-
Content Count
214,410 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa digniin u diray dawladda taagta daran ee Soomaaliya iyo Maamul goboleedkeeda Puntland,halka uu shacabka Somalilandna ugu baaqay inay u midoobaan difaaca dalka. Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, oo ka hadlaayey madal ay arday ku qalinjebinaysay ayaa wacad ku maray in aan mar danbe loo dul qaadin hagardaamooyinka iyo colaada ay wadda dawladda dhexe ee Soomaaliya oo adeegsanaysa Maamulka Puntland , waxana uu yidhi “Shalay waxay ku dhawaaqeen in dagaal lagu qaado Somaliland , ninka lahaa ha lagu duulo Somaliland waa nin reer Bosaasa, waxanan u sheegaynaa in aanan aqoon gardarrada. balan waxaanu ku qaadnay haddii garoow joojin waydo Colaada in aanu garoowe qabsano “ Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, waxa uu shacabka Somalilandna ugu baaqay inay u midoobaan difaaca dalka. “buunbuuninta Xamar ka socota ha maqlina , Jabuuti oo waddan yar ah ayaa maanta Caasimadda , maxa inoo diiday Jamhuuriyadda Somaliland , dalkeena ayey gacanta ku haysanaynaa cadaalad ayeynu keenaynaa” Hadalka Guddoomiye Faysal ayaa kusoo beegmaaya ka dib markii xidhitaanka shirka Puntland uu wasiir ku xigeenka Maaliyada Soomaaliya ka sheegay inay waajib tahay in la weeraro dhulka iyo dadka Somaliland, mana aha masuulkii kowaad ee sidan u hanjaba balse tan iyo intii uu xilka qabtay Madaxweyne Farmaajo waxa isoo taraaya hanjabaad iyo hagardaamooyinka Somaliland uga imaanaya dawladdisa aan Muqdisho ka arrimin . Source
-
Addis Ababa (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan miro dhal ah magaalada Addis Ababa kula qaatay dhiggiisa dalka Ethiopia Abiy Ahmed. Kulanka labada mas’uul ayaa diiradda lagu saaray adkaynta xiriirka labada dowladood iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo siyaasadda. Mas’uuliyiinta ayaa isla soo qaaday xaaladda caabuqa Coronavirus iyo sida ay labada dal wadajir u wajahi karaan, iyada oo la eegayo dhinacyada la iska kaashan karo, si looga hortago inuu ku faafo labada dal. Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa sidoo kale ka wada hadlay xasilloonida gobolka Geeska Afrika iyo kaalinta ay labada dowladood si wadajir ah uga qeyb qaadan karaan. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed kasoo saartay baaritaanka xaqiijineed ee fayruska Corona ee dhaliyey cudurka COVID-19. Hoos ka akhriso bayaanka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada iyadoo gudanaysa waajibkeeda qaran ee ka saaran badqabka bulshada Soomaaliyeed, isla markaana hubinaysa in adeeg kasta ee bulshada loo samaynayo uu noqdo mid ku qotoma hab-raacyada caalamiga ah iyo kuwa Wasaaradda u dagsan, waxay soo saaraysaa war-saxaafadeedkan: 1. Wixii tijaabo xaqiijineed ah ee la xariira COVID-19, waxaa samaynaya Shaybaarka Guud ee Wasaaradda Caafimaadka oo kaliya 2. Si looga fogaado walwal-galinta bulshdada iyo faquuqa la xariira xaaladaha caafimaad ee caabuqan laguma baaari karo cudurka COVID-19 dhammaan xarumaha caafimadka gaaarka loo leeyahay iyo kuwa danta guudba. 3. Wasaaradda iyadoo ilaalinaysa tayada baaritaannada iyo badqabka xirfadlayaasha caafimaadka, waxaa reeban soo dajinta iyo ka ganacsiga qalabka lagu baaro COVID-19. Dawladda kaliya ayaa soo iibin karta, gaynna karta qalabkaas xarumaha loogu talagay in lagu hubiyo caabuqa COVID-19. View the full article
-
Adds Ababa (Caasimada Online) – Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa qoraal kasoo saaray safarka uu ku tegay Addis Ababa iyo kulan uu magaalada Addis Ababa kula qaatay dhiggiisa dalka Ethiopia Abiy Ahmed. Qoraalka, oo aan faah-faahin badan bixin ayaa lagu sheegay in kulanka labada mas’uul diiradda lagu saaray adkaynta xiriirka labada dowladood iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo siyaasadda. “Mas’uuliyiinta ayaa isla soo qaaday xaaladda Coronavirus iyo sida ay labada dal wadajir u wajahi karaan, iyada oo la eegayo dhinacyada la iska kaashan karo, si looga hortago inuu ku faafo labada dala” ayaa lagu yiri qoraalka. Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa sidoo kale ka wada hadlay xasilloonida gobolka Geeska Afrika iyo kaalinta ay labada dowladood si wadajir ah uga qeyb qaadan karaan, sida qoraalka lagu sheegay. Qoraalka laguma soo hadal qaadin khilaafka iyo xiisadda cusub oo ka dhex oogan Soomaaliya iyo Itoobiya, oo ra’iisul wasaaraha uu Addis Ababa u tegay isku dayay uu kusoo xalinayo. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Itoobiya ay aad uga carrootay taageerada ay Soomaaliya u muujisay qaraar kasoo baxay ururka Jaamacadda Carabta oo ka dhan ahaa biyo-xireenka Itoobiya ay ka dhiseyso webiga Nile, kaasi oo Masar ay aad uga soo horjeeddo. Itoobiya ayaa la rumeysan yahay inay dooneyso in Soomaaliya ay shaaciso taageeradeeda, taasi oo aad u adag, maadaama Soomaaliya xubin ka tahay Jaamacada Carabta, ayna qaadan karin go’aan gaar ah.
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Djibouti, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa xaqiijiyey in qofkii uga horeeyey ee qaba cudur Corona-virus laga helay dalkiisa, kaasi oo ah muwaadin u dhashay dalka Spain kana mid ahaa ciidan military oo dalkaasi yimid March 14, 2020. Bukaankan ayaa lagu karan-tiilayaa Xarun Ciidan oo uu Faransiiska ku leeyahay Djibouti, waxaana warka intaasi ku darayaa in ciidankii kale ee malitariga Spain oo ahaa 32 ruux lagu hayo meel gaar ah oo xaaladooda lagula socdo sida Wasaaaradda Arrimaha Dibadda iyo tan Caafimaadka Djibouti ay ku waramayaan. Cudurka Corona-virus (COVID-19) ayaa dunida oo idil ku fidaya maalinba maalinta ka dambeysa, kuna beeray cabsi badan, waxa uuna soo ritay dad ka badan 200,000 oo qof. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-habeen-18032020.mp3 View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Iyadoo shalay Gudiddii Somaliland u saartay ka hortaga cudurka Coronavirus ay soo saareen go’aano lagu yaraynayo isu imaatinka bulshada, ayay qaar ka mid ah dhaqale yahanada ku nool magaalada Hargeysa uga digayaan inay ganacsatada inay ka faa’iideystaan fayruskan. Dhaqaalyahanada ayaa ka digay in ganacsatada ay isku dayaan inay kor u qaadaan badeecadaha daruuriga ah sida raashinka oo kale, waxaanay ugu baaqeen Xukuumadu inay isha ku hayso arrimahan, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Jabuuti (Caasimadda Online) – Dowladda Jabuuti ayaa xaqiijisay in kiiskii ugu horreeyay ee fayraska Corona lagu arkay dalkaasi kadib markii uu soo gaaray wadamada Geeska Africa. Wasiirka caafimaadka Dowladda Jauuti Maxamed Warsame Diiriye, ayaa u sheegay warbaahinta dowladda in ay ka heleen qof u dhashay dalka Spain oo sugnaa Magaaladda Jabuuti ee Caasimada dalkaasi. Wasiirka ayaa sheegay in qofkaas uu dalka Jabuuti soo galay 14 Bishaan March isla markaasna baaritaan lagu sameeyey lagu ogaaday inuu qabo cudurkaas. Cudurkaan saf-marka ah ayaa maalmo ka hor laga helay dalka Kenya, Itoobiya iyo Soomaaliya oo ah wadamo wadaago xuduud. Kiisaska Corona Virus ee laga helay dalka Kenya ayaa gaaray ilaa 7, halka Itoobiya la helay ilaa 6 Kiis, Soomaaliyana waxay Shalay xaqiijisay hal kiis. Cudurka Coronavirus ayaa saameyn xoog leh ku yeeshay Adudunyada, waxaana ilaa hadda lagu guuleysan la’yahay in lasoo saaro daawadiisa, inkastoo wadamo uu ku jiro Mareykanka la tijibaanayo tallaal cudurkaan looga hortagayo.
-
Jubbaland iyo xisbiyada ka dhisan magaalada Muqdisho, ee la baxay Madasha xisbiyada Qaran, ayaa ka hadlay go’aanadii la sheegay in ay ka soo baxeen shirkii Puntland. Qoraal ka soo baxay Madashada la baxday xisbiyada Qaran ayaa lagu soo dhaweeyey go’aanadaas, waxaana si gaara ah loo bogaadiyey qodobadii ka hadlayey dastuurka, doorashooyinka 2020/2021 iyo shirka saamileyda siyaasadda Soomaaliya. Dhanka ka kale qoraal ka soo baxay Jubbaland ayaa si buuxda loogu taageeray qodobadii ka soo baxay shirkii wadatashiga Puntland ee shalay ku soo xirmay magaalada Garowe. Hoos ka akhriso labada qoraal ee Jubbland iyo madasha xisbiyada Muqdisho PUNTLAND POST The post Maxay Jubbaland iyo Madasha xisbiyada Muqdisho ka yiraahdeen go’aanadii shirkii Puntland? appeared first on Puntland Post.
-
Burco (Caasimada Online) ― Shir-weynihii Beelaha Habar-jeclo iyo West Burco Clan uga socday magaalada Burco ee gobolka Togdheer ayaa maanta la soo gaba-gabeeyay, iyadoona laga soo saaray War-murtiyeed ka kooban dhowr qodob. War-murtiyeedka ay Labada Beel soo saareen ayaa waxa si weyn uga dhex-muuqday cadaadis ay Xukuumada Muuse Biixi ku saarayaan heshiiskii ay xukuumadii ka horeysay ay la gashay Maamulka Khaatumo. Labada Beel ayaa soo jeediyay in waqtigan loo baahan yahay in Xukuumada Somaliland ay fulisay heshiiskii ay hore ula gashay Khaatumo. Sidoo kale waxa ay ku baaqeen in si wada-jir ah loo ilaaliyo qaranimada Somaliland iyo midnimadeeda, isla markaana dhinac looga soo wada-jeesto waxkasta oo waxyeeleynaya. War-murtiyeedkaasi ayaa waxa kale oo lagu bogaadiyey Heshiiskii ay dhowaan Mucaaridka iyo Muuse Biixi ka gaadheen khilaafkii baahsanaa ee hadheeyay arrimaha doorashooyinka Somaliland. Waxayna Golaha Guurtida ugu baaqeen inay ansixiyaan Guddigii culimada ee Dastuuriga, iyagoona Golayaash u soo jeediyay inaysan marnaba ansixin xeerkasta oo ka hor iman kara shareecada Islaamka. Xukuumada Biixi ayaa waxay kale oo ay ugu baaqeen in Xilalka dawliga ah iyo weliba mashaariicda horumarineedba ay Xukuumadoodu si cadaalad ah ugu qeybiso beelaha wada daga deegaanada Somaliland. Hoos ka aqriso war-murtiyeedka oo dhameystiran
-
Qodobada barnaamij wareedka galabnimo ee GoobjoogFM ugu doorka roon ayaa waxa ay kala yihiin: Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in 15 Maalmood la xiray Laanta dambi baarista ee C.I.D. Dowladda Soomaliya ayaa shaaciyay in dhaqaalaha ay u diyaarisay ka hortagga iyo la tacaalidda caabuqa COVID- 19, Dalka oo dhan. Guddomiyaha Maxkamdda Gobolka Hiiraan ayaa dacwad ka gudbiyay Guddomiyaha Gobolka Hiiraan iyo Taliyaha asluubta qebta gobolkaasi. Madaxweyne Puntland ayaa aqbalay in uu Shir wada-tashi ah u qabto Saamileyda Siyaasadeed ee Soomaliya. Taliska Xoogga Dalka ayaa ka hadlay qaabkii ay Ciidamada Dowladda kula wareegen Magaalada Janaale ee Gobolka Shabeellaha hoose. Haddaba halkaan ka dhageyso qodobadaasi oo intaas ka faahfahsan, waxaana soo jeedinaya Basiir Maxamuud Maxamed iyo Anfac Aadan cabdi https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/03/Bar-wareedka-galabnimo-18-03-2020-ok.mp3 Source: goobjoog.com
-
Guddiga qaban qaabada caleema saarka Madaxweynaha Galmudug ayaa go’aansaday in dib loo dhigo munaasabadda Caleema saarka oo dhici lahayd 26-ka Maarso 2020. Guddigu wuxuu go’aankan gaaray markii uu arkay saameynta ay xannibaadda dayaaraduhu ku yeelatay qurbajoogta Soomaaliyeed ee ka qeyb geli lahaa munaasabadda, arkay talada dhakhaatiirta, dhegeystayna soo jeedinta Dowladda Federaalka ee ah in la dhimo kulammada waaweyn. Guddigu wuxuu garawsaday baahida loo qabo in maskax, muruq iyo maalba la isugu geeyo ka hortagga faafidda dulinka Korona iyo daryeelka dadka qaada cudurka ka dhasha ee Covid-19. Caleema saarka waxaa la qaban doonaa xilli ku habboon kaas oo uu Guddigu la wadaagi doono Dadweynaha xilli gudboon. Madaxtooyada Galmudug waxay muddo gaaban gudaheed faahfaahin rasmi ah ka bixin doontaa howlaha ay Madaxtooyada iyo Baarlamaanku ku dhaqaaqi doonaan maalmaha iyo toddobaadyada foodda nagu soo haya. View the full article
-
Guddiga qaban-qaabada caleema-saarka madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Galmudug, ayaa dib u dhigay munaasabadda Caleema saarka oo dhici lahayd 26-ka Maarso 2020. Guddiga ayaa sheegay in uu go’aankaas gaaray, markii uu arkay saameynta ay xannibaadda dayaaraduhu ku yeelatay qurbajoogta Soomaaliyeed ee ka qeyb geli lahaa munaasabadda, arkay talada dhakhaatiirta, dhegaystayna soo jeedinta dowladda Federaalka ee ah in la dhimo kulammada waaweyn. Guddiga ayaa sidoo kale sheegay, in uu garawsaday baahida loo qabo in maskax, muruq iyo maalba la isugu geeyo, ka hortagga faafidda caabuqa Korona iyo daryeelka dadka qaada Covid-19. Sidoo kale, guddiga ayaa xusay in Caleema-saarka la qaban doono xilli ku habboon, kaas oo uu Guddigu la wadaagi doono Dadweynaha wakhtiga munaasabka ah. PUNTLAND POST The post Caleema-saarka madaxweynaha cusub ee Galmudug oo dib loo dhigay appeared first on Puntland Post.
-
AMISOM troops in a joint military offensive with Somali National Army, SNA, on Monday, March 16, 2020, liberated the bridge town of Jannale, a stronghold of Al-Shabaab, in Somalia. Jannale, approximately 90km (55 miles) south-west of Mogadishu, Somalia’s capital city, has been the hub for terrorists’ operations and activities – it was where they planned dastardly activities to wreak havoc – killing innocent civilians and destroying properties across Somalia. Speaking after the operations, the Sector I and Uganda Contingent Commander, Brig Richard Otto, commended both SNA and AMISOM troops on liberating the town with approximately, 30,000 people. He said it is currently under the full control of the joint forces – AMISOM and SNA. The AMISOM Force Commander, Lt. Gen. Tigabu Yilma Wondimhunegn, described the operation successfully as several Al-Shabaab terrorists were killed and scores wounded. He commended the SNA, AMISOM, and partners for the joint planning efforts and execution and wished injured troops speedy recovery. “AMISOM jointly with Somali Security Forces have minimized the threat posed by Al-Shabaab in the larger territory of Somalia hence their fighting capability has been reduced into small scale attacks on isolated targets,” he revealed. The Deputy Head of Mission for AMISOM, Simon Mulongo, congratulated SNA and AMISOM for their commitment to restoring peace, security, and stability in Somalia. “The liberation of Jannale is a major win against terrorism in Somalia. This will destabilize the operations of Al-Shabaab who continue to destroy lives and properties. Increasingly, Somali Security Forces are taking the lead in efforts to degrade Al-Shabaab,” said the Deputy Head of Mission for AMISOM. The capture of Jannale is in line with the revised AMISOM Concept of Operations (CONOPS 2018-2021) and the Somali Transition Plan. AMISOM forces jointly with Somali Security Forces, have conducted offensive operations in Lower Shabelle to capture the four Bridge Towns. They successfully captured Sabiid-Anoole in April 2019, Bariire in May 2019, and Awdheegley in August 2019. As part of measures to secure the coastal areas, the town of Ceel Saliini was also captured by the joint forces in June 2019. View the full article
-
Twenty-Five Jubbaland police officers have undergone training to hone their skills in traffic management, road traffic rules and regulations, road accident investigations and public order management. The 12-day training at Kismayo Central Police Station, organized by the African Union Mission in Somalia (AMISOM), was designed to improve safety and order on Jubbaland’s public roads by equipping the officers with the knowledge and tools needed to perform their duties effectively. “The training focused on management of road traffic accidents, road traffic investigations, and how to work with different partners and stakeholders in road traffic management. We also looked at the conduct of traffic police officers, because one must be professional in order to manage traffic,” said Victor Nahabwe, AMISOM Police Training and Development Coordinator. Lt. Col. Bashir Hiis Khalif, the commander of Jubbaland Traffic Police, said the training was important in refreshing the knowledge of the officers under his command. “The traffic officers are already familiar with road traffic rules as they have been applying them for some time. However, they needed this training to refresh and review their traffic management skills and how best to enhance relationships with the motoring public and other road users. I am happy that they have gained new skills,” he said. Capt. Ibrahim Mohamed Ali, a Jubbaland traffic police officer, said the training was important for improved performance of their jobs. “This training has boosted our morale and refreshed our skills and knowledge. This will help improve performance, make us more effective as there will be changes in how we work,” he said. View the full article
-
Popular Contributors
