Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,341
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. ON 2 FEB 2020 GEED SARE WAABOW GUNTAA KA ROON WQ. Cabdullaahi Nuur Salaad HORUDHAC Waxbarashada Soomaaliya waxa ay soo martay heerar kala duwan oo taariikhi [...] Source
  2. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Galmudug Siyaasiga Cabdi Kariin Xuseen guuleed ayaa hambalyo u direy Madaxweynaah Cusub ee loo doortey Madaxweynaha Galmudug ee Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor). Qoraal uu soo dhigey Bartiisa facebook ayuu ku sheegay in uu rajeynayo in uu Qoorqoor ahmiyadda ugu horeysa ka dhigo dib u heshiisiinta iyo mideynta Galmudug. “Hambalyo madaxweynaha cusub ee dowlad gobaleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), waxaan kuu rajeynayaa in Allah kuu fududeeyo xilka culus ee aad qabatay. Waxaan rajeynayaa in hogaanka cusub uu ahmiyadda ugu horeysa ka dhigo dib u heshiisiinta iyo mideynta Galmudug. Marka lag soo tago Hambalyada uu u jeediyey madaxweynihii hore ee galmudug madaxweynaha Cusub ee loo doortey maamulkaas ayaa waxaa jira siyaasiyiin iyo Xildhibaano dhaliilsan doorshadaas.
  3. Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa oo ka tirsanaa murashaxiinta qaadhacay doorashada Galmudug ee maanta ka dhacday Dhuusamareeb, laguna doortay Axmed Qoorqoor ayaa sheegay in Galmudug ay ku laabatay meel ka xun halka ay joogtay 2015-kii. Xildhibaan Odowaa oo la hadlay Goobjoog News ayaa waxaa uu yiri “Galmudugta cusub waxa ay ku laabatay meel ka xun meeshii aan 2015 ka keenay oo aheyd sadax maamul iyo qbaail kala duwan. Hadda maanta waxaa jira sadax Madaxweyne iyo sadax baralamaan.”. Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa oo sii hadlaya waxaa uu sheegay in waxa la sameeyey aaney aheyn wax waaraya isaga oo yiri “Dowladdu waxa ay Galmudug ka samaeysay ma ahan wax waaraya, waxaana lagu qasbanaan donaaa in meel dheer laga raadiyo Galmudu”. Saacado ka hor, waxaa uu bartiisa Farcboogga soo dhigay qoraal ahaa inuu baaq u dirayo dadka reer Galmudug, kana shaqeeyaan Galmudug mid ah ““Waxaan dhammaan waxgaradka, odayaasha dhaqanka iyo saamileeyda siyaaasadeed ee ree Galmudug iyo sadaxda garab ee hadda saakay Galmudug u qaybsanthay inaan isugu nimaad sidii hal maamul loo dhisi lahaa”. Doorashada Lagu Doortay Qooqoor waxaa qaadhacay saddex koox: (1). Murashaxiinta kala ah: Cabdiraxmaan Odawaa, Cabdullaahi Wehliye, Kamaal Gutaale iyo Cabdi Dheer, (2). Madaxweynaha Galmudug: Axmed Geelle Xaaf ayaa ka mid ah dadka diidan (3): Maamulka Ahlu sunna ee ka taliya Dhuusamareeb iyo qeybo kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska safaarada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay doorashadii madaxweynaha Galmudug iyo madaxweyne xigeenka maamulkaasi ee ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Qoraalkaan ayaa lagu sheegay in safaaraddu ay si dhow u la socotay xaaladda siyaasadeed ee maamulka Galmudug, islamarkaana ay soo dhoweyneyso doorashadaasi. Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in doorashadii madaxweynaha cusub ee Galmudug iyo ku xigeenkiisa ay bilow u tahay siyaasad sal ballaaran oo ka hana qaata maamulkaasi. Sidoo kale warka ka soo baxaya safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa waxaa loogu baaqay dhinacyada kale ee Galmudug inay ka qeyb qaataan geedi socodka maamulkaasi. Ugu dambeyn safaaradda ayaa ballan qaaday inay si dhow ula shaqeyn doonto Axmed Qoor-Qoor oo loo doortay Madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa cusub. View the full article
  5. MOGADISHU (HOL) - The U.S embassy in Somalia has welcomed the election of Ahmed Kariye Qoor-qoor as the new President of Galmudug state and warned against threats of violence in the region. Source: Hiiraan Online
  6. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey Al-Shabaab iyo ciidanka dowladda oo saaka ka dhacay deegaanka Qalimow ee gobolka Sh/Dhexe. Dagaalka ahaa oo mid culus ayaa yimid, kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada Milatariga ay ku leeyihiin deegaankaasi oo ku yaalla wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar ee gobolkaasi. Wararka ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal muddo saacado ah socday, islamarkaana ay guulo ka kala sheegteen labada dhinac. Qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay ka hortageen weerarkaasi, islamarkaana ay dileen ugu yaraan 7 dagaalyahan oo ka tirsanaa Al-Shabaab, shan kalena ay dhaawaceen. Dhinaca kale Al-Shabaab oo ka hadashay dagaalkaan ayaa sheegatay inay muddo kooban la wareegtay gacan ku heynta saldhigga uu weerarku ka dhacay. Sidoo kale warka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka ay qaadeen iyo dagaalka xigay ay ku dileen 13 askari oo ay ku jiraan 2 sarkaal. Xaaladda deegaanka Qalimow ayaa hadda degan, waxaana gacanta ku haya ciidamada Milatariga Soomaaliya oo dhaq dhaqaqyo ka bilaabay halkaasi. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyey sida ay wax u dhaceen, isaga oo u sheegay inuu arkay meydadka illaa 8 qof. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/cc-1.mp3 View the full article
  7. At least 18 people including eight Somali government soldiers and 10 al-Shabaab militants were killed, and more than 13 others wounded when fighters from al-Shabaab attacked Somali National Army and African Union peacekeeping mission troops bases in the Middle Shabelle region on Sunday. Hassan Ibrahim, a military official in the region, said that the main attack took place at AMISOM and SNA base in the vicinity of Qalimow in the region. “The terrorist group al-Shabaab attacked our base in Qalimow on Sunday morning. Eight soldiers were killed, more than 13 others wounded but we have killed more than 10 al-Shabaab militants,” Ibrahim said. The group also attacked several other observation points with mortar shells, he said, adding that they did not know how many people were killed or wounded. Somali-based al-Qaeda affiliated group al-Shabaab claimed responsibility for the Qalimow attack that it has killed over 13 soldiers. The attacks came a day after double blasts in Somali capital Mogadishu, killing over 4 soldiers and wounding Kahda district deputy commissioner, claimed by al-Shabaab. View the full article
  8. Cali Daahir Ciid oo u tartamayey xil ka madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa kursigaasi ku guuleystay, kadib doorasho ka dhacday magaalada Dhuusamareeb. Musharraxa guuleystay oo helay 46 cod ayaa la tartamay Cabdiqani Sheekh Cali Diini oo isna helay 31 Cod. Labadaan musharrax ayaa isugu soo haray wareega labaad oo aad u adkaa, waxaana ugu dambeyn guuleystay Cali Daahir Ciid oo horay uga mid ahaa shaqaalaha Villa Soomaaliya. Galmudug ayaa maanta yeelatay hoggaan cusub, waxaana madaxweynaha maamulkaasi ee afarta sano ee soo socota loo doortay, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor). View the full article
  9. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Duhur-02022020.mp3 View the full article
  10. Muqdisho (Caasimadda Online) – Safiirka Dowladda Mareykanka u fadhiyo magaaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya Amb Yamamoto ayaa ka hadlayey doorashadii Maanta ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug. Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa barteeda Twitterka kusoo qortay in Geedi socodka siyaasadeed ee Galmudug uu yahay bilowga geedi socodka dib u heshiisiin Sal ballaaaran. ” Geedi socodka siyaasadeed ee Galmudug waa bilowga geedi socodka dib u heshiisiin sal ballaaran. Amb Yamamoto wuxuu ugu baaqayaa qof walba inuu ku biiro wada hadal nabadeed isla markaasna laga fogaado qalalaasaha” . Warka kasoo baxay Safaarada Maraykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Safaarada si dhow ula socotay hanaanka Doorashada Galmudug isla markaana ay soo dhaweynayso Madaxweynaha ee Maamulka Galmudug. Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Amb Yamamoto uu halmabalyo u dirayo Madaxweynaha cusub ee Galmudug loo doortay Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) taasoo muujineyso inuu Mareykanka aqoonsaday doorashadii Maanta ka dhacday Dhuusamareeb. Axmed Cabdi Kaariye ayaa ku soo baxay Wareegii 1 aad ee Doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug waxa uuna helay 66 Cod oo ka mid 77 Cod ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug. Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) oo loo doortay Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa waxaa la tartamay Musharixiinta kala ah, Cabdiraxman Axmed Sabriye,Axmed Shire Maxamed (falagle), Axmed Cabdullaahi Samater. Halkaan hoose ka akhriso qoraalka kasoo baxay Mareykanka Political process in #Galmudug is the start of broad-based reconciliation process. Amb Yamamoto calls on everyone to join peaceful dialogue & avoid violence. Congrats to newly elected Pres @QOORQOORG. Now we must focus on #1 priority of #Somalia=Security https://t.co/qK6ykc2SYo pic.twitter.com/RFgWWWLlsK — U.S. Embassy Mogadishu, Somalia (@US2SOMALIA) February 2, 2020
  11. MONTREAL (HOL) - The annual McGill African Business and Development Conference bringing together African business leaders and organisations will kick off next week in Montreal Canada. Source: Hiiraan Online
  12. Xildhibaannada Baarlamanka Galmudug ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb,, ayaa madaxweyne u doortay Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) kadib doorasho maanta ka dhacday halkaasi. Musharrax Qoor Qoor oo ay dabada ka riixaysay dowladda Federaalka Soomaaliya waxa la tartamay ilaa saddex musharrax oo dowladdu abaabushay si ay ugu camiraan hoolka, Kadib markii musharrixiintii ugu muhiimsanaa ay qaaddaceen doorashada Galmudug. Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Gacal oo Natiijada ku dhawaaqay, ayaa sheegay in musharrax Qoor Qoor uu ku guulaystay saddex meelood oo laba meel codadka xildhibaannada oo u dhiganta 66-cod. Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, ayaa isna loo doortay Cali Daahir Ciid oo helay 46-cod, halka Cabdiqani Sheikh Cali Diini oo ku soo xigay uu helay 31-cod. Doorashada Qoor Qoor iyo ku xigeenkiisa, ayaa ku soo beegmatay xilli musharrixiintii ugu cad-cadda ay qaaddaceen doorashadaasi, halka Ahlusunna ay madaxweynaha Galmudug u dooratay Sheikh Maxamed Shaakhir Cali Xassan. Sidoo kale, Xaaf oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo ayaa isna sheegaya in uu weli madaxweynaha Galmudug yahay, waxaana garabkiisu dhowaan doorteen madaxweyne ku xigeen cusub. Dowladda Maraykanka, ayaa dhankeeda qoraal ay goor dhoweyd soo saartay ku hambalyeysay madaxweynaha maanta lagu doortay Dhuusamareeb Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor. PUNTLAND POST The post Galmudug oo saddex madaxweyne yeelatay iyo Maraykanka oo hambalyeeyay appeared first on Puntland Post.
  13. Guddiga doorashada Galmudug ayaa sheegay in madaxweyne ku xigeenka Galmudug loo doortay Cali Daahir Ciid ka dib doorasho maanta ka dhacday magaalada Dhuusamreeb ee caasimadda maamukaasi. Xilka madaxweyne ku xigeenka ayaa waxaa ku tartamayay murashaxiinta kala ah Axmed Yuusuf Warsame, Cali Daahir Ciid, Saadaq Cabdulaahi Xaaji Xaashi, Cabdiqani Sheekh Cali Diini, Maxamed Xaashi Cabdi. Wareega 1-aad ayey xildhibaanadu ugu kala codeeyeen murashaxiinta madaxweyne ku xigeenka sida tan: 1.Axmed Yuusuf Warsame 6 Cod 2.Cali Daahir Ciid 26 Cod 3.Saadaq Cabdulaahi Xaaji Xaashi 7 Cod 4.Cabdiqani Sheekh Cali Diini 26 Cod 5.Maxamed Xaashi Cabdi 12 Cod Wareega 2-aad ayaa waxaa tanaasulay Maxamed Xaashi Cabdi iyo Saadaq Cabdulaahi Xaaji Xaashi, iyada oo ay wareegaasi ay ku loolameen Cali Daahir Ciid iyo Cabdiqani Sheekh Cali Diini, waxaana ugu dambeyn codad gaaraya 46 cod ku guuleystay Cali Daahir Ciid oo noqonaya madaxweyne ku xigeenka Galmudug, halka Cabdiqani Sh Cali Diini uu helay 31 cod. Magaalada Dhuusamreeb ayaa maanta laga dareemayaa jawi doorasho iyada oo ay xusid mudantahay in isla magaaladasi 29-kii Janaayo madaxweyne loogu doortay Sheekh Shaakir. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Xildhibaan Warsame Maxamed Xasan (Joodax) oo ka tirsan golaha shacabka ee Baarlamanka federaalka Soomaaliya, ayaa dowladda federaalka ku eedeeyey in sidii loo baahnaa aysan wajihin maamul u sameynta Galmudug . Xildhibaanka oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in Galmudug waxa hadda ka jira ay tahay boob iyo nin jecleysi lagu kala geeynayo dadkii reer Galmudug ee heshiiska ku ahaa dhismaha maamul lagu mideysan. “Maamulkan iyo dowladdan wax ayey ka sii badali doontaa, waa sii hagaajin doontaa, waa sii casriyeyn doontaa ayaan is laheen, in ay wax ka badasho iska daaye in la is booboo , oo hoos la isku boobo, korna la isku boobo ayey mareysaa, waxaa la sugayey maamul hufan oo dadka Galmudug iyo dadka kalaba u muujiya wanaag iyo Dimoqoraadiyad cadaalad iyo wax wadaag meeshii laga sugayey in dhib badan la abuuro ayaa ka dhalatay”. Xildhibaan Warsame oo hadalkiisa siiwato ayaa nasiib darro ku tilmaamay in dowladdii iyo madaxdii laga heli lahaa Garsoor iyo Cadaalad bulshada Galmudug u dhaxeyso iyagu ay ku tummanaayaan, waxaana uu intaas ku daray in xiligaan aan bulsha Galmudug aanan lagu qasbi karin wax aysan ayagu rabin oo codkooda aysan ku dooran. “Maamulkii qaran ee isaga Garsoorka laga rabay haddii uu isagu Garsooka ka tago ee cadaalad darri lala yimaado, dadku wuu dirirayaan maamulkii la rabay inuu dhismana dhismimaayo, dhammaan dadka Soomaaliyeed ee qeylinaayo oo aad maqleyso oo ka cabanaya maamulkii meesha la keenay ee ahaa guddigii dhismaha Galmudug ama madaxdii sare oo go’aan gaarista la heyd ayaa ka shaqeeyey iyaga oo dad iyo dano kale u hiilinayo”. Dhanka kale, Xilshibaan Warsame Maxaned ayaa carabka ku dhuftay in qalalaasaha doorashada Galmudug ay mas’uul ay ka tahay dowladda fedraalka ah oo iyadu wax waliba isku koobtay cidna aan ka talo gelin. “ Ahlu sunna xaq waa ay leedahay oo maamulkii meesha ka jiray, maamulkii meesha ka jirayna in la xurmeeyo xiligiisa la gaarsiiyo, xiligii mamul hufan dowladdu kala wareegi laheed maamulkii la gaarsiiyo xuquuqda iyo xurmada ay leeyihiina lasiiyo waaye, wixii la siiyey meel gaar ah ma geynin oo Galmudug ayey dib ugu soo laabatay oo beelaha ayeey xubno ka qaadanaayeen” Ugu danbeyn Xidhibaan Warsame Maxamed Xasan (Joodax) ayaa sheegay in khilaafka aan dhammaan ee Galmudug labeedii maamul dhisme galay ay mas’uul ka tahay in mar waliba Dulmi la dhexgeeyo dadkaas, waxaana uu xusay in ay yihiin dad aan Dulmiga loo bilaabin. “Galmudug waxaan qabaa waa dad haddii wanaag jiro rabo haddii la dhexgeeyo wanaag lehna waaye, lakiin haddii ay arkaan in la is dulminaayo aan dulmiga loo bilaabin waxaan leenahay dulmiga ha laga daayo dad is maamuli kara oo wax wadaagi kara oo wax ka dhexeyaan in ay is qanciyaan ay suurto gal tahay waaye”. Galmudug News Source: goobjoog.com
  15. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Galmudug ayaa maanta madaxweynaha cusub ee maamulkaasi u doortay, Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor, kadib markii uu ku guuleystay doorasho ka dhacday maagaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud. Qoor-Qoor ayaa ku soo baxay wareegii koowaad ee doorashada, isagoo helay 66 cod, halka musharraxii kale ee ku xigay ee Cabdullaahi Axmed Samatar uu helay 9 cod. Sidoo kale waxaa wareegaan ku haray Cabdiraxmaan Axmed Sabriye oo helay 1 cod iyo Axmed Shire Maxamed (Falagle) oo isna helay 1 cod. Musharraxa guuleystay oo ay wadatay dowladda federaalka ayaa horay loo sii ogaa inuu ku soo bixi doono doorashadaan. Guddoomiyaha baarlmaanka Galmudug, Maxamed Nuur Gacal oo ku dhawaaqay natiijada doorashada ayaa shaaciyey inuu xil ka madaxweynaha Galmudug ku guuleystay Qoor-Qoor, islamarkaana uu hoggaamin doono afarta sano ee soo socota. Intaasi kadib ayaa waxa ay xildhibaanadu guda galeen u codeynta musharraxiinta u taagan xil ka madaxweyne ku xigeenka, kuwaas oo gaarayey shan musharrax. Shanta musharrax ayaa waeeegii koowaad kala helay: Cabdiqani Sheekh Cali Diini 26 cod, Cali Daahir Ciid 26 cod, Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) 12 cod, Saadaq Cabdullaahi Xaashi 7 cod iyo Axmed Taajir Yuusuf Warsame oo isna helay 6 cod. Sidoo kale waxaa wareega labaad u gudbay afarta musharrax ee ugu codadka badnaa wareega 1-aad, balse inta aysan bilaaban codeynta ayaa waxaa taanusalay musharraxiinta Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) iyo Saadaq Cabdullaahi Xaashi. Sidaas daraadeed waxaa wareega labaad oo aad u adkaa ku tartamay, Cabdiqani Sheekh Cali Diini iyo Cali Daahir Ciid oo min 26 dhibcood kala helay wareegii 1-aad. Sida uu shaaciyey guddoomiye Gacal waxaa ugu dambeyn xil ka madaxweyne ku xigeenka Galmudug ku guuleystay musharrax Cali Daahir Ciid oo helay 46 Cod halka Cabdiqani Sheekh Cali Diini uu helay 31 Cod. Doorashadaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo horay garabka Ahlu Sunna Dhuusamareeb ugu doorteen inuu noqdo madaxweynaha Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.
  16. Waxaa heer gabo ah soo gaaray dib u dayactirka ka Socda garoonka Jamaacadaha ee degmada Hodan wuxuuna garoonka soo maray maraaxil kala duwan sanadihii lasoo dhaafay waxaana iminkana muuqanaysa bilicda iyo dib u habeynta ay ku sameeyeen madaxda Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya. Dadka deegaanka ayaa soo dhaweeyay talaabada naqshadeynta iyo horomarka ka socda gegida Jaamacadaha waxayna goobjoog u ahaayeen tan iyo bilaawgii ee mashruucan,guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab ayaa sheegay in garoonka ay kasoo mareen dhibaatooyin badan. Waxaa inta uu socday qorshaha dib u habeynta garoonka lagu soo kordhiyay Xarun la doonayo in lagu dhiska jirka ciyaartooyda Xulalka Qaranka ee loo yaqaano GM waxaana Xirirka talaabadan uu ku arkaa mid daboolidoono baahda kubbadda cagta iyo Wadanka uu la tartamo dalalka kale ee hormaray. Guddoomiyaha Xiriirka Soomaiyeed ee Kubbadda Cagta mudane Cabdiqani Saciid Carab ayaa soo kormeeray guud ahaan qeybaha kala duwan ee garoonka wuxuuna Goobjoog u sheegay in dhawaan bahda Kubbadda cagta ay helayso garoonka casriya ee laga diyaariyay dhinac kasta wax badan dabooli doona. Si kasta garoonka ayaa noqonaya kii labaad ay si casriyan u habeeyaan madaxda Xiriirka Kubadda Cagta waxaana mashruucyada qurxinta garoomada dalka ka taageeraya Hayada adda K.Cagta Aduunka ee FIFA Halkan Ka Daawo Dhismaha Garoonka Jaamacadaha Oo Gabo Gabo Ku Dhaw W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  17. Murashax Cabdiraxmaan Odowaa ayaa waxa uu eedeyn u jeediyay madaxda ugu sareysa ee dalka isaga oo tilmaamay in Galmudug ay yeelato seddex madaxweyne ay masuuliyadeeda qaadayaan madaxweyne Farmaajo iyo ra’isulwasaare Kheyre. “In Galmudug yeelato saddex Madaxweyne waxaa masuuliyaddeeda iska leh Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha dalka, Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Xasan Cali Khayre. Sida la wada ogsoon yahay, labadan mas’uul waxay muddo sanad ku dhow ka shaqeynayeen in ay Galmudug ka sameystaan maamul ay iyagu soo xuleen” ayuu yiri Odowaa. Dhinaca kale Cabdiraxmaan Odowaa ayaa ugu baaqay waxgaradka, odoyaasha dhaqannka, saamileyda siyaasadeed iyo seddexda garab ee ay u qeybsantahay Galmudug in ay isugu yimaadaan sidii loo dhisi lahaa hal maamul oo loo dhanyhay. Odowaa oo baaqaasi diraya ayaa yiri “Waxaan dhammaan waxgaradka, odayaasha dhaqanka iyo saamileeyda siyaaasadeed ee ree Galmudug iyo sadaxda garab ee hadda saakay Galmudug u qaybsanthay inaan isugu nimaad sidii hal maamul loo dhisi lahaa” Hadalka Odowaa ayaa waxa uu ku soo aadaya xilli maanta Galmudug ay yeelatay seddex madaxweyne, waxaana arrinkaas walaac ka muujinaya bulshada qeybaheeda kala duwan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Xerada Ciidamada DF ee ku taal Qalimow ayaa saaka weerar Argagixiso uu kandhacay halkaas khasaare badan uu soo gaaray Ciidanka. Al-Shabaab ayaa durba sheegtay weerarka [...] Source
  19. The Federal Republic of Somalia has declared the Desert Locust invasion a matter of national emergency. In a Press release, Somalia’s government has termed the locust invasion a severe threat to national food security. It was anticipated that the upsurge of the pest invasion could affect the new planting season in the country. It states partly: “The Federal Government of Somalia is concerned about the risks desert locusts pose to the ’cropping season which starts in April. “It is vital to contain the pests with a rapid scale-up in control operations while protecting and supporting the livelihoods of farmers and pastoralists. ”Somali Minister for Agriculture Said Hussein revealed that the State was committed to protecting the Somali people through all the necessary means. “Given the severity of the locust outbreak, we must commit our best efforts to protect the food security and livelihoods of Somali people. If we don’t act now, we risk severe food crisis that we cannot afford by any means,” he said. According to Hussein, Mogadishu has put in place measures to curb the menace such as surveillance, data collection, and timely reporting and control activities. As of December 18, 2019, Reuters reported that the locusts had wreaked havoc in the horn of Africa sweeping vegetation in about 70,000 hectares of land. The invasion transcended borders as it spilled from Somalia into Ethiopia. Food Agriculture Organisation estimated that food destroyed in the event could feed up to around 2,500 people. View the full article
  20. The regional lawmakers of Somalia’s central Galmudug state have voted on Sunday to elect a new president in Dhusamareb town, the regional capital of Galgadud. Four candidates including Ahmed Abdi Kariye [Qoor-Qoor], Abdirahman Ahmed Sabriye, Ahmed Shire Faragle, Ahmed Abdullahi Samatar have contested for the region’s top seat. The former state minister of public works Ahmed Abdi Kariye Qoor Qoor was announced the winner of the election after secure two-thirds of the vote, according to the election body. The election was boycotted by Ahlu Sunna and several opposition candidates who accused the Federal Government of Somalia of meddling in the electoral process of Galmudug. View the full article
  21. Galmudug is going through a difficult political time. With the controversial election of Sheikh Shakir as the President of Galmudug, the emergence of parallel administrations is the likely outcome. The International Community urged stakeholders not to rush the process of forming a new administration. There is nothing perplexing about the behaviour of Galmudug rivals. They are not more quarrelsome than politicians from other Federal States. To understand why Galmudug is slogging through a difficult political transition one has to pay look at how the Federal State has come into existence. President Xaaf: Galmudug does not need puppet institutions Galmudug was founded in 2006, when most regions in Southern Somalia were under the Union of Islamic Courts. It made South Galka’yo its administrative capital. It played a role in the phasing out of the transitional government to put in place a permanent government. It had a rival— Himan iyo Heeb — then based in Adaado district of Galguduud. Ahlu Sunna did not the recognise South Galka’yo-based administration either. In 2015 the Federal Government under President Hassan Sheikh Mohamud put more effort into the amalgamation of Galmudug, Himan & Heeb and Ahlu Sunna Wal Jama’a, the religious paramilitary group keeping Al-Shabaab at bay in many parts of Galguduud. The Federal Government created a new and expanded Galmudug with a Parliament and a Council of Ministers. The first President of the new Galmudug was an ally of President Hassan Sheikh Mohamud. This approach to state-making keeps Galmudug in limbo. The Mogadishu Presidency (Villa Somalia) micromanages the electoral process of Galmudug. The public funds the Federal Government uses to select a loyal Galmudug Presidential Candidate further complicates the situation. Successive Somali Federal Governments have sought to undermine Ahlu Sunna to install an administration loyal to Villa Somalia. This political interference is a threat to stabilisation efforts. Galmudug needs a political process conceived by locals to become accountable to its people. As long as the Federal Government directs the Galmudug political process, the political controversy will continue to deepen. That is why four presidential candidates have withdrawn their candidacy. © Puntland Post Monthly, 2020 The post Villa Somalia Should Leave Galmudug Alone appeared first on Puntland Post.
  22. Axmed Cabdi Qoorqoor ayaa ku guulaystay Doorashadii Galmudugta ay Dowlada Federaalku gadaal ka riixayso, wuxuuna noqonayaa Madaxweynihii sadexaad ee Galmudug yeelato. Cod aqlabiyad ah ayuu [...] Source
  23. DHUSAMAREB (HOL) - Immediate former State Minister of Public Works Ahmed Abdi Kariye aka Qoorqoor has been elected President of Galmudug state by a faction allied to the Federal Government in an election that saw three main candidates pull out. Source: Hiiraan Online