-
Content Count
214,410 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxtooyada Puntland ayaa si rasmiya u beenisay, warqad lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegaysa, in Puntland ay xannibaad ku soo rogtay wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan magaalada Garoowe. Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in warqadda lagu faafiyay baraha bulshada aysan soo saarin dowladda Puntland, islamarkaana ay been-abuur cad tahay. “Warqada lagu faafiyey Baraha Bulshada ee laga dhigayo Inay kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland, kuna saabsan Wafdiga Dowladda Federaalka ah ee Puntland, waa mid been abuur ah oo aysan waxba ka jirin” ayaa lagu yiri qoraalka madaxtooyada Puntland. Sidoo kale, Puntland waxay sheegtay in ay baaritaan ku hayso dadkii ka dambeeyay been-abuurkaas, cid kasta oo lagu helo falkaasna ciqaabtiisa la marsiin doono. PUNTLAND POST The post Puntland oo beenisay in ay xannibtay wasiiro ka tirsan dowladda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Afmadow (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar jidgal ahaa oo saacadihii la soo dhaafy lagu qaaday kolonyo uu la socday guddoomiyaha deegaanka Qooqaani, xilli uu marayey duleedka degmada Afmadoo ee gobolka J/Hoose. Weerarka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay fuliyeen dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-Shabaab, kuwaas oo goobta isaga dhaqaaqay falka kadib. Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay weerarkaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen labo kale oo ilaalo u ahaa guddoomiyaha, sida ay sheegatay kooxda Al-Shabaab. Warka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa sidoo kale lagu sheegay inuu si dirqi ah weerarkan uga badbaaday, guddoomiyaha deegaanka Qooqaani ee maamulka Jubbaland. Al-Shabaab ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in halis weerarkaan lagu gaarsiiyey guddoomiyahaasi, sida ay hadalka u dhigtay. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha Jubbaland oo ku aadan weerarka oo uu xigay iska hor imaad kooban. Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana ciidamada la wareeray halkoodii ay ka soo wateen socdaalka, sida ay innoo sheegeen ilo deegaanka ah. Inta badan dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa weeraro xoogan ku qaada ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ee inta badan isaga kala goosha gobollada Jubbooyinka.
-
(SLT-Riyadh)-Dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohamed Bin Salman ayaa lagu warramayaa inuu afduubtay inan ay ilmaadeer yihiin lagu magacaabo Amiirad Basmah Bint Saud Bin Abdulaziz, taasi oo la la’aa muddo sannad ah, sida uu weriyey wargeyska ABC ee dalka Spain. Sida uu qoray wargeyska, koox ka kooban sideed rag ah, ayaa 28-kii Febraayo 2019 yimid guriga Basmah ee magaalada Jeddad, xilli ay iyada iyo qoyskeeda isku diyaarinayeen inay arrimo caafimaad ugu safraan dalka Switzerland. Wargeyska ayaa sheegay in Basmah, oo ku caan baxday u ololeynta xuquuqda dumarka iyo is-beddel siyaasadeed oo ka dhaca boqortooyada, kadib lagu xidhay xabsiga Al-Hayer, oo muddo sanad ah ay ku jirto. Ilo-wareedyo ku dhow Amiiradda ayaa wargeyska u sheegay in Basmah ay ku jirto qolka 108 B ee xabsiga, loona ogol yahay inay qoyskeeda la xidhiidho hal mar oo kaliya toddobaadkii. Sanadii 2016, Amiirad Basmah ayaa kusoo laabatay Sacuudiga kadib markii Amiir Muhammad Bin Nayef, oo xilligaas ahaa dhaxal-sugaha uu damaanad qaaday, si ay dalka ugu soo laabato. Amiiradda ayaa dalbaneysay in boqor Salman uu soo celiyo dhul uu lahaa aabbaheed Saud Bin Abdulaziz oo ku yaalla magaalada Taif, iyo 2 bilyan oo dollar oo taalla Accoun ku yaalla bankiyada Switzerland. Wargeyska ABC ayaa intaas ku daray in ilo-wareedyo ku dhow Bin Nayef ay u sheegeen in Amiirad Basmah lagu hayn doono xabsiga illaa ay ka tanaasusho sheegashada hantida aabbaheed. Waa haweeneyda kaliya ee ku jirta xabsiga Al-Hayer, ee sida weyn loo ilaaliyo amnigiisa. Ilo-wareedyo ku dhow Basmah ayaa sheegay in loo xidhay tuhunno ku saabsan inay qorsheyneysay in ayna soo laaban marka ay tagto Switzerland oo ay ugu socotay arrimo caafimaad, iyada oo ay wehliso gabadh ay dhashay. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulan gaar ah oo xalay hotel-ka Maa’ida (Ex-Naasahablood 2) ee magaalada Muqdisho ay ku yeesheen xildhibaanada iyo wasiirada beelaha Mogadishu Clan ee ku jira dowladda Soomaaliya. Kulankan ayaa looga hadlay wixii laga yeeli lahaa tirada xildhibaanada Beelaha Mogadishu Clan laga siiyey baarlamaanka Koonfur Galbeed, oo aad uga yar tiradii ay xaqa u lahaayeen. Beelaha Mogadishu Clan ayaa baarlamanka Koonfur Galbeed laga siiyey kaliya illaa 9 xildhibaan. Sidoo kale xildhibaanada iyo wasiirada kulanka goob-jooga ahaa ayaa isugu jiray mucaarad iyo muxaafid intaba. Wararka ayaa sheegaya in guddi gaar ah loo saaray raadinta kuraasta ka maqan beelaha Mogadishu Clan ee deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya. Guddiga oo guddoomiye looga dhigay wasiirka amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa ka kooban illaa 13 xunood, kuwaas oo loo saaray sidii ay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ugala soo hadli lahaayen saamiga beesha ka maqan iyo tabashadooda. Xubnaha guddigan cusub ayaa sidoo kale la filayaa in dhowaan ay gaaraan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, si ay u guda galaan howlaha loo igmaday. Xildhibaanada iyo wasiirada Mogadishu Clan ayaa waxa ay ka mideysan yihiin sidii ay arrintaan uga sal gaari lahaayeen, waxaana ay ku ballameen kulamo kale. Gogosha xigta ayaa waxaa ballan qaaday inuu dhigayo wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Mudane Cabdullaahi Cali Xasan si looga wada hadlo qadiyadaha kale ee beesha.
-
Ciidamo iyo gaadiid hor leh oo Itoobiyaan ah ayaa jimcihii soo galay gudaha Soomaaliya kadib markii ay ka soo gudbeen magaalada Jigjiga. Ilo xog-ogaal ah oo la hadlay Goobjoog News ayaa xaqiijinaya in kolonyo badan oo ay boqolaal askar ah saaran yihiin ay soo gudbeen 48-dii saac ee la soo dhaafay. Ciidamadan oo ku wajahan qeybo ka mid ah koonfurta iyo bartamaha dalka waxaa dusha uga qornaa midowga Afrika. Dowladda federaalka ah, AMISOM iyo xataa Itoobiya ma jirto cid ilaa hadda ka hadashay ujeedka loo keenay iyo wax loo adeegsanayo. Arrintan ayaa dhalisay shaki weyn mar haddii inta dooxatada ku timaada ee Itoobiyaan ah ay ka badan yihiin inta sidata koofiyada AMISOM iyo ciidamada Itoobiya oo cinwaan u noqday in loo adeegsado cabburinta dowlad goboleedyada iyo guud ahaan federaalka ka hirgalay Soomaaliya. Itoobiya iyo Soomaaliya: Marka laga soo tago taariikhda gumeysi ee Itoobiya, dagaallo iyo loolan qarniyo badan dhexmarayey labada dal hadana Adis Ababa kuma shaqeyso sharci, mana ixtiraamto daris wanaagga iyo madaxbannaanida Soomaaliya. Itoobiya waxaa ay Soomaaliya iska dhexjoogtay tan iyo 1996-dii, inkasta oo ay Xamar timid iyada oo Mareykanku taageerayaan, horsocotana TFG-da xilligaas ka mid ma aheyn AMISOM ilaa markii dambe lagu daray January 22, 2014, waxaana la shaaciyey tiro 4,000, isbadalna kuma dhicin, laakin tirada saxda uu u joogta waxaa lagu qiyaasay in ka badan 15,000, oo 11,000 oo ciidamadaas ah kama tirsana AMISOM, waxayna si sharci darro ah uga hawlgalaan gudaha Soomaaliya. Sector-3 oo ahaa qeybta madax looga dhigay, Baydhaba ilaa Baladweyn iyo qeybo Gedo ah waxaa loogu talo-galay tiro ahaan ciidankooda AMISOM ku jira ilaa Baidoa and Beled Weyne. Ciidamada Sector-3 u jooga waxaa sharci ah qeyb joogta Baydhabo, halka ay ciidamo kale ay iskeed u geysay Buurhakaba, Bardaale, Qansax Dheere, Diinsoor oo Bay ah iyo Xudur, Waajid iyo Ceel-Barde oo Bakool ah. Intaas kuma koobna ee ilo xog-ogaal ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in ciidamada Itoobiya ee aan qeyb ka aheyn AMISOM ay sidoo kale joogaan Sector 2 oo labada Jubba ah oo Kenya ay madax ka tahay, Sector 4 oo Hiiraan iyo Galgaduud ah oo Djibouti ay joogaan iyo xataa Sector 5 oo Shabeellada dhexe ah oo Burundhi loo dhiibay, intaba Itoobiya waa joogaan, qeybna kama aha AMISOM. Dowladda federaalka ah halkii ay xakameyn laheyd ciidamada Itoobiya, kana saari laheyd dalka kuwa sharci darrada ah waxaa ay dhiirigelisaa in qaar cusub yimaadaan, isla markaana ay adeegsato sida dhacday markii ay la dagaashay Mukhtaar Roobow(2018), doorashadii Axmed Madoobe(2019), xiisadda Baladxaawo iyo doorashada Galmudug(2020). W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye, Source: goobjoog.com
-
(SLT-Delhi)-Afar nin oo Hindi ah oo loo haystay kufsiga iyo dilka gabadh 23 jir ahayd oo sanadkii 2012 ka dhacay gudaha magaalada Delhi ayaa la daldalay ka dib markii toddobo sanno ka hor maxkamadi ku xukuntay dil. Afartani nin oo kala ah Akshay Thakur, Vinay Sharma, Pawan Gupta iyo Mukesh Singh ayaa sanadkii 2013 lagu xukumay dil. Balse habeen hore ayaa lagu daldalay gudaha xabsiga Tihar. Dilka nimankani ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee ka dhaca dalkaasi India tan iyo sanadkii 2015. Gabadha ay raggani kufsaden ka dibna ay dileen ayaa ahayd arday, waxayna u dhimatay dhaawac soo gaadhay ka dib markii ay lix nin ku dhex kufsadeen bas gudihiisa. Dhacdadaasi ayaa waxaa ka dhashay cadho xoog leh iyo in markii dambe la dhaqan geliyo sharci adag oo ka dhan ah kufsiga. Source
-
Kullan xalay ay Muqdisho ku yeesheen wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda federaalka ah kana soo jeeda besha Mogadishu Clan ayaa waxa ay uga shireen saami qeybsiga laga siiyay xildhibaanada cusub ee maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya oo la sheegay in ay yihiin ilaa iyo 9 mudane. Xubnaha kullankan ka soo qeyb galay ayaa waxaa ka mid ahaa wasiirka amniga Maxamed Abuukar Isloow, wasiirka boostada iyo Isgaarsiinta eng Cabdi Canshuur Xasan iyo xildhibaano ka tirsan labada gole, waxa ayna isla soo halal qaadeen in beesha saami qeybsigii ay ku lahayd Koonfur galbeed hoos loo dhigay. Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sheegay in beesha Mogadishu Clan 9 xubnood laga siiyay xildhibaanada cusub ee Koonfur galbeed, isaga oo xusay in boqolkiiba konton {50%} hoos looga dhigay kuwii beeshu ay ku lahayd xildhibaanadii hore. Wararka qaar ee laga helay shirkii xalay ayaa waxa ay sheegayaan in guddi ka kooban 13-xubnood la magacaabay kuwaasi oo madaxweyne Laftagareen kala hadli doono sidii beesha awood qeybsigeeda booskeedii loogu soo celin lahaa. 19-kii bishan guddiga madaxa bannaan ee soo xulista baarlamaanka 2-aad ee Koonfur galbeed ayaa waxa ay ku dhawaaqeen 95-mudane oo noqon doona xildhibaanada cusub ee maamulkaasi, waxaana magacaabistaasi cabasho ka muujisay beesha Mogadishu Clan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan degaanka Jannaale ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen sarkaal sare oo ka tirsan malayshiyaadka Alshabaab. Saraakiisha ciidamada ayaa laga soo xigtay in ay qabteen Horjoogihii Ak-shabaab u qaabilsana degaanka Jannaale inkastoo aysan weli magaciisa shaacin Horjoogahaas. Saraakiishu waxay intaas ku dareen in sarkaalka laga qabtay guri ku yaalla degaanka Jannaale oo uu ku dhuumanayey haatanna lagu hayo saldhig ay ciidamada Militariga Soomaaliya ku leeyihiin Jannaale. Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maalmahan degaanka Jannaale ka wada hawlgallo xooggan oo ka dhana Al-shabaab kadib markii ay todobaadkii hore la wareegeen Jannaale iyo nawaaxigiisa. PUNTLAND POST The post Ciidamada dowladda Soomaaliya oo gacanta ku dhigay sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka caafimaadka Soomaaliya, Fowsiyo Abiikar nuur oo wareysi siisay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa ka warbixisay xaaladiihii ugu dambeeyey ee heerka uu marayo cudurka Coronavirus oo ka mid ah dhowaan laga helay qof ka yimid dalka dibaddiisa. Fowsiyo Abiirka Nuur ayaa sidoo kale sheegtay inay ku raad-joogaan dadkii rakaabka ahaa ee la socday diyaaradda keentay muwaadinka laga helay cudurka. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in gacan saar buuxa ay la leeyihiin hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO oo ka taageereyso ka hortaga Feyruska Corona. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Cod-1-Ismaaciil-Turki.mp3 View the full article
-
War ka soo baxay dowladda federaalaka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in sarkaal sare oo ka tirsanaa dhaqdhaqaaqa Al shabaab ay ciidanka xoogga dalka ku dileen nawaaxiga magaalada Janaale ee gobalka Shabeelaha hoose, sida lagu baahiyay warbaahinta dowladda. Taliyaha Ciidanka Dhulka ee xoogga dalka Sareeyo guuto; Cabdixamiid Maxamed Dirir, ayaa sheegay in weerar ka dhacay nawaaxiga Jannaale lagu dilay, Muxyidiin Sheekh Cabdi (Al-anzaari) oo Al-Shabaab u qaabbilsanaa Jannaale iyo Aw-dheegle iyo Laba kale oo uu sheegay in ay dib ka baahin doonaan Magacyadooda. Taliyaha oo u waramay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in howl-galka uu ka dhacay degaanno ku dhow-dhow Jannaale, islamarkaana ay sii wadi doonaan si buu yiri aan Al shabaab uga saarno deegaanada kale ee gacantooda ku jira. Ma jirto wax wara oo ka soo baxay Al shabaab oo ay uga hadlayaan in sarkaal sare oo lagu magacaabo Sheekh Cabdi (Al-anzaari) oo iyaga ka tirsan lagu dilay duleedka deegaanka Janaale. 16-kii bishan ciidanka dowladda ayaa si buuxda gacanta ugu dhigay magaalada Janaale ee gobalka Shabeelaha hoose, halkaasi oo ay in muddo ah ka arrimin jireen dagaalamayaasha Al shabaab, waxaana ciidanka dowladda ay doonayaan in ay isku fidiyaan qeybaha kale ee gobalka Shabeelaha hoose. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wafdigii xukuumadda Soomaaliya uga qeyb galay shirkii wadatashiga Puntland ee lagu soo gabagabeeyey Garoowe ayaa dhaliilay qodobada qaar ee ka soo baxay shirkaasi. Warsaxaafadeed ka soo baxay xunahahaasi ayaa waxa ay ku diideen qodobo ku jiray war-murtiyeedkii shirka Garowe, kuwaa oo eedaymo culus loogu jeediyay dowladda dhexe. Halkaan hoose ka akhriso: View the full article
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo xalay xafiiskiisa ku qaabilay Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed ayaa kala hadlay sida la iskaga kaashan karo ka hortagga faafidda caabuqa COVID-19. Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiskiisa Kulanka ayaa looga hadlay in aysan haba yaraatee wax saameyn ah ku yeelan maciishadda tallaabooyinka looga hortagayo faafidda caabuqan, isla markaana ay dowladdu kala shaqeyneyso ganacsatada fududeynta waxyaabaha muhiimka u ah nolosha bulshada. Ra’iisul Wasaraaha ayaa ganacsatada Soomaaliyeed uga mahadceliyay sida ay qeybta uga qaateen dadaallada looga hortagayo faafidda caabuqa COVID-19. Kulanka oo ay qeyb ka ahaayeen masuuliyiinta hay’adaha dowladda ee ku howlan howsha ka hortagga COVID-19 oo soo bandhigay warbaxin ka hadlaysa waxyaabaha qabsoomay iyo qorshayaasha looga gaashaamanayo COVID-19. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Khayre oo la kulmay Ganacsatada appeared first on Puntland Post.
-
Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa saacadihii la soo dhaafay deegaanka Buulo-Gaduud ee gobolka Jubbada Hoose ku fashiliyey labo Gaari Oo Al-Shabaab qaraxyo ku soo buuxiyeen, iyadoona ciidanku isla howlgalkaasi ay ku dileen 27 ka tirsanaa Al-Shabaab. Taliyaha guutada 16-aad ee Kumaandooska Xoogga dalka Soomaaliyeed, Gaashaanle, Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in howlgal qorsheysan ay ka sameeyeen duleedka deegaanka Buulo-Gaduud, islamarkaana ay ku burburiyeen laba gaari oo Xamuul oo qaraxyo siday, sida uu hadalka u dhigay. Labada gaar ayuu noocoodu ku sheegay Yuudhii, wuxuuna tilmaamay in la damacsanaa in lagu waxyeeleeyo shacabka. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada dowladda ayaa howlgallo iyo dhaq dhaqaaqyo ka dhan ah Al-Shabaab ka waday gobollada Jubbooyinka. View the full article
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal ballaaran oo saacadihii la soo dhaafay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka sameeyeen duleedka deegaanka Buulo-Gaduud ee gobolka Jubbada Hoose. Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa si gaar ah u fuliyey ciidanka sida gaarka u tababaran ee Kumaandooska Soomaaliya. Taliyaha guutada 16-aad ee Kumaandooska Xoogga dalka, Gaashaanle, Ismaaciil Cabdimaalik Maalin oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa ka warbixiyey howlgalkaasi, wuxuuna sheegay inay ku burburiyeen laba gaari ‘oo Al-Shabaab qaraxyo ku soo rartay’. Maalin ayaa tilmaamay in gawaaridaasi ay ahaayeen Xamuul, gaar ahaan nooca Soomaalida u taqaano Yuudhii. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in howlgalkaasi ay ku dileen xubno badan oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay. Ugu dambeyn taliyaha ayaa carabka ku dhuftay in qaraxyadaasi la doonayey in lagu dhibaateeyo ama waxyeelo lagu gaarsiiyo dadka shacabka ah. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi. Maalmihii ugu dambeeyey ciidamada huwanta ayaa kordhiyey howlgallo iyo dhaq dhaqaaqyo ka dhan ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada Jubbooyinka.
-
Qodabada saakay ugu waa weynee warka subax ee GoobjoogFM ayaa waxa ay kala yihiin Dowlada federalka Somaliya ayaa shaacisay inay howlgal ka dhacay deegaanka Janaale ku dishay sarkaal sare oo ka tirsanaa Xarakada Alshabaab. Xukuumadda Soomaliya ayaa farriin u dirtay Ganacstada Somaliyed, si ay qayb uga noqdaan dadaallada looga hortagayo caabuqa CORONA ee dunida ku sii fidaya. Wasiirkii hore Amniga Koonfur Galabeed Somaliya ayaa bogaadiyay qaabka ay Ciidamada Dowladda dhawaan kula waregeeen Magaalada Janaale ee Gobolka Shabeellaha hoose. Dowladaha Somaliya ioyo Yemen aya ka wada hadlay arrimo ku saabsan iskaashiga labada Dal, iyo qodobo kale. Wafdigii Dawladda Federaalka ee ka qayb galay shirkii wada tashiga Puntland ayaa shir jaraaid ku qabtay Garoowe ayaa kaga hadlay qodobbo muhiim ah oo ku saabsana socdalkooda. Haddaba, halkaan ka dhageyso qodobadaasi oo intaas ka faahfahsan, waxaana si wadajira u soo jeedinaya Hanad Ali Guled iyo Anfac Aden Abdi https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/03/saakay-iyo-goobjoog-21-03-2020-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdirahman Ducaale Beyle ayaa qadka isgaarsiinta (Video Conference) kula shiray masuuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda dowladda Russia oo ka mid ah dalalka Deynta ku leh Soomaaliya. Dhinaca Dowladda Ruushka waxaa shirka fadhiyay Wasiir ku-Xigeenka Maaliyadda oo lagu TIMUR MAKSIMOV waxaa looga hadlay dadaalka dowladda Soomaaliya ugu jirto in daymaha laga cafiyo iyo doorka dowladda Ruushka. War qoraal ah oo uu soo saaray Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Beyle ayuu ku sheegay in ay ka wadahadleen sidii Ruushka uu Soomaaliya deynta uga cafinlahaa. Dowladda Russia ayaa ah dowladda 2aad ee lacagaha ugu badan kuleh Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraalkaas. PUNTLAND POST The post Wasiir Beyle oo wada-hadal la yeeshay dowladda labaad ee Deynta ugu badan ku leh Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Subax-21032020.mp3 View the full article
-
The locust crisis that has now reached 10 countries could carry on to endanger millions more people, forecasters have said. Source: Hiiraan Online
-
Oslo (Caasimada Online) – Xanuunka Coronavirus ayaa ah mid meelo badan oo dunida ah ku faafaya, iyadoo ay sii kordhayaan dadka uu ku dhacayo ama uu soo haleelayo xanuunkaas, oo hadda kusii siqaya 300,000 oo qof. Cabdullaahi Xaashi Aadan waa nin Soomaali ah oo ku nool dalka Norway, waxaana uu ka mid noqday kumanaanka qof ee uu ku dhacay xanuunkan Coronavirus. Cabdullaahi ayaa sheegay in 28-kii Febraayo uu u safray dalka Jarmalka, isaga oo doon raacay, ayna wehliyeen xaaskiisa iyo gabar uu dhalay, wuxuuna rumeysan yahay inuu xanuunka kasoo qaaday doonta. Cabdullaahi ayaa sheegay in markii ugu horreysay ee uu xanuunkan isku arkay ay ahayd subax aroor ah, markaasi oo markii uu hurdada ka kacay uu dareemay jir xanuun aad u darran. Waxa uu intaas ku daray in si gaar ah uu xanuunka uga dareemay lafaha iyo cunaha, ayada oo ay usii dheereyd qandho xooggan, lalabbo iyo matag. Wuxuu sheegay inuu aad u qarqaray oo uu sariirta ka kici waayey. “Waxaan ahay nin ku dhow da’da afartanka, oo horey xanuuno badan ay usoo mareen, laakiin weligey ma arag xanuunkan oo kale, qandhada iyo qarqaryada i qabatay wax aan cabiri karo ma ahan,” ayuu yiri Cabdullaahi. Cabdullaahi ayaa sheegay in xanuunkan ay jiraan xanuuno ka dhimasho badan oo dadka aysan ka welwelin, wuxuuna intaas raaciyey in asbuuc kadib uu kasoo kabtay xanuunka. Wuxuu sheegay inuu qaatay kaniinada caadiga ah ee qandho jebiyaha ah, kuwaas oo aad u caawiyey, wuxuuna intaas ku daray in dawooyinka antibiotic aysan waxba ka tarin xanuunkan. Hoos ka dhageyso wareysi uu Cabdullaahi siiyey VOA
-
Mohammed Bin SALMAAN oo afduubtay ina adeertiis Amiirad Basmah Bint Saud Dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohamed Bin Salman ayaa lagu warramay inuu afduubtay ina adeertiis Amiirad Basmah Bint Saud Bin Abdulaziz, taasi oo la la’aa muddo sanad ah, sida uu weriyey wargeyska ABC ee dalka Spain. Sida uu qoray wargeyska, koox ka kooban sideed rag ah, ayaa 28-kii Febraayo 2019 yimid guriga Basmah ee magaalada Jeddad, xilli ay ayada iyo qoyskeeda isku diyaarinayeen inay arrimo caafimaad ugu safraan dalka Switzerland. Wargeyska ayaa sheegay in Basmah, oo ku caan baxday u ololeynta xuquuqda dumarka iyo is-beddel siyaasadeed oo ka dhaca boqortooyada, kadib lagu xiray xabsiga Al-Hayer, oo muddo sanad ah ay ku jirto. Ilo-wareedyo ku dhow Amiiradda ayaa wargeyska u sheegay in Basmah ay ku jirto qolka 108 B ee xabsiga, loona ogol yahay inay qoyskeeda la xiriirto hal mar oo kaliya toddobaadkii. Sanadii 2016, Amiirad Basmah ayaa kusoo laabatay Sacuudiga kadib markii Amiir Muhammad Bin Nayef, oo xilligaas ahaa dhaxal-sugaha uu damaanad qaaday, si ay dalka ugu soo laabato. Amiiradda ayaa dalbaneysay in boqor Salman uu soo celiyo dhul uu lahaa aabaheed Saud Bin Abdulaziz oo ku yaalla magaalada Taif, iyo 2 bilyan oo dollar oo taalla akoono ku yaalla bankiyada Switzerland. Wargeyska ABC ayaa intaas ku daray in ilo-wareedyo ku dhow Bin Nayef ay u sheegeen in Amiirad Basmah lagu hayn doono xabsiga illaa ay ka tanaasusho sheegashada hantida aabaheed. Waa haweeneyda kaliya ee ku jirta xabsiga Al-Hayer, ee sida weyn loo ilaaliyo amnigiisa. Ilo-wareedyo ku dhow Basmah ayaa sheegay in loo xiray tuhunno ku saabsan inay qorsheyneysay inaysan soo laaban marka ay tagto Switzerland oo ay ugu socotay arrimo caafimaad, ayada oo ay wehliso gabar ay dhashay. Qaran News
-
Riyadh (Caasimada Online) – Dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohamed Bin Salman ayaa lagu warramay inuu afduubtay ina adeertiis Amiirad Basmah Bint Saud Bin Abdulaziz, taasi oo la la’aa muddo sanad ah, sida uu weriyey wargeyska ABC ee dalka Spain. Sida uu qoray wargeyska, koox ka kooban sideed rag ah, ayaa 28-kii Febraayo 2019 yimid guriga Basmah ee magaalada Jeddad, xilli ay ayada iyo qoyskeeda isku diyaarinayeen inay arrimo caafimaad ugu safraan dalka Switzerland. Wargeyska ayaa sheegay in Basmah, oo ku caan baxday u ololeynta xuquuqda dumarka iyo is-beddel siyaasadeed oo ka dhaca boqortooyada, kadib lagu xiray xabsiga Al-Hayer, oo muddo sanad ah ay ku jirto. Ilo-wareedyo ku dhow Amiiradda ayaa wargeyska u sheegay in Basmah ay ku jirto qolka 108 B ee xabsiga, loona ogol yahay inay qoyskeeda la xiriirto hal mar oo kaliya toddobaadkii. Sanadii 2016, Amiirad Basmah ayaa kusoo laabatay Sacuudiga kadib markii Amiir Muhammad Bin Nayef, oo xilligaas ahaa dhaxal-sugaha uu damaanad qaaday, si ay dalka ugu soo laabato. Amiiradda ayaa dalbaneysay in boqor Salman uu soo celiyo dhul uu lahaa aabaheed Saud Bin Abdulaziz oo ku yaalla magaalada Taif, iyo 2 bilyan oo dollar oo taalla akoono ku yaalla bankiyada Switzerland. Wargeyska ABC ayaa intaas ku daray in ilo-wareedyo ku dhow Bin Nayef ay u sheegeen in Amiirad Basmah lagu hayn doono xabsiga illaa ay ka tanaasusho sheegashada hantida aabaheed. Waa haweeneyda kaliya ee ku jirta xabsiga Al-Hayer, ee sida weyn loo ilaaliyo amnigiisa. Ilo-wareedyo ku dhow Basmah ayaa sheegay in loo xiray tuhunno ku saabsan inay qorsheyneysay inaysan soo laaban marka ay tagto Switzerland oo ay ugu socotay arrimo caafimaad, ayada oo ay wehliso gabar ay dhashay.
-
Diyaarado gaar loo leeyahay oo ka macaashay cudurka coronavirus Diyaaradaha gaarka loo leeyahay ayaa u muuqanaya inay ka faa’iidayaan caqabadaha socdaalka ee uu keenay cudurka coronavirus Shirkadaha diyaaradaha gaarka loo leeyahay ee waddanka Nigeria ayaa waxa ay BBCda u sheegeen in labadii todobaad ee ugu dambeeyay ay la soo gudboonaatay sare u kac dhinaca kirada diyaaradaha ah. Arrintan ayaa waxa ay imanaysaa xilli dalalka caalamka ay soo rogayaan xaddidaado dhinaca socdaalka ah si wax looga qabto faafidda cudurka coronavirus. Laga bilaabo Sabtidii la soo dhaafay dadka ku sugan 13-ka dal ee uu cudurka coronavirus sida wayn u saameeyay ayaa waxaan loo ogolayn inay soo galaan waddanka Nigeria. Ururka ExecuJet oo ah dalad ay ku midaysan yihiin shirkadaha diyaaradaha gaarka loo leeyahay ee Nigeria, ayaa waxa uu sheegay in kiraynta diyaaradaha galaya safarrada caalamiga ah ay laba laabmeen labadii todobaad ee la soo dhaafay. Ururku waxa uu sheegay in howlwadeennadiisa ay iskudayayaan inay raacaan tallaabooyinka badqabka ee ay dhigeen saraakiisha caafimaadka ee dalka. Madaxa howlgallada ee ururka ExecuJet, Victor Mbachi, ayaa sheegay in inta badan diyaaradahaas ay kiraystaan dad u dhashay waddanka Nigeria oo iskudayaya inay dalkooda dib ugu soo laabtaan. Sidoo kale waxaa jiro buu yiri dad ku sugan gudaha Nigeria oo ajaanib ah oo iskudyaya inay diyaaradaha ay kiraystaan dalka uga baxaan. Gudaha mid ka mid ah diyaaradaha gaarka loo leeyahay Xaaladdaas oo kale ayey wajahaysaa shirkadda diyaaradaha gaarka loo leeyahay ee Stargate Jets ee uu fadhigeedu yahay magaalada Lagos taas oo duulimaadyadeedu ay tagaan gudaha iyo dibadda Nigeria. Qof matalayay shirkaddaas ayaa BBCda u sheegay in shirkaddu ay sidoo kale aragtay “sare u kac aan caadi ahayn oo dhinaca kiraysiga diyaaradaha ah”. Todobaadka caadiga ah shirkaddu waxa ay heshaa dalab kiro oo u dhaxeeya hal ama laba, hasayeeshee labadii todobaad ee ugu dambeeyay, shirkaddu waxaa soo gaarayay dalabaad kiro oo u dhaxeeyay 10 ilaa 12. Dadka dalka ku soo galaya diyaaradaha gaarka loo leeyahay ayaa mara baaritaanka qasabka ah ee la marsiiyo rakaabka soo galaya waddanka Nigeria Qaran News
-
Popular Contributors
