-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku meel mariyeen dib-u-eegis lagu sameeyay Sharciga La-dagaallanka Burcad-badeedda iyo ka-hor-tagga Afduubka. Ujeedda sharcigaan ayaa ah tilmaamidda iyo nidaaminta dembiyada la xariira burcad-badeednimad iyo afduubka iyo xukunnada ka dhalanaya fal-debmiyeedyadaas loo geysto dadka, diyaaradaha, maraakiibta iyo doomaha isaga goosha xudduud badeedka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah. Sharciga La-dagaallanka Burcad-badeedda iyo ka-hor-tagga Afduubka ee Sharci Lr. 36 ayaa soo baxay Abriil 30, 1975. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa guddoomiyay kulanka oo sidoo kale lagu meel mariyay heshiiska laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Rwanda ee duullimaadyada iyo heshiis is-dhaafsi xarumo Diblamaasiyadeed oo dhex maray Jamhuuriyadaha Soomaaliya iyo Turkiga. PUNTLAND POST The post Golaha Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay dib u-eegista Sharciga La’dagaallanka Burcad-badeedda appeared first on Puntland Post.
-
Inkasta oo maamulka Farmaajo uu mar weliba sheego horumar laga gaaray dhanka maaliyadda, isla xisaabtanka iyo dib u habeynta hey’adaha dhaqaalaha, xiriir wanaagsanna uu kala dhaxeeyo hey’adda IMF-ta iyo bangiga adduunka, hadana taasi kama saarin liiska ugu hooseeya musuqa adduunka ee 2019-ka. Waa sanadkii 3-aad ee maamulkiisu noqdo kan ugu musuqa badan dunida. Transparency International, oo soo saartay warbixinteeda 2019, kana sameysay ilaa 180 dal oo caalamka ah, Soomaaliya waa dalka 180-naad, dalka ugu liita ama ugu hooseeya liiska, oo waxaa ay heshay 9 dhibic ee 100-ka dhibici ee cabirka CPA. Sanadkii tagay waxaa ay Soomaaliya aheyd sidoo kale dalka ugu liita musuqa laakin dhibcaha ay heysatay waxaa uu ahaa 10/100 laakin sanadkan hoos ayey uga dhaceen oo waa 9 dhibic. Hey’addan waxaa ay la yaabtay madaxda Afrika oo qaarkood afka ka sheega ladagaalanka musuqa amaba kursiga kuyimid oo hadana iyagii ceebta dhex fadhiya. Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo markii xafiiska qabanayey waxaa uu xildhibaannada hortooda ka balanqaaday in Soomaaliya ay noqon doonto sida Denmark, laakin 3 sano kadib waxaa uu dhex jiifaa ceebtii uu ka sheekeynayey. Khudbadda Murashax Farmaajo 2017: “Musuqmaasuqa waa cadowga siyaasadda cadowga dowladeed waaye sida shabaabka ay cadowga shacabka u yihiin yaana musuqmaasuqa u yahay cadowga horumarka waxaa laba bil ka hor ay soo saareen waxaa la soo saaray inaan nahay waddanka ugu musuq maasuqa badan aduunka 176 baan uga jirnaa, waddanka ugu horreeyana waa Denmark, maxaa noo diiday inaan Denmark latartano? maxaan ugu jirnaa inaan noqono dadka ugu xun dunida? illeen musuqmaasuq micnaheedu waa tuug diinteena ma ogola dad islaam ah ayaan nahay ,maxaa nagaarsiiyay inuu aduunka nala yaabo ay yiraahadaan dadkaan bani aadam maahaan . “Walaalayaaloow mudanayaal iyo marwooyin hadaad idoorataan musuqmaasuqeyga musuqmaasuqa waa beegsigeyga ugu horreeya waa la dagaalamaynaa si fool xunna waan ula dagaalamaynaa qofkii hantida qaranka ku takri fala umaddana waan ku ceebaynaynaa xabsi dheerna waan u diraynaa “. Transparency International, waxaa ay ku talineysaa mar haddii doorasho la aadayo 2020-ka in Soomaaliya ay hirgeliso barnaamij isla xisaabtan oo dhab ah. Dhanka kale, 32 ayey 100 ka keeneen dalalalka saxaraha ka hooseeya. Dalalka ugu hooseeya waxaa kale oo ka mid ah Koonfurta Suudaan, Yemen. W/D: Cabdi Caziz Gurbiye Goobjoog News
-
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Khamiis ah magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kula kulmey Safiirka mareykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Yukio Yamomoto. Kulanka ayaa lagaga wada hadley xaalada Siyaasada dalka, arrimaha amniga iyo mashaariicda horumarineed ee ay Wakaalada Horumarinta ee Maraykanka (USAID) ka wado deegaanada Jubbaland. Xaalada siyaasada ee dalka ayay madaxweynaha iyo safiirku isla qireen muhiimada ay leedahay wada shaqeynta Dowlada federaalka iyo Dowlad goboleedyada si caqabadaha kala duwan ee dalku kujiro si wadajir ah loogu wajaho xalna looga gaaro. Sidoo kale kulanka ayaa looga wada hadley arrimaha amniga iyo baahida loo qabo in howlgal loo dhanyahey la qaado kaas oo ay ka qeyb qaadanayaan DFS, Dowlad goboleedyada, Amisom iyo ciidamada mareykanka ee ku sugan Soomaaliya, howlgalkaas oo noqon kara xalka ugu dhow ee dalka nabadiidka laga sifeyn karo. Madaxweynaha Jubbaland ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey ciidamada Maraykanka ee ku sugan magaalada Kismaayo kuwaas oo la howlgala ciidamada Jubbaland qeybahooda kala duwan ee sida joogtada ah ula dagaalama argagixisada ragaadisey dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa Dowlada Maraykanka ugu mahadceliyey Wakaalada Horumarinta ee Maraykanka (USAID) taas oo tiro mashaariic ah ka fulisey deegaanada xorta ee Jubbaland. Ugu danbeyn safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Yamomoto ayaa madaxweynaha Jubbaland uga mahadceliyey sida hagar la’aanta ee uga qeyb qaatey nidaamka deyn cafinta Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubaland iyo safiirka Maraykanka oo ku kulmay Nairobi appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta kulan soo dhoweyn ah kula qaatay magalaada Garoowe wefti Isimmo ah uu hogaaminayo Garaad kulmiye Garaad Maxamuud Garaad Wiil-waal, kuwaas oo kasoo kicitimay dowlad deegaanka Soomaalida. Kulanka soo dhoweynta ah ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Isimo iyo masuuliyiin kale. Weftiga Isimada ah ayaa safarkoodu daaranaa dhamaystirka Heshiis Beelo Walaalo ah oo 2 sano ka hor diriri ku dhexmartay deegaanka Dhumay ee Koonfurta gobolka Sool. Hoos ka daawo muuqaalka iyo sawirada PUNTLAND POST The post Ku simaha madaxweynaha Puntland oo la kulmay Garaadka guud ee dowlad degaanka Soomaalida appeared first on Puntland Post.
-
New York (Caasimada Online) – Wargeyska the New York Times ee ka soo baxa dalka Mareykanka oo soo xiganaya saraakiil milateri oo Mareykan ah ayaa wax ka qoray weerarkii toddobaadyo kahor ururka Al Shabaab ay ku qaadeen saldhig ay ciidamada Mareykanka ku leeyihiin deegaanka Manda Bay ee gobolka xeebta ee dalka Kenya. New York times ayaa daabacay in saraakiisha ciidamada Mareykanka ay aad uga niyad jabeen ciidanka Kenya, kadib weerarkii Manda Bay. Wargeyska oo aan sheegin magacyada saraakiisha uu soo xigtay ayaa qoray in markii ay Al Shabaab soo weerareen saldhigga ay ciidanka Mareykanka ee sida gaarka ah u tababaran muddo ku qaadatay in ay ka jawaabaan weerarka, maadaama ciidanka Kenya ee loogu talagalay in ay ilaaliyaan saldhigga ay ku dhuunteen cawska markii uu weerarka bilawday. Askarta Mareykanka iyo shaqaalihii kale ee ku sugnaa saldhigga oo xilliga uu weerarka dhacayay la sheegay in aysan ku baraarugsaneyn ayaa markii la weeraray saldhigga, wuxuu wargeyska sheegay in ay ku dhuunteen teendho xerada ku dhisneyd, waxaana ciidanka Mareykanka ay ku qaadatay saacado, si loo samata bixiyo dadka dhaawacmay, kuwaas oo markii dambe la geeyay saldhigga ciidanka Mareykanka ee dalka Jabuuti. “Weerarka wuxuu tusinayaa in habacsanaan dhanka ammaanka oo aad u daran ay jirto marka la eego saldhigga halka uu ku yaala oo ah xuduudda Soomaaliya,” ayuu yiri Murithi Mutiga, oo katirsan hey’adda xasaradaha caalamka ee ICG. Ciidanka Mareykanka ayuu wargeyska sheegay in ay aad isugu haleynayeen ciidanka Kenya ee ilaalada ka ahaa xarunta, kuwaas oo uu sheegay in loo igmaday in ay ilaaliyaan saldhigga, maadaama ciidamada Mareykanka ay halkaas ku yar yihiin. “Ciidanka Kenya uma diyaarsana oo uma tababarno sida kuwa Mareykanka, wayna sahlan tahay in Al Shabaab ay gudaha u galaan saldhigga marka uu weerar dhaco,” ayuu yiri Michael Waltz oo hore uga soo mid noqday ciidanka Mareykanka ee Afrika jooga. Wargeyska ayaa sidoo kale soo wariyay in saraakiisha Mareykanka ay aad ula yaabeen ciidanka Kenya kadib markii ay shaaciyeen inay gacanta ku dhigeen 6 ka mid ah raggii weerarka soo qaaday, kuwaas oo markii dambe la ogaaday in ay ahaayeen dad goobjoogayaal kadibna lasii daayay. Al Shababa ayaa weerarkaas ku burburiyay qalab milateri oo ay lahaayeen ciidanka Mareykanka iyo goob ay ciidanka ku keydsanayeen shidaalka, waxaana weerarkaas Mareykanka kasoo gaaray khasaaro malaayiin doolar ah. Warbixin ay soo saartay Wasaarada Difaaca Mareykanka ayaa lagu sheegay in weerarka lala beegsaday xarunta milatari ay ku dhinteen hal askari iyo laba qandaraasleyaal ah, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay laba qof oo reer Mareykan ah. Saldhigga ciidamada badda ee Mareykanka ee Manda Bay ayaa waxaa ku sugan ciidan dhan 200 oo askari, kuwaaas oo isugu jira duuliyeyaal, askar milateri iyo shaqaale katirsan Wasaaradda Gaashaandhigga ee Mareykanka, waxaan halkaas ay tababar ku siiyaan ciidamada Kenya. Afhayeenka milateriga Kenya, Paul Njuguna oo ka hadlay warbixinta uu qoray wargeyska ayaa beeniyay in ciidanka Kenya ay gabaad ka dhigteen cawska. “Waa wax lala yaabo halka ay warbixinta wargeyska ka timid iyo sababta loogu soo aadiyay xilligan oo aynu sugeyno gabagabada baritaanka ku aadan weerarka, xaqiiqda waxaan ka hadli karnaa marka lasoo dhameystiro warbixinta iyo sida ay wax u dhaceen”, ayuu yiri afhayeenka ciidanka Kenya oo la hadlay wargeyska the Daily Nation ee kasoo baxa Nairobi. Guddi isku dhaf ah ayaa loo saaray in ay ka soo warbixiyaan weerarka, kadib markii safiirka Mareykanka ee Kenya, Kyle McCarter iyo taliyaha ciidamada badda ee Kenya Jeneraal Levi Mghalu ay booqdeen saldhigga weerarka kadib. Xigasho: BBC
-
Inkasta oo maamulka Farmaajo uu mar weliba sheego horumar laga gaaray dhanka maaliyadda, isla xisaabtanka iyo dib u habeynta hey’adaha dhaqaalaha, xiriir wanaagsanna uu kala dhaxeeyo hey’adda IMF-ta iyo bangiga adduunka, hadana taasi kama saarin liiska ugu hooseeya musuqa adduunka ee 2019-ka. Waa sanadkii 3-aad ee maamulkiisu noqdo kan ugu musuqa badan dunida. Transparency International, oo soo saartay warbixinteeda 2019, kana sameysay ilaa 180 dal oo caalamka ah, Soomaaliya waa dalka 180-naad, dalka ugu liita ama ugu hooseeya liiska, oo waxaa ay heshay 9 dhibic ee 100-ka dhibici ee cabirka CPA. Sanadkii tagay waxaa ay Soomaaliya aheyd sidoo kale dalka ugu liita musuqa laakin dhibcaha ay heysatay waxaa uu ahaa 10/100 laakin sanadkan hoos ayey uga dhaceen oo waa 9 dhibic. Hey’addan waxaa ay la yaabtay madaxda Afrika oo qaarkood afka ka sheega ladagaalanka musuqa amaba kursiga kuyimid oo hadana iyagii ceebta dhex fadhiya. Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo markii xafiiska qabanayey waxaa uu xildhibaannada hortooda ka balanqaaday in Soomaaliya ay noqon doonto sida Denmark, laakin 3 sano kadib waxaa uu dhex jiifaa ceebtii uu ka sheekeynayey. Khudbadda Murashax Farmaajo 2017: “Musuqmaasuqa waa cadowga siyaasadda cadowga dowladeed waaye sida shabaabka ay cadowga shacabka u yihiin yaana musuqmaasuqa u yahay cadowga horumarka waxaa laba bil ka hor ay soo saareen waxaa la soo saaray inaan nahay waddanka ugu musuq maasuqa badan aduunka 176 baan uga jirnaa, waddanka ugu horreeyana waa Denmark, maxaa noo diiday inaan Denmark latartano? maxaan ugu jirnaa inaan noqono dadka ugu xun dunida? illeen musuqmaasuq micnaheedu waa tuug diinteena ma ogola dad islaam ah ayaan nahay ,maxaa nagaarsiiyay inuu aduunka nala yaabo ay yiraahadaan dadkaan bani aadam maahaan . “Walaalayaaloow mudanayaal iyo marwooyin hadaad idoorataan musuqmaasuqeyga musuqmaasuqa waa beegsigeyga ugu horreeya waa la dagaalamaynaa si fool xunna waan ula dagaalamaynaa qofkii hantida qaranka ku takri fala umaddana waan ku ceebaynaynaa xabsi dheerna waan u diraynaa “. Transparency International, waxaa ay ku talineysaa mar haddii doorasho la aadayo 2020-ka in Soomaaliya ay hirgeliso barnaamij isla xisaabtan oo dhab ah. Dhanka kale, 32 ayey 100 ka keeneen dalalalka saxaraha ka hooseeya. Dalalka ugu hooseeya waxaa kale oo ka mid ah Koonfurta Suudaan, Yemen. W/D: Cabdi Caziz Gurbiye, Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta ka qeyb galay Aas qaran oo loo sameeyey Alle haw naxariistee Marxuum xildhibaan Axmed Cabdi Casood oo ka tirsanaa mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland. Madaxweyne ku xigeenka ayaa guud ahaanba qaranka Somaliland gaar ahaana Qoyskii qaraabadii ehelkii iyo Golihii wakiilada ee uu ka baxay uga tacsiyadeeyey geerida Marxuum Axmed Cabdi Kaahin oo qaranka xilal kala duwan kasoo qabtay, waxaana uu Madaxweyne ku xigeenku sheegay inuu laba jeer soo noqday Xildhibaan sidoo kalena soo qabtay Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyarada, waxaana uu xusay inuu ahaa shakhsi wanaagsan oo tacab badan soo geliyey qaranka. Alle haw naxariistee Marxuum Axmed Cabdi Kaahin ayaa maanta lagu aasay Xabaalaha Baqiic ee Magaalada Hargeysa waxaana Madaxweyne ku xigeenka ku wehelinaayey Aaska, Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax iyo Xildhibaano ka tirsan labada golle ee Wakiilada iyo guurtida. Allaa Mahad Leh Source

Muqdisho (SMN) – Howgalka nabad ilaalinta midowga Africa ee AMISOM ayaa magaalada Baydhabo tababar laba maalmood socday ugu soo gabagabeeyay xubno ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Tababarka oo laba maalmood socday ayaa waxaa si wadajir ah usoo agaasimay AMISOM oo kaashaneysa xafiiska QM u qaabilsan arrimaha bini’aadanimada uu ku leeyahay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Tababarka oo ku saabsanaa horumarinta iyo sare u qaadista ka war qabka arrimaha bini’aadanimada ee ka jira deegaanada iyo degmooyinka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Si kastaba ha’ahaatee, tababarka ayaa waxaa ka qeyb galau 27 masuul oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana kamid ahaa masuuliyiintaasi 15 haween ah oo ka tirsan wasaaradaha haweenka iyo arrimaha bini’aadanimada, amaanka iyo cadaalada ee Koonfur Galbeed. Xaflada xiritaanka ee tababarka ayaa waxaa kasoo qeyb galay wasiirka haweenka ee maamulka Koonfur Galbeed Somaaliya Fa’iza Maxamed iyo mas’uuliyiin ka socday maamulka KGS iyo Qaramada Midoobay. Madaxda maamulka Koonfur Galbeed ee kasoo qeyb galay kulanka ayaa waxay uga mahad celiyeen AMISOM iyo Qaramada Midoobay,dedaalka ay ugu xoojinta ha’yadaha maamulka Koonfur Galbeed Somaaliya. View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa si adag uga hadashay hadal ka soo yeedhay Jeneraal Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) oo inuu sax ahaa ku sheegay duulaankii dadka badan lagu xasuuqay ee dowladii kacaankii ay ku qaaday Somaliland. Saleebaan Yuusuf Cali Koore, Wasiirka Warfaafinta Somaliland ayaa ugu horeyntii Shacabka reer Somaliland uga tacsiyadeeyay hadalkaasi ka soo yeedhay Jeneraal Cabdiraxmaan Guulwade Wasiirka ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo aysan marnaba daacad ka aheyn wada-hadalo midho dhala oo labada dhinaca dhex-mara, maadama uu xusay inuu Guulwade hore ugu magacaabay Wada-hadalada Somaliland iyo Dowladda federaalka. Koore ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay mareyso ciqaabta dhibtii ay u geysteen deegaanada Somaliland oo ay hore xasuuq ugu geysatay dowladdii Kacaankii. “Farmaajo marka uu Ninkaas u magacaabey Wada-hadalada Somaliland waxa muuqatay inaanu Jeclayn inuu sii socdo Wada-hadaladii u dhaxeeyay Somaliland Iyo Soomaaliya” Ayuu yiri Wasiirka warfaafinta Somaliland. Wuxuuna intaas kusii daray Wasiirku “Dhibtii ay gaysteen waagaasi ayey hada Dheefteedii heleen Maydkoodina ilaa hada waa la kale guri laayahay”. Madaxweyne Farmaajo ayaa hore ugu magacaabay Danjire Cabdiraxmaan Guulwade xubin ka tirsan ‘Guddiga qaran ee Dhab u heshiisiinta iyo Wada-hadalada Dowladda federaalka iyo Somaliland’, inkasta oo uu iska casilay Xubinimadaasi. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa iyaduna shalay soo saartay War-murtiyeed ay iskaga fogeynayso hadalkaasi ka soo yeedhay Guulwade oo u muuqda mid sii hurinaya kala fogaanshaha Dowladda federaalka iyo Somaliland.
-
Muqdisho (SMN) – Warbixin ay soo saartay Hay’adda la dagaallanto musuqmaasuqa ee Transparency International ayaa qiimeysay heerka musuq maasuq ee ku dhawaad 180 wadan oo Soomaaliya ay ku jirto. Hay’addan fadhigeedu yahay Jarmalka ayaa sameysay qiimeynta iyadoo adeegsaneysa 0 ilaa 100 iyadoo eber ay ka dhigan tahay in uu musuqa dalkaasi aad u sareeyo halka boqolkana ay ka dhigan tahay in musuqa dalkaasi uu aad u hooseeyo. Hay’ada ayaa warbixinteeda ku xustay in qiyaastii laba ilaa sadex meelood wadama gaaraya uu heerkooda musuq maasuqa ka hooseeyo lambarka 50-aad, taas oo ka dhigan in wadamadaasi aad looga isticmaalo nidaamka musuq maasuqa. Si akstaba ha’ahaatee, ha’ayadan oo qiimeyntan si sanadle ah u sameysay ayaa u adeegsata qiimeynteeda heerarka ganacsi ee ilaa 180 wadan oo ay qiyaasto heerkooda musuq maasuq, iyo sidoo kale khubaro caalami ah oo qimeynta ka qeyb galay. Wadamada kaalmaha ugu hooseya ka galay qiimeynta ee musuqooda uu yaryahay ayaa waxaa kamid ah dalalka New Zealnd iyo Denmak oo wada helay 87 boqolkiiba, waxaana kusoo xiga dalalkaasi wadamada Finland oo heshy 86, Singapore oo 85 ka helay qiimeynta halka Sweden iyo Switzerland ay min 85 wada heleen. Balse dalalka ugu hooseeya ayaa waxaa kamid noqday Soomaaliya oo heshay 9 boqolkiiba, waxaana wehliya South Sudan oo 12 heshay iyo Syria oo 13 boqolkiiba ka helay qiimeynta. View the full article
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, golayaasha guurtida, wakiilada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee wasiirkii hore ee wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha muddooyinkii u danbeeyeyna ahaa Xildhibaan, Marxuum Axmed Cabdi Kaahin Casood oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 23/01/2020, Caasimada Somaliland ee Hargeysa. Waxaanu Madaxweynuhu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi golaha wakiilada Somaliland oo uu marxuumku ka tirsanaa. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi waayo arag ah oo xilal kala duwan ka soo qabtay qaranka Somaliland, kana mid ahaa odayaashii kaalinta weyn ku lahaa dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii shacbiga Somaliland. Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, golayaasha guurtida, wakiilada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source

(SLT-Jigjiga)-Kadib kulan ka dhacay magaalada Adis-ababa ee caasimadda dalka Itoobiya aya ururka ONLF waxa ay sheegeen in ay si rasmi ah ugu biireen Isbaheysi siyaasadeed oo lagaga dhawaaqay Itoobiya iyaga o ku biiraya Xisbiyada Siyaasadeed eek a jira dalkaas. Isbahaysigan cusub ee uu ku biiray Ururuka ONLF ayaa lagu magacaabaa Alliance Multination Democractic Federalism (AMDF), waana mid ka mid ah ururada taageera Nidaamka qowmiyadaha badan ee Federaalka Dimuqraadiga ah ee dalka Itoobiya. Dhinaca kalana Guddoomiyaha guud ee Ururka ONLF Cabdiraxmaan Sheikh Mahdi Maadeey, ayaa Ururka ONLF u saxiixay ku biirista Isbahaysigaan Siyaasadeed. Guddiga doorashada Dalka Itoobiya ayaa ku dhawaaqay in 1-dabisha August sanadkan 2020ka ay dalkaas ka dhaceyso doorashada guud,iyada o Ra’isalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed uu wajahayo tartan culus oo ah kala aragti duwanaanta qowmiyadaha oo kusii fiayo Itoobiya. ONLF oo ku biirtay Isbahaysi cusub oo looga dhawaaqay Caasimada Itoobiya Source

(SLT-Myanmar)-Maxkamadda ugu sarreysa Qaramada Midoobay, ICJ ayaa Khamiista maanta ah soo saari doonta go’aankeeda ku saabsan xasuuqa loo gaystay muslimiinta Rohingya ee laga tirada badan yahay ee ee ku nool Myanmar. Dacwadda ka dhanka ah Myanmar ayaa waxaa gudbisay Dowladda Gambiya bishii Nofembar ee sanadkii hore iyada oo lagu eedeeyay in Myanmar ay geysatay “xasuuq joogto ah” oo ka dhan ah dadka laga tirada badan yahay ee Muslimiinta Rohingya balse Myanmar ayaa beenisay eedeymahaas. Waa gabood falo bani aadan nimada ka baxsan oo laga fuliyay dalkaasi inkastoo haweenayda madaxwaynaha ka ah dalkaasi ay dafirayso xaqiiqda jirta. Inta badan warbaahinta dalkaasi ayaanan ka hadlayn sida ay u arkaan go’aanka kasoo bixi doono maxkamada iyo sida uu dalkooda u saamayn doono. Source

Dhuusamareeb (SMN) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa kulan la qaatay saraakiil ka socotay ciidamadda AMISOM. Saraakiishaan ayaa maanta oo Khamiis ah socdaal aan lasii shaacin ku tegay magaaladda caasimadda ah ee Dhusamareb. Kulanka ayaa la sheegay in diiradda lagu saarey ammaanka deegaanada Galmudug gaar ahaan amniga doorashooyinka Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka. Dhuusamareeb ayaa lagu waddaa in ay maalmaha soo aadan ay martigeliso doorashooyin xasaasi ah, taasoo loogu coddeynayo hogaanka labaad ee maamulkaas. Hoos ka daawo sawirada kulanka View the full article