan ka qabsoonto Jowhar. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in madaxweyne Waare lagula heshiiyay in loo magacaabo xil sare oo ka tirsan xafiiska IGAD ee Soomaaliy,a kaas oo ah mid ku yimaada codsiga iyo magacaabista dowladda Soomaaliya. Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in madaxweyne Waare lala galay heshiis kale oo aan la soo bandhigin, kaas oo u dhaxeeya isaga iyo xukuumadda waxaana heshiiskaas lagu sheegay in uu yahay sharuud ku xiran shaacinta xiliga doorashada hadii ay xukuumadda ka soo bixi weysana laga yaabo in madaxweyne Waare iska diido natiijada heshiiska doorashada HirShabeele ee soo hormarinta ah. Waxaa la aaminsan yahay in xukuumadda Soomaaliya aysan dhib badan ka mari doonin dhismaha HirShabeelle markii loo eego Galmudug oo ay ku raagtay. HirShabelle hadda waxaa saameen weyn ku leh dowladda Soomaaliya, waana sababta keeneysa in dowladda aysan wal wal badan ka qabin xaalada doorasho ee HirShabelle.
