Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,420
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ayaa bilaabeysa inay diiwaan-geliso xirfadlayaal caafimaad oo si mutadawacnimo ah uga qeyb qaata la tacaalida dadka uu soo rito cudurka dunida ku faafay ee Coronavirus. Somaliland ayaa sheegtay inay maalinta Sabtida oo ay taariikhduna ku beegan tahay 4-ta bisha April, la diiwaan-gelin doono Mihnadlayaasha caafimaad, gaar ahaan kuwa ku nool magaalada Hargeysa oo ah halka ay dadka ugu badan ee reer Somaliland ay ku nool yihiin. Wasaarada caafimaadka Somaliland ayaa Xirfadlayaasha caafimaad ka dalbatay inay is-diiwaan-galiyaan si ay qeyb uga noqdaan bad-baadinta bulshadooda. Wasaarada ayaa ka dhawaajisay in maalintiiba ay 50-qof oo Mihnadlayaal caafimaad ah ka diiwaan-gelin doonto Xafiiska cududda shaqaalaha ee xarunta wasaarada caafimaadka Somaliland. Somaliland ayaa wajaheysa halis Coronavirus ah, kadib markii dhowaan deegaanadeeda laga helay Labo qof oo qaba cudurkaasi, iyadoona la aaminsan-yahay in tiro kale oo intaasi ka badana ay la nool-yihiin cudurkaasi. Hoos ka aqriso waraaqda Somaliland ay ku baadi-goobeyso Xirfadlayaasha Caafimaad:
  2. Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Arrimaha dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa xalay War-saxaafadeed ay arrinkan ka soo saartay ku caddeysay mowqifka dowladda, waxaana uu u qornaa sidatan: Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si kulul u cambaaraynaysaa maleeshiyooyinka Xuutiyiinta Yemen ee gantaalada balaastikada ku riday magaalooyinka Riyadh iyo Jizan ee Boqortooyada aanu walaalaha nahay ee Sacuudi Carabiya gelinkii dambe ee Sabtida oo ku beegnayd 28 Maarso , 2020 , waxa ayna u aragtaa xadgudub qaawan iyo hanjabaad ka dhan ah deganaanshaha gobolka iyo iska-dhega-tirid geedi socodka nabadda. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay caddaynaysaa in ay ku garab taagan tahay Boqortooyada kahortagidda cid waliba oo wiiqaysa amnigeeda Qaran, waxa ayna adkeynaysaa mowqifkeeda adag ee taageeraya tubta Riyadh ee xalinta dhibaatooyinka siyaasadeed ee Yemen View the full article
  3. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka subax. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Subax-020420.mp3 View the full article
  4. Makka (Caasimadda Online) – Wasiirka Xajka iyo Cumrada ee dalka Sacuudi Carabiya oo wareysi siiyey telefishinka dowladda ayaa dhammaan dadka Muslimiinta ah ka codsaday inay hakiyaan qorshahooda Xajka ee sanadkaan illaa inta laga xaqiijinayo saameynta cudurka Coronavirus ee adduunyada ku faafayo. Wasiirka Arrimaha Xajka iyo Cumrada, Dr. Maxammad Saleh bin Taher Benten ayaa sheegay inay mudnaan koowaad siinayaan badqabka qof walba oo soo booqanayo Xaramka Allah, wuxuuna xusay inay Sacuudiga mar walba diyaar u yihiin inay qaabilaan isla markaasna ay u adeegaan Xujeyda. “Sacuudi Carabiya ayaa imika daryeel siinaysa 1,200 oo qof uu cumara u tagay kuwaasi oo aan dalkoodii u laaban karin, sidoo kale waxaan lacagaha u celinaynaa dadka la siiyay dal ku-galka Cumrada, balse aan cumraysan,” Benten ayaa sidaasi u sheegay telefishinka al-Ekhbariyah. Qiyaastii 2.5 Malyan oo Xujey ah oo ka kala imaado adduunyada ayaa sanad kasta tago dalka Sacuudiga iyagoo booqasho ku kala tagayo goobaha ugu wanaagsan ee Islaamka ee Makka iyo Madina si ay u gutaan waajibka Xajka oo sanadkii halmar waajib ku ah qof kasta oo Muslim ah oo awoodo. Isu imaatinka ugu weyn ee muslimiinta ayaa loo qorsheeyay in uu bilowdo dabayaaqada bisha Luulyo, laakiin cudurka faafa ee coronavirus ayaa dhaliyay su’aalo ku saabsan suurtagalnimada in sanadkaan Muslimiinta loo ogolaado inay Xajka gutaan maadaama cudurka Corona Virus uu kala xiray Adduunyada dhan. Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa horay u hakisay Acmaasha Xajka illaa waqti aan la cayimin, waxaana sidoo kale la hakiyey dhammaan duulimaadyadii rayidka ahaa ee soo gaari jiray Sacuudiga iyadoo ay weliba xusid mudan tahay in asbuucii lasoo dhaafay la joojiyey isku socodka dadweynaha ee magaalooyinka qaar sida Makka iyo Madiina. Dowladda Sacuudiga ayaa lacago badan oo ganacsi ah ka sameyso Xajka, wuxuuna laf dhabar u yahay qorshayaasha lagu ballaarinayo tirada dadka soo booqda ee hoos imaanaya ajandaha dib-u-habeynta Amiir Maxamed bin Salmaan. Joojinta Xajka ayaa noqon doonto mid aan horey loo arag waqtiyadan casriga ah, laakiin joojinta imaanshaha goobaha halista badan ayaa horey u jirtay, waxaana ugu dambeeyey xilligii uu dillaacay cudurka Ebola. Sacuudiga ayaa sheegtay inay heshay 1,563 kiis oo cudurka Coronvirus ah iyadoo ay cudurkaas u dhinteen illaa 10 qof. 800,000 qof ayuu ku dhacay cudurka Caronavirus dhammaan adduunyada oo dhan, waxaa u geeriyooday illaa 38,000
  5. Number of confirmed cases of COVID-19 in Djibouti rises to 30 Source: Hiiraan Online
  6. Somalia has become the 182nd member of the Multilateral Investment Guarantee Agency (MIGA), a member of the World Bank Group, following normalization of its financial relationship with the World Bank. Source: Hiiraan Online
  7. Taliyaha Ciidanka Booliiska dowladda Puntland Sarreeye Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse, oo xalay shir jaraa’id ku qabtay caasimadda Garoowe, ayaa shaaciyay in dhammaan magaalooyinka Puntland uu si rasmiya uga dhaqan-galay, bandowgii ay soo rogtay xukuumadda Puntland. Bandowga oo ku kooban Habeenkii oo keliya, ayaa soconaya mudda laba todobaad ah laga bilaabo lixda makhribnimo ilaa shanta aroornimo, si looga fogaado faafidda cudurka Coronavirus, maadaama xilliyada habeenkii ah ay badan yihiin isu’-imaatinada dadweynaha. Gen Muxiyadiin, ayaa u mahadceliyay guud ahaan shacab weynaha ku dhaqan dhammaan gobolada iyo degmooyinka Puntland, kuwaas oo u hoggaansamay Amarka dowladda, islamarkaan si buuxda u dhaqan-geliyay bandowgaas. Taliye Muxiyadiin Axmed Muuse, ayaa sheegay in mas’uuliyiinta dowladda iyo weriyaasha oo keliya loo ogol-yahay, in ay socdaan xilliyada Habeenkii ah, si ay kormeer ugu sameeyaan dhaqan-gelinta bandowga saaran magaalooyinka. Sidoo kale, wuxuu xusay in mudada bandowgaas socdo ay goobaha caafimaadku sii furnaan karaan, maadaama ay kamid yihiin adeegyada daruuriga ah ee mar kasta loo baahan karo. Ugu dambeyntii, Gen Muxiyadiin oo ay weheliyaan mas’uuliyiin kale,ayaa xalay kormeer ku soo sameeyay sida uu xaafadaha kala duwan ee caasimadda Garoowe uga dhaqan-galay bandowga saaran. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Puntland oo shaacisay saddex qolo oo aan bandowga habeenkii saamayn doonin appeared first on Puntland Post.
  8. Muslim clerics in conflict-hit Somalia are moving to the front-line of the battle against coronavirus in a bid to counter the propaganda of militant Islamists, writes BBC Somalia analyst Mary Harper. Source: Hiiraan Online
  9. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ayaa maanta sheegtay inaysan joojineyn duulimaadyada ay diyaarada Ethiopian Airlines ku timaado madaarka magaalada Hargeysa, xili ay wajaheyso labo Kiis oo la xiriira Coronavirus. Somailand ayaa weli ku adkeysaneysa inaysan joojin duulimaadyada diyaaradaasi oo tagta waddamo uu cudurkaasi faro ba’an ku hayo, iyadoona la aaminsan-yahay in gudaha Somaliland ay iyadu horseeday in laga helo Kiisas la xiriira fayruska Corona. Wasiirka warfaafinta Somaliland, Saleebaan Koore ayaa sheegay inaysan waqti xaadirka Xukuumadoodu joojineyn diyaarada Ethiopian Airlines, isagoona xusay inay soo saareen go’aamo ay dhawaan ku mamnuuceen dadka ka imanaya Yurub iyo Mareykanka. Wasiir Koore ayaa diyaarada Ethiopian Airlines ku sheegay mid ka qeyb qaadaneysa soo daabulida dadka ku xayiran garoomada, isla markaana ay qasab tahay in dadkii hore u goostay Ticket-yadooda safarku ay ka soo dagaan madaarka Hargeysa. Somaliland ayaa wajaheysa halis caafimaad oo baahsan, maadama aysan ilaa hadda si dhab ah u qaadin talaabooyin ay ku xakameyneyso in cudurka Corona uu ku faafo deegaanadeeda, iyada oo Kiisas la xiriira cudurkaasi laga helay magaalooyinka Berbera iyo Burco. Mana cada ilaa hadda sababta ay dowladda federaalku ay talaabo uga qaadi laadahay diyaarada Ethiopian Airlines oo duulimaadyadeedii caadiga ahaa ku tagta Somaliland, oo iyadu ku dooda inay tahay dal madax-banaan, balse aan weli aqoonsi buuxa ka helin beesha caalamka.
  10. MOGADISHU (Reuters) - Somali doctor Abdirizak Yusuf Ahmed has escaped an execution, battled deadly diseases and treated war victims. Now - at 35 years old - he’s been tapped to lead his nation’s response to the coronavirus. Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa soo dhoweeyay go’aanka ay Deeq bixiyeyaasha Naadiga Paris dalka uga cafiyeen $1.4 Bilyan oo kamid ahayd deyntii lagu lahaa dalkdeenna. Qoraal kasoo baxay xafiiska Kheyre ayaa sidoo kale lagu sheegay deynta sida rasmiga ah illaa hadda looga cafiyey Soomaaliya iyo tan ku hartay. Waxaa qoraalka lagu sheegay in todobaadkii la soo dhaafay hay’adaha dhaqaalaha caalamiga ah (IFI’s) ay dalka ka cafiyeen $830m, taasoo isugeynta lacagta Soomaaliya laga cafiyay illaa iyo hadda ka dhigeysa 2.23 bilyan oo dollar. Deynta horay loogu lahaa Soomaaliya waxay ahayd $5.2 Bilyan. Sidoo kale deeq bixiyayaasha aan xubnaha ka ahayn Naadiga ku bahoobay Paris ayaa iyana ballan qaaday in ay Soomaaliya ka cafin doonaan daytna ay Soomaaliya ku leeyihiin, taasi oo macnaheedu yahay in Soomaaliya laga cafiyey 67% ka mid ah deyntii lagu lahaa. Waxaa kale oo ay deeq bixiyayaashu ballan qaadeen in ay daymaha oo dhan ama intooda badan ay ka cafin doonaan Soomaaliya marka ay Soomaaliya kasoo baxdo shuruudaha u harsan, taasi oo qaadan doontaa muddo saddex sano ah. Qoraalkan ayaa u muuqda mid ay dowladda ugu dambeyn ku qiratay xaqiiqda deyn-cafinta Soomaaliya, oo muddo sheegeysay in laga wada cafiyey. Ra’iisul Wasaaraha ayaa dalalkan uga mahadceliyay sida ay u garab istaageen dadaallada ay dowladda Soomaaliya dib ugu habaynaysay nidaamkeeda maaliyadeed iyo sida ay uga qeyb qaateen xaqiijinta rajada shacabka Soomaaliyeed. “Waa tallaabo taariikhi ah oo ka turjumeysa soo nooleynta qaranimadeena, isla markaana ah guul usoo hoyatay qof walba oo Soomaali ah. Waa dadaal miro dhalay oo u baahan in la joogteeyo”. ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyay dadaalka ay hay’adaha dowladda Soomaaliya heer federaal iyo heer dowlad goboleed ku bixiyeen ka mira dhalinta arrintan.
  12. Shan dal oo sharci la yaab leh ka soo saaray Coronavirus Tani iyo inta cudurka Covid-19 uu dunida ka dillaacay wax badan ayaa dunida ku soo kordhay. Waddamada qaniga lagu tilmaamayey waxay sheegeen inta ay awoddooda ay gaarsiisan tahay. Waddama badan ayaa si ay u xakameeyaan cudurka safmarka ee Coronavirus ayaa qaaday tallaabbooyin adag oo ay oo ay shacabka waddamadooda ku xakameynayaan. Balse shan dal shuruuc ay cudurka ka soo saareen ayaa noqday kuwa ka duwan waddamada kale. 1. Serbia Serbia waxay xaddidday saacadaha ay dadka eeyaha rabbaayadeysto ay dibadda u soo saari karaan. 8-9 fiidnimo oo keli ah iney dibadda u soo bixin karaan eyda ayey dowladda sharci ahaan u soo saartay balse waxaa go’aankaasi si weyn uga soo horjeestay muwaaddiniinta dalkaasi. Wixi markaasi ka dambeeyeyna dowladda waxayba gabi ahaanba mamnuucday inaan eeyda la soo saari karin. 2. Colombia Dalka Colombia waxay soo saartay sharci dhigayo dadku iney guriyahooda ka soo bixi karaan wakhtiga ay dowladda u qoondeysay oo ay ku saleysay aqoonsiga muwaaddinnimo ee qofka. Tusaala ahaan qofka uu lambarka aqoonsigiisu uu ku dhammaado 0, 4 ama 7 waxaa loo oggol yahay iney Isniinta oo keli ah ay gurigooda ka bixi karaan si faafitaanka cudurka loo xakameeyo. Aqoonsiyada ku dhammaado 1, 8 iyo 5 Talaadada ayay gurigooda ka soo bixi karaan. Dalka Bolivia ee dersika la ah wuxuu qaatay go’aan la mid ah kan uu qaatay dalka Colombia. 3. Panama Panama waxay ka mid tahay waddamada ku yaalla bartmaha qaaradda Mareykanka. 1,000 qof oo dalkaasi ku nool ayuu haleelay Faayrsaka Corona. Waxayna Panama soo saartay go’aan ah iney muwaaddiniinteeda guriyahooda ka soo bixin. Balse sacada kooban oo keli ah ayey muwaaddiniinteeda u oggolaatay iney leyrsan karaan. Waxayna fasaxa u kala saartay jinsi. Laga billaabo arbacadana waxay muwaaddiniinta gurigooda ay ka bixi karaan 2 sacadood oo keli ah maalintii. Balse waxay dowladda kala duwday maalinta ay ragga soo bixi karaan iyo maalinta ay dumarka soo bixi karaan, hase yeeshee dowladda Panama ma aysan sheegin sababta ay go’aan noocaas ah u qaaadatay. Maalinta Axaddana sida uu dhigayo sharciga ay dowladda Panama soo saartay rag iyo dumar midkoodna looma oggola iney guriiyahooda ka soo baxaan. Wasiirka Amniga dalkaasi Huwan Pino wuxuu sheegay g’aankan iney dowladdu u soo saartay si ay naftiinna u badbaadisee uma soo saarin danteeda. 4. Belarus Madaxweynaha Belarus Alexander Lukashenka wuxuu ka mid yahay madaxda caalamka ee sida aadka ah ugu jeesjeesay cudurka safmarka ee Coronavirus. Inta uu madaxweyne Lukashenka uu soo fadhiistay telefishiinka afka dowladda ku hadla ayuu yiri “Waa maxay Corona-ha aad ka sheekeyneysaan? anigu faayrsaka iima muuqdo ayuu yiri.” Madaxweynaha wuxuu hadalkaasi yiri xilli uu daawanayey shacab ku ciyaaraya barafka, wuxuuna intaa ku daray “Haddii uu faayras noocaasi uu jirana barafkan aad ku ciyaareysaan ayaa baab’inaya” isaga oo kaftan ka dhigaya. Haddii cudurka qofka ku dhacana waxaa u dawo ah ayuu yiri “Khamriga Vodka, Vodka waa inaad cabtaan.” Waxaana dalkaasi sidoodi hore uga socda tartammada ciyaaraha iyo kulammada kala duwan iyada oo sheegtay ineysan cudurka wax cabsi ah ka qabin. 5. Turkmenistan Dalka Turkmenistan si ay u xakameyso cudurka safmarka waxay qaadday tallaabbo ka duwan kuwa ay qaadeen waddamada kale. Wuxuuna dalkaasi go’aansaday oo uu xayiraad uu ku soo rogay magaca cudurka ee ‘Coronavirus’. Dalka Turkmenistan lagama oggolo adeegsiga magaca cudurka ee “Coronavirus”. Dowladda Turkmenistan waraaqaha wacyigelinta caafimaadka waxay gabi ahaanba ka saartay kalmadda “Coronavirus”. Wuxuuna dalkaasi uu soo saaray sharci adag oo dhigaya ciddi warbaahinta kala duwan ka adeegsado “Coronavirus” iyo ciddi xirato cufaafka (afxidhka) iney xabsi la kulmi karto. Wuxuuna dalka Turkmenistan oo deris la ah dalka Iiraan uu sida weyn u saameeyey cudurka Coronavirus ay ku doodeysaa inaan weli dalkeeda laga helin cudurka Coronavirus. Qaran News
  13. Wasiiro ka tirsan xukuumadda Puntland, oo ay weheliyaan maamulka gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso, ayaa xalay kormeer ku sameeyay dhammaan xaafadaha kala duwan ee magaalada Boosaaso, si ay ugu kuur-galaan dhaqan-gelinta bandowgii ay soo rogtay dowladda Puntland. Mas’uuliyiinta oo kormeerkaas kadib warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in uu sidii la rabay u fulay bandowga ay xilliyada Habeenkii ah soo rogtay xukuumadda Puntland, si looga hortago faafidda xanuunka Coronavirus. Taliyaha qeybta Booliiska gobolka Bari G/sare Xuseen Cali Maxamuud oo faahfaahin ka bixiyay kormeerka mas’uuliyiinta, ayaa sheegay in dadweynaha Boosaaso ay buuxda u dhaqan-geliyeen bandowgii xukuumaddu soo rogtay, islamarkaana aysan jirin cid khilaaftay awaamiirta dowladda. Taliyaha ayaa xusay, in mudadii ay kormeerka ku jireen ay soo arkeen oo keliya ciidanka Amniga oo shaqadiisa gudanaya, kuwaas oo sugaya Amniga magaalada, balse aysan cid kale ku arag jidadka iyo waddooyinka. Sidoo kale, dhammaan magaalooyinka kale ee Puntland ayuu xalay ka dhaqan-galay bandowga ay soo rogtay xukuumadda Puntland, kaas oo socon doona mudda laba todobaad ah, si looga hortago faafidda cudurka Coronavirus. Hoos ka daawo muuqaalka iyo sawirada PUNTLAND POST The post Wasiiro ka tirsan Puntland oo xalay kormeeray bandowga habeenkii ee Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa teegro buuxda u muujisay duqeynta ay ciidamada Mareykanka ka fuliyaan Soomaaliya, kadib markii hay’adda xuquuqda aadanaha Amnesty International ay sheegtay in duqeymo dhacay bishii Febraayo lagu dilay shacab. Duqeyn labadii Febraayo ka dhacday magaalada Jilib ayaa lala beegsaday qoys cunteynayey, sida ay sheegtay Amnesty, waxaana halkaas lagu dilay Nuurto Kuusow Cumar Abuukar oo ahayd 18 jir, laguna dhaawacay laba gabdhood oo walaalaheed ka yar ah, oo da’deedu tahay 7 iyo 12 jir, iyo ayeydood oo 70 jir ah.. Duqeyn kale oo 24-kii Febraayo ka dhacday xaafadda Kumbarere, oo 10 km waqooyi ka xigta magaalada Jilib, ayaa lagu dilay Maxamuud Salaad Maxamuud, oo ahaa aabe 53 jir ah oo lahaa sideed caruur, islamarkaana deegaanka haystay beer, mas’uulna ka ahaa xafiiska shirkadda isgaarsiinta Hormuud, sida ay sheegtay Amnesty. Hormuud ayaa xaqiijisay dhimashada Maxamuud. Sanadii tegtay, Amnesty ayaa soo saartay warbixin tuhmeysa in shan duqeyn oo Mareykanka ay ka fuliyeen Soomaaliya 2017 iyo 2018 lagu dilay 14 qof oo shacab ah. AFRICOM ayaa diiday warbixintaas, hase yeeshee waxay goor dambe qiratay in laba qof lagu dilay duqeyn dhacday 2018. Si kastaba qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Dowladda Mareykanka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay “si aad ah dadaal ugu bixiyaan yareynta waxyeelada suuragalka ah ee ka iman karta duqeymaha la wado.” Hoos ka aqriso qoraalka wasaaradda warfaafinta oo dhameystiran. WAR-SAXAAFADEED Muqdisho, 01 Abriil, 2020. Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Mareykanka ayaa ka wadashaqeynaayey si ay cadaadiska argagaxisada Alshabaab uga qaadaan dalka Soomaaliya. Wadashaqeyntaa ayaa waxaa ka mid ah taageerada hawlgallada dhulka iyo kuwa cirka ah ee ay wadaan Ciidanka Mareykanka ee AFRICOM . Sahanka wax lagu ogaado iyo sawaariikhda ee ay diyaaradahan gutaan ayaa aad muhiim ugu ah hoos u dhigidda awoodda Alshabaab oo ay ku beegsan karaan ciidanka meletariga iyo shacabka Soomaaliyeed. Dowladda Mareykanka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si aad ah dadaal ugu bixinaya yareynta waxyeelada suuragalka ah ee ka iman karta duqeymaha la wado. Iyada oo ay ugu wacantahay qaddarinta iyo ahmiyadda ay Dowladaha Mareykanka iyo Dowladda Soomaaliya siinayaan Sharciga hubka ee waqrtiga dagaalka ayay Alshabaab ku xiisaabtamaan in Dowladda Mareykanka iyo Dowladda Soomaaliya aad u dhawrayaan nolosha bani’aadamka taasoo keentay in ay ku dhex-dhuuntaan meelaha shacabka ku badanyahay iyaga oo dadka shacabka u isticmaalaya gaashaan ay uga badbaadaan weerarrada. Marka duqeyn la summeynayo waxa la qaadaa tallaabooyin muhim ah oo si aad ah loogu yareynayo waxyeelo iyo dhaawac soogaara shacabka halkaa ku dhaqan. War kasta oo sheegaya in shacab wax gaareen si dhab ah ayaa loo baarayaa. Marka macluumaad cusub oo ku saabsan duqeynta soo yeerto, dib u eegid ayaa lagu sammeeyaa markale. Shuruucdaa ad-adag ee lagu ilaalinayo nolosha shacabka ayaa aad ugu duwan falalka gurracan ee Alshabaab kula kacaan dadka rayidka si ay u abuuraan jawi baqdin leh. Had iyo jeeraalle duulimaadyadaa lagu dul haadayo dhulkaa ayaa waxa laga helaa macluumaad iyo taageero lagama maarmaan u ah dadka Soomaaliyeed oo looga hortagayo waxyeelada ba’an ee baaba’a leh oee ay Alshabaab soo maleegayaan; Si marka ciidanka Xoogga Dalka, Danab iyo xoogagga AMISOM dusha looga ilaaliyo. Nolosha dadka rayidka ah looga badbaadiyo walxaha qarxa, iyada oo nolol maalmeedkooda looga dhigo mid amaan ah, oo kolkaa hogaamiyeyaasha Alshabaab looga hori karo goobta dagaalka. Tusaale, markii Alshabaab isku dayeen in ay xero-taraaraan xerada Meleteri ee Ballidoogle haddii aysan jirin taageero dhinaca hawada ah Alshabaab waxa ay geysan kareen dilka nolosha ciidanbadan oo Soomaaliyeed iyo shacab ba. Tusaale kale ayaa ah sababta ay hawlgalka taageerada cirka u tahay lagama maarmaan markii la xoreynayey Magaalada Jannaale ayaa taageerada Ciidanka Mareykana loo isticmaaley in hawada ka taageeraan ciidanka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM intii uu socday hawlgalka. Taageeradan ayaa si aad ah u dhintay awoodda Alshabaab ay ku dagaalami kareen islamarkaana hoos u dhigtay waxyeellada soo gaari kartay ciidamada saaxiibada intii uu socday duulaanka. Waajibka koowaad ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ka saran shacabkeeda ayaa ah in ay dhawrto nolosha, hantida iyo xorriyadda dadkeeda. Si taa loo meelmariyo ayay Dowladda Soomaaliya ku qasbantahay in ay sii waddo la dagaalanka kooxda argagaxisada ee xiriirka la leh Alqaacida ilaa laga dabarjaro. Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ba waa in ay gacmaha isqabsadaan si loo wajaho kooxdan Kansarka ah. Sanadihii tagay ayaan kusoo caano-maalnay muhiimadda ay leedahay iskaashiga noocan oo kale ah maxaa yeelay Alshabaab ayaa sii wiiqmaya. Garab istaagga saaxiibadeena caalamiga ah darteed ayay Soomaaliya markale noqon doontaa dhulkii barwaaqada iyo nabadda.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyey weerar loo adeegsaday gantaallo oo ay Xuutiyiinta Yemen, Sabtidii lasoo dhaafay ku qaadeen magaalooyinka Riyadh iyo Jizan ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya. Warkan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay weerarkaas u aragto xadgudub weyn iyo carqaladeyn ka dhan ah deganaanshaha gobolka, iyadoo la iska dhega tirayo baaqyada nabadda. “Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si kulul u cambaaraynaysaa maleeshiyooyinka Xuutiyiinta ee Yemen ee gantaalada balaastikada ku riday Magaalooyinka Riyadh iyo Jizan ee Boqortooyada aanu walaalaha nahay ee Sacuudi Carabiya gelinkii dambe ee Sabtida oo ku beegnayd 28 Maarso , 2020 , waxa ayna u aragtaa xadgudub qaawan iyo hanjabaad ka dhan ah deganaanshaha gobolka iyo iska-dhega-tirid geedi socodka nabadda” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka wasaaradda arrimaha dibadda. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay si cad u garab taagantahay Boqortooyada Sacuudiga, isla markaana ay ku garab sii doonto, sidii ay uga hor tegi laheyd cid kasta oo carqaladeysa amnigeeda qaran. Sidoo kale xukuumadda Soomaaliya waxay ku cadeysay warkan in si buuxda ay u garab taagan tahay howlgalka Sacuudiga ee ka socda dalka Yemen, kaas oo ay xukuumaddu ku tilmaantay mid xal loogu raadinayo dhibaatooyinka siyaasadeed ee Yemen. “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay caddaynaysaa in ay ku garab taagan tahay Boqortooyada kahortagidda cid waliba oo wiiqaysa amnigeeda qaran, waxa ayna adkeynaysaa mowqifkeeda adag ee taageeraya tubta Riyadh ee xalinta dhibaatooyinka siyaasadeed ee Yemen”ayaa lagu yiri qoraalkan oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya. Hoos ka aqriso warkan oo ku qoran luuqadda Carabiga
  16. Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, waxaa xalay si rasmiya uga dhaqan-galay, bandowgii ay xilliga Habeenkii ah soo rogtay xukuumadda Puntland, si looga hortago faafidda xanuunka Coronavirus. Maamulka gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacyo, oo kaashanayaa laamaha Amniga gobolka, ayaa si rasmiya u dhaqan-geliyay Amarkii ka soo baxay guddiga xukuumadda Puntland u qaabilsan ka hortaga cudurka COVID-19, kaas oo ahaa in laga bilaabo lixda makhribnimo ilaa iyo shanta aroornimo ay bandow yihiin magaalooyinka Puntland. Guddoomiyeh ku Xigeenka gobolka Mudug Xassan Cabdulaahi Warsame iyo duqa degmada Gaalkacyo Saahid Maxamuud Cali oo xalay kormeer ku soo maray xaafadaha kala duwan ee Gaalkacyo, ayaa shaaciyay in uu sidii la rabay u magaalada uga dhaqan-galay bandowgaas. Sidoo kale, dhammaan magaalooyinka kale ee Puntland ayuu xalay ka dhaqan-galay bandowga ay soo rogtay xukuumadda Puntland, kaas oo socon doona mudda laba todobaad ah, si looga hortago faafidda cudurka Coronavirus. PUNTLAND POST The post Bandowgii Puntland soo rogtay oo xalay Gaalkacyo ka dhaqan-galay appeared first on Puntland Post.
  17. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa xalay si rasmiya u shaacisay in labo kamid ah magaalooyinkeeda laga helay dad qaba cudurka sida weyn ugu faafay dunida ee Coronavirus. Somaliland ayaa sheegtay in Labo qof oo ku kala sugan magaalooyinka Berbera iyo Burco laga helay cudurkaasi, iyadoo xustay in mid kamid ah uu yahay muwaadin Shiineys ah, halka midka kalena ay ku sheegtay Muwaadin haysta dhalashada Ingiriiska. Haddaba, maxay ka dhigan tahay in deegaanada Somaliland laga helo cudurkan ay dunidu la daalo dhaceyso ee Covid-19 ama Coronavirus, kaasi oo ay wax ka qaban kari waayeen waddamo xaga caafimaadka kaga horumarsan Soomaaliya. Somaliland oo iyadu ku dooda inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya, ayaa aad uga liidata xaga caafimaadka, heer ay gaadhay meeshii ugu xumeyd intii uu talada la wareegay Madaxweyne Muuse Biixi, maadama Isbitaalkii weyna ee dowladdu gacanta ku haysay laga waayey Oxygen. Dad ayaana u geeriyooday Oxygen la’aanta ka jirta Isbitaalkaasi, oo ay maamusho Wasaarada caafimaadka Somaliland oo hoostagta xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi. Xaalada caafimaad xumo ee ay Somaliland wajaheyso ayaa ka dhigeysa mid halis weyn ku ah Shacabkeeda in deegaanada ay maamusho laga helay cudurkan dunida ku faafay ee Coronaha, kaasi oo galaafan kara nafaf badan, maadama aysan laheyn adeeg caafimaad oo la isku haleyn karo. Xukuumada Muuse Biixi ayaa gebi ahaanba gara-martay talaabooyin ay aheyd inay uga gaashamato sidii uu cudurkan usoo gaadhi lahaa deegaanadeeda, maadama uu furnaa madaarkeeda Hargeysa oo ay ka soo dageysa diyaarada Ethiopian Airlines oo iyadu dad ka soo qaada dalal uu cudurkaasi ka jiro. Somaliland ayaa iyadu walaac badan ka qabta in cudurkan uu si weyn ugu faafo deegaanadeeda, kaasi oo u faafa si dhaqso ah la iskuna gudbin karo si fudud. Inkasta oo uusan si cad u jirin qorshe dhab ah oo Xukuumada Biixi kaga aadan Cudurkan, haddana waxay isku dayeysaa inay is-daba qabateyso, walow la aaminsan-yahay inay ka fiicneyd inay ‘ficiltan-ka’ Dowladda federaalka uu ka indho-tiro bad-qabka shacabkeeda.
  18. Garowe ( PPM) —Al-shabaab claimed the suicide bombing that cost the life of the former Governor of Nugaal region. Al-shabaab planned the attack carefully to avoid searches. Where bombs had been prepared and where the car travelled from remains a puzzle. If the attack vehicle passed through checkpoints, lax security is partly to blame for the attack. If Al-shabaab assembled the bomb in Garowe, it must have been prepared by people who stayed in Garowe. The Administration of former President Abdirahman Farole instituted a policy to register new tenants in Garowe to prevent Al-shabaab cells from making a secret base in Garowe. The assassination of Sheikh Abdukadir Ga’amey exposed how Al-shabaab recruits assassins and enablers and whom they liaise with before carrying out suicide bombing or targeted assassinations. Duplication of security forces makes Puntland vulnerable to Al-Shabaab and ISIS attacks. In 2002 the former Puntland Intelligence Service was established without consultations. It was a time Puntland was undergoing a power struggle caused by the unconstitutional election of Jama Ali Jama as Puntland President. The new intelligence service has had the duty to help Western countries target Somali and foreign returnees from Afghanistan. It was a part of the War on Terror agenda. The local intelligence agency metamorphosed into a quasi-independent organisation whose activities are not overseen by Puntland Government. In 2009 President Adbirahman Farole attempted to reform Puntland Intelligence Service. PIS funders persuaded President Farole to create a separate security force. PIS had been founded to collaborate with foreign funders to gather intelligence and arrest suspects and hand them over to sponsors. PIS has changed the name but organizationally remains the same. It is accountable to its sponsors. The externally-funded intelligence service is better resourced than the domestic security service whose head is appointed by each new administration of Puntland. The perception that Puntland intelligence services operate outside the law dissuades people from sharing information with Puntland Government. President Said Abdullahi Deni’s administration has launched security reforms that do not affect rival intelligence agencies in Puntland. Will President Deni merge rival intelligence services in Puntland? Puntland State Government intelligence service cannot foil terrorist attacks if it leaves the counter-terrorism operations to its secret, a foreign-funded rival based in Bosaso. President Deni has an opportunity to merge the two intelligence services to lay formulate a sound counter-terrorism strategy. © Puntland Post Monthly, 2020 Full webzineDownload The post A sound counter-terrorism policy can foil terrorist attacks in Puntland appeared first on Puntland Post.
  19. Football legend Saeed Duaale, who was top scorer at the 1972 CECAFA Club Cup, has died in Aden aged 73 after a lengthy terminal illness. Source: Hiiraan Online
  20. There is a saying in Kerala's Kasaragod that you won't find a street in Dubai without a person from the district in it. The Naif region, which is around 2.5 kilometers away from the Deira side of Dubai is almost a mini-Kasaragod, Source: Hiiraan Online
  21. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Bar-____-Qumanha-Warraka-01042020.mp3 View the full article
  22. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa caawa ka hadlay dhibaatada caabuqa Corona iyo cudurka ka dhasha ee loo yaqaan Covid19, saameynta uu dalkeenna ku yeelan karo, iyo sida looga gaashaaman karo. Ugu horreyn Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sheegay in cudurkan uu qaar kamid ah dalalka caalamka ugu horumarsan dhaqaalaha, aqoonta, tiknoolajiyadda iyo adeegyada bulshada ee uu caafimaadku ugu horreeyo ku faafay, sababtuna tahay inay yaraysteen xajmiga cudurka iyo deg- degsiiyaha uu ku fidi karo. Ra’iisul Wasaaraha ayaa shirkadaha Isgaarsiinta ka codsaday inay waqtiga ugu badan siiyaan wacyi gelinta, sidoo kale ganacsatada ayuu ugu baaqay inaan la kordhin sicirka raashinka daruuriga ah, wuxuuna Wasaaradda maaliyadda faray in ganacsatada laga khafiifiyo canshuuraha cuntada daruuriga ah iyo dawooyinka inta dhibkani socdo, bulshadana waxuu ka codsaday inay qaataan talooyinka caafimaad, si looga hortago khatarta ballaan ee COVID19. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliua wuxuu caddeeyay daawada ugu wanaagsan ee illaa iyo hadda la isku raacsan yahay in ay tahay ka hortagga, guusha ama fashilka dadaallada ka hortaggana ay marka ugu horreeysa illaa iyo xad ku xiran yihiin qofka ama shakhsiga iyada oo ay muhiimaddeeda leedahay dhaqanka ummadeed iyo sida ay ugu hogaansamaan qorshayaasha iyo talooyinka madaxdooda iyo howl-wadeennadooda caafimaadka. Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ku celiyay in illaa amar dambe xiranaan doonaan Duullimaadyada dibadda iyo gudaha, iskuulada, dugsiyada quraanka iyo jaamacadaha, waxuuna sidoo kale caddeeyay in lagama maarmaan ay tahay in la joojiyo dhammaan xafladaha iyo isu imaatinka ka badan 5 qofood. Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray umadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoyskii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo cudurkan ugu geeriyooday dalka ingiriiska, wuxuu sidoo kale tacsi u diray qoysaska muwaadiniinta Soomaaliyeed ee cudurkan ugu geeriyooday daafaha caalamka, gaar ahaan dalalka Sweden, Ingiriska, Denmark, Norway iyo meelaha kale. Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa caddeeyay inay muhiim tahay in la xoojiyo foojignaanta Maadaama uu cudurkani si xooggan ugu soo badanaayo Geeska Afrika Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa xusay in dowladdu ay ka shaqayn doonto inay hergeliso qorshe lagu kabayo dhaqaalaha dalka ganacsatada iyo deeq bixiyayaashana ay wadahadal kala geleyso sidii xal loogu heli lahaa saamaynta dhaqaale ee dalka ku imaan doona. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Kheyre oo baaq u diray ganacsatada appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa caawa ka hadlay dhibaatada Caabuqa Corona iyo cudurka ka dhasha ee loo yaqaan Covid19, saameynta uu dalkeenna ku yeelan karo, iyo sida looga gaashaaman karo. Ugu horreyn Ra’iisul Wasaaraha waxuu sheegay in cudurkaan uu qaar kamid ah dalalka caalamka ugu horumarsan dhaqaalaha, aqoonta, tiknoolajiyadda iyo adeegyada bulshada ee uu caafimaadku ugu horreeyo, sababta uu sidaas ugu faafana ay tahay inay yaraysteen xajmiga cudurka iyo deg- degsiiyaha uu ku fidi karo. Ra’iisul Wasaaraha ayaa shirkadaha Isgaarsiinta ka codsaday inay waqtiga ugu badan siiyaan wacyi gelinta, sidoo kale ganacsatada ayuu ugu baaqaya inaan la kordhin sicirka raashinka daruuriga ah, wasaaradda maaliyaddana waxuu faray in ganacsatada laga khafiifiyo canshuuraha cuntada daruuriga ah iyo dawooyinka inta dhibkani socdo, Bulshadana waxuu ka codsaday inay qaataan talooyinka caafimaad, si looga hortago qatarta ballaan ee COVID19 Ra’iisul Wasaaraha waxuu caddeeyay daawada ugu wanaagsan ee illaa iyo hadda la isku raacsan yahay waa ka hortagga, Guusha ama fashilka dadaallada ka hortaggana ay marka ugu horreeysa illaa iyo xad ku xiran yihiin qofka ama shakhsiga iyada oo ay muhiimaddeeda leedahay dhaqanka ummadeed iyo sida ay ugu hogaansamaan qorshayaasha iyo talooyinka madaxdooda iyo howl-wadeennadooda caafimaadka. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ku celiyay in illaa amar dambe xiranaan doonaan Duullimaadyada dibadda iyo gudaha, iskuulada, dugsiyada quraanka iyo jaamacadaha, waxuuna sidoo kale caddeeyay in lagama maarmaan ay tahay in la joojiyo dhammaan xafladaha iyo isu imaatinka ka badan 5 qofood. Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray umadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoyskii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Nuur Xasan Xuseen, Nuur Cadde oo cudurkan ugu geeriyooday dalka ingiriiska, Waxuu sidoo kale tacsi u diray qoysaska muwaadiniinta Soomaaliyeed ee cudurkan ugu geeriyooday daafaha caalamka, gaar ahaan dalalka Sweden, Ingiriska, Denmark, Norway iyo meelaha kale. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa caddeeyay inay muhiim tahay in la xoojiyo foojignaanta Maadaama uu cudurkani si xooggan ugu soo badanaayo Geeska Afrika “Waa inaan aqbalnaa in aan ku jirno xaalad aan caadi ahayn oo aan garwaaqsanaa incudurkani dhab yahay sidaa daraadeed waa inaan muujinnaa foojignaan dheeri ah si aan dadkeenna u badbaadinno. Cudurkan sida saf-marka ah u dilaya dadka, waa cadow laga guulaysan karo lagana guulaysan doono”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre. “Walaalayaal aan si wadajir ah uga shaqayno badbaadinta ummaddeenna iyo jebinta cudurkan saf-marka ah. Awoodda dawladnimo oo dhan ayaan u isticmaali doonnaa si aan ummaddeenna uga badbaadinno saameeynta cudurkan. Waa inaan samaynaa diyaar garowga ugu badan iyo kahortagga ugu mudan”, ayuu sidoo kale Codsaday Ra’iisul Wasaauhu. “Si looga hor tago cudurkan kuma filno dawladda federaalka kaligeed, kuma filna, madaxda dawlad-goboleedyada kaligood. Waxaannu u baahannahay garabkiinna, dhegihiinna, qalbigiinna, xooggiinna, iyo waa tan ugu muhiimsane dareenkiinna oo buuxa”, ayuu raaciyay. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in Dowladdu ay ka shaqayn doonto inay hergeliso qorshe lagu kabayo dhaqaalaha dalka ganacsatada iyo deeq bixiyayaashana ay wadahadal kala geleyso sidii xal loogu heli lahaa saamaynta dhaqaale ee dalka ku imaan doona. View the full article