-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Garowe (Caasimada Online)-Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray amar uu ku mamnuucayo dhoofinta Birta, Maarta iyo Macaadinta kale ee deegaanada maamulka Puntland. Warqadda kasoo baxday Xaafiiska Madaxweyne Deni ayaa lagu socod dhamaan wasaaradaha xukuumadda Puntland iyo taliska booliska Puntland. “Waxaa dhamaan wasaaradaha iyo taliska ciidanka booliska ee sida tooska ah ay waqadani ugu socoto lagu wargelinayaa in laga bilaabo maanta la joojiyay dhoofinta Birta, Maarta iyo Macdanka” ayaa lagu yiri qoraalka. Taliska ciidanka Booliiska Puntland, ayaa si gaar ah loogu amray in uu tallaabo sharci ah ka qaado, cid kasta oo lagu qabto dhoofinta Birta, Maarta iyo Macdanta. “Sidaas darteed waxaa taliska ciidanka Booliska la farayaa in cidii lagu qabto laga qaado tallaabo sharciga waafaqsan”ayaa lagu yiri warqadda kasoo baxday xaafiiska madaxweyne Deni. Qoraalkan kuma cadda sababta ka dambeysa in Madaxweyne Deni uu soo saaro amarkan lagu mamnuucayo dhoofinta Birta, Maarta iyo Macdinta oo sida la sheegay loo dhoofin jiray dalka dibadiisa.
-
Dagaalamayaasha Al shabaab ayaa waxa ay fagaaro ku yaalla degmada Jamaame ee gobalka Jubbada hoose ku toogteen 6 qof oo ay ku eedeeyeen inay ahaayeen basaasiin la shaqeynaysay dowladda federaalka Soomaaliya sida ay hadalk u dhigeen. Goobta ay toogashadu ka dhacday ayaa waxaa isugu yimid boqolaal dadweyne ah, waxaana raggaan ay Shabaab sheegeen inay si dhow ula shaqeyn jireen sirdoonka dowladda Soomaaliya iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka ka jira. Ragga Al shabaab ay toogteen ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Maxamada Iidow Aadan, Aadan Cabdullaahi Xaaji, Cusmaan Cabdulle Afrax, Xassan Hafow Saney, Maxamada Cali Madkeerow iyo Hilowle Bashiir Aadan. Goobaha ay dalka kaga suganyihiin Al shabaab ayaa waxa ay sidan oo kale uga fuliyaan dilal kala duwan oo ay ku fuliyaan dad ay ku eedeeyaan inay xiriir la leeyihiin dowladda Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Tifaftiraha Goobjoog News oo ku xiran amar ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ee Farmaajo, kuna xiran xabsiga dhexe ayaa lagu soo waramayaa in halkaasi uu ku wajahayo xaalad khatar caafimaad ah maadaama wariyaha uu xanuunsanayo. Badqabka maxabiista ee Coronvirurs , iyada oo laga fakarayo ayaa kol hore madaxwaynaha dowladda federaalka uu sheegay in uu cafis u fidiyay Maxabiista ku xiran xabsiga dhexe. Weriye Cabdicasiis Gurbiye oo xanuusan ayaa isaga oo garmaqalkiisa dacwaddiisa aan la dhagaysan waxaa loo dhaadhiciyay xabsiga Dhexe , taas oo culeys ku sii keeni karta caafimaadka Weriyaha. Qolalka xabsiga dhexe oo Maxabiista ay aad isugu dhow yihiin ayaa dhaqaatiirta waxa ay sheegayaan in taas ay keeni karto faafida Covid 19 oo kiisas hore leh laga helay dalka sida Wasaaradda Caafimaadka ay sheegtay. Ururada u dooda xoriyada hadalka iyo kuwo aadanaha ayaa si wadajir ah ugu baaqaya in xoriyaddiisa la siiyo Weriye Cabdicasiis Gurbiye oo si sharciga baalmaran ugu xiran dowladda Soomaaliya. Tifaftiraha Goobjoog ayaa maalinkii saddexaad u xiran amar ka soo baxay madaxweynaha Soomaaliya, waxaana siyaasiyiin, xildhibaano, ururada u dooda saxaafadda xorta ah iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ay xarigga wariye Gurbiye ku tilmaameen mid lagu caburinayo xoriyatul qowlka iyo saxaafadda xorta ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Beledweyne (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxa ay sheegayaan in ciidamo uu wato guddoomiyaha dhawaan la magacaabay ee gobolka Hiiraan ay saakay la wareegeen xarunta maamulka ee degmada Beledweyne. Ciidamadii uu watay guddoomiyaha cusub ee gobolka Cali Jeyte Cusmaan ayaa si nabad ah kula wareegay xarunta maamulka gobolku uu ku leeyahay degmada Beledweyne, sida ay Caasimada Online u sheegeen xubno ka tirsan maamulka degmada Beledweyne. Horay waxaa la sheegay in xarunta maamulka gobolka ay ugu sugnaayeen ciidamo daacad u ahaa guddoomiyihii kasoo hor jeestay in uu xilka wareejiyo Cali Maxamed Caraale. Xubnaha aan la hadalnay waxa ay sheegeen in qorshaha guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan uu saakay ahaa in si xoog ah uu kula wareego xarunta maamulka, balse ciidamadii ku sugnaa ee daacadda u ahaa guddoomiyihii hore Caraale ay isku dhiibeen guddoomiyaha cudub Cali Jeyte. Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa 30-kii bishii hore ee Maarso xilka ka qaaday guddomiyihii gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale, balse Caraale ayaa kasoo hor jeestay xilka qaadistaas, isagoo ku tilmaamay qeyb ka mid ah ololaha doorashada soo socota ee Hir-Shabeelle sharcina aysan aheyn. Waxii maalintaas ka dambeeyay gobolka Hiiraan ayaa galay is qabqabsi maamul oo u dhaxeeyay guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay Cali Jeyte Cusmaan iyo guddoomiyihii xilka laga qaaday Cali Maxamed Caraale. Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte ayaa laga soo bilaabo sanadkii 2016-kii mudo seddax jeer ah loo magacaabay guddoomiyaha gobolkaas.
-
Wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay eedeymo kufsi ah oo loo jeediyay askar ka tirsan ciidanka xoogga kuwaas oo todobaadyo ka hor la wareegay deegaanka Janaale ee gobalka Shabeelaha hoose. Wasaaraddu waxa ay sheegtay inay socdaan baaritaano ku aaddan sax ahaanshiyaha in ciidan ka tirsan xoogga ay gabdho Soomaaliyeed ku kufsadeen deegaanka Janaale oo Al shabaab ay ka talin jireen. Dhanka kale wasarsaxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in maxkamadda ciidamada qalabka sida ay waddo baaritaanno ku aaddan dhacdadaasi. Ciidanka dowladda ayaa inta badan waxaa lagu eedeeyaa inay kufsi ka gesytaan deegaanada ay kala wareegaan dagaalamayaasha Al shabaab. Halkan ka akhriso warsaxaafadeedka Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismayo ( PP News Desk) — Al-shabaab executed yesterday six men for spying for the Federal Government of Somalia, Jubaland and South West State. Al-shabaab court in Jamaame district put six men on trial and sentenced them to death by firing squad in public. Al-shabaab authorities in Jamaame urged locals to witness the execution of the men in the town square. Al-shabaab-affiliated media stated Aadan Cabdullaahi Xaaji Aadan Boorow, Maxamada Iidow Aadan and Cusmaan Cabdulle Afrax were “found guilty of spying for the Federal Government of Somalia”. Maxamed Iidow Aadan and Hilowle Bashiir Aadan “were convicted of working for South West State intelligence servicel. Al-shabaab “found the sixth man, Xassan Hafow Saney, guilty was of spying for Jubaland State”. Al-shabaab is facing intense pressure from drone attacks. Its counter-intelligence unit, amniyat, arrested fifteen men in Lower Jubba and Upper Jubba regions. Nine of the men were released. Al-shabaab prosecutors presented at the hearings devices the six men were allegedly using to gather and send intelligence about Al-shabaab leadership and operational capabilities. © Puntland Post, 2020 The post AL-SHABAAB EXECUTES SIX MEN FOR ESPIONAGE IN JAMAAME appeared first on Puntland Post.
-
The US military on Wednesday denied killing a Somali civilian in a strike last week against Al-Shabaab militants, providing rare details of its operations against the jihadist group affiliated with Al-Qaeda. Source: Hiiraan Online
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) –Ahlu-Sunna Waljamaaca ayaa cadeysay in aysan jirin wax heshiis ah oo dhexmaray iyaga iyo dowladda federaalka ama maamulka Madaxaweyne Qoor Qoor toona. War-saxaafadeed uu soo saaray Sheekh Maaxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah hoggaanka sare ee ururkaas ayaa eedeymo badan loogu soo jeediyay dowladda federaalka. “DFS waxa ay xoogga saartay burburinta heshiiskii taariikhiga ahaa ee Jabuuti, si ay meesha uga Ahlu-Sunna Waljamaaca, ayna gobollada dhexe ugu abuurto kooxaha xagjirka ah ee Al-Shabaab iyo Daacish, iyadoo ka dhistay maamul aan loo dhameyn, kana turjumeyn labadii maamul ee horay u midoobay”ayaa lagu yiri qoraalkan kasoo baxay hoggaanka Ahlu-Sunna. War-saxaafadeedkan ayaa sidoo kale lagu yiri, “Waxaan cadeyneynaa in uusan jirin heshiis ay gaareen ASWJ, DFS iyo maamulka ay dowladdu uga dhistay Galmudug sida dul saarka ah ee laga keenay Muqdisho.” Ahlu-Sunna ayaa qoraalkan ku sheegtay in aysan qeyb ka aheyn dhismaha maamul ee dowladda federaalku ay ka wado Galmudug, waxayna ugu baaqeen bulshada reer Galmudug in ay u istaagaan ka hortagga waxa ay ku sheegeen kooxaha xagjirka ee kusoo duulay dalka, sida lagu yiri qoraalka. “ASWJ waxa ay mar kasta diyaar u tahay in bulshadeeda ay ka badbaadiso in lagu dhex faafiyo afkaarta xagjirka ah si aysan bulshada dhexdeeda uga dhalan afkaarta is qarxinta iyo is gaaleysiinta”ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay hoggaanka Ahlu-Sunna. Ugu dambeyntii qoraalkan Ahlu-Sunna waxa ay ku sheegtay in beesha caalamka iyo umadda Soomaaliyeedba ay u cadeynayso in DF iyo cid kasta oo ku gacan siisay ay ka shaqeeyeen burburinta Galmudug iyo in dagaal lala galo ASWJ si ay fursad ugu siiyaan Al-Shabaab in ay dib ugu soo laabtaan deegaanadii ay ASWJ ka xoreysay 12-sano ka hor, sida lagu yiri qoraalka, balse Ahlu-Sunna aysan aqbali doonin arintaas mas’uuliyad xumadii ka dhalatana ay qaadaneyso dowladda federaalka.
-
(SLT-Hargeysa)-Suldaanka guud ee Beesha bariga Burco, Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cali Muuse, ayaa ka digay tafaraaruqa iyo kala fogaanshaha, waxaanu ku taliyey in mar walba maslaxadda laga taliyo. Suldaanka guud ee Beesha barriga Magaalada Burco Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali Muuse, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay aragtidiiisa ku waajahan xanuunka Coronavirus, iyo khatartiisa, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Waan ducaynayaa, waxaana u ducaynayaa umadda muslimiinta ah meel kasta oo ay dunida ka joogaan, waxaana ugu ducaynayaa inuu ALLE ka badbaadiyo cudurkan xun, ciddii uu hayo ee u jiiftana inuu ALLE ka caafimaadiyo, adduunyadu waa imtixaan, ee ALLE xaqa mar walba ha ina wafaajiyo, ALLE isaga ayaa leh 12 ka biloodba, laakiin bisha Ramadaan waa bil ka duwan bilaha kale, waana bishii ALLE dartii loo soomayey, ee bishiina khayr qaba, camal suuban iyo cibaado suuban ALLE ha inagu gaadhsiiyo, wanaaga iyo ajarkuna wuxuu ku jiraa in dadka masaakiinta ah la quudiyo, qof walba wixii karaankiisa ah wax ha taro dadka masaakiinta ah”. Mar uu Shacabka baaq u diraayey wuxuu yidhi “Colaadi iyo dagaal dhib iyo khasaare mooyee wax faa’iido ah oo ay leeyihiin ma jiraan, ee ALLE ta roon mar walba ha ina wafaajiyo, oo jidka toosan ha inagu rido mar walba, ee tafaraaruqa aynu ka dheerano, wax kasta oo dhib keenayana aynu iska ilaalino, oo aynu masalaxada mar walba ka talino” Dhinaca kale wuxuu Suldaan Cabdilaahi ku baaqay in la qaato tallooyinka iyo wacyigelinta la wado ee ku saabsan ka hor taga xanuunka Coronavirus. Source
-
Muqdisho (SMN) – Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa degaanka Jamaame ee gobolka Jubadda Hoose waxay ku dileen lix qof oo ay ku eedeeyeen in ay jaajuus u ahaayeen dowladda Soomaaliya iyo qaar kamid ah maamulada. Warbaahinta internet-ka ee ku hadasha afka xarakada ayaa sheegtay in goobta lagu fuliyey dil wadareedka ay joogeen shacab fara badan. Hoos akhriso magacyadda shaqsiyaadka la toogtay Maxamada Iidow Aadan oo loo yaqaano Tareeso, waxaa lagu eedeeyay in uu la shaqeynayay Sirdoonka Dolwadda federaalka. Aadan Cabdullaahi Xaaji Aadan Boorow, waxaa lagu eedeeyay in uu la shaqeynayay sirdoonka Dowladda federaalka. Cusmaan Cabdulle Afrax waxaa lagu eedeeyay in uu la shaqeynayay Sirdoonka Dowladda federaalka. Xassan Hafow Saney waxaa lagu eedeeyay in uu la shaqeynayay sirdoonka maamulka Jubbaland. Maxamada Cali Madkeerow (Qoryooley) waxaa lagu eedeeyay in uu la shaqeynayay Sirdoonka maamulka Koonfur galbeed. Hilowle Bashiir Aadan waxaa lagu eedeeyay in uu la shaqeynayay Sirdoonka maamulka Koonfur Galbeed. Marka laga soo tago sheegashadda Al-Shabaab, ma jiro wax jawaab ah oo eedeyntaas ay kasoo saareen dhinacyadda la tilmaamay in ay la shaqeynaayey xubnahaas dilka toogashadda lagu filay shalay oo Arbaco ahayd. View the full article
-
Source
-
Muqdisho (SMN) – War-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya ayaa looga hadlay kufsi dhawaan ka dhacay deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelada Hoose oo lagu eedeeyay ciidanka milatariga Soomaaliya ee ku sugan deegaankaasi. Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa war-saxaafadeedka ay soo saartay ku sheegtay in wasaaradda ay soo gaartay dacwadda kiis kufsi ah oo loo geystay laba gabdhood,kaas oo ka dhacay Janaale. Sidoo kale wasaaradda gaashaandhiga ayaa warka kasoo baxay ku cambaareysay falkan kufsiga ah oo wasaaradda ay ku tilmaantay mid xad gudub ku ah diinta Islaamka,xeerka ciqaabta ciidanka xooga dalka iyo dhaqanka Soomaaliyeed. Si kastaba ha’ahaatee, wasaaradda gaashaandhiga Soomaaliya ayaa sheegtay in maxkamadda milatariga ee ciidamada qalabka sida ay wado baaris ku aadan kiiskan kufsiga ah ee ka dhacay deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelada Hoose. Wasaaradda ayaa dhinaca kale balan qaaday in ay ciqaab marsiin doonto cid walba oo ay ku cadaato eedeynta kufsigan lagu kala kacay labo gabdhood oo deganaa deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelada Hoose. Falalka kufsiga ee ka dhacaya koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa inta badan soo noq noqda,waxaana soo badanaya kiisaska kufsiga ee lagu kala kaco gabdho da’yaar aad u yar oo ay kamid yihiin labo gabdhood oo lagu kufsaday degmada Afgooye ee gobolka Shabeelada Hoose. View the full article
-
(SLT-Garoowe)-Maamulka Puntland ayaa xalay ku dhawaaqay in la joojiyay salaadaha jamaca lagu tukado ee masaajidada iyo ta jimcaha, iyadoo kaliya masaajida laga aadaamayo lagana aqiimayo. Go’aankaan ayaa lagu xusay war kasoo guddiga ka hortagga cudurka coronavirus, waxaana amarkaan uu dhaqan galayaa maanta oo khamiis ah oo ku beegan 16-ka bisha April, illaa amar dambe ayuu socon doonaa. Waxaa kale oo warkaan lagu sheegay in la kordhiyay bandowga habeenimo ee saaran magaalooyinka Puntland, kaasoo markii hore ku eekaa shalay arbacadii, balse waxaa la kordhiyay muddo laba toddobaad ah. Puntland waxay xustay in aanay jirin wax kiisas ah oo ku saabsan cudurka Coronavirus oo laga diiwaan galiyay degaanadeeda, iyadoo sii xoojisay tilaabooyinka lagula dagaalamayo Qaadka iyo wax kasta oo horseedi kara faafitaanka cudurka. Source
-
Kooxda Al-shabaab ayaa Arbacadii Shalay Dil-wadareed ku fulisay, lix nin oo ay ku eedaysay in ay basaasiin u ahaayeen dowladda Soomaaliya, Jubaland iyo Koonfur Galbeed. Al-shabaab ayaa raggaas ku laayay fagaare ku yaalla degmada Jamaame ee gobolka Jubada Hoose, kadib markii maxkamadda Al-shabaab ee Jamaame ay amar ku bixisay in dil-wadareed lagu fuliyo, maadaaama ay ku eedaysay basaasiin. Kooxda ayaa dadka degaanka oo ay ku jiraan carruur iyo haween, waxay ku amartay in ay u soo daawasho tagaan qaabka loo fulinayo dil-wadareedka, si loogu cabsi geliyo falkaas argagaxa leh. Warbaahinta Al-shabaab, ayaa saddex kamid ah shakhsiyaadka dil-wadareedka lagu fuliyay, waxay magacyadooda ku sheegtay Aadan Cabdullaahi Xaaji Aadan Boorow, Maxamada Iidow Aadan iyo Cusmaan Cabdulle Afrax oo dhammaantood Al-shabaab ku eedaysay in ay la shaqeynayeen Sirdoonka dowladda Soomaaliya. Sidoo kale, Maxamed Iidow Aadan iyo Hilowle Bashiir Aadan oo kamid ah ragga la toogtay, ayay Al-shabaab ku eedaysay in ay basaasiin u ahaayeen dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, halka Xassan Hafow Saney ay ku eedaysay in uu ka tirsana Sirdoonka Jubaland. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo dil-wadareed ka fulisay degmada Jamaame ee gobolka Jubada Hoose appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Rag ku hubeysan bastoolado ayaa xalay, sidda la sheegay, waxay nin ganacsade ahaa ay ku dileen gudaha degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir gaar ahaan xaafada Tabakaaya-Madow. Marxuumka dilka loo geystay oo magaciisa lagu soo koobay Cabdullaahi ayaa sidda ay dadka degaanka u sheegeen Shabelle waxa uu ahaa ganacsade ka ganacsatada daawooyinka oo uu Farmashiye ku lahaa xaafada Tabakaaya-Madow. Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo gaarey meesha, iyagoo baaritaano ka sameeyay nawaaxiga goobta uu falka dilka ah ka dhacay. Goobjooge ku sugnaa xiliga falka uu dhacayay halkaas ayaa Shabelle uga waramay sidda ay wax u dhaceen. Lama ogga cidda ka dambeysa dilka marxuumka, balse dilkaan ayaa waxa uu qeyb ka yahay dilal soo laablaabtey oo xiliyadda qaar ka dhaca magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya. View the full article
-
Baydhabo (SMN) – Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa ganacsatada Soomaaliyeed uga digay in ay kordhiyaan maciishadda xili dalka uu ku jiro xaalad looga hortagyo Covid-19. Laftagareen ayaa sheegay in aysan habooneyn in ganacsatadu ay ka faa’iideystaan marxaladda lagu jiro isla markaana ay sarre u qaadaan qiimaha badeecooyinka xili uu sheegay in dowladda federaalka ay canshuur dhaaf u sameysay badeecooyinka kasoo dega dekada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Maalmihii lasoo dhaafay waxaa sarre u kac laga dareemayey qiimaha maciishada daruuriga ah oo saameyn ku yeelatay dadka danta yar, balse dowladda dhexe waxay shaacisay in canshuur dhaaf ay u sameysay badeecooyinka qaar gaar ahaan kuwa quutul daruuriga ee kasoo dega dekada Muqdisho. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Waxaa xalay guud ahaan caasimada ka dhaqan galay bandowgii dhawaan dowladu ay ku dhawaaqday ee xiliga habeenkii ah. Masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo taliska booliska Soomaaliya ayaa xalay u kuurgalay qaabka uu ku bilowday bandowga maadaama habeenkii ugu horeeyay uu ahaa. Masuuliyiinta howlaha shaqo ku tagay isgoosyada muhiimka ah ee caasimada waxaa kamid ahaa gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka gobolka, Maxamed Cabdulaahi Tuulax iyo taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Xijaar. Tuulax ayaa ugu horeyn la hadlay warbaahinta waxaana uu ka warbixiyay howsha bandowga sida ay ku socoto. Xijaar ayaa dhankiisa shacabka uga mahadceliyay sidda ay u qaateen awaamiirta dowlada, ciidankana waxa uu ku amaanay sidfa ay waajibaadkooda shaqo u gudanayaan. Bandowgaan xalay ka dhaqan galay Muqdisho ayaa salka ku haya ka hortag la doonayo in lagu xakameeyo faafitaanka fayruska Corona, oo haatan waddanka gaar ahaan Muqdisho ku sii faafaya. View the full article
-
(SLT-Muqdisho)-Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay inay geeriyoodeen 3 qof oo kamid ah dadkii uu gudaha dalka ku helay cudurka COVID-19, taas oo tirada guud ee dhimashada ka dhigeysa 5 qof. Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Soomaaliya, Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa warbxinta maalinlaha ah ee arrimaha COVID-19 ku sheegtay in sidoo kale la diiwaan geliyay labaatan xaaladood oo cusub. Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaadhay 80 xaaladood. Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa ugu baaqday dadka Soomaaliya inay si saxan u qaataan tallooyinka caafimaad ee qaybta ka ah qorshaha xakameynta cudurka maadaama uu si xawaare leh dalka ugu faafayo, muhiimna ay tahay in laga wada shaqeeyo bed-qabka umadda. Source
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka subax. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Subax-16042020.mp3 View the full article
