-
Content Count
214,410 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
BAIDOA (HOL) -A selection committee tasked with composition of South West parliament has unveiled a 95-member list for the state assembly reducing the number from the initial 149. Source: Hiiraan Online
-
Baydhabo (Caasimadda Online) – Guddiga Madaxa bannaan ee xulista Baarlamaanka labaad ee koonfur Galbeed ayaa waxaa ay ku dhawaaqeen liiska xildhibaannada Cusub ee Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed oo ka kooban 95 Mudane. Guddiga ayaa sheegay in wadatashi dheer oo ay la yeesheen odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed kadib ay soo xuleen liiska Xildhibaanadaan oo muddo badan ay ka taagneyd is qabqabsi dheer oo aan illaa hadda la xalin. Sida ay ogaatay Caasimadda Online, inta badan xildhibaanada lasoo xulay ayaa ah kuwa ay keensatay Dowladda Soomaaliya, waxaana kursiga xildhibaanimo loo diiday dhawr mas’uul oo horey xil uga soo qabtay Koonfur Galbeed, gaar ahaan kuwii lasoo shaqeeyey madaxweynihii hore ee Maamulkaas Shariif Xasan Sheekh Aadan. Guddiga xulayey Xildhibaanada oo ahaa agaasimayaal iyo shakhsiyaad ka tirsan shaqaalaha Dowladda ayaa shaqada u qabtay sidii ay Dowladda ku amartay oo ahaa inay Xildhibaanada noqdaan kuwa daacad u ah Dowladda oo ku shaqeenayo rabitaankeeda. Xildhibaannada Cusub ee Baarlamaanka labaad ee Koonfur Galbeed ayaa dhawaan waxaa ay dooran doonaan guddoomiye iyo kuxigeenadiisa, iyada oo la dhaarin doono. Halkaan hoose ka akhriso liiska Xildhibaanada oo dhameystiran.
-
(SLT-Hargeysa)-Qiimaha lagu iibiyo Raashinka Quutal-daruuriga ah ayaa wax iska beddeleen Maalmihii la soo dhaafay, ka dib markii Dalalka Dunida oo Somaliland ku jirtaa ay Dadkooda ku amreen inay guryahooda joogaan. Dawladda Somaliland ayaa Toddobaadkan Dadweynaha u soo jeedisay inay yareeyaan Isku imaanshiyaha, waxaana la fasaxay Dugsiyada Waxbarashada, si looga gaashaanto Caabuqa Coronavirus, taasina waxay keentay in Dadweynuhuna ka tabaabulshaystaan oo ay suuqyada u galaan sidii ay kayd u dhigan lahaayeen, maaddaama oo wax kastaaba dhici karaan. Illaa hadda waxyaabaha muhiimka ee Qiimahoodu isbeddelay waxa ka mid ah Sonkorta, Daqiiqda iyo Bariiska oo inta badan Shacabka reer Somaliland isticmaalaan, sida ay Geeska Afrika u xaqiijiyeen qaar ka mid ah Hawl-wadeennada Bakhaarrada iibiyo Raashinka oo uu booqday. Sonkorta oo hore u ahayd 27 Dollar, ayaa hadda waxa ku kordhay 1 Dollar, waxaana Shalay lagu kala iibsanayey 28 Dollar. Bariiska oo hore loogu iibin jiray 27 Dollar, ayaa waxa isaga ku kordhay 1 Dollar, waxaana la kala siisanayaa 28 Dollar. Waxyaabaha kale ee Qiimahoodu kor u kacay waxa ka mid ah Daqiiqda oo hadda lagu iibinayo 25 dollar, halkii hore loogu iibin jiray 24 dollar. Ganacsatada uu Geeska Afrika la kulmay waxay sheegeen in sababta ugu weyn ee Qiimaha Raashinku isku beddelay aanay ahayn sida Dadweynaha reer Somaliland u iibsanayaan Raashinka oo intii hore ka badan, balse ay jiraan Ganacsato u badan Itoobiyaan oo Raashin ka iibsanaya Dalka, sida Wajaale “Wajaale oo kale, Ma jirto Cid joojisay Raashinka laga saarayo..” ayuu yidhi, mid ka mid ah Bakhaarleydu, kaasi oo intaa ku daray inuu arkay nin Itoobiyaan ah oo Dhowr kun oo Tan oo Saliidda Cuntada ah ka raadinaya Hargeysa, arrimahaasina qayb ka yihiin korodhka ku yimid Qiimaha Ascaarta. Dhinaca kale, Waxyaabaha Qiimahoodu is beddelay waxa mid ah Waxyaabaha Dhakhaatiiru ku talinayaan in Dadweynuhu u isticmaalaan ka hor-tagga Cudurka Coronavirus, sida Dareeraha loo yaqaano Dettol oo Gacmaha la marsado, ka dib marka la falaxasho, balse waxa Suuqa Hargeysa ka jirta Saxmad dhinaca wax iibsiga ah, waxaanad arkaysaa Dad Bakhaarrada ku buuqsan, kuwaasi oo alaabooyinka Raashinku ka mid yahay iibsanaya. Source
-
Diyaarad rakaab siday oo ay leedahay shirkadda Fly Dubai ayaa saaka laga celiyey garoonka diyaarada Cigaal ee magaalda Hargeysa. Diyaarada oo aroornimadii hore ee saaka ka soo duushay magaalada Dubai ee dalka Isutaga Imaaraaadka Carabta ayaa saaka Hargeysa ka degi lahayd 07:20 subaxnimo, balse waxaa amar lagu siiyey in aysan ku degi karin Egal International Airport. Diyaarada laceliyey oo magaceedu ahaa FlyDubai FZ661 ayaa dib ugu laabatay Dubai International Airport (DXB), oo ay goordhow oo ah 12:45PM ka dagi doonto. Sidaa ay xogta ku heshay PUNTLAND POST waxaa diyaarada amarka ay ku noqotay bixiyey dowladda Federaalka Soomaaliya, oo xalay saddexdii dhexe uu dhaqan galay amar ay horey u soo saartay oo ahaa in Soomaaliya si ku meel gaar ah loo joojiyey duulimaadyada caalamiga ah. Somaliland ayaa wali ka hadlin diyaarada rakaabka siday ee dowladda Federaalku ay diiday in ay ka degto garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo diyaarad ka celisay garoonka diyaaradaha Hargeysa appeared first on Puntland Post.
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee ka howlgala magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa maanta gacanta ku dhigay Jaakadda loo adeegsado qaraxyada oo lagu qarinayey xaafad ku taalla koonfurta magaaladaasi. Taliyaha qeybta Booliska gobolka Mudug, G/ Shexe Qaasim Sheekh Doon Cali oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa sheegay in ciidanka ay gacanta ku soo dhigeen jaakadda qaraxyada iyo agabkii lagu qarxinayey, kadib xog ay ka heleen shacabka. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay ku raad joogaan raggii ku howlanaa diyaarinta qaraxaasi, islamarkaana ay sii wadi doonaan howlgalladooda. Dhankiisa guddoomiyaha gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Galmudug, Cabdiraxmaan Cali Siiriye oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa boggaadiyey ciidanka fuliyey howlgalkaasi, isagoona sidoo kale u mahadceliyey dadka shacabka ah ee soo gudbiyey xogtaasi. Lama oga illaa iyo hadda halka lala damacsanaa weerarka qaraxa ee la qorsheynayey, balse ay ka hortageen ciidamada ammaanka. Gaalkacyo oo u kala qeybsan koonfur iyo waooyi ayaa waxaa maalmihii u dambeeyey howlgallo ka waday ciidamada maamullada Galmudug iyo Puntland.
-
Ismaaciil Aadan Cadow, Cabbdikariim Nuur Maxamuud, Cabdi Jaamac Cabdi iyo Daahir Cali Cabdi ayaa loo soo xiray in ay ku lug la haayeen Qarax ka dhacay gurigii uu deganaa guddoomiye ku xigeenkii Arrimaha bulshada gobalka Shabeellada Hoose Cumar Maxamuud Cilmi kaasi oo sababay Dhimashada Marxuumka Lixdii November sanadkii tegay. Hey’adaha Ammaanka ayaa soo kala xiray Afarta tuhunsane xilliya kala duwan, waxa ayna ku kala wareejiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida bartimihii December iyo dabayaaqadii January. Ismaaciil Aadan Cadow, ayaa ahaa guddoomiye ku xigeenkii arrimaha bulshada degmada Afgooye, Cabdi Jaamac Cabbdi ayaa ahaa guddoomiyaha waaxda Ceelasha Biyaha, Cabbdikariim Nuur Maxamuud ayaa ahaa beeraley halka Daahir Cali Cabdi uu ka tirsanaa ciidanka ilaalada deegaanka “Minishiibiyo”. Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku soo eedeyay Afarta ruux in ay ka mid yihiin Alshabaab iyo in ay ka dambeeyeen Qarax uu ku geeriyooday Allaha Unaxariiste Cumar Maxamuud Cilmi oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii Arrimaha bulshada gobalka Shabeellada Hoose. Mid kamid ah Qareenada u dooday eedeysanayaasha ayaa Maxkamadda u sheega in aysan jirin wax cadeyma ah oo muujinaya in ay ka dambeeyeen raggan qaraxa uu ku geeriyooday guddoomiye ku xigeenkii gobalka Shabeellada hoose, sidaas darteedna ay codsadeen inaan loo ciqaabin natiijada tuhun aan buuxin shuruudaha eedda. Maxkamadda ayaa ugu dambeyn go’aamisay in afarta eedeysane ay xur yihiin hadii aysan jirin eedo kale oo loo haysto sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamad Qalabka Sida. Gooobjoog News Source: goobjoog.com
-
The Consultative Conference reaffirmed: 1) Puntland’s commitment to a United, Democratic and Federal Somalia. 2) It gave a fresh mandate to Puntland leadership to renegotiate with Somali political stakeholders within the context of Federal governance. 2) It set a new ambitious roadmap to address the grievances among Puntland people. 3) It urged the government to come up with strategy to extend the authority of Puntland to regions it federally represents. 4) It urged the government to hold Elections by the end of its tenure The outcome of the conference was NOT a predetermined political manifesto. Neither was it an unpopular view of President Said Dani and his team. It is the byproduct of honest deliberations and in-depth conversation of close to 2000 Puntland Intellectuals and traditional leaders who traveled from different corners of the world. Note: The communique is an unofficial translation of statement delivered at the end of the conference. PUNTLAND POST The post COMMUNIQUE OF PUNTLAND CONSULTATIVE CONFERENCE appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Diyaarad rakaab ah oo ka timid dalka Isu Taga Imaaraadka Carabta ayaa lagu soo warramayaa in saaka loo diiday inay ka degto garoonka diyaaradaha Cigaal International, magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland. Wararka ayaa sheegaya in diyaarada oo ay laheyd shirkadda Flydubia ay dib ugu laabatay dalka Imaaraadka Carabta, iyadoo aan dajin rakaabkii ay siday. Ma cadda sababta, balse waxaa la xiriirinayaa cabsida laga qabo faafitaanka cudurka Coronavirus oo haatan fara ba’an ku haya wadamo badan oo ku yaalla caalamka. Arrintaan ayaa sidoo kale ku soo aadeysa, iyadoo maanta uu dhaqan galay go’aankii ay dowladda federaalka ku hakisay dhamaan duulimaadyada caalamiga ee ah Soomaaliya. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in illaa iyo hadda aysan wax diyaarad ah ka soo dagin garoonka Aadan Cadde, kadib go’aankii dowladda ee Isniintii la soo dhaafay. Wasaaradda gaadiidka ayaa shaacisay in xanibaada ay socon doono muddo illaa 15 cisho ah, sababo la xariira cudurka Coronavirus. Tallaabadaan ayaa qeyb ka ah qorshaha ay dowladda uga hortageyso cudurkaan, iyadoo dhammaan albaabada isugu laabtay goobaha waxbarashada ee magaalada Muqdisho.
-
Waxaa maanta dhaqan galay amarkii dhowaan ay soo saartay dowladda federaalka ee ku aaddanaa duulimaadayada caalamiga ah in aysan dalka imaan Karin muddo 2 todobaad ah, si looga baaqsado faafidda caabuqa Coronavirus oo kiiskii ugu horeeyay laga helay Soomaaliya. Sidoo kale wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in diyaarad sidday rakaab islamarkaana ka timid dalka Imaaraadka Carabta kuna sii jeeday magaalada Hargeysa la sheegay in dib loo celiyay, waxaana diyaaradda la celiayay lagu magacaabaa Flydubai. Waxaana wararku ay intaas ku darayaan in dowladda federaalaka ay lahayd amarka dib loogu celiyay diyaaradaasi sidday rakaabka maadaama la dhaqan galinayo amarkii duulimaadyada caalamiga ahaa. 16-kii bishan wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay go’aan ku addan in aan wax duulimaadyo oo caalami ah soo gali Karin dalka muddo 2 todobaad ah oo maanta dhaqan gashay. Go’aanka lagu joojiyay duulimaadyada caalamiga ah ayaa ku soo aadaya xilli wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ay 16-ka bishan shaacisay in garoonka diyaaradaha Muqdisho laga helay kiiskii ugu horeeyay ee xanuunka Coronavirus. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Soomaaliya ayaa sii deysay mas’uuliyiin hore oo ka tirsanaa maamulka gobolka Shabeelaha Hoose, kuwaas oo u xirnaa eedeymo la xariira Al-Shabaabnimo. Xubnaha la sii daayey ayaa kala ahaa Ismaaciil Aadan Cadow oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii arrimaha bulshada degmada Afgooye, Cabdi Jaamac Cabbdi oo isna ahaa guddoomiyaha waaxda Ceelasha Biyaha, Daahir Cali Cabdi oo isna ka tirsanaa ciidanka ilaalada deegaanka Minishiibiyo iyo Cabbdikariim Nuur Maxamuud oo ahaa beeraley. Dhammaan xubnahaan ayaa waxaa lagu soo eedeeyey inay ku lug lahaayeen qarax gurigiisa lagula dilay lixdii November sanadkii tegay guddoomiye ku xigeenkii arrimaha bulshada maamulka goboolka Shabeellha Hoose Marxuum Cumar Maxamuud Cilmi. Hay’adaha ammaanka ayaa afartaan eedeysane gacanta ugu soo dhigay siyaabo kala duwan, iyadoona xafiiska xeer ilaalinta maxkamada ciidamada qalabka sida ay la wareegtay bartimihii December iyo sidoo kale dabayaaqadii bishii January. Intii ay socotay dhageysiga dacwadda loo heystay raggan ayaa mid kamid ah Qareenada difaacayey eedeysanayaasha wuxuu maxkamadda ka hor sheegay in aysan jirin wax cadeyma ah oo muujinaya in ay ka dambeeyeen qaraxaasi, sidaas darteedna ay u codadeen inaan loo ciqaabin natiijada tuhun aan buuxin shuruudaha eedda. Ugu dambeyn guddoomiyajha maxkamadda darajada koowaad ciidamada qalabka sida dowladda federaalka Soomaaliya, Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur (Shuute) ayaa ku dhawaaqday in afarta eedeysane ay xur yihiin, hadii aysan jirin eedo kale oo loo haysto.
-
Puntland: Magacyada urur siyaasadeedyada is diiwaan galiyey
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
G. TPEC, Guuleed Saalax Bare Guddiga doorashooyinka KMG ah ee dowladda Puntland oo haatan shir jaraa’id ku qabtay caasimadda Garoowe ayaa si rasmiya u shaaciyay urur-siyaasadeedyada ay diiwaan-geliyeen saddexdii bilood oo la soo dhaafay. Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Guuleed Saalax Maxamed ayaa warbaahinta u sheegay in mudd saddex bilood gudahood ah si hor dhac ahku diiwaan-geliyeen 17 urur-siyaasadeed. Guddoomiyaha ayaa sheegay in 17-ka urur siyaasadeed ay buuxiyeen shuruudaha hordhaca ah ee laga doonayo ururrada siyaasadda Puntland. Mudane Guuleed Saalax ayaa sidoo kale sheegay in shuruudaha kale ee u harsan ururrada siyaasadda laga doonayo in ay soo dhammaystiraan ugu dambeyn 22-ka bisha Apriil ee sannadkan 2020. ©PUNTLAND POST The post Puntland: Magacyada urur siyaasadeedyada is diiwaan galiyey appeared first on Puntland Post. -
Diyaaradda rakaab sidday oo kasoo duushay Dubai oo laga-leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ayaa saaka subaxii hore laga celiyay in ay cago-dhigato garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ee caasimada dalka Soomaaliland. Diyaaradda ayaa sidoo kale qorshaynaysay inay rakaab keento garoonka diyaaradaha Cigaal, halka kuwo kalena ay ka qaadi lahayd. Ilo xog ogaal ah ayaa xaqiijinaya in rakaabka ay diyaaraddu kula noqotay magaalada Dubai, kadib markii loo diiday inay ka degto Madaarka Hargeysa. Arintan ayaa imanaysa xilli dawladda Soomaaliya ay hakisay duulimaadyada caalamiga ah si looga hortago caabuqa Coronavirus,in kasta oo ilaa iyo haatan xukuumadda Somaliland ayna joojin duulimaadyada caalami ah ee imaan jiray dalka. Qaran News
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in xalay kooxo hubeysan ay dil ka geysteen qeybo ka mid ah gobolkaasi. Dilka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo geystay marxuum Xasan Mayow Isaaq oo ahaa guddoomiyaha deegaanka Goof-Gaduud Buurey oo ka tirsan gobolka ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Ragga dilka fuliyey ayaa la sheegay inay weerar gaadma ah ku qaadeen goob uu ku sugnaa guddoomiyaha, islamarkaana uu markii hore soo gaaray dhaawac culus. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Xasan Mayow Isaaq oo la dhigay isbitaalka Baydhabo uu saacado kadib u geeriyooday dhaawaca ka soo gaaray weerarkaasi. Al-Shabaab ayaa dhabarka u ridatay mas’uuliyadda dilka marxuumka, iyada oo sheegtay in dagaalyahannadii fuliyey ay si aayar ah goobta uga baxsadeen. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka iyo kan Koonfur Galbeed oo ku aadan dhacdadaasi. Goof-Gaduud Buurey oo qiyaastii 30 KM oo kaliya u jira Baydhabo ayaa waxaa had iyo jeer weeraro ka fulisa kooxda Al-Shabaab oo welu ku xoogan gobollada Baay & Bakool.
-
(SLT-Hargeysa)-Cali Axmed Cabdi (Cali Cantar) oo ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa ka hadlay Xaaladda amni ee Magaalada Laascaanood, halkaasi oo dhawaan lagu dilay Guddoomiyihii Maxkamadda Gobolka Sool iyo Taliyihii Sirdoonka. Mr. Cantar oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa Xukuumadda ku dhaliilay inay ka gaabisay in baadhid lagu sameeyo Dilalkii u dambeeyay ee Laascaanood ka dhacay, si looga gun-gaadho halka Sartu ka qudhuntay. Cali Axmed Cabdi (Cali Cantar) oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “2-dii bishan waxa la dilay Xasan Sheekh Cumar oo ahaa Guddoomiyihii Maxkamadda Gobolka Sool, haddana waxa lagu xigsiiyey Cabdiqani Guhaad Xasan oo ahaa Taliyihii Ciidanka Sirdoonka ee Gobolka Sool, Labada Ilaahay ha u naxariisto, Madaxweynuhuna wuu ka hadlay.” Cantar wuxuu soo jeediyey in Dawladda dhexe tagto Sool, isla-markaana baadhitaan qoto-dheer lagu sameeyo Dilalka loo geystay labada Masuul “Haddii Dawladnimo jirto waa in la tago oo la baadho, oo baadhista hore u joogtay aan ahayn oo xoojin ah la geeyo oo wixii Dilka geystay (la baadho weeyaan)…”Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in intii Xukuumadihii Kulmiye ee Talada Dalka u kala dambeeyay Somaliland hoggaaminayeen ay Laascaanood noqotay Sayladda Dilka “Illaa Dawladdii Kulmiye siday u dhalatay meeshaasi waxay ahayd Saylad Dadka lagu laayo..” Source
-
(SLT-Hargeysa)-Diyaaradda rakaab sidday oo kasoo duushay Dubai oo laga-leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ayaa saaka subixii hore laga celiyay in ay cago-dhigato garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ee caasimada dalka Soomaaliland. Diyaaradda ayaa sidoo kale qorshaynaysay inay rakaab keento garoonka diyaaradaha Cigaal, halka kuwo kalena ay ka qaadi lahayd. Ilo xog ogaal ah ayaa xaqiijinaya in rakaabka ay diyaaraddu kula noqotay magaalada Dubai, kadib soo-degidda loo diiday. Arintan ayaa imanaysa xilli dawladda Soomaaliya ay hakisay duulimaadyada caalamiga ah si looga hortago caabuqa Coronavirus,in kasta oo ilaa iyo haatan xukuumadda Somaliland ayna joojin duulimaadyada caalami ah ee imaan jiray dalka. Source
-
Wararka aan ka helayno gobalka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in gobalkaasi saacadihii la soo dhaafay lagu dilay guddoomiyihii deegaanka Goofgaduud buureey ee duleedka magaalada Baydhabo. Guddoomiyaha la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xasan Mayow Isaaq, waxaana dilkiisa geysatay koox bistoolado ku hubeysnayd oo markii falka ay geysteen ka dib isaga baxsaday goobta. Dilkan oo dhacay xalay ayaa wararka qaar waxa ay tilmaamayaan in guddoomiyaha markii hore uu dhaawacmay balse uu markii dambe uu ku geeriyooday cisbitaal ku yaalla magaalada Baydhaba ee gobalka Baay. Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda lagu dilay guddoomiyahan, waxaana sidoo kale aan jirin hadal ka soo baxaya laamaha amaanka ee maamulka Koonfur Galbee oo ay uga hadlayaan dhacdadaan. Amaanka deegaanada qaar ee Koonfur Galbeed ayaa ah mid aan la isku haleyn Karin waxaana marba marka ka dambeysa sii kordhaya weerarada ay Al shabaab ka geystaan qeybo ka mid Koonfurta Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in ay xidhayaan, xadka Mareykanka iyo Canada. Trump ayaa tilmaamay in amarkaan uu saameyn doono dalxiisayaasha iyo dadka kale ee booqanaya Mareykanka. Dhanka kale wuxuu sheegay in arintaan ay saameyn doonin xiriirka ganacsi ee Canada iyo Mareykanka, sida uu ku soo qoray bogga uu ku leeyahay Twitterka. Ra’isul Wasaaraha Canada Mr Justin Trudeau ayaa dhankiisa war ka soo baxay goordhow waxaa lagu xaqiijiyay in labada wadan ay isla garteen Arintaan. Xadka Mareykanka iyo Canada ayaa maalin waliba waxaa ka gudba 200,000 oo u badan muwaadiniinta labada Dal. Source
-
Taliska howlgalka nabad ilaalinta Ururka Midowga Africa ee AMISOM ayaa war-sxaafadeed ka soo saaray howlgalladii ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay maalmo ka hor kula wareegeen deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose. Taliyaha ciidamada nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM ayaa sheegay in howlgalka ay kula wareegeen Janaale uu ahaa mid ay kaga guuleysteen Al-Shabaab oo sanado badan maamuleysay deegaankaasi, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale Simon Mulongo oo ku xigeenka madaxa AMISOM ee Soomaaliya ayaa ciidanka dowladda iyo kuwa nabad ilaalinta ee Midowga Africa ugu hambalyeeyay howlgalka ay kula wareegeen deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose. Ugu danbeyn AMISOM ayaa shaacisay in la wareegitaanka deegaanka Janaale uu hordhac u yahay qorshaha ay 2021-ka uga bexeyso gudaha Soomaaliya, horayna ay ciidanka dowladda gacan uga siiyeen in dagaalyahannada Al-shabaab ay ka saaraan deegaanada Sabiid iyo Caanoole, Bariire, Ceel Sakiini iyo degmada Awdheegle ee gobolka Sh/ Hoose. View the full article
-
Xafiiska howlgalka kaalmeynta Qaramada Midoobay Soomaaliya ee UNSOM ayaa qoraal kooban uu soo saaray faah faahin uga bixiyey weerar madaafiic ah oo xalay lagu qaaday xarunta Xalane ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in madaafiic fara badan lagu weeraray xarunta Xalane oo Qaramada Midoobay, AMISOM, safaarado iyo hay’ado caalami ah ay dagan yihiin. Sidoo kale QM ayaa sheegtay in weerarkaasi madaafiicda ah ay u xilsaartay saraakiil dhanka amaanka ah, islamarkaana ay baaritaan ku sameyn doonaan dhacdadaasi. Xafiiska UNSOM ayaa ugu dambeyn shaaciyey inuu dib ka faah faahin doono khasaaraha ka dhashay weerarkaasi. Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay in illaa shan hoobiyeyaal ah ay la beegsatay gudaha xarunta Xalane oo ah meel amnigeeda si weyn loo ilaaliyo. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska howlgalka kaalmeynta QM Soomaaliya ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano UNSOM ayaa warsaxaafadeed ka soo saaray weerar madaafiic ah oo lagu qaaday xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho. UNSOM ayaa qoraalkeeda ku shaacisay in tiro hoobiyeyaal ah xalay lagu weeraray xarunta Xalane oo ay xarumo ku leeyihiin Qaramada Midoobay iyo AMISOM. Sidoo kale waxaa xarunta degan hay’ado caalami ah iyo safaaradaha qaar ka mid ah wadamada caalamka. Sidoo kale qoraalka ka soo baxay xafiiska howlgalka kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in dhacdadaasi loo saaray guddi saraakiil ah oo qaabilsan dhanka amniga, si ay baaritaano dheeraad ah ugu soo sameeyey weerarkaasi. UNSOM ma shaacin khasaaraha rasmiga ee ka dhashay madaafiicda ku hoobatay gudaha xarunta Xalane, basle waxa ay sheegtay inay dib ka faah faahin doonto. Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuyliyaddan weerarkaan, iyada oo baahisay in illaa shan madfac ay la heshay gudaha xaruntaasi oo si weyn loo ilaaliyo.
-
Arroornimadii saakay ayaa waxaa si weyn magaalada Muqdisho gaar ahaan Jidka Maka Al-mukarama laga maqlay jugta qaraxyo lala beegsaday baallayaasha ay ku xiran yihiin kaamirooyin ay leedahay hey’adda nabad sugidda ee NISA. Qaraxyadaan ayaa wax ay si gaara uga dhaceen agagaarka isgoyska dabka, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in ay qaraxyada ka dib maqleen rasaas ay ridayeen ciidan la sheegay in ay ku sugnaayeen saldhigga degmada Waabari ee gobalka Banaadir. Agaasimaha NISA, Fahad Yaasin Xaaji oo fikradda kaamirooyinka lahaa, waxaa uu rumeysnaa in wax badan ka tari-doonaan ammaanka gobolka Banaadir, laakin hadda waxaa uuba sugi waayey amniga Kaamirooyinka. Ma jirto wali wax wara oo ka baxay laamaha ammaanka dowladda oo ay kaga hadlayaan qaraxyadan lagu gubay kaamirooyanka qarsoon ee lagu xiray hareeraha waddada. 30-kii Janaayo ayey ahayd markii sidan oo kale loo qarxiyay, cidna looma qaban arrinkaas taasi oo keentay in mar kale lagu dhiirado. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in xalay guddoomiyihii deegaanka Goof Gaduud Buurey, C/qaadir Axmed Xuuseen lagu dilay deegaankaasi Kooxo hubeysan ayaa marxuumka toogtay, xilli uu ku sii jeeday hoygiisa, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay. Wararka ayaa intaasi ku daraya in guddoomiyaha rasaasta ay ka haleeshay madaxa, islamarkaana uu isla goobta ku geeriyooday. Ciidamo ka tirsan kuwa deegaanka ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi. Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin ah oo Koonfur Galbeed ay ka bixisay dilka marxuumkaasi. Goof Gaduud Buurey oo hoos yimaada magaalada Baydhabo ayaa waxaa inta badan weeraro ka fuliya dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab. View the full article
-
Popular Contributors
