-
Content Count
214,410 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Webi qof ahaan loo aqoonsaday oo maxkamad kula tiigsan kara
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Webi qof ahaan loo aqoonsaday oo maxkamad kula tiigsan kara Webiga Whanganui oo mara bartamaha Jasiiradda Waqooyi ee dalka New Zealand Sanadkii 2017, New Zealand ayaa qof ahaan u aqoonsatay Webiga Whanganui. Wixii intaas ka dambeeyayna, dalal kale ayaa raacay tallaabadaas si loo ilaaliyo deegaanka. Webiga Whanganui oo mara bartamaha Jasiiradda Waqooyi ee New Zealand, waa mid ka mid ah kheyraadka dabiiciga ah ee ugu muhiimsan dalkaas. Webigan oo dhirirkiisu yahay ilaa 290km ayaa kasoo billowda dhanka waqooyi-galbeed ee Buurta Tongariro, isagoo dhex jibaaxa buuro cagaaran ilaa uu kaga darsamo Badda Tasman. Webigan oo ay muddo qarniyo ah ilaalinayeen Qabaa`illada Whanganui – oo la baxay magaca webiga ay ku ag nool yihiin – ayaa noqday webigii ugu horreeyay dunida ee loo aqoonsado qof ahaan, amala siiyo xuquuqda dadka mid la mid ah, sanadkii 2017-kii, wuxuuna soo afjaray mid ka mid ah kiisas maxkamadeedkii ugu dheeraa New Zealand. Maori, oo ah qowmiyad muddo degganeyd New Zealand, ayaa in ka badan 160 sano u dagaallamaysay inay helaan ilaalin sharci ah oo ku aaddan webiga. Qomwiyadaha Whanganui ayaa ugu yaraan 880 sano ku tiirsanaa webiga – kahor inta aysan halkaasi degin dadka Yurub u dhashay. Waxay ugu tiirsanaayeen dhanka cuntada, iyagoo ku safri jiray isla markaana qararkiisa ka dhistay guryo. Sida uu qabo dhaqanka Maori, tupuna, amaba “dadka laga soo faracmay”, waxay ku nool yihiin dunida dabiiciga ah, waxaana qowmiyadda uu waajib ka saaran yahay inay ilaaliyaan dhulka ay ka dhaxleen kuwii ka horreeyay. Banii`aadamka iyo biyaha ayaa la rumeysan yahay inay mataano yihiin – Maahmaah ayaana oraneysa, “Waxaan ahay webiga, webiguna waa aniga”. In webiga loo aqoonsado qof waxay ka dhigan tahay in haddii waxyeello la gaarsiiyo ay la mid tahay iyadoo waxyeello la gaarsiiyay qabiilka. Haddii lagu xagdugbo sida in qashin lagu shubo amaba waxyaabo aan amar loo haysan lagu sameeyo, wuxuu webigu xaq u leeyahay inuu dacwoodo. Waxay sidoo kale ka dhigan tahay inuu hanti yeelan karo, qandaraasyo saxiixi karo sidoo kalena isaga la dacweyn karo. Qofnimada deegaameed ayaa lagu sheegay inay ahayd hab loo ilaaliyo kheyraadka dabiiciga ah tan iyo sanadihii 1970-meeyadii. Webiga Whanganui ma aha kheyraadka dabiiciga ee keliya ee qofnimada looga aqoonsaday New Zealand. Sanadkii 2014-kii, beerta lagu nasto ee Te Urewera, oo hoy u ah dadka Tuhoe, ayaa noqotay tii ugu horreysay ee dalkaasi looga aqoonsado qof ahaan. Sanadkii 2018-kii, Buurta Taranaki – oo jirta 120,000 oo sano ayna ilaashadaan Maori – ayaa sidaas oo kale loo aqoonsaday. Balse Webiga Whanganui ayaa noqday kii ugu saameynta badnaa: kaddib go`aankaas sanadkii 2017-kii, webiyada Ganges iyo Yamuna ee dalka Hindiya iyo dhammaan webiyada ku yaalla Bangladesh ayaa sidoo kale helay xuquuq sharci ah – inkastoo, dalka Hindiya, go`aanka markii dambe laga laabtay. Qaran News -
Maxay tahay sababta aysan Hindiya si fiican ugu baadheynin Caabuqa coronavirus? Waddanka labaad ee ugu dadka badan adduunka ayaa laga soo tabiyay 182 kiis oo coronavirus ah “Waxaan dhammaan dalalka u heynaa farriin sahlan – baar, baar, baar,” sidaa waxaa toddobaadkan magaalada Geneva ka sheegay madaxa Hay`adda Caafimaadka Addunka ee (WHO) Tedros Adhanom Ghebreyesus. Wuxuu ka hadlayay xanuunka coronavirus, kaas oo dilay in ka badan 10,000 oo qof isla markaana ku dhacay dad kor u dhaafaya 207,000 oo ku nool ilaa 159 dal. “Dhammaan dalalka waa inay awood u yeeshaan baaritaanka kiisaska xanuunka looga shakisan yahay, lama dagaallami karaan xanuunkan safmareenka ah iyagoo aan wax ka qaban,” ayuu yiri. Iyadoo laga soo sheegay ilaa 182 fayraska Corona ah iyo afar dhimasho, Hindiya taladan ma u qaadatay si dhab ah? Waddankan oo ah dalka labaad ee ugu dadka badan dunida ma sameynayaa baaritaankii laga filayay? Hindiya waxay shalay 72 sheybaar oo dalkaasi ku yaalla ku baartay ilaa 14,175 oo qof – waa tiradii baaritaanka lagu sameeyay ee ugu hooseysay dunida. Sababta: dalku ma haysto qalab baaritaan oo ku filan. Sidaa darteed, keliya dadka xiriirka la yeeshay kuwa qaba fayraska amaba dadka u safray dalalka uu xanuunku aadka uga jiro, ama shaqaalaha caafimaadka ee fayraska la dagaallamaya ayaa la baaraa. Maxay tahay sababta dal ay ku nool yihiin bulsho hal bilyan ka badan uusan sidii loogu talogalay u baareynin dadka? Sida rasmiga ah ee loo maleynayo waa inuusan xanuunku ku dhex faafin bulshada. Iyadoo “caddeyn” ka soo baxday waaxda caafimaadka lagu sheegay in 826 baaritaan oo lagu sameeyay bukaanno qaba xanuunnada neefmareenka intii u dhaxaysay 1-dii iyo 5-tii bishan laga waayay xanuunka coronavirus. Sidoo kale isbitaallada ayaanan wali soo sheegin inay kordheen dadka qaba xanuunnada neefmareenka ku dhaca. Maaha rasmiga ah ee la qabo waa inuusan cudurku wali ku fidin bulshada Waxa kaliya ee la iska dhaadhicin karo waa in coronavirus uusan wali ku baahin bulshada Hindiya. Balse khubarradu ma hubaan arrintaas. Badankood ayaa aaminsan in Hindiya aysan sidii loogu talogalay u sameynin baaritaanka sababtuna ay tahay inay ka baqeyso inaysan haysan qalab ku filan iyo in hannaanka caafimaad ee dalkaasi ay saameyn ku yeelan doonaan bukaannada. “Waan ogahay in baaritaan xooggan uusan xalka ku jirin, balse habkeenna baaritaan aad ayuu u yar yahay. Waxaannu u baahannahay inaan degdeg uga hortagno inay bulshadu isu gudbiso xanuunka,” waxaa sidaa yiri K Sujatha Rao, oo hore uga tirsanaa waaxda caafimaadka. Markii dhinacyo badan laga eego, waa Hindiya oo isku dayeysa inay la dagaallanto xanuunka safmareenka ah iyadoo haysata qalab yar oo caafimaad. Khubarrada ayaa ka hadla sida uu dalkaasi uga guuleystay dabeysha iyo inuu xakameeyay HIV/Aids, iyo weliba dhawaan oo uu xakameeyay xanuunka H1N1. Sidaas oo ay tahay, coronavirus waa mid ka mid ah xanuunnada la is qaadsiiyo ee ugu halista badan inta lagu hayo taariikhda dhow. Waxaa laga yaabaa inay Hindiya raadineyso waqti ay ku hesho qalabka saxda ah ee baaritaanka ku filan Hindiya ayaa haatan sare u qaadeysa baaritaanka. Saraakiisha dalkaas ayaa sheegay in sheybaarrada dalkaas ay awoodaan in muddo lix saacadood gudahood ah ay ku soo saaraan jawaabta isla markaana sheybaar walba uu sameyn karo ilaa 90 baaritaan maalintiiba, taas oo la laba jibbaari karo. Ilaa 50 sheybaarro cusub ah ayaa la filayaa inay billaabaan baaritaanka wixii loo gaaro dhammaadka toddobaadkan. Saraakiisha dalkaas ayaa sheegaya in marka la isku geeyo ay sheybaarradu awoodi doonaan inay maalintii baaraan 8,000 oo kiis. Toddobaadyada iyo bilaha soo socda ayaa la arki doonaa haddii tallaabooyinkaas ay yihiin kuwo wax ku ool ah. Hindiya 10,000 ee qof waxaa ku soo aadaya siddeed dhakhtar marka loo barbardhigo Talyaaniga oo 41 ah iyo Kuuriya oo 71 ah. Hal isbitaal oo ay dowladdu maamusho ayay ku tiirsan yihiin dad ka badan 55,000 oo qof. Dadka badankood ma tagi karaan isbitaallada gaarka loo leeyahay. Waxaa dalkaasi lagu yaqaannaa baaritaan hooseeya, dadka isku arka calaamadaha hargabkana ma tagaan isbitaallada ee taas beddelkeed guriga ayay isku daweeyaan. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah culimada Soomaaliyeed ee taageerada u ahaa dowladda Soomaaliya, ayaa laga goostay lacagtii billaha ahayd ee lagu siin jiray inaysan dowladda dhaliilin oo ay difaacaan, sida ay ogaatay Caasimada Online. Culimadaan ayaa lacag bishii ka qaadan jiray madaxtooyada Soomaaliya waxayna hada waayeen guud ahaan lacagtaas oo tan iyo 2018-kii aysan u heli jirin joogto. Shaqsiyaadka lacagta qaadan jiray ee hadda waayay ayaa badankood ah xubnaha sare ee hay’adsa culimada Soomaaliyeed ee fadhigeedu yahay Muqdisho. Xogta aan helnay ayaa sheegaysa in sidoo kale ay culimadaan ku adkaatay gelista madaxtooyada Soomaaliya oo ay markii hore si dhibyar ku geli jireen waxaana soo foodsaaray cadaadis dhaqalo iyo midka gelista Villa Somalia. Lama oga sababta ka dambeysay arrintaan hase yeeshee wadadaan ayaa ku xirnaa Villa Somalia waxaana dhowr jeer lagu eedeeyay in lacago sharci darro ah laga siiyo Villa Somalia. Dowladda Soomaaliya oo ku guda jirtay sanadkii ugu dambeeyey muddo xileedkeeda ayaa billowday inay lacago ka jirtay dhinac badan, oo xitaa ay ku jiraan ciidanka koofiya casta ee ilaaliya madaxtooyada. Mid ka mid ah sababaha ugu weyn ee dhinacyo badan dhaqalaha looga jaray ayaa lagu sheegay in la diyaarinayo dhaqaale badan oo ku bixi doona dadaalka dib u doorashada madaxweyne Farmaajo.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, oo xalay xafiiskiisa ku qaabilay Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, ayaa kala hadlay sida la iskaga kaashan karo ka hortagga faafidda cudurka Coronavirus ama COVID-19. Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay inaysan haba yaraatee wax saameyn ah ku yeelan maciishadda tallaabooyinka looga hortagayo faafidda cudurka. Arrintan ayaa imaneysa ayada oo cabsi xooggan ay ka jirto in hakad ku yimaado badeecadaha ay ganacsatada dalka usoo dhoofiyaan qaarkood, ama inay sare u qaadaan maciishadda, haddii ay sidaas dhacdo. Ra’iisul wasaaraha ayaa kulanka ka ballan-qaaday in dowladdu kala shaqeyneyso ganacsatada fududeynta waxyaabaha muhiimka u ah nolosha bulshada. Ra’iisul Wasaraaha ayaa ganacsatada Soomaaliyeed uga mahadceliyay sida ay qeybta uga qaateen dadaallada looga hortagayo faafidda cudurka Coronavirus. Kulanka oo ay qeyb ka ahaayeen masuuliyiinta hay’adaha dowladda ee ku howlan howsha ka hortagga COVID-19 oo soo bandhigay warbaxin ka hadlaysa waxyaabaha qabsoomay iyo qorshayaasha looga gaashaamanayo COVID-19. Hoos ka daawo wasiirka ganacsiga Injineer Cabdullaahi Cali Xasan oo ka faah-faahinaya kulanka
-
The Somalia government has suspended all cargo and passenger flights into the country, dealing a big blow to local miraa farmers. In a notice issued on Monday by the Federal Government of Somalia, miraa imports from Kenya and Ethiopia were banned for 15 days starting from 1am yesterday after it confirmed its first case of Covid-19. Nyambene Miraa Traders Association (Nyamita) Chairman Kimathi Munjuri said no miraa was exported to Somalia Thursday, leaving them stranded with about 50 tonnes of the commodity. Governors from Mandera, Wajir and Makueni have also suspended miraa trade, with Isiolo governor Mohamed Kuti threatening to ban it if hygiene is not observed. Speaking to the Nation on phone, Mr Munjuri protested the manner in which the suspension was effected terming it malicious. ‘OFFICIAL POSITION’ “For the last two days, we have been trying to confirm the official position of the Somalia and Kenya governments on the suspension of miraa trade to no avail. They issued a short notice at 4pm through pilots. “We were expecting they would notify traders in time. It seems we are the first economic casualties of the coronavirus outbreak,” Mr Munjuri said. He added that the association had written to the Ministry of Trade, the Kenya Civil Aviation Authority, the Kenya Airports Authority and Ministry of Transport seeking information but they were yet to get any clarification or the official position of the government on the matter. Mr Munjuri also took issue with counties that were banning the sale of miraa locally. “All this is happening despite the Government of Kenya not received any official confirmation of communication from Somalia. In north eastern, we deliver 100 tonnes of miraa daily valued at more than Sh30 million while daily exports to Mogadishu are valued at Sh26 million,” he said. Mr Munjuri said all miraa handlers were adhering to hygiene guidelines provided by the Ministry of health. He called on the government to fast-track the release of miraa funds that were meant to cushion farmers from the shocks of the troubles facing the crop. “The government should urgently release the money meant to provide loans to farmers so that they survive the hard times. We already have Saccos that can receive the funds and lend to farmers,” he said. He also urged the government to engage Somalia to ensure cargo flights resume adding they were ready to adhere to stringent precaution measures.
-
By: Carla Babb voanews.com WASHINGTON – U.S. airstrikes in Somalia this week killed more than 15 al-Shabab terrorists who were battling African Union and Somali forces, U.S. Africa Command (AFRICOM) spokesman Major Karl Wiest told VOA on Friday. The militants posed an “imminent threat” to international forces who, according to a U.S. defense official, have now secured the town of Janaale in the country’s Lower Shabelle region and are building a forward operating base there. “Not to spike the football, but that’s exactly the type of incremental progress we’re seeing” from partner forces, said the defense official. AFRICOM said in a press release that it had conducted five strikes Monday and Tuesday against al-Shabab near Janaale, in coordination with the Somali government. The U.S. military’s casualty assessment, which is normally included in the press release, has been slowed because of “dense vegetation in the area,” a defense official told VOA. U.S. forces were nearby advising Somali partners at the time of the strikes. None were wounded in counter-al-Shabab operations there, officials said. Al-Shabab ‘propaganda’ dismissed Al-Shabab’s Shadada News Agency claimed dozens of AMISOM and Somali forces were killed battling the terror group earlier this week in the Lower Shabelle, according to the SITE Intelligence Group. Those claims are “another example of al-Shabab trying to further their deceptive narrative and spread lies and propaganda in support of their violent cause,” AFRICOM spokeswoman Lieutenant Christina Gibson told VOA on Thursday. The pace of U.S. military strikes against al-Qaida affiliate al-Shabab in Somalia this year has nearly been on par with the number of strikes against Islamic State in Iraq and Syria. Last week, when asked by VOA whether these increased strikes reflected an increased threat from al-Shabab, AFRICOM commander General Stephen Townsend said that “the threat has been higher in the last few months than it was eight months ago,” when he took over the command. The U.S. has carried out 31 strikes against al-Shabab to date in 2020. Data released to VOA by a U.S. defense official show the U.S. carried out 29 airstrikes against Islamic State in Iraq and Syria from January 1 to March 1, the latest date for which strike data were available. Defeat of caliphate Strikes in Iraq and Syria have significantly tapered off since the territorial defeat of the so-called Islamic State caliphate last March. AFRICOM conducted a record 63 strikes in Somalia last year. Most were against al-Shabab, which has an estimated 6,000 militants in Somalia, with a handful of strikes against Islamic State. There were 47 U.S. military strikes in Somalia in 2018.
-
The president of the HirShabelle State of Somalia, Mohamed Abdi Waare, has sacked several ministers from his cabinet and appointed new ones. A decree from the state president’s office announced the dismissal of the ministers of planning and international cooperation, water and energy, education and youth and sports. In the decree, Ismail Mohamed Noor has been appointed as the new minister of planning and international cooperation, Mohamed Abdalla Ali as the minister of youth and sports. Abdullahi Abukar Hussein was appointed as minister of education while Salah Mohamed Hassan was appointed as minister of water and energy. No reason was given for the dismissal of the former ministers. View the full article
-
In the corner of a restaurant in Nekemte, a town in western Ethiopia, Fisaha Aberra unfolds a piece of paper on which he has scrawled the names of 11 men he says were shot by soldiers last year. After this came mass arrests. Fisaha and two siblings fled their home in Guliso to Nekemte, leaving one brother behind who was arrested last month, for the second time in a year, and beaten so hard he cannot walk. Arrests and summary executions have become commonplace in the far-flung reaches of Oromia, Ethiopia’s largest region. The Ethiopian security forces are waging war on armed Oromo separatists. They are also treating civilians brutally. Accounts by witnesses suggest there is indiscriminate repression of local dissent in a country supposedly on the path from one-party rule towards democracy. This was not what Ethiopians expected from Abiy Ahmed, who became prime minister in 2018. He was a young reformer from Oromia. He promised democracy for all and redress for what Oromos claim is centuries of political and economic marginalisation. Abiy freed thousands of political prisoners and welcomed rebel groups back from exile to contest elections, now scheduled for August. Abiy made peace with neighbouring Eritrea, for which he won the Nobel Peace Prize, as well as with rebel groups including the Oromo Liberation Front (olf), which is now an opposition party. The group’s armed wing, the Oromo Liberation Army (ola), agreed to put down its guns; in return its soldiers were to join Oromia’s police. Many hoped to see the end of an insurgency that began almost 50 years ago. But the social fractures that lifted Abiy to high office continue to divide Ethiopia. Years of unrest in Oromo areas have weakened local government and left a security vacuum. In Wollega (to the west) and Guji (in the south) returning rebels stepped into the breach, sometimes working with the police to enforce order. But they soon began accusing the government of betraying the Oromo cause and reneging on promises to give them jobs in the police. The government, in turn, accused the ola of keeping its weapons. The details of the peace deal were never disclosed, making it easier for both sides to accuse the other of failing to honour it. By the end of 2018 the rebels had returned to the forests and were murdering officials and attacking army convoys. In 2019 the air force was reportedly bombing ola training camps. After a third peace deal flopped in 2019 the olf formally split from its armed wing (though they are thought to keep covert lines of communication). The government, in effect, declared a state of emergency in Wollega and Guji, with the army in charge of security. By the start of 2020 fighting in Guji had forced some 80,000 people from their homes. In January, as the security forces intensified their operations, the government switched off the internet across much of western Oromia. Outside big towns in Wollega, which is under curfew, even landlines and mobile networks are disconnected. Reports of killings and arrests travel by word of mouth. “We’re back to the pre-telephone age,” says Asebe Regassa, a local academic. Aid workers can barely enter the very far west, where the war is most intense. In parts of Guji, transport is banned. “Farmers are punished from both sides,” says Mulatu Jergafa, who lives in Nekemte. “If they go to their coffee farms the guerrillas suspect they might be government informants and beat them; but the military also suspects they might be informants for the guerrillas and does the same.” Geresu Tufa, an Oromo activist, describes it as a war in which “you cannot tell who is friend and who is foe.” Nobody knows, for example, exactly how many fighters the ola has, though it is thought to number in the low thousands. It is also unclear which armed groups are actually linked to the ola, since anyone can pick up a gun and claim to be fighting for it. In most places the insurgency may be a potpourri of loosely connected militias rather than a full-fledged rebellion. Uncertainty also surrounds the counter-insurgency. By December the Oromia Support Group, an ngo, had documented 64 extra-judicial killings and at least 1,400 cases of arbitrary detention over the previous six months. Since then many more abuses have been reported, including the burning of homes. In January activists claimed the army had massacred 59 civilians in Wollega. The olf alleged another 21 had been killed nearby. The government has denied all allegations. This is unconvincing, but it is possible atrocities reflect a breakdown in the chain of command rather than orders from the top. “Senior federal officials may not know the full extent or nature of the military’s operations in Wollega,” says William Davison of the International Crisis Group, an ngo in Brussels. What is not in doubt is that there has also been political repression. “The opposition movement in Oromia has totally stopped,” says the olf’s chief, Dawud Ibsa. In recent months thousands of its supporters have been arrested, including nine of its leaders. In Nekemte, security forces have repeatedly closed offices belonging to the olf and its more moderate ally, the Oromo Federalist Congress (ofc). Public gatherings have been banned, though the ruling Prosperity Party recently staged a rally. The ofc’s representative in Nekemte spent four months in a cell in the town’s historic palace, which has been turned into a detention facility. All this comes months before what is supposed to be Ethiopia’s first free and fair election (unless it is derailed by covid-19). In Wollega and Guji the vote will probably be postponed on security grounds. This will help the government, which is unpopular in these places. The government insists it remains open to negotiation with the rebels. “It is good for people to solve their issues through discussion, meetings and conversations,” Abiy told lawmakers last month. But it seems uninterested in further peace talks and acts as if the conflict can be resolved through force. The rebels, meanwhile, continue to denounce the Ethiopian state as a colonial oppressor which can never be trusted. And so the carnage continues. Source: The Economist The post A hidden war threatens Ethiopia’s transition to democracy appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ay leeyihiin xildhibaanada labada aqal iyo wasiirada beelaha Mogadishu Clan ayaa caawa ka socda hotel-ka Maa’ida (Ex-Naasahablood 2) ee magaalada Muqdisho. Kulankan ayaa looga hadlayaa wixii laga yeeli lahaa tirada xildhibaanada Beelaha Mogadishu Clan kasoo gaaray baarlamanka maamulka Koonfur Galbeed, oo aad uga yar tiradii ay xaqa u lahaayeen. Beelaha Mogadishu Clan ayaa baarlamanka Koonfur Galbeed laga siiyey kaliya 9 xildhibaan. Xildhibaanada iyo wasiirada kulanka jooga ayaa ka kooban mucaarad iyo muxaafidba, waxaana soo jeediyey kulanka xubno ay ka mid yihiin Mahad Salaad, Axmed Fiqi, Saabir Shuriye, Khaliif Cabdi Cumar, Xildhibaan Yuusuf Gamaa’diid iyo kuwo kale. Wasiirada kulanka jooga ayaa waxaa ka mid ah; Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Wasiirka Ganacsiga Cabdullaahi Cali Xasan, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Eng. Cabdi Xasan Canshuur, iyo wasiir ku-xigeenka Dekadaha Cusmaan Daallo. Si kastaba, waxaan kulanka ka baaqday oo lagu casuumay wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye oo la doonayey in wax laga weydiiyo liiska Xildhibaannada Koofur Galbeed, maadaama wasaaraddiisa ay hormuud u tahay dhismaha maamul goboleedyada. Xildhibaan Mahad Salaad, oo ka mid ah hormuudka kulankan ayaa qoraal uu shalay soo dhigay facebook, markii la shaaciyey xildhibaanada Koonfur Galbeed, waxa uu ku yiri “Madaxweyne Lafta Gareen 9 xildhibaan kaliya ayuu ka siiyay Beel weynta Mogadishu Clan ee deggan Bakool ilaa Shabeelada Hoose xildhibaanada cusub Koonfur Galbeed. Markaan xilka joognay xildhibaanadii beeshu lahayd kala bar in ka badan (50%) ayuu meesha ka saaray ee maxay ku mutaysatay beeshu dulmiga intaas la’eg?!” Waxa uu intaas ku daray “Koley anigu wax kama dhisin waxna lama lahayn Lafta Gareen ee waxaan su’aalay Wasiiradii aan dooranay, durbaankana u tumayay Lafta Gareen markii la dulsaarayay reer Koonfur Galbeed wax ma iska weydiiyeen arintaan. Mise wixii Nabad Nolol ama dhashoodu keento salaan iyo sacabada oo loo tumo mooyee su’aal in laga keeno waa xaaraan?!” Xildhibaanada iyo wasiirada Mogadishu Clan ayaa la rumeysan yahay inay u mideysan yihiin sidii ay arrintan uga dhiidhiin lahaayeen.
-
Wasiirrada iyo xildhibaannada kasoo jeeda Puntland ee ku jira dowladda federaalka ah ayaa war saxaafadeed ay soo saareen ku soo dhoweeyey safarka la filayo inuu Madaxweynaha Puntland ku yimaado Muqdisho kullamana la qaato Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo iyo ra’isul wasaarihiisa Xasan Kheyre. Dhanka kale waxaa ay ka hor yimaadeen qaar ka mid ah qodobbo ku jiray war murtiyeedkii ka soo baxay shirkii wadatashiga Puntland oo magalada Garowe lagu qabtay 15-17 March 2020-ka. Halkaan Hoose Ka Akhriso. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garoowe (Caasimada Online) ― Wafdigii dowladda federaalka ee dhowaan ka qeyb-galay Shirweynihii Wada-tashiga Puntland ayaa maanta soo saaray war-murtiyeed ay kaga soo hor-jeesteen qaar kamid ah qodobo ku jiray War-murtiyeedkii laga soo saaray shirkaasi. Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa sheegay in uu ugu horeynta soo dhoweynayo Go’aankii uu Madaxweyne Deni ku aqbalay tagida magaalada Muqdisho. Wasiir Cawad ayaa xusay in Safarkaasi uu wax weyn tari doono maadama uu Deni kulamo la qaadan doono Madaxda ugu sareysa dalka, Farmaajo iyo Kheyre. Sidoo kale waxa uu bogaadiyey qabashada Shirweynaha wada-tashiga Puntland, oo socday muddo ku siman saddex cisho ah. Cawad ayaa si weyn uga hor-yimid qodobo ku jiray War-murtiyeedka shirkaasi laga soo saaray, gaar ahaan qeybta sida gaarka ah farta ugu fiiqeysa DF. Wasiirka ayaa waxa kale oo uu sheegay in uu ka xun yahay wax uu ugu yeeray erayo xanaf leh oo War-murtiyeedkaasi ku bartilmaamedsaday maamul goboleedyada dalka. “Waxaan diidan nahay go’aamada lagu sheegay war-murtiyeedka shirka ka soo baxay, qeybta ku saabsan Dowladda federaalka oo aan marnaba ka turjumeyn hadal soo jeedintii iyo doodihii shirka” ayuu yiri Wasiir Cawad. Wuxuuna intaas sii raaciyey “Waxaan ka xunahay oo aan rabnaa in aan halkaan ka cadeyno eraydii xanafta lahaa ee war-murtiyeedku kusoo baxay ee weliba loo geystay maamulada kale, taas oo qeyb ka aheyn ajendihii shirka kuna jirin hadal soo jeedintii wafdiyadii, isla markaana ku jirin doodihii shirka”. War-murtiyeedka dhowaan laga soo saaray Shirweynaha wada-tashiga Puntland ayaa qeyb kamid ah lagu sheegay in dowladda federaalku ay ka weecatay nidaamkii federaaleynta dalka, iyadoona lagu sheegay in xubnaha Shirweynuhu ay ka muujiyeen wel-wel fara-gelinta qaawan ee DF ku hayso maamulada dalka.
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-habeen-20032020.mp3 View the full article
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Kadib amarkii dowladda federaalka ay ku mamnuucday duulimaadyada dalka, dowladda Kenya ayaa adeegsatay hab kale, oo ay qaad ku gaysay magaalada Kismaayo, sida ay sheegeen xildhibaano magaalada ku sugan. Kenya ayaa la sheegay inay shalay deegaanada Jubaland ay ku soo daabushay doonyo sida qaad, kuwaasi oo ku soo xirtay dekedda magaaladda Kismaayo ee maamulka Jubaland, arrintaas oo lagu tilmaamay mid xadgudub ku ah madax-baanida Soomaaliya. Xildhibaan Saciiid oo ku sugan magaalada Kismaayo ayaa Idaaacada Simba ee magaalada Muqdisho u sheegay in shalay suuqayada Kismaayo lagu iibinayey qaadka, oo dowladda Soomaaliya ay joojiyey diyaaradahii dalka keeni jiray sababo la xiriira Cabsi xoogan oo laga qabo cudurka Coronavirus. Xildhibaanka ayaa sheegay in doonyaha ay horey qaadka u keeni jireen Kismaayo, balse ay hadda qaad ka badan kii hore kusoo daabuleen magaalada. Dowladda Soomaaliya kama soo bixin amar ay ku mamnuucday doomaha, ama si gaar ah ay ugu beegsatay qaadka, sidaas darteed ma cadda in Kenya ay sharci jebisay iyo in kale. Xildhibaanka oo ka tirsan garabka Cabdirashiid Xidig ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay Kenya ka qaado tallaabo jawaab u ah xadgudubka ay ku sameysay xuduudaha dalka iyo caafimaadka umadda Soomaaliyeed. Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan ku dhawaaqday inay joojisay diyaaradaha ka imaanaya dalka dibadiisa ka dib markii Itoobiya iyo Kenya oo daris la ah Sooomaaliya ay sheegeen in laga helay kiisas Coronavirus ah. Hoos ka dhageyso xilkdhibaan Saciid https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/03/Cod-Xildhibaan-Siciid.mp3
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo Jimce ah booqday degmada Taariikhiga ah ee Eyl oo ka tirsan gobolka Nugaal. Socdaalka madaxweynaha oo aan la sii shaacin, waxaa ku weheliyay xubno kooban oo ka tirsan xafiiskiiisa iyo ilaaladiisa gaarka ah, waxaana la sheegay in socdaalkaasi uu yahay mid dalxiis ah, ee uusan arrima shaqo halkaasi u tegin. Socdaalka madaxweyne Deni, ayaa ku soo beegmaya xilli degmada Eyl ay weli ka soo kabanayso, khasaare kala duwan oo duufaantii Pawan ay ka gaysatay xeebta degmadaasi bishii December ee sannadkii 2019. Daadad xooggan oo wakhtigaas ay duufaantu dhalisay, ayaa degmada Eyl ku baabi’iyay in ka badan 250 beerood, islamarkaan waxay qaadeen qalabkii kallluumeysiga, halka ay burburiyeen guryo iyo sandaqado halkaasi ku yaallay. Mudane Deni, ayaa noqonaya madaxweynihii saddexaad ee Puntland oo booqda degmada Taariikhiga ah ee Eyl oo mar ahaan jirtay xarunta looga taliyo dhaqdhaqaaqii gobannima-doonka Daraawiish ee uu hoggaamin jiray Sayid Maxamed Cabdulle Xassan. 4-April-2005, Gen. Maxamuud Muuse Xirsi Boqor ( Cadde Muuse) ayaa noqday madaxweynihii u horreeyya ee Puntland oo booqda degmada Eyl, xilligaas oo uu socdaal shaqo ku tegay. 14-October-2012, madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Sheikh Maxamuud Faroole ayaa isna booqday degmada Eyl, isagoo u kuur-galay xaaladda nololeed ee ka jirtay degaanka, kadib markii xukuumaddii Faroole ka adkaatay kooxo Burcad-badeeda oo xarumo ku lahaa gudaha Eyl. 30-December-2014, waxaa sidoo kale degaanka Eyl booqday madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo isna soo kormeeray mashaariic dowladdu ka fulisay degamadaasi. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo dalxiis u tegay degmo ka soo kabanaysa duufaantii Pawan appeared first on Puntland Post.
-
Wasiiro ka tirsan xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka qeyb-galay Shirkii Wada-tashiga Garoowe, oo Galabta Warbaahinta caasimadda Garoowe, ayaa si rasmiya u caddeeyay mowqifkooda ku aaddan war-murtiyeedkii ka soo baxay Shirka. Wasiirka Arrimaha Dibadda dowladda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, oo warbaahinta u akhriyay qoraal ay soo saareen, ayaa sheegay in ay diiddan yihiin qodoba kamid ah war-murtiyeedka Shirkii Garoowe oo eedaymo culus loogu jeediyay madaxda dowladda Federaalka, islamarkaana ay ka xun yihiin ereyo ihaano ku ahaa dowlad goboleedyada kale oo ku qornaa War-murtiyeedkaas. Wasiirka ayaa sheegay in eedaymaha culus ee war-murtiyeedka loogu jeediyay dowladda dhexe aysan ku jirin qodobadii Shirka looga hadlay, sidoo kalena ihaano war-murtiyeedka ihaano loogu gaystay dowlad goboleedyada kale. Dhinaca kale, Wasiirka ayaa soo dhoweeyey booqashada madaxweyne Deni uu ku tegi doono magaalada Muqdisho, si uu ula kulmo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxa kale oo uu soo dhoweeyey Shirka madaxweyne Deni ku casumay dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka, si looga Wada-tashad xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doorashada. Wasiir Cawad, ayaa sidoo kale bogaadiyay qodoba ka soo baxay Shirkii wada-tashiga Garoowe, marka laga reebo kuwa lagu dhaliilay dowladda Federaalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo diidday qodoba kamid ah war-murtiyeedka Shirkii Garowe appeared first on Puntland Post.
-
Dawlada Sacuudi Carabiya oo xayiraad hor leh kusoo rogay is-socodka gudaha dalka Xukuumadda dalka Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday in muddo 14 casho ama labo isbuuc ah xayiraad ay kusoo rogtay is-socodka dalka sababo la xiriira xakameynta cududrka coronavirus. Dhammaan gaadiidka kala duwan sida diyaaradaha, tareenada, baabuurta iyo ayaa la xayiray maanta oo Jimco ah laga bilaabo,sida ay baahisay warbaahinta dowladda ee SPA. Dalka Sacuudiga ayaa waxaa laga helay cudurka coronavirus 274 ruux, lamana sheegin wax dhimasho ah oo uu cudurkaasi uu geystay. Horay ayaa waxaa Sacuudiga uga jiray xayiraadyo dhowr ah, balse tan maanta lagu kordhiyay ayaa sii cakireysay xaaladda isu-socod ee dalkaasi iyo cabsida bulshada ee cudurkaasi. Qaran News
-
With hundreds of millions of people now isolating themselves around the world, the novel coronavirus pandemic has become a truly global event. And while its geopolitical implications should be considered secondary to matters of health and safety, those implications may, in the long term, prove just as consequential—especially when it comes to the United States’ global position. Global orders have a tendency to change gradually at first and then all at once. In 1956, a botched intervention in the Suez laid bare the decay in British power and marked the end of the United Kingdom’s reign as a global power. Today, U.S. policymakers should recognize that if the United States does not rise to meet the moment, the coronavirus pandemic could mark another “Suez moment.” It is now clear to all but the most blinkered partisans that Washington has botched its initial response. Missteps by key institutions, from the White House and the Department of Homeland Security to the Centers for Disease Control and Prevention (CDC), have undermined confidence in the capacity and competence of U.S. governance. Public statements by President Donald Trump, whether Oval Office addresses or early-morning tweets, have largely served to sow confusion and spread uncertainty. Both public and private sectors have proved ill-prepared to produce and distribute the tools necessary for testing and response. And internationally, the pandemic has amplified Trump’s instincts to go it alone and exposed just how unprepared Washington is to lead a global response. Read more here: The post China Is Maneuvering for Global Leadership During the Coronavirus Crisis as the United States Falters appeared first on Puntland Post.
-
Maxaa qabsaday ninkii la kulmay qofkii ugu horreeyay ee coronavirus laga helay? Jude Ikuenobe wuxuu ku dhawaaday inuu naftiisa dilo, sida uu BBC-da u sheegay Maalmo yar kaddib markii ay Nigeria ku dhawaaqday qofkii ugu horreeyay ee coronavirus looga helay dalkaas, waxaa baraha bulshada ku faaftay sheeko layaab leh. Warka la faafiyay waxaa lagu sheegayay in darawalkii gaarigiisa ku qaaday qofka bukaanka ah uu dalbaday lacag, si uusan u faafinin cudurka, arrintaasina waxay abuurtay caro badan oo ay muujiyeen dadka reer Nigeria. Sheekadan waxay ahayd mid been abuur ah, laakiin saameynta ay ku yeelatay Jude Ikuenobe, oo ahaa ninkii sawirkiisa loo isticmaalay warka aan saxda ahayn aad bay run u ahayd. Wuxuu mar qura waayay nabadgalyadiisii, waxaana billowday farriimo isdabajoog ah oo loogu hanjabayay in la dili doono. Xitaa wuxuu ku dhawaaday inuu noloshiisa soo afjaro, oo uu isdio. Hase yeeshee sheekada darawalkan waxay hal tusaale uun u tahay tobannaan sheeko oo noocaas ah oo ku faafay gudaha Nigeria, tan iyo markii uu dillaacay coronavirus. BBC-da ayuu la hadlay Jude Ikuenobe, wuxuuna muujiyay dhibaatada kasoo gaartay arrintaas. Dhinaca kale wuxuu isku dayayaa inuu dadka gaarsiiyo farriintiisa. “Ma jiro qof doonaya inuu ii soo dhawaado, waxaan dadweynaha u sheegayaa in qofka la sheegayo aanan aniga ahayn, sawirkeygana si khaldan loo adeegsaday”, ayuu yiri. Markii ugu horreysay ee uu Jude sheekadan arkay qudhiisa aad buu uga argagaxay. “Si caadi ah ayaan khadka internet-ka u galay, waxaana arkay sawirkeyga oo warka ku jira, oo lagu tilmaamayo inuu yahay darawalka la eedeynayo ee gaarigiisa kusoo qaaday bukaanka ka yimid Talyaaniga, una kala safriyay magaalada Lagos ilaa gobolka Ogun”, ayuu yiri. Sawirka loo adeegsaday baraha bulshada ee lagu lifaaqay warka been abuurka ah wuxuu ahaa mid laga soo qaatay maqal ay horay u qortay warbaahinta Buzzfeed, waxaana looga hadlayay khibradda Jude Ikuenobe ee ku aaddan adoonsiga casriga ah. “Arrin argagax ah ayey igu noqotay, sababtoo ah magaceygu ma aha Adewaale Isaac Olorogun. Laakiin sawirka wuxuu ahaa keyga,” ayuu yiri Jude. Dadka qoraallada uga falcelinayay sawirkaas iyo qormada sharraxeysay ayaa muujinayay cadaawad weyn. “Aragti halagu toogto”, ayuu yiri qof ka mid ah. “Aashito halagu shubo”, ayuu yiri mid kale. “Dhagax halagu weeraro”, ayaa sidoo kale ka mid ahayd faallooyinka. Jude wuxuu sheegay in uusan gurigiisa bannaanka uga bixi karin ilaa ay raacaan saaxiibadiis ama xubno ka tirsan qoyskiisa, si ay uga difaacaan ciddii waxyeello la damacda. “Arrintan waxay igu kalliftay inaan ku dhawaado inaan nafteyda dilo, ciriir weyn ayaan dareemay”, ayuu yiri. Qaran News
-
Masaajidda ugu waaweyn caalamka oo aan laga tukan Muuqaalka Xaramka kaddib cabsida ka dhalatay cudurka Corona Waxaa maanta qaar kamid ah masaajidd waaweyn ee dunida aan laga tukaneyn salaadda jimcaha si looga hortaggo cudurka Corona. Masaajidka ugu weyn Kenya ee jaamica ayaa dhawaan shaaciyay in salaadda jimcaha aan laga ogeyn halkaas. Sucuudiga wuxuu hakiyay saaladihii lagu tukan jiray xarameynka iyadoo maantana aan halkaas lagu tukan doonin jimcaha. Dhanka kale, culimada xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ayaa shaaca ka qaaday in masaajidda aan la xireyn isla markaana haatan aysan jirin sabab loo xiro tan iyo inta xaaladda ay wax iska baddaleyso. Balse waxay soo saareen tallaabooyin lagu xakameynayo cudurka oo ay kamid yihiin in la xiro musqulaha iyo goobaha weysa qaadka. Waxaana saaladda Jimcaha si caadi ah looga tukanaya masaajidda ku yaalla Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday Somaliland, iyadoo aysan jirin wax war ah oo ay culimada kasoo saartay arrintaas. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Injineer Cabdullaahi Cali Xasan ayaa sheegay inay sharci kasoo saari doonaan joojinta khudaarta dibadda laga keeno, iyada oo dalka laga heli karo. Wasiirka oo ka qeyb galay barnaamij ka baxey Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in dib u eegis lagu sameyn doono waxyaabah dalka laga dhoofiyo iyo kuwa la keenao, taas oo uu sheegay in sharciyo xakameynaya ay dhawan ay baarlamaanka ansixiyeen, islamarkaana madaxweynaha uu saxiixi doono. Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya ayaa si gaar ah waxaa uu diirada u sarey dhinaca khudaarta oo qaarkood dibadda ka yimaada sida dalalka deriska ah, xilli laga heli karo dalka, waxaana uu sheegay inay joojin doonaan in dalka la keeno khudaar laga heli karo Soomaaliya. Arrintan ayaa imaneysa ayada oo marar badan la-yaab lagu tilmaamay in dowladdu ogolaatay in dalka la keeno cunno laga heli karo gudaha, taasi oo dhaawac xooggan gaarsiineysa beeraleyda dalka. Wasiirka ayaa sheegay in dowladda ay tallaabadan qaadeyso ayada oo ujeedki yahay in la dhiiri-geliyo wax soo saarka gudaha dalka, taasi oo wax tareysa shacabka iyo guud ahaan dhaqaalaha dalka. Hoos ka dhageyso codka Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/03/cod-1-wasiirka-ganacsiga-.mp3
-
Kismaayo (SMN) – Degaano ka tirsan maamul goboleedka Jubaland waxaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaq ciidan. Howlgalada ayaa waxaa la sheegay in ay ka socdan degaanada ay gacanta ku hayaan dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab. Taliska guud ee Ciidamada Jubaland ayaa shaaciyey in ay doonayaan in ay dib ula wareegaan gacan ku haynta degaanada. Saraakiisha ayaa dadweynaha waydiistay in ay garab ku siiyaan siddii ay Al-Shabaab uga saari lahaayeen degaanada ka maqan. Jubaland ayaa kamid degaanada dhaca koonfurta Soomaaliya ee gobolada hoostaga ay ku xoogan tahay xarakada Al-Shabaab. View the full article
-
Beledwayne (SMN) – Maamulka caasimada gobolka Hiiraan ee Beledwayne ayaa ka warbixiyey qorsheyaal ka socda magaaladaas. Muxumed Cali Maxamed, gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda, ayaa sheegay in qorsheyaasha ay ku socdaan si wanaagsan. Qorsheyaasha ayuu caddeeyay inay daaran yihiin xaqiijinta ammaanka iyo ka hortagista falal liddiga ku ah nabad-gelyadda. Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu caddeeyay in wadashaqeynta kala dhaxeysa shacabka ay wanaagsan tahay, waqti xaadirkaan. Ugu dambeyntii, wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyey in ay muddo kooban ku xasilin doono magaalada Beledwayne si horumarka u xoogeysto. View the full article
-
Garowe (SMN) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa wuxuu ku dhawaaqay in uu muddo maalmo ah hakiyey shirarka caadiga ah. Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa go’aankaas ku dhawaaqay kadib shirka golaha wasiiradda maamulkaas. Deni ayaa sheegay in go’aankaan uu la xiriiro ka hortagga caabuqa Coronavirus, kaasoo fara kulul ku haya caalamka. Dhanka kale, Deni ayaa shaaciyey in laamaha ammaanka maamulkaas looga baahan yahay dhaqan-gelinta amarada. Goobaha waxbarashadda ayuu sheegay in ay fasax yihiin, isla markaana ardaydu ay ka war-sugaan mas’uuliyiinta. Ugu dambeyntii, hogaamiyaha maamulka Garowe ayaa tilmaamay in uu dhowaan socdaal ku imaan dono magaalada Muqdisho. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Fahfaahino ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo ka dhacay duleedka degaanka Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose. Iska hor-imaadka oo u dhaxeeya Ciidamada Dowlada iyo Al-Shabaab ayaa ka dhacay Buula Carundi, 3 KM dhinaca waqooyi u jirta Janaale. Saraakiisha ciidamada xoogga ayaa sheegay in ay dagaalka ku dileen saddex kamid ahaa Al-Shabaab, oo aan wali ka hadlin dagaalka. Dagaalkaan ayaa wuxuu imaanaya xili ciidamadda xoogga ay howlgalo ka wadaan nawaaxiga Janaale oo todobaadkan ay la wareegeen. View the full article
-
Popular Contributors
