Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,389
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska isku xirka arrimaha bani’aadanimada u qaabilsan Qaramada Midoobay ee OCHA ayaa lagu sheegay in dad kumanaan ruux ah ay barakiciyeen dhaq dhaqaaqyada ka jira gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya. Qoraalka ka soo baxay OCHA ayaa lagu sheegay in tan iyo horraantii bishii la soo dhaafay ay kumanaan qoysas ka barakaceen degmooyinka tirsan gobolkaasi. Madaxa isku xirka arimaha bani’aadanimada u qaabilsan Qaramada Midoobay, Adam Abdelmoula ayaa sheegay in loo baahan yahay in la qaado tallaabo walba oo looga hortagayo in dhibaato ay soo gaarto dadka shacabka ah ee ku nool gobolka Gedo. OCHA ayaa shaacisay in qoysas gaaraya 2.6 Milyan ay ku barakaceen guud ahaan colaadaha ka jira gudaha Soomaaliya. Shalay ayey aheyd markii dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland uu ka dhacay degmada Beled-Xaawo iyo deegaano dhaca xadka Soomaaliya. View the full article
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa go’aamisay in dadka ka imaanaya dalalka uu dilaacay cudurka Coronavirus aysan dalka soo geli karin muddo 20 maalmood ah oo ka bilaabaneysa maalinta safarkiisa. Cabdirisaaq Yuusuf Axmed ayaa sababta go’aankaas loo soo saaray ku sheegay in ay tahay mudadaas 20-ka maalmood ah baarritaano lagu sameynayo dadka soo galaya gudaha dalka. Baaritaankaan lama cadeyn cidda sameyn doonta in ay tahay dowladda Soomaaliya iyo in ay jiraan dalal kale oo ka gacan siinaya. Agaasimaha tayeynta caafimaadka ee wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya Cabdirisaaq Yuusuf Axmed ayaa Idaacadda Kulmiye ee Muqdisho u sheegay in ay jiraan dad badan oo Soomaaliyeed, kuwaas oo ku xayiran qaar ka mid ah wadamada uu ka dilaacay Coronavirus. Sidoo kale Agaasimaha ayaa sheegay in dalalka dadka Soomaaliyeed ay ku xayiran yihiin oo ay ku jiraan Iran iyo Shiinaha ay ku dadaalayaan sidii dalka loogu soo celin lahaa, iyadoo laga taxadarayo in Coronavirus uu dalka soo galo. Dalal badan oo caalamka ah ayaa dhaqan-geliyey siyaasad la mid ah middan, oo dadka ka imanaya dalalka uu ku faafay Coronavirus lagu karantiilayo mudo saddex toddobaad ah ka hor inta aan bulshada lagu sii deyn. Halkan ka dhageyso wareysiga agaasimaha https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/03/WAREYS-AGASIME-C..RISAAQ.mp3
  3. Taliyaha Ciidanka Boliiska Janaraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha iyo saraakiisha Booliska AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya. Kulan gaar ah oo ay yeesheen labada dhinac ayaa waxa ay uga wada hadleen xoojinta wada shaqeynta labada dhinac iyo sugidda amniga doorashada Qaranka ee la filayo inay Soomaaliya ka dhacdo Sannadka 2020-2021. Taliyaha Booliska AMISOM Sareeye Guuto; Anand Pillay ayaa Ciidanka Boliiska Soomaaliya ku amaanay sida ay ugu diyaarsanyihiin waajibaadkooda, waxa uuna ballan qaaday in qeybta kaga aaddan sugidda amniga doorashooyinka ay ka qaadan doonaan. Taliyaha Ciidamada Boliiska soomaaliyeed Janaraal ; Cabdi Xasan Maxamed ayaa saraakiisha Boliiska AMISOM uga mahad-celiyay sida wanaagsan ee ay ula sheqeeyaan Booliska Soomaaliya, isaga oo ugu baaqay inay dar-dar geliyaan wadashaqeyntasi. Halkaan hoose ka daawo sawirrada: View the full article
  4. Qaar kamid ah shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho oo aan la dhex qaadnay Makarafoonka Shabelle ayaa si weyn uga dhiidhiyey faragalin la sheegay in Kenya ay ku heyso arrimaha gudaha ee Soomaaliya. Dadweynahaan ayaa sidoo kale intooda badan wax laga xumaado ku tilmaamay ka qeyb qaadashadii ciidanka Kenya ee dagaalkii shalay ka dhacay degmada Beled-Xaawo. Sidoo kale waxay ku baaqeen in khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo Jubbaland lagu dhammeeyo wadahadal iyo deganaan. Halkaan hoose ka dhageyso codadka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/vox.mp3 View the full article
  5. Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya, Donald Yamamoto ayaa ku baaqay in wadahadal lagu dhameeyo xiisadaha ka taagan gobolka Gedo ee K/ Soomaaliya. Qoraal kooban oo lagu daabacay barta Twitterka ee safaarada ayaa waxaa lagu sheegay in Mareykanka uu ka xun yahay xasaradaha ka jira gobolkaasi. Sidoo kale Mareykanka ayaa dhinacyadii shalay ku dagaalamay gudaha degmada Beled-Xaawo iyo deegaanada xuduuda ee ku dhow degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari, dalka Kenya ugu baaqay in ay ka hortagaan dagaal kale oo ka dhaca halkaas. Ugu dambeyn Mareykanka ayaa ciidamadii ku dagaalamay degmada Beled-Xaawo ugu baaqay in ay u turaan dadka shacabka ah ee ku dhaqan gudaha magaaladaasi. View the full article
  6. Gudoomiyaha Golaha Wakiillada dowladda Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibril iyo wefdi uu hogaaminayey, oo safar ugu maqnaa dalka dibaddiisa, gaar ahaan waddanka Jarmalka, ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland. Gudoomiyaha iyo Wefdiga uu hogaaminayay, waxaa garoonka diyaaradaha ee Garoowe ku soo dhoweeyay Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Avv: Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan, Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada Ismaaciil Maxamed Warsame, Xildhibaano, Wasiiro ka tirsan Xukumadda, Saraakiil ka tirsan Aqalka Golaha Wakiillada dowladda Puntland iyo Saraakiisha sare ee ciidamada Puntland. Sidoo kale, waxaa qayb ka ahaa soo dhaweynta, dadweyne kala duwan oo watay Calamada Puntland iyo Soomaaliya, kuna labisnaa dharka Hiddaha iyo Dhaqanka, kuwaas oo si wanagsan uga qayb qaatay soo dhoweynta Gudoomiye Cabdirashiid iyo wafdigiisa. Soo dhoweyn kadib, Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirashiid Yuusuf Jibril oo qeybta VIP ee Airporka Garoowe kula hadlay warbaahinta, ayaa ka mahad-celiyey soo dhaweyntii loo sameeyey, Islamarkaana waxaa uu Hambalyo u diray Ciidanka Difaaca Dawladda Puntland. “Waxaan u hambalyeeynayaa Ciidamada Difaaca Dawladda Puntland ee jooga jiidaha iyo xuduudaha Dalka, khaasatan Ciidamada jooga jiida Gobolada Sool iyo Sanaag oo maalmihii ugu dambeeyey si wadaniyad leh uga hortagay weerarro gaadmo ah oo uu cadowgu soo maleegay.” ayuu yiri Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Gudoomiyaha Golaha Wakiillada dowladda Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibril, ayaa ugu dambeyn sheegay in Safarki uu ku tagay dalka dibadiisa uu ku soo dhamaaday Guul. PUNTLAND POST The post Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland oo dalka dib ugu soo laabtay appeared first on Puntland Post.
  7. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Generaal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Midowga Afrika ee AMISOM ayaa kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho. Kulanka u dhexeeyay Taliye Cabdi Xijaar iyo Taliyaha Booliska AMISOM Augustine Magnus Kailie waxaa looga hadlay xoojinta wadashaqeynta labada Ciidan iyo sidii ay iskaashi u sameeyn lahaayeen. Sidoo kale kulanka inta uu socday waxaa looga hadlay sugidda amniga Arrimaha doorashooyinka la filayo in dalka Soomaaliya ay dhacaan dhamaanka sanadkan 2020/2021. Kulanka dhexmaray Taliyaha Ciidanka BoliiskaSoomaaliya Generaal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxaa ka qeyb ahaa Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya iyo kuwa AMISOM. PUNTLAND POST The post Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya iyo Taliyaha Booliska AMISOM oo kulmay appeared first on Puntland Post.
  8. Faah faahinno dheeraad ah kooxo hubeysan oo maanta toogasho ku dilay askar ka tirsanaa ciidanka dowladda oo ku sugnaa Ex-Koontarool Afgooye ee duleedka Muqdisho. Askarta la dilay oo labo ahaa ayaa ka mid ahaa ciidanka Canshuuraha ee dowladda, iyadoona lagu toogtay weerar gaadma ah oo ay fuliyeen kooxo hubeysan. Wararka ayaa sheegaya in raggii ka dambeeyey falkaasi oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ay goobta isaga baxsadeen. Sidoo kale ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka dowladda ayaa gaaray halkaasi, kuwaas oo goobta ka qaaday meydadka askartaasi. Dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab ayaa inta badan magaalada Muqdisho ka geysta dilal qorsheysan oo ka dhanah askarta dowladda ee ku sugan gudaha Caasimadda. View the full article
  9. Boosaaso (Caasimadda Online) – Sida ay xogta ku heshay Shabakadda Caasimadda Online, waxaa ku dhawaad muddo 10 Maalin ah xiran Dekadda Magaalada Boosaaso ee Maamulka Puntland kadib markii ganacsatada ay ka godoodeen Canshuur cusub oo lagu soo rogay. Sidoo kale waxaa xiran Suuqa weyn ee Magaalada Boosaaso iyadoo albaabada la isugu dhuftay bakhaaradii iyo dukaamadii yaryaraa kadib markii ay sheegeen ganacstada inaysan awoodin canshuurta cusub ee lagu soo rogay. Maalintii Khamiista aheyd ayaa waxaa Magaalada Boosaaso ka dhacay banaanbax weyn oo arrintaan looga soo horjeedo, waxaana sidoo kale socdo qaban qaabada banaanbaxyo kale oo la filayo inay ka dhacaan Magaaladaas. Qaar ka tirsan ganacstada joojiyey inay wax kala soo dagaan Dekadda Boosaaso oo la hadlay Caasimadda Online ayaa sheegay in lagu soo rogay Canshuur cusub oo ay ku sheegeen ujeedada laga leeyahay inay tahay sidii loogu adeegsan lahaa siyaasadaha kasoo cusboonaaday Soomaaliya gaar ahaan in lagu taageero Maamulka Jubbaland. Waxaa fashil kusoo dhammaaday dhawr kulan oo ay yeesheen Maamulka Puntland iyo Ganacsatada gadoodsan, waxayna kulamadaas kusoo dhammaadeen fashil iyo isfaham darro. Sidoo kale Caasimadda Online ayaa ogaatay in Puntland wajaheyso dhaqaale xumo, waxaana illaa hadda la bixin muddo 4 bil ah mushaarka ciidamada kala duwan xilli ay Puntland ku jirto xaalad dagaal oo kala dhaxeyso Somaliland iyadoo laga qabsaday Deegaanada Sanaag iyo Boorame.
  10. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed, Cabdi Casiis Xasan Maxamed(laftagareen), iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhaw gaaray Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay. Madaxweynaha iyo xubnaha kale ee ku wehliya Safarkiisa ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Diinsoor kusoo dhoweeyay mas’uuliyiinta maamulka Degmada Diinsoor iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada. C/casiis Xasan Maxamed, Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa lagu wadaa inta uu halkaasi ku sugan yahay in uu ka qeyb galo xafladda caleema saarka maamulka Cusub ee Degmada Diinsoor oo ay dhawaan soo doorteen Golaha degaanka ee Degmadaas. View the full article
  11. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Duhur-03032020.mp3 View the full article
  12. Madaxweynaha dowlad goboleedka koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa maanta gaaray degmada Diinsoor ee Gobolka Baay. Mas’uuliyiinta Maamulka degmada Diinsoor iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada degmadaas ayaa Garoonka Diyaaradaha degmada Diinsoor ku soo dhaweeyy wefdiga madaxweyne Lafta Gareen. Qoraal kooban oo ka soo baxay Xafiiskiisa ayaa lagu sheegay in madaxweyne Cabdi Casiis Lafta Gareen uu halkaasi kaga qeyb galayo xaflad lagu caleema-saarayo maamulka cusub ee degmadaasi Diinsoor. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray degmada Diinsoor appeared first on Puntland Post.
  13. Deni oo dhagax dhigaya qeybta cusub ee Bangiga Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhagax dhigay dhisme cusub oo lagu kordhiyey Bangiga Dhexe ee dowladda Puntland. Munaasabadda dhagax dhigga waxaa Madaxweynaha ku weheliyey Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Gaadiidka iyo Guriyeynta, Axmed Bashiir Muuse, Maamulka Bangiga Dhexe ee Puntland iyo Injineerro ka socday shirkadda fulinaysa mashruucan. “Mashruucan waxaan rajaynayaa in uu sida loogu talo galay u fulo, wuxuuna tilmaan u yahay sida ay uga go’an tahay Dowladda Puntland in Hay’adaha Dowladda dib u habayn lagu sameeyo lana tayeeyo” ayuu yiri Madaxweyne Deni oo hadal ka jeediyay dhagax-dhigaas. Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdilahi Deni ayaa sidoo kale kormeeray xafiisyada kala duwan ee Bangiga dowladda Waxaana uu kulan la qaatay Madaxa Bangiga dhexe ee dowladda Puntland. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo dhagax dhigay dhisme lagu kordhiyay Bangiga dowladda appeared first on Puntland Post.
  14. Iran’s deputy chairman of parliament announced on Tuesday that 23 MPs out of the 290-member chamber have tested positive for the coronavirus, days after suspending sessions. Source: Hiiraan Online
  15. (SLT-Tel Aviva)-Raysal wasaare Benjamin Netanyahu ayaa ku guulleystay doorashadii Isniinta ka dhacday Israa’iil, oo ahayd tii saddexaad muddo sannad gudihiis ah, inkasta oo uu waajahayo maxkamadeyn musuq-maasuq la xidhiidha. Guushan ayaa Netanyahu u ogolaaneysa inuu soo dhiso dowladda cusub, soona afjaro sannad is-marin waa siyaasadeed ah, kadib markii doorashooyin dhacay April iyo September 2019 lagu kala adkaan waayey. Guddiga dhexe ee doorashada ayaa sheegay inay tiriyeen 90% codadka, ayada oo natiijada warbaahinta qaar ay soo bandhigeen ay muujineyso in xisbiga Netayahu ee Likud uu helayo 36 ka mid ah 120-ka kursi ee baarlamanka. Isbahaysiga Netanyahu, oo ay ku jiraan xisbiyada Yahuudda ee mayalka adag, ayaa weli u baahnaan doona hal ama laba cod si ay u helaan aqlabiyad, hase yeeshee afhayeen u hadlay xisbiga ayaa sheegay inay ku kalsoon yihiin inay kasoo goosan doonaan xisbiyada kale. Xisbiga sida weyn ula loolamayey Likud ee Blue and White ayaa la filayaa inuu helo 32 kursi. Marka lagu daro xisbiyada siyaasadda bidixda-dhexe, iyo kuwa isbhayasiga Carabta ee Arab Joint List, xisbiyada kasoo horjeeda Netanyahu ayaa la filayaa inay helaan 54 ilaa 55 kursi. Inkasta oo weli aysan jirin wax damaanad oo ah in Netanyahu uu soo dhisi doono dowladda cusub, haddana wuxuu doorashadii Isniinta ku sheegay “guul” weyn. Netanyahu ayaa ku ololeeyey mowqifkiisa adag ee ku wajahan Falastiiniyiinta iyo inuu ballaarin doono deegaananda Yahuudda ee Daanta Galbeed. Waxa uu sidoo kale ballan-qaaday inuu Israel kusoo dari doono Dooxada Jordan, oo ka tirsan Daanta Galabeed, Falastiiniyiintana ay u arkaan inay muhiim u tahay dalkooda mustaqbalka. Hoggaamiyaha xisbiga Blue and White, ahna madaxii hore ee militariga Benny Gantz ayaa qirtay “inuu ka niyad jabay” natiijada. Hase yeeshee waxa uu carabka ku adkeeyey, in wixii ay noqotaba natiijada kama dambeysta ah, Netanyahu uu weli maxkamad kori doono 17-ka March. In kasta oo la filayo in madaxweyne Rueven Rivlin uu Netanyahu u xil saaro soo dhisidda dowladda cusub, haddana weli ma muuqato waddo uu ku heli karo 61-ka kursi ee uu u baahan yahay. Xisbiga Yisrael Beiteinu ee uu hogaamiyo wasiirkii hore ee difaaca Avigdor Lieberman oo la filayo inuu helo lix ama toddoba kursi ayaa wacad ku maray inuusan ku biiri doonin dowlad ay ku jiraan xisbiyada Yahuudda ee mayalka adag. Waxa kaliya ee Netanyahu u furan ayaa ah inuu xildhibaanada qaar ka dhaadhiciyo inay khilaafaan hoggaanka xisbigooda, una soo goostaan dhankiisa, si uu dowladda usoo dhiso. Source
  16. At least one al-Shabaab fighter has been killed in strikes in Southern Somalia. In a statement on Monday, Somali ministry for information said in cooperation with US AFRICOM, the Somali government conducted two strikes in Kunya-Barow town. “These persistent precision airstrikes killed one al-Shabaab terrorist and wounded two other terrorists,” he said. The ministry confirmed that no civilians are assessed to have been killed or injured in the attack. US military confirmed the attack saying they conducted two airstrikes targeting al-Shabaab terrorists. In a statement, the US military said US Africa Command is focused on support to the Federal Government of Somalia and helping them end al-Shabaab‘s brutal ambitions and treatment of the Somali people. View the full article
  17. The United Nations on Tuesday called for the protection of civilians as escalating violence displaces nearly 56,000 people in southern Somalia. Preliminary reports indicate that up to 9,000 households (approximately 56,000 people) have been displaced in Gedo, Jubaland State following a stand-off since early February between the parties to the conflict in the region, Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) said in a statement. “All efforts must be made to minimize harm to civilians and damage to schools, health centers, and homes,” Humanitarian Coordinator for Somalia Adam Abdelmoula said. “I urge parties to take all the necessary measures to protect civilians and civilian assets amid the escalation in violence.” The statement came a day after 10 people were killed and several others injured during clashes between the military forces and militants in Somalia’s southwest. An estimated 2.6 million people are currently displaced within Somalia as a result of ongoing conflict and recurring climatic shocks. In 2019 alone, approximately 190,000 people were displaced. In January 2020, some 35,000 people were reported as newly displaced in Somalia, including 28,000 people fleeing insecurity, the UN agency said. Somalia, located in the Horn of Africa and bordering Ethiopia to the west and Gulf of Aden to the north has witnessed multiple terror attacks over the past two decades. Somali-based al Qaeda affiliated group al-Shabaab has claimed responsibility for most of the deadly suicide attacks. Last December, nearly 90 people were killed and over 150 others wounded by a suicide truck bombing in the capital Mogadishu. View the full article
  18. Sucuudiga oo lagu arkay qofkii ugu horreeyay ee uu ku dhacay Coronavirus Cudurka Corona wuxuu gaaray Cumaan, Kuwait, Baxreyn iyo Ciraaq Wasaaradda caafimaadka Sucuudiga ayaa shaaca ka qaaday in gudaha dalkaas lagu arkay qofkii ugu horreeyay ee uu ku dhacay caabuqa Corona. Saraakiisha waxay sheegeen in qofka uu ku dhacay Corona uu yahay muwaadin u dhashay Sucuudiga oo ka yimid dhinaca Iiraan. Dalka Tunisia , waxaa lagu arkay qofkii ugu horreeyay ee qabo cudurka kaas oo ah muwaadin u dhashay Tunisia oo ka yimid dhinaca Talyaaniga. Dhanka kale, wasaaradda caafimaadka Urddun waxay shaaca ka qaaday kiiskii ugu horreeyay ee cudurka Corona kaddib markii laga helay qof u dhashay dalkaas oo kasoo safray Talyaaniga. Qaran News
  19. Somalia has agreed on an initial roadmap with a Shell/Exxon joint venture to explore and develop potential offshore oil and gas reserves, the Ministry of Petroleum and Mineral Resources said on Monday. “I am delighted we have agreed with an initial roadmap with the Shell/Exxon joint venture. This gives us confidence in (the)ability to further explore any offshore hydrocarbon potential,” minister Abdirashid Mohamed Ahmed said in a statement. Last month Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo signed petroleum legislation into law to help open up a new frontier market in Africa as the strife-torn country hopes new petroleum finds will help transform its economy. Seismic data suggests there could be significant oil reserves offshore. In October Shell and Mobil, which had a joint venture on five offshore blocks in Somalia prior to the toppling of dictator Mohamed Siad Barre in the early 1990s, agreed to pay the government $1.7 million for historic leasing of the blocks. Exxon Mobil and Shell were not immediately available to comment. View the full article
  20. (SLT-Hargeysa)-Kulan ay maanta Hargeysa iskugu yimaadeen madaxd-dhaqanka ee Beelaha East Burco Clan iyo West Burco Clan ayay ku go’aamiyeen in bishan 15-keeda ay isugu yimaadaan shir u dhexeeya labadan Beelood. Shirkan ayaa ka dhici doona magaalada Burco. Shirkan ayay sheegeen in ay kaga tashanayaan horumarinta deegaamada ay deggaan iyo iskaashigooda. Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali, iyo Suldaan Cismaan suldaan Cali Madar, ayaa si wadajir ah u iclaamiay. Muuqaalka Warkan goor-dhaw la soco Source
  21. Rabat (Caasimadda Online) – Cudurka Coronavirs ayaa la xaqiijiyey inuu ku faafay wadamo hor leh oo kamid ah wadamada Carabta iyo kuwa kale oo dhaca Galbeedka iyo Waqooyiga Africa. Wadamada Carabta ee uu cudurkaan soo gaaray ayaa kala ah Sacuudiga, Urdun iyo Qadar oo laga helay dhawr kiis oo ku saabsan cudurkaan. Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in cudurkaan laga helay qof u dhashay wadankeeda oo ka imaaday dalka Iiraan kaasoo soo maray dalka Baxreyn. Sidoo kale cudurkaan ayaa laga helay wadamada Africa dhaca ee Morocco, Senegal iyo Tunisia kadib markii ay wasaaradaha Caafimaadka wadamadaas ay si wadajir ah u xaqiijiyeen. Wasiirka Caafimaadka dalka Tunisia Abdifitaax Al-Maki ayaa sheegay inay wasaaradiisa diiwaan gelisay Isniintii qofkii ugu horeeyey ee cudurkaan laga helay, wuxuuna ahaa muwaadin u dhashay Tunisia oo ka imaaday dalka Talyaaniga oo uu daganaansho ka heysto. Sidoo kale dalka Morocco ayaa waxaa cudurkaan laga helay qof sidoo kale Talyaaniga ka imaaday oo heysto dhalashada Moroco sida ay xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka. Ninka laga helay cudurkaan ayaa hadda waxaa la dhigay Isbitaal ku yaalo Magaalada Casablance ee dalka Moroco sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Maghreb Agency Press. Si lamid ah Senegal iyo Tunisa oo dhaca Qaaradda Afrika waxaa laga helay kiiskii ugu horeeyay ee Coronavirus, waxaana xaqiijiyay Wasaaradaha Caafimaadka labadaan Dowladood. Wasiirka Caafimaadka Senegal Ablaye Diouf ayaa isna xaqiijiyey in Senegal laga helay kiiskii ugu horeeyey ee Corona virus isla markaasna ay hadda ka shaqeenayaan inuusan dalka ku faafin. Coronavirus ayaa si weyn ugu faafayo adduunyada, waxaana markii ugu horeysay lagu arkay dalka Shiinaha.
  22. Wararka aan ka helayno Isgoyska Ex-control Afgooye ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in maanta halkaasi lagu dilay Labo askari oo ka tirsanaa ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana ka soo baxaya faahfaahino kala duwan. Sida ay goobjoogayaal u xaqiijiyeen Goobjoog News asakrta la dilay ayaa waxa ay ahaayeen kuwa qaada canshuurta waxaana la tilmaamay in marka la dilayay ay ku sugnaayeen agagaarka isgoyska Ex-control Afgooye, gaar ahaan wadada aada War-laliska. Kooxo ku hubeysnaa bistoolado ayaa fuliyay dilka labadan askari, waxaana la sheegay in kooxdii dilka geysatay ay iskaga baxsadeen goobta ay falka ka geysteen. Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka ayaa soo gaaray goobta iyaga oo halkaasi ka bilaabay baaritaano kala duwan oo ay ku baadi goobayaan kooxihii falka geystay. Wali ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarkan lagu dilay askar ka tirsanayd dowladda federaalka ah. Inta badan waxaa dilal qorsheysan magaalada Muqdisho loogu geystaa askar iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda Farmaajo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. The African Union (AU) has welcomed the efforts and significant progress made by the government of Somalia (FGS) in the implementation of the legislative agenda, amid deep concern over the continuous and indiscriminate attacks by al-Shabab. Source: Hiiraan Online
  24. Ciidamada Sirdoonka Puntland iyo kuwa Amaanka ayaa Howlgal wada jir ah waxay ka wadaan suuqa Bosaso kadib markii la helay macluumaad sheegaya in Mid kamida [...] Source