Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,389
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Washington (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa laga bixiyey lacagtii uu ku lahaa Bankiga Adduunka, taasi oo soo geba-gebeysay dib usoo nooleynta xiriirka labada dhinac, ka hor inta aan Soomaaliya looga fakarin inay u qalanto deyn-cafin iyo in kale. Iska bixintan deyntan ayaa macnaheedu yahay in Soomaaliya ay hadda kheyraad cusub ka heli karto Bankiga Adduunka, taasi oo dhabbaha u xaareysa dadaalka Soomaaliya ay ku gaareyso marxaladda go’aan ka gaarista (Decision Point), markaasi oo ah xilliga la go’aaminayo inay geli karto marxaladda ay ku heli karto deyn-cafin. “Waxaan Soomaaliya ugu hambalyeynayaa inay soo gaartay marxaladda muhiimka ah taasi oo u ogolaaneysa inay fursad u hesho taageerada Banka Adduunka ee lagu horumarinayo nolosha bulshada,” waxaa sidaas yiri agaasimaha maamulka ee Bankiga Adduunka Axel van Trotsenburg. Lacagta Soomaaliya ay iska bixisay oo gaareysay 365.9 milyan oo dollar ayaa waxaa bixiyey dowladda Norway. Lacagta Soomaaliya laga bixiyey ayaa ah tii uu ku lahaa Bankiga Adduunka, waxaase u harsan in laga cafiyo deynta dalalka caalamka ku leeyihiin oo gaareysa 5.3 bilyan oo dollar Dadaalkan ayaa qeyb ka ah qorshe buuxa oo Soomaaliya ay sidoo kale ku bixisay dul-saaradii ay ku lahaayeen IMF iyo Bankiga Horumarinta Arfrica. “Waxaan ku faraxsanahay in Norway ay ku tabarucday lacagtan. Waxaan sidoo kale ku faraxsanahay in Soomaaliya ay soo gaartay marxalad dhabbaha u xaari karta inay hesho deyn-cafin,” waxaa sidaas tiri wasiirka arrimaha dibedda Norway Ine Eriksen Søreide. Soomaaliya ayaa la filayaa inay bishan gaarto marxaladda Decision Point. Haddii markaas la go’aamiyo in Soomaaliya ay u qalanto deyn-cafin, waxay billaabi doontaa dadaal cusub, oo ay ku gaareyso marxaladda dhameystirka ama Completion Point, markaasi oo deynta laga cafin doona, waxayna qaadan kartaa sanado badan.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in sarkaal ka tirsan ciidamada ay dowladdu geysay magaalada Dhuusamareeb ee maamulka Galmudug, uu ururka Al-Shabaab u gacan galiyay Nin baxsad ah oo dil ka geystay deegaanada ay maamuulaan Shabaabku ee Ceel-Buur. Sarkaalkan ayaa amar uu ka helay maamulka Al-Shabaab ee deeganadaasi, ugu gacan galiyay Ninkaasi, sida uu shaaciyey Xildhibaan Fiqi. Xildhibaan Fiqi oo ka gaabsaday in uu magacaabo Sarkaalkaasi ayaa waxa uu sheegay in dhamaadkii sanadkii tagay ee 2019 uu Al-shabaab u gacan galiyay Ninkaasi oo dil ka geystay deegaanadooda ka dibna usoo baxsaday Dhuusamareeb una sii gudbay dhinaca Cadaado. “Maamulka Al-Shabaab ee deegaanadaasi ayaa soo wacay Sarkaalkaasi ka tirsan ciidamada, kuwaasi oo ku amray in uu usoo gacan galiyo Ninkaasi, uguna keeno deegaanadooda,” ayuu yiri Fiqi. Sida uu sheegay Fiqi, sarkaalka oo fulinaya amarkaasi ayaa inta uu watay Ciidamo soo qabtay Ninkaasi, kadibna kusoo qaaday gaadhigii dowladda, sidaasina ugu gacan galiyay ururka Al-Shabaab ee sida weyn uga soo horjeeda dowladda. Xildhibaanka ayaa xusay in Sarkaalkaasi uu dib u soo laabtay isagoo nabad qaba, isla markaana aysan Al-Shabaab wax dhib ah u geysan, markii uu Ninkii baxsadka ahaa ugu geeyay deegaanadooda. Talaabadan ayuu Xildhibaanku ku sheegay mid muujinaysa heerka wada-shaqeyneed ee Saraakiisha dowladda iyo ururka Al-Shabaab. Xildhibaanka ayaa sidoo kale waxa uu walaac ka muujiyey amniga deegaanada Galmudug, maadama ay la wareegeen Saraakiil fulinaya amarada Shabaabka, waa sida uu hadalka u dhigaye. Mana jirto ilo madax-banaan oo si dhab ah u xaqiijinaya xogtan uu shaaciyay Xildhibaanku, balse wuxuu sheegay in uu hayo cadeymo ku aadan arrintaasi, isla markaana uu qaadayo mas’uuliyadaasi.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xalay daah furay munaasabadaha weyneynta daah-furka xuska 60 sano guurada xorriyadda iyo midnimada Soomaaliyeed oo lagu qabtay beerta qarannimada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Kheyre ayaa sheegay in of kasta oo Soomaaliyeed laga doonayo inuu ka dhabeeyo himilooyinkii halgamayaashii Soomaaliyeed ee kasoo shaqeeyay xornimada dalka oo doonayay in dalka Soomaaliya uu kamid noqdo dalalka ugu horreeyay dunida. Munaasabadda oo ay kasoo qayb galeen wasiirro xildhibaann, guddoomiyaha gobalka iyo mas’uuliyiin kale ayaa Ra’iisul Wasaaruhu sidoo kale ka sheegay in Soomaaliya ay soo ceshan karto sharaftii ay dunida ku laheyd hadii dhammaan dadka Soomaaliyeed ay ka wada shaqeeyaan. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Janaayo 04, 2020 waxuu magacaabay guddiga guddiga qaban-qaabada xuska maalmaha xorriyadda dalka oo shaqadoodu tahay inay qaban-qaabiyaan xuska maalmaha xorriyadda ee 26ka Juun iyo 1da July ee sanadkaan 2020. Xuska ayaa sanadkaan kulansaday laba munaasabood oo muhiim ah kuwaas oo kala ah sanad guurada 60-aad iyo sanad guurada 20-aad ee dib-u-aasaaska dowladnimada Soomaaliya oo lagu dhisay degmada Carta ee Jahuuriyadda aan walaalaha nahay ee Djibouti.
  4. Istanbul (Caasimada Online) – Waxaa dalka Turkiga gaar ahaan magaalada Istanbul ka dhacay shir ay wada yeesheen ardayda Soomaalida ee halkaas ku sugan iyo guddiga dib u heshiisiinta Somalia iyo Somaliland. Wararka ayaa sheegaya in shirka ay soo qabanqaabisay hay’adda cilmi-barista Geeska Afrika ee marka la soo gabiyo loo yaqaan DAD. Hay’addan ayaa waxaa guddoomiye u ah guddoomiyihii hore ee Jaamacadda Muqdishu Prof. Cali Sheikh Axmed Abubakar. Guddigu ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa uu kulamo la qaatay qaar ka mid ah jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibediisa. Jaaliyadaha uu guddigu la kulmay ayaa waxaa ka mid ah Soomaalida ku nool Geneva, Switzerland. Waxaa uu sidoo kale la kulmay hay’adda HD ee ka shaqeysa nabadda caalamka oo dhan. Guddigan oo uu hogaaminayey gudoomiyaha guddiga xildhibaan Cabdullahi Sheekh Ismaaciil ayaa waxaa ka mid ah xildhibaan Cali Jaamac Jangali, General Axmed Jaamac iyo Dr. Caburaxman Baadiyow. Waxaa kale oo ka mid ayaa xiriiriyaha guddiga Maxamed Haddi. Dhinaca kale ardayda ay la kulmeen ayaa si weyn uga dooday, soona jeedisay tallooyin wax ku ool ah. Kullamadaas waxey ka mid yihiin baararujinta iyo ka qaybgelinta shacabka Soomaaliyeed, talo ururinta arrimaha la xiriira wada-hadalka Somalia iyo Somaliland. Cabdixakiin cilmi xasan Nairobi Kenya Cabdixakiin441@hotmail.com
  5. OTTAWA–The Liberal government is giving Canada’s big three telecommunications companies two years to slash the price of select cellphone plans by 25 per cent. Source: Hiiraan Online
  6. The presence of Ethiopian troops in Somalia as a part of AMISOM divides Somalis. To be fair Ethiopia did not ask for to contribute troops AMISOM. In 2009 Ethiopian troops withdrew from Somalia after an agreement signed by the former Transitional Federal Government of Somalia and Alliance for Reliberaration of Somalia. The Agreement stipulated that Ethiopian forces will withdraw from Somalia and the ARS will recognise TFG as the legitimate authority in the country. Ethiopian troops’ presence in Somalia is illegal In 2014 President Hassan Sheikh Mohamed signed a bilateral agreement to deploy Ethiopian troops as a part of AMISOM. The Somali Parliament did discuss the proposal. President Mohamud was in the process of facilitating the creation of two Federal Member States – Galmudug and Hirshabelle. Having falling out with Kenya over the formation of Jubaland State, President Mohamud opted for the policy to recalibrate relations his administration had with Ethiopia, a country that shared common strategic goals with Kenya to defeat Al-shabaab. Neither the parliament nor politicians who participated in negotiations between TFG and ARS raised concerns about the decision to deploy Ethiopian troops as a part of AMISOM. Both President Sharif Ahmed and Abdirahman Abdishakur, the leader of Wadajir Party, had the experience and the credibility to take President Mohamud to task for political expedience. “President Farmaajo took a leaf from the book of his predecessor” says Hassan Mohamud, a freelance journalist in Garowe. “There is a risk that the precedent set by President Hassan Sheikh Mohamud to rescind past peace agreements to achieve short-term personal and political goals can keep Somalia in perpetual dependency upon AMISOM.” In 2016 Harun Maruf, the VOA Somali Service broadcaster, illuminated how Ethiopian troops got deployed in Somalia. ” Many Ethiopian troops in Hiran, Bakool and Galgudud regions are not mandated by AU but operate under bilateral defence agreement [with] Somalia” tweeted Maruf. The saga of not subjecting deployment of Ethiopian troops to wider consultations has opened Somalis’ eyes to mendacity of the Federal Government leaders. Deployed in Somalia on the basis of an agreement between the two countries, the Ethiopian troops take orders from Villa Somalia. Since the visit of Abiy Ahmed to Somalia in 2018 to promote his flagship Horn Economic Integration initiative, President Mohamed Abdullahi Mohamed deepened the relations with his Ethiopian counterpart to demonstrate commitment to US-driven integration agenda although Somalia is still in fragile status and wholly dependent on AMISOM to function in the capital and neighbouring regions. © Puntland Post Monthly, 2020 The post The Illegality of Ethiopian Forces’ Presence in Somalia appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Bar-____-Qumanha-Wararka-05032020.mp3 View the full article
  8. Mandera Governor Ali Roba Thursday warned the security situation in the border town was deteriorating after Jubaland forces were filmed driving non-standard tactical vehicles mounted with machine guns. Source: Hiiraan Online
  9. Shir uu guddoomiyay madaxweynaha Kiinya ayaa looga hadlay dagaalki ka dhacay magaalooyinka xudduudka ee Mandhera iyo Baladxaawo. Mirihi shirkaan kasoo baxay ayaa ahaa eedaymo loo jeediyay dowladda Soomaaliya. Eedaymahaas oo ahaa kuwo aad u culus ayaa saldhig looga dhigay in dowladda Soomaaliya kusoo xadgudubtay dhulka Kiinya dad iyo hantina ku waxyeellaysay. Hab-qoraalka war-mutiyeedka ayaa u ekaa mid colaadeed oo furi kara jid ay dowladda Kiinya kusoo weerarto Soomaaliya. Haddaba maxaa ka suuragal ah walaaca noocaas ah? Haddiise ay dhacdo duullaan noocee ah ayaa la filan karaa? Dunida maanta way adagtahay in dal mid kale duullaan qaawan ku qaado. Waxa adkeeyay maahan ilbaxnimo korortay ee waa in qiimaha dagaalku aad u qaaliyoobay. Dagaal kooban oo xataa la qaado wuxuu u baahan balaayiin lacag ah. Sidoo kale wuxuu u baahan taageero siyaasadeed mid shacab iyo caalami ah. Intaba Kiinya maanta ma hayso oo dhaqaale xooggan oo kumannaan ciidan ah oo dagmooyinka xudduudka qabsado ay ku bixiso ma heli karto. Labo, dalka oo ilaa xad ah mid dimoquraaddi ah awgeed, xisbiyada mucaaradka iyo siyaasiyiin madaxbannaan iyo waliba qaar xisbiga talada hayo ka tirsan ayaa aad uga hor imaan duullaan qaawan oo waqtigaan la qaado. Saddex, shacabka ree Kiinya guud ahaan wuxuu bartay tabarta ciidamadooda iyo inaysan cudud ciidan wax ku keeni Karin. Dagaalka toban jirsaday ee ay ku qabsadeen Jubbaland dhib ma ogiye dheef uma keenin wax guul ah ay gaareenna ma jiraan. Sidaas darteed waxaa hubaal in si buuxdo shacabku u diidi doono. Gaar ahaan shacabka daggan dhulka ugu muhiimsan ee taageerada laga rabo waxay si aan kala har lahayn ula jiraan Soomaaliya waxayna si buuxdo uga soo horjeedaan inay noqdaan meel loo maro buyburinta Soomaaliya. Taageerada iyo diidmada ay muujiyeen shacabka iyo madaxda ee Waqooyi-bari waa mid taariikhda gashay farriin cadna u dirtay madaxda Kiinya iyo dhowrka hanka gurran uu ku jiro ee Soomaalida ku abtirsada ee qaybta ka ah dagaalka. Intaas waxaa dheer in dhulka muhiimka u ah soo maridda ciidamada lugta ay awood xooggan ku yeelatay kooxda Shabaab taas oo ka dhigan jid-gal badan iyo dagaal gaadmo ah oo joogta ah inay kala kulmi doonaan gudaha dhulka ka gaddisan xudduud-beenaadka. Awoodda lacageed, taageero la’aanta shacabka iyo siyaasiyiinta iyo diidamada Soomaalida gobalka waxay aad ciriiri uga dhigaysaa suuragalnimada duullaan toos ah oo ciidamada Kiinya kusoo qaadaan dagmooyinka xudduudka ee Waqooyiga Gedo. Hasa yeeshee waxaa suuragal ah in doobbinta looga gol-leeyahay marmarsiyo u helidda duqaynta shacabka Baladxaawo iyo bannaysashada xoolahooda iyo dhiiggooda. Tani waxay ku suurigali kartaa in mar kale la hub iyo saanad la siiyo ciidamada Cabdi Janan laguna yiraahdo weerar qaada. Weerarkaas oo ay qayb ka noqdaan ciidamada Kiinya oo duqayn cir iyo dhulba ah ku sinto magaalada sidaasna magaalada ay ku galaan kuna qabsadaan ciidamada ay taagerayso. Middaan waxay ahayd qaabki marki hore aan filaynay. Dhab ahaanti waxay ahayd arrin horay suuqa ugu jirtay oo maalinti uu dagaalku dhacay waxaan filaynay in ay raaci doonyo duqayn ciidamo Kiinyaan oo waqti kooban soo gudbo oo magaalada u qabto Cabdi janan. Eebbe fadligiis taas ma dhicin. Sababta aan is leeyahay way u dhici waydayna waxaa weeye in waqti aad u yar gudahiis ciidamadi soo duullay gadaal ugu carareen taaso oo kuwa Kiinya ku qasabtay inay halkooda difaac ka galaan. Sabab labaad ayaa ah, malahayga, in diyaar-garow ku filan iyo wada shaqayn ilaa heerka dowladda dhexe aysan ka jirin dagaal subaxaas la qaaday. Haatan in tijaabo noocaas ah mar kale lagu dhiirrado ma caaggano. Laakiin waxaa iswaydiin mudan faa’iidada ay Kiinya ka heli karto. Marka hore haddii ay magaalada qabato ma sii joogi karto oo waqti yar dib ayay Mandera ugu guran. Midda labaad ciidamada taabacsan ee maxlalka u ah tiro ahaan iyo tayo ahaan toona kuma filna in ay kaligood haystaan magaalada haddii ciidamada Kiinya ka baxaan. Haddii aad is leedahay maxaa diiday in ay ciidamo Kiinyaan ah si rigli ah u dagaan Baladxaawo. Jawaabtu waa ay halis aad u daran u gali doonaan weerraro joogta ah oo kaka yimaado xarakada Shabaab. Ciidamada Itoobiya oo ka xoog badan kana kibir badan ayaa laga quusiyay in saldhig ka samaystaan Baladxaawo. Haddaba magaalo aysan sii haysan karin maxay dhiig ugu daadin maal bandanna ugu qasaarin? Warki oo kooban Kiinya oo soo duusho waa mid durugsan. Fashilki hore iyo diidmada dadka deegaanka ayaa ugu muhiimsan waxyaabaha ka baajin kara duullaan qaawan. Laakiin waxaa aad loo fishaa weerraro xagga hawada ah oo ay ku burburiyaan hantida Soomaalida kuna laayaan dad shacab ah. Maqsadka ugu weyn ee ay tan ka yeelan karaan waa inay dowladda Soomaaliya ku bahdilaan, yacni dalkiinna sida aan doonno ayaan u duqayn karnaa tabar aad isaga kaaya difaacdaanna ma haysaan. W/Q: Ibrahim Aden Shire Ishire86@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  10. Munaasab lagu weyneynayey maalinta haweenka caalamka ee 8-da Maarso oo sanad weliba laga xuso adduunka ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdsho, xaflada ayaa waxaa soo abaabulay Midowga Yurub. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/03/8-marso.mp4.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Mandhera (Caasimada Online) – Barasaabka Mandhera Ali Roba ayaa shaaca ka qaaday in Jubaland ay ciidamo kusoo daabuleyso magaalada, xilli ay jiraan warar sheegaya inay weerar ku yihiin degmada Beled Xaawo, oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya. “Xaaladda Mandhera waa ay sii xumaaneysa maalinba maalinta ka dambeysa, ayada oo ciidamo shisheeye ah oo ka socda Jubaland ay soo buuxinayaan, taasi oo ay dheer tahay ciidamada ay dowladda Soomaaliya kusoo daabuleyso Beled Xaawo,” ayuu yiri Ali Roba oo qoraal soo dhigay twitter-ka. Ali Roba ayaa sidoo kale soo bandhigay muuqaal muujinaya ciidamo saaraan baabuurta dagaalka oo dhex socda wadada Bulla Jamhuria Road ee bartamamaha magaalada, meel u dhow Xarunta Haduma. “Tani waxay halis ku tahay shacabka Kenya ee Mandhera. Dowladdeena waa inay si deg deg ah ugu dhaqaaqdaa inay wax ka qabato xaaladdan, ama nolol badan ayaa lagu weyn doonaa,” ayuu yiri. Hadalkiisa ayaa imanaya ayada oo madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubaland, Maxamuud Sayid uu sheegay in uu ku sugan yahay xadka u dhaxeeya labada waddan, gaar ahaan magaalooyinka xuduudda Mandhera iyo Beled Xaawo. “Waxaan ku sugannahay xaduuda u dhaxeyso Mandheera iyo Beled Xaawo oo ah dhulka la yiraahdo No man’s land, waxaan kusoo boqday ciidanka dowlad goboleedka Jubaland o aaggaas joogaa”, ayuu yiri Maxamuud Sayid. Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta oo taleefonka ku wada-hadlay ayaa isku raacay in la qaboojiyo xiisadda ka taagan xuduudda. Hoos ka daawo muuqaalka
  12. Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan , Cali Maxamed Carraale ayaa Dhagax dhigay Isbitaal looga tala galay hooyada iyo dhallaanka oo dhowaan laga hirgelin doono degmada Buulobarde ee Gobolka Hiiraan. Mashruuca lagu dhisayo Isbitaalkan ayaa waxaa fulinaya hay’adda Maama Seynab Foundation, iyadoo xagga dhaqaalaha ay ka caawin doonto Dowladda aynu Walaalaha nahay ee Qadar. “Isbitaallada laga hirgelinayo dalka Soomaaliya ayaa wax weyn ka tari doona sare u qaadidda caafimaadka Hooyada iyo dhallaanka Soomaaliyeed” ayuu yiri guddoomiye Caraale. Dhismaha Isbtaalka Hooyada iyo Dhallaanka ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo dalka ay aad ugu yar yihiin isbitallada nuucaani ah, taas oo sababta in Hooyo iyo ubad badan oo Soomaaliyeed sanad weliba laga diiwaan geliyo in ay dhintaan daryeel xumo caafimaad. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. (SLT-Laascaanood)-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) ayaa laba maalmood ka dib dhambaal tacsi ah u diray Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Sool. Qoraal lagu baahiyay barta wakaaladda wararka Somaliland ee Solna ayaa lagu yidhi sida tan: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta ahna Afhayeenka Xukuumadda JSL Md. Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) oo ku hadlaya magaca dawladda waxa uu dhambaal tacsi ah u diray qoyskii, qaraabadii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum- Xasan Sh.Maxamuud Cumar oo ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Sool, oo dhawaan gacan ka xaq-darrani dishay. Wasiirku wuxuu Marxuumka ku tilmaamay masuul ummaddiisa u adeegayey oo gacan ka xaq-darrani dishay, waxaanu EEBE uga baryey inuu naxariistii jano ka waraabiyo, qoyskii, ehelkii, qaraabadii iyo qaranka Somaliland-na Samir iyo iimaan saaqiq ah ka siiyo. Madaxtooyadda Somaliland ayaa wali wax tacsi ah u dirin Marxuum- Xasan Sh. Maxamuud Cumar oo ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Sool, oo dhawaan gacan ka xaq-darrani dishay. Xoghayeha Guud Ee Ururka Qareenada Garyaqaan Jamaal Xuseen Mandeela ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook waxa uu si kulul uga hadlay aamusnaanta xukuumadda ee dilkii Gudoomiyihii Maxkamadda Sool waxaanu yidhi “Alle ha u naxariisto Gudoomiyihii Maxkamadda Sool. Waxaanu se aad uga xunay ilaa hadda in aan xukuumadda,madaxda garsoorka iyo laamaha amaanka midna ka hadal sababta dilkiisi. Sidoo kale xukuumadu ilaa heer madaxweyne aan xataa ilaa hadda la maqal wax tacsi loo diray ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay. Runtii ka garyaqaano ahaan aamuskaa waxa aanu u aragnaa in uu yahay arin aad u fool xun. Waxa aanu xukuumada iyo laamaha amniga ugu baaqaynaa in arintaas oo bulshadu si wayn wax iskaga waydiinaysay ay si faahfaahsan uga hadlaan. Sidoo kale guud ahaan bahda Garsoorka waxa aanu ugu baaqaynaa in ay gacmaha is qabsadaan oo si wada jir ah looga shaqeeyo sidii kor loogu soo qaadi lahaa meeqaamka uu garsoorku ku dhex leeyahay Dawlada. Anigoo qormooyin kale kaga hadli doona dayaca garsoorka haysta waxa aanu xukuumadda iyo madaxda garsoorkaba ugu baaqayaa in ay arintaa si deg deg ah oo faahfaahsan warkeeda bulshada ula wadaagaan. Sidoo kale si gaara waxa aanu madaxweynaha ugu baaqaynaa in uu arinta garsoorka hoos u eego. Haday tahay duruufta ay garsooreyaasha iyo xeer ilaaliyeyaashu ku nool yihiin; iyo haday tahay dhinaca amaankoodaba. Xoghayeha Guud Ee Ururka Qareenada. Garyaqaan Jamaal Hussein Mandeela Source
  14. (SLT-Berbera)-Maayarka degmada Berbera Cabdikashuur Maxamuud Xasan Ciddin ayaa sheegay in dawladda hoose ee degmadaasi ay dhistay saddex boqol oo guri, kuwaas oo loogu talo galay in la siiyo dadkii magaalada gudeheeda ku barakacay iyo qoysaskii ay saamaynta ku yeesheen abaaruhu ee dul daarka ku ahaa ama la noolaa eheladooda degan magaalada Berbera. Maayar Ciddin waxa kale oo uu sheegay in dadweynaha ku nool xaafadda magaalo cad ay si nasiib ah ugu tartami doonaan shan iyo taban guri, kuwaas oo dadka nasiibkaas ka qayb-qaadanaayay ay dhamaayeen boqol iyo shan labaatan qoys, maayarka magaalada Berberi waxa kale oo uu sheegay in qaabkan ay ku kala saarayaan qoysaskaasi uu yahay mid cadaalada ah, oo qoyskastaaba heli doono waxa nasiibkiisu siiyo. Ugu dambayn qaar ka mida dadkii ku guulaystay nasiibka guryahaas iyo qoysaskii aanay u suuro galin ayaa dawlada hoose ee degmada Berbera ku bogaadiyay dadaalada ay wadaan ee ku saabsan wax la qabashada dadka danyarta ah, iyagoo xusay in tartankaasu u qabsoomay si cadaalad ah. DHAMMAAD. Source
  15. (SLT-Dubai)-Dhaxal-sugaha dalka Imaaraadka Carabta Mohammed Bin Zayed ayaa lagu soo warramayaa inuu ku dhacay cudurka Coronavirus, sida uu qoray wargeyska Daily Sabah ee Turkiga, oo soo xiganaya warbaahinta Israa’iil. Sida uu qoray Daily Sabah, warbaahinta N12 ee Israa’iil ayaa soo tweet gadheysay in Bin Zayed uu cudurka ka qaaday qof u dhashay dalka Philippine oo adeege ka ah madaxtooyadda Imaaraadka Carabta. Lama yaqaan sida qofka shaqaalaha uu cudurka ku gaadhsiiyey Mohammed Bin Zayed, hase yeeshee maadama cudurka lagu kala qaadi karo xitaa haddii uu qofku taabto meel uu hore u taabtay qof qaba, waxaa suurta-gal ah in sidaas ku gaadhay Bin Zayed, haddiiba ay jirto. Mohamed Bin Zayed ayaa la sheegay in la dhigay cisbitalka Cleveland ee Abu Dhabi, halkaasi oo uu ku jiray maalmo, ka hor inta aan laga saarin oo lagu celin madaxtooyada. Imaaraadka Carabta kama hadlin warka Bin Zayed la xidhiidhinaya cudurka, wayna adag tahay in la xaqiijiyo. Ilaa 2530 oo kiis oo cudurka Coronavirus ah ayaa lagu arkay dalalka Bariga Dhexe ee ka baxsan Iran, waxaana badankood lagu soo warramayaa inuu kaga soo faafay dhanka dalka Iran, oo ah dalka ugu darran ee cudurka uu ka jiro marka laga yimaado China. Iran ayaa waxa uu cudurka ku haleeyey ku dhowaad 6 kun, halka ay u dhinteen in ka badan 100. Halkan hoose ka akhriso warka uu qoray wargeyska Daily Sabah ee Turkiga https://www.dailysabah.com/world/mid-east/uae-leader-zayed-infected-by-coronavirus-israeli-media-claims Source
  16. GREEN BAY - Bellin Health Systems and Green Bay's Somali community are working together to remove barriers to health care after data collected by Bellin indicated Somali patients were less likely to be up to date on cancer screenings and diabetes testing than English-speaking patients. Source: Hiiraan Online
  17. (SLT-Hargeysa)-Ganacsade Reer Somaliland Ah Oo Ka Hadlay Sababta Dib Loogu Soo Celiyay Xoolo Ay U Direen Imaaraadka Carabra, Halkan hoose ka DAAWO Source
  18. Muqdisho (SMN) – Marwada Koowaad ee dalka Marwo Saynab Cabdi Macallin oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa si wada jir ah uga dhagax dhigay magaalada Baraawe xarun loogu talagalay daryeelka caafimaad ee hooyada iyo dhallaanka. Marwo Saynab ayaa ka warbixisay muhiimadda qorshaha hirgelinta Xarummaha caafimaad oo muddooyinkii ugu dambeeyey ay xoogga saartay, si xal waara loogu helo baahiyaha iyo dhibaatooyinka caafimaad ee haysta hooyooyinka Soomaaliyeed iyo ubadkooda. “Xaruntan caafimaad waxa aan ugu talagalnay wax ka qabashada dhibaatooyinka soo wajaha hooyada iyo dhallaanka Soomaaliyeed ee ku nool deegaannada Shabeellaha Hoose, gaar ahaan Baraawe iyo inta ku xeeran. Waxa nasiib wanaag ah, in reer Baraawe aad noqoteen magaaladii koowaad ee nasiib u heshay in laga hirgeliyo mashruucan.” Marwada koowaad ee dalka oo sheegtay in dhismaha iyo qalabeynta xarunta lagu hirgelin doono sanadkan gudihiisa ayaa ku bogaadisay maamulka degmada Baraawe iyo bulshada ku dhaqan sida ay ugu mideysan yihiin horumarka iyo amniga. “Waxaan ugu baaqayaa hooyooyinka iyo bulsho-weynta Gobolkan Shabeellaha Hoose in ay u tashadaan sidii dib loogu soo noolayn lahaa adeegyada aasaasiga ah.” Dhankiisa, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa uga mahadceliyey Marwada Koowaad ee dalka hirgelinta Xarunta Caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka ee Baraawe, isagoo tilmaamay in dhismaha xaruntan ay kaabeyso kobaca nololeed ee bulshada Gobolka. Marwada Koowaad ee dalka waxaa socdaalkan ku wehelinayey wafdi heer Federaal ah oo ay ka mid yihiin Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Mudane Xamse Siciid Xamse, Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul insaanka Marwo Deeqa Yaasiin Xaaji, Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Danjire Cali Siciid Fiqi, Agaasime Kuxigeenka Madaxtooyada Mudane Cabdullaahi Shiikh Cabdikariin, Agaasimaha Hay’adda Saynab Moallim Foundation Mudane Caydaruus Maxamuud Cismaan, Guddoomiyeyaal iyo saraakiil ka tirsan dowladda. View the full article
  19. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Habeen-05032020.mp3 View the full article
  20. Madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama ayaa ugu baaqay dadka inay raacaan tilmaamaha Gacmo-maydhida ama faraxalka, balse aanay xidhan marada afka iyo sanka lagu xidho ee Maskaraha loo yaqaano si looga hortago caabuqa coronavirus. Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Barak Obama ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu soo dhigay Twitter-kiisa, waxaanu intaasi raajiyey dadku waa inay raacaan timaamaha xarumaha ka hortaga iyo yaraynta cuduradu ay bixinayaan ee ay ka midka yihiin guriga joog hadii aad dareento inaad xanuunsanayso. Mr Obama ayaan tan iyo markii uu ka dagay xafiiska Madaxweynenimada dalka Maraykanka 2017-kii aan lagu arag inuu dadka la hadlo, waxaanu sheegay in Marada AFka iyo sanka lagu xidho loo daayo oo kaliya shaqaalaha Caafimaadka. Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa sheegay in Marada Afka lagu xidho ee maaskaraha, iyo qalab kale oo ilaalin ah ay adeegsadaan shaqaalaha caafimaadku maadaama oo ay yartihiin, isla markaana ay korodhay dalabkeedu. Tirada dadka ugu geeriyooday Maraykanka Viruska Corona ayaa gaadhay 11 Arbacadii, iyadoo xiligan sharci dajiyayaasha aqalka Koongareeska Maraykanku ay gaadheen heshiis ah in la bixiyo lacag ka badan $8 bilyan oo dollar si loogula dagaalamo cudurkan. Guud ahaan dalka Maraykanka ayaa cudurkan waxa laga helay dad gaadhaya 130 qof, waxaana Viruska lagu arkay in ka badan dhowr iyo toban gobol. Source
  21. Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dhaxal-sugaha dalka Imaaraadka Carabta Mohammed Bin Zayed ayaa lagu warramayaa inuu ku dhacay cudurka Coronavirus, sida uu qoray wargeyska Daily Sabah ee Turkiga, oo soo xiganaya warbaahinta Israel. Sida uu qoray Daily Sabah, warbaahinta N12 ee Israel ayaa soo tweet gareysay in Bin Zayed uu cudurka ka qaaday qof u dhashay dalka Philippine oo adeege ka ah madaxtooyada Imaaraadka Carabta. Lama yaqaan sida qofka shaqaalaha uu cudurka ku gaarsiiyey Mohammed Bin Zayed, hase yeeshee maadama cudurka lagu kala qaadi karo xitaa haddii uu qofku taabto meel uu horey u taabtay qof qaba, waxaa suurta-gal ah in sidaas ku gaaray Bin Zayed, haddiiba ay jirto. Mohamed Bin Zayed ayaa la sheegay in la dhigay isbitalka Cleveland ee Abu Dhabi, halkaasi oo uu ku jiray maalmo, ka hor inta aan laga saarin oo lagu celin madaxtooyada. Imaaraadka Carabta kama aysan hadlin warka Bin Zayed la xiriirinaya cudurka, wayna adag tahay in la xaqiijiyo. Ilaa 2530 oo kiis oo cudurka Coronavirus ah ayaa lagu arkay dalalka Bariga Dhexe ee ka baxsan Iran, waxaana badankood lagu warramayaa inuu kaga soo faafay dhanka dalka Iran, oo ah dalka ugu darran ee cudurka uu ka jiro marka laga yimaado China. Iran ayaa waxa uu cudurka ku haleeyey ku dhowaad 6 kun, halka ay u dhinteen in ka badan 100. Inkasta oo dad badna cudurkan ay u dhinteen haddana waxaa jira dad badan oo ka kacay, gaar ahaan kuwa virus-ka ku dhacay uusan darneyn.
  22. Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ahna guddoomiyaha xisbiga UDP, ayaa ka hadlay ujeeddada ka dambeysa in Madasha Xisbiyada Qaran ay ku midoobayaan hal xisbi siyaasadeed. “Madashu iyadoo ka ambaqaadaysa marxaladda uu dalku marayo iyo muhiimadda ay leedahay midnimadu, xisbiyada ay ka koobantahay madashu waxay isku raaceen in ay ku midoobaan hal xisbi siyaasadeed,” ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saareen Madasha. Xasan Sheekh oo arrintaas ka hadlaya ayaa qoraal uu soo dhigay twitter ku yiri “Mideynta xooggaga horusocodka ah ee siyaasadda Soomaaliya waxay lagama maarmaan u tahay xasiloonida iyo barwaaqada Soomaaliya.” “Go’aanka Madasha Xisbiyada Qaran ay ku midoobayaan hal xisbi siyaasadeed waxay taaraiikh cusub u tahay Soomaaliya, waxayna anfaceysa jiilka hadda jira iyo kan mustaqbalka.” Xasan Sheekh ayaa dhinaca kale u digay dhinacyada shisheeye ee xiiseeya siyaasadda Soomaaliya. “Kuwa juqraafi siyaasadeed ahaan xiiseeya Soomaaliya, waa inaysan dhaawicin quluubta shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana aysan beerin wax mustaqbalka hurin kara dagaal aysan cidna dan ugu jirin. Waa inay damqin dhaawacyada boogihii hore,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Go’aankan ay Madasha Xisbiyada ku noqonayaan hal xisbi ayaa yimid kadib markii shir socday shan maalmood ay ku yeesheen magaalada Ankara ee dalka Turkiga.