Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Jamaame (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta degmada Jamaame ee gobolka Jubada Hoose ku toogatay lix qof oo lagu eedeeyey inay basaasiin u yihiin dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee dowlad goboleedyada dalka ka jira. Qoraal lagu baahiyey warbaahinta Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in “maxkamad islaami ah” ay fulisay xukun dil ah oo lagu soo oogay lixdan qof, oo sida la sheegay “basaasiin u ahaa” sirdoonnada dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada dalka. Nin qaadi u ah Al-Shabaab, oo warbaahintooda ay soo xigteen, ayaa sheegay in lixdan qof ay uu xukunkoodu uu yahay “xaddu-riddah” oo ah in la dilo, sida uu hadalka u dhigay. Ragga maanta la dilay ayaa magacyadooda iyo dhinacyada ay “u shaqeynayeen” lagu sheegay: 1 – Maxamada Iidow Aadan oo loo yaqaano Tareeso, oo lagu eedeeyey inuu u shaqeynayay sirdoonka dolwadda federaalka ee Soomaaliya. 2 – Aadan Cabdullaahi Xaaji Aadan Boorow, oo lagu eedeeyey inuu u shaqeynayay sirdoonka dowladda federaalka. 3 – Cusmaan Cabdulle Afrax, oo lagu eedeeyey inuu u shaqeynayay sirdoonka dowladda federaalka. 4 – Xassan Hafow Saney, oo lagu eedeeyey inuu u shaqeynayay sirdoonka maamulka Jubbaland. 5 – Maxamada Cali Madkeerow (Qoryooley), oo lagu eedeeyey inuu u shaqeynayay sirdoonka maamulka Koonfur Galbeed. 6 – Hilowle Bashiir Aadan, oo lagu eedeeyey inuu u shaqeynayay sirdoonka maamulka Koonfur Galbeed. Toogashadan ayaa timid wax ka badan laba toddobaad un markii Al-Shabaab ay sidoo kale fagaare weyn oo ku yaal magaalada Bu’aale ee Xarunta gobolka Jubbada dhexe ay ku toogatay illaa 6 qof oo ay ku sheegtay inay basaasin u yihiin dowlado shisheeyeye iyo Dowladda Soomaaliya. Inta badan dadka Al-Shabaab ay toogato ee lasoo eedeeyo ayaan helin nidaam caddaaladeed iyo qareeno u dooda inta badan, waxaana xukunkooda mar kasta lagu gooyaa qirasho la sheego inay sameeyaan.
  2. Muqdisho (SMN) – Waxaa caawa si rasmi ah uga dhaqan-galay magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho bandowgii ay soo rogtay dowladda. Goobaha ganacsiga, isu socodka dadka iyo gaadiidka ayaa joogsaday, waxaana hubiyey in uu fulay bandowga mas’uuliyiin kala duwan. Bandowga oo bilowday labada fiidnimo ayaa wuxuu ku eg-yahay lixda aroornimadda, sidda uu sheegay Taliska Booliska Soomaaliyeed. Talaabadan ayaa qeyb ka ah ololaha looga hortagayo in fayruska Corona uu ku faafo magaaladda xili kiisaska la xaqiijiyey ay sii marayaan 80 xaaladood. Wasaaradda Caafimaadka ayaa dadweynaha ka codsatay in ay u hogaan-samaan talooyinka loo jeediyey ee ku saabsan xakameynta cudurka dilaaga ah. View the full article
  3. Wasaaradda caafimaadka iyo dayeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa goordhow shaacisay kiisas ku soo kordhay xanuunka Coronavirus kuwaas oo dhowaan dalka laga diiwaa geliyey 60 kiis War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda caafimaadka ayaa lagu sheegay in 24-kii saacadood ee la soo dhaafay ay dalka ku soo kordheen 20 kiis oo xanuunka COVID-19 ah taas oo tirada guud ee kiisas xanuunka ka dhigeyso 80. Wasaaradda ayaan cadeynin 20 kiis ee cusub goobaha laga kala diiwaan geliyey. Warka qoraalka ah ee ka soo baxay wasaaradda caafimaadka ayaa sidoo kale lagu yiri wasaaradda waxaa ay shacabka ugu baaqeysaa in qodkii isku arko xaalada xanuunka ah uu meel gaar isku karaantiilo. Tirada guud ee kiisas ka xanuunka Coronavirus ee dalka waa 80 kiisa. Wasaaradda ayaa sheegtay 20 kiis in ay yihiin kuwo cusub. Waxaa bogsooday 2 kiis. Dhimashada ayaa gaartay ilaa 5 kiis oo COVID19 ah. Kiisaska cusub ee xanuunka Coronavirus ee wasaaradda ay shaacisay ayaa ku soo aadaya iyadoo maalinba maalinta ka dambeyso bulshada dhexdeeda laga dareemayo cabsida la xiriirta xanuunka Coeronavisus magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaana ah goobta ugu badan ee laga diiwaan geliyey kiisaska. GoobjoogNews Source: goobjoog.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in wasaaradda lasoo gaarsiiyey kiiska eedeymo la xariira kufsi laba gabdhood loogu geystay deegaanka Jannaale ee gobolka Shabeellada Hoose. “Wasaaraddu waxay cambaareynaysaa falkaas foosha xun oo xad gudubka ku ah diinta Islaamka, xeerarka ciqaabta ciidanka xoogga dalka iyo dhaqanka Soomaaliyeed, waxaana baaris ku wada falkaas, maxkamadda ciidamada qalabka sida,” ayaa lagu yiri qoraalka, Sidoo kale warkan kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in cidii ay ku cadaato eedeymahaas kufsiga ah la marsiin doono ciqaabta ay mudantahay. Ugu dambeyntii qoraalka wasaaradda gaashaandhigga ayaa lagu yiri, “Wasaaraddu waxay cadeyneysaa in cidna aan loogu dul qaadan doonin ficillada foosha xun ee nuucaan oo kale ah, isla markaana la hor keeni doono cadaaladda, kuwa geysta falalka arxan darrada ah”. Bilaawgii bishan ayey aheyd markii ay soo baxday eedeyn ah, in askar ka tirsan ciidanka militeriga Soomaaliya ay ee dhawaan Al-Shabaab kala wareegay Jannaale ay laba gabdhood oo midi aad u da’yartahay ay ku kufsadeen halkaas, kuwaas oo maalmo kadib la keenay magaalada Muqdisho, si loola tacaalo xaaladooda caafimaad.
  5. Muqdisho (SMN) – Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay inay geeriyoodeen sedax qof oo kamid ah dadkii uu gudaha dalka ku helay cudurka COVID-19, taas oo tirada guud ee dhimashada ka dhigeysa 5 ruux. Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya, Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa warbxinta maalinlaha ah ee arrimaha COVID-19 ku sheegtay in sidoo kale la diiwaan geliyay labaatan xaaladood oo cusub. Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaaray 80 xaaladood. Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa ugu baaqday dadka Soomaaliyeed inay si saxan u qaataan talooyinka caafimaad ee qaybta ka ah qorshaha xakameynta cudurka maadaama uu si xawaare leh dalka ugu faafayo, muhiimna ay tahay in laga wada shaqeeyo bed-qabka umadda. Dowladda Soomaaliya oo daryeelka bulshada uu u yahay muhiimadda Koowaad ayaa dadaal xooggan ugu jirta xakameynta cudurkaan COVID-19 ee dhibaatada badan ku haya caalamka. View the full article
  6. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in 24 saac ee la soo dhaafay la diiwaan geliyay 20 xaalad iyo 3 geeri oo Covid-19. War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in 24-kii saac ee damabaysay ay soo kordheen 20 xaaladood oo cusub, balse lama sheegin dadkaasi meesha ay kaga sugan yihiin dalka. “Kadib baaritaan xaqiijineedyo cusub oo la sameeyay 24-kii saacadood ee dumabaysay, waxaa soo kordhay 20 xaaladood oo cusub, taas oo ka dhigaysa tirada guud ee xaaladaha la xariira Caabuqa COVID-19, 80 xaaladood” ayaa lagu qoraalka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya. Sidoo kale Wasaaradda Caafimaadka ayaa xaqiijisay in 24-kii saac ee la soo dhaafay ay geeriyoodeen 3 qof oo ka mid ah dadkii uu gudaha dalka ku helay Cocid-19, taas oo tirada guud ee dhimashada ka dhigeysa 5 ruux. Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa bulsahda kula dardaarmaysa inay taxadaraan, guryahoodana joogaan. PUNTLAND POST The post Soomaaliya: Tirada dadka u dhintay iyo kuwa uu ku dhacay Covid-19 oo korortay appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa warbixin cusub waxay kasoo saartay xaalada Coronavirus ee dalka. Hoos ka akhriso bayaanka Warbixin Cusub: Xaaladda Corona ee Dalka Wasaaradda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada iyadoo gudanaysa waajibka ka saaran inay la wadaagto bulshada Soomaaliyeed hadba waxii kasoo kordha xaalada Caabuqa COVID-19, waxay idinla wadaagaysaa qodobadan: > Kadib baaritaan xaqiijineedyo cusub oo la sameeyay 24kii saacadood ee dumabaysay, waxaa soo kordhay 20 xaaladood oo cusub, taas oo ka dhigaysa tirada guud ee xaaladaha la xariira Caabuqa COVID-19 80 xaaladood. > Waxaan bulsahda kula dardaarmaynaa inay taxadaraan, guryahoodana joogaan dadka da’da ahna si gaar ah uga taxdaraan. > Haddii aad isku aragto calaamadaha Caabuqa COVID-19, isku karatiil meel gaar ah, kana fogow xubnaha kale ee qoyska, lana xariir 449 si laguu siiyo talo caafimaad. Tirada guud kiisaska la xaqiijiyay: 80 Kiisaska cusub maanta: 20 Tirada Bogsootay: 2 Tirada Dhimashada: 5 View the full article
  8. Puntland ayaa kordhisay bandowgii saaran guud ahaan magaalooyinka Puntland, sidoo kale soo rogtay awaamiir cusub. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Guddiga Puntland u qaabilsan diyaar garowga iyo ka hortagga Covid-19 oo Guddoomiye u yahay ku shir guddoomiyey hab maqal iyo muuqaal ah. “Waxaan galabta qaab maqal iyo muuqaal ah kulan kula qaatay Guddiga diyaar-garowga iyo ka hortagga Covid-19, Waan bogaadinayaa illaa iyo hadda shaqada socota, oo runtii aan ku ammaanayo guddi hoosaadka sida joogtada ah ee ay shaqada u wadaan tan iyo markii aanu howshan bilownay. Halista Cudurkan waa mid ka muuqata adduunka iyo sida uu u saameeyay, sidaasi darteed ka Dowladd ahaan si aan dadkayaga u badbaadino waxaan goor horeba bilownay oo xoogga saarnay wacygelinta iyo ka hortagga cudurkan” ayuu yiri madaxweyne Deni. Madaxweynaha Puntland oo hadalkiisa siiwata ayaa yriri “Dadweynaha Puntland anoo ku amaanaya siday ugu hoggaansameen awaamiirta Dowliga ah, waxaan hadana ugu baaqaya in ay qaataan talooyinka Hay’addaha Caafimaadka”. Kulanka waxaa kasoo baxay in muddo kordhin bandow la sameeyay, waxaana lagu kordhiyey muddo 14 cisho in uu sii socon doono bandowga saaran guud ahaan magaalooyinka Puntland. Waxaa sidoo kale la joojiyey Jimcaha iyo Jaamacada in Masaajidda lagu tukado si loo illaaliyo badqabka caafimaad ee dadka. PUNTLAND POST The post Puntland oo joojisay Jimcaha iyo Jaamacada Masaajidda appeared first on Puntland Post.
  9. Somali Journalists Syndicate (SJS) expresses its extreme concern by the arrest of Goobjoog Media deputy director, Abdiaziz Ahmed Gurbiye by the Somali police in Mogadishu on Tuesday 14 April 2020 and calls for his immediate release. According to Goobjoog Media director, Hassan Mohamed Mohamud, Police summoned and arrested Mr Gurbiye on Tuesday at 9.a.m at the Hodan Police Station. Meanwhile SJS has reviewed a Banadir Regional Court letter dated 14 April and had the reference of arrest and charge order from the Attorney General’s Office, which had ordered the arrest of Mr Gurbiye under Article 220 of the Somali Penal Code which states “offending the honour or prestige of the head of the state”. Mr Hassan Mohamed Mohamud, the Goobjoog director has told SJS that they were not informed about specific reason of their colleague’s arrest. SJS notes that the arrest of Goobjoog Media deputy director is not only a threat against constitutionally granted freedoms but will be a stumbling block in ensuring that citizens are informed of all important emerging issues including to the current emergency of Covid-19. “We are concerned about the arrest of Goobjoog Media deputy director, Abdiaziz Ahmed Gurbiye amid the journalists are on the frontline on the fight against COVID-19,” Abdalle Ahmed Mumin, Secretary General of Somali Journalists Syndicate (SJS) said “We call for the Somali government for his unconditional release.” SJS also calls Somali authorities to end the ongoing ban on Goobjoog Media Group from covering all sports facilities by the Ministry of Youth and Sports, which was enforced by the Somali Football Federation (SFF) on 9 April. Goobjoob News Source: goobjoog.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa caawa xaqiijisay in ay geeriyoodeen seddax qof oo kamid ah dadkii uu gudaha dalka ku haleelay cudurka COVID-19, waxayna gaartay tirada guud ee dhimashada shan qof. Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa warbxinta maalinlaha ah ee arrimaha COVID-19 ku sheegtay in sidoo kale maanta la diiwaan geliyay 20 xaaladood oo cusub. Tirada guud ee kiisaska laga diiwaan geliyay dalka oo dhan ayaa hadda gaartay 80 xaaladood oo Coronavirus ah, ayada oo ay muuqato in cudurka uu sii fidayo. Wasiirka Caafimaadka Fowsiya Abiikar ayaa mar kale ka dalbatay bulshada in ay si saxan u qaataan talooyinka caafimaadka, kuwaas oo ay sheegtay in qofka ay ka kaalmeyn karaan in uu ka badbaado cudurkan. Ugu dambeyntii waxa ay sheegtay wasiir Fowsiyo in dadaal xoog leh ay ugu jiraan sidii loo xakameyn lahaa cudurka COVID-19 uu haatan u muuqda mid si xowli ah bulshada ugu sii dhex faafaya.
  11. Gudiga Puntland u qaabilsan ka hortaga iyo Wacyigalinta Xanuunka Corona Virus oo Madaxweyne Saciid Cabdullaahi uu shirgudoominayay ayaa isku raacay in 14maalmood la kordhiyey Bandowga [...] Source
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa waxa uu shacabka iyo ciidamada usoo jeediyey talooyin ku aadan bandowga caawa 8-dii habeenimo ka billaabanaya magaalada Muqdisho. Qoraal uu bartiisa facebook soo dhigay ayuu Thaabit ku yiri “Madaama uu caawa Bandoow u bilaabanayo dadka ku nool magaalada Muqdisho, waxaa muhiim ah inuu jiro taxadar ballaaran oo dhinac walba ah. Waa iney shacabkeenu xusuusnaadaan in Bandoowgu ay keentay xaalad duruuri aha” ayuu yiri. Thaabit ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed aysan horay u aqoon bandow, si lamid ah ciidamada dowladda Soomaaliya iyaguna aysan horay weli u dhaqan gelin bandow, taas oo uu tilmaamay in dhibaato ka imaan karto hadii aan laga taxadarin. “Waxaan fahmi karnaa waxa ka imaan kara shacab aan horey bandoow u arag iyo ciidan aan iyaguna horey u fulin howl bandoow ah, sidaa darteed waxaan ciidanka fulinaya Bandoowga ugu baaqayaa iney shacabka si wanaagsan ula macaamilaan oo ay ogaadaan ujeeddada loo soo rogay bandoowga iney tahay NAF-BADBAADIN,” ayuu yiri guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir. Thaabit Cabdi ayaa sidoo kale askarta kula dardaarmay in aan shacabka loo adeegsan rasaas iyo wax kale oo hor seedi kara dhibaato hor leh. “Waa inaan shacabka loo adeegsan rasaas si loo xareeyo, taas oo haddii ay dhacdo keeni karta khasaaro ka badan midkii loo socday in la yareeyo. Waan wada ognahay in dhowr jeer ay dhimasho ka dhalatay muran dhex maray askar iyo shacab, sidaa awgeed inta lagu jiro bandoowgan askartu ha foojignaato, ha dhimriso, oo yaaney khasaaro cusub horseedin, maadama ay jiri karto duruuf lagama maarmaan ah oo muwaadinka ku qasbeysa in uu soo baxo” ayuu qoraalkiisa ku yiri. Ugu dambeyntii duqii hore ee Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa codsi uu shacabka reer Muqdisho u soo jeediyey waxa uu ku yiri, “Shacabka waxaan ka codsanayaa iney awaamiirta ciidanka u hoggaansamaan oo aaney abuurin jawi isfaham-darro ah oo ay guryahooda gaaraan ka hor saacadda u bilaabanayo Bandoowga. Mar walba oo si wadajir ah loo shaqeeyo waxey suuragelisaa in ujeedka la gaaro”.
  13. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-habeen-15042020.mp3 View the full article
  14. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa maanta gebi ahaanba ka laabatay go’aankii ay hore ugu joojisay in lagu tukado Masaajida deegaanadeeda, kaasi oo dhaqan galayey maanta, kadib markii ay si adag uga hadleen Culimada ugu caansan Somaliland. Culimada Somaliland ayaa si adag uga hor-yimid xidhida Masaajidyada, xili ay furan-yihiin dhamaan goobihii Dadweynaha, isla markaana uu deegaanadeeda si maalinle ah u yimaado Qaadku, kaasi oo uga yimaada dalka Itoobiya oo cudurka Coronuhu uu faro ba’an ku hayo. Sheekh Khaliil, Wasiir Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo maanta warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in uusan jirin Go’aan ay ku xidhayaan Masaajidyada, iyada oo hore ay Guddiga u diyaar garowga iyo ka hortaga cudurka COVID-19 ee Somaliland uu soo saaray go’aan lagu joojinayo in lagu tukado Masaajidda. Wasiirka ayaa sheegay in sidii caadiga ahaa loogu tukan doono Masaajidyada, midaasi oo ka dhigan in Xukuumada Muuse Biixi ay ka laabatay go’aankii hore ee ay ku xidhaysay Masaajidyada, kaasi oo dhaliyay cadho dadweyne. Somaliland ayaa inta badan lagu dhaliila inaysan qaadin talaabooyin si dhab ah looga hortagayo cudurka dunida ku faafay ee Coronavirus, xili deegaanadeedana laga helay 5-kiis oo la xidhiidha cudurkaasi, midaasi oo sarre u sii qaadeysa cabsida laga qabo in gudaha Somaliland uu si weyn ugu faafo cudurkaasi.
  15. Wasaarada Waxbarashada Puntland ayaa iyada oo ka duulaysa Xaalada Caafimaad ee Dalka waxay dib u dhigtay imtixaanada Fasalada 8aad iyo kan dugsiga sare looga baxo [...] Source
  16. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi ayaa dhowaan cafis Madaxweyne u fidiyay maxaabiis badan oo tiradoodu dhameyd 574-maxbuus oo ku xidhnaa jeelasha Somaliland, si looga hortago faafida cudurka dunida faraha ba’an ku haya ee Coronavirus ama Covid-19. Xukuumada Somaliland ayaa la soo waraniyaa in tiro leeg maxaabiista uu Madaxweyne Muuse Biixi xabsiyada kasii daayey ay usoo wareejisay xabsiyadooda muddo labo todobaad gudahooda, iyada oo boqolaal kalena la soo xidhay, midaasi oo meesha ka saareysa dhimista maxaabiista ku xidhan jeelasha Somaliland, maadama uu si fudud ugu dhex faafi karo cudurka Coronavirus. Ciidamada Somaliland ayaa muddo labo todobaad ku siman waxa ay xabsiyadii ay kasii daayeen Maxaabiistii cafiska loo fidiyay kusoo wareejiyeen maxaabiis badan, midaasi oo meesha ka saareysa ujeedkii laga lahaa cafiska Madaxweynaha oo aheyd in jeelasha laga dhimo maxaabiista ku xidhan si uu saameyn xun ugu yeelan cudurkaasi sida fudud ku faafaya. Hay’adda Horizon ee ka shaqeysa arrimaha sharciga iyo xuquuqul insaanka ayaa tirakoob ku sameeysay Maxaabiista ay Xukuumada Somaliland kusoo wareejisay xabsiyadii laga sii daayey kuwii ku xidhnaa, ayaa waxay sheegtay inaysan weli suurta-galin in la dhimo Maxaabiista badan ee hal meel kuwada xidhan, midaasi oo natiijo la’aan ka dhigeysa cafiskii uu fidiyay Madaxweyne Biixi. “Haddii ujeedada ka danbaysa cafiska 574 maxaabiista ah uu ahaa in la dhimo tirade maxaabiista, weli may suurtoobin arrintaasi. Dadka xukuman ee ku jira saldhigyada booliska, sababta loo geeyayna ahayd in meel looga waayey xabsiyadu, lagumana darin cafiskan. Hadda waxa loo wareejiyey xabsiyada, iyaga oo lagu buuxinayo qolalkii kuwii hore laga sii daayey. Illaa 1-dii April 2020, waxay xabsiyadu qaabileen Maxaabiis badan” ayaa lagu yiri Warbixinta Hay’adda Horizon. “Xabsiga Hargeysi waxa uu qaabiley ku dhawaad 250 maxaabiis oo cusub oo laga keenay saldhigyada booliska. Xabsiga Mandheera oo 250 ka mid ah lagu siidaayey cafisku, waxa uu qaabilay ku dhawaad 200 maxaabiis cusub ah, oo ay ku jiraan 129 laga soo wareejiyey Xabsiga Hargeysa, saldhigyada booliska Hargeysa iyo degmooyinka Gobolka Saaxil. Intooda badan waa carruur. Xabsiga Boorama 15 kaliya ayaa la cafiyey halka ay ka qaabileen ku dhawaad 50 maxaabiis cusub ah oo ay kujiraan ku wadaad 20 garsugeyaal ahi. Xabsiga Gabiley waxa uu qaabiley 15 maxaabiis cusub ah oo ay kujiraan 3 haween ah oo laga soo wareejiyey saldhigga Daloodho ee Hargeysa” ayey intaasi kusii dartay warbixintaasi. Sidoo kale waxa ay Hay’addu sheegtay in cafiska Madaxweynaha kadib xabsiyada lagu xidhay Maxaabiis cusub oo loo haysto dambiyo fudud oo aan mudneyn, iyada oo ay diiwaan gelisay Hay’addu tiro kiisas cusub oo u baahan kaalmo sharci oo ku xidhan saldhigyada booliska Hargeysa, sida ay ku sheegtay Warbixinta ay soo saartay. Horizon ayaa ugu dambeyntiina Madaxweynaha Somaliland ugu baaqay in uu soo saaro wareegto uu ku cafinayo Maxaabiis kale oo ku xidhan jeelasha Somaliland, si loo dhimo Maxaabiista kuwada xidhan halka meel, midaasi oo meesha ka saareysa in cudurka Coronavirus uu si fudud ugu dhex faafo gudaha Xabsiyada oo aan laheyn nidaam nadaafadeed oo hagaagsan.
  17. Tan iyo Markii Bandowga lagusoo rogay Puntland waxaa adkaadey in la xakameeyo Shacabka si ay ugu hogaansamaan Sharcigaan cusub ee Magaalooyinka lagu xakamaynayay si looga [...] Source
  18. MOGADISHU (HOL) - Former President Hassan Sheikh Mohamud has termed the arrest and detention of Goobjoog Media Group journalist as an assault to democracy noting the country was sliding into dictatorship. Source: Hiiraan Online
  19. GAROWE (HOL) - A cleric who claimed to cure COVID-19 infected patients in Puntland is facing prosecution for what authorities said amounted to misleading the public. Source: Hiiraan Online
  20. Waxaa maalinkii labaad Magaalada Muqdisho ku xiran tifaftiraha Warbaahinta Goobjoog Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo shalay looga yeeray saldhigga Degmada Hodan Isla markana weli u xiran amar ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya. Xarigga Suxufiga ayaa waxa cambaareyay dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada, Xildhbaanno ka kala tirsan Labada aqal, wasiirro, weriyaal iyo siyaasiyin xilal kala duwan hore uga so qabtay dalka. Dowladda Soomaaliya weli si toos ah ugama hadlin xarigga weriyaha ka tirsan Goobjoog oo maanta loo sii gudbiyay Xabsiga dhexe, iyadoo aysan dhicin garmaqalka dacwaddiisa. Maaaamulka Goobjoog Media Group oo kal hore war-saxaafadeed ka soo-saaray xarigga Cabdicasiis Gurbiye ayaa si kulul u cambaareeyay kuna tilmaamay xarigga wariyaha mid baal markan sharciga isla markana oo aan loo soo marin sifo sharci ah. Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiekh Maxamud, oo ka ka hadlay xariggga Suxufiga aya shegay in aan la joogin waqti lo hanjabo lana xiro saxaafadda madaxanaan. “In loo hanjabo oo la xiro saxafiyiinta si loo aamusiyo, ma caawineyso Dimuqraadiyadda dalkeena aan jecelnahay ee Soomaaliya. Xariga weriyaha weyn Mr. Gurbiye, kana tirsan Goobjoog waa calaamad muujineysa dhaqan kelitalisnimo oo socda.” Sidaas waxaa yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Dhanka kale Senator Iliyaas Ali Hasan oo ka tirsan aqalka sare aya codkiisa ku biiray dadaallada lagu dalbanayo in la sii daayo Weriye Gurbiye. Siyaasiyiin hore oo Dalka xilla ka soo qabtay, Weriyaal iyo Hey’adaha caalamiga aya si Wadajir ah u cambaareeyay sababta xorriyadda looga qaaday Weriye Cabdicasiis Gurbiye oo Dowladda Somaliya weli u xiran haddana aan la faah-faahin sababta ka damabysa xariggiisa. Guddomiyaha Xisibiga Wadanjir. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsane oo ka hadlay xariggga Weriyaha aya yiri “Hey’adda RSF oo u doodda xorriyatul qowlka ayaa sheegtay in la heli karay qaabab kale oo loola macaamiilo iyada oo an la xiirn, balse Dowladda Somaliya ay ku deg-degtay xariggiisa. Cabdicasiis Gurbiye oo ah Tifatiraha Goobjoog aya shalay la xiray, Habeenkii 2aad ayu ku xiranyahay Muqdisho, maanta ayaa loo sii gudbiyay Xabisga dhexe iyada oo an la xukumin balse Maxkmadda la geeyay. Jacfar Maxamed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Allah unaxariistee Fanaankii Caanka ahaa Cumar Cabulle Shooli ayaa maanta lagu aasay gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, oo habeenimadii xalay uu ku geeriyooay, aska loo sameeyey ayaa waxaa ka soo qeyb galay Abwaanno Wariyaal Masuuliyiin kala duwan iyo qeybaha bulshada. Allah u naxariistee Cumar Cabulle Shooli ayaa ka tirsanaa hobaladii qaranka Waaberi waxaana lagu magaabijiray madaalihii hobolada Waaberi fanaanka xalay ayuu ku geeriyooday Isbitaalka Aadan Cadde oo muddooyinkii dambe uu ku xanuunsanaa maanta ayuuna la geeyey gurigiisii rasmiga ahaa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Dr. Xasan Sheekh Cali Nuur oo ah bare cilmiga siyaassadda ka dhiga jaamacadda umadda Soomaaliyeed oo GoobjoogTV la hadlay ayaa sheegay in sharci darro ay tahay in la xiro qof aan cadeyn lagu heynin waxaana uu intaas ku daray in muwaadinka la xiro karo markii dambigiisa cadeyn lagu helo sida uu qabo dastuurka dalka u yaallo. Source: goobjoog.com
  23. Kooxo hubeysan ayaa deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho ku dilay askar ka tirsan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya. Qolyaha askarta dilka u geystay ayaa ahaa dhalinyaro ku hubeysanaa Bastoolad kuwaas oo toogtay laba askari xili ay ku sugnaayeen Ceelasha biyaha, qolyihii dilka geystay ayaagoobta isaga baxsaday ka dib toogashada askarta. Ciidamado ka tirsan dowladda oo goobta soo gaaray ayaa ka qaaday meydka askartii la dilay iyagoo sidoo kale halka wax ka dhaceen ka sameeyey baaritaanno lagu ogaanayey qolyihii dilka geystay lakiin lama sheegin cid loo qabtay. Duleedka Muqdisho ayaa waxaa badanaa ka dhaco dilal qorsheysan oo loo geysto ciidamada iyo weerarro lagu dilo inta badan ciidamo iyo saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Hargeysa (Caasimada Online) – Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Faarax oo ka mid ah Salaadiinta Somaliland ayaa markii u horeysay ka hadlay khilaafka soo kala dhex-galay Odayaasha dhaqanka iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, ee salka ku haysa midnimada umadda Soomaaliyeed. Suldaan Cumar ayaa si weyn u maagay Madaxweyne Biixi, isagoona sheegay in Madaxweynaha aysan islaheyn hadalada uu ku hadlo iyo waxyaabaha uu fuliyo, maadama uu si hoose ula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya, xili uu bulshada reer Somaliland u sheego inay ku garnaqsanayaan fagaaro caalami ah oo loo dhan yahay. Suldaanka ayaa sidoo kale waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in qaar kamid ah Odayaasha dhaqanku ay dhaafan xayndaabkooda, iyaga oo ka gudbay sida uu sheegay xuduudka Somaliland, xili ay ku baaqeen Midnimada umadda Soomaaliyeed iyo in laga qeyb geliyo wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya. Waxa kale oo uu sheegay Suldaanku in xiligan loo baahneyn in Somaliland ay wada-hadal la furto dowladda federaalka, maadama ay dhinaca Soomaaliya ka socdaan dad uu ku sheegay inay u qalmin in la horfadhiisto oo lagala hadlo qadiyada Somaliland oo ay kamid yihiin Dr Baadiyoow iyo Guul-wade, waa sida uu hadalka u dhigaye. Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Faarax oo warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu yiri “In badan baan ka aamusnaa Somaliland-tii is haysatay iyo Siyaasiyiintii isku khilaafsanaa siyaasaddaba, waxa i soo kiciyey ee aan ka hadlayaa waxa weeyaan Masiirkii Ummadda ayaa la taataabtay, taasaa igu keliftay inaan hadalkan u soo ban-baxo”. “Dalka waxa ugu sarreeya Madaxweynaha, Muuse Biixi, oo Madaxweyne ka ah dalka, hadalladiisa iyo Ficilkiisuna isma laha, markuu Bulshada la hadlayo wuxuu leeyahay Madal loo dhan yahay oo Adduunku wada fadhiyo ayaanu ku gar-naqsanaynaa, haddana Maqsin madow buu la gelayaa Nimankii (Reer Soomaaliya), laba Arrimood oo is leh Maaha, ta Dadka shaki gelinaysaana waa taa, dhuumasho dhabarku muuqdana looma baahna”. Wuxuuna intaas sii raaciyey “Dadkana waxa shaki gelinaya labadaa dhacdo ee is-barbar yaalla, Madaxweynaha waxaan leeyahay labada Arrin kala reeb, ama meesha Madow ku adkayso ama ballankaa aad dadka u qaadayso ku adkayso, weliba waxaan anigu door-bidayaa inaad ku adkaysato ballankaa aad Dadka u qaadayso”. “Somaliland sideedaba waxay ku caano maashay dhaqan, dhaqan bay halkaa ku soo gaadhay, dhaqan baa dhismaheeda lahaa, Dadka imika ku fadhiya Kuraasta leexaysanaysa waxa u fududeeyay inay Kuraastaa ku fadhiistaan dhaqan (Madaxda Dhaqanka), dhaqankaasi wax badana wuu soo qabtay, haddii Allaah yidhaahdana wax badan oo kalena wuu qaban doonaa”. “Waa wax aad loogu murugoodo ah in odayaasha qaarkood ay galeen Xuduud aan loo baahnayn, xuduudkaa aan loo baahnayn waxa weeyaan, ilaalinta Somaliland baanu isku ogayn ee iskumaanu ogayn inay Xuduudka Somaliland ka tallaabaan”. “Anigu waxaan qabaa inaan xilligan loo baahnayn Wada-hadal, Waayo? Dadka la diyaariyey inay Somaliland la hadlaan maaha Dad u qalma in la hor fadhiisto, Dr. Baadiye iyo kii Guul-wade in la hor-fadhiistaa waa Mabnuuc oo Qadiyadda Somaliland lagala hadlaa” ayuu yiri ugu dambeyntii Suldaan Cumar. Odayaasha dhaqanka Somaliland ayaa u muuqda kuwo u kala jabay labo garab oo midkood uu rabo in dib loo soo nooleeyo midnimadii Soomaaliya, halka kuwa kalena ay weli ku dhagan-yihiin gooni isku taaga Somaliland, oo muddo 30-sanno ah loo baadi-goobayey aqoonsi caalami ah oo weli laga gaarin natiijo wax ku ool ah.