-
Content Count
214,341 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Addis ababa)- Dawladda Ethiopia ayaa diiddan inay ku dhawaaqdo tuhun la tuhmayo inuu ka dillaacay dalkeeda Cudurka daacuunku. 684 qof ayaa cudurkan ugu geeriyooday dalkeeda wax ka yar sanad, sidoo kale waxaa haatan u jiifa 60,000. Iyadoo laga baqayo inay saameyn ku yeelato dakhliga ka soo xerooda dhoofinta cuntada iyo dalxiiska, ayay dowladdu ku adkeysaneysaa in cudurka uu yahay shuban biyood ayna la socoto xaaladdiisa. Laakiin, Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale ee gargaarka ee jooga Addis Ababa ayaa sheegaya in baadhitaannada sheybaadhka ay muujinayaan in dhimashadu ay ugu wacan tahay cudurka daacuunka. Hay’aduhu waxay rabaan dowladdu in ay ku dhawaaqdo xaalad deg deg ah oo ku saabsan Daacuunka si kor loogu qaado wecyiga gudaha iyo in la wanaajiyo waxqabadka caalamiga ah. Paul Hebert, oo ah madaxa xafiiska Qaramada Midoobay ee isku dubaridka arrimaha bini’aadannimada ee Itoobiya, ayaa sheegay in inkasta oo cudurka aanu xakamaysnayn, haddana uu ku sii faafayo qaybo cusub oo dalka ah loona baahan yahay in la caddeeyo wuxuu yahay. “Haddii lagu dhawaaqo in cudurkani yahay Daacuun, waxaan arki doonaa jawaabo aad u xoog badan oo ka imanaya deeq-bixiyeyaasha, marka loo eego maalgalinta iyo abaabulidda,” ayuu yidhi Paul Hebert. Cudurka Daacuunka ayaa si dhakhso ah wax u dili kara haddii aan la daaweyn. Horraantii sanadkii hore dhowr boqol oo dhimasho ayaa laga diiwaan geliyay dalka dariska la ah ee Suudaan. Bishii Abriil caabuq ayaa laga diiwaan geliyey gobolka Gambella ee Itoobiya, taasoo keentay in shaqaalaha caafimaadka ay rumaystaan in cudurka lagu qaaday xadka. Roobab culus iyo daadad ayaa ka caawiyay inuu cudurku ku fido 8 ka mid ah 11ka gobol ee Itoobiya. Toddobaadkan oo keliya in ka badan 1,000 kiis oo cusub ayaa laga soo sheegey degmada waqooyiga ee canfarta. Af-hayeen u hadlay wasaaradda caafimaadka ee Itoobiya ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Addis Ababa in walaacyada Qaramada Midoobay ay xad-dhaaf yihiin. wuxuu sheegay in ay dowladda Ethiopia dadaallo culus ku bixineyso wax ka qabashada cudurka dillaacay. Dalal kale oo Afrikaan ah ayaa diiday in ay qiraan in daacuun ka dillaacay iyaga oo ka baqaya in ay waxyeelleeyaan dhaqaalahooda. Qaramada Midoobay awood uma lahan inay ku dhawaaqdo cudur faafa waana inay raacdaa hagida wasaaradda caafimaadka ee dal kasta. Laakiin, xilli roobaadka oo la filayo bilaha soo socda, shaqaalaha samafalka ayaa ka walaacsan in tirada dadka dhimashadu ay si aad ah kor ugu kici doonto haddii aan tallaabo deg deg ah la qaadin. Source
-
Aqoonyahan Oo Ku Baaqay In La Ilaaliyo, Lana Dayac-Tiro Goobaha Taariikhda Ku Leh Somaliland (SLT-Hargeysa) Qaar ka mid ah aqoonyahannada Somaliland ayaa walaac ka muujiyey burburinta waxyaabaha aataarta qadiimka ah. Aqoonyahanka ayaa ku tiliyey in si guud loo ilaaliyo meelaha iyo waxyaabaha taariikhiga ah ee dalku leeyahay oo haatan qaybo ka mid ah la burburinayo. Muxiyadiin Cabdi Shiil oo ka mid ah dhallinyarada aqoonyahanka ah ayaa ka hadlay masiijidka Kuweydiga oo ku yaalla xaafadda Hawl-wadaag ee magaaladda Hargeysa oo haatan dayac-tir lagu wado. Aqoonyahankan ayaa xukuumad iyo shicib ugu baaqay in la ilaaliyo waxyaabaha iyo meelaha taariikhiga ah ee dalka ku yaalla, isla markaana waxa uu soo jeediyey in dayactir lagu sameeyo goobaha. Kuweydiga oo ka mid ah goobaha dhismeyaasha taariikhda faca weyn leh ee ku yaalla Somaliland, ayaa waxa dhistay haweenay u dhalatay dalka Kuweyt muddo laga joogo 41 sanno. Masaajidkan ayaa buirbur badani soo gaadhay, maadaama aan la dayactirin taniyo waqtigii la dhisay masaajidkan, balse imika waxa socda dayac-tir lagu samaynayo masaajidkaasi. Iyadoo gebi ahaanba la burburiyey dhismihii hore sida ay sheegeen Guddida loo saaray dacatirka masjaidka oo baaq ku wajahan dhaqaalaha lagu dayactirayo masjidkaasi u diray bulshada Somaliland. Source
-
Garbahaarey (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Al-Shabaab saacadihii la soo dhaafay shaqaale samafal ah ay ka afduubteen degmada Beled-Xaawo oo ka tirsan gobolka Gedo. Wasiirka ayaa tilmaamay in shaqaalahaasi oo labo ahaa iyo gaadiid ay wateen laga qabtay duleedka degmadaasi, islamarkaana ay kaxeysteen dagaalyahanno ka tirsan Shabaab. Sidoo kale wuxuu sheegay in labadaasi qof ay u shaqeynayeen hay’ad maxali ah oo uu magaceeda ku sheegay Hirda. Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka Jubbaland oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in shaqaalahaasi ay yihiin Soomaali, islamarkaana aysan garaneyn illaa iyo hadda meesha lala aaday. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in Jubbaland ay dadaal badan ku bixin doonto, sidii loo soo badbaadin lahaa labadaasi qof ee ka shaqeynayey dhanka samafalka. Dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobolka Gedo ayaa marar badan afduub ka geysatay gobolkaasi, kuwaas oo inta badan ay kula dhaq dhaqaaqeen shaqaale ka mid ah hay’adaha samafalka ee howlaha bani’aadanimo ka fuliya halkaasi.
-
(SLT-London)-Ciidamada Booliska ee magaalada London ayaa toogtay nin dad ku weeraray wado mashquul badan oo ku taala koonfurta magaalada London. Weerarka Mindida ah ayuu ku dhaawacay saddex qof, waxaanay ciidamada bileysku ay ku sifeeyeen oo ay la xidhiidhiyeen fal Argagixiso. Mid ka mid ah saddexda qof ee dhaawacmay ayaa xaaladd culus ku jira. Waxaana markii dambe ciidamada bileysku ay ku toogteen badhtamaha wadada Streatham. Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in ninka ku hubaysnaa Mindidu uu galay dukaan kadibna uu bilaabay inuu dadka Mindida la dhaco ama ku weeraro. Waxaanu dukaankaasi uu ka baxay kadib markii uu Mindida ku dhuftay haweenay. Adeega gurmadka degdega ah ee London ayaa sheegay inay dawaynayaan saddex qof oo ku dhaawacmay weerarkaasi oo dhamaantoodba loo soo qaaday cusbitaalka. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ee Somaliland ayaa xukunno dil iyo xadhig ah ku xukuntay saddex askari oo ka tirsan ciidanka Booliska. Maxkamadda ayaa Maxamed Yaasiin Faarax oo ah askari boolis ah ku xukuntay dil toogasho ah, iyadoo lagu helay in uu magaalada Wajaale agteeda ku dilay Marxuum Caydaruus Maxamed Daahir. Sidoo kale, maxkamaddu waxay 11 sano oo xadhig ah ku xukuntay labada askari ee kala ah: Cabdinaasir Maxamuud Guuleed iyo Cumar Maxamed Cabdi, kuwaasi oo iyagana la sheegay in ay xidhiidh la lahaayeen falkan dilka ah. Source
-
Taliska Ciidanka Mareykanka ee Qaaradda Afrika ee loo yaqaano AFRICOM, ayaa faah faahin ka bixiyay duqeyn diyaaradeed oo maalintii shalay aheyd uu ka fuliyay, degaan ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe. Qoraal kasoo baxay AFRICOM, ayaa lagu sheegay in duqeynta ay ka dhacday meel ku dhow Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe, isla markaana lala beegsaday fariisin ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab. Sidoo kale, AFRICOM ayaa intaas kusii dartay in duqeynta lagu dilay hal xubin oo ka tisran Al-shabaab, waxaana Qoraalka Mareykanka lagu sheegay in duqeyntaas ay la kaashadeen Ciidanka dowladda. Waxaa kale oo Taliska Ciidanka Mareykanka ee qaaradda Afrika uu sheegay, in duqeyntaas laga fuliyay Gobolka Jubadda Dhexe aysan wax khasaaro ah kasoo gaarin dadka rayidka ah. Mareykanka ayaa tan iyo markii uu bilowday sanadkan ee 2020 duqeymo dhowr ah ka fuliyay degaano ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe, kuwaasi oo qaarkood uu Khasaaro kasoo gaaray xubno ka tirsan Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo faahfaahin ka bixiyay duqeyn uu ka gaystay gobolka Jubada dhexe appeared first on Puntland Post.
-
War saxaafadeed uu soo saaray taliska AFRICOM ayaa faah faahin looga bixiyey duqeyn Mareykanka sheegtay in uu ka fuliyay qeybo ka mi ah gobolka Jubbada Dhexe. Qoraalka ayaa lagu sheegay in duqeynta oo ka dhacday degmada Jilib lala beegsaday xarun ay ku sugnaayeen dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab. Sidoo kale Mareykanka ayaa sheegay in duqeyntaasi ay fuliyeen, iyagoo garab ka helaya ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. AFRICOM ayaa xaqiijisay in duqeyntaan cusub lagu dilay hal dagaalyahan oo ka tirsanaa Al-Shabaab, islamarkaana aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray dadka rayidka ah. Muddooyinkii la soo dhaafay Mareykanka ayaa sare u qaaday howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, gaar ahaan duqeymaha uu ka fuliyo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article
-
Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda FederaalkaAxmed Ciise Cawad, oo Axaddii Shalay quraac sharafeed ugu sameeyay gurigiisa Muqdisho, Safiirka Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya Qin Jian, ayaa kala hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya labadaa dal. Sida lagu sheegay Qoraal ka soo baxay xafiiskiisa, Wasiir Cawad ayaa carabka ku adkeeyay in uu xiriir toos ah la leeyahay ardayda Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Wuhan ee Gobolka Hubei ee dalka Shiinaha oo ah goobta uu cudurka dilaaga ah ee ‘coronavirus’ uu ku faafay. Sidoo kale, Qoraalka waxa lagu sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga ay la kaashan doontaa dowladda China iyo Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Beijing, si loo qaado tallaabooyinka lagama maarmaanka ah, si loo gaarsiiyo ardaydaasi waxa ay u baahan yihiin. Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa u xaqiijiyay Safiirka China in dowladda Soomaaliya ay garab taagan tahay dowladda iyo dadka China, islamarkaana ay si adag ay uga shaqaynayaan xakamaynta faafitaanka ‘coronavirus’. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Shiinaha oo iska kaashanayaa Xakamaynta coronavirus appeared first on Puntland Post.
-
Faarax Cabdi Guuleed oo ka mida aqoonyahanada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda ka soo jeeda deegaanada Jubbaland oo wareysi siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in deegaanada Jubbaland aysan ka jirin wax maamula oo la aqoonsanyahay islamarkaana maamulkii hore uu waqtigiisa dhamaaday maamul kalane aan wali la dhisin. Aqoonyahan Faarax Cabdi ayaa yiri “Gobalkaan Jubbaland wax dowlada oo la aqoonsanyahay kama jiro maamulkii hore waqtigiisii ayaa dhamaaday maamul kalane lama soo dhisin” Dhinaca kale aqoonyahanka ayaa tilmaamay in xilliggaan la joogo masuuliyadda ummadda reer Jubbaland ay saarantahay dowladda Soomaaliya islamarkaana loo baahanyahay in dadka ay isku keento islamarahaantaana ay maamul u dhisto “Jubbaland guud ahaan masuuliyadeeda waxa ay saartanhay maanta dowladda dhexe In ay dadka isku keento, walaaleyso, dib u heshiisiin iyo shirna loo qabto maamulna loo sameeyo laakiin hadda rag ismagacaabay baa wada jooga” ayuu hadalkiisa ku sii daray Faarax Cabdi. Ugu dambeyn aqoonyahan Faarx Cabdi ayaa dowladda ku eedeeyay in ay gabtay howlihii loo igmaday isaga oona dhinaca kale ku baaqay in il gooniya lagu eego maamulka Jubbaland isaga oo ka digay in xaalada maamulkaasi uu faraha ka baxo. “Dowladda waqtigeedii iyo waqtigii loo baahnaa wey gabtay hadana waxaan ku boorinaynaa xaaladda Jubbaland xaalad cakiran bey sii galaysaa in arrinkaan fiira gaara loo yeesho hadii arrinkaasi wax laga qaban waayowaxa ay noqon doontaa in uu ragaadku sii fogaado meel aan wax laga soo qaban karina ay gaarto arrinka Jubbaland” ayuu ka dhawaajiyay Faarax cabdi oo ah aqoonyahan ka soo jeeda Jubbaland. Dowladda Soomaaliya ayaan ku qanacsanayn natiijada doorashadii 22-kii August sanadkii 2019-kii ka dhacday magaalada Kismaayo taas oo markale dib loogu doortay Axmed Madoobe. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa kulan Muqdisho kula qaatay Wakiil goboleedka Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan maandooriyaha iyo dembiyada (UNODC) Dr. Amado Philip de Andrés. Labada dhinac Waxa ay diiradda saareen Xakamaynta maandooriyaha iyada oo la raacayo heshiisyo la saxiixay oo qeexaya qorshaha Qaran ee la dagaalanka maandooriyaha. Muhiimadda iskaashi dhexmara Soomaaliya iyo Qaramada Midoobe ayay ku sheegeen in ay yareyn karto ama ciribtiri karto walwalka laga qabo maandooriyaha oo halis ku ah nolosha dadka isticmaala. Qaramada Midoobe ayaa taageero xooggan ku bixineysa ol-olaha ka dhanka ah maandooriyaha dalal ay kamid tahay Soomaaliya si wax looga qabto saameynta taban ee uu ku leeyahay nolasha Bulshada. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo ka wada-hadlay La-dagaallanka Daroogada appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa sheegay in dhinacyada kala duwan ee maamulkaasi ee qaba tabashooyinka uu la geli doono wadahadal, si xal looga gaaro cabashooyinka haatan jira. Qoor-Qoor aya tilmaamay in cid weliba uu la fariisan, islamarkaana uu ka qancin doono tabashadeeda. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay isu tanaasul, si looga wada shaqeeyo danaha guud ee reer Galmudug. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Shardi.mp3 View the full article
-
Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb waxay sheegayaan in maanta halkaasi lagu qabanayo bannaan-baxyo lagu taageerayo madaxweynaha Shalay la doortay ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor. Ciidamo kala duwan oo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb aayaa sugaya ammaanka goobaha loo qorsheeyay isku soo baxa in lagu qabto. Balse weli Lama shaacin haddii madaxweynaha Cusub ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor ama mas’uuliyiin kale ay ka qayb geli doonaan bannaan-baxyada halkaasi ka dhacaya maanta. Dibadbaxyada ayaa la sheegay in ay soo abaabushay dowladda Federaalka Soomaaliya si ay Caalamka ugu muujiso farriin ah in Shacabka Galmudug ay taageersan yihiin mid kamid ah saddexda madaxweyne ee loo doortay Galmudug Mr Qoor Qoor. PUNTLAND POST The post Bannaan-baxyo abaabulan oo maanta ka dhacaya Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha shalay la doortay ee dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uusan diyaar u ahayn in uu cid gaar ah u jawaabo ama eed u jeediyo balse uu wada-hadal la furi doono cid kasta oo tabasho qabta. Mar la waydiiyay xiriirka kala dhexeeya Dawladda Federaalka Soomaaliya ayuu tilmaamay inuu Dawladda dhexe ku bogaadinayo sida ay u qabatay doorashada Galmudug. “In aan xiriir la leeyahay Dawladda dhexe waxaan u arkaa inay sharaf ii tahay, maadaama nidaamka dalkeena ka jiraa uu yahay mid Federaal ah oo Dawladda dhexe hormuud u tahay” ayuu yiri Madaxweyne Qoor-qoor. Sidoo kale wuxuu tilmaamay nidaamka doorasho ee lagu doortay in uu yahay mid wax laga taban karo sidaasi darteedna uu cid kasta kala hadli doono tabashadeeda. PUNTLAND POST The post Qoor Qoor oo sheegay in uu wada-hadal la furi doono cid kasta oo tabasho qabta appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Subax-03022020.mp3 View the full article
-
President Donald Trump congratulated the Kansas City Chiefs on their come-from-behind Super Bowl victory on Sunday. Source: Hiiraan Online
-
At least 18 people including eight Somali government soldiers and 10 al-Shabaab militants were killed, and more than 13 others wounded when fighters from al-Shabaab attacked Somali National Army and African Union peacekeeping mission troops bases in the middle Shabelle region on Sunday. Source: Hiiraan Online
-
A federal judge in Virginia has refused to vacate the life sentence handed down to a Somali man convicted in a 2010 attack on a U.S. Navy vessel off the coast of Africa. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa jawaab kulul ka bixiyey go’aanka uu shalay safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ugu aqoonsaday Axmed Cabdi Qoor Qoor inuu yahay madaxweynaha saxda ah ee Galmudug. Xildhibaan Fiqi ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku sheegay in Galmudug “aysan ahaynb gobol ku dhexyaalla Maraykanka oo aqoonsi uga baahan safiir horey loo sii ogaa mowqifkiisa dhinaca u janjeera.” Hoos ka aqriso qoraalka Fiqi oo dhameystiran. GALMUDUG haddii doorashooyin kala duwan ay ka dhaceen oo madax kala duwan soo saartey, waxaa muhiim ah wixii hadda ka danbeeya in loo hawlgalo sidii loo xallin lahaa kala taagnaanta iyo khilaafka jira, hal meelna la isugu soo uruuriyo maamuladaas isdiidan. Afar sano ka hor Galmudug oo cusub oo aan khilaaf badan ka dhexjirin ayaa madaxdii joogtay ay ku fashilantey hogaaminteeda iskaba daa ayadoo kala qeybsan maanta. Uma arko hambalyada safiirada ajnabiga ah sida Yamamato In ay Galmudug ilowsiin karto xanuunka kala qeybsanaanta, Galmudug ma ahan state ku dhexyaalla Maraykanka oo aqoonsi uga baahan safiir horey loo sii ogaa mowqifkiisa dhinaca u janjeera. Waxaan dadka reer Galmduug xusuusinayaa inuusan u oolin dabaaldegid iyo hambalyo diris ayadoo ay Galmudug gudaheeda ay ku sugan yihiin 3 maamul oo hey’adahoodii barlamaanka wada wata, waxaan ka shaqsi ahaa qeyb ka noqon doonaa dadaalada nabadda iyo wadahadalka ee Galmudug lagu midaynayo si maamul dadkeedu raalli ka wada yihiin loo helo.
-
A paper was recently published in the American Chemical Society (ACS) Journal of Agricultural and Food Chemistry (JAFC) by scientists from the Queens University, Belfast, Northern Ireland, UK and their collaborators. A total of 140 samples (42 maize, 40 sorghum, and 58 wheat) were collected Source: Hiiraan Online
-
Gaarisa (Caasimadda Online) – Weerarada joogtada ah ee kooxda Al-Shabaab ka fuliso qeybo kamid ah gudaha dalka Kenya ayaa sababay inay xirmaan iskuulo badan oo ku yaalo Gobolka Gaarisa. Sababta ay iskuuladaas u xirmeen ayaa lagu sheegay inay tahay kadib markii ay halkaas isaga carareen macalimiintii dhigayey oo ka cabsaday weerarada kooxda Al-Shabaab, iyagoo sheegay inay gacanta ka baxday Amniga Gobolka Gaarisa. TSC oo ah Guddiga Macalimiinta Kenya ayaa sheegay in shaqo joojinta ay sameeyeen macalimiinta ay timaaday kadib markii ay Dowladda Kenya wax ka qaban weysay xaaladda Amniga ee Gobolka Gaarisa oo maalmihii dambe ay ka dhaceen weeraro khasaaro geystay oo ay soo qaaday kooxda Al-Shabaab. Guddiga Macalimiinta Kenya ayaa ugu baaqay waalidiinta ay ardayda u dhiganayeen Iskuulada Gobolka Gaarisa inaysan iskuul usoo dirin inta ay dowladda Kenya xal u keeneyso dhibaatada Amniga ee Gobolkaas ka taagan sida uu sheegay Xasan Sheekh Cali oo ah Afhayeen u hadlay guddigaas. Guddiga Macalimiinta Kenya ayaa diiday inay macalimiin kale keenaan Iskuulada ay ka tageen macalimiintaas iyagoo taas sabab uga dhigay inay keeneyso kala qeybsanaan ayna fududeeneyso inay macalimiinta galaan gacanta Al-Shabaab. TSC ayaa sheegtay in macalimiinta Gobolka Gaarisa isaga cararay ay gaarayaan illaa 30 Macalin kuwaas oo ka naxay dhimashada seddex ka tirsan saaxiibadii ay macalimiinta isla ahaayeen oo ku dhintay weerar ay Bishii hore Al-Shabaab ku qaaday iskuul ku yaalo Gaarisa. Kenya ayaa ilaa hadda ku guuleysan la’ inay ka hor tagto weerarada Al-Shabaab ee gudaha dalkaas, waxayna mar kasta sheegtaa inay xoogga saareyso sidii Al-Shabaab looga sifeyn lahaa Gobolka. Dowladda Kenya ayaa ciidamo dheeraad ah geysay xuduudda ay la leedahay Soomaaliya si ay uga hortagto maleeshiyada Al-Shabaab oo si xoolo ah ugu qulqulayo gudaha Kenya. Kooxda Al-Shabaab ayaa horey u sheegtay inay joojin doonin weerarada ay ka geysato gudaha Soomaaliya inta ay Dowladda Kenya kala baxeyso ciidamada ka joogo Soomaaliya ee ka tirsan howlgalka Midowga Africa ee AMISOM.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in duqeyn cusub oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ay ka fulisay gudaha dalka Soomaaliya. Qoraal kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in ayada oo la kaashanayao dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay AFRICOM duqeyn ka fulisay degmada Jilib, 2-dii Febraayo. Duqeyntaas ayaa AFRICOM waxay sheegtay in lagu dilay hal sarkaal oo Shabaab ah. AFRICOM ayaa sidoo kale sheegtay in cid shacab ah aysan waxba ku noqon duqeyntii ugu dambeysay. “Al-Shabaab waxaa koox xiriir la leh Al-Qacida oo dooneysa inay fidiso ajandaheeda jihaadiga ah. Cirib-tirka xitaa hal argagixiso waa mid gobolka iyo Mareykankaba ka dhigeysa ammaan.” Waxaa sidaas yiri Jeneral William Gayler oo ah agaasimaha howl-gallada ee AFRICOM. Gayler ayaa sheegay in cadaadis joogto ah oo la saaro Al-Shabaab uu muhiim u yahay in laga hortago in kooxdan ay dhisto deegaan ammaan ah oo ay kasoo dhoofiso rabshadaheeda. AFRICOM ayaa intaas ku dartay inay sii wadi doonto inay saaxiibadeeda kala shaqeyso sidii mas’uuliyadda amniga ee mustaqbalka loogu wareejin lahaa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah.
-
Somalia has declared a national emergency as large swarms of locusts spread across east Africa. The country's Ministry of Agriculture said the insects, which consume large amounts of vegetation, posed "a major threat.... Source: Hiiraan Online
