-
Content Count
214,390 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa maanta ku wajahan degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Safarka Madaxweyne Farmaajo ee Baraawe ayaa waxaa ku wehlinaya mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Federaalka, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay gaaraan halkaas. Ujeedka madaxweyne Farmaajo u tagayo Magaalada Baraawe ayaa waxaa lagu sheegay in uu xariga kaga jari doono garoonka diyaaradaha Baraawe oo dhawaan lagu sameeyay dib u dayactir. Sidoo kale Madaxweynaha inta uu ku sugan yahay halkaas waxaa uu dhagax dhigi doonaa Mashaariic horumarineed oo laga hir gelin doono Baraawe, waxaana kamid ah Iskuulo waxbarasho iyo Goobo kale oo muhiim u ah Bulshada. Amaanka Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa Maanta si weyn loo adkeeyay, waxaana waddooyinka Magaalada la dhigay Ciidamo gaar ah, kuwaasi oo wada baaritaano kala duwan. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo diyaarad u raacaya degmada Baraawe appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay rumeysan tahay in Soomaaliya aysan dhab ka ahayn inay dooneyso in loo soo gacan geliyo wasiirka Jubaland Cabdirashiid Janan, oo kasoo baxsaday Muqdisho, kuna sugan magaalada Mandhera. Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya ayaa wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Nairobi u sheegay in Soomaaliya aysan weli Kenya usoo gudbin codsi rasmi ah oo ku aadan soo dhiibista Janan, inkasta oo labada dal uu ka dhaxeeyo heshiis wada-shaqeyn oo dhanka cadaaladda ah. Dowladda Soomaaliya ayaa war-saxaafadeedyo ay horey usoo saartay, oo loo qeybiyey warbaahinta kaga codsatay Kenya inay soo dhiibto Cabdirashiid Janan. Hase yeeshee Kenya ayaa rumeysan in taas laga leeyahay qorshe kale. “In arrintan si shaacsan loo dalbo, waxaa laga lahaa qorshe siyaasadeed qarsan. Arrimaha noocan ah waxaa loo xaliyaa si doblomaasiyadeed oo qarsan,” ayuu yiri diblomaasi ka tirsan dowladda Kenya oo la hadlay Daily Nation. “Ma ogolaan doono sababtoo ah waxay noo ekeysiineysaa inaan dad xun nahay. Xaqiiqda ayaa ah in ficillada Buulo Xaawo ay dowladda federaalka dhaawaceen, mana jirto cid jecel,” ayuu yiri diblomaasiga oo ula jeeda dalalka Reer Galbeedka ee taageera dowladda Soomaaliya. Caasimada Online oo la xiriirtay wasaaradda arriamha dibedda Soomaaliya, si ay wax ug weydiiso inuu jiro codsi rasmi ah, waa ay ka gaabsatay. Si kastaba, ma cadda in Kenya ay soo dhiibi lahayd Janan xitaa codsi rasmi ah loo gudbin lahaa, ayada oo la og yahay sida ay isugu dhow yihiin maamulka Jubaland ee Axmed Madoobe, oo Kenya ay tahay dowladda taageerada ugu weyn uu ka haysto. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Axaddii aqbalay marti qaad rasmi ah oo uu fidiyey madaxweynaha dalka Kenya Mudane Uhuru Kenyatta, kaas oo ay soo gaarsiyeen wafdi ka socday dowladda Kenya oo uu hoggaaminayey Fred Matiang’i, oo ah wasiirka arrimaha gudaha Kenya.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa todobaadkii la soo dhaafay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ka qabtay wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha ee Jubaland Maxamed Xasan Maxamed. Wasiirka oo damacsanaa inuu u baxo dalka dibadiisa ayaa laga reebay diyaaradii uu la socday, waxaana kadib laga qaatay baasaboorka Diblomaasiga iyadoo intaas kadib diyaarad kale loo saaray Kismaayo. Wasiirka oo aan la hadalnay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in arintaan ay kula kaceen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka islamarkaana ay u sheegeen in ay tahay amar la siiyay. Wasiirka ayaa “dhibaatooyin loo geestay ka hor inta aan lagu celin Kismaayo” sida ay sheegeen wasiiro kale oo ka tirsan Jubaland. Dowladda Soomaaliya ayaa hore Baasaboorka Diblomaasiga ka reebatay wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Jubbaland waxayna arrintaasi qeyb ka tahay cadaadiska saaran Jubaland. Wasiirka Maaliyadda Jubaland Cabdirashiid Jire Khalinle ayaa maalmo ka hor shaaciyay inuu joojiyay wadashaqeyntii wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, islamarkaana uusan ka qeyb galeyn shirka deyn-cafinta dowladda iyo dowlad goboleedyada. Wasiirka ayaa sheegay in sababta in aysan shirkaasi uga qeyb gali doonin ay tahay kadib markii arkeen in dowladda federaalka ah ay cunaqabateyn ku hayso shacabka maamulkaasi, islamarkaana garoonka diyaaradaha Muqdisho lagu dhibaateynayo mas’uuliyiintooda, sida uu hadalka u dhigay.
-
Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa kulan uu shir gudoomiyay oo ay yeesheen Wasiirada Maamulkaas waxa uu kala hadlay fulinta howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab. Waxaa warbixino laga dhegaystay Wasiirada, iyada la weydiiyay heerka Amni ee degaanada Hir-Shabeelle, waxaana xog-wareysi kadib shirka lagu go’aamiyay qaadista howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab. Wasiirada Hir-Shabeelle ayaa soo jeediyay in sare loo qaado howlgalada ciidamada dowladda iyo kuwa MIdowga Afrika ay ka wadaan degaanada Maamulkaas, iyo sidii mas’uuliyad la isaga saari lahaa isu gudubka degmooyinka. Kulanka Golaha Wasiirada ayaa daba-socday walwalka laga qabo isu gudubka Degmooyinka ugu muhiimsan Hir-Shabeelle oo intooda badan istaagay, kadib markii ay kordheen weerarada jid-galka ah ee Al-Shabaab. PUNTLAND POST The post Hirshabeelle oo ku dhawaaqay hawlgal culus oo ka dhana Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Wararka naga soo gaaraya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in degmada Buraan ee gobolkaasi, maalintii Sabtida lagu arkay Arday dhigata dugsiga sarre ee magaaladaasi oo xaalad deg-deg ah ay soo wajahday. Ardaydaasi oo tiradooda lagu sheegay 4-qof oo dumar ah ayaa xili ay subaxnimadii hore galeen dugsiga ay dhiganayeen ayaa waxa la arkayey markii ay ka soo baxeen iyagoo si daran u qufacaya, midaasi oo sababtay in qaarkood Koomo galaan. Afartan Arday oo dhamaantood dumar ah ayaa xaaladan deg-deg ah soo wajahday kadib markii ay isku arkeen qufac daran, midkaasi oo sababay koomadooda, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen maamulka iskuulku. Waxaana markiiba Ardeydaasi loola cararay oo la dhigay Isbitaalka degmada Buraan ee gobolka Sanaag, halkaasi oo xaaladooda lagu dabiibayey. Sida ay Caasimada Online ogaatay waxa aad xaaladoodu u liidata labo kamid ah Afartaasi Arday, halka labada kale ay xaaladooda caafimaad ay maanta soo reysaneyso. Ilaa iyo haddana si rasmi ah looma oga waxa helay Afartan gabdhood, maadama uu maamulka Isbitaalku ka gaabsaday in uu wax faah-faahin ah ka bixiyo. Xaalada caafimaad daro ee soo wajahday Afartan gabdhood ayaa dhalisay shaki badan, xili uu si weyn u faafayo fayruska faraha ba’an ku haya dunida ee Corona, kaasi oo ku bilowda Qufac iyo Qandho daran.
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Waxaa Sabtidii Golaha wakiilada Somaliland ay dib u eegis ku sameeyeen xeerka is-gaarsiinta Somaliland, kaasi oo u muuqday mid wadada loogu furayey xarigii Internet-ka ee dowladda Jabuuti ay rabtay in ay soo mariso Berbera. Golaha ayaa gabi ahaanba laalay kootadii ugu xidhneyd shirkada Somcable keenista xariga Internet-ka ee loo yaqaano Fiber Optic. Xukuumada Somaliland ayaa hore heshiis ula gashay shirkada Somcable, taasi oo keentay in kooto loogu xiro in shirkadaasi keligeed ay Somaliland keento xarigaasi muddo dhan 25-sanno. Heshiiskan uu buriyey Goluhu ayaa waxa uu wadada u sii xaaraya xarigii ay dowladda Jabuuti ugu magac dartay DARRE, kaasi oo ay xukuumada Biixi ay hore si adag uga soo hor timid. Sida ay Caasimada Online ogaatay waxa dib u eegista lagu sameeyay xeerka Is-gaarsiinta uu saamaxaya in shirkad kasta ay gudaha Somaliland keeni karto xariga loo yaqaano Fiber Optic, kaasi oo hore ugu xirnaa hal shirkad. Waxaana fursadaasi si weyn uga faa’iideysan doona dowlada Jabuuti oo iyadu waday xarig Internet oo imanaya Berbera, isla markaana ay saamiley ka ahaayeen muwaadiniin reer Somaliland ah. Waxa sidoo kale iyaguna fursadaasi laga yaaba inay ka faa’iideystan Shirkadaha is-gaarsiinta Somaliland, oo iyaguna hore u arkayey in xukuumada Somaliland ay weecisay ganacsigii xorta ahaa. Somaliland ayaa hore u sheegtay in sababta u weyn ee xariga Jabuuti isku hor-taagtay ay tahay in heshiis sanado badan ah ay la galeen shirkad, isla markaana ay shirkad kale ama dowlad kaleba ay gudaha Somaliland keeni karin xarigaasi ilaa uu waqtiga heshiiskaasi uu dhamaanayo. Heshiiska la buriyay ee kootada Fiber Optic ayaa sidoo kale muujinaya waji cusub oo xukuumada Muuse Biixi ah, kaasi oo ku aadan qaab cusub oo heshiisyada sanadaha badan uga bixi karto. Waxaana la filayaa in xiisad hor leh ay ka dhex qaraxdo Mulkiilaha shirkada Somcable iyo Muuse Biixi, maadama oo la aaminsan yahay in uu ahaa shaqsigii lacagta badan ku bixiyey doorashada Biixi.
-
The Pentagon has been issuing near daily announcements of new strikes against Al-Shabaab militants in Somalia, seemingly without affecting the Al-Qaeda affiliate's ability to destabilize the country, in what is looking like a new "endless war" for the United States. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiin iyo ganacsato ku beel ah ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa olole taageero loogu raadinayo ka billaabay magaalada Nairobi, sida ay ogaatay Caasimada Online. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in xubnaha ololahan wada ay ku jiraan xildhibaano iyo qaar ka mid ah ganacsatada ugu caansan Muqdisho. Xubnahan ayaa la kulmaya ganacsatada Soomaalida ee Nairobi, oo ay ku jiraan kuwa kasoo jeeda deegaanada Soomaalida ee Waqooyi Bari Kenya. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre weli si rasmi ah uma shaacin inuu yahay musharax, hase yeeshee waxaa aad loo rumeysan yahay inuu sidaas damacsan yahay, waxaana dadaallada socda ay horudhac u yihiin qorshaha uu ku xaqiijinayo taageero xooggan ka hor inta aanu ku dhowaaqin musharaxnimadiisa. Dadaallada ay wadaan xubnaha ku beesha ra’iisul wasaare Kheyre ayaa la rumeysan yahay inaysan ku dooneyn kaliya dhaqaale – Waa ay heli karaan dhaqaale ku filan – balse ay raadinayaan taageero siyaasadeed. Mas’uuliyiinta u ololeynaya Kheyre ayaa rumeysan inay jirto fursad aad u weyn, oo uu ku guuleysan karo haddii uu is-sharxo, marka la eego waxqabadkiisa iyo inaysan jirin xiisad kala dhaxeysa beelaha Soomaalida intooda badan. Madaxweyne Farmaajo, oo isna sheegay inuu is-sharxayo, ayey xubnaha Kheyre ku dhow rumeysan yihiin in loo arko inuu mas’uul ka yahay am ay isaga ku wada dhaceyso eedda iyo qaladaadka ay dowladda ka tirsanayaan maamul goboleedyo iyo beelo badan. Waxaa sidoo kale ay rumeysan yihiin in xildhibaano badan ay doorbidi doonaan madaxweyne cusub, intii dib loo soo celin lahaa qaar ka mid ah kuwii ka horeeyey Farmaajo, sida Sheekh Shariif iyo Xasan Kheyre, taasi oo keentay inay beeshooda xitaa la hadlaan. Xildhibaanada iyo ganacsatada ku dhow Kheyre ayaa ganacsatada iyo odayaasha ku beesha ah madaxweynayaashii hore kala hadlay inay taageeraan Kheyre, haddii ay dhacdo in madaxdii hore fursadooda ay yaraato. Wararka ayaa sheegaya in Kheyre uu bilihii dhowaa aad ugu dhowaa beesha madaxweynayaashii hore, islamarkaana aysan jirin wax tabasho ah oo kala dhex-yaalla. Xukuumadda Soomaaliya ayaa muddo laga sugayey inay ku dhowaaqdo xisbiga ay uga qeyb-galeyso doorashooyinka dalka ka dhacaya, basel weli waa ay ku guuleysan la’dahay. Mid ka mid ah sababaha ugu weyn ayaa lagu sheegay in Kheyre uu diidan yahay inuu qeyb ka noqdo, inkasta oo madaxweyne Farmaajo uu sheegay inuu ka mid noqonayo.
-
Waxaa caawa la magacaabay Guddiga caleema saarka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka cusub ee maamulka Galmudug. Qoraal kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa lagu magacaabay Guddigan oo ka kooban 12 xubnood, oo Guddoomiye u yahay wasiirkii hore ee arrimaha dibada Soomaaliya ahna ruugcadaa saxaafadeed Yuusuf Garaad Cumar. Guddigan ayaa laga sugayaa shaacinta waqtiga la qabanayo xaflada caleema saarka Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo ku xigeenkiisa Cali Daahir Ciid. Hoos ka akhriso magacyada Guddiga PUNTLAND POST The post Qoorqoor oo magacaabay Guddi uu Guddoomiye u yahay Yuusuf Garaad appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Bar____Qubanaha-08032020.mp3 View the full article
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa caawa magacaabay guddiga qaban-qaabada xafladda caleema saarka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka cudub ee Galmudug. Guddiga loo magacaabay in ay kasoo shaQeeyaan howshaas ayaa ka kooban 12 xubnood, iyadoo guddoomiye looga dhigay wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar Axmed. Warqadda kasoo baxday xaafiiska Madaxweyne Qoor-Qoor laguma shaacin waqtiga ay dhaceyso xafladda caleema saarka, isaga iyo ku xigeenkiisa Cali Daahir Ciid. Guddigan la magacaabay ayaa waajibaadkiisa lagu soo koobay laba qodob oo kala ah: 1 – In ay soo asteeyaan waqtiga rasmiga ah ee la qabanayo xafladda caleema saarka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka. 2 – In ay dejiyaan qorshaha guud ee caleema saarka iyaga oo kaashanaya Madaxtooyada Galmudug. Halkan ka aqriso warqadda
-
Dhuusamareeb (SMN) – Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor] ayaa magacaabay Guddiga qaban-qaabadda caleema saarka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedkaas. Hoos ka akhriso wareegtada View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Saaxiibada caalamka ee Soomaaliya ayaa war kasoo saarey xaalada gobolka Gedo, ciidamadda ay dowladdu ku daabushay halkaas iyo dagaalkii 2-dii bishaan Maaj ka dhacay magaalada Beledxaawo. Ugu horeyntii, waxay sheegeen in ay aad uga walaacsan yihiin dhaqdhaqaaqyadda oo ay sheegeen in ay abuureyso xasilooni daro. Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya ayay ku booriyeen in ay ka fogaadaan talaabo kasta oo hurineysa colaad kuna bedelaan iskaashi. Wadahadalkii ay telefoonka ku yeesheen Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhigiisa Uhuru Kenyatta ayay soo dhaweeyeen. Urur goboleedka IGAD oo ay muujiyeen in uu ka shaqeeyay arrintaas ayay ku tartarsiiyeen in uu sii wado wadaxajoodyada inta xal laga helayo. Beesha caalamka ayaa hoosta ka xariiqay in ay muhiim tahay in sharciga la marsiiyo qof kasta oo lagu eedeeyo dambiyo ama xadgudubyo. Ugu dambeyntii, dowladda iyo maamul goboleedyada si gaar ah Jubaland ayay ku waaniyeen in ay u midoobaan dagaalka Al-Shabaab iyo arrimaha hortabinta u leh qaranka sidda doorashooyinka iyo deyn cafinta. View the full article
-
Dalalka iyo Ururada ku bahoobay Beesha Caalamka, ayaa Walaac xooggan ka muujiyay Xiisadda Colaadeed ee u dhexaysa Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Jubaland, taasi oo ka aloosan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya. Qoraal ay si wadajir ah u soo saareen Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Denmark, Itoobiya, Midowga Yurub, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Talyaaniga, Sweden, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Maraykanka iyo Qaramada Midoobay, ayay sidoo kale ku sheegeen in dagaalkii bishaan Maarso ka dhacay degmada Beled xaawo uu sababay Khasaare kala duwan iyo bara-kaca dad rayid ah. Beesha Caalamku, waxay dhinacyada dowladda Federaaalka iyo Jubaland ugu baaqday in ay is xakameeyaan, islamarkaana yareeyaan ciidamada labada dhinac ka jooga gobolkaasi Gedo, si looga baaqsado dagaal iyo rabshado halkaasi ka dhaca. Sidoo kale, Beesha Caalamku waxay ku boorrisay dhinacyada, in la ilaaliyo xasiloonida xuduudka saddex-geeska ah ee u dhexeeya Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya, maadaama Amniga saddexdaasi dal uu isku xiranyahay. Dhinaca kale, Beesha Caalamka ayaa ku boorrisay dowladda Federaalka iyo Jubaland in ay wada-hadal ku dhammeeyaan wixii khilaaf ah oo ka dhexeeya, si loo dar-dar geliyo dagaalka Al-shabaab, balse waxay taageertay in la qabto oo sharciga lala tiigsado cid kasta oo ku eedaysan xad-gudubyo ka dhana xuquuqda Insaanka. Ugu dambeyntii, Beesha Caalamku waxay ku baaqday in wada-hadal iyo iskaashi buuxa oo dhexmara dowladda Federaalka iyo dhammaan dowlad goboleedyada dalka, si loogu midoobo dagaalka Al-shabaab iyo arrimaha masiiriga ah ee dalka. Halkaan ka akhriso qoraalka oo dhan PUNTLAND POST The post Beesha Caalamka oo ku baaqday in wada-hadal lagu dhammeeyo Khilaafka dowladda Federaalka iyo Jubaland appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa la xaqiijiyey in Sadex Qof oo Soomaali ah oo midu uu Dumar yahay uu ku dhacay Hargabka Corono Virus, Soomaalidaan ayaa waxay ku sugan [...] Source
-
(SLT-Hargeysa)-Xukuumada Somaliland iyo Midawga Yurub ayaa kala saxeexday mashruuc ay iska kaashanayaan oo lagu ilaalinayo Laasgeel iyo goobaha taariikhda dalxiiska ee Somaliland. Mashruucan ayaa waxa Somaliland iyo Midawga Yurub waxa u kala saxeexay Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska Maxamuud Xasan iyo Ergayga Midawga Yurub u qaabilsan Somalia Ambassador Nickolas Berlanga. Mashruucan oo lagu kala saxeexday Laasgeel ayaa sidoo kale waxa goobjoog ka ahaa Jamac Muuse Jaamac oo ka tirsan Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha caalamka ayaa war-saxaafadeed kasoo saartay xaaladda gobolka Gedo, gaar ahaan xiisadda ka taagan degmada Beled-Xaawo, oo dhowaan ay ku dagaalameen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jubaland. Hoos ka aqriso qoraalka beesha caalamka. Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka* waxay walaac xooggan ka muujinayaan ciidamada amniga ee isku urursanaya gobolka Gedo ee Jubaland, Soomaaliya iyo isku dhacyadii 2dii bisha Maarso ka dhacay agagaarka Beled-Xaawo kuwaas oo sababay barakaca dad rayid ah iyo khasaarooyin. Waxaan si deg deg ah ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada ishaya inay is xakameeyaan, ay yareeyaan ciidamada amniga ee ku sugan Gedo, ayna ka fogaadaan fal kasta oo kicin kara rabshado. Waxaan ogsoonnahay muhiimadda ay leedahay xasilloonida iyo iskaashiga wanaagsan ee ka dhexeeya Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya oo ku dhexmara deegaan xuduudeed ay wadaagaan halkaas oo ay ka wada dhexeeyaan dano amni. Waxaan soo dhoweynaynaa xiriirkii 5tii Maarso dhexmaray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’ iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta waxaana ku dhiirigelineynaa madaxda inay sii wadaan daminta xiisadaha, iskaashiga amniga xuduudaha, iyo in la sameeyo guddi wadajir ah oo wax ka qabta arrimaha diblomaasiyadda iyo ganacsiga sida ay madaxduba iskugu af-garteen. Saaxiibadu waxay u arkaan wada-hadalka dhexmaray madaxda in uu yahay tallaabo lagama maarmaan ah, waxayna hoosta ka xarriiqayaan muhiimadda uu leeyahay in uu sii socdo xiriir toos ah oo dhexmara Soomaaliya iyo Kenya. Saaxiibadu waxay Urur-Goboleedka IGAD uga mahad-celinayaan xiriirka iyo dadaallada dhex-dhexaadinta ah ee uu sameeyay; waxaana ku boorinaynaa in wada-hadalkan uu sii socdo ilaa iyo inta xal waara laga gaarayo. Si muddada dheer loo helo xasillooni loona xaqiijiyo amniga gobollada xuduudaha ku yaalla iyo kan Jubaland, saaxiibadu waxay ku boorrinayaan iskaashi iyo wada-hadal dhexmara Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo madaxda Jubaland si loo sii ambaqaado dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab. Waxay ku baaqayaan in shakhsi kasta ee lagu eedeeyay dembiyo ama xadgudubyo ka dhan ah xuquuqul insaanka la soo xiro oo lala tiigsado sharciga iyadoo la raacayo sarreynta sharciga. Waxaan hoosta ka xarriiqaynaa in iskaashi buuxa iyo wadahadal dhexmara DFS iyo dhammaan madaxda Dowlad Goboleedyada ay yihiin lagama maarmaan loona baahanyahay inay ku dhacaan si dhakhso leh, si loola dagaallamo al-Shabaab, loo xalliyo arrimaha la isku hayo, loogana guul gaaro arrimaha kale ee hortabinta u leh qaranka sida ka-gun-gaarista faa’iidooyinka laga helayo cafinta deynmaha iyo qabashada doorashooyin qaran oo waqtigooda ku qabsooma. * – Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Denmark, Itoobiya, Midowga Yurub, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Talyaaniga, Sweden, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Maraykanka, Qaramada Midoobay.
-
Jowhar (SMN) – Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka HirShabeelle ahna ku-simaha Madaxweynaha Mudane Cali Gudlaawe Xuseen ayaa maanta waxa uu shir gudoomiyay kulankii todobaadlaha ee golaha wasiirada Maamulka Hirshabeelle,kaasoo looga hadlay arrimo ay kamid yihiin Amniga,warbixin howleedka todobaadlaha ee Wasaaradaha iyo ka doodista dhammeystirka Dastuurka Qabyo Qoraalka ah oo Cutubkiisii labaad Todobaadkaan lagu wareejiyay Madaxweyne ku-xigeenka HirShabeelle Mudane Cali Guudlaawe. Shirka Golaha Wasiirada Maamulka Hirshabeelle oo todobaadkiiba mar la qabo ayaa maanta goluhu ku falanqeeyeen Xaaladaha ammaanka ee deegaanada iyo degmooyinka Hirshabeelle iyo in dhowaan la sameyn doono howlgallo ka dhan ah kooxaha argagixisada oo lagu xureynayo deegaano badan. Shirka intii uu socday waxaa warbixin howleedka todobaadka looga dhageystay qaar ka mid ah Wasiirada Hirshabeelle,waxaana la faray inay laba laabaan waajibaadka shaqo ee ay ummadda u hayaan. Sidoo kale, kulanka Golaha Wasiirada intii u socday waxaa aad looga dooday qorshaha dhammeystirka Dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Somaliya oo cutubkiisii labaad gudiga dhammeystirka usoo gudbiyeen DG Hirshabeelle si ay usoo indha indheeyaan wixii caqabad ku ah bulshad Hirshabeelle iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed meesha uga saaraan. Ugu dambeyn Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlada goboleedka HirShabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ku booriyay wasiirada iney dardar geliyaan adeegyada muhiim aka h ee ay u hayaan Bulshada Hirshabeelle. View the full article
-
Addis Ababa (PP News Desk)— The Somali language will become one of the five official languages in Ethiopia. Afan Oromo, “the most widely spoken language in Ethiopia”, Afar and Tigrignia will join Somali to become languages the Government of Ethiopia will use alongside Amharic. “This is a big milestone for Ethiopian nationalities and endorsement of linguistic diversity of Ethiopia” said Roble Ahmed Bile, an Ethiopian civil servant in Jigjiga. “This a tribute to the late Meles Senawi whose love for the rich diversity of Ethiopian peoples made Ethiopia what it is today”. The Somali language will become an official language in Ethiopia Dr Abiy Ahmed, the Ethiopian Prime Minister, whose popularity had waned when he dissolved EPRDF last year to form Prosperity Party, has managed to introduce a surprise language policy that puzzles his opponents, who campaign on the altar of maintaining federalism against pre-1991 unitary system Abiy is allegedly seeking to reintroduce. Influential Somali-speaking political leaders belong to one of the constituent parties of the Prosperity Party. Failure to be involved in the ratification of the Ethiopian constitution during 1990s made the Somali region of Ethiopia unrepresented in the former EPRDF coalition. Abiy government released prisoners in the former notorious Ogaden jail in Jigjiga. © Puntland Post , 2020 The post SOMALI TO BECOME AN OFFICIAL LANGUAGE IN ETHIOPIA appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-habeen-08032020.mp3 View the full article
