-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Duhur-22012020-sw.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ogolaaday qorshe ah in la isku dayo in dib loo soo celiyo haweenka soomaali- iswiidhishka iyo carruurtooda ee ku sugaan xerada IS ee Magaladda Al-Hawl Gudaha Dalka Syria. Hadalkan ayaa waxaa sheegay Radio Sweden oo la xiriiraay Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Mudane Cali Saciid Faqi, kaasi oo uu ka warreystay xaladda muwaadininta Soomaliyeed ee labadda jinsiyadood leh iyo mowqifka ay ka qabaan dhankood kan dawlad ahaaned. Mudane Faqi Ayaa yiri “Run ahaantii Waa Muwadiniin Soomaaliyed oo uu bahan gargar waana waajib na saaran ka dawlad ahaan waa in aan garab istagno muwadiniyiinteena, Inkast haweenka halkaas ku sugaan ay yihiin haween haysta jinsiyado dadalka kale waa in aynu ka war sugnaa Dalalka ay jinsiyadahooda haystan marka hore.” “Anaga ka xukumadd ahaan waxaan haysana go’aan uu Madaxweynaha Soomaaliya horey u go’aamiyey oo ahaa in haweenka iyo carruurta doonaya in la geeyo Soomaaliya aynu soo qaadno” ayuu Cali Saciid Faqi ayaa u sheegay Idaacada Ekot ee Dalka Sweden. Dhanka kale, Danjire Fiqi ayaa sheegay in haweenka iyo carruurta ay Soomaaliya soo celineyso aan maxkamad lasoo taagi doonin, maadaama buu yiri aysan Soomaaliya dembi ka gelin kana soo socdaalin. Sida ay sheegeen masuuliyiinta Kurdiyiinta, kala bar haweenka Swedishka ee xerada ku jira ayaa asalkoodu Soomaali yahay, Tiradooda waxaa lagu qiyaasa in ay uu dhexeeyso 30 ilaa 40 qof. Sikastaba ha ahaatee, soo qaaditaankan haweenka iyo carurta ayaan la hubin, sida uu ugu surto gali karo iyo inta uu qadanaayo hawshan adag. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Sweden arrinkan dusha way ka ogtahay waxaayna ka haysa macluumaad in kastoo aysan dooneyn in ay faaloo ka bixiyaan, Sida uu qorshuhu yahay dhanka haweenka iyo caruurtoda haysta labada dhalasho ee aan wali lagu soo celin dalka sweden. Dhanka kale, Wasaaradda arrimaha dibadda ee Sweden ma rabto inay faahfaahin ka bixiso faahfaahinta ku saabsan qorshayaasha Xukumadda Soomaaliya ay damacsan tahay ee dhanka muwadiniyiintooda. Julia Eriksson Pogorzelska, oo ah xiriiriyaha saxaafadda ee Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Sweden, ayaa u sheegtay Idaacada TT: sida tan “Waan ognahay macluumaadkaas, laakiin ma ahan wax aan ka hadli karo hadda.” Somali-iswiidhish ka mid ah walidiinta ay caruurtooda ku sugan yihiin xerada Al-Hawl ee Dalka Syria ayaa uu safray magaalada Muqdisho si ay isugu dayaan inay Xukumadda Soomaaliya ay Cabashadooda Dhageysato. – Way na dhagaysteen, waxaan fursad u helnay inay na dhagaystaan. Laakiin kama helin arrintaas mas’uuliyiinta dalka Sweden, ayuu yiri aabbe isku dayaya inuu gabadhiisa dib ugu soo celiyo dalka. Sidaa ayuu uu sheegay Idacadda Ekot. Soo turjume Ali Musa alimusa@axadletimes.com Axadle media Group
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa shaacisay in Danjire Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) uu iska casilay xubinnimadii Guddiga Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland. Qoraal ka soo baxay Villa Somalia, ayaa sidoo kale lagu sheegay in Hadalka uu warbaahinta siiyay Danjire Guulwade uu ahaa mid kafog waaqaca aan maanta ku nool nahay, islamarkaana dhaawacayaa wadahadallada haatan loo gogol xaarayo in la isugu soo dhaweeyo dadka Soomaaliyeed ee kala irdhoobay, dibna loogu yagleelayo dowladnimo Soomaaliyeed oo loo dhanyahay. Danjire Guul-wade ayaa saacadihii la soo dhaafay warbaahinta ka sheegay in Xasuuqii dowladda Kacaanka ee Gen Maxamed Siyaad Barre u gaysatay Shacabka magaalada Hargeysa uu ahaa mid ay ku saxnayd oo lagu badbaadinayay Midnimada iyo Wadajirka Soomaaliya. “Shacabka Somaliland waxay dhiig iyo dhaqaale ku bixiyeen sidii dalkan looga xoreyn lahaa gumeystihii kusoo duulay, iyagaana hormuud u ahaa midnimadii labada gobol. Midnimadaas kuma iman khasab iyo gacan ka hadal ee waxay ku timid wada hadal, is qancin, is-qaadasho iyo isu tanaasul” ayaa lagu yiri Qoraalka. “Waxaan aad uga xunnahay hadalka danjiraha, annaga oo adkeynayna inuu yahay mid isaga u gaar ah oo aan ka turjumeynin mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kan Guddiga uu ka tirsanaa” ayaa la sii raaciyay Qoraalka Villa Somalia. PUNTLAND POST The post Xubin ka tirsanaa Guddiga Wada-hadallada Dowladda Federaalka iyo Somaliland oo la casilay appeared first on Puntland Post.
-
Four candidates of the Galmudug regional state’s presidential elections have announced that they would boycott the elections scheduled for 30th January. In a press statement they issued in the central city of Dusamareb very early this morning, the candidates Abdi Ahmed (Abdi Dheere), Abdirahman Mohamed (Odowaa), Abdullahi Farah Weheliye and Kamal Dahir Guutaale said they would not be part of an election organized by part of a divided parliamentary committee tasked with holding the elections of the president and vice-president of Galmudug regional state. “We will not participate in an election that is organized by one group of the divided elections committee; that any elections held by some members of the committee and election timetable they have released are unacceptable,” the statement issued by the presidential candidates read in part. The candidates accused the Federal Government of Somalia of hijacking the process of the formation of an inclusive Galmudug state. The four candidates also accused the leadership of the state parliament of bias towards one group of the divided elections committee and called on it to work towards uniting the divided body. The latest development comes after the influential moderate Islamist group Ahlu Sunnah Wal Jama’ah also announced its rejection of the ongoing federal government-led election process in Galmudug. The move further deepens the political crisis in the region and piles pressure on the federal government which has been widely accused of undermining federal member states. View the full article
-
Somali National Intelligence and Security Agency (NISA) has announced that its forces arrested a singer for having links with al-Shabaab barely three weeks after a college teacher was convicted for killings. In twitter, NISA said Abshir Garane Ahmed was arrested after the security forces got an Intelligence report indicating the singer was an al-Shabaab ringer leader. According to another video clip posted on Twitter, the artist confessed that he was an al-Shabaab member. He said in the clip that he was working with Al-Shabaab on Intel and finances. “I confess that I was al-Shabaab member, I joined the group in 2013, my responsibility was to manage finance in Mogadishu,” he said. Abshir was part of a musician band financed by MOGADISHU local government. Early this month, a college whose son of a senior police officer was found guilty of leading al-Shabaab sleeping cell who carried out assassinations in the city. Mohamed Haji Ahmed aka Ilka-ase was said to have killed several officials in recent years. Among the assassinated are three generals, a police corporal, and a deputy attorney general. A military in Mogadishu has sentence Ilka-ase alongside four others to death. According to sources privy to the arrest of the singer, Ilka-ase has tipped off the Intelligence agency about the singer. View the full article
-
Guddiga doorashada Galmudug, garabka Ahlusunna Waljamaaca ayaa soo saaray Jadwalka Doorashada Madaxwaynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka Galmudug. Guddiga ayaa sheegay in 23-24 January la qabanayo araajida musharixiinta madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug. 25-28 January ayey guddiga sheegeen inay ku diyaar garoobayaan musharixiinta si ay u sameeyaan ololahooda. 29 January ayaa lagu sheegay waraaqda kasoo baxday Guddiga Doorashada Galmudug garabka Ahlu Sunna in ay noqon doonto Maalinta la dhegaysanayo khudbadaha musharixiinta halka Maalinta xigta ee 30 january la dhegaysan doono musharixiinta madaxweyne ku xigeenada. Ugu dambeyntii Guddiga ayaa sheegay in 5 February oo ku beegan maalin Arbaco ah la qaban doono doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenada Galmudug. PUNTLAND POST The post Ahlusunna oo sheegtay in ay doorasho kale ka qaban doonto Galmudug appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Guddiga doorashada Galmudug, garabka Ahlusunna Waljamaaca ayaa soo saaray Jadwalka Doorashada Madaxwaynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka Galmudug. Guddiga ayaa sheegay in 23-24 January la qabanayo araajida musharixiinta madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug. 25-28 January ayey guddiga sheegeen inay ku diyaar garoobayaan musharixiinta si ay u sameeyaan ololahooda. 29 January ayaa lagu sheegay waraaqda kasoo baxday Guddiga Doorashada Galmudug garabka Ahlu Sunna inay noqon doonto Maalinta la dhageysanayo khudbadaha musharixiinta halka Maalinta xigta ee 30 january la dhageysan doono musharixiinta madaxweyne ku xigeenada. Ugu dambeyntii Guddiga ayaa sheegay in 5 February oo ku beegan maalin Arbaco ah la qaban doono doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenada Galmudug. Arrintaan ayaa kusoo aadeyso xilli Shalay Guddiga doorashada Galmudug garabka Dowladda Soomaaliya ay soo saareen shuruudaha iyo jadawalka Doorashada Galmudug kadib markii la isku khilaafay cidda guddoomiye u noqoneyso guddigaas. Xiisadda u dhaxeyso Ahlu Sunna iyo Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale meel sare gaartay, waxayna Galmudug marti gelin kartaa doorashada illaa seddex madaxweyne maadaama Madaxweyne Xaaf uu isna Gaalkacyo ka wado dhismaha Galmudug. Halkaan hoose ka akhriso jadwalka Doorashada Galmudug ee Ahlu Sunna
-
CC Shakuur oo ka digay in la dhiso Galmudug kala dhantaalan
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Caasimada Online ) – Siyaasiga mucaaradka ee hoggaamiyo xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee Galmudug, gaar ahaan arrimaha doorashada Madaxweynaha ee maamulkaasi. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa ku eedeeyey hoggaanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay kala qeybinayaan maamulka Galmudug, si ay uga fushadaan danahooda gaarka ah. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Galmudug kaliya lagu wadi karo siyaasad loo dhan yahay oo aan cidna laga tegin. Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sidoo kale ku taliyey in mudnaanta la siiyo danta dadka gobollada Galgaduud iyo Mudug. Halkaan hoose ka akhriso: Hogaanka Dawlada Federaalka waxay awoodii iyo dhaqaalihii dawladnimo horay ugu adeegsadeen in madaxweynihii Galmudug xilka laga tuuro. Uma Ayaan hirgelin, laakiin waxay ku guuleysteen in ay kala qaybiyaan hogaankii Galmudug. Markii ay majaraha u qabteen maamul samayntii Galmudug, natiijadii waxay noqotay qabiiladii iyo odayadii dhaqanka Galmuudg oo dhac iyo boob ka cabanaya , madaxweynihii xilka lagala wareegi lahaa oo Gaalkacyo maamul kale ku dhisaya, musharixiintii u tartamayey xilka madaxweynaha iyo Ahlusunna oo doorashadii qaadacay. Qaylo dhaan meel walba ah, haddaba su’aashu waxay tahay yaa loo ? Isku day walba oo shakhsi ama koox 30 kii sano ee ugu danbaysay ay talo Soomaaliyeed ku boobeen, Galmudugna kuma sii jirto e, waxay ku soo idlaatay caaqibo la’aan. Waa waali siyaasadeed haddii mar walba lagu celceliyo hal ficil oo isku mid ah, lana filasho natiijo ka duwan kuwii hore. Waxaan ka digaynaa talo xumo iyo tijaabooyinka horay loogu tacab beelay. Waxaan kula talinaynaa kuwa u durbaan tumaya talo hal dhinac ka raran iyo kuwa ka dhowranaya Galmudug kursi federaal oo keli ah, in ay fogaan arag yeeshaan, oo ay danta dadka iyo deegaanka xeeriyaan, waxna ku qaataan waayaha na soo maray, gaar ahaan kuwa ku soo gubtay xukunka Galmudug kala dhantaalan. Galmudug waxaa lagu wedi karaa oo keli ah siyaasad loo dhanyahay oo aan cidna laga tegin, laga tashan, la tuurin, laga takhalusin. Siyaasad aan ku meel gaarid ahayn ee mudnaanta la siinayo danta dadka iyo deegaanka Galmudug. -
GAROWE (HOL) - About 90 police officers, majority of them junior officers serving in Puntland Police Force have been relieved of their duties. Source: Hiiraan Online
-
Jowhar (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax ka dhacay duleedka degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa lagu oo warramayaa in lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa Burundi ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya, xilli ay marayeen deegaanka Buurane ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Xarakada Al-Shabaab ayaa durbo sheegatay masuuliyadda qaraxaasi, sida ay baahisay Idaacadda Andaluus. Warka ka soo baxay kooxda Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka lagu dilay ugu yaraan 2 askari oo ka mid ahaa ciidanka Burund, mid kalena lagu dhaawacay. Dhinaca kale ma jiro illaa iyo haatan wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka taliska ciidamada AMISOM oo ku aadan qaraxaan iyo khasaaraha ka soo gaaray intaba. Inta badan dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa weeraro ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kula eegta deegaanada maamulka HirShabeelle, gaar ahaan marka ay isaga kala gooshayaan fariisimaha ay ku leeyihiin gobollada Hiiraan & Shabeelaha Dhexe.
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa furay shirweynaha nafaqada hooyadda iyo dhalaanka oo sanadkiiba mar lagu qabto Somaliland. Shirweynahan oo ay xubno ka yihiin Wasaaradaha Waxbarashadda & sayniska, iyo horumarinta Caafimaadka ayaa lagaga dooday sidii kor loogu qaadi lahaa ilaalinta iyo daryeelka heerka nafaqo ee dhalaanka Somaliland. Source
-
Qorshaha Dhaqaale-Siyaasadeed ee muddada dheer waxaa la yidhaahda qorshe Istratiji ah, wuxuna ka soo baxaa dadka dhacdooyinka ku eega aragti calaami ah ee aan ku eegin indho maxali ah oo keliya. Aragtida heerkaas ahi waxay iftiimsa arrimaha ka shisheeya kuwa sida tooska ah u muuqda. Madaxweyne Cigaal waxuu ka mid ahaa dadka sida caalamiga ah u fekera, sidaas darteed waxuu awooday in uu Somaliland u dhigo qorshe mudada dheer ku salaysan (Strategic Plan). Qorshaha Madaxweyne Cigaal dalka u jeexay, oo runtii Madaxweyne Rayaale na aanu gabin wuxuu ku bilaabmy sidan: Qorshe aan malin la nool ahayn ee waqtiga dheer ku salaysan, oo ah Dhismaha dawladnimada Somaliland, oo qaab dhismeedkiisana la sii habayey hirgelintiisa. Laga bilaabo hub-ururinti iyo samaynti ciidamo qaran ila iyo dimoqoraadiyada xisbiyada badan, taas oo loogaga gudbay marxaladii shir-beeleedka. Halkan waxa xusid mudan in markii Cigaal soo jeediyey arrinta furista ururrada siyaasadeed oo gogol-xaadh u ahaa samaynta xisbiyada, sidii looga horyimi ee loo yidhi ‘’Waa Shaadh uu tolanayaa’’. Qaabkan dawlad dhiska, nabada iyo dimoqaraadiyadu waxay Somaliland gaadhsiiyeen heerka dammaystirka shuruudii dawladnimo ee Montevideo Convention1933. Taas oo Caalamku kula dhaqmo ciddii buuxisa heerka aqoonsiga aan rasmiga ahayn (De-facto Recognition) hase yeeshe qiraya dawld ahaanta dalka buuxiya shurudaas. Dhinaca xidhiidhka dibedda, Madaxweyne Cigaal waxuu markiiba bilaabay in uu xidhiidh la samayeeyo mid ka mid ah dawladaha ku jira Golaha Ammaanka, oo ayagu dunida ka taliya. Tallaabadii uu Sharikada Caalamiga ah ee Total ku siiyey maamaulka Haamaha Kaydka Berbera, asaga oo ka tallaabsaday danaha gaarka ah ee maxalliga ah ayaa waxay ahayd tallabo Istiratiji ah. Ujeeddadiisu waxay ahayd in dawlad weyn oo Golaha Amaanga ku jirta uu Somaliland dhabarka u saaro (Strategic Partnership) maha oo keliya aqoonsi ka doon, ee waxay ka ahayd belayo-xijaab haddii dibedda duulaan kaaga yimaado. Ka qaadistii Total lagala noqday heshiiskii oo dhacday mar gacanta sare ay yeeshiin siyaasadaha maxaliga ee danaha gaarka ku salaysani. Taas oo ahayd dhabar-jib weyn oo ku dhacay Qorshihii Istratijiyadeed ee dalku ku socday. Waxa kale oo xusid mudan, Markii xilligii Madaxweyne Rayaale laga shaqeeyey in dano la isdhaafsado dawlad Golaha Amaanka ku jirta oo Dekedda Berbera maamulkeeda iyo horumarinteeda loo dhiibo Sharikadii France Bolore Logistics, waa tii dano gaar ahi fashiliyeen. Taas oo ahayd hantaaqadii labaad ee ku dhacday Somaliland. Soo jiidistii xadhigga badda hoos mara oo ay ahayd in toos Berbera loogu soo xidho, kaas oo dhamaystir ku dhowaa ayaa Joojintiisii waxay ahayd hantaqo Istiratiiji ah oo mar kale ku dhacday dedaalkii loogu jirey madaxbanaanidii Somaliland. Isugeynta arrimahan ku dhacay qorshihii Istratijiga ahaa oo Madaxweyne Cigaal u dhigay dalka waxaa si cad u muuqanaysa dhibu-gurashada iyo hoobadka ku dhacay geedi socodkii siyaasadeed ee Somaliland ee xawligiisu ka soo bilaabmay 2010kii. Haddaba, Sua’aasha xaqa ah ee maanta taagani waxay tahay, maxaa Madaxweyne Muse Biixi hadda la gudboon?. La soco. Adamjibril47@gmail.com Source
-
Qaar ka mid ah musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha ee dowlad goboleedka Galmudug, ayaa qoraal ay soo saareen waxay ku sheegeen in aysan ka qeybgali doonin doorashada, inta uu kala qeybsan yahay guddiga doorashada ee dhowaan la magacaabay. Musharraxiinta qoraalka soo saaray ayaa kala ah, C/raxmaan Odowaa, C/laahi Faarax Wehliye, Cabdi Dheere iyo sidoo kale Kamaal Guutaale. Halkaan hoose ka akhriso: Source: goobjoog.com
-
Wararka ka imaanayaa gobollada Jubbooyinka ayaa sheegay in ay halkaasi ka dhaceen duqeyn dhanka cirka ah, oo lala beegsaday dhaqdhaqaaqyadda Alshabaab. Duqeynta ayaa ka dhacday deegaannada Hargeysa yarey, Saayow iyo deegaanno uu dhexeeya Jilib iyo Bu’aalle oo ka tirsaan gobolka Jubbada dhexe. Duqeynta dhinaca Hargeysa yare ayaa waxaa lagu burburiyay xarun ay Alshabaab ku lahayeen duleedka deegaankaasi iyadoo ay ku dhinteen duqeynta xubno ka tirsaan Alshabaab waa sida lagu baahiyey warbaahinta dowladda. Dhanka kale degmada Saakow waxa lagu duqeeyay xarun kale oo Al-Shabaab ku lahaayeen, waxaana la sheegay in xaruntaasi ay ugu keyd sanaayeen hub iyo saanada ciidan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye “Nacnac” oo ka tirsan xildhibaanadda aqalka Wakiiladda ayaa Weerar Afka Ah Ku Qaaday Dalka Jabuuti oo dhawaan sheegay in xadhiga fiber optica ah la keenayo magaalooyinka geeska affrika oo ay ka mid noqon doonton magaala xeebeedka Berbera, halkan hoose ka DAAWO Source
-
Mid ka mid ah dagaalyahannada ajaanibta ah ee ka dhinac dagaallami jiray Xarrakada Alshabaab ayaa sheegay inuu ka baxsaday Xarrakada islamarkaana uu hadda ku sugan yahay magaalada Muqdisho isagoo isku dhiibay Dowladda Soomaaliya. Zubair Al-Muhajir ayaa kasoo safray magaalada London ee dalka Ingiriiska si uu ugu biiro Alshabaab sannadkii 2006dii. Xilal badan ayuu kasoo qabtay Alshabaab isagoo ugu dambeyn noqday xubin ka tirsan golaha shuurada ee Xarrakada Alshabaab oo ah gole culumo ah. Al-Muhajir oo asalkiisu kasoo jeedo dalka Ivory Coast ayaa u sheegay saxaafadda inuu isaga baxay Alshabaab sannadkii 2013 markii ciidamada Amniyaadka ay xireen oo ay xabsi dhigeen muddo saddex sano ah. “Waan ka baxsaday maxaayeelay Alshabaab waxay ka been-sheegayaan Muslimiinta iyo adduunka ,” ayuu yiri. “Waxay sheeganayaan inay fulinayaan sharciga Islaamka taasoo aan run ka ahayn maxaayeelay waxaan ogahay ficillada ay sameeyaan ee ka dhanka ah shareecada,” Wuxuu sheegay in kooxdu u adeegsato shareecada inay ku qiyaanto dadka, ku dhibaateeyaan beenna u sheegaan,” “Xaqiiqada ficilladooda gebi-ahaanba waxay kasoo horjeedaan shareecada, waxay dilayaan dad aan waxba galabsan waxayna been u sheegayaan dadka,” ayuu yiri Muhajir. Sannadkii 2011, Al-Muhajir wuxuu ahaa madaxa guddi ay Alshabaab magacaabeen si ay u dhexdhexaadiyaan muran u dhaxeeyey hoggaamiyihii geeriyooday ee Axmed Cabdi Godane iyo saddex taliye oo kale, Waa Ibrahim Al-Afghani, Muqtar Robow iyo Fu’ad Maxamed Khalaf. Xilligaas Alshabaab waxay xireen tiro kale oo taliyeyaal ah iyo shaqsiyaad looga shakiyey inay kasoo horjeedeen Godane. Zubair Al-Muhajir wuxuu sheegay inuu ka mid ahaa dadka la xiray. Al-Muhajir wuxuu sheegay in ka hor baxsashadiisa bishii October 2019 Alshabaab ay soo booqdeen dukaan yar oo uu ku lahaa Galhareri oo ay weydiiyeen inuu bixiyo Zako. Wuxuu u sheegay inuu diyaar la yahay bixinta Zakada laakiin uusan awoodin Zakada. “Muran ayaa na dhexmaray ku saabsan bixinta Zakada iyo canshuurta,” ayuu yiri. “Waxaan u sheegay haddii ay rabaan inay iga qaadaan canshuur inaanan diyaar u ahayn inaan siiyo sababtoo ah haddii ay iga doonayaan zako anigu kama mid ahi dadka bixiya zakada.” Dowladda Soomaaliya ayaa horey ugu baaqday inay siineyso magangelyo dadka kasoo baxsanaya Xarrakada Alshabaab inta ay ka tanaasulayaan figradaha xagjirka ah. Al-Muhajir wuxuu sheegay inuu markii hore u tagey hawlgalka nabad ilaalinta ee AMISOM ee saldhigga ku leh garoonka Muqdisho. Hadda wuxuu ku jiraa meel amaan ah oo Dowladda Soomaaliya ay gacanta ku hayso. Wuxuu sheegay inuu wali ka war sugayo barnaamijka ay Dowladda Soomaaliya la dooneyso.“ VOA. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Genaraal Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo xilal kala duwan ka soo qabtay dowladihii KMG ee dalka soo maray ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha ammaanka ee magaalada Muqdisho. Indha Cadde oo wareysi gaar ah siiyey Idaacadda Kulmiye ayaa ugu horreyn sheegay inay Al-Shabaab si aad ugu dhex milmeen hay’adaha dowladda, wuxuuna tilmaamay inay lama filaan ku noqotay in la helo Fanaan Al-Shabaab ah oo la shaqeeyo gobolka Banaadir. Genaraalka ayaa hoosta ka xariiqay in xubnaha Al-Shabaab ay ku dhex jiraan meel walbo oo dowladda ka mid ah, islamarkaana ay u shaqeeyaan habab kala duwan. “Waa korortay ku milanka Al-Shabaab ee hay’adaha dowladda, nimankaan diin ayay ku bilwdeen oo ay ka been sheegayeen, maantana waxay isu bedeleen niman Maafiyo ah sida maafiyadii Talyaaniga oo kale, maafiyada marka ay awood beeshay waxay isu bedeshay koox dadka dhaca, dadka baada albaab walba ku jira, haddii ay dowlad tahay iyo rayid.” ayuu wareysigaan ku yiri Genaraal Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde). Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Al-Shabaab ay ka war heyso wax kasta oo ka dhacaya madaxtooyada, gaar ahaan shirarka looga hadlayo ammaanka, wuxuuna sheegay in si toos ah loogu gudbiyo xogta, islamarkaana aysan waxba u qarsaneyn dowladda dhexe. Indha Cadde ayaa xusay in tani ay cadeyneyso inay Al-Shabaab xubno ku leeyihiin Madaxtooyada, wasiirada, baarlamaanka, ciidanka iyo hay’adaha rayidka. “Al-Shabaab meel walba ayay ku jiraan, Madaxtooyada ayay ka mid yihiin, Baarlamaanka ayay ka mid yihiin Golaha Wasiirada, hey’adaha rayidka iyo ciidamada qalabka sida, meel aysan ka mid aheyn ma jirto.”ayuu yiri Generaal Indha Cadde. Sababta ay Al-Shabaab ugu milmeen dowladda ayuu sidoo kale Generaalku ku sheegay in hay’adaha amniga aanay joogin dadkii shaqadaas yaqaanay, islamarkaana ay fursadaasi ka faa’iideysteen dagaalyahannada Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay. Ugu dambeyn wuxuu kula taliyey madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay la yimaadaan qorshe ka duwan midka ay hadda ku howlgalaan ciidamada ammaanka, si looga hortago wejiga cusub ee ay hadda la soo baxeen dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab.
-
(SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qorsheynaya in afar dal oo Afrikaan ah uu kusoo roggo xayiraad dhanka socdaalka ah, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha. Waxaana la filaya in afarta dal ee uu Trump kusoo roggayo xayiraadda socdaalka ay kala yihiin Nigeria, Tanzania, Suudaan iyo Eritrea, sida laga soo xigtay warbaahin dhowr ah oo ka howlgalo Mareykanka kuwaas oo la hadlay dadka soo arkay liiska. Madaxweyne Trump oo wareysi siinayay Jornaalka Wall Street Salaasadii ayaa xaqiijiyay inuu ka baaran degayo in dalalka qaar uu ku dari doono liiska waddamada uu xayiraadda dhanka socdaalka ah kusoo roggay balse wuxuu diiday inuu shaaca ka qaado magacyada dalalkaas. Warbaahinta ayaa sidoo kale ku warrantay in liiska dalalkaas laga doodayo isla markaasna laga yaabo in toddobaadka dambe shaaca laga qaado. Source
-
Warar dheeraad ah laga helayaa, duqeymo xooggan oo xalay ka dhacay degaanno ka tirsan gobolada Shabeellada Hoose iyo Jubbada Dhexe, kuwaas oo lala beegsaday saraakiil iyo Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab. Degaanada duqeymaha lala beegsaday waxaa kamid ah Saakow, Hargeysa-yarey, iyo degaano u dhexeeya Jilib iyo Bu’ale oo ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe. Duqeynta koowaad ayaa ka dhacday, tuulada lagu magacaabo Hargeysa-yarey, waxaana la sheegay in halkaas lagu burburiyey xarun Maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ku lahaayeen duleedka degaankaas. Wararku waxay intaas ku darayaan, in duqeynta ay ku dhinteen saraakiil iyo malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo degaanka ku sugnaa. Sidoo kale, degmada Saakow waxa la soo weriyay in duqeyn lala beegsaday xarun kale oo Maleeshiyada Al-Shabaab ay ku lahaayeen, Xeradaas ayaa waxaa ugu keydsanaa hub badan, kaas oo duqeynta lagu burburiyey. PUNTLAND POST The post Faahfaahin ka soo baxaysa duqeymo xooggan oo xalay lala beegsaday Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
