-
Content Count
214,390 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashadda iyo Sayniska Somaliland Axmed Abokor Maxamed ayaa leexsaday lacag dhan $400,000 oo lagu horumarinayay Waxbarashada Reer-guuraaga. Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashadda ayaa lacagtan marsaday NGO uu gaar u leeyahay, kaasoo uu siiyay mashruuc lagu horumarinayay waxbarashada xaaladaha degdega ah (Education Emergency). Mashruucan oo ay fulintiisa qaadatay haayada UNICEF, isla markaasna laga maal-galinayay sanduuqa waxbarashada ee Education Cannot Wait ayaa haayada UNICEF iyadoo kaashanaysa Agaasimahan qandaraas hoosaad sii siisay ururka SOYCA ee uu Agaasimuhu leeyahay, iyadoo loo siiyay inuu mashruucan ka fuliyo gobollada Saaxil, Gabilay iyo Maroodi-jeex. Mashruucan ayaa waxa ku baxaysa $6.7M, waxaanay bishii la soo dhaafay ay haayada UNICEF u shubtay ururka SOYCA ee Agaasime Axmed Abokor fayskii koowaad ee kharashka fulinta mashruuca oo dhan $400,000. Ururka SOYCA oo xaruntiisa guud ay tahay magaalada Berbera, ayaa waxa aasaasay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashadda, waxaana hada maamulka ururka u haysa walaashii Khadra Abokor. Maaha markii ugu horaysay ee Axmed Abokor ururkiisa SOYCA u sameeyo eex, gacal-miis iyo musuq-maasuq, hase yeeshee sanadihii 2006 ilaa 2012 oo uu Agaasimuhu madax ka ahaa mashruuca waxbarashada ee haayada Save the Children ayuu sidan oo kale musuq-maasuq sameeyay, isagoo gaar u naas-nuujiyay, qandaraasyana siiyay ururkiisa Soyca, taasoo sababtay in aakhirkii ay haayada Save the Children Axmed Abokor shaqadii uga erido arintan iyo musuq-maasuqyo kaloo uu sameeyay. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo hore ugu ololeeyay in uu musuqa la dagaalamayo ayaan la garanayn talaabada uu ka qaadi doono, maadaama aanay talaabadan musuq-maasuq ahayn tii koowaad ee uu Axmed Abokor sameeyo mudadii uu Wasaarada Waxbarashadda joogay, bal se ay ka mid noqonayso musuqa aan joogsiga lahayn ee uu mudadaasba ku boobayay hantida umada Somaliland. Source
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, ayaa ka warbixiyey kulan uu la yeeshay dhigiisa Kenya. Cawad oo u waramay laanta Af Soomaaliga ee VOA-da ayaa tilmaamay in ay kawada hadleen arrimihii u dambeeyay ee dalalka. Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu hoosta ka xariiqay in ay isla soo qaadeen arrimaha xuduudka ka taagan. Dowladda Soomaaliya ayuu tilmaamay in ay ka go’an tahay dardargelinta xiriir wanaagsan oo ay la yeelato dhigeeda Kenya. Dhanka kale, wuxuu beeniyey in dowladaha Mareykanka iyo Itoobiya ay ku cadaadiyeen wadahadalka ay la bilaabeen Kenya. Ugu dambeyntii, wasiirka ayaa rajeeyay in wadahadalada mustaqbalka ay soo afjari doonan khilaafka daxaleystay ee Muqdisho iyo Nairobi. View the full article
-
Afhayeenka dowlad goboleedka Galmudug Ciise Nuur Taardhuleed ayaa waxa uu maamulka Puntland ku eedeeyay in aysan marnaba ogoleyn in Galmudug ay cagaheeda ku istaagto isaga oo xusay in sanadkii 2015-kii Cabdiwali Gaas uu ka shaqeynayay sidii ay ku burburi lahayd Galmudug, haatanna uu ka shaqeynayo madaxweyne deni. Taardhuleed ayaa waxa uu ugu baaqay madaxda dowlad goboleedka Puntland in ay arrinkaasi ka baaqsadaan islamarkaana ay ilaaliyaan derisnimada labada maamul, waxa uuna ammaan u jeediyay shacabka reer Puntland. Dhinaca kale afhayeenka ayaa shacabka reer Galmudug waxa uu ugu baaqay in ay la qabsadaan nidaamka haatan jira, isaga oo sidoo kale shacabka u sheegay in ay xoryihiin sidaa darteedna ay taageeri karaan cidda ay doonaan. Sidoo kale Taardhuleed waxa uu sheegay madaxdii Ahlu sunna ee isaga tanaasulay siyaasadda Galmudug in aysan hormuud ka ahayn halgankii Al shabaab looga xoreeyay degaanada Galmudug balse waxa uu tilmaamay in ay qeyb ka ahaayeen sida uu hadalka u dhigay. Halkan ka dhageyso codka afhayeenka Galmudug https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/03/89606585_2657848584432572_7711819070814814208_n-online-audio-converter.com_.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Afgooye (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xalay ka dhacay qaybo kamdi ah degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose. Dagaalka ayaa yimid markii ay Al-Shabaab dhowr jiho ka weerartay saldhigyo ku yaala halka laga soo galo magaalada. Ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarka xerooyinkaas ay leeyihiin Ciidamadda Soomaaliya. Dhawaqa hubka ayaa ahaa mid aad loo maqlay. Dhanka kale, hal askari ayaa dhintay afar kalena way dhaawacmeen kadib weerar jidgal ah oo ka dhacay duleedka Muqdisho. Ciidamo ka tirsan dowladda oo ka baxay xerada Gordan ayaa la xusay in lagu beegsaday degaanka Xaawa Cabdi ee duleedka caasimada. Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa la tilmaamay in ay ka dambeeyeen falkaas oo ciidamadda lagu beegsaday ay kusii jeedeen Afgooye. Kadib falkaas, waxaa la sheegay ciidamadda ay qariyeen afar miino. Sikastaba ha ahaatee, Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro noocaan waxay ku ekeysaa saldhigyadda ciidamadda dowladda, taasoo dhalisa khasaaro. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa loogu baaqay in ay xoojisay ololaha ka hortaga Coronavirus. Xasan Kacaan, nabadoon diray baaqaas, ayaa sheegay in loo baahan yahay in la joojiyo waxyaabaha ka yimaada dibadda. Si gaar ah wuxuu farta ugu fiiqay dharka Huudheyda iyo Waxyaabaha kala ee gasaceysan, taasoo uu xusay in ay khatar leedahay. Nabadoonka oo la hadlay idaacadda Shabelle ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in xukuumadda ay fulin doonto arrintaas. Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa mar sii horeysay shaacisay in waddanka uusan u nugleyn caabuqaas dilaaga ah. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay madaxa hay’adda UNIDO ee Soomaaliya Mr. Ygor Scarcia oo wada-shaqeyn xooggan kala dhaxayso Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya. Inj. Cabdullaahi Cali Xasan oo ay kulanka ku wehelinayeen Wasiiru-dawlaha Wasaaradda mudane. Daahir Cabdi Cabdullaahi, Agaasimaha Guud mudane. Cabdicasiis Ibraahim Aadan, La-taliyaha Wasaaradda Axmed Cilmi iyo mas’uuliyiin kale, ayaa waxay ka wad-hadleen arrimo badan oo khuseeya dhinacyada ay ka wada-shaqeeyaan gaar ahaan horumarinta Ganacsiga dalka, fududeynta Ganacsiga, dayac-tirka dhismaha Wasaaradda iyo weliba sidoo kale dhismaha xarunta Wasaaradda Warshadaha oo dhawaan la bilaabi doono taasi oo dhismihiisa Wasaaraddu ay ka taageeri doonto hay’adda UNIDO. Mr. Ygor Scarcia oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay wada-shaqeynta dhow la lee yihiin Wasaaradda Ganacsiga isla mar ahaantaana ay diyaar u yihiin in ay ka taageeraan siddii loo horumarinta lahaa Ganacsiga iyo Warshadeynta dalka. Wuxu balan-qaaday inay diyaar u yihiin dhisidda xarunta Wasaaradda Warshadaha iyo sidoo kale horumarinta Ganacsatada dalka. Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, wuxu hay’adda UNIDO uga mahadceliyey wada-shaqeynta dhow ee ay la lee yihiin Wasaaradda, mashaariicda ay ka taageeraan, dib-u-dhiska ay ku sameeyeen Wasaaradda iyo taageeraddooda tooska ah ee ay mar walba la garab taagan yihiin. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka subax. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Subax-120320.mp3 View the full article
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa cisbitaalka Yardimeli ee magaalada Muqdisho ku booqday qoyska uu ka tagay -Alle ha u naxariistee- Cabdinaasir Cabdulle Gacal oo ka tirsanaa Ciidanka Militariga dowladda Soomaaliya. Madaxweynaha oo dul istaagay xaaladda caafimaad ee labo wiil oo mataanaha ah oo cisbitaalkan ay ku dhashay marwada marxuumka ayaa sheegay in dowladdu ay dammaanad qaadayso nolosha ubadkan, maadaama Aabahood uu u shahiiday dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in marxuumku nolosha caadiga ah ee dhiggiisa wariyeyaasha ka howl-gala gudaha dalka uu ka doorbiday in uu qalabkiisa iyo aqoontiisa geliyey sidii uu kaalin uga qaadan lahaa dib u xoreynta dalka, isaga oo muraayad u noqday guulaha ciidamada dowladdu ka gaareen Alshabaab. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa booqday qaar ka mid ah bukaannada ku jira cusbitaalka Yardimeli, waxa uuna warbixinno ku saabsan xaaladdooda caafimaad ka dhegaystay dhakhaatiirta dabiibeysa iyo Agaasimaha cusbitaalka Mudane Ibraahim Maxamed Xasan. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo Kafaalo qaaday Nolosha Qoys uu ka dhintay weriye ka tirsanaa Ciidamada appeared first on Puntland Post.
-
Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya halkaas uu ka dhacay dagaal khasaaro kala duwan geystay oo dhexmaray ciidamada dowladda iyo dagaallamayaasha ka tirsan Alshabaab. Dagaalkaas ayaa bilowday kadib markii dagaal-yahanno ka tirsan Alshabaab la sheegay in ay weerar Madaafiic ah ay ku qaadeen degmada Awdheegle saldhig ay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya Dadka degaanka ayaa ku soo warramaya in dagaalkas uu socday wakhti kooban la isuna adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,islamarkaana aysan ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay. Saraakiisha ciidamada Militariga dowladda Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay iska difaaceen weerarkaas balse kama aysan hadlin khasaaraha ka dhashay. Alshabaab ayaa sidaan oo kale dhowr jeer weeraro ugu qaaday saldhigyada ciidamada dowladda ay ku leeyihiin degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo mar kale weeraray saldhiga ciidamada dowladda ee Awdheegle appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Rome)-Kooxda Kubadda Cagta Juventus ayaa ku dhowaaqday in daafac kooxdaas iyo xulka qaranka Talyaaniga Daniele Rugani laga helay cudurka CoronaVirus. Kooxda Seria A-da ayaa sheegtay “inay ku dhaqaaqeyso dhammaan xeerarka go’doominta ee sharcigu dhigayo” oo lagu sameynayo dhammaan dadkii uu xidhiidhka la sameeyey Rugani. Juventus ayaa sheegtay in Rugani oo 25 jir ah “aan hadda lagu arag” astaamaha cudurka. Dhammaan cayaaraha Talyaaniga ayaa la hakiyey ilaa 3-da April ayada oo dalka oo dhan la geliyey xanibaad, sababo la xidhiidha dillaaca cudurka CoronaVirus. Rugani ayaa xilli cayaareedkan u saftay Juventus toddoba kulan oo kaliya, waxaana kulankii ugu dambeeyey ee ay kooxdiisa 2-0 kaga adkaatay Inter Milan uu fadhiyey kursiga keydka. Waxa uu Juventus kula guuleystay afar horyaal oo Serie A ah, wuxuuna toddoba kulan u saftay xulka qaranka Talkyaaniga, isaga oo kulankii ugu dambeeyey saftay 2018. Dowladda Talyaaniga ayaa Arbacadii ku dhwoaaqday tallaabooyin dheeri ah oo lagu xakameynayo fiditaanka cudurka, waxaana ka mid ah in la xidhay dhammaan dukaamada marka laga reebo kuwa cuntada iyo farmashiyayaasha. Dalka Talyaaniga waxaa laga xaqiijiyey in ka badan 12,000 oo kiis cudurka CoronaVirus ah, waxaana dhimashada ay mareysaa 827 qof Source
-
(SLT-Khartoum)-Baadhayaal ka socda Mareykanka ayaa Sudan ka caawin doona baadhitaanka lagu sameynayo isku daygii dil ee fashilmay ee ka dhanka ahaa ra’iisul wasaare Abdalla Hamdok, waxaa sidaas Arbacadii shalay sheegay wasiirka wafaafinta iyo dhaqanka Sudan. Faisal Mohammed Saleh ayaa weriyayaasha u sheegay in koox ka tirsan FBI-da ay soo gaadheen si ay ugu biiraan baadhayaasha Sudan. Hamdok ayaa isaga oo aanay waxyeelo gaadhin Isniintii ka bad-baaday isku day lagu khaarajin lahaa, ayada oo la adeegsanayo qarax lala beegsaday kolonyadiisa. Baadhayaasha Mareykanka ayaa ku biirin doona Sudan “khibrada iyo farsamada ay u leeyihin kiisaska noocan ah”, sida uu sheegay Saleh. Warbaahinta gudaha oo soo xiganeysa wasiirka ayaa sheegay in kooxda Mareykanka ay ka kooban yihiin saddex qof. Golaha amniga iyo difaaca Sudan ayaa Isniintii kulmay, waxayna codsadeen caawimaad dibedda ah. Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkii ka dhanka ahaa Hamdok. Mas’uuliyiinta Sudan ayaa xidhay dhowr qof oo ay ku jiraan ajaaniib, sida uu sheegay Saleh, isaga oo aan bixin wax faah-faahin ah. Wasaaradda arrimaha gudaha Sudan ayaa Arbacadii sheegtay in qaraxa uu sababay miino la dhigay waddada ay marayeen kolonyada Hamdok. Source
-
(SLT-Addis Ababa)-Laba wariye oo ku sugan dalka Itoobiya ayey shaqada ka eriday Wakaaladda Wararka ee ay leedahay dowladda, kaddib markii ay daabaceen sawir muujinaya Ra’iisul Wasaaraha iyo xaaskiisa oo qol hurdo iskula jira. Sawirka oo ah mid la jarjaray, oo wajiyada Abiy Axmed iyo xaaskiisa la dul saaray dad kale, ayaa muujinaya Ra’iisul Wasaaraha oo dhulka jiifa isagoo buste huwan, halka xaaskiisa, Zinash Tayachew, ay saarantahay sariir agtiisa ah, iyadoo waliba dhoollacaddeyneysa. Sawirkan ayaa si weyn ugu faafay baraha bulshada ee dalka Itoobiya, tan iyo markii la daabacay maalintii Isniinta. Qoraal ku saabsan jadwalka doorashada oo ay wakaaladda diyaarisay ayaa lala daabacay sawirka. Wakaaladda ayaa sawirka ka saartay boggeeda, waxayna islamarkiiba ka bixisay raalligalin. Wakaaladda Suxufiyiinta ee Itoobiya ayaa shegetay sawirka loo daabacay si kama’ ah, waxayna ka bixisay raalligalin. Doorashada guud ee dalka Itoobiya ayaa la filayaa inay dhacdo bisha August ee sanadkan. Tan iyo markii uu xilka qabtay sanadkii 2018-kii, Mr Abiy ayaa hormuud u noqday isbaddal siyaasadeed oo ka curtay Itoobiya, kaasoo saameyn aad u weyn yeeshay. Tallaabooyinkii uu qaaday waxaa ka mid ahaa inuu sii daayay maxaabiistii arrimaha siyaasadda u xidhneyd iyo inuu xor ka dhigay warbaahinta. Hase ahaatee shakhsiyaad ayaa lagu eedeeyay inay xorriyadda noocaas ah u adeegsadeen inay ku kiciyaan xiisado qabiil iyo fidinta warar been abuur ah oo lagu bartilmaameedsanayo dowladda Mr Abiy. Arrintan waxay horseedday in dowladda ay la timaado sharciyo cusub oo lagula tacaalayo wararka marin habaabinta ah iyo kicinta dadweynaha. Source
-
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay madaxa hay’adda UNIDO ee Soomaaliya Mr. Ygor Scarcia. Qoraal ka soo baxay Xafiiskiisa ayaa lagu sheegay in Wasiir Cabdullaahi Cali Xasan oo ay kulanka ku wehelinayeen Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Daahir Cabdi Cabdullaahi, Agaasimaha Guud mudane. Cabdicasiis Ibraahim Aadan, La-taliyaha Wasaaradda Axmed Cilmi iyo mas’uuliyiin kale, ay ka wad-hadleen arrimo badan oo khuseeya dhinacyada ay ka wada-shaqeeyaan gaar ahaan horumarinta Ganacsiga dalka, fududeynta Ganacsiga, dayac-tirka dhismaha Wasaaradda iyo weliba sidoo kale dhismaha xarunta Wasaaradda Warshadaha oo dhawaan la bilaabi doono taasi oo dhismihiisa Wasaaraddu ay ka taageeri doonto hay’adda UNIDO. Mr. Ygor Scarcia oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin inay wada-shaqeynta dhow la lee yihiin Wasaaradda Ganacsiga isla mar ahaantaana ay diyaar u yihiin in ay ka taageeraan siddii loo horumarinta lahaa Ganacsiga iyo Warshadeynta dalka. Wuxu balan-qaaday inay diyaar u yihiin dhisidda xarunta Wasaaradda Warshadaha iyo sidoo kale horumarinta Ganacsatada dalka. Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, wuxu hay’adda UNIDO uga mahadceliyey wada-shaqeynta dhow ee ay la lee yihiin Wasaaradda, mashaariicda ay ka taageeraan, dib-u-dhiska ay ku sameeyeen Wasaaradda iyo taageeraddooda tooska ah ee ay mar walba la garab taagan yihiin. PUNTLAND POST The post Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya oo qaabilay madaxa hay’adda UNIDO appeared first on Puntland Post.
-
The Minnesota congresswoman announced the marriage Wednesday on Instagram. Source: Hiiraan Online
-
Askar Maraykanka iyo UK u dhalatay oo lagu laayey Duqeyn Saddex qof ayaa ku ku dhintay kaddib markii saldhig ku yaal Ciraaq oo ay ku sugan yihiin ciidammo u dhashay Maraykanka iyo UK lala beegsaday gantaallo. Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhaawacmay, weerarkaas oo lagu qaaday saldhigga Taji, oo ku yaal waqooyiga Baqdaad. Ciidammada Maraykanka sida laga soo xigtay, askari maraykan ah, qandaraasle isna Maraykan ah iyo askari Biritish ayaa ku dhintay inkastoo aan weli magacyadooda la faafin. Xiisadda ayaa kacsanayd, tan iyo markii Maraykanku ay duqayn ku dileen Sarkaal sare oo Iiraani ah, waa Qasem Soleymaani e, bishii Janaweri. Weerar aargudasho ah oo Iiraan ku qaaday al-Asad, waa saldhig kale oo martigeliya ciidammada Mareykanka 8dii Janaweri ayaa sababay in ka badan 100 askari uu kaga tago xannuun riiqda ee ku dhaca maskaxda ee loo yaqaan TBI. Si kastaba ha ahaatee, Iiraan iyo US ayaa u muuqday inay xariiq nabadeed ka dhigteen arrimahaas, isla markaana ma ay jirin wax rabshado ah oo sii kordhay. War qoraal ah oo ka soo baxay isbaheysiga uu hoggaamiyo Mareykanka ee Ciraaq iyo Siiriya ayaa lagu xaqiijiyay in 18 gantaal lagu garaacay saldhigga isla markaana saddex ka mid ah isbahaysiga la dilay. xilli hore, bartiisa twitter-ka , af hayeenka isbahaysiga ayaa sheegay in weerarka uu dhacay 19:35 waqtiga maxaliga ah (16:35 GMT) arbacadii. Wuxuu intaas ku daray in la bilaabay baadhitaan. Wasiirka Difaaca ee UK ayaa ka sheegay dhacdadii ugu dambaysay: “Waxaan xaqiijin karnaa inaan ka warhayno dhacdada oo ay ku lug leeyihiin shaqaalaha adeegga UK ee ka hawlgala Camp Taji, Ciraaq.” Warbixin uu soo saaray Raiisel wasaaraha UK Boris Johnson ayaa lagu sheegay in weerarka uu ahaa mid “cabsi leh”. “Xoghayahaga arrimaha dibedda wuxuu la hadlay Xoghayaha Arimaha Dibadda ee Mareykanka waxaanan sii wadi doonnaa la shaqeynta saaxiibbadayada caalamiga ah si aan si buuxda u fahanno faahfaahinta weerarkaas foosha xun,” ayuu yidhi Boris. Cidina ma sheegan inay iyagu mas’uul ka ahaayeen weerarkaas, isla markaana Mareykanka iyo Boqortooyada Ingiriiska weli ma aysan sheegin mas’uuliyaddaas cidda leh. Laakiin, wakhtiyadii la soo dhaafay, Washington waxay ku eedeysay kooxaha ay taageerto Iran ee Ciraaq inay qaadeen weerarro kuwan la mid ah. Waxaa jiray warbixino sheegaya weerarro aargoosi ah oo ka dhaca meelo kale oo ka tirsan Ciraaq, oo u dhaw xadka Siiriya, laakiin lama xaqiijin. Xiisadda u dhexeysa ciidammada isbahaysiga ayaa sii xoogeysatay sanadkii hore, ka dib markii dagaalyahanada maliishiyaadka ah ee Iiran taageertaa ay la bartilmaameedsadeen ciidamada Mareykanka iyo dad shacab ah dhowr gantaal. Waxaa sidoo kale dalka Ciraaq ka dhacay duqeyn dhinaca cirka ah oo lala beegsaday xarumaha maleeshiyada iyo saraakiisha Iran. Dabayaaqadii Diseembar, weerar lagu qaaday saldhig millatari oo Ciraaq ah ayaa lagu dilay nin qandaraasle ah oo Mareykan ah. Mareykanku waxa uu ku eedeeyay maleeshiyadda awoodda badan ee Kataib Hezbollah. Waxay duqeyn cirka ah ka fuliyeen saldhigyadoodii galbeedka Ciraaq iyo bariga Suuriya oo ay ku dhinteen ugu yaraan 25 dagaalyahan. Safaaradda Mareykanka ee Baqdaad ayaa markaa kadib waxaa soo weeraray dad badan oo mudaaharaadayaal ah waxaana madaxweyne Donald Trump uu uga digay Iran “inay kaga bixin doonto qiimo aad u weyn”. 3dii Janaweri, Mr Trump wuxuu ogolaaday duqeyn ka dhacday gegida diyaaradaha ee Baghdad in lagu dilo Soleimani – oo ahaa taliyihii ciidamada ilaalada kacaanka islaamiga isla markaana naqshadeeye u ahaa siyaasadda Iran ee bariga dhexe – iyo hogaamiyaha Kataib Hezbollah Abu Mahdi al-Muhandis. Qaran News
-
Maxaa sababa in madaxdu ay xukunka isku dhajiyaan? Vladimir Putin wuxuu u xusul duubayaa in isbadallo waaweyn lagu sameeyo dastuurka Ruushka Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin wuxuu isbuucan sheegay inuu taageeri doono sharci u oggolaan doona inuu labo jeer oo kale u soo istaago xilka madaxweynaha, arrintaasoo ah mid uu mamnuucayo dastuurka u yaalla dalka Ruushka. Putin wuxuu ugu dambeeyaa liis hoggaamiyeyaal ah oo muddo dheer xilalka soo hayay, laga soo billaabo Algeria ilaa Zimbabwe, dhammaantoodna waxay aad u jeclaayeen kursiga madaxtinnimada. Sidaas darteed maxay tahay sababta u macaaneyneysa madaxda inay isku dhajiyaan kursiga – ama ay xitaa u jabiyaan – sharciyada u yaalla dalalkooda, si ay xukunka ugu sii nagaadaan? Malacag darteed baa? “Jawaabta ugu sahlan waa musuqmaasuq, waxay sameyn karaan lacag badan, waxayna kursiga isugu nabayaan si ay taajiriin u ahaadaan”, ayuu yiri Barfasoor Nic Cheeseman, oo wax ka qoray buuggii lagu magacaabay “Sida loogu shubto Doorashada”. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Laakiin run ahaantii, waxaa jira waxyaabo kale oo aan si fudud lagu fahmi karin oo arrintaas ku gadaaman”. Sida uu Barfasoorkan sheegay, waxa ay hoggaamiyeyaashu ka baqaan, oo lacagta xitaa uga daran, waa in dacwado lagu soo oogo marka ay xilka ka dagaan. Waana gartood inay cabsadaan. Cilmi baarista buuggiisa lagu soo bandhigay ayaa lagu sheegay in muddadii u dhaxeysay 1960-kii ilaa 2010-kii ay qaaradda Afrika hoggaamiyeyaasheeda 43% dacwado wajaheen kaddib markii ay xukunka ka dageen, iyagoo qaarkood dibad joog laga dhigay qaarkoodna la dilay. Madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar Xasan Al- bashiir(Midig) waxaa lagu helay dambi musuqmaasuq ah, sidoo kalena wuxuu maxkamadda caalamiga ah ee ICC ku wajahayaa dacwado la xiriira dambiyo dagaal Taasi waa halis saameyn weyn leh, laakiin intaas kaliya kuma eka arrimuhu. Dadka u dhow Waxaa sidoo kale jira cadaadis madaxda uga imaada dadka u dhow maamulkooda ama xitaa qoysaskooda, xulafadooda dhinaca siyaasadda, booliska iyo milatariga laga yaabo inay maamulka helitaankiisa ku caawiyeen. Maxaad kala socotaa xukunka iyo siyaasadda Angola Dhammaan dhinacyadan waxay isku dayaan inay hoggaamiyeyaasha kula taliyaan sidii ay xukunka ugu sii dhagganaan lahaayeen. “Xitaa marka aad adigu dareento in la gaaray wakhtigii aad xafiiska banneyn lahayd, waxaa jira dad badan oo intey albaabka kuu soo garaacaan kugu dhahaya ‘arrintan waxba kaama khuseeyaan adiga’, ” ayuu yiri Barfasoorka. “Mana aha dad aad hadalkooda kasoo horjeedsan kartid, waayo waxay naftooda usoo hureen sidii ay heerkaas kuu gaarsiin lahaayeen”. Barfasoor Cheeseman wuxuu helay caddeyn muujineysa in dadkuu ku hareereysna amadaxweynihii hore ee Zimbabwe ay kaalin weyn ku lahaayeen go’aankiisii ahaa inuu xilka iska sii heysto. Robert Mugabe, wuxuu hoggaamiyaha Zimbabwe ahaa muddo 37 sano ah, ka hor inta aysan afgambinin xulafadiisii hore ee milatariga Laakiin waxaa laga yaabaa inuu jiro wax intaas kasii weyn oo kaalin ka qaadanaya in qofka uu xilka ka fuqi waayo, kaasoo noqon kara wax maskaxdeenna ku abuuran oo na jecleysiinaya madaxtinnimada. Madaxnimo jacayl Dr Dacher Keltner wuxuu toban sano ka hor arrintan ka qoray buug la magac baxay “The Power Paradox”. “Paradox” waa dadka xukunka qabsada iyagoo la jecel yahay. Waxay kasbadaan kalsoonida dadka ku hareereysan – ha ahaado madaxa koox teeniska ciyaarta oo maxalli ah, shirkad nasiib badan ama xitaa waddan dhan. Laakiin dadka noocaas ah marka ay maamulka gacanta ku dhigaan waxay noqdaan bahallo. Ra’iisul Wasaaraha awoodda badan ee Cambodia, Hun Sen wuxuu xukunka heystaa tan iyo 1985-kii Cilmibaaris la sameeyay ayaa lagu ogaaday, dadka markii xukun loo dhiibo, xitaa hadduu wakhti gaaban yahay, ay dabeecadahooda isbadalaan. Waxay billaabaan inay sameeyaan waxyaabo ay iyaga uun faa’iido ugu jirto, waxaana ka dhammaata naxariista ay u hayaan dadka kale. Waxay badanaa aaminaan inay iyaga uun saxan yihiin. Waxay noqdaan dad ad-adag, ficil qallafsan, ayna u badan tahay inay qof walba ka dhex galaan marka ay dadka kale la hadlayaan, ama indhahooda iska ilaaliyaan. In wanaag la dareemo Daraasado badan oo lasoo saaray ayaa lagu ogaaday in dadka marka ay xukunka qabsadaan ay noqdaan kuwo aan si daggan u falcelin karin ama maskaxdooda aysan fadhinin. Carruurta taajiriinta ah ayaa kuwa faqiirka ah uga dhow inay waddada khaldan qaadaan. Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni wuxuu markii shanaad xilka madaxweynaha u tartamay sanadkii 2016 “Labo ka mid ah saddexdii ficil ee xasilooni darro ah waxaa geysta dad xilal sare haya”, ayuu yiri Dr Keltner. Taasina waa sababta uu aqoonyahankan u aaminsan yahay in xukunka uu yahay wax balwad u noqda dadka. Dr Keltner wuxuu sheegay in dadka xukunka haya ay u dhaqmaan sidii bukaan uu dhaawac ka gaaray qeybo ka mid ah maskaxda, kaasoo baddalay dabeecaddooda. Wuxuu macluumaadkaas kasoo qaatay daraasad uu sameeyay seynisyahan lagu magacaabo Sukhminder Obhi. Madaxweynaha Belarus Alexander Lukashenko, oo hadda markii shanaad xilka haya waxaa lagu cambaareeyaa inuu yahay kalitaliyihii ugu dambeeyay ee Yurub Hadalkaas ku saabsan bukaannada maskacda wuxuu horseeday falcelinno xiiso badan oo ka yimid dadka yaqaana bukaannada noocaas ah. “Qof maskaxda dhaawac ka qaba ayaa ii soo diray qoraal uu ku leeyahay, ‘Sideed ugu dhici kartaa? aniga waxaan aad uga dhaqan fiicanahay Donald Trump”, ayuu yiri. Sidaas awgeed waa suurtagal in qofka xilka qabta uu galo kibir, uuna aamino inuu leeyahay awood, yahayna qofka kaliya ee wax hoggaamin kara. Qaran News
-
Wariyeyaal shaqada looga eryay sawir ay ku weerareen Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo xaaskiisa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Labo wariye oo ku sugan dalka Itoobiya ayey shaqada ka eriday Wakaaladda Wararka ee ay leedahay dowladda, kaddib markii ay daabaceen sawir muujinaya Ra’iisul Wasaaraha iyo xaaskiisa oo qol hurdo iskula jira. Sawirka oo ah mid la jarjaray, oo wajiyada Abiy Axmed iyo xaaskiisa la dul saaray dad kale, ayaa muujinaya Ra’iisul Wasaaraha oo dhulka jiifa isagoo buste huwan, halka xaaskiisa, Zinash Tayachew, ay saarantahay sariir agtiisa ah, iyadoo waliba dhoollacaddeyneysa. Sawirkan ayaa si weyn ugu faafay baraha bulshada ee dalka Itoobiya, tan iyo markii la daabacay maalintii Isniinta. Qoraal ku saabsan jadwalka doorashada oo ay wakaaladda diyaarisay ayaa lala daabacay sawirka. Wakaaladda ayaa sawirka ka bixisay boggeeda, waxayna islamarkiiba ka bixisay raalligalin. Wakaaladda Suxufiyiinta ee Itoobiya ayaa sheegtay sawirka loo daabacay si kama’ ah, waxayna ka bixisay raalligalin Doorashada guud ee dalka Itoobiya ayaa la filayaa inay dhacdo bisha August ee sanadkan. Tan iyo markii uu xilka qabtay sanadkii 2018-kii, Mr Abiy ayaa hormuud u noqday isbaddal siyaasadeed oo ka curtay Itoobiya, kaasoo saameyn aad u weyn yeeshay. Tallaabooyinkii uu qaaday waxaa ka mid ahaa inuu sii daayay maxaabiistii arrimaha siyaasadda u xirneyd iyo inuu xor ka dhigay warbaahinta. Hase ahaatee shakhsiyaad ayaa lagu eedeeyay inay xorriyadda noocaas ah u adeegsadeen inay ku kiciyaan xiisado qabiil iyo fidinta warar been abuur ah oo lagu bartilmaameedsanayo dowladda Mr Abiy. Arrintan waxay horseedday in dowladda ay la timaado sharciyo cusub oo lagula tacaalayo wararka marin habaabinta ah iyo kicinta dadweynaha. Qaran News
-
Torino (Caasimada Online) – Kooxda Kubadda Cagta Juventus ayaa ku dhowaaqday in daafac dambeedka dhexe ee kooxdaas iyo xulka qaranka Talyaaniga Daniele Rugani laga helay cudurka CoronaVirus. Kooxda Seria A-da ayaa sheegtay “inay ku dhaqaaqeyso dhammaan xeerarka go’doominta ee sharcigu dhigayo” oo lagu sameynayo dhammaan dadkii uu xiriirka la sameeyey Rugani. Juventus ayaa sheegtay in Rugani oo 25 jir ah “aan hadda lagu arag” astaamaha cudurka. Dhammaan cayaaraha Talyaaniga ayaa la hakiyey ilaa 3-da April ayada oo dalka oo dhan la geliyey xanibaad, sababo la xiriira dillaaca cudurka CoronaVirus. Rugani ayaa xilli cayaareedkan u saftay Juventus toddoba kulan oo kaliya, waxaana kulankii ugu dambeeyey ee ay kooxdiisa 2-0 kaga adkaatay Inter Milan uu fadhiyey kursiga keydka. Waxa uu Juventus kula guuleystay afar horyaal oo Serie A ah, wuxuuna toddoba kulan u saftay xulka qaranka Talkyaaniga, isaga oo kulankii ugu dambeeyey saftay 2018. Dowladda Talyaaniga ayaa Arbacadii ku dhwoaaqday tallaabooyin dheeri ah oo lagu xakameynayo fiditaanka cudurka, waxaana ka mid ah in la xiray dhammaan dukaamada marka laga reebo kuwa cuntada iyo farmashiyayaasha. Dalka Talyaaniga waxaa laga xaqiijiyey in ka badan 12,000 oo kiis cudurka CoronaVirus ah, waxaana dhimashada ay mareysaa 827 qof.
-
Afhayeenka Galmudug Cismaan Ciise Nuur (Taardhuleed) oo ka qeyb galay munaasadab ka dhacday Dhuusomareeb ayaa eedeyn u jeediyey Puntland. Taardhuleed ayaa sheegay in haddii ficilada ay wado Puntland joojin weydo, ay Galmudug ka heli doonto jawaabta ay mudantahay. “Waxaan rabaa halkan in aan baaq uga diro Puntland, waa dadaan deris nahay, waa dadaan ehel nahay, waa dadaan qaraabo nahay, Galmudug waxay idin ka mudan tahay ixtiraam iyo derisnimo, taas aan kuwada shaqeyno, haddii aan taas kala weyno, wixii aan kala helno baan leenahay”. ayuu yiri Afhayeenka Galmudug. Taardhuleed oo hadalkiisa siiwata ayaa yiri “Wadaadadii aad soo dhaweyseen kama xumin soo dhaweeya, laakiin waxaan rabtaan in aydaan ka shaqeyn dhibaatada Galmudug, baaqa aan dirayo waxaan u jeedinayaa madaxda, shacabka Puntland waa shacab sharaf leh wax shido iyo shar ah oo aan ka maleysanaanaa ma jirto, shidada waxaa wada madaxda maamulka u kala dambeeyey”. Taardhuleed, wuxuu Madaxweyihii hore ee Puntland Cabdiwali Gaas ku eedeeyey in uu faragalin ku hayay dhismihii hore ee Galmudug, halka uu Madaxweyme Deni ku eedeeyey dhibaato uu hadda ka wado Galmudug. “Dhismihii Galmudug 2015, Cabdiwali Gaas ayaa u istaagay in Galmudug aysan cagaheeda ku istaagin, hadana Deni baa u taagan in uu ka sheeyo dhibaatada Galmudug, dadka reer Galmudug waa ku arkaan waana iska kaa celinayaan” ayuu hadlkiisa ku soo gabagayeeyey Taardhuleed. Hadalka Galmudug ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay Puntland ku sugnaayeen hoggaankii Ahlusunna, oo markii dambe u safray dalka dibadiisa. PUNLAND POST The post Galmudug oo eedeyn u jeedisay Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee loo yaqaan AMISOM, ayaa bilaabay tababaro la xariira sida looga hortago Caabuqa Coronavirus ee ku sii fidaya Caalamka. Taliyaha Hoggaanka Adeegga Caafimaadka ee Ciiddanka Uganda, Jeneral Ambrose Musinguzi ayaa Tababarkaasi ka furay Xarunta Baarista Xanuunadda ee Mubuya, wuxuuna Wasaaradda Caafimaadka ku bogaadiyey sida ay uga go’an tahay in ay Ciioddanka Caafimaadka u tababaraan Khibradaha looga hortegi karo Caabuqa Koronafayriska ee khatarta ku haya dalalka Caalamka. Waxa uu intaasi ku daray in Ciiddanka Uganda qeyb ka tahay Waajibaadkooda shaqo ina y ka fal-celiyaan Gurmadka Degdegga iyo Taageeradda si dadka loo badbaadiyo Caabuqa Coronavirus. Taliyaha Hoggaanka Adeegga Caafimaadka ee Ciiddanka Uganda, Jeneral Ambrose Musinguzi ayaa xusay in xubno ka tirsan Ciiddanka la tababarayo loo soo diri doono Soomaaliya, si ay Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM uga wacyi-geliyaan Khatarta Caabuqa Koronafayriska. PUNTLAND POST The post AMISOM oo loo tababarayo ka hortagga Cudurka Coronavirus appeared first on Puntland Post.
-
United Kingdom Foreign and Commonwealth Office PRESS RELEASE Young leaders from Canada, Fiji, Pakistan, Uganda win Commonwealth Youth Awards 2020 The Africa and Europe prize Galabuzi Brian Kakembo of Uganda scooped the overall prize of 2020 Commonwealth Young Person of the Year LONDON, United Kingdom, March 11, 2020/ — Four outstanding young people have won Commonwealth Youth Awards for innovative projects that are delivering sustainable development in their countries. The awards recognise exceptional contributions by young people whose ventures are helping their countries achieve the United Nations Sustainable Development Goals (SDGs). The regional award winners are: Africa and Europe: Brian Galabuzi Kakembo, Uganda, turning plastics into eco-friendly briquettes (focus on SDG 8: decent work and economic growth) Asia: Hafiz Usama Tanveer, Pakistan, bringing clean water to poor communities (focus on SDG 6: clean water and sanitation) The Caribbean and Canada: Sowmyan Jegatheesan, Canada, providing one-stop information to prevent human-wildlife conflict (focus on SDG 15: life on land); The Pacific: Sagufta Salma, Fiji, transforming waste into sustainable furniture (focus on SDG 12: responsible consumption and production). More than 500 award nominations were received from 40 countries. From these, a pan-Commonwealth judging panel selected sixteen finalists. The awards were presented during a gathering at Commonwealth headquarters in London. Recipients received a £3,000 grant for their projects. 2020 Commonwealth Young Person of the Year As well as the Africa and Europe prize Galabuzi Brian Kakembo of Uganda scooped the overall prize of 2020 Commonwealth Young Person of the Year for his work on transforming biodegradable plastics and organic waste into eco-friendly charcoal briquettes. Growing up in a poor community, he set up an enterprise to educate women and young people to turn waste into wealth. He has reached more than 800 women and young people, and 600 of them now make and sell briquettes in Uganda. Brian said: “I want the world to see that unemployed youth is not a problem but an untapped resource that can be trained and supported to bring about a social change.” Asia Winner Hafiz, from Pakistan, has created water purification kits to improve access to clean water in poor communities and refugee camps to help prevent the spread of waterborne diseases. He has reached more than 11,000 people including victims of the Kerala flooding that occurred in the past two years. He said: “This award is an encouragement to continue on this trajectory to reach more people and to make water non-exclusive.” The Caribbean and Canada Winner Canada’s Sowmyan wants the world to make informed decisions when it comes to protecting wildlife from the effects of climate change. He has developed one of the world’s largest online information hubs to help communities build resilience by better understanding climate activities, migration patterns and human-wildlife conflict. He said: “The business-as-usual practice has led to the endangering of so many species. We must change our course, understand the evidence and make informed decisions to protect our wildlife from changing climate.” The Pacific Winner Sagufta from Fiji turns waste material into sustainable furniture and home accessories. She says a lack of access to proper waste disposal in Fiji drove her to establish her enterprise, which has now upcycled more than 1,000 tons of waste. She mainly employs single mothers so they can support their families. She said: “This award will help me create more awareness around sustainable living and empower more women to work in a field that is largely dominated by men.” Commonwealth Secretary-General Patricia Scotland, who presented the awards, said: “For the awards this year, we received nominations from more than 40 Commonwealth countries. Considering them made us aware of a vast range of impressive innovations. “There were projects for delivering tech-powered learning, to provide clean water and sanitation, and for waste management. “The entries remind us that there is no lack of ingenuity or ideas. What we tend to lack are mechanisms to support and fund the young innovators who have the imagination and creativity we need to achieve the Sustainable Development Goals by 2030. “So the Commonwealth Youth Awards are a searchlight picking out some of the best examples of who we are and what we can do as a family of nations.” During the awards ceremony, presentations on the work being done by finalists to deliver sustainable development were made to diplomats, officials and civil society representative from Commonwealth countries. Distributed by APO Group on behalf of United Kingdom Foreign and Commonwealth Office. SOURCE United Kingdom Foreign and Commonwealth Office Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa cisbitaalka Yardimeli ee magaalada Muqdisho ku booqday qoyska uu ka tagay – Allah ha u naxariistee – Shahiid Cabdinaasir Cabdulle Gacal oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Madaxweynaha oo dul istaagay xaaladda caafimaad ee labo wiil oo mataanaha ah oo cisbitaalkan ay ku dhashay marwada marxuumka ayaa sheegay in dowladdu ay dammaanad qaadeyso nolosha ubadkan, maadaama Aabahood uu u shahiiday dalka iyo dadka Soomaaliyeed. “Alle ha u naxariistee marxuum Cabdinaasir Gacal waxa uu naftiisa u hibeeyay difaaca dalkiisa iyo dadkiisa, isagoo xirfaddiisa wariyenimo la garab taagnaa halyeeyada kale ee Ciidamada Qalabka Sida ee safka hore kaga jira furimaha dagaalka”. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in marxuumku nolosha caadiga ah ee dhiggiisa wariyeyaasha ka howl-gala gudaha dalka uu ka doorbiday in uu qalabkiisa iyo aqoontiisa geliyey sidii uu kaalin uga qaadan lahaa dib u xoreynta dalka, isaga oo muraayad u noqday guulaha geesiyaasheenna Ciidanka Qalabka Sida ay ka soo hoynayeen argagixisada Alshabaab. Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa booqday qaar ka mid ah bukaannada ku jira cusbitaalka Yardimeli, waxa uuna warbixinno ku saabsan xaaladdooda caafimaad ka dhageystay dhakhaatiirta dabiibeysa iyo Agaasimaha cusbitaalka Mudane Ibraahim Maxamed Xasan.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Bar-___-___-Qumaha-Wararka-11032020.mp3 View the full article
