Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,410
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. In an attempt to reduce the spread of pandemic coronavirus, Ethiopian Airlines has suspended flights to 30 countries, Prime Minister Abiy Ahmed of Ethiopia said. In a televised message today, Prime Minister Abiy indicated that the decision is made to stop the spread of coronavirus (COVID-19). He also stated that to avoid suffocations, which help the virus to spread quickly, all nights clubs in the capital, Addis Ababa will also be closed as of today. He also indicated that his government has discussed with religious leaders in the country to avoid crowded religious practices that can also spread the virus. The government has also decided that all other passengers coming to Ethiopia will be subject to a 14-day quarantine period in designated hotels at their own personal cost. Prime Minister Aby has also stated that the first shipment of testing kits, masks and guidelines contributed by Jack Ma through Alibaba will arrive on Sunday, March 22 2020, according to the statement issued by the Offcie of the Prime Minister this afternoon. “In this regard the committee is working on the distribution within the country as well as the intended African countries. It is also indicated that Correction facilities to expand and utilize other holding spaces in order to avoid overcrowding. Additionally, new prisoners to be tested for COVID-19 before confinement to correctional facilities. While visits have been temporarily halted, prisoners with minor offenses and release dates that are near will be released from imprisonment,” it said. Reacting to the latest report, the statement also said, “Harassment of foreign nationals is not acceptable and un-Ethiopian. The public to understand clearly that the virus does not discriminate and therefore undertake prevention measure per the Ministry of Health Guidelines rather than assign blame and ostracize foreign nationals.” In a related \development, Tewolde GebreMariam, CEO of Ethiopian Airlines Group indicated that twenty countries have already blocked Ethiopian Airlines from flying to their countries to stop the spread of COVID-19. Speaking with the state broadcaster – ETV, he noted that the countries that banned Ethiopian Airlines include several African countries, Saudi Arabia and the like. The CEO stated that as a result, Ethiopian Airlines flights have declined by 25 to 30 percent. “We have lost over $190 million,” Mr. Tewolde said. It is recalled that the UN Economic Commission for Africa has recently estimated that Ethiopian Airlines may loss up to 260 million as a result of flight disruptions caused following coronavirus and if the situation is not changed. Before the coronavirus outbreak, Ethiopian Airlines, one of the highly profitable African aviation company has been flying to around 110 destinations across the globe. In Ethiopia so far nine people are identified COVID-19 positive. But there is no death report as a result of the global pandemic. Globally over 10,000 people have died while some 210,000 have been infected by the virus. The flights Ethiopian Airlines suspended today include the following, • ET’s flights to Bahrain are suspended with immediate effect for 14 days • ET’s flights to/from Khartoum suspended as of 16th March for 14 days • ET’s flights to Cairo suspended between 19th – 30th March • ET’s flights to Washington and Chicago will now be going via Lome and not Dublin. • Flights to Djibouti suspended effective 18th March until further notice • ET’s flights to Kuwait suspended as of 13th March until further notice • ET’s flights to Beirut suspended as of 18th March until 29th March • ET’s Europe Flights: Paris, Stockholm, Brussels, Frankfurt, London, Vienna flights will continue, however, only citizens, permanent residents, and other approved travelers will be allowed to board. All travelers with tourist and business visas will not be allowed to board these flights. Newbusinessethiopia Qaran News
  2. Wasaaradda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada iyada oo tixraacaysa war-saxaafadeedkii ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya 21/03/2020 oo lagu fasaxayay diyaaradaha dalka soo galaya muddo 2 maalmood ah, waxa ay ogeysiinaysaa dhammaan muwaadiniinta imanaya dalka in ay raacaan kuna dhaqmaan tallooyinkaan soo socda: Dhammaan muwaadiniinta ka imaanaya wadamada uu xanuunku aadka ugu faafay ee ka mid ah liiska hoose ay gali doonaan karantiil mudo 14 beri ah oo kabilaabanaysa maalinta ay yimaadaan: 1. Shiinaha 2. Yurub 3. Maraykanka 4. Koonfurta Kuuriya 5. Australia 6. Canada 7. Turkiga 8. Pakistan 9. Masar 10. Hindiya 11. Imaaradka Carabta 12. Malaysia 13. Sacuudiga 14. Koonfur Afrika T. Waxa ay Wasaaradda Caafimaadka faraysaa muwaadiniinta ka imaanaya wadamada ka baxsan kuwa kor ku xusan in ay mudo 14 beri ah: • Xaafadahooda joogaan si ay uga fogaadaan tagista meelaha lagu badanyahay. • Inay ka fogaadaan qoyska intiisa kale oo goob ay kaligood ku yihin guriga dhexdiisa ka joogaan. • Waa in ay wax ku cunaan ama ku cabaan weel u gaar ah. • Waa in ay ka taxadaraan nadaafada suuliga iyo agabka kale oo ay qoysku wada isticmaalaan • Hadii ay isku arkaan calaamadahan ay ka midka yihiin qandhada, qufaca iyo neef-qabashada waa in ay soo wacaan 449 si loo caawiyo J. Waxa ay Wasaaradda Caafimaadka ku adkaynaysaa muwaadiniinta imaanaya in ay ku dhaqmaan ayna fuliyaan awaamiirta iyo tallooyinka kor ku xusan. Halkaan Hoose ka Akhriso Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ayaa maanta markii u horeysay si rasmiya uga hadashay muranka Hawada ee kala dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya. Somaliland ayaa sheegtay in Dowladda federaalku ay dhowrto “jaarnimada kala dhaxeysa”, maadama ay yihiin Labo dowladood oo jaar ah, sida uu sheegay Mareeyaha guud ee duulista iyo hawada Somaliland. Cabdi Maxamed Rodol, Mareeyaha guud ee duulista iyo hawada Somaliland oo maanta warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in go’aamadoodii dhanka Duulimaadyada ay sidoodii u hirgaleen. Rodol ayaa xusay in Somaliland ay u madax-banaan tahay xuduudaheeda maamulkooda, isagoona hoosta ka xariiqay in maamulka Hawadooda ay mas’uuliyadeeda ay leedahay Xukuumada Muuse Biixi. Sidoo kale waxa uu dowladda federaalka ku eedeyay inay ka faa’iideysaneyso Wax caalamiya oo ka dhaxeeya dunida, inkasta oo uusan si cad u carabaabin, balse uu xusay in DF ay isku dayeyso inay khal-khal galiso arrinkaasi. Maareeyuhu gebi ahaanba kama hadal Diyaaradii dhowaan laga celiyay Hawada Somaliland, oo Dowladda federaalku ku wargelisay inaysan ka dagi karin Hargeysa, iyo Xog cusub oo ay heshay Caasimada Online oo tibaaxaysay in Garoonka Hargeysa ka soo dagtay diyaarad ka timid Muqdisho, midaasi oo hore u xayirtay xukuumada Biixi.
  4. Iranian authorities have released French academic Roland Marchal, who has been imprisoned in Iran since June 2019, the French presidency announced in a statement on Saturday. Source: Hiiraan Online
  5. Through Sector II Headquarters, KDF under AMISOM has relocated Somalia National Army to a newly established camp within Dhobley town. Source: Hiiraan Online
  6. While the COVID-19 was morphing from an epidemic into a catastrophic global pandemic, captivating the global news, a diplomatic confrontation is unfolding in the horn of Africa between Somalia and Kenya. Source: Hiiraan Online
  7. Janaale (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal qorsheysan oo ay Ciidamada Xoogga ka fuliyeen deegaanka Janaale lagu dilay sarkaal xil sare ka hayey Kooxda Al-Shabaab. Sida uu sheegay Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir, howgalka ay qaadeen Ciidamada Dowladda ayaa waxaa lagu dilay u qaabilsanihii ay Al-Shabaab ee deegaanada Janaale iyo A-dheegle. Taliya ayaa sheegay in howlgalkaas sidoo kale waxaa lagu dilay laba sarkaal oo kale, kuwaas oo uusan sheegin magacyadooda balse uu tilmaamay inuu dib kasoo gudbin doono. Howlgalkaas ayaa wuxuu Xalay ka dhacay deegaanada Degmada Jannaale hoos tago kadib markii la helay xogo sirdoon oo ku saabsan inay halkaas ku sugan yihiin xubno ka tirsan Al-Shabaab. Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan la wareegay gacan ku heynta Magaalada Jannaale oo ay muddo badan ka talinayeen Kooxda Al-Shabaab halkaas oo la rumeysan yahay inay ka heli jireen dhaqaale aad u badan. War kasoo baxay taliska ciidanka xoogga dalka ayaa horey loogu lagu sheegay in howlgallo ay ciidamada dowladdu ka sameeyeen gudaha iyo daafaha deegaanka Janaale ay kusoo qabteen Maxamuud Yuusuf Maansuur, oo Al-Shabaab u qaabilsanaa uruurinta canshuuraha, gaar ahaan Zekawaatka.
  8. Qodobada barnaamij wareedka galabnimo ee GoobjoogFM ugu doorka roon ayaa waxa ay kala yihiin: Dowladda Somaliya ayaa muddo laba maalmood dib u fasaxday Duulimayada Caalmaiga oo maalmo ka hor la hakiyay. Dowladaha Soomaliya iyo Ruushka ayaa ka wada hadlay arrimo la xiriira deyn cafinta Dowladda Ruuska ay ku leedahay Somaliya. Dowladda Itobiya ayaa la sheegay in Ciidamo iyo gaadiid hor leh oo Itoobiyaan ah ayaa jimcihii soo galay gudaha Soomaaliya kadib markii ay ka soo gudbeen magaalada Jigjiga. Wasaaradda Caafimaadka Dalka ayaa ayaa ku baaqday in sare loo sii qaado wacyi-gelinta bulshada iyo Karaantiilka dadka lagu arko astaamaha lagu garto cudurka CORONA. Safiirkii Dowladda Somaliya u fadhiyay Dalka Cumaan aya la sheegay in uu ka dhego adeegay warqad ay u dirtay Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliya. Haddaba halkaan ka dhageyso qodobadaasi oo intaas ka faahfahsan, waxaana soo jeedinaya Maxamuud cali Xaaji iyo Fatxi Maxamed Axmed https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/03/Bar-waredka-galabnimo-21-03-2020.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Somali minister for Finance has held talks with Russian officials over Somalia’s bid to secure debt relief. In a video conference, Abdirahman Duale Beileh, Finance minister held discussions with Timur Maksimov Russian deputy minister over the process of the debt relief. The officials also talked about means the Russian government could carry out remission. According to Beileh, Somalia is owed the second-largest sum of money to the Russian government after the US government. The discussion comes barely two weeks after Somalia cleared debt owed to the global lender thanks to a $366 million bridging loan from Norway, the global lender has announced marking a turn-around for Somalia as it re-establishes its relations with the bank. The clearance of the arrears not only enables Somalia to access low-cost loans from the World Bank’s International Development Association but also inch closer to debt relief. The payment of these arrears was made possible through a $365.9 million bridge loan from the Norwegian government. View the full article
  10. Ciidamada Milatriga Soomaaliya ayaa maanta howlgal ka sameeyey deegaano iyo tuulooyin dhowr ah oo hoos yimaada degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Howlgalka oo ahaa mid ka dhan ah Al-Shabaab ayaa waxaa ciidamadu ay si gaar ah uga fuliyeen hareeraha waddada dheer ee isku xirta degmooyinka Balcad iyo Jowhar. Ilo deegaanka ah oo hadlay Shabelle ayaa sheegay in baaritaanadaasi ay saameyn ku yeesheen dhaq dhaqaaqa guud ee isku socodka dadka & gaadiidka. Inta badan dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fuliya jidka u dhexeeya magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Sh/ Dhexe. View the full article
  11. Somalia’s government said Saturday it has temporarily lifted a ban on international flights for two days to allow citizens who have been stranded across the world to return home due to the COVID-19 pandemic. The Ministry of Transport of Somalia said the airlines will be allowed to fly into the country to facilitate the return of Somalis stranded at international airports especially in Kenya, the United Arab Emirates and Ethiopia. The latest move comes after the government on Tuesday announced measures including shutting down all learning institutions, banning international flights and large social gatherings for two weeks to help reduce the potential spread of the deadly virus. The Horn of African nation has so far confirmed one COVID-19 case in the country. Some 10 people have been quarantined after arriving from countries that have been ravaged by the deadly virus. The ministry said the government has embarked on tracing people who traveled with the patient on the same flight. Enditem View the full article
  12. Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta Galmudug ayaa maanta albaabada isugu laabtay dhammaan goobaha waxbarashada ee ku yaalla deegaanada maamulkaasi. Sababta loo xiray xarumaha waxbarashada ayey Galmudug ku sheegtay sababo la xariira ka hortaga cudurka Coronavirus oo kiis ka mid ah laga helay Soomaaliya. Sidoo kale Galmudug ayaa shaacisay in goobaha waxbarashada ay xirnaan doonaan muddo labo todobaad ah, si loo fuliyo amarkii ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. Halkaan hoose ka dhageyso warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/War-Cali-Gaab.mp3 View the full article
  13. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta oo Sabtiya shaacisay in ay mudda laba maalmood ah dib u fasaxday diyaaradaha ka imaamaya dibadda, si ay u soo qaadaan muwaaddiniinta Soomaaliyeed ee ku xanniban garoomada Caalamka. War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in labadaasi maalmood kadib uu sii socon doono amarkii lagu joojiyay duullimaadyada caalamiga ah, si looga hortago faafidda cudurka Coronavirus. Sidoo kale, War-saxaafadeedka ayaa lagu amray in aysan dalka soo geli Karin xamuul aan ka ahayn raashinka iyo dawooyinka, si looga hartago cudurka Coronavirus oo dunida fara-kulul ku haya. War-saxaafadeedka ayaa ku soo beegmay, xilli maanta ay garoonka diyaaradaha Hargeysa ka degtay diyaaradda Ethiopian Airline oo rakaab ka soo qaadday caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa. Khamiistii todobaadkii tegay, dowladda Soomaaliya ayaa garoonka diyaaradah Hargeysa ka celisay diyaaradda Fly Dubai oo rakaab u sidday magaalada Hargeysa, kadib markii uu dalka ka dhaqan-gelay go’aankii lagu joojiyay duullimaadyada Caalamiga ah. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo mudda laba maalmood ah fasaxday duullimaadyada caalamiga ah appeared first on Puntland Post.
  14. Wasiirka wasaaradda maaliyadda XFS, Cabdiraxmaan Ducaale (Beyle) oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyey qorshaha deynta looga cafinayo Soomaaliya. Beyle ayaa sheegay in dowladda federaalka ay ku guuleystay in inta badan laga cafiyo deymaha, gaar ahaan kuwii ay ku lahaayeen bangiga Afrika iyo midka adduunka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in 25-ka bishaan hay’adda lacagta adduunka IMF ay Soomaaliya ka cafineyso deyntii ay ku lahayd. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Byele.mp3 View the full article
  15. Wasiirka arrimaha gudaha dowlad goboleedka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Garowe ayaa waxa uu sheegay in maamulka Puntland aysan magaalada Muqdisho u tagi doonin sidii ay wadahadal ula gali lahaayeen dowladda dhexe oo ay xubinta ka yihiin. “Ujeedka madaxweynuhu waxa uu yahay in uu u gogol xaaro gogosha fidsan ee ummadda reer Puntland ay fidiyeen ee dowladdu ay fulinteeda leedahay oo ay ka balanqaaday ee halkan la dhigi doono in uu gogol xaaro oo uu ku soo dhoweeyo madaxda dowladda federaalka iyo madaxda dowladaha xubnaha ka ah in ay yimaadaan gogoshaas oo ay ajiibaan, laakiin ma ahan in Puntland ay wadahadal kula soo galeyso Xamar dowladda federaalka” ayuu yiri wasiir Dhabancad. Sidoo kale wasiirka ayaa soo hadal qaaday warmurtiyeedkii ka soo baxay shirkii wadatashiga Puntland, waxa uuna sheegay in haddii ay yihiin golaha wasiirada ay balanqaadi doonaan in ay hirgaliyaan qodobadii ka soo baxay shirkaasi iyaga oo aan waxba ka badalin. Wasiir Dhabancad oo arrinkaasi ka hadlaya ayaa yiri “Waxaan balanqaadeynaa in go’aamadii ka soo baxaya shirkaasi oo aan wax laga badalin in aynu sida ay tahay u hirgalino haddii ay ahaan lahayd waixii tabarteen ah, haddii ay ahaan lahayd kuwa quseeya gudaha Puntland iyo haddii ay ahaan lahayd kuwa Soomaaliya nagala dhaxeeya” Maalmahaan ayaa waxaa si aad ah loo hadal hayay war ku addanaa in madaxweynaha Puntland uu tagi doono magaalaada Muqdisho islamarkaana u shir u qaban doono madaxda sare ee dowladda iyo kuwa xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. DR.Xasan Sheikh Cali oo ka faalooda Arimaha Siyaasada kuna howlgala Muqdisho ayaa si qodo dheer wuxuu u fasirayaa Qodobadii kasoo baxay Shirkii Wadatashiga Puntland ee [...] Source
  17. Dr Cismaan Maxamuud (Dufle) oo ka mid ah dhaqaatiirta dalka ahna guddoomiyaha guddi hoosaadka caafimaadka, waxbarashada iyo arrimaha bani’aadanimada ee Aqalka Sarea ayaa ka warbixiyey waxa uu yahay Coronavirus, astaamahiisa iyo sida uu ku faafo. Dufle oo wareysi gaar ah siiyey Shabelle ayaa sidoo kale ka hadlay saameeynta ay isku leeyihiin cudurka iyo cimilada, inkastoo ay muhiim tahay in la muujiyo taxadar badan. Caabuqa Corona oo markii hore ka soo bilowday Shiinaha ayaa fara ba’an ku haya caalamka, iyadoo todobadkii la soo dhaafay kiiskii ugu horreeyey laga helay Muqdisho Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/cod.mp3 View the full article
  18. Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaarka magaalada Hargeysa ee Cigaal, ayaa waxa ka soo degtay diyaarad ka soo kacday magaalada Muqdisho, xili ay Xukuumada Somaliland ee Muuse Biixi ay shaacisay inay joojisay duulimaadyadaasi. Somaliland ayaa dhowaan soo saartay go’aamo ay ku joojineyso duulimaadyada waddamo ay ku jirto Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, maadama ay ku doodo inay tahay dal madax banaan. Hase yeeshee, sida ay ogaatay Caasimada Online, madaarka Hargeysa ayaa waxa ka soo dagtay maalintii Khamiistii Diyaarad ka timid Muqdisho, iyada oo aan la kulmin wax cadaadis ah oo uga imaanaya maamulka Madaarka Cigaal. Maamulka Diyaarada African oo la hadlay Caasimada Online ayaa u xaqiijiyey in diyaaradu ay duulimaadkeedi caadiga ahaa ku timid Hargeysa, iyada oo siday Rakaab keliya oo aysan wax xamuul ah kasoo qaadin Muqdisho. African Express ayaa aheyd diyaarada kaliya ee maalintii Khamiistii ka soo kacday magaalada Muqdisho, isla markaana kasoo degtay Madaarka Hargeysa iyada oo siday Rakaab badan. Talaabadan ayaa wiiqeysa Go’aamadii ay Somaliland ku sheegtay inay ku joojisay duulimaadyada Muqdisho, maadama dhowaan ay dowladda federaalku shaacisay in Kiis la xiriira Coronaha laga helay gudaha caasimada. Mana jirto wax war ah oo ay Xukuumada Somaliland kasoo saartay Diyaaradan ka timid Muqdisho ee ka soo degtay Madaarka Hargeysa, isla markaana jabisay amaradeedii xayiraad ee Muqdisho. Waxaana xusid mudan in Dowladda federaalku aysan joojin duulimaadyada gobolada dalka, halka ay gebi ahaanba joojisay duulimaadyadii Caalamiga ahaa, midaasi oo sababtay in Diyaarado kasoo dagi lahaa Madaarka Hargeysa ay baaqsadaan, xili ay Somaliland shaacisay in Madaarkeedu u furan yahay wadamada qaar.
  19. Ra’iisul Wasaaraha Jamahuuriyadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre iyo ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed oo kulan ku yeeshay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, ayaa ka wada hadlay dardar gelinta qorshayaasha socda ee looga gaashaamanayo COVID-19. Ra’iisul Wasaaraha oo ugu horreyn dhaqaatiirta ka dhageystay talooyinkooda ku aaddan xakameynta faafitaanka cudurkaan ayaa uga mahadceliyay dadaalkooda ku aaddan bed-qabka bulshada waxuuna ku dhiirri geliyay inay laba jibbaaraan dadaalka ay wadaan. Kulanka oo ay goob joog ka aheyd wasiirka caafimaadka XFS, ayaa lagu soo bandhigay warbaxin ka hadlaysa guulaha laga gaaray qorshayaasha xakameynta cudurka, wixii ka dambeeyay markii ay dowladdu billaawday diyaar garowga qorshaha looga gaashaamanayo. Shirka ayaa sidoo kale looga hadlay xoojinta Wadashaqeynta wasaaradda caafimaadka, wasaaradaha kale ee wada shaqeyntu kala dhexeyso, howl-wadeenna xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee qaybta ka ah howlaha xakameynta iyo ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed, si loogu guuleyso bed-qabka iyo daryeel bulsho oo dhammeystiran. Wasiirka Caafimaadka oo kulanka la war bixisay ayaa caddeysay in si aad ah looga wada hadlay sare u qaadidda wacyi-gelinta bulshada iyo Karaantiilka dadka lagu arko astaamaha lagu garto cudurka. Kulanka intii uu socday waxaa lasoo jeediyay in la adeekyo dhaqan gelinta tillaabooyinka xakameynta ee ay kamidka yihiin yareynta isu imaatinta Dadweynaha iyo Sare u qaadidda Nadaafadda maadaama Ka hor tagga cudurku ay ka wanaagantahay daaweynta. View the full article