Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Cabdinuur M. Axmed, Agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka hadashay kulan ay shalay Addis Ababa ku yeesheen Madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynaha Somallilnad Muuse Biixi. Bayaan kooban oo bartiisa Facebook-ga ku qoray Agaasimaha Warfaafinta Madaxtootada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayuu ku sheegay in Farmaajo iyo Muuse Biixi ku kulmeen Addis Ababa. Sidoo kale Agaasime Cabdinuur ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiya Ahmed martigalinta kulanka Farmaajo iyo Biixi. Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya, ma uusan sheegin, wixii looga hadlay kulnakii Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi. “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan kula yeeshay Addis Ababa Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga mahadcelinaysaa Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya Mudane Abiy Axmed Cali marti-gelinta kulankii shalay” ayuu ku yiri qoraal, Cabdinuur. Kulankii Addis Ababa ee Farmaajo iyo Biixi, wuxuu ahaa mid horey loo ogaaday, balse aan ilaa iyo hadda la garanayn wax looga hadlay. Dhanka kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho, isagoo aan wax war ah siin Warbaahinta. PUNTLAND POST The post Sidee Villa Somalia uga hadashay kulankii Farmaajo iyo Biixi? appeared first on Puntland Post.
  2. Hargeysa (SMN) – Dowladda Mareykanka ayaa maanta dib u billowday kaalmadii ay siin jirtay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, waxa ayna ka billowday hir-gelinta xarunta Saadka Ciidanka Xoogga Dalka ee gobolka Shabeellaha. Xaruntan oo noqoneysa tii ugu horreysay ee Ciidanka Xoogga Dalka ku yeeshaan meel ka baxsan Muqdisho, si weyna loo qalabeeyay ayaa waxa ay fududeyneysaa isu gudbidda saanadda ciidanka ee gobollada Koofureed, taas oo qeyb ka ah qorshaha argagxisada looga xoreynayo gobollada Koofureed ee dalka. Dib-u-billaabidda kaalmada Mareykanka ee ciidamada Soomaaliya ayaa ka dambeysay dib-u-habaynta ay dowladda Soomaaliya ku sameysay guud ahaan nidaamka ay ku shaqeeyaan ciidamada qalabka sida iyo diiwaan-gelinta casriga ee loo sameeyay, taas oo musuqii meesha ka saartay. “Waxaan u mahadcelinayaa dowladda Mareykana oo dadaalkeena oqoonsatay oggolaatayna inay caawinta ciidankeena dib-u-billowdo, ” ayuu yiri Wasiirka difaaca dalka, mudane Xasan Cali Maxamed. “Dadaal dheer oo aan galnay, kaddib waxaan ciidankeena ka nadiifinnay nooc kasta oo musuq ah, taas oo keentay in aan aqonsannay nuuca caawin aan u baahannahay, isla markaana aan kasbanay aaminaadda bahwadaagteena”, ayuu raaciyay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.. Mudane Xasan Cali Maxamed Wasiirka Difaaca ee Dalka ayaa hadalkiisa ku daray “Maanta ciidankeena waxa uu la jaanqaadayaan ciidamada dowladaha waaweyn marka laga fiiriyo dhanka nidaamka, taas oo sahleysa tayeynta ciidanka iyo howlgallada lagula dagaallamayo cadowga,” Mareykanka ayaa joojiyay kaalmada uu ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed siin jiray dabayaaqadii sanadkii 2017, kaddib markii la ogaaday musuq maasuq baahsan ee ka jiray nidaamka ciidanka xoogga, balse dowladdu ay iminka ku guuleysatay arrintaas. View the full article
  3. Kismaayo (SMN) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Magaalada Kismaayo ku qaabilay Safiirka Dowlada Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Danjire Donald Yamamoto iyo Taliyaha howlgalka Africom Gen. Stephen J. Townsend. Danjiraha iyo Madaxweynahu ugu horayn waxaa ay ka wada hadleen Xaalada ka taagan Gobolka Gedo iyo duulaanka gardarada ah ee Dowlada Federaalka ah ay ku qaaday deegaano nabdoon kuwaas oo tan iyo xiliga Dowladu ay halkaas Weerarka ku qaaday ay ka jirtay Xaalada adag waxaana la isku raacay in Dowladu ay halkaas kala baxdo Ciidamada ay gaysay kuwaas oo kala dhantaalay nidaamkii Maamul ee halkaas ka jiray sidoo kalana khalkhal amni daro ka abuuray Gobolka Gedo. Waxaa kale oo kulankan diirada lagu saaray sidii xal looga gaari lahaa khilaafka u dhexeeya Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Dowlada Federaalka ah waxaana la isku raacay in ay muhiim tahay in xal laga gaaro Khilaafkaas mudada ragaadiyay wada shaqaynta Dowlada Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada dalka. Dhinaca kale kulan gaar ah oo dhex maray Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam iyo Taliyaha howlgalka Africom Gen. Stephen J. Townsend waxaa lagaga hadlay sidoo loo bilaabi lahaa howlgal midaysan oo Al-Shabaab lagaga saarayo deegaanada ay kaga sugan yihiin Jubbaland howlgalkaas oo Si wadajir ah ay u fulinayaan Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland Ciidamada Xooga dalka iyo AMISOM oo ay tageerayaan Ciidamada howlgalka Africom ee Maraykanka. View the full article
  4. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa kormeeray xarunta Tirakoobka Ciidanka Qalabka Sida oo lagu soo gabo-gabeeyey howlihii la xiriiray ururinta xogta iyo diyaarinta diiwaanka Ciidanka. Madaxweynaha ayaa soo bandhigay muhiimadda ay leedahay dib u habaynta Ciidanka Qalabka Sida oo aas-aas u ah dowladnimada dalkeenna iyo in guul deg-deg ah laga gaaro dagaalka lagaga sifaynayo dalka argagixisada. “Layaab waxaa igu noqotay, markii aan tagay Wasaaradda Gaashaandhigga in aysan Ciidanku lahayn gal-xogeed (File) xitaa Saraakiishii iyo Taliyeyaashii, taas ayaa noqotay tallaabadii ugu muhiimsanayd ee aan ku saxayno hannaanka dib u dhiska Ciidanka Soomaaliyeed.” Madaxweynaha oo loo soo bandhigay tusmooyin ka mid ah Diiwaanka Xogta Ciidanka ayaa daalacday gal-anshaxeedka, aqoonta, xaqsiinta iyo hannaanka dallacsiinta ciidanka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahad-celiyey guddiga howshan qabtay ee uu hoggaaminayey Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre. Guddigaas oo ka kooban Wasaaradda Gaashaandhigga, Talisyada kala duwan ee Ciidanka Qalabka Sida, Wasaaradda Maaliyadda, khubaro iyo lataliyeyaal ka tirsan xafiiska Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha. View the full article
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa war kasoo saartay diiwaan gelinta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo ay sheegeen in lasoo gaba-gabeeyey. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ay wehliyeen guddiga loo xil saaray diiwaan gelinta ciidamada ayaa kor meeray xarunta uu ku shaqeynayey guddigaas, halkaas oo lagu soo bandhigay xogta ciidamada qalabka sida ee la diiwaan geliyey. Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahad celiyey guddiga howshan qabtay ee uu hoggaaminayey Raiisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre. Hoos ka aqriso warka kasoo baxay Villa Somalia Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa kormeeray Xarunta Tirakoobka Ciidanka Qalabka Sida oo lagu soo gabo-gabeeyey howlihii la xiriiray ururinta xogta iyo diyaarinta diiwaanka Ciidanka. Madaxweynaha ayaa soo bandhigay muhiimadda ay leedahay dib u habaynta Ciidanka Qalabka Sida oo aas-aas u ah dowladnimada dalkeenna iyo in guul deg-deg ah laga gaaro dagaalka lagaga sifaynayo dalka argagixisada. “Layaab waxaa igu noqotay, markii aan tagay Wasaaradda Gaashaandhigga in aysan Ciidanku lahayn gal-xogeed (File) xitaa Saraakiishii iyo Taliyeyaashii, taas ayaa noqotay tallaabadii ugu muhiimsanayd ee aan ku saxayno hannaanka dib u dhiska Ciidanka Soomaaliyeed.” Madaxweynaha oo loo soo bandhigay tusmooyin ka mid ah Diiwaanka Xogta Ciidanka ayaa daalacday gal-anshaxeedka, aqoonta, xaqsiinta iyo hannaanka dallacsiinta ciidanka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahad-celiyey guddiga howshan qabtay ee uu hoggaaminayey Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre. Guddigaas oo ka kooban Wasaaradda Gaashaandhigga, Talisyada kala duwan ee Ciidanka Qalabka Sida, Wasaaradda Maaliyadda, khubaro iyo lataliyeyaal ka tirsan xafiiska Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha. DHAMMAAD [contact-form]
  6. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Habeen-12022020-ok-sax.mp3 View the full article
  7. Video-ga Qoraalka hoostiisa ka daawo Wasiirka warfaafinta Dowlad-goboleedka Jubbaland oo galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ciidanka amniga Jubbaland ay fashiliyeen [...] Source
  8. Golaha Aqalka sare ee Baarlamanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey hindise-sharciyeedka jaangoynta iyo tayo dhowrka Soomaaliyeed. Kulanka golaha ayaa waxaa soo xaadiray 28 mudane oo maanta uu ku furmay kooramka golaha, waxaana shir guddoominayey guddoomiyaha golaha senotar Cabdi xaash Cabdillaahi, waxaana goob joog ahaa labadiisa ku xigeen ee 1-aad iyo 2-aad. Ugu horeyn waxaa golaha horyimid guddoomiye ku-xigeenka guddiga dhaqaalaha, maaliyadda, ganacsiga, warshadah, isgaarsiinta iyo dalxiiska Senatar Deeqa Xasan Xuseen, waxaana ay golaha ka hor jeedisay akhinta 2aad ee sharciga maanta sugaayey akhrinta 3-aad iyo in la meel mariyo waxaana ay tiri. “Guddoomiyaha Aqalka sare ayaa Senoter Cabdi Xaashi Cabdillaahi 30-kii Janaayo ayuu hindise-sharciyeedka ugu soo gudbiyey guddiga dhaqaalaha, maaliyadda, ganacsiga, warshadah, isgaarsiinta iyo dalxiiska, 11-kii bishii 2-aad 2020 guddiga ayaa qodob qodob u akhriyey isla markaana uu ka dooday soona gaban gabeeyey wax kabadalka hindise-sharciiyeedka, guddigu waxaa uu isla qaatay in qabyo qoraalka hindise-sharciyeedka shirkadaha uu u baahan yahay wax kabadal in lagu sameeyo”. Sidoo kale Senoter Cusmaan Maxamuud Dufle oo ka hor hadlay golaha ayaa xusay in xiligaan sharcigaan tayo dhowrka wax badan laga qabtay wasaadaha qaarkood ay hir gelinyeen in ay ilaaliyaan badqabka iyo tayada alaabta imaata wadanka. “Waqti xaadirkaan waxaa jiro wasaarado ku howlgala tayo dhowrka waan ognahay oo ay ka mid tahay wasaaradda caafimaadka oo hadda sheegay in tayo dhowrka daawada ah ay ilaaliyaan, waxaa kale oo jira gobalka ruuxiisa inuu sameeyo tayo dhowrka oo ku wajahan raashinka soo gala wadanka ee dibadaha laga soo dhoofiyo” ayuu yiri. Dhinaca kale wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Eng. Cabdullaahi Cali Xasan ayaa ka mahad celiyey ansixinta sharcigaan, waxaana uu sheegay in gobalka Banaadir ay sifiican uga socoto tayo dhowrka wasaaradahane ay bilaabeen hirgelinteeda. “Waxaa maanta sharf weyn inoo ah in maanta oo taariikhdu tahay 12-2-2020-ka in golaha Aqalka sare ee Baarlamanka uu ansixiyey hindise-sharciyeedkii jaangoynta iyo tayo dhowrka Soomaliyeed ahna sharci muhiim u ah umadda Soomaaliyeed, sharci aad baahi weyn loogu qabay, muhiimadiisa ugu balaaran waxaa ay tahay inuu ilaalinaayo badqabka qofka caafimaad iyo dhaqaale ahaan” ayuu yiri wasiirku. Ugu dambeyn Sharciga Jaangoynta iyo tayo dhowrka Soomaaliyeed ayaa waxaa u codeeyey dhammaan mudanayaashii ku sugnaa golaha mana jirin cid diiday ama ka aamusutay, guddoomiyaha golaha Senotar Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa shirka golaha soo xiray, waxaana uu xusay in sharcigu uu sidaas ansax ku yahay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Wasiirka arrimaha dibada Somaliland oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa Madaxweynaha Somaliland iyo wafdigii uu hoggaaminayey ayaa galabta dib ugu laabtay magaalada magaalada Hargeysa. Waxaa safarkii Muuse Biixi ee Addis Ababa warbaahinta ugu waramay Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Yaasiin Faratoon, wuxuuna xaqiijiyey in Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Biixi ay ku kulmeen xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed. “Markii uu dhammaaday shirka madaxda Midowga Afrika, madaxda ka qeybgashay oo dhan ayaa ismacasalaamaynayey, Madaxweyne Farmaajo halkaas ayuu yimi, sidaas ayeyna ku kulmeen labada Madaxweyne” ayuu yiri Wasiir Faratoon. Wasiir Faratoon oo diyaar u ahaa in wax laga weydiiyo waxyaabihii ay ka wada hadleen Farmaajo iyo Muuse Biixi, ayaa warbaahinta Somaliland lumisay fursadaas, markii ay kala horarsadeen weydiimihii, sidaasna ay ku bilaamatay buuq iyo sawaxan dhexdooda ah oo soo afjaray shirkii jaraa’id. Inkastoo kulanka Farmaajo iyo Biixi la xaqiijiyey, hadana ma jirto cid faahfaahisay kulankaas, oo garwadeen ka ahaa Abiy Ahmed. PUNTLAND POST The post Somalilnad oo ka hadashay kulankii Biixi iyo Farmaajo iyo warbaahinta oo anshax xumo sameysay appeared first on Puntland Post.
  10. (SLT- New Hampshire)-Senator-ka gobolka Vermont Bernie Sanders ayaa ku guuleystay doorashadii salaasadii ka dhacday gobolka New Hampshire ee lagu xulayey musharaxa xisbiga dimoqraadiga ee bisha November madaxtinimada Mareykanka kula loolami doona madaxweyne Donald Trump. Sanders ayaa helay 26% codadka, isaga oo ka adkaaday duqii hore ee magaalada South Bend ee gobolka Indiana Pete Buttigieg oo kaalinta labaad ku galay 24%. Senator Amy Klobuchar oo laga soo doorto gobolka Minnesota ayaa kaalinta saddexaad ku gashay 20%. Sanders ayaa taageerayaashiisa ugu sheegay magaalada Manchester inuu “guul weyn” gaadhay, wuxuuna ballan-qaaday in Dimoqraadiga ay isku iman doonaan, si ay uga adkaadaan Trump. “Aan idiin sheego in guusha caawa ay tahay billowga dhammaadka Donald Trump,” ayuu yidhi Sanders. Dhinaca kale, codadka ay heshay Senator Klobuchar ayaa ka yaabiyey dad badan, ayada oo saadaal ay sameysay jaamacadda New Hampshire ka hor doorashada ay muujisay inay haysatay taageerada kaliya 7% dadka. Amy Klobuchar ayaa sheegtay in ololaheeda uu mar kale ka adkaaday saadaasha kuwa siyaasadda fallanqeeya. Hase yeeshee doorashadiii xalay ayaa mar kale noqotay mid niyadjab u ah madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Mareykanka Joe Biden, oo kaalinta shanaad ku galay 8% codadka. Biden ayaa dad badan ay saadaalinayeen inuu noqon doono musharaxa dimoqraadiga ee wajahaya Trump, hase yeeshee labadii doorasho ee Iowa ee New Hampshire ayuu Biden ka galay kaalimo hoose Source
  11. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey ee maalmahan dalka Itoobiya u joogay hawlaha shaqo ayaa galabta dib ugu soo laabtay dalka. Waxaana soo noqoshada madaxweynaha iyo weftigiisa warbaahinta uga warbixiyey wixii u qabsoomay intii ay ku sugnaayeen halkaas iyo kulamadii kala duwanaa ee ay la yeesheen madaxda qaarada Afrika, wasiirka arrimaha dibedda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon). Waxaanu yidhi wasiirku “shirkaa intii aanu joognay waxa aanu la kulanay oo aanu hor fadhiisanay madax badan oo Afrika ah iyo dad kale oo u badan caalamka oo ka soo qaybgalay shirkaa ama goobjoog ka ahaa, madaxweyneyaal haday tahay, wasiiro haday tahay, laamaha madasha Afrika haday tahay iyo hay’addo kale oo farabadan oo caalamiya ayaanu halkaasi kula kulanay oo aanu ka wada hadalnay qadiyadda Somaliland, ilaahay mahadi ha ka gaadho waxa aanu u aragnaa shirkaasi in aanu guul ka gaadhnay oo danihii aanu ka lahayn ama looga baahnaa aanu ka gaadhnay aad iyo aad ayaanu guulo badan uga soo hoynay, cid walba oo aanu halkaa isku aragnayna si wanaagsan ayaanu isu afgaranay, in badan ayaanu fahansiinay qadiyada Somaliland ama fahantahay arrinta qadiyada Jamhuuriyadda Somaliland”. Waxa kale oo uu wasiirku sheegay intii ay ku jireen arrimaha shirkaasi in si heer sare ah loo qaabiley waxaanu yidhi “shirkaas haddii ay tahay ka soo qaybgalkiisa iyo tegi taankiisa iyo haddii ay tahay meelihii aanu tageynay cidii aanu la kulanay, dawladda Itoobiya iyo intii kale ee aanu la kulanayba si meeqaamkeedu aad u sareeyo ayaa la noo soo dhaweeyey, meeqaam la siman ama la mida hadiiba aanu ka sarayn waddamo badan oo Afrika ah ama dalalka Afrika oo dhan intii la siiyey meeqaamkii madaxdooda ayaa madaxweynahana la siiyey oo lanagu soo dhaweynaayey oo aanu kaga qaybqaadanay meel walba oo aanu joognay. Waxa aan idin sheegayaa in ra’iisal wasaaraha Itoobiya, gudoomiyihii cusub ee loo doortay Afrika sannadkan iyo dhammaantood in lala kulmay oo uu madaxweynuhu la kulmay sidii loo baahnaana ay u kulmeen” Source
  12. Wasiirkii hore ee Amniga ee Dawlada Federaalka Somaaliyeed,sidoo kalena hore u soo noqday Taliyaha Hayada Sirdoonka Somaaliyeed ee NISA Mudane Cabdullaahi Maxaned Cali ( Sanvaloishe [...] Source
  13. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta magaalada Kismaayo ku qaabilay safiirka dowlada Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya danjire Donald Yamamoto iyo taliyaha howlgalka AFRICOM Gen. Stephen J. Townsend. Sida lagu sheegay qoraal kasooo baxay Jubaland, danjiraha iyo Axmed Madoobe ayaa waxa ay ka wada hadleen xaaladda ka taagan gobolka Gedo iyo “duulaanka gardarada ah ee dowlada federaalka ah ay ku qaaday deegaano nabdoon kuwaas oo tan iyo xiliga dowladu ay halkaas weerarka ku qaaday ay ka jirtay xaalada adag.” Qoraalka Jubaland ayaa intaas ku daray “Waxaa la isku raacay in dowladu ay halkaas kala baxdo ciidamada ay gaysay kuwaas oo kala dhantaalay nidaamkii maamul ee halkaas ka jiray sidoo kalana khalkhal amni daro ka abuuray gobolka Gedo.” Jubaland ayaa sidoo kale sheegtay in Axmed Madoobe iyo wafdiga Mareykanka ay ka wada-hadleen sidii xal looga gaari lahaa khilaafka u dhexeeya dowlad goboleedka Jubaland iyo dowlada federaalka ah, la iskuna raacay in ay muhiim tahay in xal laga gaaro khilaafkaas mudada ragaadiyay wada shaqaynta dowlada federaalka ah iyo dowlad goboleedyada dalka. Dhinaca kale kulan gaar ah oo dhex maray madaxweyne Axmed Madoobe iyo taliyaha howlgalka AFRICOM Gen. Stephen J. Townsend waxaa lagaga hadlay sidii loo bilaabi lahaa howlgal midaysan oo al-Shabaab lagaga saarayo deegaanada ay kaga sugan yihiin Jubaland. Howlgalkaas, ayaa sida la sheegay, waxaa si wadajir ah ay u fulinaya ciidamada dowlad goboleedka Jubaland, Ciidamada Xooga Dalka iyo Amisom oo ay tageerayaan ciidamada howlgalka AFRICOM ee Maraykanka. Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, weli war rasmi ah kama soo saarin socdaalka danjire Yamamoto ee Kismaayo.
  14. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon oo madaarka Hargeysa kula hadlay saxaafadda ayaa si kooban uga hadlay kulanka madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweynaha Somalia mudane Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ku yeesheen magaalada Addis Ababa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  15. Troops loyal to Somalia’s Federal Government in Mogadishu are not yet ready to stand on their own against al-Shabaab militants in the country’s south, the U.S. Defense Department said in a new report. Despite some successes, the Somali National Army – backed by African Union and U.S. forces – have made little progress in recent months on Operation Badbaado, a joint effort to secure rural areas south of the capital, according to a Pentagon Office of the Inspector General report presented to Congress on Tuesday, February 11. Read more on here The post Somali troops still vulnerable to al-Shabaab outside Mogadishu, Pentagon says appeared first on Puntland Post.
  16. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi Uu hogaaminayo Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya iyo Wafdi uu hogaaminayo. Booqashadaan Safiirka Ee Kismaayo ayaa [...] Source
  17. An exchange of gunfire between Jubbaland forces and militiamen loyal to former Jubbaland government spokesman Abdinasir Serar erupted in Kismayo on Wednesday. The two sides clashed at a security checkpoint in the port city following the arrival of US ambassador to Somalia Donald Yamamoto early in the day. There was no immediate information on the casualties. The skirmish came amid a meeting between Jubbaland president Ahmed Madobe and U.S ambassador to Somalia Donald Yamamoto at the state presidential palace. The situation in the coastal city has returned to normal, per sources. View the full article
  18. Maanta Magaalada Kismaayo waxaa ka dhacay dhawaaqo dhex martay Ciidamada Amaanka iyo Ilaalada Mid kamida musharixiintii ka haray Doorashada. Ilaalada ayaacrasaas ku furay goob ay [...] Source
  19. Kismaayo (Caasimada Online) – Iska hor-imaad u dhaxeeyey ciidamada Jubaland iyo kuwa siyaasi Cabdi Naasir Seeraar, oo sheegtta inuu yahay madaxweynaha Jubaland, ayaa duhurnimadii maanta ka dhacay magaalada Kismaayo. Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in dagaalkan uu yimid kadib markii taageerayaasha Cabdi Naasir Seeraar ay billaabeen banaanbax ka han ah Axmed Madoobe, hayeeshee uu rasaas ku ridey askari ka tirsan Ciidamada Jubaland, oo doonayey inuu dibad-baxa joojiyo. Bannaanbaxayaasha oo haween u badnaa ayaa ku qaylinayay hal kudhigyo liddi ku ah Maamulka Jubbaland, taasoo aad mooddo in lagu diidan yahay kulanka Madaxweynaha Jubbaland iyo wafdiga uu hoggaaminayo Safiirka Mareykanka ee Somaliya, Amb. Donald Yamamoto. Ciidan u daacad ah Cabdinaasir Seeraar Maax, Afhayeenkii hore ee Maamulka Jubbaland oo hareer socday bannaanbaxayaasha ayaa iska horimaad toos ah la galay Ciidamada Booliska iyo Nabad Suggida Jubbaland. Iska horimaadkan oo muddo 40 daqiiqo ka socday xaafadda Farjano ayaan ku fidin qaybaha kale ee Magaalada Kismaayo. Ciidamada Jubbaland ayaa u muuqdo inay hadda ka itaal roonaadeen maleeshiyadii Cabdinaasir Seeraar, isla-markaana ay fashiliyeen bannaanbaxayaashii uu wadooyinka isugu soo saaray. Dhanka kale warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay iska horimaadkan. Wararka qaar waxay sheegayan in saddex qof ay ku dhaawacantay oo laba ka mida ay dumar yihiin, halka midka kalena uu yahay askari ka tirsan Ciidamada Jubbaland, warar kalena waxay sheegayan in hal qof uu ku dhintay, laba kalena ay ku dhaawacantay. Wariye-yaasha Magaalada Kismaayo ayaa soo sheegaya in khasaaraha uu ka badan karo faah faahinta horudhaca ahi ee iminka laga helayo. Si kastaba ha-ahaatee bannaanbaxan lagu hakiyay Magaalada Kismaayo ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in ay abaabulkeedu laheyd Dowladda Federaalka.
  20. Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in ay Asbuucan dib u billowday Kaalmadii milatari ee ay siin jirtay ciidmada dowladda Federaalka Soomaaliya, si u taageerto howlgallada la’dagaallamla Argagixisada ee ka socda gobolka Shabeellada Hoose. War-saxaafadeed ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in go’aankaasi Mareykanka uu qaatay, kadib markii ay korortay kalsoonidii dowladda USA ku qabto hanaanka maamulka dhaqaalaha ee dowladda Soomaaliya. “waxaan ugu baaqeynaa Dowladda soomaaliya inay mudnaanta koowaad siiso wax ka beddelka iyo tayeynta hay’adaha amniga, si loo helo ciidamo Soomaaliyeed oo awood u leh inay amaanka dalkooda la wareegaan.” Ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka. Safaaradda ayaa sheegtay in Mareykanku uu sii wadi doono taageeradaasi dhaqaale oo ah mid ku kooban kaliya la’dagaalanka argagixisada. War-saxaafadeedka ayaa ugu dambeyntii lagu sheegay in dib u heshiisiinta dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah ay muhiin u tahay, hirgelinta dowlad xooggan oo ammaanka hanan karta, iyo barwaaqo ay ay higsadaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed. Dowladda Mareykanka ayaa joojisay taageeraddii cunto iyo shidaal ee ay siin jirtay ciidamada Soomaaliya sanadkii 2017-kii, iyadoo sabab uga dhigtay welwel ay ka qabtay musuq-maasuq baahsan oo ka dhex jiray sida loo maareeyo Dhaqaalaha ciidanka. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo dib u soo celiyay Kaalmadii Milatari ee ay siin jirtay Ciidamada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  21. Ciidamada daacadda u ah Khalifa Haftar ayaa joojiyay duulimaadyada diyaaradaha sida shaqaalaha Qaramada Midoobe ee ku socda iyo kuwa ka baxaya dalka Libya, taasi oo dhaawacaysa dadaallada bani’aadanimo iyo kuwa dhexdhexaadineed ee socday, sida uu sheegay xafiiska howlgalka Qaramada Midoobe ee dalka Libya. Bayaanka ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobe ayaa lagu sheegay in malayshiyaadka Haftar ee fadhigoodu yahay dhanka bari ee Libya ay dhowr mar oo hore diideen iney u ogolaadaan duulimaadyada diyaaradaha Qaramada Midoobe iney halkaasi ka degaan. “Kama aanan helin damaanad qaad ammaankeenna ciidamada daacadda u ah Haftar si aan uga degno dhanka waqooyi ee dalka Libya, waana mid socotay ugu yaraan saddexdii todobaad ee la soo dhaafay,” ayuu yiri Jean Alam oo ah afhayeenka howlgalka Qaramada Midoobe ee UNSMIL loo soo gaabiyo. Waxa uu sheegay in taasi ay dhaawacayso duulimaadyada gargaarka iyo kuwa howlgalka Qaramada Midoobe. Ilo dhanka shaqaalaha gargaarka ah ayaa sheegaya in Haftar uu “aagga duulimaadyada ka caagan” ku soo rogay caasimadda Tripoli ayna jirto walaac ah in diyaaradaha Qaramada Midoobe ay noqdaan kuwa la beegsado haddii ay u safraan caasimadda. Malayshiyada daacadda u ah Haftar ee la magac baxay LNA ayaa isku dayayay ilaa bishii April ee sanadkii hore iney la wareegaan gacan ku haynta magaalada Tripoli oo ah fadhiga xukuumadda uu caalamku aqoonsan yahay, laakin waxa ay ku fashilmeen howlgalkaasi. Ergayga Qaramada Midoobe ee Libya Ghassan Salame ayaa dhex dhexaadin ka dhex waday Haftar oo dalalka Imaaratka iyo Masar ay taageeraan iyo Xukuumadda Tripoli oo taageero ka hesha dowladda Turkey. Qeybta labaad ee wadaxaajoodka nabadeed ayaa loo ballansan yahay in todobaadka danbe uu ka qabsoomo magaalada Geneva. Laakin saraakiil ka tirsan ciidamada bariga Libya ee daacadda u ah Haftar ayaa ku eedeeyey Salame inuu yahay nin kooxdooda ka xaglinaya, laakin eedahaasi waa kuwa ay Qaramada Midoobe beenisay. Qaran News
  22. Dowladda Puntland ayaa ku eedaysay maamulka madaxweyne Farmaajo in uu diiday wada-hadal si loo xalliyo arrimaha ay ku muransan yihiin labada dhinac ee Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya. Wasiirka Warfaafinta Puntland Cali Xassan Axmed Sabareey oo maanta Warbaahinta kula hadlay caasimadda Garoowe ayaa sheegay in madaxweyne Deni tan iyo markii uu xilka qabtay uu ku dhegganaa in laga wada-hadlo khilaafka labada dhinac balse ay xukuumadda Federaalk mar kasta diiddaneyd wada-hadalka. Wasiir Sabareey ayaa sheegay in madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu mar walba golihiisa xukuumadda u sheego in loo hiilliyo Nidaamka Federaalka ee Soomaali ku heshiisay kaasi oo ay dagaal kula jirto dowladda madaxweyne Farmaajo. Mudane Sabareey ayaa ka digay in haddii khilaafka labada dhinac uu sii socdo ay fursad u noqon karto kooxaha Argagixisada ah ee diiddan xasiloonida waddanka islamarkaana ay Beesha Caalamku ka niyad jebi karto Soomaaliya. Hoos ka daawo hadalka Wasiirka PUNTLAND POST The post Puntland: Maamulka Farmaajo ayaa diiddan in a wada-hadlo appeared first on Puntland Post.