Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,341
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya, weerar culus o xalay malayshiyaadka Al-Shabaab ay ku qaadeen Saldhig Ciidamo ka tirsan AMISOM ku leeyihiin degaanka Buufow Bacaad ee duleedka magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose. Dadka degaanka Buufow, ayaa soo sheegaya in Saldhiga Ciidamada AMISOM uu ka dhacay dagaal muddo saacad ku dhow socday, isla markaana uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay dagaalkaas. Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan, in dagaalkaas uu ku geeriyoodey hal ruux laba kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo dhamaantood ahaa dad Rayid ah deganaa meel u dhow Xerada Ciidamada AMISOM ee la weeraray. Dad ku sugan degaanka Buufow ayaa sidoo kale waxay sheegeen in Ciidamada AMISOM ay tiro madaafiic ah rideen kadib markii dagaalka uu dhacay,hayeeshee lama shaacin wax khasaaro ah oo ka dhashay madaafiicdaas. PUNTLAND POST The post Dagaal culus oo Al-shabaab iyo AMISOM ku dhexmaray duleedka degmada Marka appeared first on Puntland Post.
  2. Cabdullaahi Faarax Wehliye oo ka mid ahaa afartii musharrax ee qaaddacay doorashadii Galmudug ayaa ka hadlay xaaladda guud ee maamulkaasi iyo doorashadii lagu doortay Qoor Qoor. Wehliye oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa marka hore ku soo dhaweeyay doorashadii Dhuusamareeb ee lagu doortay Qoor Qoor, isagoo sidoo kale u hambalyeeyey. “Anigoo og wadadii dheereed ee loo soo maray isku keenista Galmudug, isla markaana ilaalinaya midnimada iyo wadajirka Galmudug waxaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan reer Galmudug u cadeynayaa inaan soo dhoweynayo natiijadii kasoo baxday doorashadii Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug ee lagu doortay Axmed Cabdi Kaariye iyo Cali Daahir Ciid” ayuu yiri Weheliye. Sidoo kale qoraalkan ayuu Cabdullaahi Faarax Wehliye uga hadlay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay Galmudug, wuxuuna tilmaamay inuu isagu gartay inuu tanaasulo, si loo soo afjaro khilaafaadka la dagay horumarka maamulkaasi. “waxaan kamid noqday musharaxiintii usoo istaagey xilka Madaxweynaha Galmudug 2020-2024, hase ahaatee masuuliyiintii Dowladda Dhexe iyo Gudoonka Baarlamaanka Galmudug waxaan ku kala fikir duwanaaney qaabka loo marayo Doorshada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka, sidaas ayaana uga haray Doorashadii Galmudug ka dhacday 02-02-2020 ee lagu doortay Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa” ayuu sii raaciyay. Ugu dambeyntii, wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo uu sheegay, in uu dadaal badan geliyay doorashada Galmudug “Waxaan mar kale si gaar ah ugu mahad celinayaa Raysulwasaaraha XFS dadaalkii aan qiyaasta laheyn ee uu geliyey Galmudug waxaan leeyahay mirihiisii waa la gaarey ee aan xajino Inshallah.” Sidoo kale, Musharrixiinta ka ah Kamaal Daahir Guutaale iyo Cabdi Dheere ayaa horay u soo dhaweeyay doorashadii uu ku soo baxay Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, inkastoo ay sheegeen in aysan ku qanacsaneyn hannaanka doorashadaasi, haddana waxay tilmaameen in ay danta guud u tanaasuleen. PUNTLAND POST The post Musharraxii saddexaad oo soo dhaweeyay doorashadii Qoor Qoor appeared first on Puntland Post.
  3. U.S. forces destroyed two al-Shabab compounds and killed at least one terrorist in a military operation in southern Somalia last month, the Pentagon announced Monday. Source: Hiiraan Online
  4. Not only did Etihad cancel a lot of new plane orders last year, but now the airline is selling over three dozen of their long haul aircraft, some of which are still in service, and some of which the airline has already retired. Source: Hiiraan Online
  5. Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu met with the leader of Sudan on Monday and said they began talks on normalization, a major diplomatic breakthrough with an Arab and African state two days after the Arab League rejected a U.S. Mideast initiative that heavily favors Israel. Source: Hiiraan Online
  6. NAIROBI, Kenya (AP) — Daniel arap Moi, a former schoolteacher who became Kenya’s longest-serving president and presided over years of repression and economic turmoil fueled by runaway corruption, has died. He was 95. Source: Hiiraan Online
  7. Madaxweynihii hore ee Kenya, Daniel Toroitich Arap Moi ayaa ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Geerida Moi ayaa waxaa ku dhawaaqay Madaxweyne Uhuru Kenyata isagoo ka hadlayay icaadadda dowlada talaadadii. Mr Moi oo da’diisu ay ahayd 94 sano jir waxaa uu dalka Kenya soo maamulayay 24 sano, waxaana uu xilka ka degay sanadkii 2002. Arap Moi ayaa muddooyinkii dambe xanuunsana, waxaana xaaladiisa caafimaad lagula tacaalay dibadda iyo gudaha dalka Kenya. Madaxweyne Daniel Toroitich Arap Moi oo dhashay 2-dii bishii Sabtembar ee sanadkii 1924, kana soo jeeda qowmiyadda Kalenjinta ee degta galbeedka wadanka Kenya ayaa xilka madaxweyne ku xigeenka qabtay sannadkii 1967-dii. PUNTLAND POST The post Madaxweynihii hore ee Kenya Daniel Arap Moi oo geeriyooday appeared first on Puntland Post.
  8. Wax kasta oo GalMudug ay isu geysatay iyo wax kasta oo uu Federaalku u geystay, haddana mid ayaa ma huraan ah. In siyaasadda Gobolku ay horseeddo in uu nabad ku wada noolaado, nabad kula noolaado deriska, kana shaqeeyo horumarka dadweynaha dul, dhex iyo barbar deggan degaan hodon ku ah kheyraad dabiici ah se ka gaajeysan. Si nabad buuxda iyo horumar loogu tallaabsado, waxaa ma huraan ah in la wadahadlo, dhabta la is hordhigo, oo la kala garqaato. “Guusha” kooxdaada ha ku qiimeyn, ama aan si kale u dhaho, jiritaankaaga ha ku sababeyn keliya waxa aad u dhimi karto dhinac aad is haysaan. Is weydii culeyska iyo dib u dhaca ku jira in aad isku daydo in inta kale oo dhan aad adigu muquuniso. Adigu keligaa isu qir in aanad dadka kale ka xigin degaanka iyo dalka. In ismuquunin aan horumar lagu gaari karin ka baro taariikhda dhow iyo tan fog ee dalka. Bal qiyaas. Wanaag adiga oo wada ayay dhacdaa in shar lagaala hor yimaado. Haddii aad shar soo qorsheyso, rajo ha ka qabin in wanaag lagaala hor yimaado. Shar kaltan ah oo marba ay kooxi isku daydo in ay u quus goyso inta kale, horumar laguma gaarayo, nabadna waa lagu waayi karaa. Xumo kasta oo lagugula kacay, ballanbaxya kasta oo aad daliisheeda hayso, daneysi kasta oo aad ku aragtay qaar, maangaabnimo kasta oo aad ku tuhmeyso dhinaca kale, haddana waa dad degaan iyo dan guud ay kaala dhaxeeyaan. Sida keliya ee hore loogu wada socon karaa waa wadahadal lagu goobo is afgarad. W/Q: Yuusuf Garaad Cumar
  9. Afgooye (Caasimada Online) – Waxay faah faahin ka soo baxaysaa qarax ay dad rayid ah ku dhinteen oo shalay galab ka dhacay Deegaanka Lafoole, oo ku yaalla wadada xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose. Shan qof oo la socday gaarigan oo nooca raaxada ahaa ayay miinada kula kacday meel aan ka fogayn Isbitaalkii Xaawo Cabdi, iyadoona ay halkaasi ku geeriyoodeen dhammaanba dadkii gaarigaasi saarnaa, oo darawalkiina uu ka mid ahaa. Dadkan oo ka yimid xaafadda Malable ee Degmada Wanlaweyn ayaa waxay ku sii jeedeen Magaalada Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya shanta qof ee ku dhimatay qaraxa inay ku jireen wiil iyo gabar isu soo mehersaday Degmada Wanlaweyn, kuwaa oo markii horeba ka tagey Magaalada Muqdisho. Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in qaraxaasi loola dan lahaa gaari Cabdi Bille ahaa, oo ay la socdeen Ciidamada Dowladda, hase ahaatee uu haleelay gaarigii ay rayidka la socdeen oo daba socday. Qaraxan ayaa ku soo aadaya, xilli Dowladda Somaliya ay ciidankii ugu badnaa ku soo daadisay wadada isu xirto Muqdisho iyo Afgooye, si looga hortaggo weerarada Al Shabaab ee ka dhanka ah Injineerada Turkiga, ee dhiseysa wadadaasi. Isla maanta dad kaloo aroos u socday ayay gaarigoodii miino ku haleeshay wadada xiriirisa Degmooyinka Afmadow iyo Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose. Inta la ogyahay waxaa ku dhintay afar qof, halka lix kalena ay ku dhaawacantay.
  10. A regional security minister in Somalia arrested for “serious crimes” on 31 August 2019, who recently escaped from detention and is currently in Kenya, must be returned to face justice, Amnesty International said today. “It is unconscionable that Abdirashid Janan, who is suspected of responsibility for crimes under international law and other serious human rights violations, has evaded attempts to bring him to justice,” said Seif Magango, Amnesty International’s Deputy Director for East Africa, the Horn and the Great Lakes. “The Kenyan authorities must immediately arrest and hand him over to the Federal Government of Somalia, who should conduct his trial in a manner that that meets international fair trial standards, without any further delays. Victims of his alleged crimes have waited patiently for justice and their hopes must not be frustrated.” Abdirashid Hassan Abdinur, also known as Abdirashid Janan, the security minister in the regional administration of Jubaland, was arraigned at the Banadir Regional Court in Mogadishu on 6 October 2019 and thereafter detained until his escape last week. On 28 January 2020, the deputy police commissioner of the Federal Government of Somalia, Zakia Hussein, announced that the minister had escaped. Three days later, the chief of staff in the Office of the President of Jubaland, Abshir Mohamed, announced on Twitter that Abdirashid was “safely back home in Kismayo”. Amnesty International has learnt from multiple sources that Abdirashid is now in Nairobi, Kenya. “Abdirashid’s escape has left many victims of his alleged crimes, including the killing of civilians and obstruction of humanitarian aid doubtful as to whether they would ever get justice. Now that his whereabouts are known, the authorities in Kenya and Somalia must move swiftly to ensure he is re-arrested and promptly tried so that justice and accountability is served,” said Seif Magango. “The Jubaland administration, including President Ahmed Mohamed Islam, who has repeatedly called for Abdirashid’s release from detention, must desist from shielding him from facing justice upon his return.” View the full article
  11. Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Soomaaliya (NISA) ayaa sheegtay in hoggaamiyaha Al-shabaab uu xilalkii ka qaaday qaar kamid ah madaxda ururkaas. Bayaan kooban oo NISA soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayey ku sheegtay in hoggaamiyaha Al-shabaab Axmed Diiriye uu ka saaray Mahad Karatay iyo Bashir Qorgaab Golaha fulinta Al-shabaab, sidoo kale uu ka qaaday dhammaan xilalkii ay hayeen. NISA, waxay sheegtay in ay ka dambeysay xilal ka qaadida Mahad Karatay iyo Bashir Qorgaab, markii ay ka dalbadeen hoggaamiyaha Al-shabaab in uu joojiyo qaraxyada Muqdisho. “Axmed Diiriye, horjoogaha argagixisada Al-shabaab ayaa ka saaray Mahad Karatay iyo Bashir Qorgaab Golaha fulinta xarakada, kana xayuubiyay dhammaan xilalkii ay ka hayeen xarakada, kadib markii ay ka dalbadeen horjoogaha Al-shabab, joojinta qaraxyada joogtada ah ee lagu beegsado shacabka Muqdisho” ayaa lagu yiri qoraalka NISA. Qoraalka ka soo baxay NISA Ma jiraan ilo madax bannaan oo xaqiijinaya warka hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Soomaaliya. PUNTLAND POST The post NISA: Axmed Diiriye ayaa xilalkii ka qaaday qaar kamid ah hoggaamiyaasha Shabaab appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/BAr___Qubanaha-03022020.mp3 View the full article
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa qoraal ay caawa soo saartay shaaca uga qaaday khilaaf weyn oo ka dhex jira kooxda Al-Shabaab, kaasi oo horseeday is-beddelo weyn. Qoraal ay NISA soo dhigtay barteeda twitter-ka ayay ku sheegtay in hoggaamiyaha Al-Shabaab, Axmed Diiriye uu Mahad Karataay iyo Bashiir Qoorgaab ka saaray golaha fulinta ee xarakada Al-Shabaab, kana xayuubiyay dhammaan xilalkii ay ka hayeen xarakada. NISA ayaa sheegtay in sababta uu Axmed Diiriye u qaaday tallaabadan ay tahay kadib markii ay ka dalbadeen “joojinta qaraxyada joogtada ah ee lagu beegsado shacabka magaalada Muqdisho.” Axmed Diiriye, Horjoogaha Argagixisada AS ayaa ka saaray Mahad Karataay & Bashir Qorgaab golaha fulinta xarakada, kana xayuubiyay dhamaan xilalkii ay kahayeen Xarakada, kadib markii ay ka dalbadeen Horjoogaha AS, joojinta qaraxyada joogtada ah ee lagu beegsado shacabka Muqdisho. — NISA (@HSNQ_NISA) February 3, 2020 NISA ma aysan bixin wax faah-faahin ah oo intaas dheer, mana shaacin sida ay ku heshay xogtan xasaasiga ah ee kooxda Al-Shabaab dhexdeexa ka timid. Sidoo kale ma jiraan ilo-wareedyo si madax-banaan u xaqiijin kara warkan. Hase yeeshee, qoraalkan ayaa imanaya ayada oo kooxda Al-Shabaab ay sheegatay weerarkii 28-kii December ee Ex-Control Afgooye ee Muqdisho, kaasi oo lagu dilay in ka badan 80 qof oo badankood ahaa dad shacab ah. Al-Shabaab ayaa qirashadaas ka sokow waxay raali-gelin ka bixisay dadka shacabka ah ee halkaas lagu laayey, taasi oo ahayd tallaabo aan looga baran.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Kamaal Daahir Guutaale oo ka mid ahaa musharaxiintii u taagnaa qabashada xilka madaxweynaha Galmudug, ayaa goor dhaw war kasoo saaray mowqifkiisa ku aadan doorashadii shalay ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee lagu doortay Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor. Kamaal Guutaale, oo ka mid ahaa musharaxiinta mucaaradka ee qaadacay doorashada, islamarkaana ay isku beel yihiin Qoor Qoor, ayaa cadeeyey in uu tanaasulay, una hambalyeeyey Qoor Qoor. “Aniga oo hoosta ka xarriiqaya ineysan marnaba Dowladda Federaalka ah wax tanaasul ah ka sameyn qodob walba oo la isku qabtay mudadii Galmudug la dhisayay ayaan haddana sidii caadada noo aheyd waxaan rabaa halkaan inaan ka caddeeyo inaan ku dul shaqeeyo natiijadii shalay ka soo baxday Dhusamareb, una tanaasulo danta guud ee reer Galmudug”ayuu qoraalkiisa ku yiri Kamaal Guutaale. Hoos ka aqriso qoraalka Kamaal Guutaale oo dhameystiran Waxaan halkaan mahad celin balaaran iyo qadarin kal iyo laab ah oga jeedinayaa dhamaan intii igu dhiirra gelisay, gacan igu siisay, igala shaqeysay ololihii aan ugu jiray inaan hogaamiyo Dowlad Goboleedka Galmudug ee aan runtii jecleen in gobolkaas dhibaatadu ragaadisay aan Hal mar dowladnimo ka hirgelinno, kuna fariisinno nidaamka dowliga ah soona afjarno khilaafka ragaadiyey. Teamkii ila shaqeeyay waxaan lee yahay kartidiinna iyo wanaagiinna reer Galmudug way idin arkeen, waxaana rajeynayaa in Galmudug si hagar la’aan ah aad ugu sii shaqeysiin, welina waa ay idiin baahan tahay. Mahad celin kadib, waxaa shalay soo idlaaday ololihii aan aniga iyo teamkaygu ku dooneynay inaan hagaaminno Galmudug, intii aan ololaha ku jirnay muddo 5 bilood ah waxaan qabnay aragtiyo ku aadan sida loo dhisayo Galmudug, nasiib darro mar walba Dowladda Federaalka ah isku dhinac wax kama aanan arkeyn. Aniga iyo Saaxiibo badan oo aan musharixiin wada aheyn waxaan si joogta ah u soo bandhigeynay aragtideenna ku aadan sidii loo sixi lahaa hannaanka dowlad dhiska, waxaan dowladda oga aragti duwaneyn qaabkii lagu wajahay muddadii xil heynta ee Madaxweyne Ahmed Gelle Duale Xaaf, waxaan oga aragti duwaneyn sida ay u xagal daacineysay shirkii NABADDA ee Hobyo, waxaan oga aragti duwaneyn sidii ay u fulisay heshiiskii Ahlusunna waljamaca, waxaan oga aragti duwaneyn sidii ay ciidanka Federaalka ah iyo kuwa ajnabi ahba ugu soo daabushay magaalada Dhusamareb, waxaan oga aragti duwaneyn sidii ay u soo dhistay Guddigii farsamada ee doorashooyinka, waxaan oga aragti duwaneyn sidii Odayaasha loo xulay, waxaan oga aragti duwaneyn sidii Barlamaanka loo musuqay, waxaan sidoo kale qaadacnay doorashadii shalay ka dhacday magaalada Dhusamareb. Intaas oo kale aragti duwanaansha ah mid walba xilligeedii waana ka hadleynay, sida ay noogu muuqato xalkana waan soo bandhigeynay, waxaan sidoo kale ku dul shaqeyneynay innaga oo mar walba tanaasuleynay sidii ay Dowladdu markaas rabtay, dad badan oo reer Galmudug ah waa ay nooga aragti duwanaayeen inaan xaaladaas qallafsan aqbalno waxeyna nalahaayeen ha yeelina, qaar kale way nagu ammaaneen wayna nagu dhiirageliyeen tanaasulaadkii aan sameynay. Aniga oo hoosta ka xarriiqaya ineysan marnaba Dowladda Federaalka ah wax tanaasul ah ka sameyn qodob walba oo la isku qabtay mudadii Galmudug la dhisayay ayaan haddana sidii caadada noo aheyd waxaan rabaa halkaan inaan ka caddeeyo inaan ku dul shaqeeyo natiijadii shalay ka soo baxday Dhusamareb, una tanaasulo danta guud ee reer Galmudug. Waxaan halkaan ka soo dhaweynayaa Madaxweyne Ahmed Abdi Kaariye ilaahayna oga baryayaa inuu ku asturo xilka muhiimka ah ee reer Galmudug uu u qaaday, waxaan ugu baaqayaa inuu wax ka badalo hab-dhaqankii Dowladii uu wasiirka u ahaa, u howl galo sidii la isugu keeni lahaa garabyada maanta ku hartamaya Galmudug, uu dhaqan ka dhigto tanaasul iyo dad isku wad si loo gaaro Galmudug mideysan, loo dhan yahay oo isku Dan ah. Waxaan halkaan ammaan gooni ah oga jeedinayaa culimaa’udiinka Ahlusunna waljamaaca oo reer Galmudug marnaba waxa ay mudan yihiin aanan kala kulmin, tanaasulaadka ay sameeyeenna aan la qiimeyn, inta aan ka arkay waxaan aaminsanahay iney yihiin dadka ugu jecel in la dhiso Galmudug mideysan, dhaqaaqda oo taabagasha. Wabillahi Towfiq
  15. Ardey Reer Puntland ah ayaa maanta waxay ka dhoofeen Garoonka Diyaaradaha Bosaso iyagoo kusii jeeda Dalka Turkiga. Waa markii u horaysay oo Dalka Turkigu uu [...] Source
  16. (SLT-Hargeysa)-Hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Mudane, Xirsi Xaaji Ali Xassan ayaa Hambalyeeyey xubinta xilka koomishanka doorashooyinka iska casishay ee xisbiga UCID. Hoggaamiyaha ayaa isaga arintaas ka hadlaya yidhi: Xil kasta danta Qaranka ayaa ka weyn, waxaan hambalyaynayaa xubintii xisbiga Ucid u soo magacawday Gudiga Doorashooyinka Qaranka, Soo jeedintii iyo codsigii labada xisbi u jeediyeen iyo culaysyadii kala duwanaa ee loo jeediyay hadii ay horaantoodii ka soo jawaabeen waynu u hambalyaynaynaa inta hadhayna waxaynu ka sugaynaa war khayr leh iyo inay danta Qaranka u tanaasulaan si hore loogu sii socdo. Source
  17. Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa Kenya ugu baaqday in ay si dhaqso ah u xirto wasiirka amniga ee Jubbland Cabdirashiid Janan, oo hadda ku sugan magaalada Nairobi. War ka so baxay Amnesty International maanta oo Isniin ah ayaa dowladda Kenya lagaga dalbaday in ay marka ay xirto Wasiir Janan ku wareejiso dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. “Mas’uuliyiinta Kenya waa inay si dhaqso ah u xiraan oo ay ku wareejiyaan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, oo ah inay ku fuliso xukunkiisa qaab ku habboon heerarka maxalliga ee caddaaladda, iyadoo aan dib u dhac kale dhicin” ayuu yiri Seif Magango, ku xigeenka Agaasimaha Amnesty International ee Bariga Afrika. Ku xigeenka Agaasimaha Amnesty International ee Bariga Afrika waxa uu sheegay in aan la aqbali karin in Cabdirashiid Janan oo lagu tuhunsan yahay mas’uuliyadda dambiyo liddi ku ah sharciyada caalamiga ah iyo kuwa xuquuqda aadanaha uu ka baxsado caddaalladda. “Waa wax aan la aqbali karin in Cabdirashiid Janan, oo lagu tuhunsan yahay inuu mas’uul ka yahay dambiyada hoos imanaya sharciga caalamiga ah iyo ku xadgudubka kale ee xuquuqda aadanaha, uu ka cararay isku dayga in isaga la hor keeno cadaaladda” ayuu mar kale yiri Seif Magango. 31-dii August 2019, Ciidamada Amniga dowladda Soomaaliya, ayaa Wasiir Janan ka qabtay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho. 6-dii October 2019, ayaa Wasiir Janan la soo taagay maxkamad ku taalla magaalada Muqdisho, kadib markii lagu soo eedeeyay in uu galay dambiyo kala duwan, balse maxkamadda ayaa amartay in la soo dhammaystiro caddaymaha loo hayo kiiskiisa. Cabdirashiid janan waxa uu ku xirnaa xabsi ku yaalla magaalada Muqdisho muddo 5 bilood ah, ka hor inta aan la shaacin, in uu xabsigaasi ka baxsaday. 28-dii bishii January 2020 ayaa Taliye ku xigeenka Booliiska dowladda Federaalka Soomaaliya S/Guuto Sakiya Xuseen Axmed, shaacisay in uu xabsiga ka baxsaday, Wasiirkii Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xassan Cabdinuur (Janan). 31-dii Janaury 2020 ayuu Cabdirashiid Janan tagey magaalada Kismaayo ee xarunta KMG Jubbaland, kadib dooni uu ka raacay xeebta Muqdisho. Wasiir Janan saacado kadib tagitaankiisii Kismaayo, wuxuu u duulay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. PUNTLAND POST The post Amnesty International: Kenya waa in ay xirto Wasiir Janan appeared first on Puntland Post.
  18. Xubintii xisbiga UCID Ee komishanka Doorashooyinka qaranka ee somaliland Xasan Yuusuf ayaa hadda iska casilay xilkaasi, halkan hoose ka DAAWO Source
  19. Readers may question how come debt relief which is beneficial for Somalia fueled intense corruption, political conflicts, and Insecurity? Source: Hiiraan Online
  20. Nairobi (SMN) – Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ayaa ugu baaqday dawladda Kenya inay qabato Wasiirka Amniga ee Jubbland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur, isla markaana ay u gudbiso dawladda Soomaaliya si maxkamad loo saaro. War saxaafadeed kasoo baxay Amnesty International ayaa lagu sheegtay in Cabdirashiid Janan loo qabtay “dambiyo culus” 31-kii August ee sannadkii hore loona baahan yahay in caddaaladda la marsiiyo. Waxay xustay inay tahay arrin aan caqligal ahayn in Janan oo lagu tuhunsan yahay mas’uuliyadda dambiyo liddi ku ah sharciyada caalamiga ah, iyo kuwa xuquuqda aadanaha inuu ka baxsado caddaalladda. Kenya ayay ugu baaqdey inay qabato, si degdeg ahna ugu gacan geliso dawladda Soomaaliya, waxayna ugu baaqday dawladda Soomaaliya inay maxkamadayntiisa ka dhigto mid waafaqsan sharciyada caalamiga ah, iyadoo aan dib loo ridin. Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inuu Cabdirashiid Janan ka baxsaday goob lagu hayey 28-kii Jannaayo, isla markaana waxa uu 31-kii Janaayo ka degay magaalada Kismaayo isagoo isla maalintaas diyaarad ku tagay dalka Kenya. View the full article
  21. Muqdisho (SMN) – Afar qof ayaa ku dhimatay qarax maanta ka dhacay degaanka Xaawa Cabdi ee u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye, kaasi oo lala eegtay baabuur ay saarnaayeen dad rayid ah. Ma cadda hadii qaraxa uu ahaa mid lagu soo dhejiyey gaariga ama in uu ku diyaarsanaa meesha ay wax ka dhaceen. Babauurka ayaa la sheegay inuu ahaa nooca Kaarib, waxaana la sheegay guud ahana inay saarnaayeen shan qof. Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, inkastoo degaanka uu qaraxu ka dhacay la ogyahay inay si xooggan uga hawlgalaan Al-Shabaab. Laamaha ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaanan wali wax war ah kasoo saarin falkaan. View the full article
  22. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Habeen-03022020.mp3 View the full article
  23. Kismaayo (Caasimada Online) – Dagaal beeleed u dhaxeeya laba maleeshiyo oo maalmihii dhowaa ka socday duleedka magaalada Kismaayo, ayaa lagu soo warramayaa inuu sii xoogeystay islamarkaana ay dad badan ku dhinteen. Dagaalkan oo u dhaxeeya beelaha Majeerteen iyo Cawrmale ayaa salka ku haya deegaan lahaanshihiisa lagu murasan yahay, wuxuuna xooggiisa ka socdaa tuulada Sanguuni oo 60km u jirta Kismaayo. Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaray dagaalka ayaa sheegaya in illaa iyo hadda ay ku dhinteen dad gaaraya 20 qof, halka tobaneeyo kale ay ku dhaawacmeen. Dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ah ayaa badankood ah dhinacyada dagaalamaya, sida aan xogta ku helnay. Dagaalka ayaa sidoo kale kusii baahaya deegaano hore leh, mana jirto illaa iyo hadda cid ku guuleysatay inay joojiso. Maamulka Jubaland ayaa sheegay inay dhowaan ciidamo u diraan deegaanada dagaalka uu ka socdo, balse weli kuma guuleysan inay joojiyaan dagaalka. Sidoo kale, dadaallo ay odayaasha labada beel ka sameeyeen magaalada Kismaayo ayaan weli miro-dhalin.