-
Content Count
214,389 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dilal qorsheysan oo xalay rag ka tirsan Al-Shabaab ay ka geysteen gudaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo. Wararka ayaa sheegaya in siyaabo kala duwan gudaha magaaladaasi loogu dilay illaa saddex guddoomiye waaxeed oo ka tirsanaa maamulka degmadaasi. Magacyada mas’uuliyiinta la dilay oo guryahooda lagala baxay ayaa lagu kala sheegay, Cabdi Santuur oo ahaa guddoomiyaha laanta Buulo-Kuulow, Jibriil Maxamed oo ahaa guddoomiyihii hore ee laantaasi iyo Carab Jiis oo ahaa guddoomiyaha laanta Dabaqoray. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in mid ka mid ah mas’uuliyiintaasi la gowrcaday, halka, labada kalena lagu dilay rasaas nool nool, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo deegaanka h. Raggii falkaan geystay ayaa lagu soo warramayaa inay goobta isaga baxsadeen, waxaan dhacdadaan saaka si aad ah looga hadal hayaa degmada Baardheere ee gobolka Gedo. View the full article
-
Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa si rasmiya u xaqiijisay in maamule ka tirsanaa Shirkaddaasi lagu dilay duqeyn Maraykanku ka fuliyay nawaaxiga degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe. Cadnaan Xaaji Cali oo ka tirsan Shirkadda Hormuud ayaa VOA-du ka soo xigatay in qofka duqeyntaas ku dhintay uu ahaa maamulihii shirkadda Hormuud ee degmada Jilib Maxamuud Xaaji Salaad. Sidoo kale Cadnaan ayaa xaqiijiyay in shakhsiga la dilay uusan wax xiriir ah la lahayn malayshiyaadka Al-shabaab balse uu tan iyo markii la as’aasay ka shaqeynayay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud. Warkaas ayaa ku soo beegmay saacado kadib markii Militariga Maraykanku sheegay in ay nawaaxiga Jilib ku dileen sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab islamarkaana wax rayid ah aysan dhibaato soo gaarin. PUNTLAND POST The post Hormuud: Maraykanku wuxuu duqeyn ku dilay maamule ka tirsan Shirkadeena appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Warka-Subax-25022020.mp3 View the full article
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo xalay ku hoyday degmada Dhoobley ee gobolka J/ Hoose ayaa la kulmay saraakiisha ciidamada ee ku sugan halkaasi. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, gaar ahaan dhaq dhaqaaqyada ciidan ee ka socda gobollada Jubbooyinka. Ilo ku dhow kulankaas ayaa sheegay in diirada la saaray, sidii dhowaan loo qaban lahaa degmada Bu’aalo oo ah caasimadda Jubbaland, taas oo gacanta ugu jirta Al-Shabaab. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in Axmed Madoobe saacadaha soo socda uu kormeeri doono xarumaha ay ku sugan yihiin askarta, si uu uu qiimeeyo xaalada guud. Jubbaland ayaa maalmihii ugu dambeeyey xoojisay dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee ay ka wado gobolada Jubbooyinka oo uu culeyska ugu badan uu ka heysto maamulkaas. Abaabulka uu hadda wado madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii dambe dhaq dhaqaaqyo milatari ay ka socdeen deegaanada Jubbaland.
-
Malayshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, ayaa la sheegay in xalay ay sadex Gudoomiye waaxeed ku dileen degmada Bardheere, kuwaasi oo ay midkood gowraceen Al-shabaab ayaa xalay gudaha u galay degmada Baardheere, islamarkaana hawlgal saacado kooban qaatay ay ka fuliyeen gudaha degmadaaas. Cabsi xoog leh ayaa saakay laga soo sheegayaa in ay ka jirto degmada Baardheere ee gobolka Gedo, taasi oo soo wajahday dadka shacabka ah ee ku nool halkaas. Saddexda mas’uul ee ka tirsanaa maamulka degmada Baardheere oo Al-shabaab dishay ayaan weli la shaacin magacyadooda. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo dishay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Baardheere appeared first on Puntland Post.
-
Sarkaal sare oo ka tirsan howlgalka Mareykanka Afrika ee AFRICOM waxa uu sheegay in aysan hayn wararka sheegaya in duqeyn shalay gelinkii dambe ay ka geysteen Degmada Jilib in ay ku dileen Madaxii Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee Degmadaasi. Taliska sheegay in ay duqeynta ay isla ogaayeen Dowladda Federalka Soomaaliya, isla markaana ay bartilmaameedsadeen xubin katirsan Al-Shabaab oo uusan magaciisa iyo darajadiisa sheegin. Sarkaalka ayaa tilmaamay in baaris kadib ay soo gudbin doonaan natiijada uga soo baxda, maadaama aysan hayn in qof shacab ah waxyeelo ka gaartay howlgalka ay wadajirka u fuliyeen ayuu yiri sarkaalkaan oo la hadlay VOA-da Dhinaca kale mas’uul ka tirsan Shirkadda Hormuud ayaa VOA-da u sheegay in duqeynta uu ku dhintay Maxamuud Xaaji Salaad oo ah Nin wakiil uga ah Shirkadda Hormuud Laanta Degmada Jilib ee Gobolka Jubada Dhexe. PUNTLAND POST The post Taliska AFRICOM oo baaris ku wada duqeyn ay ku dileen mas’uul ka tirsan Shirkada Hormuud appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo ku sugan Magaalada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa uu halkaasi ka bilaabey kulamo looga hadlayo howlgallada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa kulan waxaa uu la qaatay Saraakiisha sar sare e Ciidanka Jubbaland kuwaas oo ku sugan Magaalada Dhoobleey,isaga oo kala hadlayay howlgalka socda ee lagula daaalamayo Al-Shabaab iyo guulaha Ciidanka Dowladda & kuwa Jubbaland ka gaareen. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa faray Saraakiisha Ciidanka Jubbaland inay dar dar geliyaan howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab,isla markaana sanadkaan gudihiisa laga doonayo inay ka saaraan Al-Shabaab deegaannada ay kaga sugan yihiin Gobolada Jubbooyinka. Maalma ka hor ayaa Madaxweynaha Jubbaland waxaa uu booqday Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaliya ee DANAB & kuwa Jubbaland oo howlgal ka wada duleedka degmada Jamaame,isaga oo ugu baaqay inay xoojiyaan dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab. Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa ay wadeen howlgallo kala duwan oo ay ku doonayaan inay Al-Shabaab kaga saaraan deegaannada Gobolada Jubbaland oo ay ugu weyn tahay Caasimadda Maamulka Jubbaland ee Magaalada Bu’aale. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubaland oo sii wada dhiiri-gelin ciidamada appeared first on Puntland Post.
-
Dad badan ayaa la yaabay ama ka xumaaday markii dhawaan Sucaad Carmiye dood ka sheegtay in Afarta kale ee Somaliyeed ay Somaliland ka yihiin AJANEBI. Sucaad waa sax. Bal hadda eeg dalalka Carabta ah ee ku qoran maaamka hoos ka muuqda. Dhammaan dalalkaas waxay ka xoroobeen gumaysi marka laga reebo Falastiin. >> >> Sida Somalida, Dalalkan Carbeed waa isku Diin, Af, Dhaqan, caado iyo midab. Qaranimada iyo aqooonsiga dalkasta oo dalalkan Carbeed ka mid ah waxay ku salaysantahay xuduuudii u gumaysigu qayday. >> >> Qofka u dhashay dal Carbeed oo gaar ah ma tegikaro dal kale oo Carbeed isaga oo aan sharci ku soo gelin waayo waxaa uu ka yahay Ajanebi. Tusaale, ninka Reer Jordan ah ma gelikaro dalka Masar hadddii aanu ku soogelin Baasaboor iyo Fiise Sharci ah sababta oo ah waxaa uu ka yahay Ajanebi. Xataa jago kama qabankaro Masar sababta oo ah maaha muwaadin Reer Masar ah. Dhammaan dalalkan Carbeed waxaa midkastaba midka kale ka yahay Ajabeni. >> >> Somaliduna waa sidaas oo kale in kasta oo ay yihiin isku Af, Diin, dhaqan, caado iyo midab. Ma jirto waxay ku kala duwanyihiin Somalida iyo Carabta. Sidaan Carabweyn loogu gelikarin dalkasta oo Carbeed ayaan Somaliweyna lagu gelikarin dalkasta oo Somaliyeed. Qofka u dhashay Jabuuti, Somalia, Waqooyi Bari Kenya iyo Somali Galbeed waxa ay Somaliland ka yihiin Ajanebi sababta oo ah uma dhalan, markaas waa inay ku galaan sharci. Midkastana waa sidaas oo kale oo Jabuuti iyo kuwa kaleba waxaa lagu galaa sharci marka laga reebo Somalia oo noqotay dal aan la kala lahayn iyo raq qofkastaba cuno hilibkeeda. Maxay Somaliland iyo Somalia uga duwanyihiin Somalida kale? Ma jirto waxay uga duwanyihiin sababta oo ah midna waxaa gumaysanjiray Ingiriis, midka kalena waxaa gumaysanjiray Talyaaniga. >> >> Dadkii ku mamay Somaliland 30kii sano ee ay ku jirtay midnimo ku-sheegii laga dhaxlay dulmiga, xasuuuqa iyo iska-horkeenka ayaa maantana raba inay xukumaan kana maalaystaan dhul ama dal aanay u dhalan. Haddii aan Somalia la kala lahayn, dalalka kale ee Somalida waa la kala leeyahay. Masar iyo Suuuriya ayaa midoobay sannadkii 1958 waxayna la baxeen “Jamhuuriyadda Carabta” waxayna kala tageen, sida Somalia iyo Somaliland, sannadkii 1961. Figradda Somaliweyn waxay la mid tahay Carabweyn lamana garanayo samanka ay rumoomibidoonaan. Ibrahim Hassan Gagale February 25, 2020</strong Qaran News
-
Qaran News
-
The U.N. envoy for Somalia urged the country’s leaders on Monday to take “bold steps” to ensure that 2020 sets the fragile Horn of Africa country on a trajectory to peace and stability, Source: Hiiraan Online
-
Qoor Qoor oo kulan la qaatay saraakiisha Ciidamada Galmudug
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug ayaa xalay casho sharaf Magaalada Dhuusamareeb ugu sameeyay saraakiisha Cusub ee taliska qeybta guud ee Booliiska Galmudug. Ujeedada kulanka ayaa aheyd isbarasho, dhiirrigalin iyo dardargalinta arrimaha amniga iyadoo kulankaan uu goobjooge ka ahaa taliye ku xigeenka ciidamada Booliiska Soomaaliyeed oo gelinkii dambe ee shalay halkaas gaaray. Madaxweyne Qoorqoor ayaa mudnaan gaar ah siinaya sugida amniga isaga oo u maraya dib-u habeynta laamaha amniga si ay awood ugu yeeshaa xaqiijinta nabadgalyada, kala danbeynta iyo hirgalinta sharciga. Ugu danbeyntii Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa kula dardaarmay saraakiisha cusub in ay si daacad ah u gutaan waajibaadkooda shaqo. Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in si rasmi ah ay xilka ula wareegayaan Taliska Booliska Galmudug iyo taliyeyaasha degmooyinka ee dhawaan la magacaabay. PUNTLAND POST The post Qoor Qoor oo kulan la qaatay saraakiisha Ciidamada Galmudug appeared first on Puntland Post. -
New York (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa Golaha Ammaanka ee QM ee Soomaaliya u gudbiyey warbixin uu kaga hadlayo xaaladda Soomaaliya, wuxuuna carabka ku akdeeyey muhiimadda sanadkan 2020 uu u leeyahay Soomaaliya. “Sanadkan 2020, Soomaaliya waxay wajaheysaa tijaabo muhiim u ah horumarka dhismaheeda dowladeed, ayada qabaneysa doorasho taariikhi oo ah qof iyo cod,” ayuu yiri James Swan. Swan ayaa waxa uu sheegay inay qasab tahay in lasii wado dhaqankii ay Soomaaliya caanka ku ahayd sanadihii dhowaa ee ahaa in awoodda si nabad-galyo ah loo wareejiyo. “Sanadihii tagay Soomaaliya waxay aas-aastay diiwaan joogto, oo ah u wareejinta xukunka ee si nabad-galyo ah. Horumarkan ammaanta mudan waa la joogteeyaa 2020,” ayuu yiri James Swan. Hadalka James Swan ayaa u muuqday mid jawaab toos u ah walaaca xooggan ee ay qabaan siyaasiyiinta mucaaradka ee ku aadan in madaxweyne Farmaajo uusan wareejin dooninm xukunka, haddii looga adkaado doorashada. Dhinaca kale, Swan oo ka hadlay sharciga doorashooyinka qaranka ee ay soo meel-mariyeen labada aqal, islamarkaana uu saiixay madaxweynaha, ayaa sheegay in kasta oo uu yahay tallaabo horey loo qaaday, haddana uusan wax ka qaban su’aalo badan oo taagan. Waxyaabaha weli u baahan in wax laga qabto ayuu Swan ku sheegay inay ku jiraan sida loo damaanad qaadayo kuraasta 30% ah ee haweenka ay ku yeelanayaan baarlamanka, iyo sida dhammaan Soomaalida ay codkooda ku dhiiban karaan.
-
Mareykanka oo duqeyn ku dilay Mid ka mid ah Maamulayaasha shirkadda Hormuud HORMUUD TELECOM Duqeyn dhinaca cirka ah oo ay fulisay mid ka mid ah diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn ee Mareykanka ayaa lagu dilay maamulihii Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee laanteeda magaalada Jilib, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta kale ee shirkaddaas. Maxamuud Xaaji Salaad, oo ku jiray da’da dhowr iyo lixdan jirka ayaa xilligaas ku sugnaa beertiisa oo ku taalla meel u dhow magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Hoose, sida ay dad goob joogayaal ah sheegeen. Saraakiil ka tirsan maamulka shirkadda Hormuud ayaa BBC-da u xaqiijiyay dhacdadan, waxayna sheegeen in labo gantaal lagu dhuftay beerta maamulaha, halkaasna uu ku geeriyooday. Ma jirin cid kale oo wax ku noqotay dhacdadaas. Lama oga sababta loo beegsaday Maxamuud Xaaji Salaad. Dhinaca kale war kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegtay in ninka lagu dilay duqeyntaas uu ahaa sarkaal ka tirsan Al-Shabaab. War-saxaafadeedka oo nuqul ka mid ah lasoo gaarsiiyay BBC-da ayaa lagu sheegay in weerar xagga cirka ah oo ka dhacay Jilib ay iska gaashadeen Mareykanka iyo Soomaaliya. Hase ahaatee mas’uuliyiinta Hormuud dhankooda ma aysan sheegin in ninka u shaqeynayay uu gacansaar la lahaa ama uu ka tirsanaa Al-Shabaab. Hormuud waxay ka mid tahay shirkaaha isgaarsiinta ee ugu waaweyn Soomaaliya. Diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn ee Mareykanka ayaa duqeymo joogto ah ka fuliya Soomaaliya, iyagoo bartilmaameedsada xubnaha Al-Shabaab Tan iyo markii uu maamulka madaxweyne Donald Trump la wareegay Aqalka Cad ee Mareykanka, waxaa la xoojiyay duqeymihii Mareykanka ee Soomaaliya, waxayna xukuumadda Washington sheegtay inay meelo badan ku bartilmaameedsatay xubno ka tirsan Al-Shabaab. War-saxaafadeed ay Arbacadii lasoo dhaafay soo saartay dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in isla maalintaas oo ay taariikhdu ku beegneyd 19,February, 2020-ka ay Soomaaliya gudaheeda ka dhacday duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka. Xukuumadda Muqdisho ayaa sheegtay in howlgalkaas oo laga fuliyay magaalada Wadajir uu ahaa mid ay iska kaashadeen Milatariga Mareykanka iyo kuwa Soomaaliya, iyadoo bartilmaameedkana ku sheegtay inuu ahaa xubno ka tirsan Al-Shabaab. Bayaanka ayaa intaas ku daray in duqeyntaas lagu dilay saddex xubnood oo Al-Shabaab ah, wax khasaare ahna uusan kasoo gaarin dad rayid ah. Galinkii hore ee maalintaas, xoogag ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ka fuliyay degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Al-Shabaab ayaa fariisimo ku leh deegaanno ka tirsan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, iyagoo mararka qaarna weeraro khasaare badan ka fuliya magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Qaran News
-
Washington (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Mareykanka Africa ee AFRICOM ayaa ka hadlay warar sheegaya in duqeyn shalay ka dhacday degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe ay ku dileen maamule ka tirsanaa shirkadda Hormuud. Cadnaan Xaaji Cali oo ka tirsan shirkadda Hormuud ayaa VOA u sheegay in duqayntaas uu ku dhintay Maxamuud Xaaji Salaad oo ahaa maamulihii shirkadda ee magaalada Jilib. Afhayeen u hadlay AFRICOM ayaa sheegay inay baaritaan ku sameyn doonaan dhacdadan, islamarkaana ay dib u eegi doonaan akhbaaraad kasta oo dheeri ah oo ku saabsan dhacdadan oo laga helo dhinacyo saddexaad. “Waxaan u hoggaansami doonnaa xeerarka dagaalka, waxaana qaadan doonnaa taxaddar inta aan ku gudo jirno beegsiga dadka la tuhunsan yahay,” ayuu yiri afhayeenka. Maraykanka ayaa shalay sheegay in duqaynta ay gaysteen ay ku dileen xubin ka tirsan ururka Al-Shabaab, iyo inaan wax rayid ah wax ku noqonin duqayntaas. Hase yeeshee, Cadnaan Xaaji Cali ayaa VOA u sheegay in ninkaasi aanu wax shaqo ah ku lahayn urur ama koox, waxaana uu sheegay inuu ahaa nin rayid ah oo shirkadda u shaqaynayey tan iyo intii la aasaasay. Maxamuud Xaaji Salaad ayaa la sheegay inuu ku sugnaa beertiisa markii duqayntu dhacday.
-
Kulan gaarka ah oo ay golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka lahaayeen arrimaha Soomaaliya ayaa lagu soo geb-gabeeyey Magaalada Newyork ee dalka Mareykanka kaas oo diirada lagu saarey arrmo ay kamid yihiin,Siyaasadda,Amniga iyo doorashada la filayo inay dhacdo 2020 2021. Wakiilka Qaramada Midoobey ee Arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa Golaha Ammaanka waxaa uu u gudbiyey warbixin ku saabsan geedi socodka Ammaanka, Siyaasadda iyo Doorashooyinka Soomaaliya. Khudbad Dheer oo uu Amb, James Swan ka jeediyey Kulanka gaarka ah oo ay golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka lahaayeen arrimaha Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal badan gelisay in la meel mariyo hanaanka doorashooyinka ,isla markaana Qaramada Midoobey ay taageero ku siineyso. “Sanadka 2020 wuxuu leedahay awood ay u noqon karto sanad isbedel ku keena Soomaaliya. Dhowr arrimood oo muhiim ah oo qaran ah ayaa la soo gabagabeeyey waxayna saameyn ku yeelan doonaan himilada Soomaaliya sannadaha soo socda” ayuu yiri Amb, James Swan. Sidoo kale waxaa uu sheegay in Bishii Oktoobar ee la soo dhaafay Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo la-hawlgalayaasheeda caalamiga ah ay ku heshiiyeen ahmiyadaha ugu waaweyn ee ah inaysan in Soomaaliya ka dhacdo sanadka 2020 doorasho loo dhan yahay oo qof iyo Cod ah. Ugu dambeyn waxaa uu sheegay Wakiilka QM ee Arrimaha Soomaaliya in sidoo kale la sameeyay horumar la xiriira sharciyeynta muhiimka ah ee lagu xoojinayo qaab dhismeedka maaliyadda Soomaaliya, sida Sharciga Shirkadaha iyo Sharciga Maareynta Maaliyadda Dowladda. Miisaaniyadda 2020 ee uu ansixiyay baarlamaanku uuna saxeexay Madaxweyne Maxamed C abdullaahi Maxamed Farmaajo, kaas oo uu sheegay in uu ka tarjumayaa kobaca dakhliga ee joogtada ah ee dalka. PUNTLAND POST The post James Swan oo Golaha Amniga uga warbixiyay xaaladda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa sii ballaaranaya khilaafka ka dhaxeeya kooxda Al-Shabaab, kadib markii la ceyriyey laba hogaamiye oo ka tirsanaa madaxda kooxda, waxaa sidaas weriyey wargeyska Daily Nation ee Nairobi. Wargeyska ayaa sheegay in warbixino sirdoon ay sheegayaan in hoggaamiyayaasha kooxda ay u kala jabeen saf qabiil, kadib markii la isku qabtay qeybsiga kheyraad. Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in hoggaamiyaha Al-Shabaab Axmed Diiriye uu xanuunsanayo, islamarkaana uu xilalka ka qaaday Bashiir Qoorgaab iyo Mahad Karate. Xogtan ayaa waxaa sidoo kale horey u sheegtay hay’adda NISA. “Waxaa la isku qabsaday dhaqaale ka mid ah canshuurta kooxdan soo gasha. Waxaaa jira in madaxda qaar ay ka carroodeen sida beelaha qaar loola dhaqmo,” waxaa sidaas yiri qofka lagu soo xigtay xogtan. Xubnaha carreysan ayaa la sheegay inaysan ku qanacsaneyn sida hoggaanka Al-Shabaab u canshuuro islamarkaana ula dhaqmo ganacstada beeshooda. Wargeyska ayaa sheegay in taliye sare oo ka tirsan Al-Shabaab uu aas-aasay koox fallaago ka ah Al-Shabaab, si uu uga dagaalamo caburinta lagu hayo beeshiisa ee ah canshuurta joogtada ah. Lama magacaabin hoggaamiyahan. Sanadii tagtay, Zubair al-Muhajir ayaa ka goostay kooxda Al-Shabaab, isaga oo sheegay inay “hareer mareen Islaamka iyo Qur’aanka”. Kooxda Al-Shabaab weli kama aysan hadli khilaafyadan la sheegay inay ka dhex jiraan hoggaanka kooxda.
-
Hirshabeelle: Waxaan taageersanahay doorasho qof iyo cod ah
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Madaxweyne ku xigeeka maamulka Hirshabeele ahna Kusimaha Madaxweynaha Cali Cabdullahi Xusseen ( Guudlaawe) ayaa sheegay in maamulka Hirshabeelle ay diyaar u yihiin in ay doorasho qof iyo cod ay ka dhacdo dalka. Madaxweyne Ku xigeenka ayaa waxa uu Sheegay in maamulka Hirshabeele ay taageersan yihiin sharciga doorashooyinka oo dhawaan labada Aqal ee Baarlamaanka Somalia ay ansixiyeen isla markaana uu saxiisay madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Hadalkaas auu Guudlaawe ka sheegay kulan ku saabsanaa wacyi gelinta doorashooyinka heer Federaal kaasi oo lagu qabtay Magaalada Jowhar. PUNTLAND POST The post Hirshabeelle: Waxaan taageersanahay doorasho qof iyo cod ah appeared first on Puntland Post. -
Cracks in Al-Shabaab have widened following the expulsion of two senior commanders. Intelligence reports indicate that the militant group’s commanders have disagreed along clan lines and sharing of resources. The differences have reportedly led to the dismissal of two top commanders identified as Bashir Qorqab and Karate by their ailing senior, Ahmed Diriye. “The bitter differences among the three leaders arose over the sharing of resources from a big telco that has been financing Al-Shabaab,” states an intelligence report seen by the Nation. The move has sparked a rebellion from a section of the militants over what they termed “unfair treatment of some clans”. The faction has expressed dissatisfaction with its leadership and has protested against overtaxation and unfair treatment of its clan. Some of the major clans in war-torn Somalia are Mogadishu Clan, Muruwade and Ogaden. MILITANT SURRENDERS Sources indicate that another senior Al-Shabaab commander has formed a rival group to fight his former comrades over oppression of his Talha clan through taxation. Last year, another commander, Zubair al-Muhajir, bolted out of the Al-Qaeda affiliate and condemned the group “for going against Islam and the Quran”. The terror group is also fighting a clan militia — Malawei — along the Kenya-Somalia border. Recently, Malawei clashed with Shabaab militants, who had forcefully taken their animals and forced them to give out alms. “The conflicts have crippled Al-Shabaab operations in the area as communities turn hostile,” says the intelligence report. Last week, a suspected member of the terrorist group surrendered to security agencies in Mandera. Identified as Salat Hajir Jimale, 23, he was reportedly armed with an AK-47 and three loaded magazines. Recently, the group launched deadly attacks in parts of North Eastern and Mogadishu. The latest report by Armed Conflict, Location and Event Data indicates that Al-Shabaab has killed over 4,000 civilians in the last decade, with a majority being Muslims in Somalia. Source: Daily Nation
-
The Turkish government is moving to exploit oil, gas and mining prospects in Somalia by establishing a mechanism that will allow both private and state-owned companies to explore energy opportunities in the country, which is strategically located in the Horn of Africa. A memorandum of understanding (MoU) between Turkey and Somalia on comprehensive energy and mining cooperation signed in 2016 was approved by the Foreign Affairs Committee of the Turkish parliament a week after President Recep Tayyip Erdoğan issued a statement on an invitation by the Somali government to conduct drilling and exploration operations off its coasts. According to the text of the agreement, obtained by Nordic Monitor, the Turkey-Somalia energy cooperation MOU will focus on projects for the exploration, production and refining of hydrocarbons; natural gas processing, storage, transportation, marketing and distribution; geosciences and reservoir engineering; petrochemical and derived products; and the development and maintenance of infrastructure and associated technologies with regards to the hydrocarbons. The first article states that the MoU aims to “establish a comprehensive cooperation and sets out certain principles for cooperation between the Parties in the fields of energy and mining, with the purpose of developing and promoting the sectors of petroleum, gas, electricity, mineral and mining, as well as petro-chemistry.” President Erdoğan said last month that Somalia had invited Turkey to conduct drilling and exploration operations in its waters. “We had an offer from Somalia. They said Somalia has oil in its waters. [They said] that just like in Libya, [we] could conduct the same [drilling operations] in [Somalia],” Erdoğan told journalists on the presidential plane returning from a conference on Libya in Berlin on January 19, 2020. “There are steps we’ll take there. This is something beneficial for us,” he underlined. Erdoğan’s remarks came after the Somali parliament’s approval of a new petroleum law, which aims to provide a regulatory framework that will help to attract investment in exploration by major oil companies, upon which President Erdoğan’s ruling Justice and Development Party (AKP) accelerated the parliamentary approval process for the Turkey-Somalia energy cooperation agreement. Recent developments and the text of the agreement reveal how Turkey plans to follow up on Somalia’s offer. The MoU was signed on June 3, 2016 in Mogadishu by Turkish Foreign Minister Mevlüt Çavuşoğlu and Somali Foreign Affairs and Investment Promotion Minister Abdusalam H. Omar during President Erdoğan’s official visit to the African country. The deal also covers the exchange of information and experience on the development of the energy sector and its legal framework, including contractual processes related to hydrocarbon and mining activities; training of human resources; supporting joint seminars, conferences and exhibitions aimed at attracting investment; and implementing specific projects in order to ensure energy supply security. Article 5 states that the parties should encourage “private and state-owned companies to invest in the energy and mining sectors in both countries,” adding that they will support “private and state-owned companies to establish joint ventures and/or companies which would operate in the energy and mining sectors in both countries.” Moreover, the agreement aims to promote cooperation through mining projects in the areas of prospecting, exploration, development, construction, operation and production. The 12-article agreement was submitted to parliament for ratification on January 25, 2019 by President Erdoğan. According to the deal, the parties will form energy and mining working groups to jointly develop cooperation plans in accordance with Article 6. Both sides will appoint officials to act as their representatives in the working groups, and the agenda and objectives of the meetings will be decided by these experts. Furthermore, the deal sets forth conditions on the handling of classified information produced or provided under the agreement, specifying how it will be transmitted, used and disclosed. The terms of the agreement will be executed by the Ministry of Energy and Natural Resources on the Turkish side and the Ministry of Petroleum and Mineral Resources for Somalia. The deal is valid for five years with automatic renewal. According to the agreement, either party may notify the other of the intent to terminate at least six months in advance. Somalia is not an oil producer, but studies conducted by Seismic Geo and other companies have pointed to considerable oil and gas resources in its maritime territory. The Somali petroleum and mineral resources ministry announced last October that the country would open 15 blocks for oil companies to bid on for exploration and production licenses. Turkey has built a strong relationship with Somalia since 2011, when it began providing the country with humanitarian aid to tackle a famine. Turkey has sought to increase its influence while initiating development projects, opening schools and training Somali soldiers as part of efforts to build up the war-torn country’s army. In the last decade it has built a military base in the capital, and Erdoğan-linked companies run both Aden Adde International Airport in Mogadishu and the port. According to some experts, the energy and mining cooperation deal will open up the waters off the Somali coast to Turkey’s drilling vessels and President Erdoğan’s energy giants. Source: Nordic Monitor
