Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,390
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wasiirka arrimaha gudaha dalka Kenya Fred Matiang iyo wafdi u hogaaminayo oo ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa la kulmay ra’iisul wasaaraha dalkaasi Abiy Ahmed. Wafdigaan ayaa waxaa Addis Ababa u diray madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, si ay Itoobiya ugala hadlaan xiriirka sii xumaanaya ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Galinkii dambe ee talaadadi wafdi uu hogaaminayey wasiir Fred Matinag ayaa ka duulay garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta,waxaana lagu soo dhaweeyay Addis Ababa. Wasiirka arimaha gudaha Kenya Fred Matiang ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray ku sheegay in madaxweyne Uhuru uu faray inuu Addis Ababa kulamo kula soo qaato ra’iisal wasaare Abiy Ahmed, si dowlada Itoobiya ay qeyb uga noqoto dadaalada nabadeed ee lagu xalinayo xiisada u dhexeysa xukuumadaha Muqdisho iyo Nairobi. Wafdigaan ayaa maalmo kahor yimid gudaha magaalada Muqdisho, waxaana kulamo ay la qaateen madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo arrimo kale. Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaan caga badan ku taagneyn, maadaama labada wadan uu ka dhexeeyo kiis dacwadeed ku aadan Badda oo la hor geeyay maxkamada ICJ. View the full article
  2. Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegtay in ay diyaariyeen goob lagu karaantiilo dadka ka imaanaya wadamada uu sida aad ka ah ugu faafay caabuqa Coronavirus. Ilo lagu kalsoonyahay oo ka tirsan Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa waxa ay Goobjoog News u sheegeen in goobtaan oo ku taalla mid ka mid xarumaha caafimaadka ay ugu talagaleen dadka ay uga shakiyaan caabuqa Coronavirus ee ka imaanaya dalalka Shiinaha, Iiraan iyo Talyaaniga. Shalay ayey ahayd markii muwaadin Soomaaliyeed oo ka yimid dalka Shiinaha lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ka dibna lagu karaantiilay meel ka mid ah gudaha garoonka Aadan Cadde, Goobtan, ayaana wasaaradda caafimaadka waxa ay ka taageeri doontaa xakamaynta dadka ay uga shakiyaan cudurka Coronavirus oo caalamka fara ba’an ku haya. Halkan ka daawo sawirada Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Puntland Ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland Maxamed Xareed Faarax, oo warbaahinta kula hadlay Garoowe, ayaa fasaxay in dowladdu la wareegi karto beecad kast oo ka soo degta furdooyinka Puntland, haddii lagala dhuunto Canshuurta ku waaajibtay. “ Xafiiska Xeer Ilaalinta guud ee dowladda Puntland, wuxuu la socod-siinaya dhammaan ganacsatada, haddii badeecadaha ka soo dega furdooyinka Puntland lagala baxsado Canshuurta ku waajibtay, iyadoo lagu xad-gudbayo xeerarka Wasaaradda Maaliyadda, waxaan u sheegayna ganacsatada in dhammaan badeecaddaas ay la wareegayso dowladda” ayuu yiri Maxamed Xareed Sidoo kale, wuxuu sheegay in ganacsade kasta oo lagu qabto in uu canshuur la dhuuntay, ay Xeer ilaalintu ku soo oogi doonto dacwad-ciqaabeedka uu mutaystay, islamarkaana la hor-geyn doono maxkamadaha Sharciga u leh qaadista dacwaddaas. Ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee Puntland ayaa sidoo kale dowladda u fasaxay in ay la wareegi karto gaadiid kasta oo lagu qabto kotorobaan (shay aan sharciyaysneyn), waxaana uu ku hanjabay in cid kasta oo leh gaadiidkaas sharciga la hor-geyn doono. PUNTLAND POST The post Puntland: Badeecad kasta oo canshuurta lagala dhuunto dowladda la wareegaysa appeared first on Puntland Post.
  4. Qodobada saakay ugu waa weynaa ee warka GoobjoogFM ayaa waxa ay kala yihiin: 1. NISA ayaa sheegtay in Madaxiii Amniyaatka Al-shabab ee Gobolka Banaadir lagu dilay Gobolka Jubbada dhexe. 2. Dowladda Somaliya ayaa sheegtay in ay baaritaan ku waddo muwaadin soomaliyed oo ka yimid Dalka Shiinaha. 3. Wasaaradda Caafimadka Somaliya ayaa Dowladda Itoobiya ku eedaysay in ay hareer martay sharci yiil, oo looga hortagayay Caabuqada CARONA. Halkan ka dhageyso qodobadaasi oo faahfaahsan, waxaana saakay soo jeedinaya Jacfar Maxamed https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/03/saakay-iyo-goobjoog-11-03-2020-.mp3 Source: goobjoog.com
  5. WASHINGTON — Joe Biden decisively won Michigan's Democratic presidential primary on Tuesday, seizing a key battleground state that helped propel Bernie Sanders' insurgent candidacy four years ago. The former vice president's victory there, as well as in Missouri, Mississippi and Idaho, dealt a serious blow to Sanders and substantially widened Biden's path to the nomination. Source: Hiiraan Online
  6. Taliska Ciidamada Maraykanka ee AFRICOM ayaa mar kale shaaciyay in ay duqeyn culus la beegsadeen xubno ka tirsan Al-shabaab oo ku sugnaa degaanka Jannaale ee gobolka Shabeellada hoose. War-Saxaafadeed ka soo baxay Taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntaas oo dhacday gelinkii dambe ee shalay ay ku dileen 5 Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab inkastoo aysan xusin magacyada xubnahaas. Dhinaca kale Al-Shabaab oo ka hadlay duqeynta degaanka deegaanka Jannaale ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay Mareykanka uu duqeyntaas ku diley Afar Qof oo Shacab ahaa. Warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa sheegtay in dadkaas lagu laayay duqeynta ay wateen Gaari xilliga lagu duqeeyay degaanka Jannaale balse faahfaahin sii dheer ma bixin. PUNTLAND POST The post Maraykanka iyo Al-shabaab oo ka hadlay duqeyn kale oo ka dhacday Jannaale appeared first on Puntland Post.
  7. Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud (Faratoon) oo la hadlay warbaahinta ayaa ka jawaabay warbixin shalay uu daabacay wargeyska Capital ee ka soo Addis Aababa, kaas oo shaaciyey in dowladda Itoobiya ay joojisay maalgashigii ay ku laheyd horumarinta dekedda Berbera. Wasiir Faratoon ayaa gaashaanka u daruuray warbixintaasi, isagoona ku tilmaamay waxba kama jiraan. Sidoo kale wuxuu sheegay in weli uusan jirin war rasmi ah oo ka soo baxay Itoobiya oo ku aadan arrintaasi, sidoo kalena uusan jirin xiriir ay la soo sameyn dhinacooda. Wasiirka arrimaha dibadda maamulka Somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale tilmaamay in heshiiskii ku saabsanaa horumarinta iyo ballaarinta dekadda magaalada Berbera oo ay horay ula galeen wadamada Itoobiya iyo Imaaraadka uu sidiisa yahay. Shalay ayey aheyd markii Capital uu qoray inay Itoobiya hakisay mashruucaasi, islamarkaana ay qorsheyneyso in deked kale ay ka sameysato dalka Sudan. Heshiiska dekedda Berbera ayaa ah mid saddex geesood ah, waxaana Imaaraadka uu ku leeyahay 51%, sidoo kale Itoobiya ayaa leh 19%, halka Soomaaliland ku leedahay 31%.
  8. War qoraal ah oo ka soo baxay taliska AFRICOM ee Mareykanka ayaa faah faahin looga bixiyey duqeymo diyaaradaha Mareykanka ay ka fuliyeen gobolka Shabeelaha Hoose. Mareykanka ayaa sheegay in duqeyntaaasi oo ka dhacday deegaanada Janaale ay ka qeyb qaateen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dowladda Soomaaliya. Sidoo kale qoraalka AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaasi dhanka cirka ah ay ku dileen illaa shan xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab. Dhanka kale AFRICOM ayaa sheegtay in duqeyntaasi aysan wax khasaare ka soo gaarin dadka rayidka ah ee ku dhaqan halkaasi. Maalin ka hor ayey markii deegaanka Janaale ee gobolka Sh/ Hoose uu Mareynkanka ka fuliyey duqeyn diyaaradeed oo uu tilmaamay inuu ku dilay afar ka tirsana Al-Shabaab. View the full article
  9. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday madaafiic oo xalay dagaalyahannada Al-Shabaab ay ku garaaceen degmada Beled-Xaawo ee G/Gedo. Weerarka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday saldhigyo ciidamada dowladda ay ku leeyihiin duleedka degmadaasi. Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay inay mar qura ku soo baraarugeen daryanka madaafiic xoog leh oo la sheegay in lagu weeraraday saldhigyadaasi. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi, balse ciidamada dowladda ayaa saaka dhaq dhaqaaqyo cusub ka bilaabay halkaasi. Muddooyinkii dambe ayaa waxaa gobolka Gedo, gaar ahaan degmada Beled-Xaawo ka taagaan xiisada xoogan oo u dhexeysa ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland. View the full article
  10. Guddoomiyaha cusub ee Dhuusamareeb, Cabdiraxmaan Cali Maxamed (Geeda-Qorow) oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyey dagaalkii shalay ka dhacay degmadaasi. Geeda-Qorow ayaa xaqiijiyey in iska hor imaadkaasi ay ku dhinteen illaa 2 askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay xiran yihiin askartii kale ee ku wada galaamay halkaasi, islamarkaana ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Turki-1-1.mp3 View the full article
  11. Kadib markii shalay Wargeyska Capital ee ka soo baxa Addis Ababa, uu sheegay in Itoobiya ay joojisay saamigii maalgashi ee 19% ay ku lahayd dekedda Berbera, ayaa waxa arrintaas beeniyay maamulka Somaliland. Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon, ayaa been abuur ku tilmaamay warkii uu qoray Wargeyska Capital ee kasoo baxa Itoobiya, kaasi oo la xiriiray in Itoobiya joojisay maalgashigii ay ku lahayd dekedda Berbera. Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa sheegay in uusan jirin warkaas uu daabacay Wargeyska Capital, isla markaana weli war rasmi ah uusan kasoo bixin dowladda Itoobiya oo ay uga hadlayaan in la joojiyay maalgashigii ee 19% ee Dekedda Berbera. Wargeysku, ma sheegin cidda uu xogtan ka soo xigtay, laakiin qaybo ka mid ah warbixintan wuxuu wargeysku ku waraystay wasiirka gaadiidka Itoobiya Dagmawit Moges oo sharaxday qorshaha ay Itoobiya ku doonayso in ay deked kaga samaysato dalka Suudaan, laakiin wasiirku ma soo hadal qaadin arrinta dekedda Berbera ee Somaliland. PUNTLAND POST The post Somaliland oo beenisay in Itoobiya ka baxday Saamigii Maalgeshi ee dekeda Berbera appeared first on Puntland Post.
  12. Wasiirka caafimaadka ee dalka Ingiriiska, Nadine Dorries ayaa sheegtay in laga helay xanuunka karoona, cudurkaasi oo haatan laga daweynayo. Ms. Dorries, oo sidoo kale ah xildhibaankii ugu horeeyay ee laga helo xanuunkaan ayaa sheegtay in ay qaaday tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee lagula taliyay, gurigeedana ay isku karantiishay. Hay’adda caafimaadka ee Ingiriiska ayaa sheegtay in ay sare u qaadeyso heerka baaritanaada xanuunka karoona, maadaama ay sare u kacayaan dadka uu ku dhacayo caabuqaas. Wasaaradda caafimaadka ee ay hogaamiso waxaa ay xaqiijisay in todobaadkii lasoo dhaafay laga helay astaamaha xanuunka, xilligaas oo ay booqatay aqalka looga arrimiyo dalka Ingiriiska ee Downing Street. PUNTLAND POST The post Wasiirka caafimaadka dalka Ingiriiska oo laga helay xanuunka Karoona feyrus appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Subax-110320.mp3 View the full article
  14. (SLT-London)-Dalka Talyaaniga waxaa Salaasadii laga diiwaangeliyay tiradi ugu badneyd ee ugu dhimata cudurka coronavirus, halka magaalada New York ee dalkaan Mareykanka la geeyay ciidanka ilaalada qaranka si loo xakameeyo faafiska cudurkaan oo argagax ku abuuray dhamaan caalamnka. Dalka ugu daran dhanka Yurub ee uu xanuunkaan haleelay oo ah Talyaaniga, salaasadii dhimashada ayaa gaadhay guud ahaan waddanka illaa iyo 631 qof. Dalka Ingiriiska, wasiirka caafimaadka, haweeneyda la yidhaahdo Nadine Dorries ayaa sheegtay inuu cudurka Coronovirus ku dhacay, isla markaana ay isku karantiishay hoygeeda. Magaalada New York ee dalkaan Mareykanka ilaa iyo 173 kiis ayaa la xaqiijiyay. Guud ahaan Mareykanka ku dhawaad kun qof ayaa la soo wariyay inuu cudurka ku dhacay. Shiinaha ayaa wali ah dalka ugu daran ee uu xanuunka aafeeyay. Waxaa illaa iyo hadda ugu dhintay dalkaasi in ka badan 3 kun oo qof halka uu soo riday dad gaadhaya 80 kun oo qof. Source
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa ka warbixiyey duqeyn diyaaradahooda shalay markale ay ka fuliyeen gobolka Sh/Hoose. Duqeynta oo markii labaad Mareykanka muddo ka yaray 30 saac uu ka fuliyey deegaanka Janaale ayaa wuxuu la beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab. AFRICOM ayaa warsaxaafadeedkeeda ku sheegtay in weerarkaan cusub ee dhanka cirka ah ay ku dileen illaa shan xubnood oo ka tirsanaa dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab. Qoraalkaan ayaa sidoo kale lagu sheegay in duqeyntaan looga hortagay khatar ay AFRICOM tilmaamtay in dagaalyahannada Al-Shabaab ay u wadeen dowladda federaalka ah Soomaaliya, ciidanka AMISOM iyo danaha Mareykanka ee Afrika, sida lagu yiri warka. Sidoo kale AFRICOM waxa ay shaacisay in howlgalkaasi dhanka cirka ah ay ka qeyb qaateen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya. Maalin ka hor ayey aheyd markii isla deegaankaan uu Mareykanka duqeyn ka fuliyey, taas oo uu sheegay inuu ku dilay illaa afar xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab. Maalmihii u dambeeyey diyaaradaha AFRICOM ayaa kordhiyey howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada Sh/ Hoose, Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe.
  16. Ciidanka Kumaandooska dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaanaya Taliska Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa duqeeyay Xarumo Al-Shabaab kulahaayeen degmooyinka Jilib, Bu’aale, Saakow iyo degaanka Salagle oo dhamaantood ka wada tirsan gobolka Jubada dhexe. Saraakiil ka tirsan Ciidanka Kumaandooska dowladda Federaalka ayaa sheegay in duqeyntaas oo dhacday xalay lagu bur buriyay fariisimo iyo gaadiid ay lahaayeen Xubno ka tirsan malayshiyaadka Al-Shabaab. Taliyaha Guutada 16aad Ciidanka kumaandooska dowladda Federaalka Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa sheegay duqeynta ay waxyeelo xooggan ka soo gaartay Saraakiil iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab,kuwaasi oo ay dib kasoo sheegi doonaan tirada dhimashada iyo dhaawaca soo gaaray. Taliyaha ayaa intaasi ku daray in Al-Shabaab haatan ay bilaabeen in ay isaga baxaan degaanno ka tirsan Jubbada dhexe, kadib markii ay kordheen weerarada dhinaca cirka ah oo Mareykanka la beegsanayo PUNTLAND POST The post Duqeymo xooggan oo lala beegsaday xarumihii Al-shabaab ee gobolka Jubada dhexe appeared first on Puntland Post.
  17. Faisal Hassan, NDP MPP for York South-Weston, [introduced] a private member’s bill today that, if passed, would officially recognize June 25 to July 1 as Somali Heritage Week in Ontario. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay waxay dood culus ka taagan tahay amar lagu bixiyay in ciidanka ilaalada ah laga qaado madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Dooddan ayaa u dhaxeysa xubno ka tirsan xafiisyada madaxweynaha iyo iyo taliyaha ciidamada Xoogga General Odawaa Yuusuf Raage, sida ay xog ku heshay Caasimada Online. Wararka ayaa sheegaya in Villa Somalia ay badashay dhamaan ciidankii Koofiya Casta ee ku sugnaa Muqdisho, waxaana lagu badalay ciidan cusub oo Koofiya Cas, halka kuwii hore loo wareejiyay gobolada dalka gaar ahaan Shabeellada Hoose. Ciidamada Ilaaliya madaxtooyada Soomaaliya oo dhalasho ahaan u badnaa beelaha HirShabelle iyo Galmudug ayaa hadda aad loogu yareeyay tirada ka joogta Madaxtooyada waxaana ku badan ciidamada ka soo jeeda Koonfur Galbeed iyo Gedo, kuwaas oo la wareegay dhamaan Kontaroolada laga soo galo Villa Somalia iyo gudaha madaxtooyada. Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ayaa waxaa ilaalo u ahaa tobaneeyo kamid ah Koofiya Casta Madaxtooyada, waxaana hadda amar lagu bixiyay in laga badalo laguna wareejiyo ciidan cusub oo tira ahaana aad uga yar, sidoo kalane aysan heyb ahaan is laheyn taas oo abuurtay walaac xoog leh. General Odawaa ayaa ciidankii hore ilaalada u ahaa Madaxweynayaashii hore ku qoray Taliska Guud taas oo ka hor tagaysa in la badalo waxaana Odawaa ku qabsaday Madaxweynaha. Wararku waxay sheegayaan in uu jiro khilaaf arrintaas ka dhalatay kadib markii Odawaa uu diiday in ciidanka uu badalo. “Ma badalayo ciidankaas inta aan ahay Taliyaha Xoogga, markii aniga lay badalo ayaa badali doontaan” ayuu yiri Odowaa sida ay noo sheegeen xubno ka tirsan saraakiisha Xoogga. Dowladda Soomaaliya ayaa damacsan tiro yar oo ciidan cusub ah u qorto madaxdii hore sida hore min laba askari loogu reebay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo ilaa hadda muujinaya walaac iyo cabsi xoog leh. Villa Somalia ayaa cadaadis dhanka amaanka ah saartay dhamaan mucaaradka waxayna ka reebtay ciidankii ilaalada u ahaa halka qaarkoodna aad looga yareeyay tirada ciidanka ilaaliya taas oo abuurtay xaalad cabsi ah oo aad u ballaaran.
  19. Leading Italian public health expert Nino Cartabellotta offers a stark perspective on the coronavirus outbreak in Italy. Source: Hiiraan Online
  20. Maritime development in Somalia has moved a significant step forward with the completion of the Somali Shipping Code. The Code is the culmination of some six years of work, Source: Hiiraan Online
  21. Addis Ababa (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Fred Matiang’I ayaa Talaadadii magaalada Addis Ababa kula kulmay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali, oo uu kala hadlay dadaallada la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda ka dhex oogan Soomaaliya iyo Kenya. Matiang’I iyo wafdigiisa ayaa Addis Ababa tagay kadib markii ay Muqdisho kula soo kulmeen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ay isku soo raaceen inuu soo booqdo Kenya waqti aan weli la shaacin. Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Kenya ayaa lagu sheegay in Fred Matiang’I uu diray Uhuru Kenyatta si uu ula soo kulmo Abiy. “Wasiirka arrimaha gudaha ayaa waxaa inuu wada-hadallo lasoo galo Abiy u diray madaxweynaha Kenyatta, ayada oo qorshaha uu yahay in Itoobiya ay Kenya kala shaqeyso sidii ay u hormarin lahayd xiriirka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda. Faah-faahin dheeraad ah lagama bixin kulanka labada mas’uul. Itoobiya ayaa la rumeysan yahay in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay ku cadaadisay inuu taleefon kula hadlo Uhuru Kenyatta, si xiisadda xuduudda loo qaboojiyo. Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali ayaa aad ay isugu dhowyihiin madaxweyne Farmaajo, oo uu hadda ka hor u kaxeeyey Nairobi, lana soo kulansiiyey Uhuru Kenyatta. Kenya ayaa rumeysan in Itoobiya oo ay ciidamo ka joogaan gobolka Gedo ay awood u leedahay inay wax badan ka dhaadhiciso madaxweyne Farmaajo, oo ciidamadeeda ay taageero siiyaan.
  22. Xukumada Farmaajo oo ku hanjabtay inay Talaabo adag ka qaadeyso Shirkada Diyaaradaha Ethiopian Airlines Halkan ka akhri warkaas oo faahfaahsan: Qaran News
  23. Wasiir ka tirsan Dawlada UK oo is karantiiley Markii laga helay Caabuqa CORONAVIRUS Wasiir ku-xigeenka caafimaadka UK Nedine Dorries ayaa laga helay cudurka CoronaVirus, waxaana ay sheegtay in si iskeed ah ay isku karantiileyso. Dorries oo sidoo kale ah xildhibaan ka tirsan xisbiga Conservative-ka ayaa sheegtay inay qaaday “dhammaan taxaddarada lagula taliyey” islamarkii loo sheegay in cudurka uu ku dhacay. Wargeyska The Times ayaa ku warramay in Dorries ay boqolaal qof kula kulantay baarlamanka toddobaadkii tagey islamarkaana ay ka qeyb gashay munaasabad uu ku sugnaa ra’iisul wasaare Boris Johnson. “Waaxda caafimaadka ayaa billowday inay daba-gasho dhammaan dadkii aan xiriirka la sameeyey, waxaana xafiisyadeeda wasaaradda caafimaadka iyo baarlamanka ay raacayaan talooyinka loo jeediyey,” waxaa sidaas bayaan ay soo saartay ku tiri Dorries. Wasiirka caafimaadka UK Matt Hancock ayaa qoraal oo soo dhigay twitter ku yiri inuu “aad ugu xun yahay” in Dorries laga helay cudurka. “Waxay sameysay waxa saxda ah si ay iskeed isugu karantiisho.” Arrintan ayaa imaneysa ayada oo tirada dadka u dhintay cudurka CoronaVirus ee UK ay gaartay lix qof, halka dadka cudurka uu ku dhacay ay guud ahaan marayaan 379 qof. In ka badan 116,000 oo qof ayaa laga helay cudurka CoronaVirus guud ahaan caalamka, ayada oo in ka badan 4,000 oo qof ay u dhinteen, sida uu sheegay ururka caafimaadka WHO. Qaran News
  24. Qoraal kooban oo lagu daabacay bogga twitter-ka Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka dowladda Federaalka Soomaaliya ee NISA ayaa lagu sheegay in koox ka amar qaadata Hoggaamiyaha Alshabaab Axmed Diiriye Abuu cubeyda ay degmada Bu’aale ku dileen madaxii hore ee Al-shabaab u qaabilsanaa Amniyaadka gobolka Banaadir Cumar Macalin Macaawiye. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Kooxda Alshabaab ay xabsiga dhigeen madaxa howlgalada Amniyaatka kooxda Al-shabaab ee gobolka Banaadir oo lagu magacaabo Cumar Maxamed “Saqdii dhexe ee xalay ayaa Bu’aale lagu dilay Muuse Macalin, oo horay isaga casilay madaxii Amniyaatka G-Banaadir ee AS, sidoo kale waxaa Xabsiga loo taxaabay madaxa hawlgalinta Amniyaatka G-Banaadir, Cumar Maxamed, iyadoo lafulinayey amarka Horjoogaha Maafiyada AS Axmed Diiriye” ayaa lagu yiri Qoraalka NISA PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo la sheegay in ay khaarajiyeen xubno ka tirsan Saraakiishooda appeared first on Puntland Post.