-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan M/ Muqdisho ayaa ka hadlay sida ay u arkaan bandowga, xilliyada habeenkii ah ee ay dowladda Soomaaliya saartay caasimadda. Dadweynahan oo la hadlay Shabelle ayaa qaarkood waxa ay soo dhaweeyeen, tallaabadaasi, halka kuwa kalena ay ku dhaliileen dowladda federaalka. Halkaan hoose ka dhageyso codadka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/aaa-1.mp3 View the full article
-
Wasiirka wasaaradda hormarinta cafimaadka maamulka Somaliland, Mudane Cumar Cali Cabdullaahi (Badde) oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyay dad hor leh oo laga helay caabuqa Corona, kuwaas oo uu tiradoodu ku sheegay illaa saddex qof. Wasiir Bade ayaa shaaciyey in saddexda qof, labo ka mid ah lagu hayo magaalada Hargeysa, halka midka kalena lagu karantiilay magaalada Boorama ee G/Awdal. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Somaliland ay dadaal ugu jirto sidii loo xakameyn lahaa faafitaanka cudurka COVID-19. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/cc.mp3 View the full article
-
Dowladda Kenya ayaa hal sano kadib sheegtay inay wali ku howlan tahay baadi goobka dhaqaatiir u dhashay dalka Cuba oo Al-Shabaab ay ka soo afduubteen dalkaasi. Dhaqaatiirtaan oo lagu kala magacaabo, Landry Rogriguez iyo Assel Herrera ayaa xilliga la afduubanayay waxay la socdeen kolonyo ku sii jeeday isbitaalka magaalada Mandera. Intaasi kadib kolonyada ayaa waxaa mar-qura weerar ku qaaday dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo toogasho ku dilay ilaaladii la socotay, kadibna kaxeystay labada dhaqtar. Afhayeen u hadlay Kenya oo lagu magacaabo, Cyril Oguna ayaa sheegay in ay ka war hayaan xaaladda dhaqaatiirtaasi, islamarkaana ay ku howlanyihiin bad-baadintooda. Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ka geysta qeybo ka mid ah gobolka Waqooyi Bari ee wadanka Kenya, waxaana afduubkaan uu ka mid yahay afduubyo ay horay ugu geysteen shaqaale caafimaad oo ka howlgalayey gobolkaasi oo xuduud dheer la leh Soomaaliya. View the full article
-
Xukuumadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday in muddo 4 toddobaad ah la joojin doono in salaadaha lagu tukado masaajidda, iyadoo dadweynaha la faray in ay guryahooda ku tukadaan. Sidoo kale, goobaha waxbarashada ayaa xidhnaan doona afar toddobaad oo kale, xanuunka Coronavirus awgii. Dadka ajaanibta ah ee bilaa sharci ku joogga dalka ayaa loo qabtay in ay dalka kaga baxaan 5 maalmood. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa xilka ka qaaday agaasimihii barnaamijka dhaqan celinta isa soo dhiibayaasha shaqsiyaadka ka tanaasulay fikradaha argagixisada ee loo yaqaan DRP, Maxamed Cali Xuseen. Maxamed Cali Xuseen ayaa xilka looga qaaday warqad uu Ducaale soo saaray 12-kii April 2020, waxaana wararka ay sheegayaan inuu xilka ku waayey is qab-qabsi Maamul. Ilo-wareedyo ka tirsan wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa sheegay in sababaha xilka qaadista agaasimaha ay ku timid kala duwanaasha xagga maamulka ah oo ay isaga wasiirka xilliyo kala duwan isku qabteen. Maxamed Cali Xuseen ayaa xilka loo magacaabay August 2018. Intii uu xafiiska joogay, waxa uu ku guuleystay hagaajinta xiriirka dowladda Dhexe iyo dowlad gobaleedyada oo maamul ahaan ku kala duwanaa mashruucan. Waxa uu si lamid ah soo celiyay kalsoonidii deeq bixiya-yaasha oo iyaga laftooda maamulladii isaga ka horreeyay ay ku kala tageen wax is daba marin iyo musuq maaliyadeed. Shaqaalaha qeybaha xafiiska DRP waxaa ka jiray loolan xagga maamulka ah iyo kala xadid la’aanta howlaha hortabinta leh, laakiin waxa uu qaatay go’aamo lagu kala xaddidayo Barnaamijka Qaran ee Dhaqan Celinta Isa soo dhiibayaasha ka tanaasulay fikradaha argagixisada. Hadda waxa uu leeyahay Mashruuca DRP Xeer iyo Habraacyo uusan ugu imaan Xafiiska muddadii 7-8 sano uu jiray. Ma jirin sharciyad dowladeed oo uu leeyahay barnaamijka laakiin agaasimaha xilka laga qaaday waxa uu ku guuleystay in nuqul dhameystiran uu hor geeyay golaha Wasiirada lana ansixiyay December 2019. Maxamed Cali Xuseen ayaa kamid ah dhallinyarada fara ku turiska ah ee dalka wax ku bartay. Agaasimaha ayaa muddo kasoo shaqeynayay wasaaradda amniga isaga oo Agaasime ka soo noqday qeybaha kala duwan ee Wasaaradda Amniga. Hoos ka arag warqadda xil ka qaadista
-
Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa sheegay in ay u diyaar-garoobeen sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaanada maamulkaasi. Qoor-Qoor oo ka hadlayey xaflad uu xilka ugala wareegayey madaxweynihii hore ee Galmudug, Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa bulshada iyo maamulka ku boorriyey in ay mideysnaadaan, si looga dul-qaado dhibaatooyinka ay ku hayaan Xarakada Al-Shabaab. Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa balan qaaday inuu gogol u dhigi doono, si ay qeyb-uga qaatan xalinta khilaafyada ka dhexeeya qaar ka mid maamullada dalka iyo dowladda dhexe, taasi oo horay loogu soo guuleystay dib u hishiisinta bulshada Galmudug. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan golaha shacabka ayaa ka hadlay arrimo ku aadan cudurka faafa ee Coronavirus, gaar ahaan lacagta shanta Milyan ee ay dowlada u qoondeysay inay kula dagaalanto cudurkaasi. Mahad Salaad oo qoraal soo dhigay bartiisa Faceebook-ga ayaa marka hore nasiib daro ku tilmaamay daryeel xumo la sheegay inuu u geeriyooday wasiiru dowlihii wasaaradda cadaalada HirShabelle, Marxuum Khaliif Muumin, kadib markii loo waayay Oksijiin. Sidoo kale wuxuu is-wediiyey halka la geeyey lacagta ay dowladda federaalka ugu tala-gashay la tacaalida cudurkaan saf-marka ah ee COVID-19. Xildhibaanka ayaa sidoo kale is-weydiiyey mar haddii mas’uul dowladeed uu daryeel xumo u dhintay, sida uu daawo iyo ka war-qab ku heli karo muwaadin danyar ah. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay wax ka qabato arrintaasi, ama ay runta u sheegto dadka Soomaaliyeed. Halkaan hoose ka aqriso qoraalka xildhibaanka:- Shan Milyan oo dollar ayaa dowladu sheegtay in ay u qoondaysay la tacaalida cudurka Coronavirus. Lkn nasiib daro shalay Isbitaal Martiini waxaa daryeel xumo caafimaad ugu geeriyooday Wasiir Hirshabelle Khaliif Muumin kadib markii loo waayay oksijiin (oxygen) uu ku neefsado sida eheladiisa iyo siyaasiin qaraabo la ah marxuumka warbaahinta u sheegeen️ Haddaba su’aashu waxay tahay xagee la geeyay lacagtii loo qoondeeyay la tacaalida cudurkaan. Jeeb dad kale miyey gashay mise jidka ayay ku soo jirtaa. Hadiise mas’uul dowladeed daryeel xumo caafimaad ugu geeriyooday Isbitaalkii dowladu sheegtay diyaarintiisa in malaayiin dollar lagu bixiyay, makula tahay in daryeel caafimaad uu ka heli karo muwaadin danyar ah oo cidina dabo socon?! Waxaan ugu baaqayaa madaxda dowlada in arintaan si degdeg ah wax uga qabtaan, dadkana aysan u loogin cudur iyo daryeel xumo wada jira, hadii kale dadka loo run sheego si dadkooda ay ula tacaalaan. Hon. Mahad Salad
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer madaxweyne Lr.30 April 13,2020 ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Ku-xigeenadiisa. Madaxweynaha maamulka Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Baahida loo qabo dar-dar gelinta Maamul ee Gobolka Nugaal. Markuu Tixgeliyey: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo. Wuxuu xeeriyey: 1. Waxaa Cawil Axmed Maxamed loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal 2. Waxaa Qaasim Maxamed Cabdi loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Gobolka Nugaal 3. Waxaa Xuseen Xaaji Cabdulle Maxamed loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Gobolka Nugaal Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. View the full article
-
(SLT-Ankara)-Madaxweynaha Turkey Reccep Tayyip Erdogan ayaa Axaddii diiday inuu aqbalo is-casilaadda wasiirkiisa arrimaha gudaha oo ka dhalatay xanibaad deg deg ah oo dalka lagu soo rogay taasi oo hogaamisay in dadku ku cararaan dukaamada ayagoo argagaxsan. Wasiir Suleyman Soylu ayaa la kulmay cambaareyn xooggan kadib markii bandow 48 saacadood ah oo looga hortagayo faafitaanka cudurka Coronavirus lagu dhoawaaqay Jimcihii, ayada oo shacabka la siiyey kaliya ogeysiis laba saac ah. Go’aankaas ayaa kumanaan qof ku qasbay inay ku cararaan suuqyada, taasi oo jebisay xeerkii kala fogaanshaha bulshada. Waddooyinka magaalooyinka Istanbul iyo Ankara ayaa sidoo kale buuxsamay ayadoo la arkayey safaf dhaadheer oo loo galay dukaamada cuntada, bankiyada iyo goobo kale. Isaga oo ka jawaabaya jahwareerka arrintan ka dhashay, ayaa Soylu waxa uu sheegay in go’aanka lagu joojiyey dhaq-dhaqaaqa dadka uu “amray” madaxweynaha. Hase yeeshee, wasiirkan arrimaha gudaha ee awoodda badan islamarkaana 50 jirka ah ayaa Axaddii aqbalay “mas’uuliyadda buuxda ee fulinta amarkan” taasi oo uu sheegay in si daacad ah loo fuliyey. Si kastaba, Erodgan ayaa diiday inuu aqbalo is-casilaadda Soylu. “Wuxuu sii wadi doonaa howlihiisa,” ayuu yidhi. Kadib jahwareerkii hore ee ka dhashay xanibaadda ayaa dhaqan-gashay, waxaana u hogaansamay inta badan shacabka. Dalka Turkiga ayaa waxaa laga xaqijiyey 57,000 kiis oo COVID-19 ah, ayada oo ay u dhinteen 1,200 oo qof, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka. AFP Source
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Duhur-130420.mp3 View the full article
-
Madaxweyne Deni oo maamul cusub u magacaabay gobolka Nugaal
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Isniin ah maamul cusub u magacaabay gobolka Nugaal. Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland ayaa guddoomiyaha gobolka Nugaal lagu magacaabay Cawil Axmed Maxamed halka ku xigeenkiisa kowaad loo magacaabay Qaasim Maxamed Cabdi. Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka labaad ee gobolka ayaa loo magacaabay Xuseen Xaaji Cabdulle Maxamed sida ku xusan dikreetada ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland. Magacaabistan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dhowaan qarax lagu dilay guddoomiyihii gobolka Nugaal Cabdisalaan Xassan Xirsi (Gu’jir) islamarkaana uu weli socdo baaritaanka la xiriira cidda ku lug lahayd qaraxaas. Hoos ka akhriso dikreetada magacaabista Garoowe : 13 April 2020 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr.30 April 13,2020 ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Ku-xigeenadiisa. Madaxweynaha Dowladda PuntlandMarkuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.Markuu arkay: Baahida loo qabo dar-dar gelinta Maamul ee Gobolka Nugaal. Markuu Tixgeliyey: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo.Wuxuu xeeriyey:1. Waxaa Cawil Axmed Maxamed loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal2. Waxaa Qaasim Maxamed Cabdi loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Gobolka Nugaal3. Waxaa Xuseen Xaaji Cabdulle Maxamed loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Gobolka Nugaal. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo maamul cusub u magacaabay gobolka Nugaal appeared first on Puntland Post. -
NAIROBI (HOL) - A Somali businessman in Nairobi’s Eastleigh area which is predominantly occupied by Somalis has died of COVID19 after he was admitted at a city hospital. Source: Hiiraan Online
-
Turkish air defense system shoots down Russian-made chopper
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
A Turkish air defense system managed to shoot down a Russian-made chopper in the northern region of Libya on Sunday, the Libyan National Army (LNA) confirmed. Source: Hiiraan Online -
The newly elected President of Galmudug state, Ahmed Abdi Kariye has officially taken over power from the regional leader, Ahmed Daule Gelle Haf in a ceremony held at the administrative capital on Sunday. The brief ceremony held in Dhusamareeb was attended by lawmakers from both the federal parliament and the Galmudug regional assembly. Speaking during the ceremony, the former leader, Gelle Haf stressed the significance of concession and resolution of differences within the political spectrum in order to move forward as far as the development of the region is concerned. On his part, the new regional leader Ahmed Ali Kariiye alias Qorqor said he will now embark on the state-building efforts since the reconciliation pillar was successful. President Kariye Qorqor is expected to unveil his new line-up of the cabinet which was previously postponed due to the political standoff in the region backed by the Coronavirus health crisis. He emerged the winner in the February elections which its outcome was rejected by the former leader, Gelle Haf and several opposition candidates who later withdraw from the race. View the full article
-
Wasaaradda caafimaadka iyo hornarinta Somaliland ayaa maanta shaacisay kiisas hor leh oo ku aadan xanuunka Coronavirus, ka dib markii baaritaan lagu sameeyey, iyadoo maalinimadii shalay Somaliland lagu wareejiyey Mashiinka lagu baaro xanuunka Coronavirus. Wasiirka wasaaradda caafimaadka Cumar Cali Cabdullaahi Bade ayaa sheegay in maanta la helay ilaa sedex kiis oo hor leh kuwaas oo laga helay caabuqa COVID-19, waxuuna intaas uu ku daray in kiisaska laga diiwaan geliyey magaalada Hargeysa ee caasimadda u ah Somaliland iyo gobolka Togdheer . Sedexda kiis ee maanta laga helay ayaa waxaa ay ku biirayaan labo kiis oo horay looga diiwaan geliyey Somaliland wadarta guud ayaana ka dhigeysa ilaa 5 kiis , sidoo kale waxaana xusid mudan in dowladda federaalka Soomaaliya horay magaalada Muqdisho uga diiwaan gelisay 27 kiis oo xanuunka Coronavirus ah iyadoo labo ka mid ah ay dhinteen waxaana macquul ah in ay kiisas cusub soo kordhaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Boorama (Caasimada Online) – Wararka aanu hadda ka helayno magaalada Boorama ee gobolka Awdal, ayaa sheegaya in bariga magaaladaasi uu saaka ka qarxay dagaal xoogan. Dagaalkan oo saaka ku soo waa-bariisteen dadka reer Boorama, ayaa waxa uu ka dhex qarxay labo beel oo wada degta deegaanka bariga Boorama, sida ay ilo deegaanka ah u xaqiijiyeen Caasimada Online. Labada dhinac ayaa isku adeegsanayey hub kala duwan, iyada oo dhawaaqa rasaasta oo xoogani la maqlayey. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Dagaalkan ayaa salka ku haya dhul-beereed ku yaala bariga magaalada Boorama, kaasi oo ay si weyn ugu muransanaayen labada dhinac ee uu saaka ka dhex qarxay dagaalku. Ilaa hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi oo saacado socda, maadama uu weli uusan joogsan oo ay labada dhinac is weydaarsanayaan hub kala duwan. Mana jirro wax war ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Awdal oo ku aadan dagaalkaasi saaka ka qarxay magaalada Boorama ee ila hadda ka socda iyo ciidamo ku baxayba deminta xiisadaasi. Wixii kasoo kordha isha ku hay Caasimada Online
-
MUQDISHO, Soomaaliya, 12 Abriil 2020- Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa cambaareeyay go’aanka ay Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhallinyarada uga mamnuucday Warbaahinta Goobjoog tebinta ciyaaraha, ayna dhaqangeliyeen Xiriirka Kubbadda Cagta ee Soomaaliyeed 9 Abriil 2020. Ammarka ayaa ka mamnuucaya warbaahinta Goobjoog iyo shaqaalaheeda tegista garoomada lagu ciyaaro. Wareegtada ka soo baxday wasaaradda Cayaaraha iyo Dhalinyarada, oo nuqul ka mid ahna ay heshay SJS ayaan lagu caddeynin sababta mamnuucista lagu soo rogay Warbaahinta Goobjoog. Shir jaraa’id oo uu qabtay Guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliyeed Cabdiqani Siciid Carab, 9-kii bishan ayaa ku sheegay in Xiriirku uu u hoggaasanamayo ammarka Wasaaradda oo ay soo saartay Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhallinyarada Khadiijo Maxamed Diiriye. Agaasimaha Warbaahinta Goobjoog, Xasan Maxamed Maxamuud ayaa SJS u sheegay in Xiriirka Kubbadda Cagta uu ku wargeliyay in warbaahinta Goobjoog iyo warfidiyeenadeedaba aan loo oggolaan doonin in ay soo galaan garoomada kubbadda, uuna ku tilmaamay ammarkaas mid lagu wiiqayo siyaasadooda tifaftireed. Go’aankan ayaa Warbaahinta Goobjoog geliyay welwel iyo cabsi ay u baqayaan amniga warfidiyeenadooda. “Amarka Wasiirka wuxuu soo sidoo kale faray saraakiisha hay’adaha kale ee Dowladda iyo laamaha amniga inay dhaqan-geliyaan, taasina waxay keentay in aan awoodi weyno in aan shaqaaleheena u dirno goobahaasi sababo amnigooda la xiriira darteed. Waxaan kaloo ka cabsi qabnaa in amarkan uu saameeyo qeybaha kale ee hay’adaha dowladda,” Xasan Maxamed Maxamuud, Agaasimaha Warbaahinta Goobjoog ayaa sidaa u sheegay SJS. Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS waxa uu cambaareynaya go’aanka Wasiirka Ciyaaraha iyo Dhallinyarada oo ah fal lagu doonayo in lagu wiiqo xorriyadda saxaafadda, laguna cabsi gelinaayo warbaahinta madaxa-bannaan, iyadoo lagu horjoogsanayo xaqa helista xogta oo ah mid dastuuri ah. “Aad ayaan uga wel-welsanahay ammarka Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhallinyarada ee lagu bartilmaameedsanayo Warbaahinta Goobjoog, kaasoo xadgudub weyn ku ah shaqada warbaahinta madaxa-bannaan, khatarna gelinaya amniga warfidiyeenada,” Cabdalle Axmed Mumin, Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa yiri isagoo ugu baaqay Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhalinyarada in ay la noqoto mamnuucistan, una oggolaato Warbaahinta Goobjoog tebinta ciyaaraha si is-hor-taag la’aan ah. 29-kii Maarso ayay ahayd markii afar warfidiyeen oo u shaqeynayey warbaahinta goobjoog iyo darwalkooda oo ku jiray howl saxaafadeed ay si kooban u xireen ciidamo ka tiran sirdoonka Qaranka iyagoo muddo kooban ka dib sii daayey iyagoo aan wax dambi ah ku soo oogin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose, Xasan Macallin Cumar ayaa ciidamada milatariga Soomaaliya ku eedeeyey kufsi dhowaan ka dhacay deegaanka Janaale ee gobolkaasi. Xasan Macalin oo wareysi gaar ah siiyey Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in askar ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay Jannaale kufsi ugu geysteen gabar yar oo 13-sano jir ah iyo haweeney Xaamilo ah, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale guddoomiyihii hore ee Marka ayaa carabka ku dhufay in haatan xaaladda caafimaad ee gabadha yar ay aad u liidato, islamarkaana loo geystay kufsi ba’an. Mr Xasan Macalin Cumar ayaa intaasi ku daray in haweeneyda xaamilada ah ciidamadu ay kala dageen gaari ay la socotay, kadibna ay kula dhaqaaqeen kufsi fool xun. Eedeynta loo jeediyey ciidamada dowladda ee qabtay Janaale ayaa ku soo aadeysa, xilli maalmihii dambe dhibaatooyin laga soo warinayey deegaankaasi. Dhowaan ayey sidoo kale aheyd markii kufsi arxan darro ahaa gabdho da’yar ah loogu geystay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.
-
The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has today called on the Federal Government of Somalia to classify the media as essential service and open up the operating space for the media during the impending curfew imposed on Mogadishu. In a press conference held in Mogadishu on Sunday, 12 April 2020, Somalia’s Police Commissioner-General Abdi Hassan Mohamed (Hajar) said: “considering the urgency to minimize the spread of the disease (coronavirus) within the community, the federal government of Somalia announces that a dusk-to-dawn curfew (8 pm-5 am) would be enforced to Mogadishu from the evening April 15, 2020, until further notice”. The police chief further added that “the curfew will affect all businesses, public, and transport movement except health centers and places offering essential food services”, and ordered the people in Mogadishu to adhere to the curfew and to go their homes ahead of the designated times of the curfew. “In the fight against COVID-19 pandemic, we wish to appeal to the federal government to classify medias as essential services so that media houses are open during the curfew and working journalists are able to pursue their professional duties to discharge a vital public interest mission of keeping citizens informed in line with their right to access to information through provision of current news and enlightening information” said Omar Faruk Osman, NUSOJ Secretary General. NUSOJ acknowledges the bold decision and subsequent actions by the Federal Government to prevent and curb the spread of the coronavirus despite evident challenges, and assures the government of the union’s support towards national efforts to curb the spread of the virus. “The media is unquestionably a critical component in the fight against this global pandemic. Actually, health services, security forces and the media should play a complementary function in this regard, whereby journalists’ movements and work should not be constrained,” added Osman. Access to information is constitutional right as specified by article 32 of the Provisional Constitution which also guarantees and promotes freedom of expression and opinion. If unhampered, the media can play its vibrant role of providing relevant and timely information and education to the public on the current pandemic as well as the measures that the government and citizens can take to curb and prevent infections and spread of COVID-19 pandemic. NUSOJ urges the news medias to be professional in conducting their legitimate journalistic duties and ethical responsibilities as this will go a long way in ensuring that people access accurate, trustworthy, verifiable and valuable information about the epidemic and how they can restrain and stop contamination and its spread in the society. View the full article
-
Wasaaradda caafimaadka iyo hormarinta Somaliland ayaa sheegay in lagu guulaystay in Somaliland la keeno Meshiinka lagu baaro xanuunka Coronavirus oo dhowaan kiisas ku aadan xanuunkaas laga diiwaan geliyey magaalada Hargeysa. Wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland Cumar Cabdullaahi Bade ayaa xusay in in qalabkaan uu ka soo gaaray Hay’adda caafimaadka Adduunka WHO waxaana uu intaas ku daray in markii hore adkeyd helitaanka jawaabta baaritaanka dadka looga shakiyo xanuunka Coronavirus loona diri jiray adanka Kenya lana sugijiray maalmo. “Waxaannu la soo wareegnay Mashiinkii lagu baadhaayay Xanuunka Coronavirus , waad ogaydeen dhibaataddii innaga haysatay shaybaadhka oo marka aynu hubbino aynu u dirri jirnay dalka Kenya oo uu maalmo ku maqnaan jirey. ayuu yiri wasiir Bade. Wasiirka caafimaadka iyo hormarinta Somaliland oo sii hadlayo ayaa sheegay in hey’adda caafimaadka u soo dirayso Khabiir tabar siiyo kaaliyaasha caafimaadka ee ka shaqeynayo la tacaalidda dadka qabo xanuunka COVID-19 waxaana uu sharaxay awooda uu leeyahay Mashiinka. “Tababarkiinna waxa uu bilaabmayaa labada cisho ee innagu soo socda oo qof khabiirka ah ayaa WHO ka keennaysaa dalka Ethiopia, marka uu Mashiinkaasi shaqadda bilaabo 12-kii saacba waxa uu baadhi karraa ilaa 500 oo ruux, taasinna waxa ay sarre u qaaddaysaa tallooyinkii ay soo jeeddisay Hay’adda Caafimaadka adduunka ee WHO oo ku talisay in ruuxa looga shakiyo markabba lagu sameeyo shaybaadh.”ayuu yiri wasiirka caafimaadka. Wasiirku waxa kale oo uu sheegay inay maanta furreen Xafiis cusub oo ay ugu talo-galleen in ruuxii xaaladdiisa ka shakiyaa uu soo wici karro ama soo garaaci karro telefoonka 988. Goobjoog News Source: goobjoog.com
