Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,410
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa gargaar caafimaad u dirtay dalka Mareykanka oo haatan kamid ah dalalka la daalaa dhacaya xanuunka corona. Gargaarkan ayaa ah qalabka lagu baaro xanuunka corona oo gaaraya 500,000 oo Turkiga uu u diray dalka Mareykanka. Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii xukuumadda Washington ay Ankara ka codsatay in laga caawiyo qalabkaas, waxaana arrintan xaqiijiyay wasiirka caafimmaadka ee Turkiga, Fahrettin Koca sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters. Mr Koca ayaa mar uu khudbad ka jeedinayay baarlamaanka wadankaas waxaa uu sheegay in ay ku han weyn yihiin sidii loo xoojin lahaa baaritaanada gudaha dalka Turkiga. Wasiirka ayaa sheegay in maalintii ay qorsheynayaan in ay xanuunka ka baaraan 10 kun ilaa 15 kun oo qof, wuxuu intaa raaciyay in haatan ay baareen dad ka badan 10 kun. Xanuunka corona ayaa fara ba’an ku haya dalal badan oo caalamka, waxaana ugu daran dalka Talyaaniga oo dad badan ay ugu dhinteen. Caabuqa corona ayaa dalka Talyaaniga ku dilay dad ka badan inta uu ku dilay dalalka kale ee caalamka, kadib markii maalin keliya ay dalkaas ku dhinteen dad gaaraya 427 qof. Tirada dhimashada ee dalkaas ayaa haatan mareyso 3,405, taas oo ka badan tirada dadka ku dhintay dalka Shiinaha oo ah halka markii hore uu ka bilawday. Dalka Shiinaha ayaa waxaa xanuunkaas ugu dhintay 3,245 qof balse waxaa su’aal la gelinayaa sax ahaanshaha tiradaas, maadaama aysan jirin cid si madaxbanaan u xaqiijin karta. Dhammaan shacabka dalka Talyaaniga ayaa lagu amray in ay guryahooda ku nagaadaan. Inkastoo ay jiraan tallaabooyin ay soo rogtay dowladda, haddana waxaa lasoo sheegay in ay jiraan dad wali u dhimanaya xanuunka, waxaana guud ahaan corona caalamka ugu geeriyootay dad gaaraya sagaal kun oo qof. Dhanka kale dowladda Shiinaha oo ah halka markii hore lagu arkay xanuunka ayaa sheegtay in aysan jrin kiisas cusub oo lagu arkay gudaha dalkaas balse ay jiraan dad qaba xanuunka oo Shiinaha uga yimid dibadda. Haseyeeshee tirada dadka uu ku dhacay xanuunka ayaa aad uga badan tan Talyaaniga oo dalkaas waxaa uu xanuunka haleelay 81 kun, halka Talyaanigana uu marayo 41,035. Isha: BBC
  2. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka duhur. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Duhur-20032020.mp3 View the full article
  3. Kenya Defence Forces (KDF) troops on Thursday killed 12 suspected Al-Shabaab militants in a raid at their camp inside the vast Boni Forest in Lamu County. Source: Hiiraan Online
  4. MOGADISHU (HOL) - UAE passenger plane that attempted to land in Somaliland after the Federal Government ban on international flights came to effect was forced to return to Dubai Thursday following the intervention of the civil aviation authority in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  5. GAROWE (HOL) - Puntland president Abdullahi Deni has hinted at a deal to ease tension with the Federal Government with the start of a visit to Mogadishu and engagement with other federal member states. Source: Hiiraan Online
  6. Xanuunka corona ayaa dalka Talyaaniga ku dilay dad ka badan inta uu ku dilay dalalka kale ee caalamka, kadib markii maalin keliya ay dalkaas ku dhinteen dad gaaraya 427 qof. Tirada dhimashada ee dalkaas ayaa haatan mareyso 3,405, taas oo ka badan tirada dadka ku dhintay dalka Shiinaha oo ah halka markii hore uu ka bilawday. Dalka Shiinaha ayaa waxaa xanuunkaas ugu dhintay 3,245 qof balse waxaa su’aal la gelinayaa sax ahaanshaha tiradaas, maadaama aysan jirin cid si madaxbanaan u xaqiijin karta. Dhammaan shacabka dalka Talyaaniga ayaa lagu amray in ay guryahooda ku nagaadaan. Inkastoo ay jiraan tallaabooyin ay soo rogtay dowladda, haddana waxaa lasoo sheegay in ay jiraan dad wali u dhimanaya xanuunka, waxaana guud ahaan corona caalamka ugu geeriyootay dad gaaraya sagaal kun oo qof. Dowladda Shiinaha waxay sheegtay in aysan jrin kiisas cusub oo lagu arkay gudaha dalkaas balse ay jiraan dad qaba xanuunka oo Shiinaha uga yimid dibadda. Haseyeeshee tirada dadka uu ku dhacay xanuunka ayaa aad uga badan tan Talyaaniga oo dalkaas waxaa uu xanuunka haleelay 81 kun, halka Talyaanigana uu marayo 41,035. Lombardy, oo ah gobolka uu saameynta ugu ba’an ku yeeshay Caabuqan ayaa laga soo tabiyay 319 dhimasho oo hal maalin gudaheed ah. Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in isku darka tirada guud ee uu ku dhacay caalamka oo dhan ay kor u dhaaftay 220,000. 80% kiisaskan ayaa laga soo tabiyay qaaradda Yurub iyo gobolka Galbeedka badweynta Pasific, oo ay ka mid yihiin dalal badan oo reer Assiya ah, sida ay sheegtay WHO. PUNTLAND POST The post Tirada dhimashada Corona ee Talyaaniga oo ka badatay Shiinaha appeared first on Puntland Post.
  7. Jowhar (SMN) – Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle, MaxameD Cabdi Waare, ayaa waxaa uu xilalkii ka qaadey Shan kamid ah Golihiisa wasiirada, isaga oo Magacaabey Xubno Wasiiro Cusub ah. Hoos ka akhriso wareegtadda View the full article
  8. Muqdisho (SMN) – Kulanka ayaa waxaa looga hadlay Doorka Maamulka Gobalka Banaadir iyo Dowladda Hoose kaga Aadan ka hor-tagga xanuunka Covid 19, gaar ahaan waaxda caafimaadka Dowladda Hoose iyo Warbaahinta Gobalka Banaadir kaga Aadan Wacyi galinta Bulshada. Kulanka waxaa kale oo looga hadlay Dardar galinta ololaha canshuur uruurinta Dowladda Hoose ee Xamar oo Meel Wanaagsan Maraya, Xaaladda Guud ee Amniga Magaalada Muqdisho ayaa kulanka muhiimad gaar ah la siiyay iyadoo la Xusay qaraxyadii lala eegtay Balaayaasha Kamirooyinka qarsoon ee lagu sugo ammaanka Magaalada ee loo yaqaan (CCTV), Waxaa kale oo lagu soo qaaday kulanka bilicda iyo Nadaafadda Magaalada Muqdisho. Kulanka ayaa waxaa Shir guddoominayey Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, waxaana goob joog ahaa Guddoomiye ku-xiggeenada Gobolka, Agasimayaayaasha guud, Agaasimayayaasha Waaxyaha, Guddoomiyayaasha Degmooyinka, taliska ciidanka ilaalada Deeganka Xamar, la taliyayaasha Duqa Muqdisho iyo afhayeenka Gobalka Banaadir. Shirkaan ayaa gabagabadiisa waxaa lagu ballamay in laga dhabeeyo hal-ku dhigga duqa Muqdisho oo ah Bulsho Nabad ah iyo Balad Nadiif ah. View the full article
  9. Muqdisho (SMN) – Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay bilaabeen inay ka baxaan Degmooyinka kuntuwaareey iyo Sablaale, kadib markii ciidanka xoogga dalka ay halkaasi ka bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo ciidan, kuwaasi oo ujeedkoodu yahay siddii ay u qabsan lahaayeen gobolka Shabeelaha hoose. Ciidanka xoogga dalka ayaa nawaaxiga degmooyinkaas ka bilaabay howlgalo ka dhan ah Alshabaab, kuwaasi oo inta badan haatan faarujiyay degmoyinkaasi, sidda ay sheegeen saraakiisha ciidamadda. Taliyaha ayaa sheegay in xubnaha Al-Shabaab ee ka baxay degmooyinkaas ay gaareen gobolka Jubada dhexe, ayna uga daba tagi doonaan. Ciidanka xoogga dalka oo la tilmaamay kordhiyeen howlgalada ka dhanka ah xarakada Al-Shabaab ayaa dhowaan gacanta ku dhigay degaanka Janaale oo kamid ah meelaha ugu muhiimsan gobolka Shabeellaha Hoose. View the full article
  10. Muqdisho (SMN) – Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho Safiirka Jamhuuriyadda Yemen ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Fadal Ali Ahmed Alhanik. Waxa uu kala hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga si la mid ah arrimo siyaasadeed iyo nabadgelyo oo labada dal ee walaalaha muhiimad u leh, waxa kale oo ay isla faaqideen xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka iyo dunida ee labada dal ay danaynayaan. Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Xoghayaha joogtada cusub ee Wasaaradda Mudane Danjire Maxamed Cali Nuur iyo Agaasimaha Waaxda Carabta Mudane Mustafa Aadan Dagaal. View the full article
  11. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka subax. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Subax-20032020.mp3 View the full article
  12. More than 2,000 nomads in Ethiopia’s Somali region have died since 2014 after falling ill from a mysterious disease that caused bleeding from their mouths and noses. Other reported symptoms include swollen limbs and green or yellow eyes. The affected people roam with their cattle around the Ogaden Basin region, which is being explored by companies looking for oil and natural gas. Reports of the mysterious illness and deaths have drawn Western reporters and researchers from rights groups to investigate. Residents of Calub, Ethiopia, have accused a Chinese project that includes construction of a pipeline from Ogaden to Djibouti of destroying the environment where their animals are grazing. Chinese firm Poly-GCL has been prospecting for natural oil and gas in Ogaden since 2014. It is expected to start commercial gas production soon. The Ethiopian government has signed a deal with the Chinese company that gives it 50% of any income from oil or gas exploration. The pipeline will enable Ethiopia to export natural gas. Local residents say they have not been consulted. The government in Addis Ababa has denied allegations that the project is causing a health and environmental crisis in the region. Prime Minister Abiy Ahmed has promoted oil and gas industry as essential for Ethiopia’s economic growth. Source VOA Qaran News
  13. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xilka qaadis ku sameeyay afar katirsan Wasiiradiisa iyo hal Wasiir ku xigeen. Digreetada magacaabista ee Madaxweyne Waare kasoo baxday waxaa loo cuksaday shaqo gudasho la’aan ay ku sifoobeen Wasiirada iyo wasiir ku xigeenka. Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare waxaa xilalka afarta wasiir iyo ku xigeenka ku buuxiyay xubno kale oo u arko in ay buuxin karaan xilalkaas. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Waare oo xilka qaadis iyo Magacaabis ku sameeyay Wasiiro katirsan Hir-Shabeelle appeared first on Puntland Post.
  14. Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi ayaa ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho Safiirka Jamhuuriyadda Yemen ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Fadal Ali Ahmed Alhanik, iyaga oo yeeshay kulan ay uga hadleen Arrimo dhowr ah. Labada dhinac ayaa waxaa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga si la mid ah arrimo siyaasadeed iyo nabadgelyo oo labada dal ee walaalaha muhiimad u leh, waxa kale oo ay isla faaqideen xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka iyo dunida ee labada dal ay daneynayaan. Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Xoghayaha joogtada cusub ee Wasaaradda Mudane Danjire Maxamed Cali Nuur iyo Agaasimaha Waaxda Carabta Mudane Mustafa Aadan Dagaal. Dowladda Yemen ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha dalkooda kusoo dhaweeyey Qaxooti farabadan oo Soomaaliya,sidoo kale waxaa xusid mudan in Magaalada Muqdisho ku sugan yihiin Qaxooti u dhashay Yemen oo kasoo cararay dagaaladii ka dhacay dalkaas. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Yemen oo ka wada-hadlay xiriirka labada dal appeared first on Puntland Post.
  15. The Europe and the U.S. dithered. Africa acted. The coronavirus arrived relatively late in sub-Saharan Africa, with new case counts still at a little more than a trickle in most countries. Yet already more than a dozen nations have curbed most international flight routes. Others have shut borders entirely. Schools have been closed and gatherings restricted. The contrasts are stark. The U.K., with more confirmed cases than all of Africa combined, has only just shut its schools. While bars remained open across much of Europe even as infections mounted, South Africa has already ordered all pubs and restaurants to either close or stop selling alcohol at night time. Senegal and Ivory Coast have taken similar steps. Visitors queue at a health screening desk in Pretoria. Photographer: Waldo Swiegers/Bloomberg Some countries haven’t moved as quickly, with Nigeria late to impose travel bans despite having had the region’s first infection. Ethiopia’s airline hub operates unimpeded, bringing in thousands of visitors from virus-hit China. Many countries in the region have experience dealing with epidemics. The Democratic Republic of Congo faced repeated Ebola outbreaks and South Africa has millions infected with HIV and tuberculosis. The decisiveness of the last few weeks belies the stereotype of incompetent and uncaring African governments. It also comes with a clear awareness that many of the continent’s health systems aren’t prepared to cope with a serious outbreak of the virus. Africa has given itself a head start in the race to stop a crisis. It’s an advantage not to be wasted. — Antony Sguazzin and Pauline Bax Source: Bloomberg The post NEXT AFRICA: SPRINGING TO ACTION appeared first on Puntland Post.
  16. Kulanka ayaa waxaa looga hadlay Doorka Maamulka Gobalka Banaadir iyo Dowladda Hoose kaga Aadan ka hor-tagga xanuunka Covid 19, gaar ahaan waaxda caafimaadka Dowladda Hoose iyo Warbaahinta Gobalka Banaadir kaga Aadan Wacyi galinta Bulshada. Kulanka waxaa kale oo looga hadlay Dardar galinta ololaha canshuur uruurinta Dowladda Hoose ee Xamar oo Meel Wanaagsan Maraya, Xaaladda Guud ee Amniga Magaalada Muqdisho ayaa kulanka muhiimad gaar ah la siiyay iyadoo la Xusay qaraxyadii lala eegtay Balaayaasha Kamirooyinka qarsoon ee lagu sugo ammaanka Magaalada ee loo yaqaan (CCTV), Waxaa kale oo lagu soo qaaday kulanka bilicda iyo Nadaafadda Magaalada Muqdisho. Kulanka ayaa waxaa Shir guddoominayey Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, waxaana goob joog ahaa Guddoomiye ku-xiggeenada Gobolka, Agasimayaayaasha guud, Agaasimayayaasha Waaxyaha, Guddoomiyayaasha Degmooyinka, taliska ciidanka ilaalada Deeganka Xamar, la taliyayaasha Duqa Muqdisho iyo afhayeenka Gobalka Banaadir. PUNTLAND POST The post Maamulka Gobolka Banaadir oo ka shiray cudurka Coronavirus appeared first on Puntland Post.
  17. Outbreak be could worse in Somalia than anywhere else if nothing is done before it spreads, medical experts warn. Source: Hiiraan Online
  18. Baydhaba (Caasimada Online) – La-yaab ayey noqotay markii shalay safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub, Axmed Saciid Fiqi uu kasoo dhex muuqdey liiska xildhibaanada cusub ee baarlamanka Koonfur Galbeed. Dad badan ayaa rumeysan waayey in Fiqi oo xil aad u sarreeya u haya qaranka uu raadsado xildhibaan maamul goboleed, hase yeeshee waxaa hadda soo baxaya xog dheeri ah oo ku saabsan sababta uu sidaas u sameeyey. Xogo laga helay illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in la qorsheynayo in Fiqi laga dhigo afhayeenka baarlamaanka maamulkaas, kadib markii meesha laga saaray afhayeenkii hore. Shariif Sheekhunaa Maye ayaa haatan haya xilka guddoomiyaha, wuxuuna aad ugu dhowaan maamulkii Shariif Xasan Aadan oo is-casilay kahor doorashadii December, 2018, hase waxaa iminka xitaa loo diiday inuu xildhibaan noqdo, oo waxaa ka hor-istaagtay xukuumadda. Ma jirto shaacin rasmi ah oo ka timid Fiqi oo ku saabsan in uu iska casilay xilka danjiraha EU-da si lamid ah safiirka dalka u fadhiya Belgium-ka, hase yeeshee waxaa la filayaa inuu dhowaan sidaas sameeyo. Dowladda Farmaajo ayaa tan iyo markii ay xafiiska timid bishii Febraayo ee sanadkii 2017-kii waxay dedaal badan gelisay sidii ay gacanta ugu dhigi lahayd maamul goboleedyada, talaabadaas oo la dhaleeceeyay. Badi sharci-dejiyeyaasha kusoo baxay xeer-dejinta ayaa ah wejiyo cusub, taasoo ka dhigan in ay ku yar yihiin xubnihii hore, waxaana laga soo buuxiyey taageerayaasha dowladda. Si kastaba, xitaa haddii Fiqi laga dhigo guddoomiyaha cusub, waxaa weli ay su’aal ka taagan tahay midka muhiimsan xilkaas iyo kan hadda la filayo inuu ka tago.
  19. Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) oo iskugu dhafan cutubyo ciidanka Lugta ah iyo komaandooska Danab, ​oo kaashanayana kuwa nabad-ilaalinta Midowga Africa (AMISOM), ​qaybtooda hubka culus ayaa maalintii Isniinta March 16, 2020 dib u qabsaday magaalada Jannaale. Weerarka oo in mudda ah la sugaayay, ayaa ciidamada XDS, oo aan iska-caabbin lixaad leh kala kulmin dagaalamayaasha Alshabaab, ayaa si guul leh ula wareegay degmada Jannaale, iyo deegaannada ku hareeraysan, taasoo ka dhigan in dhammaan buundooyinka gobolka Shabeellada Hoose, ay gacanta ugu jirto ciidanka XDS, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga DFS. Magaaladda Jannaale oo qiyaastii ay ku nool yihiin 30 kun qof, kana xigta caasimadda Muqdisho 75 km dhanka koofur, oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose ee maamul-goboleedka Koofur Kalbeed, ayaa dhowr jeer dirir ku dhexmartay ciidamo ka kala tirsan XDS iyo kuwa u dagaalamaya Al-Shabab, kaddib markii AMISOM ay dib uga soo guratay bishii March 2015, kolkaas oo 19 askari oo u dhashay Uganda ay ku waayeen nolosha. Ma aha markii ugu horraysay oo magaalo xagjiriinta ku xoog badan tahay ay ciidamada dowladda dib u qabsadaan. Abril – May 2019, ayaa ciidamada XDS gacanta ku dhigeen magaalooyinka Sabiib, Caanole iyo Bariire, halka June – August 2019 lagu guuleystay soo qabashada Ceel Saliini iyo Awdheegle oo 50 km dhanka bari ka xigta caasimadda Soomaaliya. Ra’iisul-wasaaraha oo u hambalyeeyay ciidamada XDS ayaa guushaas ku tilmaamay inay qayb ka tahay qorshaha badbaadada dalka looga xureynayo argaggixisada Al-Shabaab. Intaas wuxuu raaciyay in hawlgalkaani uu isugu jiro, wiiqidda argaggaxisada, sugidda amniga, dib u dhiska maamullada deegaannada iyo fidinta adeegyada aasaasiga u ah bulshada. Weerarka Jannaale ee ciidamada XDS ayaa ka mid ah hawlgalka “Badbaado,” oo ah dadaal wadajir ah oo lagu sugayo aagagga koonfur ka xigga caasimadda Muqdisho. Inkastoo dibuhabeyntii ciidamada kaddib, Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay gaareen guulo la taaban karo, haddana horumar yar ayey sameeyeen bilihii la soo dhaafay marka la barbar dhigo dhulka u baahan xureynta, si ay u wiiqaan shabakadda mintidiinta ah, loona helo maamul-degaanka leeyahay iyo boliis awood leh oo suga nabadda. Si kastaba ha ahaatee, xuraynta Jannaale ayaa u muuqata in ciidamada XDS ay gaari karaan ujeeddooyinka dowladda Federalka Soomaaliyeed oo ah sugidda nabadgelyadda dalka iyo la dagaallanka xagjirnimada, taas oo laba siyaaboodba u dareen gelisay dowladda Kenya: (b) In firxadka Alshabaab loo soo riixayo aagga “sector 2” oo ah deegaanadda ay joogaan ciidamada Kenya oo ka tirsan AMISOM, taas oo aan u saamixi doonin inay iska sii harsadaan Jubbada Hoose; iyo (t) In XDS uu ku soo garguuran doono Jubbada Dhexe, si loo wiiqo awood sheegashada Axmed Madoobe iyo siyaasadda Kenya ee ah inay helaan maamul-goboleed hayin ​u ah. Waxaa hubaal ah, in guusha Jannaale, ​iyo qorshaha duulaan ee Jubbada Dhexe ay soo dedejin ​doonto qorshihii ka bixitaanka AMISOM, ee ku madlanaa 2020/21, ​iyo ka qaadista cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya.​ Sidii caadada u ahayd Kenya waxay ku dhaqaaqday ficil aysan taladayda ruuggin, taas oo ah in diyaaradaha ciidamada cirka Kenya ay ku​boolixooftay​een dusha ciidamada Haramcad, kuna soo xadgudbaan magaalada Buulo Xaawo ee gobolka Gedo oo ​qayb ka ah Jamhuuriyadda Soomaaliya. Waxaan shaki ku jirin, in awoodda keliya ee guul lagu naaloodo ka soo hoyin karta xuraynta aagagga xagjiriinta haysato, sugina karta amniga, xasillonida iyo badbaadada dalka iyo dadkaba ay yihiin xoogagga ciidamada qaranka, ill​ayn horaa loo yidhi ‘biyo sacabbadaadaa looga dherga​​a’! W/Q: Cabdulqaadir Cariif iyo Saciid Cabdisalaam Jamhuriyadda.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  20. Villa Somalia declared a war on Somaliland . The Fly Dubai airlines has been told not to land in Hargeisa Egal airoport. This is a turning point and it is now tert ror tat. This Unprecendented Political and economic terrorism waged by Villa Somalia should be answered. — Mohamed W. Dualeh – (@mwdualeh) March 19, 2020 Qaran News
  21. Canadian Prime Minister Justin Trudeau said on Thursday that he expected the closure of the U.S.-Canada border to take effect overnight on Friday and was working with domestic carriers to bring home citizens stranded overseas. Source: Hiiraan Online
  22. The Somalia government has suspended all cargo and passenger flights into the country, dealing a big blow to local miraa farmers. Source: Hiiraan Online
  23. Janaale (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa ku dhowaanaya laba degmo oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, maalmo kadib markii ay qabsadeen magaalada Janaale. War kasoo baxay ciidamada ayaa lagu sheegay in dagaal-yahanada Al-Shabaab ay billaabeen inay ka baxaan degmooyinka kuntuwaareey iyo Sablaale, kadib markii ciidanka xoogga dalka ay halkaasi ka bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo ciidan. Qorshaha ciidanka ayaa ah inay gacanta ku dhigaan labadaas degmo. Ciidanka xoogga dalka ayaa nawaaxiga degmooyinka Kuntuwaareey iyo Sablaale ka billaabay howlgalo lagu baacsanayo dagaal-yahanada Al-Shabaab, kuwaasi oo inta badan haatan faarujiyay degmoyinkaasi, sida uu Idaacadda Codka Ciidamada Qalabka Sida u sheegay S/guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir oo ah Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku sugan deegaanka Janaale oo dhawaan laga saaray argagixisada. Taliyaha ayaa sheegay in maleeshiyaadkii ka cararay Kuntuwaareey iyo Sablaale ay gaareen gobolka Jubbada Dhexe. Dhinaca kale, ciidaamada Xoogga dalka ayaa sheegay in howlgal qorsheeysan oo shalay gelinkii dambe ay kasameeyeen tuulooyinka Buulo Urunji, Malable iyo Tawakal, oo hoostaga degaanka Janaale ay kudileen 18 Shabaab ah. Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka S/guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa sheegay howlgalka inuu yimid kadib markii dadka degaanka ay kusoo wargaliyeen maleeshiyaadka dhuumaaleeysanayay islamarkaasna ay qaadeen howlgal qorsheeysan oo ay fuliyeen kumaandooska xoogga dalka ee gor-gor iyo danab. Jeneraal Cabdixamiid ayaa tilmaamay horjoogayaasha ladilay oo gaaraya sadax in magacyadooda dib ay kasoo sheegi doonaan balse mid kami oo lagu magacaabo Muxudiin Shiikh Cabdi (Al-anzaari) kaasi oo qaabilsanaa Janaale ilaa Aawdheegle.
  24. Dowladda Turkiga ayaa gurmad caafimaad u dirtay waddanka Mareykanka oo haatan kamid ah dalalka uu sida ba’an u saameeyay xanuunka corona. Gargaarkaas ayaa ah qalabka lagu baaro xanuunka corona oo gaaraya 500,000 oo Turkiga uu u diray dalka Mareykanka. Gurmadka ayaa ka dambeeyay kadib markii xukuumadda Washington ay Ankara ka codsatay in laga caawiyo qalabkaas, waxaana arrintan xaqiijiyay wasiirka caafimmaadka ee Turkiga, Fahrettin Koca sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters. Mr Koca ayaa mar uu khudbad ka jeedinayay baarlamaanka wadankaas waxaa uu sheegay in ay ku han weyn yihiin sidii loo xoojin lahaa baaritaanada gudaha dalka Turkiga. Wasiirka ayaa sheegay in maalintii ay qorsheynayaan in ay xanuunka ka baaraan 10 kun ilaa 15 kun oo qof, wuxuu intaa raaciyay in haatan ay baareen dad ka badan 10 kun. Xanuunka corona ayaa fara ba’an ku haya dalal badan oo caalamka, waxaana ugu daran dalka Talyaaniga oo dad badan ay ugu dhinteen. PUNTLAND POST The post Turkiga oo gurmad u diray waddanka Maraykanka appeared first on Puntland Post.