Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The Somali government’s offensive against al-Shabab is faltering because of the divisive tactics deployed. Source: Hiiraan Online
  2. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Khayre iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si cad uga horyimid mudda kororsiga uu riixayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Waxay si adag uga hadleen burburka shirkii madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada uga socday Muqdisho waxayna ku eedeeyeen Madaxweyne Xasan Sheekh in uu isku dayayo muddo-kororsi sharci-darro ah islamarkaana waxay ku goodiyeen in ay tallaabo kasta oo sharci ah u adeegsan doonaan si ay u hor istaagaan damacaasi. “Waxaan ummadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka u caddaynaynaa in aanan marnaba aqbali doonin muddo-kororsi aan shalay ka diidnay Madaxweynihii hore” ayay ku sheegeen bayaan ay soo saareen Shariif, Sheekh Axmed, Xasan Cali Khayre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur. “Waddo kasta oo sharci ahna ku hor istaagi doonno damaca uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku hoosaasinayo shacabka, isaga oo adeegsanaya kalimad xaq ah oo ah doorasho qof iyo cod ah, laakiin uu ku doonayo baadil ah muddo-kororsi, taasoo ah taatiko uu ku soo hungoobay Madaxweynihii uga horeeyay xukunka, isaguna hore noola diiddanaa” ayuu sii raaciyay bayaanka. Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayay sidoo kale ku bogaadiyeen mowqifka uu ka qaatay Shirkii madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka uga socday Muqdisho ee uu ku diiday in mudda kororsi loo sameeyo dowlad goboleedyada iyo in la qabto doorashooyin qof iyo cod ah oo Puntland ka maqan tahay. Halkan ka akhriso Bayaankooda PUNTLAND POST The post Sheekh Shariif, Xasan Khayre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka horyimid mudda kororsiga uu raadinayo Madaxweyne Xasan Sheekh appeared first on Puntland Post.
  3. Safaaradda Shiinaha ee Pakistan ayaa sheegtay in ugu yaraan laba ka mid ah muwaadiniinteeda la dilay halka mid saddexaadna la dhaawacay ka dib markii kolonyo ay la socdeen lagu weeraray meel u dhow garoonka diyaaradaha ee Karachi. Safaaradda ayaa sheegtay in weerarku uu ka dhacay meel ku dhow garoonka caalamiga ah ee Jinnah, waxaana lala beegsaday shaqaale u dhashay Shiinaha oo u shaqeynayay shirkadda Koronto oo maxalli ah. Shabakadda Geo News ayaa sheegtay in ugu yaraan 10 qof ay ku dhaawacmeen weerarka, waxayna safaaradda Shiinuhu dowladda Pakistan ka dalbatay inay dhacdadan baaritaan ku samayso. Weerarrada ay geysanayaan kooxaha hubaysan ee dowladda ka soo horjeeda ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay ku soo badanayay dalka Pakistan, waxayna ciidamada nabad-gelyadu ballanqaadeen inay falalkaas gacan bir ah uga hortagi doonaan. Source: goobjoog.com
  4. Mogadishu (HOL) — A new report from Islamic Relief Somalia shows that food insecurity is worsening conflicts in Somalia's Bay region. Droughts, floods, and ongoing violence are deepening poverty and driving displacement, creating a vicious cycle of hunger and instability. The report spotlights how competition for scarce food resources fuels tensions within communities, leading to conflict and further displacement. Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo si wadajir usoo saaray warsaxaafadeed ayaa ka hadlay arrimo ku aadan shirka golaha wadatashiga qaran, ayaga oo ka digay in lagu dhawaaqo muddo kororsi horleh oo dalka ka abuuri karo jahwareer siyaasadeeed. Saddexdan siyaasi oo si weyn uga soo horjeedo qorshaha Villa Soomaaliya ayaa madaxweyne Xasan uga digay inuu ku dhowaaqo muddo kororsi, waxayna shaaciyeen in aanay marnaba aqbali doonin. Sidoo kale waxa ay ku eedeeyeen madaxweynaha inuu ku marmar siyoonayo doorasho qof iyo cod ah, balse ujeedkiisa uu yahay muddo kororsi oo kaliya “Waxaan ummadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka u caddaynaynaa in aanan marnaba aqbali doonin muddo-kororsi aan shalay ka diidnay Madaxweynihii hore, waddo kasta oo sharci ahna ku hor istaagi doonno damaca uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku hoosaasinayo shacabka, isaga oo adeegsanaya kalimad xaq ah oo ah doorasho qof iyo cod ah, laakiin uu ku doonayo baadil ah muddo-kororsi, taasoo ah taatiko uu ku soo hungoobay Madaxweynihii uga horeeyay xukunka, isaguna hore noola diiddanaa” ayaa lagu yiri qoraalka. Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lasii raaciyay “Dowladnimada waxaa aasaas u ah ku dhaqanka dastuurka iyo sharciga, xilalka siyaasadeedna waxaa sal u ah sharciyad. Waxaan si adag u diiddannahay muddokordhinta uu Madaxweynuhu ku qasbayo madaxda dowlad-goboleedyada ee muddo-xileedkoodu dhammaaday, taas oo uu kaga beddelanayo in ay muddo kordhin u sameeyaan xilliga ay xilhayntiisu dhammaato 15ka May 2026”. Sidoo kale waxa ay Shariif Sheekh Axmed, Xassan Cali Kheyre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur boggaadiyeen talaabada uu qaadat madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, kuna diiday qorshaha muddo kororsi. Waxaa kale oo ay ugu baaqeen Laftagareen, QoorQoor iyo Cali Guudlaawe in ay ka fiirsadaan tallaabada ay qaadayaan, si aysan qayb uga noqon muddo kororsiga. Arrintan kusoo aadeyso, xilli xasaasi ah isla markaana kaga war sugayo go’aanka golaha wadatashiga qaranka oo shantii maalmood ee lasoo dhaafay shir kulahaa magaalada Muqdisho, kaas oo uu ajendihiisa ugu wayn uu ahaa doorashooyinka dalka. The post Shariif, Khayre iyo CC Shakuur oo la saftay Axmed Madoobe, kana digay qorshaha XASAN appeared first on Caasimada Online.
  6. Mogadishu (HOL) — Turkey's seismic research vessel, Oruc Reis, is on its way to begin a landmark oil exploration mission off the coast of Somalia, marking a watershed moment in Somalia's potential economic transformation. The mission comes after agreements signed earlier this year between Somalia and Turkey, which granted Turkish Petroleum exploration rights in three offshore blocks. Each block spans around 5,000 square kilometres (1,930 square miles), making this one of the region's largest energy exploration projects. Source: Hiiraan Online
  7. Toronto – 4.9 magnitude earthquake with a depth of 10 kilometers reportedly hit Ethiopia. It occurred in Awash Fentale area – which is about 165 kilometers south east of Addis Ababa. Government Communication Services has confirmed it in a social media update. Source: Hiiraan Online
  8. Erik ten Hag feels Manchester United's hierarchy would have told him if his job was under threat. Source: Hiiraan Online
  9. Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa saaka dib ugu laabtay magaalada Kismaayo kadib markii uu natiijo la’aan ku soo dhammaaday Shirkii Muqdisho. Warar lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in Shirkii dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada Koonfurta uga socday Muqdisho uu natiijo la’aan ku dhammaaday kadib markii la isku fahmi waayay qodobadii Shirka. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa si cad u diiday labadii qodob ee Villa Somalia doonaysay in ay ku meel-mariso Shirka kuwaas oo ahaa in mudda kordhin hal sano ah loo sameeyo madaxda dowlad goboleedyads iyo in doorasho qof iyo cod ah laga qabto dalka. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa mowqif cad ka istaagay arrinta ku saabsan in mudda kordhin loo sameeyo madaxda dowlad goboleedyada dalka waxaana uu ku adkaystay in aan wax mudda kororsi ah la aadin oo dowlad goboleedyadu ay sidoodii hore u qabsadaan doorashooyinka. Axmed Madoobe ayaa sidoo kale shardi ka dhigay in Puntland la raadiyo haddii la doonayo in doorashooyin guud oo qof iyo cod ah laga qabto Soomaaliya islamarkaana wuxu dalbaday in la caddeeyo meqaamka siyaasadeed ee SSC-khaatumo. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubaland oo Kismaayo ku laabtay kadib markii uu natiijo la’aan ku dhammaaday Shirkii Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  10. Gobolka Geeska Afrika wuxuu mar kale wajahayaa isbedel siyaasadeed iyo milateri oo sababay dareen xooggan, gaar ahaan Itoobiya oo cabsi ka muujineysa isbahaysiga cusub ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar. Heshiiskan cusub ee labada dal ayaa sare u qaaday walaaca Itoobiya, iyadoo ay muuqato in iskaashigan uu saameyn weyn ku yeelan karo xiisadaha ka taagan gobolka. Si kastaba ha ahaatee, heshiiskan milateri ee Soomaaliya iyo Masar uma muuqdo mid khatar ku ah gobolka Geeska Afrika, laakiin wuxuu halis ku yahay gardarrada joogtada ah ee Itoobiya. Heshiiska Soomaaliya iyo Masar: Xogta Cusub ee Gobolka Bishii Agoosto ee sannadkan, madaxweynaha Soomaaliya ayaa booqasho ku tagay Qaahira, taas oo keentay in la saxiixo heshiis milateri oo rasmi ah oo dhex mara Soomaaliya iyo Masar. Waxay noqotay tallaabo Itoobiya si gaar ah uga careysiisay, gaar ahaan kadib markii Muqdisho ay soo gaareen labo diyaaradood oo kuwa milateriga ee nooca C-130 ah oo laga leeyahay Masar. Tani waxay muujineysaa bilowga fulinta heshiiskaas, kaasoo Itoobiya u aragto mid halis gelinaya danahaheeda. Itoobiya oo Wajahaysa Cabsi Aan Fileynin Cabsida Itoobiya ayaa ka dhalatay arrinta ah in iskaashiga Soomaaliya iyo Masar uu ku sii fido gobolka Geeska Afrika, halkaas oo muranka biyaha Webiga Niilka uu horeyba u abuuray xiisado kala duwan. Masar iyo Itoobiya waxay muddo dheer isku hayeen arrinta Biyo-Xireenka Weyn ee Itoobiya (GERD), kaas oo Masar ay u aragto inuu khatar ku yahay nolosha dadkeeda, maadaama ay ku tiirsan yihiin biyaha Webiga Niilka. Iskaashigan cusub ee Soomaaliya iyo Masar, gaar ahaan dhinaca milateriga, wuxuu keenay in Itoobiya ay cabsi ka qabto in iskaashigaasi uu wiiqi karo awooddeeda gobolka iyo danahaheeda amniga. Itoobiya waxay si gaar ah uga welwelsan tahay qorshaha lagu wado in ilaa 5,000 askari oo Masaari ah lagu soo biiriyo ciidamada cusub ee Midowga Afrika dhammaadka sanadkan, iyadoo sidoo kale la qorsheynayo in 5,000 oo kale si gaar ah loo daabulayo. Tani waxay Itoobiya u tahay halis cusub, maadaama ciidamo Masaari ah oo ku sugan Soomaaliya ay Itoobiya u arkaan inay abuuri karaan culeys weyn. Gardarrada Itoobiya iyo Saameynta Heshiiska Cusub Si kastaba ha ahaatee, iskaashiga Soomaaliya iyo Masar uma muuqdo mid khatar ku ah gobolka Geeska Afrika oo dhan, balse wuxuu halis ku yahay gardarrada joogtada ah ee Itoobiya. Itoobiya ayaa dhowaan lagu eedeeyay inay ku xadgudubtay madaxbanaanida Soomaaliya kadib markii ay heshiis beenaad la gashay maamulka Somaliland, taasoo abuurtay xaalad siyaasadeed oo cakiran. Heshiiska Itoobiya iyo Somaliland ayaa loo arkay isku day Itoobiya ay ku raadinayso saameyn dheeri ah oo gobolka ah, iyadoo iska indhatireysa danaha Soomaaliya iyo suurtagalnimada in arrintaasi ay sababto muran hor leh. Iskaashiga Soomaaliya iyo Masar wuxuu Soomaaliya siinayaa fursad ay kaga hortagto faragelinta Itoobiya iyo inay ku difaacato madaxbanaanideeda. Heshiiskan waa hab Soomaaliya iyo Masar ay ku xoojinayaan amniga gobolka, iyadoo la iska caabinayo gardarrada Itoobiya oo marar badan isku dayday inay faragelin ku sameyso siyaasadaha gudaha ee waddamada dariska ah. Qodobka Itoobiya ee Murugsan iyo Doorka Masar Itoobiya oo horey ugu jirtay xaalad adag oo gudaha ah, oo ay ka mid tahay kacdoonada ka dhanka ah dowladda, ayaa hadda wajahayso cadaadis dibadeed oo uga imanaya iskaashiga Soomaaliya iyo Masar. Itoobiya waxay u aragtaa isbahaysigan mid xoojin kara saameynta Masar ee gobolka, taasoo wax u dhimi karta qorshaheeda la xiriira dhismaha iyo bixinta adeegyada biyo-xireenka weyn ee GERD. Si kastaba, iskaashiga Soomaaliya iyo Masar waa tallaabo milateri iyo amni oo si waafaqsan shuruucda caalamiga ah loogu wajahayo ilaalinta nabadda iyo iska caabinta faragelinta shisheeye. Source: goobjoog.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ugu dambeyn isaga baxay shirka golaha wadatashiga qaran ee ka socday magaalada Muqdisho, kaas oo u dhexeeyay dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir. Ilo wareedyo xilkas ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Axmed Madoobe uu dib ugu laabtay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland, ayada oo weli aan lasoo saarin war-murtiyeedka shirka golaha wadatashiga qaran. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Axmed Madoobe uu goordhow ka duulay garoonka Aadan Cadde, isaga oo kusii jeeda Kismaayo, halkaas oo uu ku qaban doono shir jaraa’id oo uu ku faah-faahin doono arrimaha xasaasiga ah ee la’isku mari waayay. Axmed Madoobe ayaa si cad u diiday in dowlad goboleedyada loo sameeyo hal sano oo muddo kororsi ah, kadibna la qabto doorashooyin qof iyo cod ah bisha November ee sanadka 2025-ka. Sidoo kale wuxuu ka fuqi diiday doorasho dadban, isagoo soo jeediyey in sanadkaan dowlad goboleedyada loo madax-baneeyo doorashooyinka, maadaama aan horay looga heshiin, muddo kororsina uu abuuri karo qalalaase siyaasadeed. Madaxweynaha Jubbaland ayaa xujo ka dhigay in arrinta doorashada go’aan looga gaaro shir ay goobjoog ka yihiin madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Khaatumo, si beesha Daarood ay door ugu yeelato miiska go’aanka looga gaarayo masiirka dalka. Tagista madaxweynaha Jubbaland iyo go’aankiisa diidmada ayaa muunineyso inuu fashilmay shirkii golaha wadatashiga qaranka oo shantii maalmood ee lasoo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho, maadaama aan illaa iyo hadda laga soo saarin go’aanno ama war-murtiyeed ku aadan waxyaabaha lagu heshiiyay. The post Xog: Axmed Madoobe oo isaga baxay shirka GWQ, kuna laabtay Kismaayo appeared first on Caasimada Online.
  12. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanayaa dadka deegaanka ayaa maanta howlgal culus ku qaaday xubno ka tirsan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ee ku sugan howdka Geerile ee gobolka Galgaduud. Ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ayaa u daatay goobo ay gabaad ka dhiganayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana kadib xigay dagaal toos ah. Dadka deegaanka ayaa innoo sheegay in weerarka qaadeen ciidamada huwanta kadib ay xigtay jug xoogan, ayada oo dagaalka uu dhaliyay khasaare soo kala gaaray labada dhinac. Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalkan ay ka gaareen guullo waa wayn, isla markaana ay jug culus gaarsiiyeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ee ku sugnaa dhulka howdka ah ee Geerile. Xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa bariga gobolka Galgaduud oo maalmahan ay ka socdeen howlgallo culus. Howlgallada ay wadaan ciidamada huwanta ayaa waxaa barbar socda duqeymo diyaaradeed oo lagu beegsanayo maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab. Duqeyntii ugu dambeysay oo ka dhacday aagga degmada Ceeldheer ayaa waxaa lagu dilay illaa 50 ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya. The post Daawo: Ciidamada DF iyo Macawiisleda oo weeraray Al-Shabaabka ku sugan howdka Geerile appeared first on Caasimada Online.
  13. Mogadishu (HOL) — Somalia's Foreign Minister, Ahmed Moallim Fiqi, recently held talks with Egypt and Eritrea, zeroing in on what Somalia describes as Ethiopia's repeated violations of its sovereignty. Both nations affirmed their support for Somalia, condemning Ethiopia's actions, which have increasingly threatened Somalia's territorial integrity. Source: Hiiraan Online
  14. Tax experts say a weakness in the definition of illicit financial flows is helping looters make away with money from Africa, weakening its growth. Source: Hiiraan Online
  15. Sannad ayaa maanta laga joogaa markii uu billowday duullaanka ay Israa’iil ku qaadday Marinka Gaza, kaas oo ay uga jawaabeysay weerarki 7-badi October ay Xamaas ku ekaysay koofurta Israa’il. Saacado ka hor inta aanan la gaarin sannad-guurada koowaad ee weeraradi October 7, ayay Axaddii shalay ciidamada Israa’iil gantaallo cirka ah ku duqeeyeen bartilmaameedyo ku yaalla Gaza iyo koofurta Lubnan. Duqeymaha cirka ah ee Israa’il ayaa ku dhacay xaafadaha koofureed ee magaalada Beyrut xalay. Millitariga Israa’iil waxay sheegeen in diyaaradahooda dagaalka ay garaaceen bartilmaameedyo ay Xisbullah leeyihiin, kuwaas oo ay ku jiraan xarunta Sirdoonka iyo keydka hubka. Xisbullah ayaa iyaduna sheegtay in xalay ay madaafiic ku garaacday magaalada saddexaad ee ugu weyn Israa’iil ee Xeyfa. Gantaallada Xisbullah ayaa ka dul booday hannaanka difaaca cirka ee Israa’il waxaana ku dhaawacmay Ilaa 10 qof oo Israa’iiliyiin ah. PUNTLAND POST The post Dagaalka ka socda Marinka Gaza oo sannad-jirsaday kuna sii fidaya Bariga dhexe appeared first on Puntland Post.
  16. MOGADISHU, Somalia - Somalia on Sunday raised concerns over illicit arms shipments into the Horn of Africa nation allegedly made by its neighbor Ethiopia. Source: Hiiraan Online
  17. Gaza (Caasimada Online) – Sannad ayaa maanta laga joogaa marki uu billowday duullaanka ay Isra’il ku qaadday Marinka Gaza, kaas oo ay uga jawaabeysay weerarki 7-badi October ay Xamaas ku qaadday koofurta Isra’il. Saacado ka hor inta aanan la gaarin sannad-guurada koowaad ee weeraradi October 7, ayay Axaddii shalay ciidamada Isra’il gantaallo cirka ah ku duqeeyeen bartilmaameedyo ku yaalla Gaza iyo koofurta Lubnan. Duqeymaha cirka ah ee Isra’il ayaa ku dhacay xaafadaha koofureed ee magaalada Beyrut xalay. Milatariga Israil waxay sheegeen in diyaaradahooda dagaalka ay garaaceen bartilmaameedyo ay Xisbullah leeyihiin, kuwaas oo ay ku jiraan xarunta mukhaabaraadka, baqaaradda hubka iyo meelo kale oo ku yaalla magaalada Beqaac. Xisbullah ayaa iyaduna sheegtay in xalay ay madaafiic ku garaacday magaalada saddexaad ee ugu weyn Isra’il ee Xeyfa. Gantaallada Xisbullah ayaa ka dul booday gantaallada difaaca cirka ee Isra’il, kaddibna ku dhacay dhismooyin ku yaalla Xeyfa sida ay xaqiijiyeen booliska Isra’il. Ilaa 10 qof oo Israa’iiliyiin ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen gantaalladaasi. Dhinaca Marinka Gaza, ugu yaraan 26 qof ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay 93 kalana la dhaawacay, kaddib duqeymo cirka ah oo ay Axaddii ciidamada Isra’il ku garaaceen masaajid iyo xarun ay ku noolyihiin dad barakac ah oo ku yaalla Marinka Gaza. Sannad kaddib, duqeymaha ciidanka Isra’il ee Gaza ayaa lagu dilay in ka badan 40 kun oo Falastiiniyiin ah oo u badan dumar iyo carruur. Dhanka Isra’il, munaasabado lagu xusayo dadki lagu dilay weerarki Xamaas ee koofurta Isra’il ayaa lagu wadaa in lagu qabto Isra’il. Axaddii iyo Sabtidi, kumannaan qof oo ku nool dunida daafaheeda ayaa dhigay mudaaharaadyo ay ku taageerayaan Falastin, ugana soo horjeedaan dagaalka Gaza. The post Dagaalka ka socda magaalada GAZA oo sannad jirsaday appeared first on Caasimada Online.
  18. 7-dii Oktoobar sanadkii 2023 kooxda Xamaas ee reer Falastiin ayaa weerar cirka iyo dhulka ah oo dunida ka yaabsaday ku qaaday gudaha Israa’iil, waxaana dhacdadaas oo ku caan baxday duufaanta Aqsa ku geeriyooday in ka badan 1,200 qof oo Israa’iiliyiin ah, halka ku dhowaad 250 kalena maxaabiis ahaan loo watay. Xamaas dhankeeda waxaa soo gaaray khasaare dhimasho oo ku dhow 1,500 oo qof, balse wuxuu weerarkaasi uga dhignaa mid ay guul taariikhi ah ka soo hooyeen, islamarkaana maamulka Israa’iil ay cashar lama ilaawaan ah ugu dhigeen. Maalmo ka dib Israa’iil oo taageero hagar la’aan ah ka helaysa dalalka reer galbeed oo Mareykanka iyo Ingiriisku ugu horreeyaan ayaa weerar dhulka ah iyo duqeymo cirka ah oo aan kala joogsi lahayn ku qaaday marinka Qasa. Duullaankaas oo ilaa haatan socda waxay Israa’iil ku dishay in ka badan 4,2000 (42 kun) oo qof, kuwaas oo u badnaa dadka rayidka ah ee reer Falastiin, halka in ka badan 90,000 oo kalena ay ku dhaawacmeen, Israa’iil dhankeedana waxaa kaga geeriyooday boqolaal ciidan ah oo askar iyo saraakiil isugu jira. Maanta oo ku beegan sanad buuxa ka dib waxaa muuqatay inaanay Israa’iil wax guul ah ka gaarin duullaankeedii marinka Qasa ee ay yoolkiisa ku sheegtay tirtista Xamaas, taas badelkeedana kooxaha iska caabinta Falastiin waxay samaynayaan laba-kaclayn xooggan. Dhanka kale Maamulka Netanyahu oo ku guuldaraystay dagaalka marinka go’doonsan ee Qasa ayaa sanad ka dib weerar cirka iyo dhulka ah ka wada dalka Lubnaan, kaas oo bulshada caalamku ay indhaha ka daawanayso, reer galbeedkuna ay si hagar la’aan ah ugu taageersanyihiin. Source: goobjoog.com
  19. 462419087_2310731079301454_1017075348445768733_n Qaran News
  20. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/10/447585981_2108564126210382_5045414757586159622_n.mp4 Qaran News
  21. 462215835_3802357270028908_6374396517793502803_n Qaran News
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashandhigga XFS Cumar Cali Cabdi ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Agaasimaha Guud ee Ururka Heeganka Barriga Africa Paul Kahuria Njema iyo wafdi uu hogaaminayo oo soo gaaray magaalada Muqdisho. Wasiir Cumar Cali iyo Paul Kahuria Njema ayaa ka wada hadlay xoojinta Amniga gobolka iyo halista Argagixisada. Waxaa kale oo ay kawada hadleen sida loo dardar galin karo dagaalka Khawaarijta. Dhinaca kale, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa isla maanta kulan muhiim ah layeeshay Agaasimaha Ururka Heeganka Barriga Africa Paul Kahuria Njema. Taliye Ibraahim iyo Paul Kahuria ayaa ka wada hadlay Amniga gobolka, Qatarta Argagixisada iyo arrimo kale. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa Agaasimaha Ururka Heeganka Barriga Africa kala hadlay sidii ay gacan uga geysan lahaayeen dhismaha iyo qalabeynta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Sarkaalkaan ayaa wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya u muujiyey in wadamada Geeska Afrika ay heegan ugu jiraan taageerada Soomaaliya, wuxuuna balan-qaadoaan militery ee muhiimka ah uu ku soo aadayaa xilli Soomaaliya iyo Itoobiya uu ka dhexeeyo khilaaf adag oo qarka u saaran gacan ka hadal. The post Sawirro: Sarkaal farriin ka sida dalalka Bariga Afrika oo tegay wasaaradda gaashaandhigga appeared first on Caasimada Online.
  23. Mohamed Abdullahi Hussein: “President Deni bragged that his administration had phased out the use of the Somali Shilling for transactions. It is not a policy to be proud of. Many people in Puntland have lost wealth due to runaway inflation.” Garowe (PP News Desk — The President of Puntland State of Somalia, Said Abdullahi Deni, faced criticism over his government’s decision to relegate the use of the Puntland-printed Somali Shilling to a lower status in favour of the US Dollar. Mohamed Abdullahi Hussein ‘Shortayo’, a co-founder of Runcad, a political party, said the quasi-demonetisation of the Somali Shilling in Puntland resulted in inflation and economic hardships borne by the predominantly poor population. “People lost confidence in the use of the Somali Shilling after the Puntland State government refused to accept the local currency. No one uses the Somali Shilling in Puntland if the incumbent government no longer regards it as legal tender,” said Shortaye. In 2019 President Deni inherited an unstable monetary policy that he allegedly exacerbated. He added that Puntland in 2021 attempted to address the inflation caused by the widespread use of the US Dollar for transactions and the dual exchange rate, but the appointed committee of experts had not succeeded in solving the monetary problem. “President Deni bragged that his administration had phased out the use of the Somali Shilling for transactions. It is not a policy to be proud of. Many people in Puntland have lost wealth due to runaway inflation,” added Shortaye. The Puntland administration of Dr Abdiweli Mohamed Ali (2014-2019) printed an unspecified amount of Somali Shillings. The Committee for Exchange Market Crisis, appointed in 2021 by the Puntland State government, recommended measures to investigate the possibility of illegal money printing facilities that could be contributing to the inflation. © Puntland Post, 2024 The post Puntland President Faces Backlash for Prioritising Dollarisation Over Somali Shilling appeared first on Puntland Post.
  24. Labadii todobaad ee ugu danbeeyay waxa dhaq dhaqaaq xoogan oo siyaasadeed uubka taagnaa bariga Hargeisa gaar ahaan beesha Isaxaaq Care oo muujiyay midnimo xoogan oo aan deegaanka hore loogu arag iyada oo dhamaan ardaayada Isaxaaq Care ay isku af garteen in loo baahanyahay in la helo isbedel siyaasadeed oo lagaga baxo xaalada qalafszn ee dalka ka jirta, taasi oo dadka deegaanka oo dhami ay isku raaceen in la taageero xisbiga Waddani isla markaasina la garab is taago Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro. Markii uu arinkaasi ogaaday madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu kulamo deg deg ah la yeeshay shaqsiyaadkii dawladiisa ku jiray iyo shaqsiyaad ay qaarkood sheegtaan hogaamiye dhaqameed hase ahaatee aan dadka deegaanadooda ku xidhnay isla markaasina ku xidhan xukuumadda Muuse Biixi wax kasta oo uu jecelyahayna ugu sacaba tuma Kulankaasi uu Muuse Biixi uu la yeeshay ragaasi iyo xubnaha xilka ka haya xukuumadiisa waxa la garawsaday in dadkii ama beesha bariga Hargeysa uu si buuxda ula wareegay Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray oo ah suldaanka guud ee Isaxaaq Care. Waxana uu madaxweyne Muuse Biixi canaantay xubnahani ku jira xukumadiisa waxana uu soo jeediyay in suldaanka guud ee Isaxaaq Care ay ka dhigaan Suldaan Maxamed Suldaan Bare oo ay saxiibo dhow yihiin Muuse. Iyada oo laga duulaayo in la raali galiyo madaxweyne Muuse Biixi iyo talooyinkiisa ayaa maalintii shalay waxa guriga suldaan Maxamed Bare lagubqabtay kulan kulankaasi oo ahaa qado iyada oo halkaasi lagu qalay Neef Geel ah si loo helo xubno ay kamaradu qabato waxa aakhirkii lagaga hadlay halkaasi hadalo kicin ah iyo kuwo gubaabo ahaa waxana lagaga dhawaaqay goobtaasi in suldaan Maxamed Bare uu yahay suldaanka guud ee beelaha Isaxaaq Care. Kulankaasi umay dhamayn beel qudha oo ka mid ah beela Isaxaaq Care waxana ay ahaayeen shaqsiyaad aan wax saamayn ah ku dhex lahayn bulshada. Waxan oo qaylo ahi waxa ay salka ku haysaa laba arin oo kala ah. 1. Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray oo si toos ah ula wareegay maamulka iyo hagista beelaha Isaxaaq Care oo hafh iyo habayn ku dhex jira mudo kooban oo uu dalka joogayna waxa uu mideeyay oo iskunduba riday Isaxaaq Care Waxa uu kulamo xasaasi ah la yeeshay hogaanka dhaqanka ee Isaxaaq Care oo dhan haday noqoto cuqaal ama salaadiin inta dadka matasha. Waxa uu kulan gaar ah la yeeshay haweenka iyobhablaha Isaxaaq oo dhan iyaga oo u muujiyay taageero buuxda isla markaasina taageeray fikradihiisa isbedwl doonka dalka oo dhan ka socda Waxa uu la kulmay oo shiriyay dhalinyarada isga oo dhegaystay fikradahooda iyo halka xaal maraayo is waraysi iyo wada hadalo waxa ay isla qaateen in maanta dhalinyaradu u baahantahay isbedel dalka ka dhaca. Waxana la odhan karaa Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray waxa uu kasbaday dhamaan dadka uu suldaanka u yahay waxana uu sidoo kale socdaalo ku tagay miyiga isga oo kasbaday dadka reer miyiga ah oo ku taageeray in dalku u baahanyahay isbedel. Sawirkani waa beesha Isaxaaq oo taageero u muujisay Cabdiraxmaan Cirro oo uu badhtanka ugu jiro. 2. Ta labaad waxa Muuse iyo xubnaha ku jira xukuumadiisa joog iyo jiifba u diiday musharaxa xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo isna kasbaday dhamaan beesha bariga Hargeysa iyaga oo ku garab istaagay in dalku uu u baahanyahay isbedel si dalka loo bad baadiyo. Hadaba labadaas arin ayuu buuqa ka taagan Bariga Hargeisa uu salka ku hayaa waana sababta keentay in la weeraro Saldanada Guud uu hayo suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray oo loo magacaabo nin lale isla.markaasna la weeraro oo wax laga sheego beesha Habaryoonis iyada oo laga urinaayo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro. Isku soo wada duuboo kulankii shalay ee xukuumadda Muuse soo abàabushay uu weerar ku ahaa uun Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray iyo musharax Cabdiraxmaan Cirro oo midkoodna aan waxba waxani iyo wax la mid ah lagaga qaadi karin. Beesha bariga Hargaysina waxa ay u balansantahay in la dhiso oo codka beesha Isaxaaq Care ee hada la hayo oo ah 92kun oo cod ah dalka lagu bad baadiyo oo la siiyo oo lagu soo saaro Cabdiraxmaan Cirro. Beesha Isaxaaq waa caano iyo nabad wax colaad iyo dagaal midna kuma shaqo laha ee yaan la isku aakhiro seegin. Qaran News
  25. Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya Rigathi Gachagua oo halis ugu jira in xilka laga xayuubiyo kadib khilaaf ka dhex-qarxay isaga iyo Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa soo saaray codsi iyo raaligalin. Madaxweyne ku xigeenka Kenya ayaa codsigaan u gudbiyay madaxweynihii Ruto Axadii maanta, isagoo sheegay in uusan garanayn wax khalad ah oo uu sameeyay, hadana uu doonayo in fursad kale la siiyo si uu ugu adeego shacabkiisa Kenya. “Waxaan rabaa in aan ku iraahdo walaalkey, madaxweyne William Ruto, haddii aan kugu xumeeyay shaqadayada adag, fadlan i cafi,” ayuu yiri Mr Gachagua. Madaxweyne ku xigeenka Kenya ayaa hadalkaan ka sheegay kaniisad ku taalla xaafada Karen ee magaalada Nairobi. Rigathi ayaa ka dalbaday Ruto in uusan wax hakad ah ku samaynin,”Haddii xaaskeyga (Dorcas Rigathi) ay sinaba kuugu khaladantay fadlan qalbigaaga u fur si aad u cafiso,” ayuu hadalkiisa ku sio daray. Sidoo kale wuxuu sheegay in uu raaligelin siiyay xildhibaanada Kenya iyo dad Kenyanka ah ee doonaya in xilka laga xayuubiyo, xilli shacabka ay ka qeyb qaadanayaan madalo ay ra’yigooda ku dhiibanayaan. “Shacabka Kenya waxaan u sheegayaa in aan u adeegno dalka oo dhan, inta aan idiin adeegayo hadii ay jiraan wax aan sameynay ama dhahnay oo aad u aragtaan wax aan habooneyn, fadlan i cafiya,” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Kenya. Baarlamaanka Kenya ayaa loo gudbiyey mooshin xilka looga qaadayo Madaxweyne ku xigeenka Kenya Mr Gachagua, guddoonka ayaa qabtay mooshinkaas, wuxuuna sugayaa in cod loo qaado maalmaha soo socda, hadii codsiga odaga uusan xaaladda wax ka bedelin. Xubno ka tirsan xafiiska madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa talaadadii baarlamaanka u gudbiyay mooshin xilka looga xayuubinayo madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya Rigathi Gachagua, iyagoo ku eedeeyay inuu hurinaayo naceyb isir iyo mid guud iyo inuu dowladda wiiqayo. Sidoo kale waxay Gachagua ku eedeeyeen inuu ku lug lahaa arrimo musuq-maasuq ah, duminta dawladda iyo ka shaqaynta siyaasad qabyaalad ku dhisan, khilaafka u dhexeeya madaxweyne Ruto iyo ku xigeenkiisa Gachagua ayaa cirka isku shareeray maalmihii la soo dhaafay. The post Madaxweyne ku xigeenka Kenya oo galay xaalad adag, iskuna daray codsi iyo calaacal appeared first on Caasimada Online.