-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dood ka dhalatay janaaso lagu tukaday haweeney jidhkeeda ka ganacsan jirtay Hamida Begum wiilkeeda oo lagu magacaabo Mukul Seikh, wuxuu ku tugaday qabriga hooyadiis hortiisa Dadka u dooda xuquuqda aadanaha ee waddanka Bangladesh ayaa soo dhaweeyay janaasadii ugu horreysay ee abid waddankaas loogu tukado meydka qof jirkiisa ka ganacsan jiray, iyadoo halkaasna ay ku burburtay dood muddo dheer ka taagneyd waddankaas ay Muslimiinta ku badan yihiin. Hamida Begum, oo ka shaqeyn jirtay mid ka mid ah xarumaha ugu waaweyn adduunka ee dumarka jirkooda uga ganacsadaan, ayaa xanuun u geeriyootay isbuucii lasoo dhaafay, iyadoo 65 jir ah. Tiro dad ah ayaa isugu tagay qabrigeeda, si ay goob joog ugu noqdaan janaasada lagu tukaday ee taariikhda ka gashay waddankaas. Sharciga waddanka Bangladesh wuxuu oggolyahay howlaha la xiriira in haweenka ay jirkooda ka ganacsadaan, laakiin culumada diinta islaamka ee dalkaas ayaa horay u diiday in qof noocaas ah meydkiisa janaaso lagu tukado. Xitaa waxaa dadka jirkooda ka ganacsada lagu aasaa qabuuro aan calaamadeysneyn, iyagoo aan wax duco ahna loo sameynin, ama la waafajinin dhaqamada kale ee ka jira dalka. Begum qudheeda way fileysay in jidkaas oo kale ay mari doono, laakiin inta aysan dhimanin ka hor ayey isbahaysi ka kooban haweenka jirkooda ka ganacsada booliska ka codsadeen inay hoggaamiyeyaasha diinta ku qanciyaan in si fiican loo aaso. “Imaamka wuxuu markii hore laba labeynayay inuu tujiyo salaadda janaasada, kumana uusan qanacsaneyn”, ayuu yiri sarkaal ka tirsan booliska oo lagu magacaabo Ashiqur Rahman, mar uu la hadlayay wakaaladda wararka ee AFP. “Laakiin imaamka waxaan weydiinnay in Islaamka uu qof ka mamnuucayo in meyd lagu tukado Janaaso, haddii xitaa uu ahaa qof jirkiisa ka ganacsada, wax jawaab ahna nama uusan siinin”, ayuu yiri. Sarkaalkan wuxuu kormeer ka ahaa heshiiska ku saabsan in haweeneydaas aaskeeda uu ka duwanaado dadkii iyada la midka ahaa ee horay u geeriyooday. Sidaas awgeed, aas diimeed ayaa haweeneyda loo sameeyay maalintii Khamiista ahayd ee lasoo dhaafay. Mr Rahman wuxuu sheegay in aaska ay kasoo qeyb galeen dad kor u dhaafaya 200 oo ruux, halka in ka badan 400 oo qofna ay tageen tacsideeda iyo ducadii loo sameynayay. Isbahaysi ay ku mideysan yihiin haweenka jirkooda ka ganacsada, oo ay hoggaamiso Jhumur Begum (bidix), ayaa sidoo kale qaddarin siiyay Hamida Begum “Waxay ahayd goob aan markii ugu horreysay la wada tagin,” ayuu yiri Mr Rahman added. “Dadku waxay sugayeen ilaa xilli dambe oo habeenkii ah, si ay salaadda janaasada ah uga qeyb galaan. Dadka jirkooda ka ganacsada ee halkaas ku sugnaa way wada ilmeeyeen.” Dadka tagay qabriga Begum waxaa ka mid ahaa wiilkeeda, Mukul Seikh, iyo gabadheeda 35 jirka ah ee agu magacaabo Laxmi, taasoo iyada lafteeda ka mid ah haweenka jirkooda ka ganacsada ee ku suga xarunta ku taalla magaalada Daulatdia. “Waligey kuma riyoonin inay heli doonto sagootin sidaas u sharaf badan, hooyadey waxaa loola dhaqmay sidii qof bani’aadan ah”, ayey tiri Laxmi. “Waxaan rajeynayaa in haweeney kasta oo halkan ka shaqeysa, oo aniga xitaa aan ku jiro, ay heli doonto salaadda Janaasada, sida ay hooyadey u heshay oo kale”. Hamida Begum, oo aan sawirkan ku jirin, waxaa loo sameeyay aas diimeed Jhumur Begum, oo ah hoggaamiyaha isbahaysiga maxalliga ah ee haweenka jirkooda ka ganacsada, ayaa ol’ole u sameysay in aas sharaf leh loo sameeyo Begum, waxayna dib u xasuusaneysaa qaabkii horay loola dhaqmi jiray dumarka noocaas ah, marka ay geeriyoodaan. “Haddii aan damci lahayn inaan meydka soo aasno aroortii, dadka xaafadda ayaa ulo nagu eryan lahaa”, ayey ku tiri AFP. Xarunta ay haweenka jirkooda uga ganacsadaan, oo ay ka shaqeyn jirtay Ms Begum – waxay ka mid tahay 12 xarumood oo ku yaalla waddanka Bangladesh – waxayna ka dhisantahay meel qiyaastii 250 km (155 meyl) dhinaca galbeed ka xigta caasimadda Dhaka. Waxaa markii ugu horreysay la aasaasay ku dhawaad hal qarni ka hor, xilligii uu waddankaas ka jiray gumeysigii Ingiriiska. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday inay toddobaadka dib u billowday qeyb ka mid ah kaalmadii dhaqaale ay siin jirtay ciidamada dowladda Soomaaliya ee horey loo hakiyey. Qoraal kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu yiri “Dowladda Mareykanka waxay dib u billowday toddobaadkan inay caawimaad amni oo toos ah siiso cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayada oo la taageerayo howl-gallada ka hor-tagga argagixiso ee ka dhanka ah Al-Shababa ee gobolka Shabeellada Hoose.” Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay amaaneyso tallaabooyinka ay qaaday dowladda Soomaaliya, si loo hormariyo maamulka maaliyadda Ciidamada Xoogga Dalka, taasi oo qeyb ka ah is-beddelada lagu sameynayo hay’adaha dowliga ah. “Tani waxay Mareykanka siineysa kalsooni dheeri ah oo ku aadan hababka la xisaabtanka ee kheyraadka deeq-bixiyaha,” ayaa lagu yiri qoraalka. Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday dowladda federaalka ee Soomaaliya inay sii waddo inay ahmiyad siiso is-beddelada amniga, oo ay ku jiraan maareynta hantiada, taasi oo qeyb ka ah, baa la yiri, dadaallada lagu dhisayo ciidamo awood iyo xirfad leh, lalana xisaabtami karo. “Ayada oo is-beddelada socda ee ciidamada xoogga ay muhiim yihiin, Mareykanka waxay sii wadi doonaan inay taageeraan kaliya howl-gallada diiradda lagu saarayo ka adkaanta ururada argagixisada,” ayaa lagu yiri bayaanka safaaradda Mareykanka ee Muqdisho. Mareykanka ayaa dhinaca kale dib carabka ugu adkeeyey muhiimadda ay leedahay dib u heshiisiin dhex marta dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada. “Waxaa intaas dheer, dib u heshiisiin dhex marta dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada waa tallaabo muhiim u ah dib u aas-aasidda dowladnimada, ammaanka iyo baraaraha dhammaan Soomaalida.”
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Magaalada Kismaayo ku qaabilay Safiirka dowlada Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Donald Yamamoto iyo Taliyaha howlgalka Africom Gen. Stephen J. Townsend. Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Jubaland ayaa lagu sheegay in Safiirka iyo Madaxweynuhu ay ka wada hadleen Xaalada ka taagan gobolka Gedo iyo duulaanka gardarada ah ee dowlada Federaalka ah ay ku qaaday degaano nabdoon kuwaas oo tan iyo xiliga dowladu ay halkaas Weerarka ku qaaday ay ka jirtay Xaalada adag islamarkaana la isku raacay in dowladu ay halkaas kala baxdo Ciidamada ay gaysay kuwaas oo kala dhantaalay nidaamkii maamul ee halkaas ka jiray sidoo kalana khalkhal amni daro ka abuuray gobolka Gedo. Qoraalka ayaa intaasi raaciyay in sidoo kale kulanka diirada lagu saaray sidii xal looga gaari lahaa khilaafka u dhexeeya dowlad goboleedka Jubbaland iyo dowlada Federaalka ah lana isku raacay in ay muhiim tahay in xal laga gaaro Khilaafkaas mudada ragaadiyay wada shaqaynta dowlada Federaalka ah iyo dowlad goboleedyada dalka. Dhinaca kale kulan gaar ah oo dhex maray madaxweyne Axmed Maxamed Islaam iyo Taliyaha howlgalka Africom Gen. Stephen J. Townsend waxaa lagaga hadlay sidoo loo bilaabi lahaa howlgal midaysan oo Al-Shabaab lagaga saarayo degaanada ay kaga sugan yihiin Jubbaland howlgalkaas oo Si wadajir ah ay u fulinayaan Ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland Ciidamada dowladda Federaalka iyo AMISOM oo ay tageerayaan Ciidamada howlgalka Africom ee Maraykanka. The post Maxay ka wada-hadleen madaxweynaha Jubaland iyo Wefdiga Maraykanka? appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay saraakiil ka tirsan howlgalka AMISOM ee Soomaaliya. Kulanka oo ka dhacay Dhuusamareeb ayaa waxaa looga hadlay arrimaha ammaanka ee deegaanada Galmudug iyo sida loo xoojin karo. Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in kulankaas lagu soo qaaday arrimo ku aadan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, si looga saaro gobollada Galgaduud iyo Mudug. Qoor Qoor ayaa maalmihii la soo dhaafay shirar lagu dardar geliyey howlaha Galmudug ka waday magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulkaasi. Halkaan hoose ka daawo sawirrada: View the full article
-
Danjiraha Mareykanka ee arrimaha Soomaaliya, Donald Yamamoto ayaa maanta gaaray magaalloe xeebeedka Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland. Yamamoto ayaa waxaa safarkaan ku wehlinaya taliyaha ciidamada Mareykanka ee AFRICOM, Stephen Townsend iyo xubno kale. Wafdigan ayaa waxaa Kismaayo ku soo dhoweeyey madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Madoobe oo dhowaan dib ugu laabtay halkaasi. Wararka ayaa sheegaya in haatan labada dhinac kulamo xasaasi ah ay ku leeyihiin xarunta madaxtooyada ee maamulkaasi. Safiirka Mareykanka oo marar badanku laabtay Kismaayo ayaa dadaallo ku bixinaya, sidii loo soo afjari lahaa khilaafka dowladda federaalka kala dhexeeya, Axmed Madoobe. View the full article
-
Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha dhaqanka iyo waxbarashada ee (UNESCO) ayaa kala saxiixday heshiis lagu hormarinayo hidaha iyo dhaqank, kaas oo sare loogu qaadayo waxbarashada dalka. Maareeyaha UNESCO, Audrey Azoulay ayaa sheegtay in dhaqanka iyo waxbarashada ay muhiim u yihiin dhinacyada soo kabashada aadanahaiyo dhisida nabadda. Booqashada maareeyaha guud ee hay’ada UNESCO ay ku timid Soomaaliya oo ah midii ugu horeysay ayaa tilmaantay in ay ku faraxsan tahay furitaanka bogga cusub ee dhinaca iskaashiga ah ee dhexmaraya UNESCO iyo dowladda Soomaaliya Wasiirka waxbarashada iyo hidaha iyo tacliinta Sare ee Soomaaliya, Cabdullahi Goodax Barre oo saxiixay heshiiskan, isagoo matalaya dowladda federaalka ayaa sheegay in Soomaaliya iyo hay’ada UNESCO ee Qaramada Midoobay ay leeyihiin iskaashi fog, islamarkaana dib soo celinta xiriirka labada dhinac uu saamayn ku yeelanayo waxbarashada iyo sidoo kale dhaqanka Soomaaliya. Sidoo kale ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo wakiilka xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Ambassador James Swan, ayaa goobjoog ka ahaa saxiixa heshiiskan. Si kastaba ha ahaateenheshiiskan ayaa la filayaa inuu keeni doono in la qabto tababaro lagu dhisayo mugga xirfadleyda, gaar ahaan dadka maamulaya madxafyada iyo keydadka raadadka taariikheed ee Soomaaliya. View the full article
-
Shir sanadeedka Garsoorka dalka ayaa maanta ka furmaya magaalada Muqdisho, kaasoo looga hadlayo arrimaha xaaladda ah garsoorka iyo cadaaladda dalka halka uu marayo. Sidoo kale sanadkii labaad ayaa shirkan lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana ka qaybgalay hey’addaha Garsoorka dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada dalka. Arrimaha shirkan looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah caqabadaha heysta garsoorka dalka iyo sidii loo tayeyn lahaa hay’adaha garsoorka dalka, iyadoo Wasaaradda Cadaaladda ee dowladda federaalka ay ka warbixinayso xaalada Garsoorka dalka. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa horay u balan qaaday in hey’aadaha Garsoorka laga dhigi doonno kuwo lagu kalsoonaan karo, waxaana dib u habeynta lagu sameyay hey’aadaha Garsoorka dalka. Halkaan hoose ka daawo sawirrada: View the full article
-
Madaxweynaha Waddanka Turkiga, Reccep Tayyip Erdogan, ayaa ku hanjabay in militariga dalkiisa ay weerar cir iyo dhul ah ku qaadi doonaan meel kasta oo ay ku sugan yihiin ciidamada Syria, haddii ay mar dambe askari Turkish ah waxyeello u gaystaan. Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in Turkey ay ka go’an tahay inay ciidamada dowladda Syria ka durjiyaan goobaha kormeerka ee gobolka waqooyiga galbeed ee Idlib, ka hor dhammaadka Bisha Febraayo. Waxa uu uga digay ciidamada mucaaradka Syria ee xulufada la ah dalkiisa, inaysan siin ciidamada dowladda Syria cudurdaar ay kusoo weeraraan. Rabshado ayaa ka socday gobolka Idilb oo ku teedsan xuduudda Koonfureed ee Turkey toddobaadyadiii tegay, ayada oo ciidamada dowladda oo ay taageerayaan Russia iyo Iran ay qabsadeen dhul ballaaran. Turkey oo xulufo la ah qaar ka mid ah mucaaradka kasoo horjeeda dowladda madaxweyne Basha Al-Assad ayaa Talaadadii qaaday weerar jawaab ah kadib markii ciidamada Syria ay duqeymo ka dhacay Idlib ku dileen 13 askari oo Turkish ah, 10-kii maalmood ee tegay. Xiisadda Idlib ayaa sidoo kale dhaawacday xiriirka Ankara iyo Moscow. Wakaaladda wararka TASS ee Syria ayaa maanta sheegtay in Erdogan iyo Putin ay ku wada hadleen taleefonka iskuna raaceen inay sii wadaan xiriirkooda Syria. PUNTLAND POST The post Turkiga oo ku hanjabay in uu dagaal Cir iyo dhul ah ku qaadi doono Ciidamada SYRIA appeared first on Puntland Post.
-
Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Jubbaland ayaa lagu soo warramayaa inay saacadihii la soo dhaafay gaareen duleedka degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo. Wararka ayaa sheegaya in ciidankaasi ay ka yimaadeen Ceelwaaq, iyagoona ku biiray askar uu hoggaaminayo wasiir Janan oo ku suganinta u dhexeyso Mandera iyo Beledxaawo. Korneyl Cabaas Ibraahim Gurey oo hoggaaminayo ciidamadaan ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay ciidamadii la dagaalami lahaa Shabaab inay dhufeyso isugu jiraan. Sidoo kale Gurey ayaa tilmaamay in la’isku hayo arrimo siyaasadeed, islamarkaana uu rajeynayo in laga gudbi doono. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay dhaq dhaqaaqyo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ay ka socdeen gobolka Gedo View the full article
-
Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Jubaland ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhexeeya ciidamada Jubbaland iyo ciidan taabacsan Cabdinaasir Seeraar Maax oo sheegtay madaxweynaha Jubaland. Dagaalka ayaa bilowday kadib markii Ciidanka Jubbaland ay Xireen Wadooyinka magaaladda Kismaayo, balse ay tallaabadaasi u hoggaansami waayeen ciidamo taabacsan Cabdinaasir Seeraar. Dagaalka ayaa ka dhacay Xaafada Siinaay ee magaaladda Kismaayo, halkaas oo ay daganyihiin Xubnaha la baxay Isbedel doonka Jubbaland oo uu hoggaamiyo Cabdinaasir Seeraar, kuwaasi oo diiday natiijadii ka soo baxday doorashada Jubaland ee uu mar kale ku guulaystay madaxweyne Axmed Madoobe. Ilaa iyo hadda wax faahfaahin dheeriya lagama hayo khasaaraha ka dhashay dagaalka Kismaayo oo ku soo beegmay, xilli madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo Safiirka Maraykanka, ay hadda ku shirsan yihiin garoonka diyaaradaha Kismaayo. PUNTLAND POST The post Dagaal ka dhacay magaalada Kismaayo appeared first on Puntland Post.
-
Kulan wadatashi ah oo ay soo agaasintay wasaarada Dastuurka ee XFS ayaa aheyd mid looga doodayay dardargalinta dhismaha maqaabka Caasimadda iyo kaalinta kaga xusan dib-u-eegista Dastuurka qaranka. Kulankan dooda ah ayaa waxaa ka qeyb galay wasiiro iyo xildhibaano katirsan DFS, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho , guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir, qaar kamid ah Agaasimayaasha Dowlada hoose Xamar iyo xubna ka socday beesha caalamka. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo madasha ay dooda ka socotay ka hadlay ayaa faah-faahiyay aragtida dadweynaha Caadimadda. “ Magaalada Muqdisho waxaa kunool dad lagu qiyaasay in kabadan 3-Milaan oo qof kuwaas oo aan laheyn matalaad siyaasi ah iyo maqaamka Caasimadeed waxaana aragtida dadweynaha Muqdisho kamid ah in ay helaan xaquuq lamid ah kuwa dowlad goboleedyada taas oo qeyb ka qaadan doonta dib u dhiska Caasimadda iyo in magaalada ay soo ceshato heybadii ay barisamaadkii laheyd”. Wasiirka wasaarada arimaha gudaha ee XFS mudane Cabdi Maxamed Sabriye waxa uu ka hadlay muhiimada ay lee dahay maqaamka Muqdisho. “Waa arin muhiim ah in doodan la qabto islamarkaana la xaliyo baahiyaha ay tabanayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee reer Muqdisho waxaan uga mahadcelinaaya wasaarada Dastuurka sida ay isaga xilsaareyso howlaha kusaabsan maqaamka Muqdisho”. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac oo furay kulankani ayaa ka hadlay dib-u-eegista Dastuurka iyo kaalinta maqaamka Muqdisho. “ujeedka Dib-u-eegista Dastuurka qaranka waa in ay noqotaa mid ay kuwada qanacsan yihiin umada Soomaaliyeed iyo in dood Cilmiyeeysan oo dhaxalgal ah laga sameeyo maqaamka Caadimadda iyo helida mataalada siyaasiga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ee reer Muqdisho. Halkaan hoose ka daawo sawirrada: View the full article
-
Wararka aan ka helayno magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in goor dhaweyd halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada amniga Jubbaland iyo kuwa taabacsan Cabdinaasir Seerar oo isagu horay u sheegay in uu yahay madaxweyne. Israsaaseyntan ayaa timid ka dib markii ciidamada amaanka magaalada ay xireen qaar ka mid ah waddoyinka, waxaana halkaasi isku dayay in ay ka gudbaan ilaalada Cabdinaasir Seeraar oo markii dambe uu iska hor imaad kooban labada dhinac halkaasi ku dhexmaray. Wali majirto khasaare ka dhashay dagaalkaasi oo la soo wariyay, maadama dagaalka daqiiqado ka hor uu dhacay. Dagaalkan ayaa ku soo aadaya xilli saacadaha soo aadan la filayo in magaalada Kismaayo ay ka dagaan wafdi heer caalami ah oo uu ka mid yahay safiirka safaarada Soomaaliya ee Mareykanka Donld Yamamoto. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal xoogan oo goor dhow ka qarxay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Dagaalka ayaa wararka qaar waxa ay sheegayaan inuu u dhexeeyo ciidamada Jubbaland iyo kuwa ka amar qaata xubnaha isbedal doonka ee ku sugan magaaladaasi. Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale Shabelle u sheegay in dagaalka uu yimid ka gadaal markii ciidamada garabka isbedal doonka laga celiyey jid u xirnaa kuwa Jubbaland. Ma cadda khasaaraha ka dhashay iska hor imaadkaasi, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan. Wixii warar ah ee soo kordha kala soco, radioshabelle.com View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Duhur-12022020.mp3 View the full article
-
Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu qabtay Kulan wadatashi ah oo ay soo qaban-qaabisay Wasaarada Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka, kaasi oo looga doodayo maqaamka magaalada Muqdisho ku dhex yeelanayso Nidaamka Federaalka iyo dib-u-eegista Dastuurka KMG ah ee dalka. Kulankaasi dooda ah, ayaa waxaa ka qeyb galay wasiirro iyo xildhibaano katirsan dowladda Federaalka, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho , guddoomiye ku xigeenada maamulka gobolka Banaadir, qaar kamid ah Agaasimayaasha dowlada hoose ee Xamar iyo xubna ka socday beesha caalamka. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo madasha ay dooda ka socotay ka hadlay ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii loo astayn lahaa maqaamka Muqdisho. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Saalax Axmed Jaamac oo furay kulankani ayaa sheegay in dib u eegista Dastuurka ay ahmiyad siin doonto maqaamka muqdisho. kulanka oo ay ka soo qeybgaleen khubarro Soomaali ah, ayaa waxaa lagu soo bandhigi doonaa qaababka jira ee ay caasimadaha dunida ee federaalka ah ku dhisanyihiin si loo xusho qaabka ku haboon Muqdisho. PUNTLAND POST The post Dowladda Federaalka oo qaban-qaabisay kulan ku saabsan Maqaamka Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Kismaayo ayaa sheegaya in goor dhow dagaal xoogan uu ka bilowday qeybo ka mid ah gudaha magaaladaasi. Iska hor imaadka oo weli socda ayaa lagu soo warramayaa inuu dhexeeya ciidanka Jubbaland iyo kuwa taabacsan, Cabdinaasir Seeraar oo isna sheegta madaxweynaha maamulkaasi. Labada dhinac ayaa is weydaarsanaya hubka noocdyadiisa kala duwan, sida Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in dagaalkaan uu yimid, kadib markii ciidamada Seeraar laga celiyey waddo u xirneyd kuwa Jubbland. Sidoo kale israsaaseyntaani ayaa ku soo aadeysa, iyadoo maanta Jubbaland ay xoojisay amniga Kismaayo oo uu wax yar ka hor gaaray safiirka Mareykanka ee Soomaliya. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka dhex maraya labada dhinac. Faah faahinta kala soco, caasimada.net
-
The Federal Bureau of Investigation-FBI and Department of State have partnered to assist Kenya in creating the first Joint Terrorism Task Force (JTTF) to be located outside of the United States. According to its National Press Service, the bureau said the Kenyan-led JTTF will be a multi-agency counterterrorism investigative force in Nairobi, Kenya. The announcement was made on Monday after Kenya sent 42 of its police and intelligence officers to the FBI Academy in Quantico, Virginia, where they will spend the next 12 weeks undergoing counterterrorism training to prepare them for the establishment of an operations base in Nairobi. “Personnel drawn from Kenya’s law enforcement and national security agencies will learn about the FBI JTTF techniques, protocols, and tactics and will work in coordination with FBI personnel in Kenya,” read part of the statement. The team was led by the Director of Criminal Investigations George Kinoti. The attendees will also be trained and equipped to handle sensitive counterterrorism intelligence shared with the Kenyan government. The announcement from Washington DC said the initiative funded by the State Department’s Bureau of Counterterrorism, is in line with U.S. efforts to enable foreign partners to successfully investigate and prosecute terrorists before they conduct attacks. The statement said an attack in 2019 by the al-Shabaab terrorist group on a Nairobi hotel that left more than 20 people dead, including one American, helped lead to the formation of the task force. As a result, there was a pressing need for a joint task force that could be met through the FBI’s training expertise combined with the State Department Bureau of Counterterrorism’s (CT Bureau) capacity-building efforts. “The initiative to establish a Kenyan Joint Terrorism Task Force (JTTF-K) began after the al-Shabaab terrorist attack on the DusitD2 Hotel in Nairobi, Kenya, on January 16, 2019,” read part of the statement. Ambassador Nathan Sales who is the coordinator for counterterrorism said the FBI is proud to have the opportunity to work with Kenyan law enforcement partners on this initiative. “The JTTF for Kenya will support the interagency approach required to successfully investigate and prosecute terrorists before they conduct attacks. I look forward to this unit standing up and the results that will surely come,” he said. His sentiments were echoed by the Assistant Director of the International Operations Division Charles Spencer who said the first Kenyan JTTF will allow for a sharing of experience, knowledge, and capabilities that will enhance our shared commitment to countering terrorism around the world. Spencer said the Bureau it has over the years supported Kenya’s efforts to improve its law enforcement capacity to defend its borders and become a counterterrorism leader in East Africa. Kinoti in his acceptance remarks said the U.S government has been a valued partner in combating terrorism. “I appreciate the effort and resources the FBI and Department of State have dedicated toward improving the capabilities of our officers through training, experience, and insight. Due to globalization and the rapid advancement in technology, terrorists and their sympathizers have also changed tactics and devised new methods to further their agenda,” Kinoti said. He said endeavors such as the Kenyan Joint Terrorism Task Force will allow for a multi-agency approach to achieve common objectives and assist us in obtaining the upper hand against the enemy.” The FBI will administer the curriculum and provide training with assistance from other agencies, as applicable. The FBI and the CT Bureau will collaboratively assess the program. On completion of the training, the team is expected to adopt methodologies used by U.S. in handling sensitive counterterrorism intelligence shared with the Kenyan government. Investigations conducted by JTTF-K will be carried out in accordance with international law enforcement standards and in comportment with human rights. Legal authorities will be derived from the Kenyan constitution and international treaties. “Cases will be prosecuted in Kenya’s courts, which promote the U.S. goal of enabling foreign partners to successfully counter terrorist threats,” the statement quoted. View the full article
-
Somalia and the United Nations culture and education agency today signed an agreement aimed at strengthening efforts to preserve the country’s cultural heritage and improve its educational sector. “Culture and education are vital for the country’s future. After years of conflict, they are vital to the human dimension of recovery, of peacebuilding, of sustainability,” said the Director-General of the UN Educational, Scientific and Cultural Organization (UNESCO), Audrey Azoulay. “And I am very happy that we have been discussing and opening this new chapter of cooperation,” she added, on the first-ever visit of a UNESCO head to the Horn of Africa country. The UN official was speaking at a press encounter the capital, Mogadishu, in the wake of the signing of a memorandum of understanding on UNESCO-Somalia cooperation. The memorandum will enable them to work together on reviving the culture sector in Somalia and enhancing the country’s education policies – the latter includes enrolling schoolchildren, with a specific focus on young girls, ensuring free and quality primary and secondary education, as well as making available open digital resources, including textbooks. Somalia’s Federal Minister of Education, Culture and Higher Education, Abdullahi Godah Barre, signed the memorandum of understanding on behalf of the Federal Government of Somalia. At the press encounter, he noted Somalia’s long history of collaboration with UNESCO and added that the renewal of cooperation would profoundly impact education and culture in the country. “UNESCO has not been present in Somalia, but historically, Somalia and UNESCO have a long history, and since our independence, we have collaborated on many fronts. Today, time has allowed us to reignite our relationship with UNESCO. That relationship will directly contribute to our lower and higher education as well as culture, science, and technology,” he said. The Prime Minister of Somalia, Hassan Ali Khaire, and UN Secretary-General’s Special Representative for Somalia, James Swan, witnessed the signing of the memorandum. In addition to meeting with the Prime Minister during her visit, the UNESCO chief also met with the Minister of Planning, Investment and Economic Development, Gamal Hassan, and the Minister of Women and Human Rights Development, Deqa Yasin. View the full article
-
huusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug ee garabka dowladda, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta gudaha magaalada Dhuusamareeb kula kulmay saraakiil ka tirsan howlgalka nabad ilaalinta ee AMISOM. Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay arrimaha ammaanka, gaar ahaan sida loo xoojin karo nabad gelyada deegaanada maamulkaasi. Sidoo kale kulanka ayaa waxaa lagu soo qaaday howlgallada ka dhanka ah Xarakada Al-Shabaab, gaar ahaan sidii looga saari lahaa gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha dalka. Labada dhinac ayaa sidoo kale isla meel dhigay qorshaha sugida amniga Dhuusamareeb oo dhowaan la filayo in lagu qabto xafladda caleema saarka ee Qoor Qoor. Galmudug oo uu weli ka jiro khilaaf dhinac maamulka ah oo ka dhashay doorashadii maamulkaasi ayaa weli taagan, mana muuqdo wax isku dhawaansho ah. Qoor Qoor oo taageero iyo ciidan ka heysto dowladda ayaa kulamo xal raadin ah ka wada Dhuusamareeb, halka Ahlu Sunna ay dhankeeda wado dhaq dhaqaaqyo xoogan. Xaaf ayaa dhiniciisa abaabul xoogan ka wada gudaha magaalada Gaalkacyo, lamana oga sida ay wax noqon doonaan, maadaama ay si aad ah u kala fog yihiin dhinacyadaasi.
-
Taliyaha degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan Cismaan Cabdi Xasan oo u wawaramay Goobjoog News ayaa sheegay in ciidanka ka howlgalla degmadaasi aysan wax mushaara qaadan muddo ku siman 7 sanno. Taliyaha oo sii hadlayay ayaa tilmaamay in ciidanka jooga degmada ay marwalba u taaganyihiin difaaca degmadooda waxa uuna xusay in tan iyo 2014-kii aysan dowladda federaalka ka helin xuquuqdii ay ku lahaayeen sida uu sheegay. “Daruufo badan ayey ku suganyihiin ciidanka Jalalaqsi muddo ku siman 7 sanno wax xuquuqa ma aanaan helin 2014-kii ayey soo baxeen ciidanku wali wax mushaara ma aysan helin, waxa ayna ku jiraan difaaca deegaanadooda” ayuu yiri Cismaan Cabdi Xasan oo ah taliyaha degmada Jalalaqsi. Sidoo kale taliyahan ayaa tilmaamay in dhinaca maamulka Hirshabeelle aysan waxba ka helin waxa uuna ka dhawaajiyay in ciidanka ku sugan degmadiisa ay hoostagaan dowladda federaalka Soomaliya oo looga baahanyahay bixinta xuquuqda ciidanka. Dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo ayaa ku faanta in ay bixiso dhamaan mushaaraadka ciidanka dowladda waxaana isi soo taraya hadalada kala duwan ee ka imaanaya saraakiisha ciidanka ee ku aadan in qaarkood aysan helin xuquuqdii ay ku lahaayeen dowladda Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda dastuurka Soomaaliya ayaa maanta qabatay dood adag oo ku saabsan maqaamka caasimada oo in muddo la’isku hayo. Dooda oo aheyd mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb galay wasiiro, xildhibaano, guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir iyo xubna ka socday beesha caalamka. Inta badan xubnahaan ayaa ka doodayey dardargalinta dhismaha maqaamka caasimada iyo kaalinta kaga xusan dib-u-eegista dastuurka Waranka. Cumar Filish oo ka hadlay madasha ka hadlay ayaa ka warbixiyey aragtida dadweynaha caasimadda ee ku aadan arrintaan, isagoo tilmaamay in magaalada Muqdisho ay u baahan tahay in ay hesho xaquuq la mid ah kuwa dowlad goboleedyada ka jira dalka. “Magaalada Muqdisho waxaa kunool dad lagu qiyaasay in ka badan 3-Milaan oo qof kuwaas oo aan laheyn matalaad siyaasi ah iyo maqaamka caasimadda waxaana aragtida dadweynaha ka mid ah in ay helaan xaquuq lamid ah kuwa dowlad goboleedyada taas oo qeyb ka qaadan doonta dib-udhiska Caadimadda iyo in magaaladu ay soo ceshato heybadii ay barisamaadkii ay caalamka ku laheyd”. ayuu yiri guddoomiye Cumar Filish. Sidoo kale wasiirka wasaaradda arimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya, mudane Cabdi Maxamed Sabriye oo dooda qeyb ka ahaa ayaa dhankiisa ka hadlay muhiimadda maqaamka Muqdisho, wuxuuna sheegay in marka hore loo baahan yahay in la xaliyo tabashada ay qabaan dadweynaha degan caasimada. “Waa arin muhiim ah in doodan la qabto islamarkaana la xaliyo baahiyaha ay tabanayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee reer Muqdisho waxaan uga mahadcelinaaya wasaaradda dastuurka sida ay isaga xilsaareyso howlaha kusaabsan maqaamka magaalada Muqdisho”. ayuu yiri wasiir Cabdi Maxamed Sabriye oo ka qeyb galay qabashada doodadaasi. Ugu dambeyn wasiirka Dastuurka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac oo wasaaradiisu ay soo qaban qaabisay dooda ayaa carabka ku adkeeyey in ujeedka dib-u-eegista dastuurka ay tahay mid la doonayo inay ku wada qanacsan yihiin guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed. “Ujeedka Dib-u-eegista Dastuurka qaranka waa in ay noqotaa mid ay kuwada qanacsan yihiin umada Soomaaliyeed iyo in dood Cilmiyeeysan oo dhaxalgal ah laga sameeyo maqaamka Caadimadda iyo helida mataalada siyaasiga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ee reer Muqdisho”. ayuu yiri wasiirka dastuurka xukuumadda Soomaaliya. Maqaamka Muqdisho oo muddo ah la’isku hayo ayaan weli cadeyn, iyadoo haatan la’isku diyaarinayo doorashada guud ee dalka oo la filayo in la qabto sanadka dambe ee 2021ka.
