Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,390
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Kenya ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Nairobi. War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Danjire Axmed Ciise Cawad uu maanta wadahadal kula yeeshay Nairobi dhiggiisa dalka Kenya, Marwo Raychelle Omamo. Waxaa la sheegay in labada Wasiir ka wadahadleen sidii loo yarayn lahaa wixii khilaaf ah ee jira, loona sii xoojin lahaa xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya. Kulanka, oo labada Wasiir ay ku wehelinayeen diblomaasiyiin ka socda labada dal ayaa la sheegay in uu daba socday wadahadal ay Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta khadka telefoonka ku yeesheen 5-tii bishan Maarso 2020-ka. Laabada Madaxweyne ayaa la sheegay in ay xiligaas isla garteen in si wadajir ah labada dal ay uga wada shaqeeyaan sugidda nabadgalyada xuduudaha iyo guud ahaan xasilloonida gobolka, lagana fogaado wax walba oo keeni kara isfaham darro. Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya Fred Matiang’I iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Muqdsho yimid 8-bishan ayaa Madaxweyne Farmaajo u keenay martiqaad uu ka helay Uhuru Kenyatta. Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu maalmaha soo aadan u safro dalka Kenya, halkaas oo uu kulan kula qaadan doono Madaxweynaha martiqaadka fidiyey ee Uhuru Kenyatta. Ma ahan markii ugu horeysay oo Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta ay kulan yeeshaan oo heshiis ka gaaraan khilaafka diblomaasiyadeed ee soo noqnoqda, waxaana muuqata in xiriirka labada dowladood uusan wali sal adag lahayn. Xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya yaa heerkii ugu xumaa gaaray sanadkii lasoo dhaafay, kadib markii uu soo cusboonaaday muranka badda. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Kenya oo wadahadal ku yeeshay Nairobi appeared first on Puntland Post.
  2. Nairobi (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo wadahadallo labo geesood ah kula yeeshay Nairobi dhiggiisa Kenya Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa maanta wadahadal kula yeeshay Nairobi dhiggiisa dalka Kenya, Marwo Raychelle Omamo. Waxay labada Wasiir ka wadahadleen sidii loo yarayn lahaa wixii khilaaf ah ee jira, loona sii xoojin lahaa xiriirka labada dal. Kulankan ayaa daba socda wadahadal ay labada Madaxweyne khadka telefoonka ku yeesheen 5-tii bishan Maarso 2020-ka. View the full article
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn diyaaradaha Mareykanka ay shalay galab ka dhacday deegaanka Ugunji oo hoos taga degmada Jannaale ee gobolka Shabeellada Hoose. Dad shacab ah ayaa sheegay in diyaaradaha Mareykanka ay duqeyntaas la beegsadeen gaari Home ah oo ay la socdeen sagaal qof oo shacab ahaa, sida ay sheegeen ehelladooda oo la hadlay warbaahinta. Liibaan Aadan Barre oo ay walaalo ahaayeen darwalka weday gaariga la duqeeyey ayaa isaga oo u waramaya Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho waxa uu sheegay in dadkaasi ay kasoo bexeen degmada Jannaale, isla markaana ay kusoo jeedeen magaalada Muqdisho. Liibaan ayaa sheegay in gabi ahaanba sagaalkii ruux ee la socday gaarigaas ay ku geeriyoodeen duqeynta, isla markaana hilbahooda ay kasoo aruuriyeen goobta duqeynta lagula beegsaday. Taliska Mareykanka ee AFRICOM iyo dowladda Soomaaliya oo war kasoo saaray duqeyntaas waxa ay sheegeen in lagu dilay shan ruux oo Shabaab ah, isla markaana aysan waxba gaarsiin dad rayid ah. Liibaan Aadan Barre oo ay walaalo yihiin darawalkii weday gaariga la duqeeyey ayaa sheegay in walaalkiis uu ku shaqeynsan jiray gaarigaas Caasiga ah oo iskaga kala gooshi jiray Muqdisho iyo gobolka Shabeellada Hoose. Sidoo kale waxa uu sheegay in uu ka diiwaan gashanaa macluumaadkiisana laga helaayo Controlka ee ciidamada dowladdu ay ku leeyihiin deegaanka Siinka-dheer ee duleedka Muqdisho, halkaas oo ay ka diiwaan gashanyihiin dhamaan gaadiidleyda ka shaqeysa gobolka Shabeellada Hoose. Halkan ka dhageyso wareysiga https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/03/Liibaan-Aadan-Barre-walaalka-darwalka-.mp3
  4. Nairobi (Caasimada Online)-Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ku kulmay wasiirrada arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Kenya Ahmed Ciise Cawad iyo Raychelle Omamo, iyagoo sii amba qaaday wadahadalkii khadka taleefanka ee madaxweynayaasha labada dal. Labada wasiir oo kulanka ay ku wehliyeen diblomaasiyiin ka kala socday labada dal, ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal oo waayihii dambe madmadow uu soo kala dhex galay, waxayna wararka aan ka heleyno kulankaas ay sheegayaan in diiradda lagu saaray arrimaha ka jira xadka iyo sidii labada dal u hagaajin lahaayeen xiriirkooda, inta laga gaaraayo xal waara. Sidoo kale kulanka labada wasiir arrimo dibadeed ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa looga hadlay sidii loogu gogol xaari lahaa safar Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo lagu wado in maalmaha nasoo aadan uu ku tago magaalada Nairobi. Kulankaas ayaa intiisa badan diiradda lagu saaray ajendayaasha shir lagu wado in ay Nairobi ku yeeshaan labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya, in kastoo aan weli la shaacin waqtiga rasmiga ah ee madaxweyne Farmaajo uu tegayo Nairobi. Qoraal kooban oo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku yiri, “Markii aan sii ambaqaado wadahadalkii khadka taleefanka ee u dhaxeeyay Madaxweyneheena Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, waxaan kula kulmay Nairobi wasiirka arimaha dibadda Kenya Raychelle Omamo. Waxaan yeelannay wadahadallo dheer oo ku saabsan xoojinta xiriirka labada dhinac, iyo amniga xuduudahaa”. Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Kenya oo maalmo ka hor soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa Madaxweyne Farmaajo martiqaad uga keenay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyaatta, taas oo la sheegay in uu aqbalay Farmaajo, isla markaana maalmaha soo socda uu u safri doono Kenya, si Uhuru ay uga wada xaajoodaan xiisadda ka dhex aloosan labada dal. Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo maalmo ka hor ka hadlay xiisadda labada dal ayaa sheegay in wadahadallo hor dhac ah oo ay yeesheen mas’uuliyiinta labada lagu balamay in xiisadda la qaboojiyo, labada Madaxweynana ay si dhab ah uga wada hadlaan arimaha dhex yaal. Sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu dhawaan booqan doono dalka Kenya, isla markaana qabanqaabada safarkaas hada laga shaqeynayo. Xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa xumaaday todobaadyadii la soo dhaafay, iyadoo dowladda Soomaaliya ku eedeysay Kenya in ay farogelin ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya, halka dowladda Kenyana ay iska fogeysay eedeynta Soomaaliya.
  5. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa guddoomiyay shir dhex maray dowladda federaalka Soomaaliya iyo qaramada midoobay oo ka dhacay Muqdisho. Kulanka ayaa looga hadlay horumarinta wada-shaqeynta ka dhexeysa dowladda iyo Qaramada Midoobay iyo sii wadidda taageerada Qaramada Midoobay ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo qaramada midoobay uga mahad celiyay taageerada joogtada ah ee ay la garab taaganyihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ayaa caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay ku dadaasho xilli waliba in la horumariyo, lana sii xoojiyo wada shaqeynta ka dhexeysa dowladda iyo Qaramada Midoobay si loo hagaajiyo qorshaha adeegyada bulshada ee muhiimka ah lagu gaarsiinayo shacabka Soomaaliyeed. Dhammaan mas’uuliyiinta Qaramada Midoobay ee kulanka ka hadlay ayaa dowladda ku bogaadiyay horumarrada laga sameeyay dib-u-habeynta amniga, dhaqaalaha iyo dowlad wanaagga, waxayna caddeeyeen in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay kala shaqeynayaan gaaridda hormar ballaaran oo hormuud u noqda xaqiijinta hadafyada qaran ee ummadda Soomaaliyeed. Kulanka waxaa goob joog ka ahaa ku-xigeenka wakiilka xogyahaya guud ee qaramada midoobay u qaabishan arrimaha Soomaaliya, ahna isku dubba ridka arrimaha gargaarka dalka, Adam Abdelmoula iyo mas’uuliyiin kale oo ka socotay UNDP, WFP, UNOPS, UNHCR, UNIDO, UNICEF, UNFPA, World Bank, FAO, IOM, OHCHR, ILO, OCHA iyo WHO. View the full article
  6. Muqdisho (SMN) – Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Midawga Yurub ayaa Muqdisho ku yeeshay kulan looga hadlay horumarinta Dhaqaalaha, Deyn cafinta sida dib-u-habeynta ciidamadu ay uga qayb qaadatay horimarinta amniga iyo nabad-gelyada iyo xoreynta iyo xasilinta deegaannada argagaxisadu ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay kulanka oo qay ka qayb galeen wasiirrada xukuumadda qaar kamid ah safiirrada midawga Yurub ee Muqdisho ku sugan oo uu hoggaaminayay safiirka midawga Yurub ee Soomaaliya, Nicolas Berlanga. Kulanka oo ka dhacay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa qayb ka ahaa shirarka joogtada ah ee looga hadlo horumarinta wadashaqeynta ka dhexeysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo Midawga Yurub. View the full article
  7. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-habeen-11032020.mp3 View the full article
  8. Health authorities in Somalia have placed a man in confinement after he arrived in the country from China through the Ethiopian capital, Addis Ababa. The Health and Social Welfare Ministry said in a statement that the man was quarantined in a safe location to ascertain whether he has the deadly Coronavirus disease or not. The deadly disease has ravaged several countries including China, Italy, and Iran, killing over 3000 people and leading to the infection of over 100,000. View the full article
  9. PRESS RELEASE Military Leaders adjust scope of Exercise African Lion to protect against COVID-19 Scheduled to start March 23, the exercise will now include only portions that do not require lodging of troops in close quarters JOHANNESBURG, South Africa, March 11, 2020/ — Military leaders from the United States, Morocco, Tunisia and Senegal will modify the size and scope of African Lion to minimize exposure of U.S. and partner nation service members to the novel coronavirus (COVID-19). “The safety and protection of all of our forces — U.S. and partner nation — is a priority. Modifying the exercise still improves readiness while minimizing risk to protect both U.S. and partner forces,” said Gen. Stephen J. Townsend, commander of U.S. Africa Command. “While the scope of the exercise will adjust, our commitment to our African partners endures.” Scheduled to start March 23, the exercise will now include only portions that do not require lodging of troops in close quarters. It will also include the academics portion that has already begun. The decision to modify the size and scale of the exercise was made after several weeks of monitoring the COVID-19 situation and in close coordination with host nation military and government leaders. “We’ve made tremendous gains in terms of our partnerships with the Moroccan, Tunisian and Senegalese forces, as well as our ability as a headquarters to forge a coalition across multiple countries, force components, national and international organizations. That experience alone makes our military stronger, and our countries more secure,” said Maj. Gen. Roger Cloutier, commanding general of U.S. Army Africa, which executes the annual exercise. While the scope and size of African Lion 2020 has changed, planning continues for the exercise in 2021. Distributed by APO Group on behalf of Africa Regional Media Hub. SOURCE Africa Regional Media Hub Qaran News
  10. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho. War-saxaafadeed ka ka soobaxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa lagu sheegay in kulankaas looga hadlay horumarinta dhaqaalaha, deyn cafinta iyo horymarinta amniga Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay kulanka oo ay qay ka qayb galeen wasiirrada xukuumadda qaar kamid ah iyo safiirrada Midowga Yurub ee Muqdisho ku sugan oo uu hoggaaminayay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Nicolas Berlanga. Kulanka oo ka dhacay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa la sheegay in uu qayb ka ahaa shirarka looga hadlo horumarinta wadashaqeynta ka dhexeysa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub. PUNTLAND POST The post Maxay ka wada hadleen Xukuumadda Federaalka iyo Midowga Yurub? appeared first on Puntland Post.
  11. Mandhera (Caasimada Online) – Barasaabka Mandhera Cali Roba ayaa shaaca ka qaaday in xaaladda magaalada aysan weli daganeyn islamarkaana uu mar walba qarxi karo dagaalka u dhaxeeya ciidamada Jubaland iyo kuwa dowladda Soomaaliya. Cali Roba oo qoraal soo dhigay twitter-ka ayaa sheegay in ciidanka Jubaland ay isku urursanayaan gudaha magaalada Waxa uu sidoo kale sheegay in xalay rasaas laga maqlay xuduudda, ayada oo la rumeysan yahay in rasaastaas ay rideen ciidamada Jubaland daacadda u ah ee uu hogaaminayo Cabdirashiid Janan. Cali Roba ayaa sidoo kale sheegay in shacabka magaalada ay maanta soo sheegeen in laba baabuur oo xamuul ah oo sida ciidamada Janan ay usoo jaheysteen Mandhera ayaga oo soo maraya waddada B9/A13 Road. Arrintan ayaa imaneysa ayada oo dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ay isku dayayaan inay xal u helaan xiisadda xudududa, waxaana la filayaa in madaxweyne Farmaajo uu booqdo dalka Kenya. Xuduudda ayaa waxaa 2-dii March ka dhacay dagaal dhex maray ciidamada dowladda iyo kuwa Janan, waxaana ku dhintay shan qof oo dhinacyada dagaalamay ah, ayada oo 15 kale ay ku dhaawacmeen. Dagaalkaas ayaa horseeday in dowladda Kenya ay ciidamada Soomaaliya ku eedeysay inay kusoo xadgudbeen madax-banaanideeda, halka Soomaaliya ay sheegtay in ciidanka Kenya ay ka qeyb-galeen dagaalka, oo ay madaafiic ku garaaceen Beled-Xaawo.
  12. Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashadda oo Leexsaday 400,000$ Oo Lagu Horumarinayay Waxbarashadda Reer-Guuraaga Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashadda iyo Sayniska Somaliland Axmed Abokor Maxamed ayaa leexsaday lacag dhan $400,000 oo lagu horumarinayay Waxbarashada Reer-guuraaga. Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashadda ayaa lacagtan marsaday NGO uu gaar u leeyahay, kaasoo uu siiyay mashruuc lagu horumarinayay waxbarashada xaaladaha degdega ah (Education Emergency). Mashruucan oo ay fulintiisa qaadatay haayada UNICEF, isla markaasna laga maal-galinayay sanduuqa waxbarashada ee Education Cannot Wait ayaa haayada UNICEF iyadoo kaashanaysa Agaasimahan qandaraas hoosaad sii siisay ururka SOYCA ee uu Agaasimuhu leeyahay, iyadoo loo siiyay inuu mashruucan ka fuliyo gobollada Saaxil, Gabilay iyo Maroodi-jeex. Mashruucan ayaa waxa ku baxaysa $6.7M, waxaanay bishii la soo dhaafay ay haayada UNICEF u shubtay ururka SOYCA ee Agaasime Axmed Abokor fayskii koowaad ee kharashka fulinta mashruuca oo dhan $400,000. Ururka SOYCA oo xaruntiisa guud ay tahay magaalada Berbera, ayaa waxa aasaasay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashadda, waxaana hada maamulka ururka u haysa walaashii Khadra Abokor. Maaha markii ugu horaysay ee Axmed Abokor ururkiisa SOYCA u sameeyo eex, gacal-miis iyo musuq-maasuq, hase yeeshee sanadihii 2006 ilaa 2012 oo uu Agaasimuhu madax ka ahaa mashruuca waxbarashada ee haayada Save the Children ayuu sidan oo kale musuq-maasuq sameeyay, isagoo gaar u naas-nuujiyay, qandaraasyana siiyay ururkiisa Soyca, taasoo sababtay in aakhirkii ay haayada Save the Children Axmed Abokor shaqadii uga erido arintan iyo musuq-maasuqyo kaloo uu sameeyay. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo hore ugu ololeeyay in uu musuqa la dagaalamayo ayaan la garanayn talaabada uu ka qaadi doono, maadaama aanay talaabadan musuq-maasuq ahayn tii koowaad ee uu Axmed Abokor sameeyo mudadii uu Wasaarada Waxbarashadda joogay, bal se ay ka mid noqonayso musuqa aan joogsiga lahayn ee uu mudadaasba ku boobayay hantida umada Somaliland. Xigasho:Hadhwanaagnews Qaran News
  13. Itoobiya oo qabatay hub+Halkuu ka soo degay & Dadka lagu qabtay darro ah Saraakiisha sirddoonka Itoobiya waxay u sheegeen telefishinka dowladda Itoobiya inay qabteen koonteenar uu ka buuxo hub sharci darro ah oo lasoo marsiiyay dhinaca dekedda Jabuuti. Saraakiisha waxay sidoo kale sheegeen inay rumeysan yihiin in hubkan laga soo dhoofiyay dhinaca Turkiga isla markaana ay Itoobiya soo geliyeen kooxo caalami ah oo ka ganacsato hubka sharci darrada ah, sida laga soo xigtay warbaahinta. Hubkan waxaa ku jiray ilaa 18,000 bastoolad, waxaana qiimahiisu lagu qiyaasay 13 malyan oo doolar. Saraakiisha waxay ka dhawaajiyeen inay qabteen 24 qof oo looga shakisan yahay hubka. labo kamid ah dadkaas waxay u dhasheen Suudaan. Qaran News
  14. Dadka caanka ah ee uu ilaa hadda ku dhacay Caabuqa Corona Tirada dadka caanka ah ee uu ku dhacay Caabuqa Corona ayaa sii kordheysa Tan iyo markii uu caalamka ku fiday Caabuqa cusub ee Corona, inkastoo uu soo ritay dad badan oo rayid ah, haddana waxaa soo baxayay warar sheegaya inuu ku dhacay dad caan ah iyo madax ka tirsan dowlado. Qaar ka mid ah madaxda caalamka, ayaa loo soo jeediyay inay iska baaraan Caabuqa ama ay karantiil iskood ah galaan. Waddanka Iiraan ayey mas’uuliyiinta ugu badan ku qaadeen Corona, halka qaarna lagu soo warramay inayba u geeriyoodeen. Ilaa 7 mas’uul oo u dhashay waddankaas ayaa lasoo tabiyay inuu gaaray cudurka, halka wadaad caan ahna uu u geeriyooday. Dalka Mareykankana, shan siyaasi oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga iyo hal siyaasi oo xisbiga Dimuqraaddiga ah ayaa iskood isku karantiilay kaddib markii ay dareemeen inay halis ugu jiraan Caabuqa. Siyaasiyiintan oo qaarkood ay yihiin kuwa ugu caansan xisbiga talada haya ee Mareykanka ayaa dabayaaqadii bishii lasoo dhaafay la kulmay qof uu ku dhacay Corona. Madaxweyne Donald Trump iyo ku xogeenkiisa, oo qudhooda goob joog ka ahaa shirkaas ayaa diiday inay iska baaraan cudurka ama ay is karabtiilaan. Haddaba maxaan ka ognahay dadka magaca leh oo ilaa hadda la xaqiijiyay in laga helay Caabuqa Corona? Wasiirka Caafimaadka ee UK – Nadine Dorries Nadine Dorries waxay ka mid tahay dadka uu ku dhacay Caabuqa Corona UK waxay ka mid tahay dalalka sida weyn ula tacaalayan Caabuqan kusii fidaya dunida daafaheeda. Ilaa 382 ruux ayuu cudurkan kula dhacay gudaha UK, halka 6 qof oo kalena ay ilaa hadda ugu geeriyoodeen dalkaas gudihiisa. Dadka uu Caabuqa haleeyay waxaa ka mid ah haweeneysa Wasiirka Caafimaadka ka ah UK, Nadine Dorries. Ms Dorries ayaa sheegtay inay si iskeed ah isugu karantiileysay gurigeeda. Xildhibaannadda xisbiga Shaqaalaha, Rachael Maskell ayaa iyadana sheegtay in lagu amray inay gurigeeda isku karantiisho, maadaama ay la kulantay Ms Dorries. Wasaaradda Caafimaadka ee UK ayaa sheegtay in Ms Dorries markii ugu horreysay calaamadaha Caabuqa lagu arkay maalintii Khamiista. Isla maalintaas waxay ka qeyb gashay shir uu marti galiyay Ra’iisul Wasaaraha. Madaxweyne kuxigeenka Iiraan – Masoumeh Ebtekar Masoumeh Ebtekar, waa madaxweyne ku xigeenka Iiraan Madaxda Iiraan ee uu ku dhacay Caabuqa Corona waxaa ka mid ah Masoumeh Ebtekar, oo ah madaxweyne ku xigeenka arrimaha haweenka u qaabilsan madaxweynaha dalka Iiraan Xassan Rowxaani. Masoumeh Ebtekar, oo sidoo kale ah haweeneyda xilka ugu sarreeya ka heysa dalka Iiraan ayaa cudurka laga helay dabayaaqadii bishii lasoo dhaafay, sida uu sheegay ku xigeenkeeda. Waxaa lagu amray inay gurigeeda iska joogto, si iskeed ah isku karantiisho. Waxay ahayd sarkaalkii 7-aad oo reer Iiraan ah oo uu Caabuqa haleelay. Iiraan waxay ka mid tahay dalalka uu saameynta ugu ba’an ku yeeshay Corona, marka laga soo tago Shiinaha, oo ah halkii ugu horreysay ee uu kasoo billowday. Wasiir kuxigeenka Caafimaadka ee Iiraan – Iraj Harirchi Iraj Harirchi mopped his brow at a news conference before testing positive for coronavirus disease. Iraj Harirchi wuxuu ka mid yahay madaxda reer Iiraan ee laga helay cudurka dhawaan magaciisa loo bixiyay Covid-19. Ninkan ayaa lagu eedeynayay inuu ka mid ahaa saraakiisha dalkaas ee isku dayeysay inay qariyaan tirada rasmiga ah ee uu haleelay cudurka. Waxaa la shaaciyay muuqaal laga arkayay wasiir ku xigeenka oo indhaha iyo wajiga ku tirtinaya istiraasho, taasoo la aaminsan yahay inay ka mid tahay calaamadaha Coronavirus. Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in kororka lama filaanka ah ee kiisaska laga soo tabiyay Iiraan uu yahay “mid walaac abuuraya”. Waaxda caddaaladda ee Iiraan ayaa amartay in si ku meel gaar ah xabsiyada looga sii daayo maxaabiis ay tiradoodu dhan tahay 70,000 oo ruux, si loo yareeyo fiditaanka cudurka. Tirada guud ee maxaabiista ku xiran gudaha Iiraan ayaa lagu qiyaasaa 189,500 oo qof. Milkiilaha kooxaha Nottingham Forest iyo Olympiakos – Evangelos Marinakis Evangelos Marinakis, waa milkiilaha kooxaha kubadda cagta ee Nottingham Forest iyo Olympiakos Dadka kale ee caanka ah ee laga helay Corona waxaa ka mid ah ganacsadaha leh kooxaha kubadda cagta ee Nottingham Forest iyo Olympiakos, Evangelos Marinakis Marinakis, oo 52 jir ah, ayaa ka qeyb galay kulan ay Jimcadii kooxdiisa Nottingham Forest la ciyaareysay kooxda Millwall. “Mr Marinakis waxaa laga helay cudurka kaddib markii ay kasoo muuqdeen calaamadaha Caabuqa, xilli uu kasoo laabtay waddanka Giriigga”, ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay kooxdiisa Forest. Marinakis ayaa horay baraha bulshada, gaar ahaan bartiisa Instagram-ka ugu shaaciyay inuu ku dhacay Caabuqa. Qaran News
  15. Interior Cabinet Secretary Fred Matiang’i met Ethiopia Prime Minister Abiy Ahmed over efforts to de-escalate tensions between Kenya and Somalia. Matiang’i and his delegation flew to Addis Ababa Tuesday for the meeting following a similar one in Mogadishu with President Mohamed Farmaajo with Farmajo agreeing to meet President Uhuru Kenyatta in Nairobi at a date to be announced. Interior ministry said Matiang’i had been sent by President Uhuru for a meeting with Ali.“Interior CS Matiang’i led a team of high-ranking government officials sent by President Uhuru to hold talks with Ethiopia’s PM Abiy Ali with a view to identifying more collaborative approaches to advance Kenya’s mutual cross-border relations with Somalia,” a statement said. Details of the meeting were not available. The move came as Somalia’s international partners called for cooperation and dialogue between Jubbaland State authorities and the Federal Government of Somalia and demanded that all actors exercise restraint and avoid actions that could spark violence.“We urgently call upon all actors to exercise restraint, to reduce the presence of security forces in Gedo, and to avoid any actions that could spark violence. We note the importance of stability and good cooperation among Ethiopia, Kenya, and Somalia in their common border area where they have shared security interests,” a joint statement said. The statement said the partners welcome the communication between President Farmajo and President Uhuru on March 5 and encouraged the leaders to continue to de-escalate tensions, to cooperate on border security, and to form a joint committee to address issues of diplomacy and trade as they agreed. It was signed by African Union Mission in Somalia (Amisom), Denmark, Ethiopia, EU, Germany, Intergovernmental Authority on Development, Italy, Sweden, UK, US and the UN. They expressed grave concern at the build-up of security forces in the Gedo region of Jubbaland, Somalia, and clashes in the vicinity of Belet Hawo on March 2 that have resulted in the displacement of civilians and casualties. Both forces have in the past been united in fighting Al-Shabaab but the latest developments have forced the US government to intervene and prompted Uhuru and Farmajo to speak on the phone last Thursday and announced that committees would be formed to discuss border security. Ethiopia too put pressure on Farmajo and asked him to speak directly with President Uhuru. This according to sources was aimed at deescalating the tensions that had started to benefit militants, especially in Gedo region. The tension started last year when Somalia refused to withdraw a maritime boundary case at the International Court of Justice. The ICJ will hear and decide, the case this June. Somalia is angered by Kenya’s move to host fugitive Jubbaland security minister Abdirashid Hassan Abdinur. The fighting last Monday prompted Kenya to tell Somalia, to cease and desist from the unwarranted provocations at the main border. President Uhuru chaired a special session of the National Security Council (NSC) to discuss the unwarranted attack on Kenya’s territorial integrity and sovereignty by Somalia. This came a day after 11 Kenyan MPs from North Eastern visited Mogadishu and met with President Farmajo and local intelligence chiefs. The Somali troops had been camping in the region for the past month planning a raid to capture the fugitive Jubbaland minister, who has been hiding in the county. The official arrived in Mandera town on January 30 and was booked into a local hotel after he escaped from a Mogadishu prison where he had been held since August 31, 2019. Kenya Defence Forces (KDF) has been patrolling the town even as local leaders urged workers to resume work. View the full article
  16. The US Africa Command (Africom) on Tuesday conducted an airstrike in coordination with the Somali troops that killed five Al-Shabaab fighters in Janale, southern Somalia, a day after another US airstrike killed four other militants in the same region. “In coordination with the Federal Government of Somalia, U.S Africa Command conducted an airstrike targeting Al-Shabaab terrorists in the vicinity of Janaale, Somalia on March 10,” Africom said in a statement. “The command’s initial assessment concluded this airstrike killed five terrorists,” the statement added. Africom, however, said they were investigating reports that the latest airstrike killed civilians. “While we currently assess that the airstrike injured no civilians, we are aware of social media reports alleging civilian casualties resulting from this airstrike,” Africom said. The US has ramped up airstrikes against Al-Shabaab, carrying out 26 strikes against the Al-Qaeda-linked militants since the year started. View the full article
  17. Qodobada barnaamij wareedka galabnimo ee GoobjoogFM ugu doorka roon ayaa waxa ay kala yihiin: Taliska Mareykanka ee qaaradda Africa ayaa faah-faahiyay sababta keentay in ay kordhiyaan duqeynta cirka ah ee ay la beegsadaan Alshabab. Odayaasha dhaqanka Buulo-burte ayaa la kulmay Guddomiyaha Gobolka Hiiraan kalana hadlay Xaaladda ka taagan Degmada. Xeer ilaalinta Puntland oo Amartay in Lala Wareego Badeecad Kasta oo Lagala Dhuunto Canshuurta. Hadabada halkaan ka dhageyso qodobadaasi oo intaas ka faahfahsan, waxaana soo jeedinaya weriyaasheena kala ah Bashiir Beerdaro iyo Anfac Aadan https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/03/Bar-waredka-galabnimo-11-03-2020.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Indian sugar mills have so far contracted to export 3.5 million tonnes of sugar the in 2019/20 marketing year, mainly to Iran, Malaysia, Somalia and Sri Lanka, a trade body said on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  19. Gudoomiye Cirro oo magacaabay Gudida kala xulista Musharaxiinta Barlamaanka & Golayaasha Degaanka Qaran News
  20. Kenya has sought Ethiopian contribution to resolve issues along its common border with Somalia. The rift recently resulted in Kenya warning her neighbour to desist from acts that bordered on threatening its territorial integrity. Source: Hiiraan Online
  21. The situation in Mandera is still unstable over the clash between Jubaland forces and the Somali National Army, governor Ali Roba has said. Source: Hiiraan Online
  22. Riyadh (Caasimadda Online) – Waxaaa sii xoogeystay oo meel sare gaaray dagaalka dhanka Saliida ee u dhaxeeyo Dowladaha Sacuudiga iyo Ruushka, kadib tallaabo cusub oo ay ku dhowaaqday dowladda Sacuudiga. Shirkadda shidaalka Sacuudi Carabiya ee Saudi Aramco ayaa Arbacada sheegtay inay qorsheyneyso inay wax soo saarkeeda saliid ceyriin ay kordhiso hal milyan oo barmiil maalinkiiba, xilli uu xoogeystay dagaalka shidaalka ee u dhaxeeya Sacuudiga iyo Russia. “Saudi Aramco waxay ku dhowaaqeysaa inay amar ka heshay wasaaradda tamarta si ay sare ugu qaado wax soo saarkeeda saliida oo hadda ah 12 milyan oo barmiil maalinkii, islamarkaana gaarsiiso 13 milyan,” ayey shirkadda ku tiri bayaan ay u dirtay Suuqa Kala Iibsiga Saamiyada ee Sacuudiga. Tallaabada Sacuudiga ayaa timid kadib markii uu burburay heshiis u dhaxeeyey dalalka ku jira ururka OPEC iyo kuwa aan ka midka aheyn, oo Russia ay qeyb ka tahay. Sacuudiga ayaa markii hore soo jeediyey in la dhimo wax soo saarka saliidda 1.5 milyan oo barmiil maalinkiiba, si loola tacaalo dhaqaale xumada ka dhalatay cudurka Coronavirus oo yareeyey dalabkii saliida cayriin ee caalamka. Hase yeeshee waxaa taas diiday Russia. Dhowr sano ka hor, boqortooyada Sacuudiga ayaa meesha ka saartay qorshe ay wax soo saarkeeda saliida ceyriin uga badin lahayd 12 milyan oo barmiil maalinkiiba kadib markii hoos u dhac uu ku yimid dalabka saliida dalalka OPEC oo tartan xooggan kala kulmay shirkadaha Mareykanka ee soo saara shidaalka laga sameeyo dhagaxa. Russia, oo ah dalka labaad ee dhoofiya saliidda ugu badan caalamka, ayaa Talaadadii sheegtay inay diyaar u tahay inay dib u cusbooneysiiso wada-shaqeyntii dalalka OPEC, inkasta oo uu Sacuudiga kasii daray dagaalka kuna dhowaaqay inuu suuqyada caamalka kusoo farqi doobno shidaal badan. Isku dhaca Sacuudi Carabiya iyo Russia ayaa 25% hoos u dhimay qiimaha shidaalka caalamka, taasi oo horseeday in guud ahaan suuqyada saamiyada caalamka ay qiimo dhacaan.
  23. Wafdi ka socday ururka midowga Yurub ayaa maanta waxa ay gaareen magaalada Baraawe ee gobalka Shabeelaha hoose, waxaana halkaasi ku soo dhoweeyay madaxda gobalkaaasi. Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminaayay safiirka midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ee Amb. Nicolás Berlanga Martinez, waxaana garoonka diyaaradaha ee magaalada Baraawe ku soo dhoweeyay guddoomiyaha gobalka Shabeelaha hoose Ibraahim Aadan Cali. Ujeedka safarka midowga Yurub ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay u kuur galidda xaaladaha ka jira deegaanada dowlad goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya oo inta badan ay ka dagaalamaan dhaqdhaqaaqa Al shabaab. Waxaana sidoo kale xusid mudan in midowga Yurub uu gacan weyn ka geystay dhismaha garoonka diyaaradaha ee Baraawe oo shalay xarigga si rasmi ah looga jaray. Magaalada Baraawe ayaa waxaa la filayaa in bilaha soo aadan uu ku shaqeeyo maamulka madaxweyne Laftagareen xilli dib u habeyn lagu sameeyay magaaladaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Kenya and Djibouti are now connected through the submarine cable Djibouti Africa Regional Express 1 (Dare1). The cable landed in Mombasa this week and is expected to boost connectivity in the Horn of Africa. Source: Hiiraan Online
  25. Gudoomiyaha Gudida Qandaraasyada S/land oo Qandaraas Macaash buurani ku jiro quudaraynaya inuu Gacanta ka saaro inaadeerkii Sida ilo wareedyo xogogaal ah oo ku dhawdhaw Gudida Qandaraasyada Somaliland u soo dusiyeen warfidiyeenka Qarannews,Gudoomiyaha Gudida Qandaraasyada Somaliland Nuux Maxamed Xuseen laftiisa ayaa Gucle iyo orod uga jira sidii uu qandaraaska Timirta Ciidamada Somaliland la siiyo Bisha Ramadaan Farta uga saari lahaa Sarkaal ka tirsan Ciidanka Asluubta oo ay isku beel ka soo jeedaan,Kaas oo ku gaashaaman ama wata liisanka magaca shirkad soo waarida Bir-libaaxda iyo Isbeer-baadhka baabuurta duuga ah oo la yidhaahdo Aflax Used Spare Parts oo aan looga baran keenida Cuntooyinka Daruuriga ah,balse muraadkan oo keliya looga dan leeyahay. Sarkaalka lala doonayo Qandaraaska Timirta oo Magaciisa lagu sheegay Cabdillaahi ayaa Xogguhu sheegayaan inuu tirsan yahay Ciidanka Asluubta Isku soo wada duuboo tibaaxo meelo kala duwan ka soo duulduulaya ayaa tibaaxaya inay Gudoomiyaha Gudida Qandaraasyada ka go’an tahay inaanu Beerdarayn jaaniskan oo macaash buurani ku jiro ee uu dhaanka iyo Inaadeerkii Cabdillaahi ula gurguurto. Qaran News