-
Content Count
214,420 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha oo tacsi u diraaya qoyskii uu ka baxay marxuun
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
TACSI MADAXWEYNE: 02/04/2020 INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoysaska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee Marxuumiinta kala ah: 1. Yaasin Cali Cabdi (Yaasiin Tamaad) oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 02/04/2020, caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxaanu soo qabtay xilal kala duwan oo uu ka mid ahaa gudooomiye gobol. 2. Cabdirisaaq Maxamed Toor oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 02/04/2020, magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco, oo uu mar ka ahaa maayarka magaalada. Madaxweynuhu waxa uu marxuumiintaa ku sifeeyey laba oday oo ka baxay qaranka Somaliland, doormuhiina ka soo qaatay nabadayntii shacbiga Somaliland ku wada dhaqan iyo dib u dhiskii dalka, xilal kala duwan ka soo qabtay qaranka. Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoysaska, ehellada, qaraabada, asxaabta, ciidamada Booliska iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. ALLAA MAHAD LEH Xafiiska Saxaafadda iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL. — Qaran News -
Click here to read more Qaran News
-
<a href="https://www.breakingtravelnews.com/news/article/ethiopian-airlines-reduces-uk-services/“>Click here to read more Qaran News
-
<a href=”https://www.bbc.com/future/article/20200323-coronavirus-will-hot-weather-kill-covid-19″>Click here to read more Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) ―Xukuumada Somaliland ayaa maanta jawaab adag ka bixisay hadal shalay ka soo yeeray dowladda federaalka Soomaaliya, kaasi oo ku aadanaa Labada kiis ee Coronavirus ee deegaanadeeda ka heshay. Somaliland ayaa sheegtay in talaabada ay dowladda Soomaaliya u aqoonsan weyday Kiisaskaasi, ay tusineyso heerka cadownimo ee ay u qabaan Somaliland. Marwo Hinda Xersi Gaani, Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland, oo arrintaasi ka hadleysay ayaa ka dhawaajisay inaysan waxba ugu baahneyn dowladda federaalka. Hindi Gaani ayaa sheegtay in Madaxda dowladda federaalka aysan dhab ka aheyn Soomaalinimadu, maadama ay iska indho tireen xaalada cakiran ee reer Somaliland wajahayaan, sida ay hadalka u dhigtay Wasiiradu. “Qofka kuu diidey in deegaannadaada laga helay COVID-19 kuuna aqoonsan maayo kuleh bal muxuu kuu qaban karaa, halka laga sugayey inay yidhaahdaan Somaliland waa dal yar ee aan u duceyo ee haloo gurmado” ayey tiri Wasiir Hinda Gaani. Waxayna intaasi sii raacisay “Haddii ay Soomaalinimada dhab ka tahay may dhaheen Somaliland ma qabto Coronavirus ee ha loo gurmado ayey odhan lahaayeen”. Wasiir kuxigeenka Caafimaadka Soomaaliya oo shalay la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inaysan aqoonsaneyn Kiisaskaasi laga helay Somaliland, madaama uu xusay inay ku kalsooneyn awooda xaqiijinta Coronaha ee Somaliland. Waxaana xusid mudan in Hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO ay xalay ku dartay liiska tirada cudurka Coronavirus, iyada oo labada kiis ee Somaliland la raaciyey Soomaaliya, maadama aan loo aqoonsaneyn dal ka madax-banaan Soomaaliya.
-
Jowhar (SMN) – Wasiirka Wasaaradda qorsheynta maalgashiga iyo xiriirka caalamiga ah ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Ismaaciil Maxamed Nuur (Cirfiid) ayaa sheegay in ay wadaan qorsha ballaaran oo looga hortagayo Cudurka Coronavirus. Wasiirka oo la hadlayay warbaahinta Qaranka Soomaaliyaed ayaa sheegay in kulan ku saabsan halista Cudurka Covid-19 ay la yeesheen qaar ka mid ah Wasaaradaha ay quseyso ee Hirshabeelle, iyagoo isla gartay in Wasaarad kasta ay qaadato doorkeeda kaga aaddan arrintaasi. Mudane, Ismaaciil Maxamed Nuur (Cirfiid) ayaa intaa ku daray in ay iminka Gacanta ku hayaan qaar ka mid ah qalabkii looga hortagi lahaa Cudurka oo ay ka heleen Dowladda dhexe iyo Kooxihii ku howl-geli lahaa, wuxuuna sheegay in ay muhiimadda siinayaan barakacayaasha iyo Dadka jilicsan, maaddaama aysan haysan waxyaabihii ka saacidi lahaa xagga nadaafadda. Wasiir Ismaaciil ayaa sheegay in ay adkaynayaan xudduudaha maamulkooda, wuxuuna intaa ku daray in ay goobahaasi geyn doonaan Boolis la socda dhaq-dhaqaaqa Gaadiidka iyo Kooxo caafimaad oo baaris ku samaysa badqabka Dadka. View the full article
-
Doha (Caasimada Online) ― Sheekh Tamiim Bin Xamd Al-thaani, Amiirka dowladda Qatar ayaa dhambaal tacsi ah u diray Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo, midaasi oo uga tacsiyadeeyay geeridii xanuunka badneyd ee Alle-ha-unaxariiste Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde). Tamiin ayaa Alle uga baryey Nuur Cadde in uu naxariistiisa ku galado, isla markaaana uu samir iyo iimaana ka siiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay, iyo guud ahaanba Umadda Soomaaliyeed ee meelkasta oo ay joogaan. Sidoo kale, geerida ku timid Alle-ha-unaxariiste Nuur Cadde waxa dowladda Soomaaliya iyo umaddaba uga tacsiyadeeyay Amiir kuxigeenka Qatar iyo Ra’iisal wasaaraha dalkaasi, Cabdullahi Bin Xamad Al-thaani iyo Khaalid Bin Abdulaziz Al-thaani, iyagoo dhambaal tacsi ah u soo diray Ra’iisal wasaaraha dalka, Kheyre. Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa waxa uu ku geeriyooday dalka Ingiriiska, xili uu soo ritay xanuunka dunida faraha kulul ku haya ee Coronavirus. Madaxda dalka oo uu hormuud u yahay Madaxweyne Farmaajo ayaa iyaguna waxay ka tacsiyeeyen Marxuumka Alle-ha-unaxariiste, iyadoona Madaxweynuhu uu sheegay in Saddex cisho oo baroor-diiq ah loo sameyn doono Nuur Cadde, isla markaana Calanka dalka hoos loo dhigi doono. Madaxweyne Farmaajo ayaa marxuumka oo ahaa halyeey qaran oo taariikhda ku galay tanaasul iyo nabadeyn, Alle u weydiiyey in uu fadhigiisa ka yeelo Jannatul Firdows, eheladiisa iyo saaxiibadiisana uu ka siiyo samir iyo iimaan. Nuur Cadde ayaa ahaa ra’iisul wasaaraha dowladdii ku-meel garaka aheyd ee Soomaaliya, intii u dhaxeysay November 2007 iyo Febraayo 2009. Nuur Cadde ayaa intii uu xilka hayey waxay is-khilaafeen madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waxaana loolankaas oo uu ku adkaaday ay qasabtay in madaxweynaha uu xilka iska casilo 29-kii December 2008. Nuur Cadde ayaa waxaa sidoo kale lagu xusuustaa wada-hadalladii nabadeed ee uu la galay Isbaheysigii Asmara, ee uu hoggaaminayey Shariif Sheekh Axmed, taasi oo hoggaamisey shirkii Jabuuti ee madaxweyne loogu doortay Shariif bishii Janaayo 2009.
-
Qodobada ugu waa weyn barnaamij wareedka galab ee GoobjoogFM ayaa kala ah: Madaxweyne Farmaajo Oo Cafis Madaxweyne U Fidiyey 148 Maxbuus Oo Ku Jiray Xabsiyada Dalka Taliska Booliska Magaalada Cadaado Oo Howlgal Ku Soo Qabtay Maandooriyayaal isugu jira Khamri iyo Xashiish Magaalooyinka ugu waa weyn ee deegaanada Puntland oo la sheegay in uu ka dhaqan galay bandowgii ay soo saareen madaxda maamulka Puntland Ra’iisul Wasaare Khayre oo sheegay ilaa amar danbe in ay hakad ku sii jiri doonaan waxbarashada iyo kulamada dad weynaha Kaaliya caafimaad oo Soomaali ah kuna sugan dalka Fiilan ayaa waxa uu sharaxaad ka bixiyay Fayruska Corona oo isaga laga helay Maamulka Gobolka Hiiran Oo Sheegay In Ay Gacanta Kusoo Dhigeen Nin Xaskiisa Ku Dilay Magalda Baladweyn Ee Gobolka Hiiran Haddaba halkaan ka dhageyso qodobadaasi oo intaas ka faahfahsan, waxaana soo jeedinaya Bashiir Beerdaro https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/04/Bar-waredka-galabnimo-02-04-2020-ok.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ayaa habeen hore xaqiijisay in deegaanadeeda laga helay labo qof oo qaba cudurka dunida faraha ba’an ku haya ee Covid-19 ama Coronavirus, inkasta oo ay hore usii ogeyd. Somaliland ayaa sheegtay in labadaasi qof ay kala yihiin Nin Shiineys ah iyo mid kale oo Muwaadin reer Somaliland ah oo haysta dhalashada Ingiriiska, kuwaasi oo ku kala sugan magaalooyinka Berbera iyo Burco. Haddaba, Sida ay ogaatay Caasimada Online, Xukuumada Muuse Biixi ayaa Kiisaskan qarineysay muddo dhan labo maalin, taasi oo ay mas’uuliyiintoodu isku khilaafsanaayen in la shaaciyo iyo in si hoose loo Karantiilo oo aan bulshada loo sheegin Kiisaskaasi. Wasiirka caafimaadka Somaliland ayaa isagu ku adkeystay inay waajib tahay in bulshada lala socodsiiyo in Kiisaskaasi la helay, si ay usii labo jibaaran taxadarkooda ku aadan fayruska Corona, oo ah halis caafimaad oo ku soo korodhay dunida. Sida ay xogta ku heshay Caasimada Online, Wasiirka ayaa isagoo ka duulaya tayada caafimaad ee Somaliland qaatay in uu bulshadu si iskood ah isku bad-baadiyaan, walow ay arrinkaasi markii hore ku diidaanayeen xubno ay ka wada tirsan yihiin Guddiga uu Madaxweyne Biixi u magacaabay u diyaar-garowga iyo ka hortaga cudurka Coronavirus. Muran dheer kadib ugu dambeyntii Wasiirka caafimaadka ayaa abeen iskugu yeeray warbaahinta magaalada Hargeysa si uu ula wadaago halista soo wajahday deegaanadooda, midaasi oo hore looga digay, maadama ay Xukuumada ka dhago adeygaysay inay xirto madaarka Hargeysa, isla markaana damiin ahaan kusii deysay dad ka yimid dibada, sida ay dhowaan baahisay Caasimada Online. Inkasta oo ilaa hadda si rasmiya loo ogeyn in Labada Kiis ee xukuumadu sheegtay ay ka badan yihiin Kiisaska Coronaha ee deegaanadeeda, ayaa haddana waxa soo if-baxeysa suurto-galnimada ay Xukuumada Biixi ku qarin karto Kiisas hor leh oo Coronavirus ah, si loo yareeyo cabsida bulshada iyo dhaliilaha uga imanaya. Xukuumada Somaliland ayaa muddooyinkii dambe waxa loo soo jeedinayey in si weyn uga hortagto cudurkan, isla markaana ay qaado talaabooyin dhowr ah oo ay ku bad-baadineyso shacabkeeda, maadama aysan laheyn adeeg caafimaad oo tayo leh.
-
Kismaayo (SMN) – Xaalad kacsanaan ah ayaa lasoo sheegayaa in ay wali ka jirto degaanadii lagu dagaalamay ee duleedka Galbeed ee Kismaayo. Maxamed Xasan Cali, oo kamid ah dadka degaanka lana soo xiriiray idaacada Shabelle, ayaa sheegay dhinacyada ay wadaan hub uruursi. Isagoo wareysi gaar ah siiyey Radio Shabelle, Mr Cali ayaa daboolka ka qaadey in ciidamada maamulka Jubaland ay dagaalka qeyb ka yihiin. Wuxuu hadalkiisa intaas ku daray in madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam uu ku lug-leeyahay hurinta colaad beeleedkaas. Dhanka kale, ma jirto wax war ah oo ku saabsan colaad beeledkaas oo illaa iyo haatan kasoo baxday dhanka maamul goboleedka Soomaaliya ee Jubaland. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Jubaland.mp3 View the full article
-
Liiska Dalalka aan weli lagu arag Xanuunka Coronavirus Ma jiro wax coronavirus ah oo lagu arkay Antarctica Maxay ka midaysan yihiin, jasiiradda Tuvalu ee ku taalla badweynta Pacific-ga iyo jamhuuriyadda Turkmenistan ee ka tirsanaan jirtay Soofiyeetka? Labaduba waxa ay ku jiraan liiska dalalka iyo deegaannada aanan shaacin hal kiis oo cudurka coronavirus ah wixii ka horreeyay 1-da bishan Abriil. Tirada rasmiga ah ee ugu dambaysay oo ay isku soo dubbaridday Jaamacadda Johns Hopkins waxa ay muujinaysaa in Covid-19 lagu arkay ugu yaraan 180 dal iyo deegaanno, halka tirada dadka cudurkaas uu ku dhacay ee caalamka ay kor u dhaaftay 862,000. Cudurkaas coronavirus waxa uu caalamku ku dilay in ka badan 48,00 halka in ka badan 200,000 oo qof ay illaa iyo hadda cudurkaasi ka bogsoodeen. Hasayeeshee ku dhawaad 40 deegaan oo ku yaal daafaha caalamka ayaan – ugu yaraan si rasmi ah – weli u diiwaangelin kiis coronavirus ah. Maxay noqon kartaa sharaxaadda sababta aanan dalalkaas loogu arkin kiisaska fayraska Covid-19? Inta badan waa sida Tuvalu; jasiiradaha ay dadkoodu aadka u yar yihiin misana aanay dad badan u safrin. Qaar ka mid ah jasiiradahaas waxaa loo tagaa dalxiis balse xayiraadaha lagu soo rogay duulimaadyada caalamiga ah waxay horseedeen inay joogsadaan inta badan dadkii deegaannadaas tegi jiray. Maamullo lama galaan ah Deegaannada qaar, xaaladdu way yara cakiran tahay. Turkmenistan, waxaa ka jira mid ka mid ah maamullada ugu caburinta badan dunidan, waxayna dhab ahaantii mamnuucday kalmadda “coronavirus”. Sidaas oo kale, Kuuriyada Waqooyi waxaa shaki laga muujiyay habka rasmiyaga ah ee aanay cudurkaas uga hadlin. Dowladda Turkmenistan ayaa waxa ay mamnuucday kalmadda coronavirus Kuuriyada Waqooyi waxaa ku hareeraysan qaar ka mid ah dalalka uu cudurkaasi saameeyay, oo uu ku jiro waddanka Shiinaha halkaas oo ah bartii uu ka bilowday fayraska safmarka ah. Hasayeeshee maamulka Pyongyang ayaanan weli ku dhawaaqin hal kiis oo cudurka Covid-19 ah. Dagaal sokeeye Waxaa jirta cabsi ah suuragalnimada in cudurkan uu si fudud oo baaxad wayn uu uga xawoo bato hannaanka caafimaadka ee Kuuriyada Waqooyi, taas oo ay saameyn wayn ku reebtay maamul xumo iyo cunaqabataynta caalamiga ah ee dalkaas loogu soo rogay barnaamijkeeda hubka nukliyeerka. Yemen waa dal kale oo go’doonsan. Dalkan ku yaal Bariga Dhexe waxaa ka soconayay dagaal, kaas oo howl adag ka dhigay tijaabada iyo diiwaangelinta kiisaska. Waddanka dariska la ah dalkaas ee Sucuudi Carabiya, kaas oo la dagaalamaya fallaagada Xuutiyiinta ee Yemen, ayaa dabayaaqadii bishii Maarso wuxuu ku dhawaaqay in kiisaska cudurka coronavirus ay gaareen 1,563. Dalka Yemen oo muddo shan sanadood ah uu ka socday dagaal sokeeye ayaa laga yaabaa inuu saameeyay soo tabinta kiisaska cudurka Covid-19 Qaar ka mid ah dalalka Afrika ayaanan illaa hadda xaqiijin wax kiisas oo Covid-19 ah, hasayeeshee taas waxaa lala xariirin karaa gabaabsi dhinaca qalabka cudurka lagu baaro. Antarctica ayaa ah qaaradda kaliya ee aanan weli lagu arkin cudurka coronavirus. Markii laga soo tago juquraafi ahaa inay ka go’doonsan tahay dunida inteeda kale, Antrarctica ayaa sidoo kale dadka waxa ay u kala deggan yihiin si teel teel ah, iyadoo dadkana aanan loo ogolaan goobaha qaar xarumo cilmi-baaris oo caalami ah awadeed. Qaran News
-
Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdullaahi Maxamed Xassan War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland, ayaa mar kale lagu go’aamiyay, in dhammaan Goobaha Waxbarashada Puntland ay sii xirnaadaan mudda laba todobaad ah oo ku eg 15-ka bishaan April 2020, si looga gaashaanto faafidda cudurka Coronavirus. War-saxaafadeedka oo ku taariikhaysan 2-Apr-20 20 ee ku beegan maanta oo Khamiis ah, ayaa ku boorriyay Maamulka iyo Macallimiinta Iskoollada Puntland, in ay adeegsadaan Hababka Casriga ah ee Waxbaridda Ardayda, si loo dhammaystiro Casharrada ka baaqday Muqarrarka Sannad-dugsiyeedka 2019/2020. Wasaaraddu, waxay Maamulayaasha iyo Macallimiinta Iskoolada Puntland ku wargelisay, in ay u diyaar-garoobaan Imtixaanka Naqliga ah oo sida qorshaysan bilaaban doona 18-April 2020, haddii duruuftu saamaxdo. Sidoo kale, war-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay, in Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland uu bilaaban doono 30-May 2020, balse la qiimayn doono hadba sida xaaladdu noqoto , maadaama uu dunida ku sii fidayo xanuunka COVID-19. PUNTLAND POST The post Wakhtiga uu bilaaban doono Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland oo la shaaciyay appeared first on Puntland Post.
-
Cadaado (SMN) – Booliiska degmada Cadaado ayaa warbaahinta u soo bandhigey nuucyada kala duwan ee Maandooriyayaasha oo xaley Booliisku ay kasoo qabteen gudaha magaalada kadib howlgalo ay sameeyeen. Hoos ka daawo sawiradda View the full article
-
Gedo (SMN) – Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilan arrimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa wacyi galinta cudurka dilaaga ah ee Coronavirus ka bilawday qeybo kamid ah deegaanada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland Saraakiil caafimaad oo ka tirsan hay’adda UNHCR oo safar ku tagay gobolka Gedo, iyagoo booqday dad ku barakacay xiisadaha ka taagan Beledxaawo oo ku sugan duleedka degmada Dooloow ee gobolka Gedo,iyagoo agab nadaafadeed ugu deeqay bakaracayaashaasi. Intii ay ku sugnaayeen xeryaha barakac degmada Dooloow saraakiisha caafimaad ayaa dadka halkaasi ku nool ka wacyi galiyay qatarta cudurka COVID-19 ee dilaaga ah,sida uu ku faafi karo iyo waxyaabaha loo baahanyahay,si cudurkaasi ay uga feejignaadaan. Saraakiisha caafimaad ee ka socday UNHCR ayaa dadka barakacayaasha la wadaagay in agabka loogu deeqay ay fududeynayaan in sare loo qaado nadaafadda,maadaama nadaafadda oo sare loo qaado ay kamid tahay tilaabooyinka cudurka Coronavirus looga hortago. Sidoo kale dadka barakacayaasha ay booqdeen saraakiishan ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa uga mahad celiyay booqashadooda iyo sida ay wax uga badaleen ka war qabkooda cudurka dilaaga ah ee Coronavirus. Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka Geeska Africa ee uu soo gaaray cudurka COVID-19, sidda ay horay u shaacisay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya,waxaana hay’adaha caafimaadka,kuwa samafalka iyo xukuumadda Soomaaliya ay sameynayaan wacyi gelin bulshada looga digayo khatarta iyo saameynta cudurkaasi uu geysan karo. View the full article
-
Waxa aan tacsi u dirayaa qoyskii, qaraabadii, saaxiibadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Raysal-wasaarihii hore ee Soomaaliya Marxuum Nuur Xasan Xuseen " Nuur Cadde". Ilaahay waxa aan u weydiinayaa dambi dhaaf, iyo in uu ku hubsado jannatul firdowsa. Aamiin pic.twitter.com/5IjHkK3q9P — Abdirahman Cirro (@CirroSL) April 1, 2020 Tacsi Kale:- Waxa aan tacsi u dirayaa qoyskii, qaraabadii iyo saaxiibadii uu ka baxay AHU Xasan Jaamac Muuse oo xalay ku geeriyooday Dalka Norway, si gaar ah waxa aan u tacsiyadeynayaa Marxuumka walaalkii Ganacsade Cabdillaahi Jaamac Muuse, samir iyo iimaan, Rabina Jannaddii ha geeyo. Aamiin pic.twitter.com/rauOAnCvJr — Abdirahman Cirro (@CirroSL) April 2, 2020 Qaran News
-
Muqdisho (SMN) – Taliska howlgalka nabad ilaalinta midowga Africa ee AMISOM ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray uga tacsiyadeeyay geerida allaha u naxariistee ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya marxuum Nuur Xasan Xuseen Nuur Cade oo ku geeriyooday dalka Ingiriiska. AMISOM ayaa sheegtay in geerida allaha u naxariistee marxuum Nuur Cade ay uga tacsiyadeeneyso shacabka Soomaaliyeed,dowladda federaalka iyo eheladii uu ka baxay allaha u naxariistee ra’iisal wasaarihii hore ee dalka. Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Ambasadoor Francisco Madeira ayaa sheegay in isagoo ku hadlaya afka taliska guud ee AMISOM iyo midowga Africa uu dowladda Soomaaliyeed uga tacsiyadeenayo geerida allaha u naxariiste ra’iisal wasaarihii hore ee dalka marxuum Nuur Xasan Xuseen Nuur Cade. Tacsida AMISOM ay ka direyso geerida ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Nuur Cade ayaa kamid noqonaya dhambaalo tacsi oo beesha caalamka ay ka dirayaan geerida allaha u naxariiste ra’iisal wasaarihii hore ee dalka. Si kastaba ha ahaatee, ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya marxuum Nuur Xasan Xuseen Nuur Cade ayaa xilka ra’iisal wasaarenimo ee dalka hayay inta ii u dhexeysay 2007-2009,waxaana ra’iisal wasaare u magacabay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdulaahi Yuusuf Axmed oo hogaaminayay dowladii ku meel gaarka aheyd. Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka allaha u naxariistee marxuum Nuur Cade wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho sanadkii 1938-dii,waxaana shalay isagoo 82 jir ah uu ku geeriyooday magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka duhur. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Duhur-02042020.mp3 View the full article
-
Sababaha & Khataraha keena in shaqaalaha caafimaadka Coronavirus haleelo Shaqaalaha caafimaadka waxay door muhiim ah kaga jiraan dagaalka ka dhanka xanuunka Covid-19. Kumannaan ayaa qaaday feyraskan, halka tiro badan oo sii kordheysana ay ka muuqato in shaqaalaha caafimaadku xataa ka mid yihiin kuwa u dhintay. Inkastoo ay jiraan, dharka loogu talagalay ee lagaga gaashaanto iyo weji gashiyo loogu talogalay in afka iyo sanka lagu xidho, haddana dhakhaatiirta, kalkaalisooyinka iyo shaqaalaha kale ee caafimaadka waxay ka nugul yihiin dadka kale, iyadoo weliba ay suuregal tahay in xannuun ahaanna ka darnaadaan. Laakiin maxay sidan ugu dhibban yihiin? Khubarada waxay sheegayaan in tirada sii kordheysa ee feyraskaas ah ee soo gaadhi karta shaqaalaha caafimaadka ay tahay waxa ugu weyn ee qasbaya cabsida. Ka dib, marka feyraska uu galo jidhka, wuxuu weerarayaa unugyada difaaca jidhka waxaana uu isu sii fidinayaa si iskii ah. Taas oo maalin walba uu sii fidayo, sida darteedna qofka xanuunka uu hayo wuxuu gaadhayaa heer feyras badan uu gudaha jidhkiisa ku tarmo. Shaqaalaha caafimaadku waxay la kulmaan xaalad qaadsiin karta feyraska. “Badnaanta feyraska ee gudaha iigu jira, waa markasta oo aan kuu sii gudbin karo,” waxaa sidaa BBC u sheegay Prof Wendy Barclay, oo ka tirsan Waaxda Xanuunnada Faafa ee Imperial College London. Dhakhaatiirta iyo kalkaaliyeyaashu waxay badanaa ku dhawaadaan oo si toosa ula macaamilayaan dad qaba fayraska oo tiro badan, taas oo macnaheedu yahay waxay khatar ugu jiraan in iyana ay qaadaan. Hal dhibbane oo qalliin ku gelayay Wuhan, Shiinaha, ayaa qaadsiiyey 14 shaqaale caafimaad ah sida laga soo xigtay Haayadda Caafimaadka Adduunka (WHO). Prof Barclay ayaa sheegay: “Hab dhiska difaaca jidhka, haddii aad xataa caafimaad qabto way ku adkaanaysaa inay iska caabbiyo feyraskan corona.” Sidee fayraska Covid-19 u soo gelayaa jidhkaaga? Haddii qofku qabo fayraska ‘Covid-19 ‘, oo sidoo kale loo yaqaan “Sars-CoV-2), wuxuu ku noolaadaa neef-mareenka dhuunta, isagoo diyaar u ah inuu ku fido hab neefsi ama qufac ah. “Markasta oo aan neefsanno ama aan hadalno, waxaan soo dejineynaa dhibco ka soo baxa sanka iyo cunaha oo aan hawada ku soo deyno,” ayuu Barclay u sheegay barnaamijka Newsnight. Qaar ka mid ah dhibcahan ayaa sidoo kale dhulka ku dhaca oo wasakheeya walxaha ay ku kor dhacaan. Taasina waa sababta naloogu sheegay inaan is ilaalinno oo aan gacmaheenna dhaqno. Ma cadda tirada feyras ee qofka ka dhigi karta mid xanuunkii qaba ama uu soo ritay. Halista ay wajahayaan dadka tooska ula tacaalaya kuwa xanuunsan Xaqiiqatan weli ma ogin sida dhabta ee fayraskan uu ugu gudbo shaqaalaha caafimaadka ee jooga goobaha lagula tacaalayo. Laakiin xogta xanuunkii SARS, ee sannaddadii 2002 iyo 2003 waxay sheegaysaa in 21% dadka sii fidiyey ay ahaayeen shaqaale cafimaad, sida laga soo xigtay Haayadda Caafimaadka Adduunka (WHO) Sidoo kale xog la mid ayaa laga diwaangeliyey kuwa maamulaya bukaanka feyraskan Covid-19 qaba. Dalka Taliyaaniga, in ka badan 6,200 oo ahaa kuwii qaaday xanuunkan waxay ahaayeen shaqaalaha caafimaadka. Dalka Spain, waxaa lagu qiyaasaa 6,500 xirfadlayaasha caafimaad ee qaaday fayraska corona. Spain, ku dhawaad 12% ayaa qaaday xanuunkan/ Bilowgii bishii March waxaa lagu qiyaasay dadka Shiinaha ee shaqaale caafimaad ah ee qaaday in ay ahaayeen 3,300. Taas oo ka dhigan ku dhawaad 4-12% boqolkiiba, kiisaska la xaqiijiyey ay ahaayeen shaqaale caafimaad. Mid ka mida saraakiisha caafimaadka ee Britain ayaa BBC-da u sheegay in boqolkiiba konton shaqaalaha caafimaadka ay yihiin kuwa yara xanuusan. Difaacooda oo jilican. Shaqaalaha caafimaaku ee Zimbabwe waxay sameeyeen shaqo joojin, iyadoo waddanku gelayo bandaw. Dalka Faransiiska, dhakhaatiirta ayaa tallaabo sharci ah ka qaadaya dowlada waxayna sheegeen in ka careysan yihiin in aysan helin qalabka difaaca jirka ee la xirto marka ay dhaqaatiirta la tacaalayaan kuwa qaba coronavirus. Dhakhaatiirta iyo kalkaaliyayaasha caafimaadka ee Zimbabwe ayaa bilaabay iyana shaqo-joojin iyaga oo ka cabanaya maqnaanshaha qalabka PPE maaddaama waddanku uu bilaabayo bandow saddex toddobaad ah oo ah isku da lagu joojinayo faafitaanka feyraska. Gudaha Boqortooyada UK, Neil Dickson, oo ah madaxa fulinta ee hay’adda Britain u qaabilsan shaqaalaha daryeelka caafimaadka, ayaa sheegay in la’aanta qalabka badbaadada ay curyaamisay kalsoonidii dhakhaatiirta iyo kalkaaliyayaasha caafimaadka. In kasta oo dawladda Britaib ay biloowday adeegsiga ciidanka si ay ugu qaybiso malaayiin maaskarka wejiga ah shaqaalaha caafimaadka, “waxay qaadaneysaa waqti in la dhiso oo la soo celiyo dareenkaas”, Dickson ayaa aaminsan sidaasi. Dhibaatada kale ayaa ah soo saarista alaabadan guud ahaan Aasiya iyo Shiinaha. Shiinahana, hubinta iyo gaadhsiinta bixintiisu waxay noqon doontaa caqabad weyn.” Qaran News
-
Bu’aale (Caasimada Online) – Diyaarado dagaal ayaa xalay saqdii dhexe duqeyn xoog leh ku ekeeyay degmooyin ka tirsan gobalada Jubbooyinka, kuwaas oo ay ku sugnaayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab. Diyaaradaha ayaa duqeeyay degmooyinka Jamaame iyo Bu’aale oo ka kala tirsan Jubada Dhexe iyo Jubada Hoose, waxaana duqeymahaasi lala beegsaday xarumo ay leeyihiin Al-Shabaab, sida ay soo sheegayaan saraakiil ka tirsan ciidamada Soomaaliya. Duqeynta hore ayaa ka dhacday goob lagu qeybinayay hub ay dhawaan keensadeen dagaalamayaasha al-Shabaab oo ku taalla degmada Jamaame, waxaana la soo wariyay in duqeyntaasi sababtay dhimasho iyo dhaawac iyo holac xoog leh ka kacay xeradii hubka lagu dhiibayay. Sidoo kale, duqeynta labaad ayaa ka dhacday magaalada Bu’aale ee gobalka Jubada Dhexe waxaana la duqeeyay guryo ay daganaayeen xubno sare oo ka tirsan Al-Shabaab, xarunta degmada iyo Saldhiga magaalada, iyadoo ay diyaaradaha duqeynta waday ay dejiyeen ciidamo muddo ka dagaalamayay magaalada gudaheeda. Nin magaciisa lagu soo koobay Abuu Anas, oo ka tirsan madaxda amniyaadka Al-Shabaab, ayaa ku jira dadkii lagu dilay duqeyntaasi, waxaana sidoo kale la dilay dagaalamayaal iyo xubno kale oo aan si rasmi ah loo ogeyn tiradooda. Qoraal xalay ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Mareykanka iyo ciidamada Soomaaliya ay iska kaashanayaan cirib tirka Al-Shabaab ayna kaga guuleesteen in hoos loo dhigay qatartoodii Soomaaliya. Jubooyinka iyo gobalka Shabeelada Hoose ayaa qeyb ka ah goobaha ugu badan oo ay ciidamada Soomaaliya iyo Mareykanka ay ka fuliyeen howlgalada u badan duqeymaha iyo kuwa gaadmada ah.
-
MOGADISHU (HOL) - The U.S has announced a $7 million humanitarian assistance to Somalia to combat the spread and effects of the deadly COVID-19 disease. Source: Hiiraan Online
-
Popular Contributors
