-
Content Count
214,410 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kulan guud oo looga hadlayey sidii looga hortagi lahaa cudurka Coronavirus ayaa maanta lagu qbatay magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka HirShabelle. Guddi wacyigelin ah oo uu dhowaan magacaabay madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa soo qaban qaabiyey kulankaan oo diirada lagu saaray sidii looga hortagi lahaa Corona. Sidoo kale waxaa kulanka ka qeyb galay hay’adaha caafimaadka ee ka howlaglla gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/War-Cali-Taliye-Jowhar.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Qoraal ka soo baxay guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka ayaa waxaa golaha shacabka ay kaga dalbadeen in ay dedejiyaan sharciyada laga doonayo iyo sidoo kale habraacyada, waxaana si gaara loo tilmamay golaha isku dhafka ah ee ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya Ugu horeyn guddiga waxa uu sheegay in uu soo dhoweynayo sharciga doorashooyinga ee la meel mariyay islamarkaana uu madaxweynuhu saxiixay, waxaana arrinkaasi ay ku tilmaameen arrin taariikhi ah. Sidoo kale guddiga ayaa golaha sharci dejinta ka dalbaday in ay dadejiyaan meelmarinta dib u eegista sharciga xisbiyada oo haatan horyaalla goalaha shacabka, si bey yiraahdeen ay xisbiyadu ugu gudbaan xibiyo rasmi ah oo sharciyad u leh in ay ka qeyb galaan doorashada 2020/2021. Dhinaca kale guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka ayaa waxa ay golaha isku dhafka ah ee sugidda amniga doorashooyinka ka codsadeen in ay diyaariyaan qorshayaasha muhiimka u ah sugidda amniga goobaha diiwaangalinta iyo codbixinta ee doorashooyinka. Guddiga ayaa waxa uu mahad celin u jeediyay xukuumadda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka ka jira, waxaana ay sidoo kale u mahad celiyeen hay’adda qaramada midoobay, midowga Afrika iyo saaxiibada kale ee taageera Soomaaliya. Sidoo kale waxa ay shacabka Soomaaliyeed ka dalbatay in ay ka qayb qaataan xaqiijinta iyo hergalinta howlaha muhiika u ah doorashada la filaayo in dhawaan ay dalka ka dhacdo. Halkaan hoose ka akhriso qoraalka kasoo baxay Guddiga Doorashooyinka
-
Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa maanta dhaqaatiir, kalkaaliyeyaal caafimaad iyo gaadiidka gurmadka deg-dega ah ee Ambalaasta geysay gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kadib markii shalay dowladda federaalka ay dib u fasaxday muddo 2 cisho ah duulimaayada caalamiga ah. Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in arrintaan ay qeyb ka tahay dadaallada lagu xoojiyo qorshaha ballaaran ee looga hortagayo xanuunka Coronavirus oo kiiskiisii ugu horreeyey dhowaan laga helay magaalada Muqdisho. Sidoo kale wasaaradda ayaa sheegtay in dhaqaatiirta iyo howlwadeenada caafimaad ee la geeyey garoonka diyaaradaha ay la socon doonaan dhamaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka imaanaya dalalka uu sida ba’an u saameeyey cudurka. “Kalkaaliyayaal Caafimaad iyo gawaarida Gurmadka dag-dagga ah ayay Wasaaradda Caafimaadka geysay garoonka diyaarada Adan Ade Airport si ay dhammaan muwaadiniinta ka imaanaya wadamada uu xanuunku aadka ugu faafay ee ka midka ah liiska hoose ay ugaliso karantiil mudo 14 beri ah oo ka bilaabanaysa marka ay wadanka soo gaaraan iyada oo sidoo kalene la hubin doono bad-qabka muwaadiniinta kale ee ka imaanaya wadama aan ku jirin liiska hoose lana siin doono talooyin caafimaad.” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya. Qoraalka ka soo baxay wasaaradda ayaa sidoo kale lagu shaaciyey wadamada ay isha ku heyn doonto, kuwaas oo kala Shiinaha, dalalka Yurub, Maraykanka, Koonfurta Kuuriya, Australia, Canada, Turkiga, Iiraan, Pakistan, Masar, Hindiya, Imaaraadka Carabta, Malaysia, Sacuudiga iyo Koonfur Afrika. Dowladda federaalka ayaa muddooyinkii la soo dhaafay waday qorshe guud oo looga hortagayo caabuqa Corona oo markiisii hore ka soo bilowday dalka Shiinaha. Halkaan hoose ka daawo sawirrada: View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Duhur-22032020-ww.mp3 View the full article
-
Taliyaha Hoggaanka ilaalinta Canshuuraha iyo dhaqaalaha Ciidanka Booliska Soomaaliya dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah ka digay in maciishadda la qaaliyeeyo. Gen Cabdullahi Xasan Bariise Taliyaha hoggaanka ilaalinta canshuuraha iyo dhaqaalaha ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa si adag uga digay Ganacsatada Soomaliyeed in ay qaaliyeeyaan maciishada quutul-daruuriga ah, iyaga oo ka faa,iideeysanaya dadaalka loogu jiro ka hortaga cudurka Corona Virus ee COVID 19. Sidoo kale Taliyaha Hoggaanka ilaalinta cashuuraha iyo dhaqaalaha Ciidanka Booliska ayaa sheegay in tallaabo laga qaadi doono qofka qaadan waayo digniinta ay u direen. Hadalaka ka soo baxay Hogaanka ilaalinta cashuuraha ayaa ku soo beegmay xilli cabsi laga qabo in ay qaaliyodwdo maciishadda Daruuriga ah sababo la xiriira ka hortaga cudurka Coronavirus. PUNTLAND POST The post dowladda Soomaaliya oo sheegtay in tallaabo adag laga qaadayo Ganacsatada qaaliyeysa Maciishadda appeared first on Puntland Post.
-
Qaran News
-
(SLT-Hargeysa)-Dawladda Itoobiya ayaa weydiisatay dalalka Soomaaliya iyo Djibouti inay faahfaahin ka bixiyaan qaraarka Ururka Jaamacadda Carabtu uu ka soo saaray khilaafka Masar iyo Itoobiya ee webiga Niilka oo lagu garab istaagay Masar, laguna cambaareeyay Itoobiya. Labadan waddan ee Soomaaliya iyo Djibouti oo saaxiib dhow la ah maamulka Raysalwasaare Abiye ee Itoobiya ayaa ka mid ahaa wadamada saxeexay ee u codeeyay qaraarkaas. Itoobiya oo ka cadhootay qaraarkaas ayaa weydiisatay madaxda Djibouti iyo Soomaaliya inay faahfaahin ka bixiyaan qaraarka Itoobiya lagu cambaareeyay iyo doorkii ay ku lahaayeen. Wasiirka arrimaha dibedda Itoobiya Gedu Andargachew, oo u warramay wargeyska The Reporter ee ka soo baxa magaalada Addis Ababa ee Itoobiya, ayaa sheegay in madaxda labada waddan ee Soomaaliya iyo Djibouti ay Itoobiya soo gaadhsiiyeen dhambaalo ay ku sheegeen, inkastoo ay qayb ka ahaayeen qaraarkaas haddana ay u arkaan inaanu ahayn qaraar wax isu soo dhawaynaya. “Dhambaalo aanu ka helnay waxay [Djibouti iyo Soomaaliya] sheegeen in qaraarkaas uu Jaamacadda Carabtu ansixiyay aanu door xalin ah ka ciyaarayn dhibaatada taagan, balse uu xaaladda sii xumaynayo. Waxay noo sheegeen in dhibaatada aan lagu xalin doonin jidkaas oo kale, waxaanan rumaysanahay in xubnaha kale ee jaamacadda Carabtu ay sidan oo kale yeeli doonaan.” Dawladda Masar oo leh awood diblomaasiyadeed ayaa waxa ay ururka Jaamacadda Carabta ka ansixisay qaraar ka dhan ah Itoobiya oo dhawaan ka baxday wada-hadalladii webiga Niilka oo uu Maraykanku dhexdhexaadinayay. Dad badan ayaa aaminsan in Raysalwasaaraha Soomaaliya Xasan Khayre oo maalmo ka hor socdaal kooban ku tagay Addis Ababa uu dawladda Itoobiya gaadhsiiyay raaligelin ku saabsan doorkii ay ku lahaayeen qaraarkaas. Source
-
Magaalada Dhoobley oo kutaal Xuduuda Jubbaland iyo Kenya ayaa waxaa maanta oo Axad ah waxaa ka socda kulan looga hadlayo Amaanka Jubbaland. Madaxweynaha Jubbaland Axmed [...] Source
-
(SLT-Hargeysa)-Dr. Maxamed Cismaan Fadal oo ka mid ah Aqoonyahannada reer Somaliland ayaa ka hadlay sida ay muhiimka u tahay in Bulshada ay Cashar ka barato hadba dhibaatooyinka la soo gudboonaada. Maxamed Cismaan Fadal wuxuu si gaar ah uga hadlay sida looga gaashaaman karo Cudurka Coronavirus oo dhibaato ku haya bulshada, islamarkaana ka dilaacay Dalalka Somaliland xuduud la wadaaga. Fadal oo ugu horrayn ka hadlaya sida loogu baahan yahay in qorshe dhamaystiran laga yeesho dhibaato Somaliland kaga timaaddo Coronavirus ayaa yidhi “Marka dhibaato dhacdo Dal walba ama ummad walba waxbay ka barataa, waayo? Isbeddel badan bay la timaaddaa, markaa innaga waxa inoo muhiim ah dalalka kale ee Adduunkana lagu xisaabtamayaa, markay Dunidii soo xidh-xidhantay qolo walba waxay eegaysaa wixii ay aad awood lahayd ee aad ku noolaan lahayd ayaa ku soo baxaysa, waxa kuu soo baxaysa qorshe cusub oo ah haddii tan oo kale berri timaaddo sideed uga soo baxaysaa, markaa innagu dhinac waxaynu nahay Dad adkaysi badan oo duruuf adag waynu soo marnay, markaa waxa inala gudbaan inaynu Maanta gol-jilicdeena ogaano oo markaa qorshe inooga dhasho oo wixii aynu gufayn karayno aynu gufayno.” Dr. Maxamed Cismaan Fadal wuxuu soo jeediyey in Qorshe laga yeesho Kaydka Raahsinka “Bahalkani (Corona) si deg-deg ah ayuu dunida ku soo galay, markaa Tabaabulsho la’aan (ayuu innagu heli karaa), Kaydka raashinka oo kale, Kaydku maaha waxa yar ee Abaaraha oo kale, haddii bil, laba ama saddex inala gaadho waa arrin u baahan inaynu imika ka digtoonaano, Waayo? Marmarka qaarkood waalla kala qaataa oo deriskaaga ayaa adiga oo iska hurda oo aan ka tashanin (iibsadaan), illayn Dad baayac-mushtar ah oo wax walba gudbin jiray baynu nahaye, inaynu tashano oo aynaan wax walba is-dhaafin ee innaguna teena ka sii digtoonaano (Weeyaan)…” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu soo jeediyey in la ismaqlo oo la qaato talooyinka la xidhiidha sida looga bedbaadi karo Cudurka “Waa in la ismaqlaa, waayo? ismaqal iyo talo ayaa waxan oo kale lagaga baxaa.” Maxamed Cismaan Fadal oo hore u ahaa Xoghayaha arrimaha dibedda ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, waxa kale oo uu ka hadlay aragtidiisa la xidhiidha heshiiskii laga gaadhay khilaafkii ka taagnaa Komiishanka cusub ee doorashooyinka Somaliland “Dimuqraadiyadda aynu dhisaynay curdin bay ahayd, rukunadeeduna waa doorashada, rukunka doorashadu ku fadhidaana waa Komiishanka. Komiishanku waa maxkamad, Komiishanku waa Cadaaladdii, waa kalsoonidii, markaa Taladii berigii dhawayd la soo wada fadhiistay ee la wada saxeexday ee Caalamku inoogu yimid wax ceeb ahi kuma jiraane ee Madaxweynaha iyo Xisbiyadu ku wada saxeexdeen, waajibka innaga saarani waa inaynu taas uun kaga *****no, Talo ka wanaagsan oo la heli kari lahaa ma jirto…” Ugu dambayn, Dr. Maxamed wuxuu sheegay inuu iska casilay xubinnimadii Xisbiga WADDANI iyo Guddiyadii Xisbiga ee uu ka midka ahaa, si uu uga Madax-bannaanaado hawlihii Arrimaha bulshada “Xilkii Xisbiga ee Xoghayaha Arrimaha dibedda si rasmi ah ayaan u wareejiyey, Faadumo Siciid baa loo Magacaabay, muddadii ay Faadumo qabatay ayaa iigu dambaysay xilkaa, Xisbiga kamaan bixin ee waan ku jiray, waxaan ka mid ahaa Goleyaashiisa oo dhan, Golaha dhexe ayaan ka mid ahaa, guddiga fulinta ayaan ka mid ahaa, hoggaanka Xisbiga ayaan ka mid ahaa, muddadaa maan shaqaynin, markaa imika waxaan doonayaa inaan la wadaago Xisbigii iyo Ummaddaba aan u sheego si aan ugu Madax-bannaanaado taa imika aan ku jiro, inaan si buuxda iskaga casilay Xubinnimadii Xisbiga iyo Goleyaashiiba, oo aniga oo aan Dalka wixii aan u qaban jiray aan dhimayn aan qaybtaa aan ku jiray ee dhexdhexaadka ah aan xoogo saaro, tii cilmiga ha ahaato, tii Cilmi-baadhista ha ahaato iyo shaqooyinkii arrimaha bulshada ha ahaato, ama tii dimuqraadiyadda Riixisteeda ha ahaato oo aan malaha kagama manfac badnaa.”ayuu yidhi, Dr. Maxamed Cismaan Fadal oo Shalay u warramay Telefiishanka Horyaal. Source
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Guddi ka kooban 13 xubnood oo sgu jira Wasiiro iyo Xildhibanao ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay u ambabaxeen Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay. Wafdigan ayaa ah Guddi ka kooban 13 xubnood oo habeen hore la magacaabay, kaddib markii ay shir isugu yimaadeen Wasiirada iyo Xildhibaannada ka soo jeeda Beelaha Mogadishu Clan ee cabashada ka keenay saamiga laga siiyay kuraasta Xildhibaannada Baarlamaanka Koonfur Galbeed. Wafdiga ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Amniga Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Abuukar Isloow Ducaale, waxaana kamid ah, Sanoter Cabdi Axmed Dhuxulow, Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, Xildhibaan Cabduqaadir Carabow iyo Xubno kale. Ujeedada safarka xubnahan ka socda Beelaha Mogadishu Clan ayaa waxa ay tahay sidii Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ay ugala soo hadli lahaayeen saamiga Beelaha Mogadishu Clan laga siiyay Kuraasta Xildhibaanada Koonfur Galbeed. Beelaha Mogadishu Clan ayaa Kuraasta Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed waxa ay ku lahaayeen 20 Xubnood, balse waxaa hadda laga siiyay kaliya 9 Xubnood. Tan iyo markii lagu dhawaaqey liiska Xildhibaannada Koonfur Galbeed ayaa waxaa cabasho ay ka imaaneysay qaar kamid ah Beelaha Soomaaliyeed,kuwaas oo sheegay in aan la siin Xubnihii ay ku lahaayeen Baarlamaanka Koonfur Galbeed. Kulankii habeen hore ka dhacay Hotelka Maa’ida ayaa waxaa lagu gorfeeyay sidii qadiyadaha beesha loo xoojin lahaa, isla markaana kulamada soo socda ay u noqon lahaayeen mid joogto ah oo ay beeshu iska war-sato xaaladaha guud ee dalka ka jira, si isku duubni ku jirta loogu wajaho tabashooyinka gaarka ah ee beesha dhexdeeda ah.
-
Xeer ilaaliyaha guud ee dowlad goboleedka Puntland Maxamuud Xasan Ow Cismaan ayaa sheegay in muddo 10 cisho ah la fasaxay qeybo ka mid ah garsoorka Puntland si looga baaqsado faafidda xanuunka Coronavirus oo kiisaskii ugu horeeyay laga helay bariga Afrika. Xeer ilaaliyaha oo sii hadlayay ayaa tilmaamay in ay dhageysteen baaqyada iyo tallooyinka ay jeedinayeen madaxda maamulka Puntland, waxa uuna hoosta ka xariiqay in muddadaas fasaxa ah ay kaliya la shaqeynayaan laamaha amaanka, islamarkaana ay waaranada u jari doonaan. Horey deeganada Puntland waxaa hakad la galiyay goobaha waxbarashada oo lagu dhawaaqay in ay fasaxyihiin, waxaana sidoo kale hakad la galiyay qaar ka mid ah xafiisyada xukuumadda Puntland, iyada oo haatanna xeer ilaalinta Puntland ay ku soo darsantay hakadyadaasi. 16-kii bishan ayaa kiiskii ugu horeeyay ee Coronavirus waxaa laga helay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, waxaana dowladda Soomaaliya ay sheegtay isla maalinkaas in muddo 2 todobaad ah la joojiyay duulimaadyadii caalamiga ahaa, waxaana dhamaan hakad la galiyay dhaqdhaqaayada waxbarashada dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiirka amniga Jubbaland, C/rashiid Xasan Nuur (Janan) ayaa lagu soo warramayaa in maanta uu gaaray degmada Dhoobley ee gobolkaasi Jubada Hoose, halkaasi oo uu ku sugan yahay madaxweyne Axmed Madoobe. Janan iyo wafdigiisa ayaa waxaa Dhoobley ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Jubbaland iyo saraakiisha ciidanka daraawiishta ee maamulkaasi. Wararka ayaa sheegaya in wasiir Janan oo baxsad ka ah dowladda federaalka uu kulan la qaadan doono madaxweynaha Jubbaland oo maalmihii ugu dambeeyey abaabullo iyo dhaq dhaqaaqyo xoogan ka waday gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan Dhoobley. Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in labada mas’uul ay ka wada hadli doonaan dhaqaaqyqada ay wado Jubbaland iyo xaaladda guud ee gobolka Gedo. Arrintaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay, Axmed Madoobe shirar gaar gaar ah iyo abaabullo ka dhan ah dowladda uu ka waday Jubbooyinka, halka Janan iyo ciidamo uu watayna ay dhaq dhaqaaq ka wadeen xadka Soomaaliya iyo Kenya, tan iyo wixii ka dambeeyey dagaalkii dhowaan ka dhacay degmada Beled-Xaawo.
-
More details are coming out of an operation conducted by the Somali Police Force last night in Wadajir district in Banadir region. The operation took place in the Halane village, where many young people were arrested. Some residents told Shabelle that the youth was taken to a location, some searched and later released, while the suspects were arrested. Officials in Wadajir district who led the operation said the sweep was aimed to ensure security. In recent days, especially at night time, there have been anti-security activities in the Wadajir district that led to the complaining of residents. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa maanta dhaqaatiir, kalkaaliyeyaal caafimaad iyo gaadiidka gurmadka deg-dega ah geysay gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Wasaaradda ayaa sheegtay in arrintaan la doonayo in lagu xoojiyo qorshaha looga hortagayo cudurka Coronavirus oo kiiskiisii ugu horreeyey dhowaan laga helay dalka. Sidoo kale wasaaradda ayaa sheegtay in dhaqaatiirta iyo howlwadeenada caafimaad ee la geeyey garoonka ay la socon doonaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka imaanaya dalalka uu sameeyey cudurka, kuwaas oo ay dowladdu siiyey muddo labo maalin ah. Qoraal shalay ka soo baxay xukuumadda federaalka ah ee Soomaliya ayaa lagu sheegay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka imaanaya wadamada uu sida ba’an uu sameeyey la karantiilo doono muddo 14 cisho ah, gaar ahaan dalalka:- Shiinaha, dhammaan dalalka Yurub, Maraykanka, Koonfurta Kuuriya, Australia, Canada, Turkiga, Iiraan, Pakistan, Masar, Hindiya, Imaaradka Carabta, Malaysia, Sacuudiga iyo Koonfur Afrika. Dowladda federaalka ayaa wada guud ahaan qorshe ballaaran oo looga hortagayo caabuqa Corona oo markii hore ka soo bilowday dalka Shiinaha.
-
Qoraal ka soo baxay guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka ayaa waxaa golaha shacabka ay kaga dalbadeen in ay dedejiyaan sharciyada laga doonayo iyo sidoo kale habraacyada, waxaana si gaara loo tilmamay golaha isku dhafka ah ee ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya Ugu horeyn guddiga waxa uu sheegay in uu soo dhoweynayo sharciga doorashooyinga ee la meel mariyay islamarkaana uu madaxweynuhu saxiixay, waxaana arrinkaasi ay ku tilmaameen arrin taariikhi ah. Sidoo kale guddiga ayaa golaha sharci dejinta ka dalbaday in ay dadejiyaan meelmarinta dib u eegista sharciga xisbiyada oo haatan horyaalla goalaha shacabka, si bey yiraahdeen ay xisbiyadu ugu gudbaan xibiyo rasmi ah oo sharciyad u leh in ay ka qeyb galaan doorashada 2020/2021. Dhinaca kale guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka ayaa waxa ay golaha isku dhafka ah ee sugidda amniga doorashooyinka ka codsadeen in ay diyaariyaan qorshayaasha muhiimka u ah sugidda amniga goobaha diiwaangalinta iyo codbixinta ee doorashooyinka. Guddiga ayaa waxa uu mahad celin u jeediyay xukuumadda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka ka jira, waxaana ay sidoo kale u mahad celiyeen hay’adda qaramada midoobay, midowga Afrika iyo saaxiibada kale ee taageera Soomaaliya. Ugu dambeyn guddiga ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan kaalinta kaga aaddan xaqiijinta iyo hirgalinta howlaha muhiimka u ah doorashada 2020/2021. Halkan ka akhriso qoraalka Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
The office of UN Assistance Mission in Somalia has commended a planned visit by Puntland state leader, Saed Abdullahi Deni in Mogadishu in forthcoming days. Garowe based administration said the regional leaders will visit Somali capital to meet the federal government leadership in a bid to resolve the political stalemate between the two sides for months. “UN in Somalia commends President Deni’s intention to visit Mogadishu and is pleased with Federal. Government’s delegation to Puntland Consultative Conference welcomed this.” UNSOM said in a tweet adding, “We look forward to the meeting between President Deni and President Farmajo to advance dialogue in the national interests.” The move comes after cabinet members and members of parliament convinced the regional leader to make concessions during the Puntland state consultation forum last week. A resolution by Puntland authorities to conduct the Somali political stakeholder’s forum in Garowe to discuss the future of upcoming elections was turned down. Some of the delegates including legislators from state argued that the approach was out of order since the election law was approved by both houses and signed by the President. View the full article
-
Uganda announced Saturday no person will be allowed to enter country starting March 23 in a bid to prevent introduction of coronavirus to the landlocked East African nation. Source: Hiiraan Online
-
Nairobi (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar uu dagaal xigay oo saacadihhii la soo dhaafay Al-Shabaab ay ku qaaday dalka Kenya. Weerarka oo ay fuliyeen dagaalyahanno hubeysan oo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa ka dhacay waddada isku xirta Lamu iyo deegaanka Garsen. Wararka ayaa sheegaya in ragga weerarka qaaday iyo ciidamo ka tirsan kuwa Kenya oo ku sugnaa halkaasi uu weerarka kadib, dhex-maray iska hor imaad muddo socday. Dhinaca kale taliyaha ciidamada Booliska gobolka Lamu Moses Murithi oo la hadlay warbaahinta maxaliga Kenya ayaa sheegay in weerarka lala bartilmaameedsaday shaqaalo dhismo ka waday jidka dheer ee isku xira Lamu iyo deegaanka Garsen. Sidoo kale taliyaha ayaa intaasi ku daray in ciidamada Booliska ee ilaalada ka hayey dhismaha waddada ay ka hortageen weerarkaasi. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay kordhin doonaan howlgallada lagu xaqiijinayo ammaanka, islamarkaana ay kor kala socon doona gaadiidka isaga kala goosha gobolka Lamu, si looga hortago weerarada qorsheysan ee kooxda Al-Shabaab. Ma cadda khasaaraha rasmiga ah labada dhinac ka soo gaaray weerarka iyo dagaalka ka horreeyey. Inta badan dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa weeraro gaadma ah ka fuliya gudaha dalka kenya, gaar ahaan deegaanada dhaca xadka Soomaaliya.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) oo wareysi gaar ah siiyey TV-ga Saab ayaa ka hadlay arrimo ku aadan ballaarinta dekedda Boosaaso, gaar ahaan heshiiska ay la galeen shirkadda DP World. Deni ayaa wareysigaan ku sheegay in heshiiskaasi uusan u hirgelin sidii loogu talagalay, islamarkaana ay jiraan caqabado laga garaabi karo iyo kuwo aan laga garaabi karinba oo uu heshiisku ka dhaqaaqi waayey, tan iyo markii la saxiixay, sida uu hadalka u dhigay. “Waa sax dekadda Boosaaso heshiis ayey la gashay oo ku saleysanaa in ay ballaarin ku sameyso. Nasiib darro, heshiiskaas siddii la filayey uma uusan hirgelin. Caqabado laga garaabi karo iyo kuwa aan laga garaabi karinba waa ay jiraan,” ayuu yiri madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Mudane Siciid Cabullaahi Maxamed (Deni). Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday caqabadaha qaar ee haatan hor gudban dhismaha iyo ballaarinta dekedda Boosaaso oo uu ka mid yahay dilkii loo geystay Paul Anthony Farmosa oo ahaa maareeyihii shirkadda P&O oo hoostagta shirkadda weyn ee DP World. Madaxweyne Siciid Deni ayaa tilmaamay in dilkii Paul oo reer Malta ahaa uu ahaa mid qorsheysan, islamarkaana la doonayey in lagu cuuryaamiyo horumarka dekedda. “Kuwa ugu waaweyn ee laga garaabi karo mudadii aan joogney waxaa kamid ah dilkii maamulihii dekada Boosaaso oo nin ajnabi ah ahaa oo Paul la oran jiray ayaa argagixisadu ay dileen. “Waxaan fileynaa in dilkiisu aanu argagixiso caadi ah aanu ahaynee oo uu ahaa dil qorsheysan oo assassination, oo loogu talagalay in lagu curyaamiyo dekada iyo qorsheyaasheeda, dabcan aad baan uga xunahay dadka ka shaqeynaya horumarka Puntland in ay waxyeeleeyaan, waana ka garaaneynaa arrintaasi, qofkasta oo wax garanaya waa garan karaa cidda howshaasi ay ka imaaneyso.” ayuu markale yiri Deni. Ugu dambeyn wuxuu ka hadlay lacagaha canshuuraha ee dhowaan lagu kordhiyey ganacsatada ku dhaqan deegaanada Puntland, isagoona tallaabada ay wado wasaaradda maaliyadda ku tilmaamay mid lagu kordhinayo dakhliga gudaha ee maamulkaasi.
-
Waxaa kiisaskii ugu horeeyay ee xanuunka Coronavirus laga xaqiijiyay waddamada kala ah Uganda iyo Ereteriya oo deris la ah Soomaaliya, waxaana kiisaskan cusub ay sii kordhinayaan kuwii horey looga helay Afrika gaar ahaan bariga Afrika. Wasiirka caafimaadka Ereteriya ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in qof ka yimid dalka Norway islamarkaana ka soo degay garoonka diyaaradaha Asmara laga helay caabuqa Coronavirus ka dib markii tijaabo lagu samaeeyay. Dhanka kale arrornimadii saakay wasiirka Caafimaadka Uganda Jane Ruth Aceng ayaa xaqiijiyay kiiskii ugu horeeyay ee Coronavirus ah oo laga helo dalkaasi, waxa uuna wasiirku intaas ku daray in shaqsigaasi uu ka yimid magaalada Dubai ee xarunta dalka Imaaraadka Carabta. Sida ay sheegtay hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan caafimaadka ee loo soo gaabiyo WHO ilaa kiisas kor u dhaafaya 1,000 ayaaa laga helay qaaradda Afrika, iyada oo Jimcihii dalka Zimbabwe uu xaqiijiyay kiiskii ugu horeeyay ee Coronavirus. Waddamo badan oo dhaca Afrika ayaa horey u xirtay xudduudahooda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Popular Contributors
