-
Content Count
213,116 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Aalado ay ku jiraan raadiyaasha ama foomeeyayaasha gacanta oo ay xubnaha ururka Xisbullah iskula xidhiidhayeen, ayaa Arbacadi ku qarxay meelo badan oo ka mid ah koofurta Lubnan, iyadoo ay qaraxyadaasi sababeen dhimasho iyo dhaawac badan. Tani ayaa imaneysa maalin kaddib marki ay ku dhawaad 3,000 oo ka mid ah dagaalyahannada Xisbullah ay ku dhaawacmeen qaraxyo ka dhashay aaladda pagers-ka oo ah qalab is gaadh-siineed oo lagu wada xadhiidho, kuwaas oo ay Xisbullah ka soo iibsatay dibadda. Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa sheegtay, in qaraxyadi Arbacada dhacay ay ku dhinteen 20 qof halka ay ku dhaawacmeen 450 kale. Meelaha ugu badan ee ay raadiyaasha gacanta ku qarxeen ayaa ka mid ah deegaannada ku xeeran duleedka Beyruut iyo Dooxada Beqaac. Weerarradan oo si weyn loo rumeysan yahay inay Israa’iil ku bar-tilmaameedsatay Xisbullah, balse ay ku dhinteen dad rayid ah, ayaa sare u qaaday cabsida laga qabo in colaadda labada dhinac u dhexeysa ay isu baddasho dagaal dhan walba ah. Isra’il si rasmi ah ugama hadlin weerarkaan mana sheegan mas’uuliyaddiisa, hase yeeshee wasiirka difaaca Isra’il Yoav Gallant, ayaa isaga oo la hadlay ciidamada Isra’il Arbacadii sheegay, in Isra’il ay ku jirto billowga waji cusub oo dagaal. Ma soo hadal qaadin aaladaha qarxa balse wuxuu amaanay shaqada ciidamada Israa’iil iyo hay’adaha amniga, isagoo yidhi “natiijooyinka waa kuwo aad u cajiib ah.” Xisbullah waxay weerarkan ku eedeysay Isra’il. Waxayna wacad ku martay in ay ka aargudan doonto. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho laga daah-furay Gole ay ku mideysan yihiin Safiirada waddamada Carabta u qaabilsan dalka Soomaaliya. Daah-furka golahan oo ay goobjoog ka ahaayen mas’uuliyiin ka socda wasaaradda arrimaha dibadda, safiirada Carabta ee fadhigoodu yahay Muqdisho iyo marti sharaf kale ayaa lagu soo bandhigay muhiimadda golahan. Golahan ayaa ah mid inta badan ka dhisan waddamada dunida, waxaana loogu tala-galay inuu xoojiyo isku xirnaanta howlaha waddamada Carabta iyo wada-shaqaynta wakiiladooda. Furitaanka golahan ayaa lagu sheegay “mid kamid ah qorshaha xafiiska Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya uu ku doonayo in kor loogu qaado xiriirka diblomaasiyadeed ee Carabta iyo Soomaaliya.” Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Macallin Fiqi oo madasha ka hadlay ayaa hoosta ka xariiqay in arrintan ay gacan ka geysaneyso xoojinta xiriirka ka dhaxeeya safaaradaha Carabta ee dalkeena. Sidoo kale wuxuu u mahad-celiyay Danjire Cabdullaahi Al-Cutiibi oo ah madaxa wakiilada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya dadaalka uu ku bixiyay golaha laga daah-furay magaalada Muqdisho. Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday sida ay muhiimka u tahay midnimada Jaamacadda Carabta, ahmiyadda ay u leeyahay Soomaaliya iyo go’aankii ugu dambeeyay ee ay ka qaateen damaca guracan ee Itoobiya. “Waxaa dhaweynaynaa tallaabadan muhiimka ah ee muujineysa xiisaha ku aadan dhanka howl-galka Jaamacadda Carabta ee ku wajahan arrimaha Carabta. Waxaa naga go’an inaan xoojinno xiriirka aan la leenahay walaalaheen Carbeed si loo gaaro mustaqbal barwaaqo u horseeda dadkeena,” ayuu yiri wasiir Fiqi. Waxa kale oo uu ku bogaadiyay dalalka Carbeed sida geesinimada leh ee ay u garab istaageen Soomaaliya, ugana dhiidhiyeen xad-gudbka ay kula kacday Itoobiya. “Soomaaliya mar walba waxay awood ku leedahay walaalaheeda Jaamacadda Carabta, go’aamadii ugu dambeeyay ee ay Jaamacadda Carabta kasoo saartay xad-gudubyada Itoobiya ee ka dhanka ah midnimada iyo wadajirka geyiga Soomaaliyeed waxay muujiyeen sida ay uga go’an tahay Jaamacadda inay Soomaaliya ka taageerto qalalaasaha gudaha iyo dibadda ah.” Si kastaba, Soomaaliya ayaa xiriir qoto dheer la’leh waddamada Carbeed, waxayna xubno ka taha Jaamacadda Carabta iyo sidoo kale ururka iskaashiga Islaamka ee OIC. The post GOLE ka dhisan dunida oo si rasmi ah looga daah-furay magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Cutubyo aad u hubaysan oo ka tirsan Ciidamada Puntland ayaa saaka si nabad ah ku soo gudbiyay hub iyo saanad ciidan oo dowladda Puntland ka soo iibsatay Itoobiya. Mileeshiyaad hubaysan ayaa xalay isku dayay in ay furtaan hubkaasi oo marayay degmada Bookh ee gobolka Doollo balse waxa ka difaacay ciidamo ka tirsan dowlad degaanka Soomaalida DDS. Wararka ayaa sheegaya in xalay is rasaasayn xooggan laga maqlay gudaha degmada Bookh kadib markii mileeshiyaad hubaysan isku dayeen in ay furtaan gaadiidkii u hubka u siday dhinaca Puntland. Waxaase si adag hubkaasi u difaacay ciidamo ka tirsan dowlad degaanka DDS kuwaasi oo aroornimadii hore ee saaka ku wareejiyay ciidamada dowladda Puntland oo soo galbiyay islamarkaana si nabad ah ku keenay. PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo Itoobiya ka soo iibsatay hub iyo saanad ciidan oo xooggan appeared first on Puntland Post.
-
Duqa degmada Gaalkacyo Xasan Maxamed Jaamac (Xasan Jidka) ayaa saaka si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu iska casilay Xilkaasi. Guddoomiye Xasan Jidka oo saaka kulan la qaatay bulshada degmada Gaalkacyo ayaa shaaciyay in uu gebi ahaanba iska casilay xilkii guddoomiyaha golaha degaanka degmada Gaalkacyo. Xasan Jidka oo hadal u jeediyay bulshadii uu saaka la kulmay ayaa hortooda ka sheegay in uu banneeyay xilka duqa degmada Gaalkacyo oo markii hore loogu doortay doorasho qof iyo cod. Waxa uu sidoo kale cafis ka dalbaday cid kasta oo wax ka tabanaysay mudadii uu xilka hayay balse ma faahfaahin sababta keentay in uu is casilo. PUNTLAND POST The post Puntland: Duqii degmada Gaalkacyo Xasan Jidka oo saaka xilkii iska casilay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hanti-dhowraha Guud ee JFS, Axmed Ciise Guutaale iyo wafdi uu hoggaaminayey ayaa dhawaan soo gaba-gabeeyay booqasho aad muhiim u ahayd oo uu ku tagay magaalada Oslo ee dalka Norway. Booqashadan oo ay ujeedadeedu ahayd sare u qaadista wada-shaqaynta istiraatiijiga ah ee u dhaxaysa xafiiska hanti-dhowrka huud (XHG) iyo saaxiibbada caalamiga ah, ayaa muujineysa sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee kor loogu qaadayo dowlad wanaagga iyo isla-xisaabtanka. Hanti-dhowraha guud iyo wafdigiisa ayaa, intii uu ku jiray booqashadaas, la qaatay kulan miro-dhal ahaa hindisaha horumarinta hay’adaha hanti-dhowrista guud ee caalamiga ah ee INTOSAI IDI, kaas oo diiradda lagu saaray ahmiyadaha istiraatiijiga ah ee qaab-dhismeedka taageerada laba-geesoodka ah, gaar ahaan qorsheynta istiraatiijiga ah iyo arrimaha la xiriira maareynta tayada. Kulanka ayaa sidoo kale lagu xaqiijiyey muhiimadda “mashruuca taageerada saaxiibbada” (Peer-support Project), kaas oo ah heshiis wada-shaqayn oo u dhaxeeya XHG, IDI iyo ururka hay’adaha hanti-dhowrada guud ee Afrika ee ku hadla af Ingiriiska (AFROSAI-E). Heshiiskan ayaa waxa uu ku eg yahay sanadkan 2024, balse waxaa doodaha kulanka qayb ka ahaa in la sii wado, lana sii xoojiyo iskaashigaas sanadaha soo socda. Intaas waxaa dheer in wafdigu uu la kulmay wakiillo sare oo ka socda wasaaradda arimaha dibadda Norway (MFA) iyo wakaaladda horumarinta iyo Iskaashiga Norway (NORAD). Dhamaan wada-hadallada dhacay waxaa xudun u ahaa sii wadida taageerada ay Norway ku bixiso dib-u-habaynta dowlad wanaagga iyo hindisayaasha horumarinta maamulka maaliyadda guud ee dalka. Kulamada dhacay waxay fursado hor leh siinayeen sahminta meelaha ay dowladda Norway sare uga sii qaadi karto kaalmada horumarineed ee dowlad-dhiska Soomaaliya iyo dadaallada lagu xoojinayo awoodda XHG, iyada oo diiradda la saarayo horumarinta joogtada ah ee hay’adaha dowliga ah iyo maaraynta hufan ee khayraadka. Booqashada waxaa, sidoo kale, qayb ka ahayd in hanti-dhowraha guud uu tagay xarunta barlamaanka Norway, halkaas oo isaga iyo wafdigiisuba ay kula kulmeen xubnaha guddiga joogtada ah ee baarista iyo arrimaha dastuurka. Inta ay booqashadaasi socotay, labada dhinacba, waxay dul-istaageen sida ay uga go’an tahay dhiiragelinta daahfurnaanta, isla-xisaabtanka iyo xoojinta dowlad wanaagga, waxa ayna diiradda saareen muhiimadda ay hay’adaha kormeerku u leeyihiin xaqiijinta la xisaabtanka dowladda, iyada oo uu hanti-dhowraha guud ka mahadceliyey waaya-aragnimada ay ka heleen baarlamaanka Norway. Si kastaba ha ahaatee, booqashadu ma ahayn oo kaliya in hanti-dhowraha guud ee JFS uu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah ee uu XHG la leeyahay Norway, balse waxa uu bidhaamiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in ay dhisto haykalkeeda dowladnimo, iyada oo la kaashaneysa daneeyayaasha muhiimka ah oo dhan. La-macaamilka joogtada ah ee daneeyayaasha sida IDI, MFA, NORAD iyo baarlamaanka Norway waa qayb aad muhiim ugu ah dadaallada socda ee uu XHG ku xoojinayo maaraynta maaliyadda guud iyo horumarinta dowlad wanaagga Soomaaliya. The post Dowladda Soomaaliya oo arrimo muhiim ah ka dhaxashay booqashadii Norway ee… appeared first on Caasimada Online.
-
Kenya’s proposed Sh6.7 billion Mpox response fund is not enough and has not been effectively prioritised, several groups have said. Source: Hiiraan Online
-
Somalia, Thursday, lauded Turkiye for its “unwavering support” and robust diplomatic relations. Source: Hiiraan Online
-
Khartoum (Caasimada Online) – Ciidamada Suudaan iyo xoogaga RSF ayaa ku dhowaaqay in ay diyaar u yihiin in xal nabadeed laga gaaro dagaalka sokeeye ee Sudan ka socda muddada 17-ka bilood ah. Hadalka kasoo baxay garabyada ku dagaallamaya Sudan ayaa u muuqdo mid ay uga jawaabayaan, baaq uu madaxweynaha Mareykanka Joe Biden u diray millatariga Sudan iyo kooxda RSF, oo uu ku boorriyay in ay dib u wada hadlaan. Madaxa ciidanka qalabka sida ee Sudan, Abdel Fattah al-Burhan ayaa sheegay in dowladda Sudan ay u farantahay dhammaan dadaallada wax ku oolka ah ee hadafkoodu yahay in lagu dhammeeyo dagaalka. Sidoo kal waxaa isna shalay Khamiisti bayaan kaasi la mid ah soo saaray hogaamiyaha RSF Mohamed Hamdan Dagalo. Hase yeeshee, labadan nin ayaa midba midka kale ku eedeeyay guuldarrada soo afjaidda dagaalka lagu hoobtay ee Sudan, kaas oo tan iyo bishi April ee sannadki 2023-ki ay ku dhinteen in ka badan 12,000 oo qof. Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa maalmo ka hor ugu baaqay dhinacyada isku haya Suudaan in ay dib u wada-hadlaan si loo soo afjaro dagaalka sokeeye. Mareykanka ayaa horay ugu eedeeyay labada dhinac in ay galeen dambiyo dagaal, waxaana uu cunaqabateyn saaray 16 qof iyo hay’ado ku lug leh dagaalka. Mareykanka wuxuu sheegay in uu indhaha ku hayo dagaalka isla markaana ay suuragal tahay in uu soo rogo cuna-qabateyn dheeraad ah. The post War cusub oo kasoo kordhay dagaalka SUDAN appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya u fadhin doona magaalada Washington Danjire Daahir Xasan (Daahir Carab). Danjire Daahir Carab ayaa Madaxweyne Joe Biden gaarsiiyay dhambaal uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Danjire Daahir Carab oo muddo dheer guddoomiye ka ahaa jaamacadda SIMAD ayaa dhowaan loo magacaabay safiirka Soomaaliya ee dalkaasi mareykanka oo kamida dalalka ugu muhiimsan ee ay JFS xariirka la leedahay. Source: goobjoog.com
-
Turkey seeks to meet Somalia, Ethiopia separately before new mediation talks Turkish FM says Ankara aims to speak separately with Somalia and Ethiopia to converge their positions on a port deal Addis Ababa signed with the breakaway Somaliland region. ANKARA – Turkey aims to speak separately with Somalia and Ethiopia to converge their positions on a port deal Addis Ababa signed with the breakaway Somaliland region, and will continue mediation efforts later, Foreign Minister Hakan Fidan said on Thursday. Turkey has so far hosted two rounds of meetings between the East African neighbours in an attempt to repair their relations. A third round of talks initially set take place in Ankara on Tuesday was cancelled. MEO Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Muqdisho iyo Baydhaba waxa ka socda kulamo la doonayo in xal loogu helo khilaafka u dhaxeeya Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed, kuwaas oo garabka ugu muhiimsan uu hoggaaminayo Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliya Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan. Sidoo kale xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in dowladda Turkiga ay soo faro-gelisay khilaafka DF iyo K/Galbeed, waxaana shalay iyo maanta socday wadahadallo aan weli natiijadooda la shaacin, waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda hormar laga gaaro wadahadalka, maadaama dhinacyadu aysan isku heyn qadiyado waaweyn. Taliyaha ciidamada Asluubta ayaa shalay tegay magaalada Baydhaba, si dowladda dhexe iyo maamulka Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen uu u dhexdhexaadiyo, waana sarkaal idman oo saaxiib la ah Xasan Sheekh iyo Laftagareen labadaba. Sidoo kale Jeneraal Mahad wuxuu dhalay xaaska Madaxweyne Laftagareen, waana qofka ugu horeeya ee Laftagareen uu talada ka qaato, hadda wuxuu u kala dabqaadayaa dowladda dhexe oo xil sare uu ka hayo iyo wiilkiisa Cabdicasiis Lagtagareen. Xubno xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay inay suurtagal tahay in lasoo saaro isfaham dhigaya in madaxda dowladda federaalka iyo Cabdicasiis Laftagareen ay si fool ka fool ah u kulmaan, waxaana suurtagal ah in Koonfur Galbeed ay shuruud ka dhigto in kulankaas uu ka dhaco meel ka baxsan Muqdisho. Wararka qaar waxay sheegayaan inay suurtagal tahay in la isla aado Ankara oo madaxda dowladda federaalka iyo Koonfur Galbeed ay u kala gar-qaado dowladda Turkiga oo soo farogelisay xiisadaan. Xiisadaan ayaa salka ku heysa doorashada daahday ee madaxtinimada Koonfur Galbeed iyo damaca Itoobiya oo ka soo dhex hadashay dad reer K/Galbeed ah oo Laftagareen uu ugu horeeyo, taasi oo dhabar jab ku ah qaranimada Soomaaliya, kana caroodeen dowladda dhexe iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed. Dowladda federaalka iyo Laftagareen ayaa isku haya doorashada iyo qaabka loo qabanayo, waxaana xiisadaan dabka ku sii shideysa Itoobiya oo noqotay wadan cadow ku ah Soomaaliya, waxayna la safteen hoggaamiyaha K/Galbeed si siyaasadda dalka ay u qasaan, saameyna ugu yeeshaan. The post Xog: Turkiga iyo xubno saameyn leh oo ku soo baxay xiisadda DF iyo K/Galbeed + qorshaha socda appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno gobolka Shabeellada Hoose waxay sheegayaan in galabta maqribkii ay dhacday, isla markaana burburtay Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah ee ciidamadu adeegsadaan. Shilkaasi wuxuu ka dhacay aagga deegaanka Carbiska oo hoos taga degmada Afgooye, waxaana ka badbaaday saddex qof oo la socday oo u dhashay dalka Uganda. Shilkaan ayaa shacay markii laga baxay salaada Makhrib, deegaanka ay diyaaraddu ku soo dhacday waxaa xukuma ciidamada dowladda. Diyaaradan oo nooca qumaatiga u kaca ah ayaa ka duushay magaalada Muqdisho, waxayna ku sii jeedday saldhiga Ballidoogle, sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo wareedyo xog ogaal ah. Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu shilku ka dhacay, iyagoo soo badbaadiyay dadkii saarnaa diyaaradda oo caafimaad qaba. Si rasmi ah looma shaacin sababta kaliftay in diyaaradaasi ay dhacdo wax yar kadib markii ay ka duushay magaalada Muqdisho, waxaana socda baaritaano ku saabsan shilkaas, sida ay noo sheegeen xubnaha noo waramay. Diyaaradda dhacday waxay siday sahay ay lahaayeen ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS, waxayna u socotay saldhigga Balidoogle ee gobolka Sh/Hoose oo ay degan yihiin ciidamada Danab ee xoogga dalka, kuwa Mareykanka iyo qeyb ka mid ah ciidamada ATMIS. Sida ay noo xaqiijiyeen xubnaha noo waramay waxa ma gaarin 3-dii qof ee Uganda u dhalatay ee diyaaradda la socotay, maadaama markii xaalku ku xumaaday ay u soo dhowaatay dhulka, isla markaana ay dhacday iyadoo ku socota joog hoose. The post Xogta Diyaarad dagaal oo ku soo dhacday duleedka Muqdisho iyo xubno la socday appeared first on Caasimada Online.
-
Wararka ka imaanaya deegaanka Carbiska ee u dhow degmada Afgooye ayaa sheegaya in Diyaarad noocw qumaatiga u ahi ay ku dhacday beer u dhow Xero ciidamada ATMIS ay ku leeyihiin deegaankaas. Diyaaradan ayaa la sheegay inay waday Hub tiro badan, sidoo kalena ay La socdeen 4 qof oo aan xog dhamaystiran laga hayn cidda ay yihiin, kuwaas oo ka baxay magaalada Muqdisho, islaamrkaana ku sii jeeday Garoonka Mlitariga Belidoogle ee gobolka Shabellaha hoose. Wararka qaar ayaa sheegaya in Diyaaradda ay qabsatay cilad dhanka Matoorka ahi, afarta qof ee saarnaa ay soo gaareen dhaawacyo kala duwani, balse weli xogta diyaaraddaas oo dhamaystiran lama helin, dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada ATMIS midkoodna kama hadlin, waxaana jira shaki ah inay kooxda Alshabaab hub u siday . Source: goobjoog.com
-
Waxaan halkaan hoose ku falanqeynaya Hindisaha Xeerka Doorashooyinka Qaranka ee Qof iyo Cod (Q&C) ee Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) ansixiyay 8dii Agoosto 2024. Waxaan ka afeefanaya xaqiijinta asal ahaanta, sugnaanta xeerka sababtoo ah inay suura gal tahay in isbeddel lagu sameeyay xeerka kaddib markii Golaha Wasirrada ansixiyay. Waxaa shaki weyn laga qabaa asal ahaanta dokumentiga ka soo baxa xafiisyada/hay’adaha dowladda heer kasta iyo xafidaadooda, oo ah keyd dadweynaha Soomaaliyeed leeyahay. Source: Hiiraan Online
-
Tensions between Egypt and Ethiopia have escalated in recent days. Relations between the two African countries, already strained since 2011 due to Ethiopia’s construction and filling of the Great Ethiopian Renaissance Dam (GERD) on the Blue Nile—a project Egypt views as a major threat to its water and food security—have further deteriorated. The recent downturn comes after Egypt forged closer ties with Ethiopia’s rival, Somalia. Source: Hiiraan Online
-
460374060_886236046282102_7503554913274166387_n Qaran News
-
Mogadishu (HOL) — A Somali mother and her four-year-old daughter drowned in the Loing River in northern France on Monday, local reports confirm. The tragedy unfolded in Nemours, located in the Seine-et-Marne region, when the young girl accidentally fell into the river, and her mother drowned while attempting to save her. Source: Hiiraan Online
-
Turkey will hold separate talks with Horn of Africa rivals Somalia and Ethiopia in an effort to ease tensions between them before a new round of Ankara-hosted talks, the foreign minister said on Thursday. Source: Hiiraan Online