Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,410
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo weli ku sugan Dhoobley ayaa kulamo xasaasi ah ka wada magaaladaasi. Axmed Madoobe oo maanta booqday xerada ciidanka daraawiisha Jubbaland ayaa halkaasi kula kulmay ciidamo cusub oo tababar ku qaadano xeradaasi. Khudbad uu madaxweynaha Jubbaland ciidamadaasi u jeediyey ayuu kula dardaarmay inay u diyaar garoobaan howlgallo Al-Shabaab looga saarayo gobollada Jubbooyinka. Muddooyinkii la soo dhaafay madaxweyne Axmed Madoobe ayaa kulamo gooni gooni ah iyo abaabullo ka dhan ah Al-Shabaab ka waday koonfurta Soomaaliya. View the full article
  2. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Duhur-24032020.mp3 View the full article
  3. SNA’s 60th division Gen Mohamed Sheikh Abdullahi announced that the Somali army has managed to repulse an attack by Al-Shabaab against government-controlled areas in Bay and Bakol regions. Abdullahi added that they had prior information about the imminent offensive and subsequently the SNA troops have successfully fended off the attackers before reaching their targets. He stated Al-Shabaab was plotting simultaneous attacks on SNA military bases in Buur-Eyl, Walaga and Hawal-Barbar villages in Bay and Bakol region, located south of Somalia. Separately, Al-Shabaab killed 7 soldiers in an IED attack on a military convoy in the outskirts of Janaale town on Monday and raided SNA and AU bases with mortars. View the full article
  4. (SLT-Addis Ababa)-Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa hogaamiyayaasha dalalka G20 ka dalbaday inay Africa ka caawiyaan inay la tacaasho Coronavirus, ayaga u sameynaya deyn-cafin, islamarkaana siinaya 150 bilyan oo dollar oo maal-gelin deg deg ah. Cudurkan sida caalamiga ah u faafaya “wuxuu halis jiritaan ku yahay dhaqaalaha dalalka Africa,” ayaa lagu yidhi bayaan kasoo baxay xafiiska Abiy Ahmed, isaga oo intaas ku daray in Ethiopia ay “dalalka kale ee Africa kala shaqeyneyso” diyaarinta codsigan. Culeyska deynta ayaa dalal badan oo African ah ka dhigaya kuwa aan ka jawaabi karin dhibaatooyinka dhaqaale ee cudurka Coronavirus uu horseedayo, ayada oo bixinta deymahaas qaarkood ay ka badan yihiin miisaaniyadda caafimaad ee dalal badan. “Si la mid ah sida fayruska uusan xuduudo u lahayn, jawaabaheenu waa inay u noqdaan kuwa aan xuduudo lahayn,” ayaa lagu yidhi bayaanka xafiiska Abiy Ahmed. Saudi Arabia oo iminka madax ka ah ururka G20, ayaa toddobaadkii tegay ku baaqday kulan madaxeed xagga online-ka ah, si la isugu xidho jawaabaha caalamiga ah ee ku aadan xasaradaha ka dhashay Coronavirus. Dalalka Africa ayaa waxaa illaa iyo hadda laga diiwaan geliyey 1,654 kiis oo la xidhiidha cudurka Coronavirus iyo dhimashada 52 qof, sida ay sheegtay Xarunta Maareynta iyo ka Hor-tagga Cudurada ee Africa. Khuburada ayaa ka digay in Coronavirus uu si deg deg ah uga tan badin karo nidaamyada caafimaad ee tabarata darran ee Africa. Dhaqaalaha Africa wuxuu sidoo kale u baylahnaan doonaa “hoos u dhaca dhoofinta wax soo saarka, joogsiga xiriirada caalamiga ah iyo luminta safarrada iyo dalxiiska,” sida lagu sheegay bayaanka xafiiska Abiy Ahmed. AFP Source
  5. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeeyey inuu isaga ka dambeeyo Ciidamada habeenadaan tagayey guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Xildhibaanka ayaa tallaabadaas ku tilmaamay inay tahay dhiilo coleedeed oo laga dhex abuurayo bulshada Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay. Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sheegay in cawaaqib xumada ka dhalata arrintaas uu qaadayo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. “Ciidamada Madaxweyne Farmaajo habeenadaan dul geynayay guriga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif waa dhiilo colaadeed oo aan laga fiirsan, cawaaqib xumada ka dhalatana mas’uuliyadeeda waxaa qaadaya Madaxweyne Farmaajo!” Ayuu yiri Mahad Salad. Hadalka kasoo yeeray Xildhibaan Mahad Salaad ayaa imaanayo kadib markii habeen hore ciidamada booliska gaarka ah ay Haramcad ku roondeeyeen laba wado oo hore iyo gadaal ka marta guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ku yaala agagaarka Airport-ka Muqdisho, sida ay xubno ku dhow Shariifka u sheegeen Caasimada Online. Ku dhawaad saacad kadib marki ay ciidamada joogeyn nawaaxiga guriga Sheekh Shariif waxaa goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya kuwaas oo tagay meel u dhaw guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya, waxaana lagu sheegay in ay ahaayeen ciidan arrintaan ku soo baxay. Ciidamada Milateriga ah oo beelo kala-duwan ka soo jeeda ayaa ka soo dagay gawaari ay wateen, waxayna fariisteen meelo kala-duwan oo guriga laga galo lagana soo baxo, waxayna qaarkood ay dhowr-jeer hormareen ciidanka Haramacad, arintaas oo dhalisay baqdin xoog leh iyo cabsi laga qabo in uu dagaal si fudud ku qarxo. Ciidankaan ayaa ka tirsan milateriga Soomaaliya basle waa ciidan aaminsan in ay waajib ku tahay difaaca Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, oo ay sheegeen in ay daan-daansi u heyso dowladda Soomaaliya iyo in uusan mudneen habka ay kula dhaqmeyso dowladda Soomaaliya.
  6. Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta meel mariyey Miisaaniyad-sanadeed cusub oo maamulka ku shaqeyn doono sanadka 2020-ka, waana miisaaniyaddi ugu horeysay ee maamulku yeesho. Kulan maanta golaha baarlamaanka dowlad gobaleedka Hirshabeelle ay ku yeesheen magaalada caasimadda ah ee Jowhar oo uu shir guddoominayey guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee baarlamaanka Cabdi Xuseen Geedi, waxaana soo xaadiray 51 mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle. Golaha ayaa meel mariyey miisaaniyad-sanadeed gaareyso toban iyo afar milyan, toban kun sagaal boqol siddetan iyo afar dollar (14,10984.000 Us). Taas oo maamulka uu ku shaqeyn doono sanadka 2020. Kulanka lagu meel mariyey miisaaniyadda ayaa waxaa ka maqnaa guddoomiyaha Baarlamanka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre Maxamed isaga oo maalmahaan ku sugnaa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Miisaanad-sanadeedka maanta uu meel mariyey baarlamaanka dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa waxaa uu noqonayaa miisaniyaddii ugu horeysay oo maamulka uu yeesho tan iyo markii la aas aasay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Cabdulaahi Xasan Nuur maareeyaha garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in maanta garoonka diyaaradaha magaaladaasi ay ku qabteen hal jawaan oo qaad ah oo ka yimid magaalada Muqdisho. Mareeyaha ayaa tilmaamay in diyaarad u kireysnayd dowladda federaalka islamarkaana ciidan la soo tababarayo uu qaadi rabtay Muqdisho ay ku qabteen jawaan qaad ah oo ay ka keentay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Sidoo kale Maareeyaha ayaa hoosta ka xariiqay in qaadka ay qabteen ay si toos ah ugu wareejiyeen laamaha amaanka ee magaaladaasi isaga oo xusay in dadkii ka dambeeyay falkaani la aqoonsaday islamarkaana tallaabo laga qaadi doono. Ugu dambeyn waxa uu digniin u diray shacabka ganacsatada ah waxa uuna ugu baaqay in ay ka fogaadaan in caasimadda Galmudug ay qaad keenaan in xayiraaddu saarantahay dalka guud ahaan. Halkan ka dhagesyo wareysiga maareeyaha https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/03/Mareeyaaha-garoonka-diyaaradaha-dhuusamareeb.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa Baraha Bulshada lagu faafiyay warara sheegayay in dowladda Soomaaliya ay Ciidamo ka tirsan Booliska dul-geysay Guriga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed, hayeeshee arrintaas ayaa waxaa ka hadashay dowladda. Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya in Ciidamo ka tirsan dowladda la du-geeyay Guriga Sheekh Shariif oo ku yaalla agagaarka Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho. Qoraal uu soo saaray Wasiirka amniga ayuu ku sheegay in Sheekh Shariif uu dowladda ka mudan tahay ixtiraam, wuxuuna sheegay in wararkaas ay faafiyeen dad ujeedkoodu yahay fitno iyo colaad abuur. Sidoo kale Wasiirka amniga ayaa waxaa uu dadka Soomaaliyeed iyo gaar ahaan dadka mas’uuliyiinta ah ugu baaqay inay iska hubiyaan wararka ay bulshada la wadaagayaan ee keeni kara kicin colaad iyo Amni darro. “Ma jiro ciidan dowladeed oo la dul dhigay ama weerar ku ah madaxweynihii hore Sheekh Shariif oo naga wada mudan ixtiraam.Waxaan caddeynayaa in warkaasi yahay been abuur aan sal iyo raad lahayn oo ay wadaan dad ujeedkoodu yahay fitno iyo colaad abuur.” Ayuu qoraalkiisa ku yiri Wasiirka. PUNTLAND POST The post Dowladda Oo Beenisay in ay Ciidamo dul-gaysay Guriga Sheekh Shariif appeared first on Puntland Post.
  9. GAROWE (HOL) - Puntland government has ordered the closure of religious schools and mosques within areas of its jurisdiction as a measure to tame the spread of COVID-19 disease. Source: Hiiraan Online
  10. Nairobi (Caasimada Online) – Safiir ku-xigeenka safaarada Soomaaliya ay ku leedahay dalka Kenya Danjire Suudi Said Sudi oo ka hadlay amarkii lagu hakiyey howlaha safaarada Soomaaliya ee Kenya, ayaa sheegay in ay tahay arrintaas dadaal ay samaysay safaaradda, si muwaadiniinta Soomaaliyed ee ku nool Kenya looga ilaaliya xanuunka Covid-19. Danjire Suudi Said Sudi ayaa ku macneeyay xirnaanshaha safaarada talaabo horay loo qaaday, waxa uuna sheegay in safaaradaha caalamka ee ku yaal Kenya ay ayaguba gaabiyeen shaqadii ay ka hayeen halkan. “Dalkaan ayaa laga yabaa in uu galo xaalad deg deg ah, maadaama Arbacada maanta ah lagu dhawaaqay in la xirayo garoomada iyo goobaha laga soo galo Kenya, sidaas oo kale ayaan ugu tala galnay in aan ilaalino bad qabka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee imaanaya safaaradda,” ayuu yiri Suudi Said Sudi, safiir ku-xigeenka safaarada Soomaaliya ee Kenya, oo aan wax ka waydiiyay amarka lagu xiray safaarada Soomaaliya ee Kenya. Sidoo kale danjire Suudi Said Sudi ayaa sheegay in safaarada la furi doono hadii xaalka uu soo hagago, hadii kalana dadka ay kala hadli doonaan warbaahinta. Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo uu safiir ku-xigeen ka yahay Suudi Said Sudi halka danjire Tarsana uu ka yahay safiir ayaa waxay Soomaalida ku nool Kenya u qabataa shaqooyin ay ka mid yihiin bixinta Passaport-ka Soomaaliga, iyo arrimo kale oo ku aadan fududeenta safaaradaha caalamka ee Kenya, qofkii ay u arkaan in uusan Soomaali ahayn oo lagu amrayo in uu caddayn ka soo qaato safaarada Soomaaliya, si loo xaqiijiyo Soomaalinimadiisa. W/Q: Cabdixakiiin Cilmi Xasan Cabdixakiin441@hotmail.com
  11. London (Caasimada Online) – Seynisyahaan Soomaali ah oo lagu magacaabo Xasan Cabdi Dhoorre, islamarkaana uu ka dhacay Corona ayaa sheegay inuu hadda bogsooday, kadib markii uu is karantiilay, islamarkaana uu qaatay daawooyin kaalmaati ah. Dhoore oo ka mid ah khubarada loo xil-saaray baaritaanka cudurka Coronavirus guud ahaan dalka Ingiriiska ayaa sharraxaad dheero ah ka bixiyey sidii uu uga caafdimaaday cudurka, kadib wareysi gaar ah oo uu siiyey laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xanuunka uu qabtay, isaga oo joogo shaqada, islamarkaana loo diray guriga oo uu markii dambe ku bogsooday. “Anigoo shaqada jooga ayuu xanuunku i qabtay, kaddibna waxaa la ii soo diray guriga. Ma jirto meel xaqiiqo ah oo aan dhihi karo cudurka halkaas ayuu iga soo raacay, laakiin waxaan raacayay tareennada ay dadka badan saaran yihiin iyo basaska.” ayuu yiri. Xasan ayaa sidoo kale intaasi ku daray “Horta wali ma jirto daawo soo baxday oo uu cudurkan leeyahay, sababtoo ah waa xanuun adduunka ku cusub. Aniga waxaan qaadanayay dawooyin kaalmaati ah, sida qandho jabiyaha loo yaqaanno barastimoolka, kaasoo aan labo xabo ka cunayay markiiba, sidoo kalena waxaan cabayay biyo badan.” Dhinaca kale wuxuuu dadka Soomaaliyeed ku booriyey inay aaminaan jiritaanka cudurkaan, islamarkaana ay muujijaan feejignaan iyo taxadar dheeri ah. Ugu dambeyn wuxuu carabka ku dhuftay in sameynta daawada Coronavirus ay qaadan karto wax ka badan hal sano, xilli xanuunkan uu faro ba’an ku hayo dalalka caalamka.
  12. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya haweeney xalay isku dishay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Haweeneydaan oo ka mid aheyd dadka deegaanka ayaa la sheegay inay isku dishay Maseyr dartiis, kadib markii uu Sayigeeda la guursaday Xaas labaad. Ilo deegaanka ah ayaa shabakadda Caasimada Online u sheegay in haweeneyda inta aynan is-dilin ay isku xirtay Qol, kadibna ay cabtay Sun ay ugu dambeyn u geeriyootay. Weli faah faahin dheeri kama bixin maamulka degmada dhacdadaasi oo ay si weyn uga argagaxeen dadka deegaanka. Sidoo kale dilka gabadhaasi oo la yaab ku noqday dadka dariska ayaa si aad ah saaka u hadal hayaa dhacdadaasi xanuunka badan. Si kastaba ha’ahaatee ma’ahan arrintaan mid ugu ku ah gayiga Soomaaliyeed, iyadoona marar badan ka dhacday qeybo badan oo ka mid ah dalka.
  13. Waxaa saacadihii la soo dhaafay dagaal aad u qaraar uu deegaanada Dalsan iyo Xaadweyne oo dhamaantood hoos yimaada magaalada Kismaayo ee gobalka Jubbada hoose ku dhexmaray maleeshiyo beeleedyo walaala ah oo halkaasi wada dega, waxaana dagaalkaasi ka soo baxaya faahfaahinno kala duwan. Dagaalkaan ayaa waxa uu yimid ka dib markii beelahan walaalaha ah ay isku qabteen dhul daaqsin islamarkaana dagaalkooda uu sababay khasaare isugu jira dhimashi iyo dhaawac soo kala gaaray labadii dhinaca oo ay dirirtu u dhaxeysay, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin Karin khasaaraha dhabta ah ee jira. Sida uu soo sheegayo weriyaha Goobjoog News ee gobalka Jubbada hoose, waxaa cisbitaalka weyn ee magaalada kismaayo la gaarsiiyay dad ku soo dhaawacmay dagaalkaasi, waxaana dhaawacyadaasi ay gaarayeen ilaa iyo 8 ruux halka sidoo kale 2 qof oo meyd ah la keenay cisbitaalkaasi. Wararka aan sidoo kale dagaalkaasi ka helayno ayaa sheegayaa in maamulka Jubbaland ay deeganada lagu dagaalamay u direen ciidamo kala dhex gala maleeshiyaadkaasi, waxaana hadda la soo warinayaa in dagaalku uu istaagay. Wali ma jirto wax wara oo ka soo baxay maamulka iyo odoyaasha Jubbaland oo ay uga hadlayaan dagaalkaani balse dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in beelahan dagaalkoodu uu noqday mid soo laablaabtay islamarkaana maara loo waayay. Deegaanada u dhow dhow magaalada Kismaayo ayaa waxaa inta badan ku dagaalama maleeshiyo beeleedyo walaalaha, waxaana wali jirin hannaan looga baaqsanayo dagaalladaasi oo ay la yimaadeen maamulka iyo waxgaradka Jubbaland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Kismaayo (Caasimada Online) – Ugu yaran illaa todobo qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku geeriyoodeen dagaal qaraar oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaan galbeedka ka xiga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen labo maleeshiyo beeleed oo ku wada sugan Unguumi oo ka tirsan gobolkaasi. Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaadka diriray ay isku hayaan arrimo la xariira dhul-daaqsimeed iyo ceel biyood ku yaalla halkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Jubbaland ciidamo dheeraad ah ay u dirtay deegaanka lagu dagaalamay oo weli laga dareemayo dhaq dhaqaaqyo xoogan. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, iyadoona dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan inuu markale dagaalku dib u sii qarxo. Colaada u dhexeysa beelaha dagaalamaya ayaa la sheegay inay muddo ka taagneyd duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland.
  15. Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka Soomaaliya, Maxamed Siciid Cabdullahahi oo la hadlay Shabelle ayaa markale sii adkeeyey go’aanka dowladda federaalka ay ka soo saartay kulamada dadweynah ee la’isugu yimaado goobaha qaar ee M/ Muqdisho. Maxamed Siciid Cabdullahahi ayaa sheegay in goobaha bulshada ee ay dadka ku kulmaan ay tahay meelaha si fudud loogu kala qaadi karo Cudurka Coronavirus. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ka wasaarad ahaan ay wadaan dadaallo dheeraad ah looga hortagayo faafintaanka cudurkaan oo kiis la xariira dhowaan laga helay dalka. Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Zakariye-1.mp3 View the full article
  16. (SLT-Hargeysa)-Sida ilo xogogaal sheegayaan waxa qarka u saaran in uu fashilmo Qandaraas qaabkii loo bixiyey madmadow badani ku xeernaa oo la siiyey shirkad la yidhaahdo Cabdillaahi Aflax Used Spare Parts oo soo waarida Bir-libaaxda Gaadiidka. Shirkadan Cabdillaahi Aflax Used Spare Parts ayaa Qanradaas Qaraabakiila lagu siiyey inay muddo toddobaada ku keento Timirta bisha barakaysan ee Ramadaan la siiyo Ciidamada Somaliland. Qandaraaskan la siiyey Shirkada Cabdillaahi Aflax ayaa lagu dhawaaqey 12-ka bisha March 2020-ka inay ku guullaystay tartanka keenida Timirta, ku darsoo waxaa loo qabtay oo heshiiska ku jirtay inay Muddo Toddoba cisho ah ku soo wareejiso amma ku soo gaadhsiiso Timirta Ciidamada loogu talo galay Balse taasi way fashilantay oo weli maanta oo taariikhdu tahay 24-kii March 2020-ka Hal teneg lagama hayo. Shirkadan Cabdilaahi Aflax ee Qaraabakiilka lagu siiyey Keenista Timirta Ciidanka Somaliland ayaa xilligii ay tartanka ku jirtay shaacisay inay hayso cadadka Timirta looga baahan yahay oo ay dalka u taalo, ku darsoo waxay madasha tartanka keentay Foojaro iyo Dhukumentis sheegaya inay tartanka ku gelayaan Timir taalla Bakhaaro qaarkood Burco ku yaalla oo aan ka xusi karo Tawfiiq & Al-intifaac oo ka madax banaan qandaraaslaha helay tartanka.Taas oo macnaheedu yahay inaaney shirkada Cabdillaahi Aflax timirta loo baahan yahay Gacanta ugu jirin, dalkana u oolin balse ay ku tartamayaan Timir taalla Bakhaaro gacansi oo weliba laysla dhexmaraayo inay gaboowday oo tayadeedu liidato oo sanado taaley oo la meydhaayo si loogu eekaysiiyo Timir cusub. Geesta kalena waxaa oo oogan oo soo laba kacleeyay muran ka dhex qarxay Gudida Qandaraasyada Somaliland qadiyadan timirta ee fashilantay darteed maadaba Xubno ka tirsan Gudidu Saami macaash laga siiyey qandaraaskan Timirta (Waa laaluush casriya oo inagu soo kordhay). Isku soo wada duuboo Shirkada Cabdillaahi Aflax ee sida Qaraabkiilka & Eexda ah lagu siiyey Qardaraaska timirta ciidamada Somaliland ayaan welin fulin shuruudihii ay Qandaraaska ku qaadatay,qadiyadeena u eeg tahay inay ku fashilantay maadaba waqtigii ka dhacay oo ay muddo dhaafna waxba ku keeni la’dahay!. Halkan ka daawo Ballanqaadkii Aflax & dardarankii Gudoomiyaha Source: Qaran Source
  17. Zororo Makamba oo ah waa weriye u dhashay dalka Zimbabwe islamarkaana caanka ahaa dalkiisa waxaa ku dhacay xanuunka Coronavirus oo markii dambe keentay in xanuunkaasi uu ugu geeriyooday dalkiisa magaalada Harera ee caasimadda dalkaasi. Sabtidii lasoo dhaafay ayay ahayd markii la geeyay isbitaalka, xilligaas oo xaaladiisa caafimmaad ay kasii dartay, waxaana sidoo kale lagu karantiilay isbitaalka guud ee magaalada Harare. Makamba wuxuu ahaa weriye aad looga yaqaano dalkaas, wuxuuna ka dhashay qoys hanti leh. Dalka Zimbaabwe ayaa waxaa la sheegay in qofkii ugu horeeyay ee xanuunka Corona uu ku dhacay at haatan xaaladdiisa caafimaad soo hagaageyso. Xukuumadda Zimbaabwe waxa aay mamnuucday in dadku ay isugu yimaadaan goobaha dadweynaha, waxaana maalmihii lasoo dhaafay marnaa kaniisadaha, bangiyada iyo suuqyada, dadkuna waxay inta badan ku sugnaayeen guryahooda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. (SLT-Hargeysa)-Warar Shalay soo baxay ayaa sheegay in Madaarka diyaaradaha ee Hargeysa laga kaxeeyay Muwaadiniin reer Somaliland ah oo ka yimi dalalka Dibedda ee uu ka dilaacay Caabuqa Coronavirus. Dadkan oo Tiradooda lagu sheegay illaa 16 Qof ayaa qaarkood ka yimaaddeen Dalka Shiinaha oo ah halkii uu ka dillaacay Coronavirus, ayay Dawladdu geysay meel gaar ah si muddo loo hayo, si loo hubiyo inuu jidhkooda ku qarsoon yahay Caabuqa Coronavirus ee uu ka dhasho Xanuunka Covid_19 ee dunida faraha baas ku haya. Wargeyska Geeska Afrika oo isku dayey Warar dheeraad ah ka helo Wararka sheegaya in 16 Qof la kaaraantimeeyay ayaa xidhiidh la sameeyay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaad, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, waxaanu Agaasimuhu si kooban u sheegay inay jiraan Dad la hayo, laakiin Sababta loo hayaa aanay ahayn inay qabaan Corona, balse ay tahay in muddo laga hubiyo, maaddaama oo ay ka yimaaddeen Waddamo uu xanuunku ka jiro. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka oo ka jawaabaya su’aasha koowaad ee Geeska Afrika waydiiyey ee ah waxa ka jira in la hayo Dad la baadhayo Corona, ayaa ku jawaabay “Way jiraan dad badan oo aanu hayno oo dalka dib ugu soo laabtay.” Ayuu yidhi, Dr. Xergeeye, waxaanu intaa ku daray “Dadkaasi maaha dad qaba xanuunka Coronavirus, mana ah dad aanu uga shakinay xanuunka Coronavirus, balse dadkani waa dad ka yimid waddamada fog fog, sida wadamada uu aadka ugu badan yahay xanuunka Coronavirus, waxaana ka mid ah dad ka yimid dalka Shiinaha oo ah Waddankii uu markii ugu horeysay ka dilaacay xanuunkan.” Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadku wuxuu sheegay In Dadka loo hayo hubin “Dadkeena muwaadiinta ah ee dalkeena u dhashay xaq bay u leeyihiin inay dalkooda yimaaddan oo ay dib ugu soo laabtan, markaas si aanu uga taxadirno inuu xanuunkani uu dalkeena soo galo aad baanu u hubinaynaa in cid kasta oo dalkeena imanaysa, ilaa haddana dalkeenu uu ka bad-qabaa xanuunkan”ayuu yidhi. Agaasimaha guud ma sheegin goobta lagu hayo Dadka laga hubinayo caabuqa Coronavirus. Source
  19. (SLT-Hargeysa)-Shaqaalaha adeegayaasha caafimaad ah ee ka hawl gala goobaga dalka laga soo galo ee baadhitaannada cabbirka xumadda ah ku sameeya dadka dalka soo galaya ee kasoo dhoofa dalalka dibadda ama kuwa jaarka ah ayaa waxa ay walaac weyn ka qabaan xaaladda ay wajahi karaan ee la xidhiidha bedqabka nafahooda maadaama aanay haysan qalab iyo xirfad ku filan aanay lahayn oo ay kaga gaashaaman karaan haddiiba ay la kulmaan dad qaba ama sida Caabuqa Koroona Fayras ee dunida faraha baaas ku haya. Tan baddalkeeda waxa iyaguna xaalad werwer ah qaba ciidamada ammaanka ee sugan isla goobahan oo iyaga oo aan haysan qalab caafimaad oo ilaaliye ah (Protection Facilities) haddaba gacmahooda ku baadha dadka soo galaya dalka gaar ahaan goobaha kastammada iyo madaarrada dalka ee ay ka soo galaan dadka dalka soo galayaa. Wariye Cabdishakuur Dayib Maxamed oo ka mid ah wariyayaasha ka hawl gala Telefishanka HCTV ayaa qoraal kooban oo uu shalay soo dhigay degelka uu ku leeyahay Mareegta Facebook waxa uu ku xusay dhacdo walaac leh oo la xidhiidha mid ka mid ah shaqaalaha ammaanka ee ka hawl gala Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal oo xusay sida uu walaaca uga qabo xaaladda cudurka Covid 19 maadaama aanu haysan agab ilaaliye ah oo uu ka xidho dadka uu baadhayo iyaga oo waliba gacmaha ku baadha. Qoraalka uu wariyuhu baahiyay ayaa sidan u dhignaa: “Mid ka mid ah shaqaalaha Amniga ee ka hawl-gala Madaarka Cigaal ee magaalada Hargeisa, oo codsaday in magaciisa anan baahin sababo amingiisa la xidhiidha Awgeed ayaa ii sheegay inuu dareemayo halis caafimaad oo la xidhiidha cudurka COVID-19 oo dul hoganaysa shaqaalaha amaanka, maadaama gacmahooda ay ku baadhaan dhammaan dadka ka dhoofaya garoonka diyaaradaha ee Cigaal. Marka ay dadkaas oo dhan gacmaha ku taabtaan xilliga baadhitaanka kadib ay haddana bulshada soo dhex-galaan,Taas oo halisteeda yeelan karta. Waxaa uu intaas ku daray in loo baahan yahay in guddiga loo xilsaaray ka hor tagga cudurka Coronavirus iyo Gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha Dawladda Mudane Farxaan Aaden Haybe, ay si gaar ah ula socdaan arrintan oo nidaam badbaado caafimaad ah u sameeyaan shaqaalahaasi sugaya amniga rakaabka Iyo diyaaradaha” ayaa lagu yidhi qoraalkan. Xaaladdan ayaa haddaba u baahan in xukuumaddu degdeg wax uga qabato si loo dhawro bed-qabka shaqaalaha amniga si ay Iyana u badbaadaan dadkooduna u badbaadaan, dhammaanteena aan iska kaashano sidii wacyiga cudurkan kor loogu qaadi lahaa Bulshada. Xaaladdan oo u baahan in xukuumaddu ku baraarugto. Source
  20. (SLT-Ceerigaabo)-Diyaarad yar oo ka timid xaga Jabuuti ayaa shalay Isniintii iyo khamiistii hore dul wareegaysay gobollada Sanaag iyo Sool, taas mararka qaarkood joog hoose ku duulaysa. Diyaaradan oo u muuqatay mid sahan ah ayaa maalmahan dambe dul heehaabaysay gobolada Sool iyo Sanaag, taas oo aan wali la aqoonsan dalka ay diwaangashan tahay. Diyaaradan ayaa magaceedu yahay Beech 350 Super King Air, Flight Radarkeedu ma sheegayo meesha ay ka timid iyo meesha ay ku socoto iyo wadanka ay ka diwaangashan tahayba. Illaa hadda kama hadal xukuumadda Somaliland. Source
  21. Historically throughout all the times; business people were known to exploit and show antics of opportunism during the trying and tough times a certain society is going through; whether it’s during a war, drought, inflation or political instability Source: Hiiraan Online
  22. (SLT- Sweden)-Lix ka mid ah 15 qof oo dalka Swdeden ugu geeriyooday caabuqa Corona ayaa la sheegay in ay yihiin soomaali asal ahaan. Tellefeyshinka Sweden ee SVT aya baahiyey xalay xogtan isagoo xiganaya ururka isku taga dhakhaatiirta Sweden. Arrintan ayeey kooxdani sheegeen inay ugu wacan tahay, dadka oo aan helin xoog buuxda oo cudurkan la xidhiidha markii uu dalka ku faafay, dadkuna ay caadi u dhaqmayeen. Kooxdan ayaa sidoo kale sheegay in badi dadkaasi ay yihiin dad cuduro hore u qabay. Arrinta kale ee haddana keentay in cudurkani ku dhex faafo soomaalida dhexddeeda ayaa u ah iyagoo intooda badan degan guryo cidhiidhi ah, taana ay keeneeyso in la is wada qaadsiiyo. Wa tiradii ugu badneyd ee Soomaali ah ee hal dal ucu geeriyooda caabuqan. Source
  23. Qodabada saakay ugu waa weyn warka subax ee GoobjoogFM ayaa waxa ay kala yihiin Guddoomiyaha Guddiga Caleema-Saarka Madaxda Galmudug ayaa Galkacyo kula kulmey Xaaf oo diiddan doorashii ka dhacday Dhuusamareeb. Taliska xoogga Dalka ee ku sugan Shabeellaha hoose ayaa ku dhawaaqay Safaaradaha Somalida ee Kenya iyo Turkiga ayaa hakiyay shaqoyinkii ay hayeen, cabsi laga qabo faafidda Caabuqa COVID19. Cudurka CORONA ayaa 6 qof oo Somali ah ku dilay Dalka Sweden, kaddib kiisas cusub oo laga diiwan geliyay dalkaasi. Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka ayaa shir guddomiyay kulan looga hadlayay dhameystirka heshiiskii nabadeed ee Xeraale. Soomaliland ayaa karantiishay dhowr iyo toban qof oo looga shakiyay Caabuqa CORONA ee dunida halakeeyay. Haddaba, halkaan ka dhageyso qodobadaasi oo intaas ka faahfahsan, waxaana soo jeedinaya Jacfar Maxamed https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/03/saakay-iyo-gobjog-24-03-2020-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. (SLT-Garoowe)-Puntland ayaa amartay in laba toddobaad la xidho masaajidada Puntland si looga hortego cudurka coronavirus Wasiirka Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqan-celinta maamulka Puntland Cawil Sheikh Xaamud Maxamed oo shir jaraa’id ku qabtay Garoowe waxaa uu sheegay in la xidhayo dhammaan Masaajidada iyo dugsiyada quraanka lagu barto ee ku yaalla gobollada Puntland. Wuxuu ugu baaqay culimadda iyo macalimiinta dugsiyada quraanka inay dhaqangeliyaan amarka ka soo baxay wasaaradda oo ay albaabada isugu laabaan masaajidada iyo dugsiyada. Maamulka Puntland ayaa hore u fasaxday ardayda Dugsiyada waxbarashada iyo jaamacadaha. Source