Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,420
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. NISA waxay talaabada sharciga ah ee ku haboon ku qaadaysaa Harun Macruf, oo leh xiriiro khatar ku ah amniga Qaranka, kuna kacay falal ka baxsan anshaxa warbaahinta. Waxaan hay’adaha dalka la wadaagaynaa iney ka feejignaadaan xiriirkiisa, soona wargaliyaan laamaha amniga Qaranka. — NISA (@HSNQ_NISA) April 2, 2020 Haaruun Macruuf ayaa waxa uu caan ku yahay in inta badan uu ka warramo arrimaha amniga, gaar ahaan kooxda Al-Shabaab iyo weerada ay fuliso, isaga oo qoray buug si gaar ah uga hadlaya Al-Shabaab. Waxa uu sidoo kale leeyahay barnaamij sameeya baadhitaanada oo lagu magacaabo “Galka Baadhista”, kaasi oo marar badan baahiyey, banaankana soo dhigay xogo ka qarsoon shacabka, oo qaarkood ku saabsan musuq-maasuq ka dhex jira hay’adaha dowladda Somalia iyo gaabsi dhanka ah amniga ah oo ka muuqda hay’adaha amniga dowladda Somalia. Qaran News
  2. Xudur (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay inay dileen sarkaalkii Al-Shabaab u qaabilsanaa howl-gallada gobolka Bakool. Qoraal kasoo baxay ciidamada xoogga ayaa lagu yiri “Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ka fuliyay degaanka Ceel-cali degmada Xudur ee gobolka Bakool howlgal ay ku dileen horjooge ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab kaasi oo lagu magacaabo (Aflaaw).” Qoraalka ayaa intaas ku dara “Horjoogahaas ayaa ahaa horjoogihii howl-gallada argagixisada u qaabilsanaa gobolka Bakool.” Taliyaha Guutada 9-aad ee Qaybta 60iaad Xoogga Dalka Gaashaanle Mukhtaar Maxamed Cabdulaahi (Geeseey) ayaa sheegay in howlgalka uu yimid kadib markii maleeshiyaadka Al-Shabaab ay afduubteen mooto nooca xamuulka ah iyo wadihii waday, taasi oo dad shacab ah ku shaqeeysan jireen. Geeseey ayaa tilmaamay mootadii ay dhaceen wadihii iyo saddex qof oo kale oo ay afduub ahaan u haysteen iyo qoriga Horjoogaha oo noociisu yahay AK47 iyo rasaas badan in ay kasoo furteen, kuwaasi oo haatan gacanta ugu jira ciidanka xoogga dalka, sida lagu sheegay qoraalka. Ciidamada Xoogga Dalka ayaa dhowaanahay kordhiyey beegsiga saraakiisha saree e Al-Shabaab. Dhowaan, Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa shaaciyey in nolosha lagu qabtay madaxii Sirdoonka Al-Shabaab ee gobolka Shabeellda Hoose Xasan Suley (Xasan Ganey, kadib howlgal ka dhacay duleedka deegaanka Jannaale.
  3. Waxaan dhowr goor qoray maqaallo baraarujin, tilmaamid iyo toosin ahaa. Maqaalladaasu waxay inta badan abbaarayeen iska jiridda cadowga Itoobiya. Waxaan farta ku fiiqay in Itoobiya aysan marnaba cadowtinnimadeedu dhammaan doonin sidaas darteedna kheyr walba oo xaggeeda kasoo yeero il tuhun qabto la isaga fiiriyo. Qormooyinkaas waxaa mar walba iga soo gaarayay jawaabo is waydaarsan. In badan ayaa ii aragtay nin un ogaa meel lagu dagaalay ee aan la socon heshiisyada iyo isbaddalada dhacay. Waxaa lagu dooday in dowladuhu diriraan heshiiyaanna. Si tan loo caddeeyo waxaa tusaalooyin loo soo qaatay dalalka Maraykan iyo Jabbaan oo mar col xun ahaa maantana saaxiibbo ah. Haddii Jabbaan uu Maraykan oo hal miyan oo qof hal bam kaga dilay uu la heshiiyay maxaan noo diidayo inaan Itoobiya la heshiinno ayaa la igu xujeeyay. Qormadaan waxaan kaga jawaabi doonaa xujooyinkaas. Waxaan ku doodi doonaa in colaadda dariskeenna nagala dhaxayso ay ka duwan tahay middii u dhaxaysay Jabbaan iyo Maraykan ama Fiitnaam iyo Maraykan. Ha yeeshee aan iftiimiyo in yar mowqifka aan ka qabo Itoobiya in lala heshiiyo. Anigu marnaba ma qabo in la diido heshiis iyo nabad, ma qabo in Itoobiya albaabka laga xirto oo gafuurka loo taago, ma qabo in la tuso waqtigaan waji colaad iyo dagaal xambaarsan. Baddalkeeda waxaan qabaa in isbaddalka laga faa’iidaysto oo la qaato nabadda ay ku baaqday. Laakiin laga feejignaado, laga taxaddaro waxa lala wadaagayo, qalbigana lagu hayo inay mar walba tahay cadow khiyaano maleegayo iyo inay naga haysato dad iyo dal aan marnaba mudnayn in laga taasulo. Si aan u fahanno farqiga u dhaxeeyo labada colaadood marka hore waa inaan fahannaa waxa la isku hayo iyo inta la isu jiray. Jabbaan waa dal ku yaal bariga Aasiya. Waa dal horay u ilbaxay oo awood militiri iyo aqooneed yeeshay waa hore. Maraykan waa dal cusub oo dad Yurub ka qaxay ay dageen. Xariirka Jabbaan iyo Maraykan u dhaxeeyo wuxuu billowday qarnigii 18aad. Xiriirkaas ka dib waxaa dhexmaray isku dhacyo aan badnayn oo Maraynka oo dhul boob ahaa uu sabab u ahaa. Laakiin iyagiina waa laga heshiiyay. Khilaafka dagaalka hooggan horseeday wuxuu billowday 1931’di markaas oo Jabbaan uu ku duulay Shiinaha. 1937’di ayuu Maraykanku goostay inuu u ciqaabo Jabbaan dagaalka ku qaaday Shiinaha. Isagoo kaalmaysanaya xulufadiisa Yurub ayuu ka jaray shidaalki iyo birtii uu Jabbaanku ugu baahnaa dagaalka. Jabbaan ayaa ku jawaabay dagaal, gaar ahaan mid gaadmo ah oo ku qaaday ciidamo Maraykanku leeyahay oo joogay xeebaha Haawaay sanadi 1941’ki. Sidaas ayuu Jabbaan kaga mid noqday waddamadii galay dagaalki labaad ee dunida. Haddaba colaadda u dhaxayso Jabbaan iyo Maraykan waa mid intaas un ku billaabatay. sida uu ku dhammaatayna waa u imaan doonnaa. Maraykan iyo Fiidnaam Sida Jabbaan, ayay Fiidnaam Maraykan ka fogtahay. Wax aan faduul ahayn oo isu keeni karay ma jirin. Dalka Fiidnaam horraanti qarnigii 20aad wuxuu u kala qaybsamay Waqooyi iyo Koonfur oo gumeyste sabab u ahaa. Waqooyi wuxuu ahaa Hantiwadaag taageero ka haysta Shiine iyo kuwa la mamda’a ahaa. Dhinaca kale wuxuu ahaa Hanti-goosad taageero ka helo Faransiiska iyo kuwa la mamda’a ahaa oo uu Maraykan aabbo u ahaa. Labada gobal ee Fiitnaam waxaa dhexmaraya dagaallo lagu hoobtay oo dhexdooda ah oo mid walba uu ku doonayay inuu helo Fiitnaam ku midaysan afkaartiisa. Bishii May 1954’ki ayaa waxaa si ba’an loo jabiyay dhinicii Koonfureed ee faransiisku taageerayay. Faransiisku wuxuu aqbalay in dagaalka looga adkaaday. Laakiin waxaa booskiisi buuxiyay Maraykan oo garab istaagay ree Koonfur. Sidaas ayuu kusoo galay Maraykan arrimihii gudaha ee Fiidnaam. Maraykan wuxuu ka cabsi qabay fididda afkaarta Hanti-wadaagga. Inuu taas ka hortago ayaa keentay inuu taakuleeyo kooxda uu u arkayay inay xambaarsantahay afkaartiisa. gacan-siinti u horraysay wuxuu sameeyay 1955’ki taasoo ku koobnayd tababar kooban iyo xoogaa qalab militiri ah. Toban sano ka dib 82000 oo askari oo Maraykan ahaa ayaa furimaha ka dagaalamayay. 1967’ki nus malyuun ayay gaareen ciidamada Maraykanka ee furimaha Fiitnaam ka dirirayay. Dhimashadu waxay gaartay 15 kun halka dhaawacu 100 kun kor u dhaafay isla sanadkaas. Howshi ku billaabatay taakulayn iyo tababar ayaa isu baddashay dagaal toos ah oo daba dheeraaday. Guul-darrada iyo qasaaraha is daba-joogga ah iyo sida foosha xun ee ay ula dhaqmeen shacabka ree Fiidnaam ayaa kiciyay mowjado shacab Maraykan ah oo dagaalka ka hor yimid. Xasuuqa carruurta iyo laynta waayeelka ee ay gaasaneyeen ciidamada Maraykanka ayaa sumcad-darro weyn u keentay xukummaddi markaas talada haysay. Kacdoonka shacabka waxaa garab socday askarti dagaalka ku jirtay oo dagaalka quus kasoo istaagtay waxay u dhimanayaanna garan waayay. Waxaa ciidamada ka goostay tiro tobannaan kun ah. Waxaa sidoo kale billowday in dhalinyaradu Kanada u tahriibaan si ay uga cararaan in loo qafaalo dagaalka. Culesyadaan is kaashaday iyo muuqasho la’aanta guul dhow ayaa horseedday inuu Maraykanku aqbalo wada xaajood lagu soo afjaro dagaalka 1973’ki. Dagaalka Fiitnaam wuxuu aad ugu suura egyahay kan maanta u dhaxeeyo Maraykan iyo Afqaanistaan. Dagaalkaas wuxuu ahaa mid qasaaro badan gaystay. Waxaa ku dhintay saddex milyan oo ree Fiitnaam iyo xulufadoodi ah iyo 58000 oo askarti Maraykanka ah. Xasuuq iyo tacaddiyo kale oo badan ayuu gaystay Maraykanku. Magaalooyin ayaa la gubay, gabdho badan ayaa la kufsaday, saqiirro iyo waayeel ayaa la bireeyay. Saas oo tahay waa laga gudbay. Sababta keentay in laga gudbo waa labo arrimood. Tan hore waa in marki horaba dagaalku uusan haysan tiirar culus oo loo dhinto. Dagaal si fudud lagu galay ka dibna Maraykan oo qabkiisu weynaa aqbali waayay masaakiin sacabooleey ah ayaa ku hor istaagtay ayaa daba dheereeyay. midda labaad waa inuu Maraykan aqbalay inuusan guulaysan doonin. Taas oo horseedday inuu ciidamiisa la baxo heshiisna aqbalo. Haddii intaas laga helay ree Fiitnaam intii ka dhimatay waa ka samri karaan. Dhul lagama haystao, dadna lagama qafaalan, diin iyo afkaar kalana laguma qasbin oo waa iska diideen. Waxaa maxay waxa kale ee ay wali dagaal iyo colaad usii raadiyaan? Sidaan lidkeeda waxaa ah siduu ku dhammaaday kan Jabbaan. Marki uu daba-dheeraaday dagaalki labaad Maraykanku wuxuu go’aansaday inuu tijaabiyo bombaanooyin cusub oo uu markaas samaystay. Labo ka mid ah ayuu ku dhuftay magaalooyinka Horoshima (6’dii Agoosto) iyo Nagasaki (9’ki Agoosto 1945’ki) ee ku yaal Jabaan. Halkaas ayuu ku dilay dad ka badan hal milyan oo qof. Haddii labo jug intaas ka dishay Jabaan, waxaa usoo baxday inuusan dagaalka sii wadi karin. Natiijadi waxay noqotay inuu is dhiibo shuruud la’aan. Haddii uu is dhiibay wixii loo yeeriyo inuu qaato ayay noqotay. Maalintaas ka dib, Jabaan wuxuu noqday gobal ka mid ah Maraykan. Macnaha qaato wixii loo yeeriyo. Hadduu hoggaansamay wixii loo daba socdo waa gar-darro, intaas ayaana awalba laga rabay. Labada tusaale ee kore midna wuxuu ku dhammaaday aan is dayno midna wuxuu ku dhammaaday kala adkaansho. Haddaba colaadda innaga iyo Itoobiya labadaan qaanadood keebay ku jirtaa mise midna kuma jirto? Soomaaliya iyo Itoobiya Si taas ka duwan, Soomaaliya iyo Itoobiya inti ay jireen daris ayay ahaayeen waana ahaan doonaan. Waxaa u dhaxeeyay colaad ka askuntay aan ku gumeysto iyo kaa yeeli maayo. Gumeysi doonku kuma eka aan kor kaa haysto ee waxay ku doonaysaa dhulkeenna iyo dadkeenna oo dhan. Damacaan maahan mid bilo, sanado ama tobonnaan sano jiro ee waa mid kun sano ku dhow inta la hubo. Ilaa maalintii ay colaaddaas billaabatay, waxaa na dhex maray dagaallo qaraar oo marba qolo la riixayay. Inkastoo dagaallada furimaha la isaga horyimaado ay Soomaalidu ku adkaato had iyo goor, guusha dhabta waxay raaci jirtay Xabashida. Labo dagaal ayaa ugu caansan inta na dhex martay innaga iyo Itoobiya. Kan hore waa midkii uu hoggaaminayay Imaam Axmed Gurey AUN. Dagaalkaas Soomaalidu guulo taariikhi ah ayay ka gaareen. Waxay iska dul qaadeen ihaanadi boqoarrada xabashidu ku haysay, waxay soo dhacsadeen dhulkii laga haysatay waxayna furteen dhul cusub. Inkastoo awood lagu maquuniayay Xabashidu isma dhiibin. Waqti dheer ayay dagaal rogaal celis ah ku wadday Soomaalida ilaa ay dhulkii ka maqnaa iyo mid kale laba qabsatay. Dagaalka labaad waa midkii uu hoggaaminayay AUN Maxammed Siyaad Barre ee loo yaqaaan 77. Dagaalkaan waxaa lagu doonayay in lagu soo celiyo dhulka naga maqan. Iska hor imaadyadi hore Soomaalidu waxay dhigtay wacdarooyin lama filaan ah. Waxay qabsadeen dhulki ka maqnaa waxayna ku darsadeen mid kaloo cusub. Mar labaad Xabashidu isma dhiibin. Habar wacasho ka dib, waxaa Soomaalida lagu qasbay inay isaga baxaan dhulkoodi ay dib u hanteen iyo in iyagoo ihaanaysanna dib ugu laabtaan halki marki hore ay dirirta ka soo billaabeen. Maaddaama cidda na maquunisay ay ahayd awood meelo kale ka timid, ma aannan aqbalin in dagaalka nalooga adkaaday. Waxaan wali aamisannahay in aan Xabashi ka adagnahay. Waxaa kaloo hubaal in Itoobiya naga gar-daran tahay. Waxay naga haystaa dhul iyo dad aan marnaba laga tanaasuli karin. Intaas kuma ekee waxay raadinaysaa mid kaloo cusub inay naga qabsato. Intaas waxaa u dheer, inay rabto inay ugu yaraan Adis Ababa noqoto meesha taladeennu ka go’do. Is-barbar-dhigga colaadaha maraykan iyo Aasiya iyo tan Soomaaliya iyo Itoobiya waa kuwo aan meelna haysan oo aan sinnaba tusaale isugu noqon karin. kuwa hore colaad dhexda ka billaabatay oo seeskeedu yahay afkaar igu raac ayay ahayd. Kuwii laga adkaan waayay waa la iska daayay, kuwii laga adkaadayna waa hoggaansameen. Midda kuwa danbe, colaad ku fadhido dad iyo dal lakala haysto weeye. Dadki iyo dalki wali waa maqan yihiin. Ma jirto qolo aqbashay in laga adkaaday oo hoggaansatay. Sidoo kale labada dhinac midna ma garowasana in la kala adkaan waawayay taasoo horseedi lahayd in meel dhexe la isugu yimaado. Itoobiya waxay u aragtaa inay naga adkaatay oo dhul weyn naga xoogtay sidaas darteedna mid kale inay ku darsato aysan mustaxiil ahayn. Soomaaliya waxay aaminsantahay in Itoobiya dhul ka haysato, haddaysan garab kale haysanna aysan marnaba haysan karin dhulkaas. Sidaas awgeed in maalin un la soo celin karo ayaa u muuqato. Akhristow adigu go’aami nooca uu noqon karo is barbar-dhigga colaadda Itoobiya iyo Soomaaliya iyo midda Maraykan iyo dalalka Aasiya ee aan kor u sheegnay? Sawiro oo qaado sida aan ku illaawi karno mushkiladda Itoobiya nagala dhaxayso! Waxaan ku khatimayaa Itoobiya yaan la siin fursad kale oo ay dalkeenna ku dhex dagto. Yaan loo ogolaan inay dhulkeenna si shjarci ah ku joogto, meeshi ay rabto dagto ciddi ay rabtana ku duusho. Dabcan tani waxay gacanta ugu jirtaa siyaasiyiinta iyo dadka talada noo hayo oo aannan waxba ka qaban karin. Waxaan se wax ka qaban karnaa in aannan iibsan casharrada aan meelna haysan ee ay noo akhriyaan kuwa doonayo inay na illowsiiyaan dakanada naga maqan. W/Q: Ibrahim Aden Shire ishire86@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  4. Si guud waxaan u taabanayaa dhinacyada uu baahan u diyaar-garoow sarreeya. Meelaha u baahan in laga muujiyo taxaddar weyn iyo kiisaska u baahan in indhaha lugu hayo. Dhinaca wacyigelinta iyo la tacaalidda Saamaynta dhinacyada dhaqaalaha Saamaynta dhinacyada Amniga Meelaha u baahan in laga muujiyo taxaddar weeyn iyo kiisaska u baahan in indhaha lugu hayo Xanuunka dunida hadheeyay ee magaciisa loo soo gaabiyay Covid-19 ee ka soo bilowday waddanka China, saamaynna ku yeeshay dhammaan caalamka, joojiyay isu-socodkii adduunka, hoos u dhigay dhaqaalihii caalamka, Gallaaftay dad gaadhaya 30.000 oo qof oo ku nool caalamka kuwaas oo ku noolaa waddamadii dhisnaa dhaqaale ahaan iyo caafmaad-ahaan-ba wax ay u eegtahay in uusan soomaaliya kala kulmayn iska caabbin awooddeeda wadata ( Rabbi ha ina ka hayee) haddii aan la samayn tallaaboyinka uu addunku kula tacaalayo. Waxaa jiraa goobo xanuunkan laga helay, kaas oo ahaa hal kiis oo ku sugan xaafadda ay deganyihiin beesha caalamku ee ku taal muqdisho ee xalane, kiiskan oo ahaa qof ku sugnaa xaafadda xalane, waxaa macquul ah in qofkaasi uu xidhiidh la sameeyay tiro dad ah kuwaas oo halkaas ku sugnaa amase booqday, waxaa macquul ah in ay jiraan kiisas intaas ka badan oo goobtaas ku sugan balse uusan xanuunku weli ka muuqan, si looga taxadaro faafinta xanuunkas ee waddanka gudihiisa waxaan ku talinlahaa in ay dawladdu Karatiimayso xaafaddaas iyada oo loo marayo xeerka Dibloomaasiyadda caalamka maadaama ay goobtani tahay meel ay ku suganyihiin dibloomasiyiin shisheeye. Si looga taxadaro halista halkaas ka imankarta waxay ku qurux badantahay in xalane la geliyo xalaad aan laga baxayn lana soo gelayn, sida oo kale dhammaan dadkii booqday maalmihii uugu dambeeyay halkaas waa in iyana loo diraa fariin ah in ay si is-kood isu karatiimaan. Kiisaska u baahan iyana in indhaha lugu hayo waxaa ka mid ah dadkii maalmihii uugu dambeeyay ka soo degay magaalada Hargaysa kuwaas oo intooda badan ay magaalada galeen, waloow ay jiraan dad tiro kooban ah oo ay xukuumadda Somaliland ku xeraysay goob gaar ah. Lama dhayalsankaro dhammaan dadkii ku soo qul-qulayay muddoyinkii la soo dhafay hargaysa, dadkaasi waxay ka yimaaddeen waddamo intooda badan uu xanuunkani saamayn xoog leh ku yeeshay. Waxa aan aaminsanahay in dadkii ku soo labatay hargaysa qaar ka mid ah ay suurto-gal tahay in xanuunkas uu ku soo baxo (Rabbi ha ka badbaadiya Naftooda iyo tan dad-kaba) , waxaana aan ku kalsoonahay dhammaan taxaddarkii ay sameeyeen laamaha caafimadka Somaliland, balse xanuunkani waa mid muddo ka dib qofka ku soo baxa. Dhinaca wacyigelinta iyo la tacaalidda Dhammaan maammullada ka jira gudaha Soomaaliya waxa ay si wada jir ah u fasaxeen geebohiihii waxbarashada iyo shaqalihii xafiisyada dawladda, iyada oo ay barbar socoto fariimaha ah in la yareeyo isu imaatinka dadka iyo weliba ku kulmidda goobaha waaweeyn. Tallabooyinkan waxaad mooddaa in dadkii ay haleen jaanis ka wanaagsan kii hore oo hadda ay noqdeen kuwo isu hela wakhti ay ku qaataan goobaha dadku ay isugu yimaaddan, waxaa weli socdaa xafladihii Aroosyada iyo weliba kuwii gaar ahaa, waxaa camiran dhammaan huteelladii iyo goobihii nasashada, waxaa si wada jir ah loogu damaashadaayaa Goobihii lugu dabaalanjiray ee xeebaha. Fariimihii dawladda iyo maammul Gobolleedyadu waa soconayan, balse ma jirto cid dheg-jalaq u siisay. Haddii ay xaaladdu sidaas ku sii socoto waxaa sahlanaanaysa faafitaanka xanuunkan dunida ka dhigay habeen dumay oo aysan cidi dab kala qaadan. Waxaan ku talinayaa in la sameeyo qorshe lugu yaraynayo isu imaatinka Bulshada. Saamaynta dhinacyada dhaqaalaha Ma aha wax la iska Indha-tirayo in xanuunkani uu saamayn ku yeelankaro dhammaan dhinacyada dhaqaalaha, waxaa uu dunidii dhaqaalaha ku tarmaysay ka dhigay mid ku tartanta sidii ay dayn u qaadanlahayd, waxaa hoos u dhacay dhammaan dhaqalihii caalamka, waxaa Albaabada la isugu dhuftay dhammaan intii badan bangiyada caalamka, waxaa lagama-degaan noqday garoomadii waaweynaa ee dunida, waxaa xidhmay Dekadihii waddamada dhaqaalaha leh, waxaa joogsaday soosaarkii wershadaha caalamka. Dhammaan Intan oo dhan dunida ayay ka jirtaa maanta. Soomaaliya oo aynu oganahay heerka dhaqaalaha iyo weliba halkii uu ka soo gelijiray manta waa xidhmeen, waxaa la xidhay garoomadii diyaaradaha iyo dekadihii. Waana meelihii uugu muhiimsanaa ee gudaha soomaaliya dhaqaale ka soo xeroonayay, waxana ay tan la qabtaa dunida inteeda badan. Tani waxay u baahan tahay in ay dawladdu ku daadaasho sidii dhaqaalahaas loo kabilahaa, lana sameeyo waddooyin lugu kabo dhaqlaahii soo xeroon-jiray ee joogsaday. Dhinaca kale Bulshada soomaaliyeed waxaa saamayn ku yeelandoonta haddii lugu soo rogo in ay ku eekaadan guryahooda uun, inkasta oo ay lagama maarmaan tahay markasta tani isla markaasna ay tahay halka waddo ee xanuunkan lagaga gaashaaman-karo. Dadka soomaaliyeed Intooda badan waa dad ku nool waxa ay maalintaas la soo baxaan, waa bulsho aan lahayn kayd-qofeed, xitaa waxa suurto-gal ah in ay adkaato in dadku ay ku sugnaadan guryaha haddii uu amarkaasi soo baxo waayo ma jiro kayd u yaal dadkas kaas oo ah waxay quudanlaheen maalinkooda “Xaaladdu waxay noqon-doontaa labo-daran mid dooro.” Qorshahani ha adoo mid ay dawladdu indhaha ku hayso. Saamaynta dhinacyada Amniga Waxaa jira halis badan oo ay macquul tahay in ay dhacdo xilliyada ay xaaladahani jiraan, waa wakhti ah mid jaah-wareerkiisa wata. Waxyaabaha laga yabo in ay sababaan amni-xumada waxaa ka mid ah. In Alshabaab ay abuurto khalkhal amni, kaas oo ay kaga faa’iidaysanayaan mashquulka ku yimaadda dawladda soomaaliya iyo weliba dhammaan waddamadii dagaalka kula jiray oo iyana ah kuwo wakhtigan la tacaalaya sidii ay dadkooda uuga badbaadin-lahayeen xanuunka ku habsaday. Waxaa mashquul ah dhammaan wadamadii gaaf -wareegga iyo ilaalada ka hayay dhaq-dhaqaaqyada kooxda Al-Shabaab. USA, Uk, Franca, Russia iyo Dhammaan waaddamadii kale waxa ay ku jiraan iyaga iyo ciidankoodiiba sidii ay uula dagaalamilahayeen xanuunkan, dhaqaalihii iyo maskaxdiiba waxa ay u wareejiyeen waddamadooda, dhammaantood waxa ay hadda galeen xaalad ay iyagu caalamka ka codsadaan gargaar caafimaad. Dhinaca kale waxaa suurto gal ah awoodda xukuumaddu haddii ay u jeesato hal dhinac in ay kooxdani ka fa’iidaystaan. Dhammaan marooyinka Afka lugu duubto si looga feejignaado faafidda xanuunka Covid-19 waxa ay u noqonkaraan kooxdaas kuwo ay gabbaad ka dhigtaan. Haddii uu xanuunku gaadho goobaha ay kooxdaasi gacanta ku hayso waxaa adkaanaysa sidii dadkaas loola tacaalilaahaa. Intan oo qodob waxaa muhiim ah in dawladdu u yeelato indho gaar ah, una samayso qorshe cad. Waa haddii uusan diyaarsanayn…….Rabbi ha ina ka beeri-yeelo dhibaatada xanuunkan. W/Q: Cumar Rodol Cumarrodol@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  5. At least 20 people have been killed in southern Somalia day in clashes between militia from rival clans fighting over land, officials and witnesses said Thursday. Source: Hiiraan Online
  6. By: Reuters Before the coronavirus hit, Muna Nur Farah had started to hate her husband. He’d slink into their home in the Somali capital Mogadishu at 3:00am with empty pockets, his money squandered on the narcotic leaf khat. That changed a little over a week ago, as the pandemic spread through East Africa. To curb the disease, the government banned international flights – including those importing khat from Kenya – depriving men like Farah’s husband of the addictive drug. “This week every day, he brings home money, vegetables, mangoes, meat, food,” she said happily. “I love him now. Life is superb.” Some Somalis, especially women and children, say coronavirus handed them an unexpected boon through the ban on khat flights. “Women say a man who chews khat has another wife – called khat,” Farah’s husband, Abdullahi Ahmed said. “It is true.” More than 10 million people globally use khat, according to the Kenya Medical Research Institute. In Somalia, men gather in groups to chat and chew the leaf, a mild stimulant, into the early hours. Kenya exports about 50 tonnes of khat to Somalia daily, said Kimathi Munjuri, the chairman of Kenya’s largest khat trade association. Khat is sold to Somalia – which is mostly too hot and dry to grow the water-intensive crop – at $5 a kilo, making Kenyan growers around $250,000 a day. “Now we’re not able to ship anything,” he said. “We are looking at a total devastation.” Importers sell to dealers in the ‘khat garden’ – Mogadishu’s typically busy khat market. Now it’s deserted apart from boys playing football and soldiers comparing guns. Bunow Hussein Aden, 60, is the market’s chief cleaner, but now there’s no one to pay him his daily fee of $15 so he is just lying on a polythene sack as litter blows past. “I have not received a coin since khat was banned,” he complained. “I just see people I know, ask them for few dollars.” Khat is highly perishable. It’s usually driven from airfield to market at breakneck speed. Some khat sellers like Sabir Mohamed Shiqalow have started shipping the leaf in, but prices have shot up: a kilo worth $20 before coronavirus now fetches $200 to $300. Shiqalow, an enterprising 21-year-old, has been selling khat half his life. Now he and other sellers go to the beach nightly with two dozen well-armed private guards to collect their slightly withered haul. One night last week, the guards repelled a group of soldiers trying to steal their shipment. Shiqalow hopes things will settle down soon. “Khat is my only source of income,” he explained. In Farah’s household, the women pray the ban stays. “Now we get meat, food and money. Thank you, coronavirus!” said Sumeya Nur Farah, Muna’s 9-year-old sister. “But do not kill us please,” she said, addressing the virus. Even Farah’s father Mohamed Nur Farah has stopped chewing, after 20 years. He’s spending time with his family instead – to general astonishment. “I am helping my wife in cooking,” he said proudly. “I never helped her in household chores before.”
  7. At least 20 people have been killed in southern Somalia day in clashes between militia from rival clans fighting over land, officials and witnesses said Thursday. Tensions between fighters from the Owrmale and Puntlandersten clans some 30 kilometres (17 miles) outside the southern port city of Kismayo, have been rising in recent weeks. “The fighting intensified today and 20 people from the two sides were killed and a dozen others including civilians wounded. This is a horrible situation which needs to be stopped,” Abdikarin Mohamed, a local government official from the area, told AFP by phone. “The dead bodies are strewn in the battle zone and civilians are fleeing as the fighting (which) affected several villages. We have been informed twenty people died and more than that were wounded during the past three days,” said Adan Jama, a local elder in Kismayo. Somalia President Mohamed Abdullahi Farmaajo called on both sides to show restraint and end the bloodshed. “I call on the brotherly people who are fighting in the western Kismayo to stop the bloodshed urgently and unconditionally,” The president said in a statement published by national news agency SONNA. “It is unfortunate today people are fighting within themselves instead of uniting to fight Al-Shabaab terrorists and liberate their territories,” he added, referring to the Al-Qaeda linked Islamists who carry out regular attacks in the country. Intra and inter-clan clashes are common in Somalia, many relating to land disputes and water resources. Source: AFP
  8. The U.S. announced on Thursday it will provide $7 million to help Somalia deal with the COVID-19 outbreak. “The U.S. Government is providing $7 million in humanitarian and health assistance to #Somalia for #COVID19 response,” read a tweet by the Somalia chapter of the United States Agency for International Development (USAID). “This assistance will primarily provide health-related support and supplies to bolster water and sanitation activities,” said the USAID Somalia. Somalia has five confirmed COVID-19 cases so far, with no deaths, and one recovery, according to figures compiled by the U.S.-based Johns Hopkins University. The data shows the coronavirus has now spread to 180 countries and regions since first appearing in Wuhan, China last December. Nearly 942,000 cases have been reported worldwide, with the death toll above 47,500, and 202,000 recoveries, according to the data.
  9. Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Soomaaliya (NISA) ayaa u hanjabtay wariyaha caanka ah ee Haaruun Macruuf oo ka tirsan laanta afka Soomaaliga ee idaacadda VOA-da. Bayaan kooban oo NISA soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayey ku sheegtay in ay tallaabo ka qaadayso Haaruun Macruuf oo ay tilmaantay in uu leeyahay xiriiro khatar ku ah amniga Qaranka. NISA oo aan xusin waxa ay ku eedeynayso Wariye Haaruun Macruuf, ayaa hay’adaha dowladda ku wargelisay in ay ka feejignaadaan xiriirkiisa. “NISA waxay talaabada sharciga ah ee ku haboon ku qaadaysaa Harun Macruf, oo leh xiriiro khatar ku ah amniga Qaranka, kuna kacay falal ka baxsan anshaxa warbaahinta. Waxaan hay’adaha dalka la wadaagaynaa iney ka feejignaadaan xiriirkiisa, soona wargaliyaan laamaha amniga Qaranka” ayaa lagu qoraalka NISA. Wariye Haaruun Marcuuf ayaa soo jeediya barnaamijka todobaadlaha ah ee Galka Baarista ee ka baxa VOA-da, kaas oo lagu soo bandhigo xogo qarsoon. Wariye Haaruum Macruuf Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Deni ayaa horey loogu eedeeyey in ay si adag u xakamaysay madax bannaanida saxaafadda iyo guud ahaan xuquuqda xorriyadda hadalka. PUNTLAND POST The post NISA oo u hanjabtay Wariye Haaruun Macruuf appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’add Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay inay “tallaabada ku habboon ee sharciga ah ka qaadeyso” weriye Haaruun Macruuf oo ka mid weriyayaasha ka howl-gala laanta Af-Soomaaliga ee VOA. Qoraal ay soo dhigtay barta twitter-ka ayey NISA ku sheegtay in Haaruun Macruuf uu “leeyahay xiriiro khatar ku ah amniga qaranka, kuna kacay falal ka baxsan anshaxa warbaahinta,” sida lagu sheegay qoraalka. Qoraalka ayaan intaas ku daray “Waxaan hay’adaha dalka la wadaagaynaa iney ka feejignaadaan xiriirkiisa, soona wargaliyaan laamaha amniga qaranka.” NISA waxay talaabada sharciga ah ee ku haboon ku qaadaysaa Harun Macruf, oo leh xiriiro khatar ku ah amniga Qaranka, kuna kacay falal ka baxsan anshaxa warbaahinta. Waxaan hay’adaha dalka la wadaagaynaa iney ka feejignaadaan xiriirkiisa, soona wargaliyaan laamaha amniga Qaranka. — NISA (@HSNQ_NISA) April 2, 2020 Qoraalka NISA ma bixin wax faah-faahin oo ku saabsan xiriirada lagu eedeeyey Haaruun Macruuf iyo waxa ay yihiin. Haaruun Macruuf ayaa waxa uu caan ku yahay in inta badan uu ka warramo arrimaha amniga, gaar ahaan kooxda Al-Shabaab iyo weerada ay fuliso, isaga oo qoray buug si gaar ah uga hadlaya Al-Shabaab. Waxa uu sidoo kale leeyahay barnaamij sameeya baaritaanada oo lagu magacaabo “Galka Baarista”, kaasi oo marar badan baahiyey, banaankana soo dhigay xogo ka qarsoon shacabka, oo qaarkood ku saabsan musuq-maasuq ka dhex jira hay’adaha dowladda iyo gaabsi dhanka ah amniga ah oo ka muuqda hay’adaha amniga dowladda. Haaruun Macruuf weli kama jawaabin warka caawa kasoo baxay NISA. Hase yeeshee, waxaa cad in arrinta aysan ka marnaan doonin VOA oo uu ka shaqeeyo, maadaama ay tahay hay’ad ay leedahay dowladda federaalka Mareykanka.
  11. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Bar-___-Qumanaha-Warrak-a02042020.mp3 View the full article
  12. Dad badan ayaa ku nafwaayey dagaal beeleed maalmihii u dambeeyey ka dhacay gobolka Jubbada Hoose. Dagaalo xoogan ayaa Tallaadadii la soo dhaafay iyo maanta oo Khaamiis ahayd ka dhacay degaanada Fuuma iyo Guuni oo qiyaastii 35KM dhanka galbeed ka xiga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kaas oo u dhaxeeyey maleeshiyo beeleedyo ka soo kala jeeda labo beelood oo halkaas wada-dega. Dad ku sugan degaanadaas ayaa Puntland Post u sheegay in labadaas maalmood ay dagaaladaas ku dhinteen in ka badan 40 ruux, halka tiro kale oo badana ay ku dhaawacmeen. Dhaawacyadii dagaaladaas ka dhashay ayaa la kala geeyey degaanka Cabdala Biroole oo Talis ay ku leeyihiin ciidamada AMISOM iyo magaalada Kismaayo. Dagaalkii maanta ayaa iskiis u istaagay galinkii dambe, mana jirto ilaa iyo hadda cid kala dhexgashay dagaalka labadaas beeleed, inkastoo warar aan la xaqiijin oo aan helnay sheegayaan in Jubbaland galinkii dambe ee maanta halkaas u dirtay ciidamo. Dagaal beeleedkan oo dhowr jeer soo noqnoqday ayaa salka ku hayaa muran dhul-daaqsimeed. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalkaas dhiiga badan ku daatay. PUNTLAND POST The post In ka badan 40 qof oo ku dhintay dagaal beeleed ka dhacay Jubbada Hoose appeared first on Puntland Post.
  13. Baydhaba (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka gudubtay hal arrin oo ku heysay walaac xoog leh taas oo aheyd in aysan heysan kalsooni buuxda oo ay ku qabto sii heysashada maamulka Koonfur Galbeed. Dowladda Soomaaliya ayaa Koonfur Galbeed madaxweyne uga dhigtay Cabdicasiis Lafta-gareen balse waxay aaminsaneed maamulkaas oo aan laheyn madaxweyne ku-xigeen iyo baarlaman shaqeeya in uu Lafta-gareen is badali karo, kana hor-iman karo, halkaasna ay ku dhamaan doonto rajadii xukuumadda ee maamulkaasi. “Si loo adkeeyo kalsoonida aan ku qabno maamulkaas waxaa Fiqi ka dhignay guddoomiyaha baarlamaanka waana qof looga kalsooni ogyahay madaxweynaha, wixii hada ka dambeeya xaalku waa hagaagsan yahay, halka markii hore aan ka cabsi qabnay in madaxweynaha uu is badali karo ayna jirin meel kale oo tiigsano,” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya, islamarkaana qaabilsanaa la socoshada doorashada Koonfur Galbeed. Danjire Cali Saciid Fiqi oo ahaa safiirkii Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa saaxiib dhow la ah madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaana la aaminsan yahay in halkaas loo geeyay in lagula dagaalamo haddii uu mucaarad isu beddelo madaxweyne Lafta-gareen oo Xukuumadda Soomaaliya aysan ku qabin kalsooni buuxda maadaama Koonfur Galbeed aysan laheyn madaxweyne ku-xigeen awoodaha maamulkana ay hoos yaalaan madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka. Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa la aaminsan yahay inuu xiriir wanaagsan kala dhaxeeyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ay muddo dheer saaxiibo ahaayeen, sidoo kalane ay iska warqabaan madaxda kale ee Xisbiyada waana sababta Xukuumaddu ugu aragtay in ay awoodaheeda ku ballaariso Koonfur Galbeed. Saameyn weyn ma yeelan doorashadii shalay ka dhacday Baydhabo waxayna hadal heynteed aad ugu yareed baraha bulshada iyo warbaahinta, maadaama horey loo sii ogaa natiijada.
  14. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa tacsi u diray qoyska iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha u naxariistee Siciid Ducaale oo ka tirsanaa Xulka Qaranka ee Kubadda Cagta iyo Kooxda Horseed. Marxuumka ayaa ku geeriyooday magaalada Cadan ee dalka Yemen, waxaana lagu sheegay war kasoo baxay Villa Somalia in Madaxweyne Farmaajo uu khadka teleefanka kula xiriiray marwadii iyo qoyska uu ka baxay halyeeygii Xulka Qaranka ee Kubadda Cagta iyo Kooxda Horseed marxuum Siciid Ducaale, waxuuna uga tacsiyeyay geerida marxuumka. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in marxuum Siciid Ducaale uu ahaa ciyaaryahan magac iyo sharaf u soo hoyay Xulkeenna Qaranka Soomaaliya iyo kooxihii uu matalay ee gudaha iyo dibadda. “Innaa Lilaahi wa innaa Ilayhi Raajicuun. Alle ha u naxariisto halyeey Siciid Ducaale, qoyska, Qaranka iyo guud ahaan bahda Isboortiga Soomaaliyeedna ha ka siiyo samir iyo iimaan”ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Villa Somalia. Allaha u naxariistee Siciid Ducaale ayaa usoo ciyaaray Xulalka Qaranka Soomaaliya iyo dalka Yemen, waxuuna sidoo kale mar usoo cayaari jiray kooxda Horseed iyo kooxo kale oo ka kala dhisan dalalka Imaaraadka Carabta, Masar iyo Yemen.
  15. Language barriers are preventing critical information about the COVID-19 pandemic from reaching many Edmonton newcomers in low-income housing, warn advocates. Source: Hiiraan Online
  16. Muqdisho (SMN) – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku tilmaamay murugo iyo uur-ku-taallo dirirta sokeeye ee ka taagan deegaanno hoos taga magaalada Kismaayo, waxa uuna ku baaqay in si deg-deg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo colaadda iyo dhiigga macna la’aanta ku daadanaya ee beelaha walaala ah dhexmaraya. “Innaa Lillaahi waa inaa Ileyhi raajicuun. Waa arrin aan la aqbali karin in colaad ay ka soo cusboonaato dad walaalo ah oo maanta loo baahnaa in ay u midoobaan la dagaallanka argaggixisada Al-shabaab iyo ka xoraynta deegaannada ay joogaan”. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay waxgaradka iyo odeyaasha dhaqanka deegaannadaas, culimada iyo dhallinyarada joojinta dhiigga daadanaya ee dadka walaalaha ah. Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu u rajaynayaa caafimaad deg-deg ah dhammaan intii ku waxyeelowday dirirtan, waxa uuna Jannatul Firdowsa Alle uga baryey dadkii rayidka ahaa ee naftooda ku waayey colaaddan. View the full article
  17. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa shirkadaha duullimaadyada ee Fly Dubia iyo Air Arabia ku amartay in aysan kasoo degi karin garoomada deegaanadeeda. Somaliland ayaa diyaaradaha shirkadahaas ku eedeysay in ay u hoggaansameen amarkii ay dowladda federaalka Soomaaliya ku joojisay duullimaadyadii caalamiga ahaa. War qoraal ah oo kasoo baxay hey’adda madaarada Somaliland ayaa lagu sheegay in shirkadahaas lagu war gelinayo in aysan soo caga dhiga karin garoomada diyaaradaha Somaliland ilaa amar dambe. Somaliland qoraalka ay kasoo saartay duullimaadyada shirkadahaas si cad uguma shaacin sababta ka dambeeysa, balse ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in xukuumaddu ku tuhuntay shirkadahan in ay u hoggaansameen amarkii dawladda Soomaaliya, kaas oo lagu hakiyey dhamaan duullimaadyadii caalamiga ahaa ee imaan jiray dalka, iyadoo markii dambena joojisay kuwii gudaha, si looga hor tago faafidda cudurka Coronavirus. Labadaas shirkadood ee Fly Dubia iyo Air Arabia waxaa laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta, waxuuna dalkaasi joojiyey dhamaan duullimaadyada diyaaradaha rakaabka ah. Waxaa xusid mudan in shirkadda Ethiopia Airline aysan joojin oo weli ka degto magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, halkaas oo ay keento rakaab kuwo kalena ay ka qaado, iyadoo inta badan isku socodkii dunida loo hakiyey cabsida sii kordheysa ee Coronavirus.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa baaq deg dega ah kasoo saaray dagaal beeleedka ka socda duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. In ka badan 50 qof ayaa toddobaadkan ku naf weysay dagaal beeleedkan soo noqnoqdey oo ka socda deegaanada Fuuma, Kooyaamo iyo Jiiroole oo qiyaastii 30 ilaa 50 km dhanka galbeedka uga beegan magaalada Kismaayo. Madaxweyne Farmaajo ayaa murugo iyo uur-ku-taallo ku tilmaamay dagaalka sokeeye ee ka socda deegaanno hoos taga magaalada Kismaayo, waxuuna ku dhinacyada dagaalamaya ugu baaqay in si deg-deg ah oo shuruud la’aan ah ay u joojiyaan colaadda iyo dhiigga macna la’aanta ku daadanaya ee beelaha walaala ah dhexmaraya. “Innaa Lillaahi waa inaa Ileyhi raajicuun. Waa arrin aan la aqbali karin in colaad ay ka soo cusboonaato dad walaalo ah oo maanta loo baahnaa in ay u midoobaan la dagaallanka argaggixisada Al-shabaab iyo ka xoraynta deegaannada ay joogaan”ayaa lagu yiri warkan oo goor dhaw kasoo baxay Villa Somalia. Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay waxgaradka iyo odeyaasha dhaqanka, culimada iyo dhallinyarada deegaannadaas, in ay ku baxaan joojinta dhiigga daadanaya, isagoo caafimaad u rajaynayaa dhamaan intii ku waxyeelowday dagaal beeleedkaas oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday deegaano duleedka ka ah magaalada Kismaayo. Dagaalka ayaa waxaa la sheegay in maanta ay wax yeelo xoog leh kasoo gaartay, dad aan ku jirin dhinacyada dagaalamaya oo ku noolaa deegaankaas, waxaana haatan Kismaayo ka socda dadaalo aan sidaas u weyneyn oo lagu doonayo in lagu kala dhex galo beelaha halkaas ku dagaalamaya.
  19. Before the coronavirus hit, Muna Nur Farah had started to hate her husband. He’d slink into their home in the Somali capital Mogadishu at 3:00am with empty pockets, his money squandered on the narcotic leaf khat. Source: Hiiraan Online
  20. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Gaalkacyo, ayaga oo xal u raadinaya khilaafka siyaasadeed ee Galmudug. Xubnaha oo isugu jira Senatarro iyo Xildhibaano ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaan Cabdisaabir Shuuriye, Mahad Salaad, Axmed Macallin Fiqi, Senator Cabdi Axmed Dhuxulow iyo Senator Yuusuf Geelle Ugaas. Xubnahan ayaa waxaa Gaalkacyo soo dhaweeyay mas’uuliin uu horkacayo Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, maamulka degmada, Odoyaasha dhaqanka iyo qeybaha kale ee bulshada. Wafdiga Xildhibaannada ee ka amba baxay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug ayaa isku dayay inay Axmed Ducaale Geelle Xaaf, oo weli sheeganaya madaxweynaha Galmudug ay ku qanciyaan inuu u tanaasulo Qoor Qoor. Xildhibaanada Mucaaradka ee ka soo horjeeday doorashadii Axmed Qoorqoor ayaa dhowaan tagay Dhuusamareeb ayaa taageeray qorshaha dib u heshiisiinta ee uu waday Madaxweynaha Galmudug, si dhammaan dadka reer Galmudug uga shaqeeyaan danaha deegaanada iyo isku duubinada meelna la iska dhigo khilaafaadka, si Galmudug loogu soo dabaalo horumar iyo nabadgelyo. Qoor Qoor ayaa la sheegay inuu doonayo in Xaaf uu si rasmi ah xilka ugu wareejiyo, taasi oo ah sababta aan illaa hadda loo caleemo-saarin laba bil kadib markii la doortay.
  21. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Habeen-02042020.mp3 View the full article
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, ayaa ka hadlay geeridii naxdinta lahayd ee shalay ku timid ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde oo shalay ugu geeroyooday dalka UK xanuunka COVID-19. Mustaf Dhuxulow oo ka mid ahaa wasiiradii la soo shaqeeyay xukuumaddii Nuur Cadde ayaa ka sheekeeyay wanaaga uu lahaa Nuur Cadde, isaga oo ku tilmaamay astaan u taagneyd qaranka Soomaaliya. “Allah ha u naxariisto marxuumka, waxa uu ahaa nin aad u wanaagsan, ay ka go’an tahay in umadda Soomaaliyed ay heshiiso, a iskuna keeno, wadajir iyo walaaltinimo ku wada noolaato, dalkana uu dhismo,” ayuu yiri Mustaf Dhuxulow oo sheegay in Nuur Cadde uu ahaa siyaasi muhiim u ahaa umadda Soomaaliyeed. “Nuur Cadde waa la soo shaqeeyay, waxaana ahaa wasiirkiisa beeraha. Waxaan xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumaddii uu hogaamin jiray, markii uu siyaasada ku soo biiray waxaa ka go’neyd in dalkan uu yeesho dowlad, ciidamadii Itoobiya ee joogay dalka hormuud ayuu ka ahaa in ay ka baxaan Muqdisho iyo dalka, in ay heshiiyaan garabkii Asmara iyo dowladii KMG aheyd ee Cabdullaahi Yuusuf qeyb wayn ayuu ku lahaa, ”ayuu Mustaf Dhuxulow. “Heshiiskii maxkamadaha in uu dhaqan galo, dowlad cusub la dhiso, in gobolka Banaadir uu u dhiso mamul ay soo doortaan dadaka Muqdisho ee golaha deegaanka, oo markaas dhibaato gaar ah ay haysatay in uu dhibaatadii ka dul qaado, iyo arrimo kale oo muhiim ah ayuu ka shaqeeyey.” “Maamulkaas markii uu dhisay hadduu shaqayn lahaa, waxaan oran lahaa maanta ma jiri lahayn arrinta Muqdisho iyo maqaamkeeda, oo maanta hadallo kulul la isku waydaarsado saxaafadda.” Mustaf Dhuxulow ayaa sheegay in shirkii Jabuuti uu Nuur Cadde uga tanaasulay xilkiisa, waxa uuna sheegay in marxuumka ay deeqday dowladnimada, asaga oo tusaale u soo noqday asaga oo ra’iisal wasaare soo noqday in uu haddana noqday safiir, taasi oo uu ku macneeyay in marxuumka uu ahaa waddani. Mustaf Dhuxulow ayaa uga dambeyn uga tacsiyeeyay umada Soomaaliyeed geeridii ku timid Nuur Cadde. W/Q: Cabdixakiin Cilmi Xasan cabdixakiin441@hotmail.com Nairobi, Kenya
  23. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa shirkaddaha Fly Dubia iyo Air Arabia ku amartay in aanay ka soo degikarin garoomada Somaliland. Warqad qoraal ah oo loo diray shirkadahan ayaa loogu sheegay in laga joojiyay Isticmaalka Garoomada Somaliland. Sababta looga joojiyay Xukuumaddu ma caddayn laakiin warar qaar ayaa sheegaya in xukuumaddu ku tuhuntay shirkadahan in ay u hoggaansameen amarkii dawladda Soomaaliya. Waddanka Imaraadka Carabta oo labadan shirkadoodba laga leeyahay ayaa iyagu joojiyay dhammaan Diyaaradaha Rakaabka. Waxa xusid mudan in shirkadda Ethiopia Airline weli aanay joojin rakaabka ay keento kana qaado Hargeysa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  24. (SLT-Washington)-Wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday taageero lacageed oo loogu talagalay wax ka qabashada iyo ka hortagga cudurka Coronavirus oo adduunka oo dhan ku haaya fara ba’an, dad kumanaan qof ay u geeriyoodeen. Lacag gaadheysa 274 Milyan oo gargaar degdeg ah iyo kaalmo bani’aadanimo ayuu Mareykanka ugu deeqay dalalka baahida weyn u qaba si ay ula tacaalaan cudurkan. Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ku sheegtay in Soomaaliya ay lacagtaas ka heli doonto 7 milyan oo doollar. Lacagtan ayaa lagu bixin doonaa arrimaha caafimaadka iyo biyaha, si wax looga qabto, waana kaalmadii u horreysay ee Mareykanka u balan-qaada Soomaaliya, kaddib uu caalamka ka dillaacay cudurka saf marka noqday ee Coronavirus. Soomaaliya ayaa dhawaan dalbatay lacag gaadheysa 5-milyan oo dollar, si wax looga qabto cudurka Coronavirus, waxaana dowladdu ku dhawaaqday illaa saddex kiis oo cudurka, kaasoo mid ka mid ah markii dambe laba baadhitaan isku xiga oo la marsiiyay, isla markaana 14 maalmood meel ku karantiilnaa laga waayay cudurka, lana fasaxay. Source