-
Content Count
213,099 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ceeldheer (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay qaadeen howlgal wadajir ah oo lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku sugnaa gobolkaas. Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa si gaar ah uga dhacay duleedka degmada Ceeldheer, iyada oo jab culus lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab. Saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ee hoggaaminayay howlgalka ayaa sheegay in la wareegeen deegaanka Cali yabaal oo qiyaastii 18 KM u jira degmada Ceeldheer, halkaas oo ay muddo ku sugnaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab. Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgalkooda, isla markaana ujeedkooda uu yahay in bariga gobolka Galgaduud ay ka xoreeyaan Al-Shabaab. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga degmada Ceeldheer. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka. Maalmihii lasoo dhaafay ciidamada huwanta ayaa howlgallo sifeyn ah ka waday gobollada dhexe, kuwaas oo lagu xoreeyay deegaanno badan oo hoostaga maamulka Galmudug. The post Ciidanka DF iyo Macawiisleyda oo maanta ku guuleystay qabashada degaan muhiim ah appeared first on Caasimada Online.
-
Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ay fuliyeen wax ay ugu yeereen weerar yoolkiisa la gaadhay oo ka dhacay meel ku dhow badhtamaha caasimadda Lubnaan ee Beirut. Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay in shan qof la dilay. Israa’iil ayaa soo saartay baaq cusub oo ku saabsan in dadka rayidka ah ay iskaga baxaan qeybo ka mid ah koonfurta Beirut – oo ah aagga ay ku badan tahay Xisbullah, halkaas oo inta badan weerarrada cirka ah lagu beegsado. Goor sii horreysay, warbaahinta Suuriya ayaa sheegtay weerar qorsheysan oo ka dhacay Dimishiq. Tani waa weerarkii ugu horreeyay ee Israa’iil ku dhufato meel u dhow badhtamaha Beyruut — dhowr mitir uun bar jirta baarlamaanka Lubnaan. Waxaa kaloo dhacay shan duqeyn kale oo xalay lala beegsaday bartilmaameedyo ku yaal xaafadda koonfureed ee Dahieh. Duqeymahaan ayaana yimid kadib markii Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ay sheegeen in sideed askari lagu dilay dagaal ka socda koonfurta Lubnaan, taasoo ah khasaarahii ugu horreeyay ee soo gaara tan iyo markii howlgalada dhulka ee ciidamada Israa’iil ay Lubnaan ka wado uu bilowday, sida ay sheegeen. Xisbullaah ayaa sheegtay inay burburiyeen taankiyada Israa’iil intii lagu guda jiray dagaalka waxayna ku adkeysatay inay haystaan rag iyo hub ku filan si ay dib ugu celceliyaan ciidamada Israa’iil. Ciidamada ayaa ku dhawaaqay in ciidamo infantry ah iyo ciidamo gaadiidka ay ku biireen howlgalka au ku doonayaan inay ku burburiyaan waxa ay ku tilmaameen “kaabayaasha argagixisada” ee tuulooyinka xuduudda Lubnaan. Duqeyntii ugu dambeysay ee xalay, saddex qarax ayaa laga maqlay Dahieh, oo ku yaal xaafadaha koonfureed ee magaalada. Waxaa kale oo jiray laba duqeyn kale oo lagu qaaday Dahieh, taasoo timid ka dib markii IDF ay dadka ku nool agagaarka kaga digtay in ay beegsanayaan waxa ay sheegeen inay yihiin xarumo ay leedahay Xisbullaah. Ka hor intaan la qaadin duqeyntii xalay, wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa sheegtay in 46 qof lagu dilay 85 kalena lagu dhaawacay duqeymaha Israa’iil ee 24-kii saacadood ee la soo dhaafay, iyada oo aan la kala soocin dadka caadiga ah iyo dagaalyahanada. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa u sheegay Golaha Ammaanka in rabshadaha ka socda Bariga Dhexe ay tahay in la joojiyo. Mr. Guterres wuxuu si xooggan u cambaareeyay weerarkii gantaallada baaxadda weyn ee Iran ay ku qaaday Israa’iil Talaadadii. Isagoo ka hadlaya kulan degdeg ah oo Golaha ka dhacay, wuxuu mar kale ka digay khatarta dagaal goboleed, isagoo sheegay in dababka ka socda Bariga Dhexe ay isu bedelayaan holac weyn. “Waa waqtigii la joojin lahaa silsiladda xun ee colaadaha is-daba joogga ah ee dadka Bariga Dhexe toos ugu halista aarsi kasta waxay u adeegaysaa marmarsiiyo tan xigta. Mana iska indho-tiri karno ku xadgudubka joogtada ah ee sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada. Silsiladdan qaniinyo baa qaniinyo kaa fujisada ah waa in la joojiyaa. Waqtiga ayaana gabaabsi ah.” Danjiraha Israa’iil u fadhiya qaramada Midoobay Danny Danon – wuxuu sheegay in baaqyada la jeedinayo ee ku saabsan in colaadda la dejiyo ay kaliya dhiirrigelisay Iran. Madaxweyne Biden ayaa sheegay inuusan taageersanayn weerar ay Israa’iil ku qaaddo goobaha nuclear-ka ee Iran, taas oo looga jawaabayo weerarradii gantaallaha ee Tehran ku qaaday Israa’iil Talaadadii. Wuxuu sidaas u sheegay wariyeyaasha isaga oo ku sugan Saldhigga Ciidan ee Joint Base Andrews ee Maryland, kahor inta uusan u ambabixin booqashada goobaha ay ku dhufatay Duufaanta Helene. Hadalka Mr. Biden ayaa yimid kadib markii Washington ay ballan qaaday inay la shaqeyn doonto Israa’iil si loo hubiyo in Iran ay wajahdo cawaaqib adag oo ka dhalanaya weerarka. Madaxweynaha Iran Masoud Pezesh-kiyan – oo booqasho ku jooga Qatar – ayaa sheegay in Tehran ay ku khasbaanatay inay jawaab bixiso. Waxa uu ka digay in haddii Israa’iil ay mar kale weerarto Iran, markaas Tehran ay bixin doonto jawaab tii hore ka daran. “Amniga gobolka waa amniga dhammaan Muslimiinta, mana doonayno wax dagaal iyo dhiig daadin ah. Tan iyo markii aan xilka madaxweynenimo qabtay, khudbaddayda kasta waxaan xoogga saarayey dadaalkeenna nabadda iyo amniga.” Waxa uu sidoo kale Israa’iil uga digay inay qaaddo tallaabo argoosi oo ka dhan ah Iran. “Qaran ama gobol midna horumar ma samayn karo iyada oo dagaal jiro. Waxaan ku khasbanaannay inaan ka jawaabno. Haddii Israa’iil go’aansato inay aargudato, waxay wajihi doontaa falcelin adag oo ka sii daran.” Source
-
Markabka Turkiga ee Oruç Reis ayaa lagu wadaa inuu u ambabaxo Soomaaliya dhammaadka toddobaadkan, sida uu sheegay wasiirka tamarta iyo kheyraadka dabiiciga ah Alparslan Bayraktar. Wasiirku waxa uu ku dhawaaqay hawl-galkan shir ka dhacay caasimadda Ankara 2-dii Oct. Tallaabadan ayaa waxay daba socotaa heshiis ay Turkiga iyo Soomaaliya kala saxiixdeen oo ku saabsanaa sahaminta karboonka saddex baloog oo loo qoondeeyay inay ka sameeyaan xeebaha Soomaaliya. Sida ku cad heshiiska la soo gabagabeeyey bishii Luulyo, Turkiye waxay yeelan doontaa xuquuq gaar ah si ay u sahamiso oo ay u soo saarto hydrocarbons ee baloogyada, kuwaas oo mid kastaa uu ku fadhiyo qiyaastii 5,000 kiiloomitir oo laba jibbaaran. Labo ka mid ah baloogyada ayaa ku yaal meel qiyaastii 50 kiiloomitir u jirta xeebaha Soomaaliya, halka ta saddexaadna ay ku taal meel 100 kilomitir ah xeebta. Oruç Reis wuxuu sameyn doonaa cilmi-baaris seismic socon doonta bilo, taas oo horseedi karta sahaminta, qodista iyo suurtagalnimada daahfurka, ayuu yiri wasiirku mar hore. Bayraktar oo heshiiska ku tilmaamay mid “tallaabo taariikhi ah” u ah labada dal ayaa sheegay in markabka ay la socdaan 50-shaqaale ah iyo shan markab oo taageero ah oo ku wajahan Soomaaliya. Source
-
Ugu yaraan 5 qof ayaa la dilay halka 8 kalena lagu dhaawacay duqeyn cirka ah oo ay Israa’iil ku beegsatay dhisme ku yaala badhtamaha magaalada Beirut ee dalka Lubnaan, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dalkaas. Dhismahan oo dabaqyo ka kooban oo ku yaala degmada Bashuurah ayaa waxaa ku yaala xarun caafimaad oo lala xirriirinayo kooxda Xisbullah. Waa duuqeyntii ugu horeysay ee ay Israa’iil ka geysato meel u dhow bartamaha Beirut, oo dhowr miitir u jirta baarlamanka Lubnaan. Tani ayaa imaaneysa kadib markii miletariga Israa’iil ay sheegen in sideed askari lagu dilay koonfurta waddanka Lubnaan, waxayna sheegeen inay tahay guul-daradoodii ugu horreysay tan iyo markii uu bilowday weerarka dhanka dhulka ee Israa’iil oo ka dhan ah kooxda Xisbullah. Xisbullah ayaa sheegtay inay burburisay taangiyo ay lahaayeen ciidamada Israa’iil intii uu socday dagaalka, iyadoo ay Xisbullah ku adkeysatay inay leedahay rag iyo hub dib u riixa ciidamada Israa’iil. Source
-
Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa sheegay in aanu taageereyn in Israa’iil ay weerar ku qaado xarumaha nukliyeerka ee dalka Iiraan, taas oo jawaab u noqon karta gantaaladii ay Iiraan salaasadii ku garaacday Israa’iil. Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in Israa’iiliyiintu ay xaq u leeyihiin in ay ka jawaabaan weerarka, balse looga baahan yahay in ay si feejigan u sameeyaan. Hadalka Mr. Biden ayaa yimid kadib markii Washington ay ballan qaaday inay la shaqeyn doonto Israa’iil si loo hubiyo in Iran ay wajahdo cawaaqib adag oo ka dhalanaya weerarka. Dhanka kale, madaxweynaha Iran, Masoud Pezesh-kiyan, ayaa sheegay in Texraan ay ku khasbaanatay inay jawaab bixiso. Waxaa uu ka digay in haddii Israa’iil ay mar kale weerarto Iran, markaas Texraan ay bixin doonto jawaab tii hore ka daran. Source
-
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in hoggaamiyeyaasha Islaamiyiinta Iran ay sameeyeen “khalad weyn” markii ay weerar ballaaran oo gantaala ah ay ku qaadeen dalkiisa Talaadadii shalay, isagoo ku goodiyay inay ka shalayn doonaan. Ilaalada Kacaanka Iran ayaa sheegay in weerarkan uu jawaab u ahaa dilkii Israel ee hoggaamiyihii Xisbullah Xasan Nasrallah ee todobaadkii hore iyo sidoo kale geeridii hoggaamiyihii Xamas Ismail Haniyeh, oo ku dhintay duqeyn ka dhacday Tehran, oo Iran ay ku eedeysay Israel. Source
-
Laanta Socdaalka ee Qaramada Midoobay ayaa xaqiijisay in 45 ruux oo tahriibayaal ahaa ay ku dhinten xeebaha dalka Jabuuti, kadib markii quuseen biyaha Badda Cas doomahii ay la socdeen. Dadkaan dhintay ayaa qeyb ka ahaa 310 ruux oo saarna laba doomood oo kasoo shareecday xeebaha dalka Yamen, waxaana dadkaas laga badbaadiyay 32 ruux kaliya, halka 233 ruux oo kale wali lagu la’ yahay nolol iyo geeri. 32-da ruux ee laso badbaadiyay ayaa la dajiyay mid ka mid ah xarumaha sida gaar ah u qaabilsan gacan ku heynta tahriibayaasha oo ku taala dalka Jabuuti. Ciidanka Badda Jamhuuriyadda dalka Jabuuti iyo howl wadeenada Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM ayaa lasoo warinaya iney ku howlan yihiin soo badbaadinta dadka la waayay oo wali laga raja qabo qaarkood iney nool yihiin. Si kastaba ha ahaate dowladda Jabuuti iyo Hay’adda IOM wali ma sheegin jinsiyadda dadkaan muhaajiriinta ah ee doomahii ay saarnayeen kula qaraqmeen badda dhexdeeda sababaha keenay in tiro intaas la eg ay kusoo raacaan laba doomood kaliya. Source
-
Dowladda Mareykanka ayaa si cad uga soo horjeesatay in la weeraro xarumaha Nukliyeerka ee dowladda Iran taasoo sheegtay in khasaare weyn uu ka dhalan karo. Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa sheegay inuusan taageereyn in Israa’iil ay weerar ku qaado xarumaha nukliyeerka ee dalka Iiraan. Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in Israa’iiliyiintu ay xaq u leeyihiin in ay ka jawaabaan weerarka, balse looga baahan yahay in ay si feejigan u sameeyaan. Hadalka Mr. Biden ayaa yimid kadib markii Washington ay ballan qaaday inay la shaqeyn doonto Israa’iil si loo hubiyo in Iran ay wajahdo cawaaqib adag oo ka dhalanaya weerarka. Dhanka kale, madaxweynaha Iran, Masoud Pezesh-kiyan, ayaa sheegay in Texraan ay ku khasbaanatay inay jawaab bixiso. Waxaa uu ka digay in haddii Israa’iil ay mar kale weerarto Iran, markaas Texraan ay bixin doonto jawaab tii hore ka daran. Source: goobjoog.com
-
Ciidanka Xoogga dalka, gaar ahaan Guutada 7aad ee Qeybta 12-ka April, ayaa howlgallo ka dhan ah kooxda Alshabaab ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Shabellaha hoose, gaar ahaan wadada xariirisa balli-doogle iyo Afgooye. Howlgalkan ayay ciidamadu ku bur-buriyeen baro iyo fariisimo ay Alshabaab halkaas ku lahaayeen sida ay sheegtay warbaahinta Afka ciidamada qalabka sida ku hadashaahi. Howlgalka ayaa waxaa hoggaaminayey Taliyaha Guutada 7aad ee Ciidanka Xoogga G/dhexe Axmed Cabdi Cali “Axmed Gaashaan” oo ay wehliyaan Taliye Ku-xiggeenka Guutada iyo Saraakiil kale. Deegaanada howlgalka laga sameeyey, ayaa waxaa kamid ah Baqdaad, Doonka, Kaxaroow, Jambaluul, Doon dheere, God doofaar, Baladul-amiin, Warmaxan, Tixsiile iyo deegaano kale. Source: goobjoog.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa ka hadlay mowqifkiisa ku aadan shirka golaha wadatashiga qaran ee haatan ka socda gudaha magaalada Muqisho, kaas oo uu ka maqan yahay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni. Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Diriri oo la hadlay Shabelle TV ayaa si weyn uga horyimid shirka shalay ka furmay Villa Soomaaliya ee u dhexeeyo dowladda federaalka, dowladaha xubnaha ka ah iyo sidoo kale maamulka gobolka Banaadir. “Qol mugdi ah ayay ku wada jiraan shanta maamul goboleed iyo Villa Soomaaliya, mana ah meel lagu wada-hadali karo” ayuu yiri wasiirka warfaafinta maamul goboleedka Puntland. Dirir ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid uu wato madaxweyne Xasan, isla markaana laga soo saari doono qodobo uu isaga soo qortay, sida uu hadalka u dhigay. “Madasha wax waa tari waysay go’aamada kasoo baxayaa waa wax Xasan uu horay usii qortay, mana loo baahno hadeer Madasha” ayuu mar kale yiri wasiirku. Sidoo lale wuxuuu dhaliilay xubnaha ka qayn-galaya madasha wadatashiga qaran, isaga oo tilmaamay in aanay xallin karin khilaafaadka taagan, sida arrinta Koonfur Galbeed iyo midda Puntand. “Arrin Soomaaliyeed ma xallin karaan, tan Baydhabaa aanay xallin karin, tan Puntland iyo Villa Soomaaliya ayeysan xallin karin” ayuu sii raaciyay. Shirka oo galay maalintii labaad ayaa waxaa looga hadlayaa arrimo xasaasi ah oo ay ugu horreyso arrinta doorashada, waxaana wararka soo baxaya ay sheegayaan inay suurtagal tahay in lagu heshiiyo in muddo kordhin kale loo sameeyo madaxda dowlad goboleedyada oo la gaarsiiyo November 2025-ka, waana qorshe uu wato Xasan Sheekh, madax-goboleedyaduna ay dantooda ka dhex arkaan. Ajendayaasha shirkaan ee aan la sheegin, balse Madaxtooyadu wadato waxaa ka mid ah in la ansixiyo dhismaha guddi qaran oo qaban doona doorashooyinka dalka, iyadoo la kala dirayo guddiyada doorashada ee dowlad goboleedyada. Sidoo kale waxaa la qorsheeyey in shirkaan lagu taageero dib u eegista dastuurka dalka cutubyo kamid ah ay ku sameeyeen xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya iyo in la ansixiyo qodobadii horay loogu heshiiyey ee sheegayey in la qabto doorashooyin dadweyne. Si kastaba, lama oga sida ay suurtagal ku noqon doonto, dadka iyo siyaasiyiinta xil-doonka ahna loogu qanci doono inay xukunka sii joogaan madaxda dowlad goboleedyada mudada dheer kursiga joogay oo horay u sameystay dhowr jeer muddo kororsi. The post PUNTLAND oo mowqif adag ka qaadatay shirka ka socda Villa Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ay fuliyeen wax ay ugu yeereen weerar yoolkiisa la gaaray oo ka dhacay meel ku dhow bartamaha caasimadda Lubnaan ee Beirut. Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay in shan qof la dilay. Israa’iil ayaa soo saartay baaq cusub oo ku aaddan in dadka rayidka ah ay isaga baxaan qeybo ka mid ah koonfurta Beirut – oo ah aagga ay ku badan tahay Xisbullah, halkaas oo inta badan weerarrada cirka ah lagu beegsado. Goor sii horeysay, warbaahinta Suuriya ayaa sheegtay weerar qorsheysan oo ka dhacay Dimishiq. Tani waa weerarkii ugu horreeyay ee Israa’iil ku dhufato meel u dhow bartamaha Beyruut — dhowr mitir uun bar jirta baarlamaanka Lubnaan. Waxaa kaloo dhacay shan duqeyn kale oo xalay lala beegsaday bartilmaameedyo ku yaal xaafadda koonfureed ee Dahieh. Duqeymahaan ayaana yimid kadib markii Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ay sheegeen in sideed askari lagu dilay dagaal ka socda koonfurta Lubnaan, taasoo ah khasaarahii ugu horreeyay ee soo gaara tan iyo markii howlgalada dhulka ee ciidamada Israa’iil ay Lubnaan ka wado uu bilowday, sida ay sheegeen. Sheekada 81-jir tartan u gashay haweeneyda ugu quruxda badan adduunka 2 Oktoobar 2024 Halkee ayay iskala qaadeen Israa’iil iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay? 2 Oktoobar 2024 Maxay la kulmeen kalluumeysatadii Soomaaliyeed ee labo bilood lagu la’aa Badweynta Hindiya? 2 Oktoobar 2024 Duqeyntii ugu dambeysay ee xalay, saddex qarax ayaa laga maqlay Dahieh, oo ku yaal xaafadaha koonfureed ee magaalada.Xigashada Sawirka,Getty Images Qoraalka sawirka,Duqeyntii ugu dambeysay ee xalay, saddex qarax ayaa laga maqlay Dahieh, oo ku yaal xaafadaha koonfureed ee magaalada. Xisbullaah ayaa sheegtay inay burburiyeen taankiyada Israa’iil intii lagu guda jiray dagaalka waxayna ku adkeysatay inay haystaan rag iyo hub ku filan si ay dib ugu celceliyaan ciidamada Israa’iil. Ciidamada ayaa ku dhawaaqay in ciidamo infantry ah iyo ciidamo gaadiidka ay ku biireen howlgalka au ku doonayaan inay ku burburiyaan waxa ay ku tilmaameen “kaabayaasha argagixisada” ee tuulooyinka xuduudda Lubnaan. Duqeyntii ugu dambeysay ee xalay, saddex qarax ayaa laga maqlay Dahieh, oo ku yaal xaafadaha koonfureed ee magaalada. Waxaa kale oo jiray laba duqeyn kale oo lagu qaaday Dahieh, taasoo timid ka dib markii IDF ay dadka ku nool agagaarka kaga digtay in ay beegsanayaan waxa ay sheegeen inay yihiin xarumo ay leedahay Xisbullaah. Ka hor intaan la qaadin duqeyntii xalay, wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa sheegtay in 46 qof lagu dilay 85 kalena lagu dhaawacay duqeymaha Israa’iil ee 24-kii saacadood ee la soo dhaafay, iyada oo aan la kala soocin dadka caadiga ah iyo dagaalyahanada. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa u sheegay Golaha Ammaanka in rabshadaha ka socda Bariga Dhexe ay tahay in la joojiyo. Mr. Guterres wuxuu si xooggan u cambaareeyay weerarkii gantaallada baaxadda weyn ee Iran ay ku qaaday Israa’iil Talaadadii. Isagoo ka hadlaya kulan degdeg ah oo Golaha ka dhacay, wuxuu mar kale ka digay khatarta dagaal goboleed, isagoo sheegay in dababka ka socda Bariga Dhexe ay isu bedelayaan holac weyn. “Waa waqtigii la joojin lahaa silsiladda xun ee colaadaha is-daba joogga ah ee dadka Bariga Dhexe toos ugu halista aarsi kasta waxay u adeegaysaa marmarsiiyo tan xigta. Mana iska indho-tiri karno ku xadgudubka joogtada ah ee sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada. Silsiladdan qaniinyo baa qaniinyo kaa fujisada ah waa in la joojiyaa. Waqtiga ayaana gabaabsi ah.” Madaxweynaha Iran Masoud Pezesh-kiyan – oo booqasho ku jooga Qatar – ayaa sheegay in Tehran ay ku khasbaanatay inay jawaab bixiso. Waxa uu ka digay in haddii Israa’iil ay mar kale weerarto Iran, markaas Tehran ay bixin doonto jawaab tii hore ka daran. “Amniga gobolka waa amniga dhammaan Muslimiinta, mana doonayno wax dagaal iyo dhiig daadin ah. Tan iyo markii aan xilka madaxweynenimo qabtay, khudbaddayda kasta waxaan xoogga saarayey dadaalkeenna nabadda iyo amniga.” Waxa uu sidoo kale Israa’iil uga digay inay qaaddo tallaabo argoosi oo ka dhan ah Iran. “Qaran ama gobol midna horumar ma samayn karo iyada oo dagaal jiro. Waxaan ku khasbanaannay inaan ka jawaabno. Haddii Israa’iil go’aansato inay aargudato, waxay wajihi doontaa falcelin adag oo ka sii daran.” Bbcsomali Qaran News
-
Dowladda Puntland iyo Taliska ugu sarreeya Ciidamada Badda Midowga Yurub (EUNAVFOR) ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya ayaa la filayaa in ay Shir ku yeeshaan Badda dusheeda. Madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo Taliska ugu sarreeya Ciidamada Badda Midowga Yurub (EUNAVFOR) ayaa shir xasaasi ah ku yeelanaya dusha sare ee Markab ay lee yihiin EUNAVFOR oo taagan meel ku aaddan dekedda Boosaaso. Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Shirka labada dhinac looga hadlayo Qodoba ay kamid yihiin is dhaafsiga Xogta Dhaq dhaqaaqa badaha iyo La-dagaallanka Burcad-badeedda iyo Argagixisada. Wararka ayaa intaasi ku daraya in sidoo kale Shirka lagu gorfeyn doono ka hortagga Hubka sida Sharci-darrada ah loo gudbiyo iyo Danbiyada ka dhaca Badaha. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland iyo Taliska sare ee EUNAVFOR oo Shir ku yeelanaya Markab dushiis appeared first on Puntland Post.
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Ciidamada Nabad-sugidda Koonfur Galbeed oo howlgallo ka sameeyay magaalada Baydhaba ayaa maanta gacanta kusoo dhigay xubin ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo doonayay inuu gudaha u galo magaaladaasi. Ciidanka ayaa ninkan oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ku qabtay bar koontarool oo laga ilaaliyo magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed. Cabdiraxmaan oo wareysi laga qaaday ayaa qirtay inuu ka tirsan kooxda Al-Shabaab, isaga oo sheegay inuu tababar kusoo qaatay gobolka Jubbada Dhexe. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in xilliga la qabanayay mooto lagu keenay duleedka Baydhaba, isla markaana uu doonayay inuu gudaha usii galo magaaladaasi. “Ciidanka Hay’ada Nabad Sugida Iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed ee ku Sugan barta kontroolka Dugaandug Ee Ciidanka ay ka ilaaliyaan Amniga Magaalada Baydhabo ayaa Gacanta kusoo dhigey Dhaqar-qabe Abdirahman Maxamed Xuseen oo khawaarijta katirsan isagoona rabay in uu si dhuumaalaysi ah kusoo galo Magaalada Baydhabo” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska Nabad-Sgidda Koonfur Galbeed Soomaaliya. Saraakiisha ammaanka ayaa dhankooda sheegay in weli ay baaris ku hayaan eedeysanaha, ayna ku wareejin doonaan hay’adaha ku shaqada leh. Ammaanka Baydhaba ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay aad loo xoojiyay, waxaana ciidanka Daraawiishta iyo kuwa Nabad-Sugidda ay ka wadeen howlgallo amni xaqiijin ah. Baydhabo ayaa waxaa inta badan ka dhaca falal amni darro oo isugu jiro qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay kooxda Al-Shabaab ka fuliso halkaasi. The post Al-Shabaab dhuumaleysi ku galay Baydhaba oo la qabtay + Video appeared first on Caasimada Online.
-
A first-half penalty earned Lille a shock 1-0 home victory over holders Real Madrid in the Champions League group phase on Wednesday, ending the 15-times European Cup winners' 14-game unbeaten run in the competition. Source: Hiiraan Online
-
Kenya's inflation (KECPI=ECI), opens new tab fell to 3.6% year-on-year in September from 4.4% a month earlier, the statistics office said on Wednesday. Source: Hiiraan Online
-
Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey ayaa lagu wadaa in uu gelinka danbe ee Maanta oo Khamiis ah fadhi ka yeesho Xaaladda Soomaaliya. Qoraal kooban oo uu shaaciyay Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM ayaa lagu sheegay in Golaha Ammaanka uu gelinka danbe ee Maanta fadhi ka yeelanayo Xaaladda Soomaaliya. “Maanta, Xarunta Qaramada Midoobay ee NewYork, saacaddu marka ay tahay 5:00 galabnimo, waqtiga Muqdisho, Golaha Ammaanka ayaa kulmi doona si ay uga doodaan xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya” ayaa lagu yiri Qoraalka. Ku-simaha Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa sidoo kale warbixin ku saabsan Xaaladda Soomaaliya siin doona Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey. “Waxaa qeyb ka ah kulanka warbixin uu siin doono Golaha ku-simaha Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan” ayuu sii raaciyay Qoraalka uu shaaciyay Xafiiska UNSOM. PUNTLAND POST The post Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey oo Maanta fadhi ka yeelanaya Xaaladda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo madaxweyne ku xigeenkiisa Kamala Harris ayaa arbacadii shalay tagay deegaannada koonfur bari ee Maraykanka, si ay u soo indha indheeyaan burburka ay ka tagtay duufaanta Helene. Biden ayaa cagta soo mariyay gobollada North Carolina iyo South Carolina, halka Harris ay tagtay magaalada Augusta ee gobolka Georgia. Hadal uu ka jeediyay gobolka North Carolina oo ka mid ah meelaha ay sida daran u burburiysay fuufaanta Helene, ayuu madaxweyne Biden ku sheegay in balaayiin dollar ay ku bixi doonto eesha iyo burburka ay ka tagtay duufaantan. Madaxweyne ku xigeenka Maryekanka haweneyda lagu magacaabo Kamala Harris, ayaa iyaduna hadal ay ka jeedisay xaafadda Meadowbrook ee magaalada Augusta ku sheegtay, in uu jiro xanuun iyo walaac ka dhashay duufaanta, arrintaas oo ay ku tilmaantay in ay tahay sababta ay halkaasi u gaartay si ay shakhsiyan u qiimeyso baaxadda dhibaatada. Gobolka North Carolina, malaayiin qof ayaanan wali heysan biyo nadiif ah oo ay cabbaarn. Guud ahaan tirada dadka ay ku dishay duufaanta Hellene gobollada Koofurbari ee Mareykanka ayaa hadda gaaray 166 ruux. The post Biden iyo Harris oo tagay goobihiibay garaacday… appeared first on Caasimada Online.
-
Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga, ayaa shaacisay in markabkeeda cilmi-baarista ee Oruç Reis uu qorsheynayo inuu u baxo Soomaaliya maalinta Axadda ee soo socota si uu uga howlgallo howlaha cilmi barista shidaalka. Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga Alparslan Bayraktar wuxuu xusay in safarkaan uu ka dambeeyo heshiis dhexmaray Turkiga iyo Soomaaliya oo ku saabsan baaritaanka kheyraadka hydrocarbons ee saddex xayndaab oo badda ah. Heshiiskan ayaa la dhammeystiray bishii Luulyo, waxaana Turkiga uu haystaa xuquuqda gaarka ah ee baaritaanka iyo soo saarista shidaalka Soomaaliya goobaha loo qorsheeyay in laga soo saaro shidaalka ee ku yaalla Soomaaliya. Saddex qeybood ayuu turkiga ka baari doonnaa shidaalka laba ka mid ah waxa ay ku yaallaan meel qiyaastii 50 kiilomitir u jira xeebta Soomaaliya, halka xayndaabkii saddexaad uu ku yaal 100 kiilomitir badda. Markabka Oruç Reis wuxuu sameyn doonaa cilmi baaris ah aad muhiim u ah oo socon doonta muddo bilaha ah,” taasoo suuragal noqon karta in laga helo kheyraad, sida uu sheegay wasiirka. Bayraktar ayaa ku tilmaamay heshiiskan yahay “tallaabo taariikhi ah” labada dal, wuxuuna sheegay in markabka la socon doonaan 50 qof oo shaqaale ah iyo shan markab oo taageero ah inta uu u socdo Soomaaliya. Turkiga ayaa haysta doon noocyo badan oo loogu talagalay baaritaanka iyo soo saarista kheyraadka badda, oo ay ka mid yihiin Oruç Reis iyo Barbaros Hayreddin Paşa, iyo sidoo kale doonyaha qodista sida Fatih, Yavuz, Kanuni, iyo Abdülhamid Han. Source: goobjoog.com
-
Dilkii hoggaamiyihii Xisbullah Xasan Nasrallah kaddib markii u horreysay ayaa hadda la xaqiijiyay in la xiray xubno ka tirsan Ilaalada Kacaanka Iran. Waxaa kalo gudaha Iran ka socda baaritaan xooggan oo la sheegay in lagu baarayo xiriirka xubnaha Ilaalada Kacaanka iyo Israa’iil. Ilo diblomaasiyadeed ayaa laga soo xigtay in si gaar ah loo beegsanayo xubnaha ay qoysaskooda degganyihiin meel ka baxdan Iran iyo kuwa u safray Lubnaan kaddib dilka Nasrallah. Mid ka mid ah dadka la xiray ee ka tirsan saraakiisha Ilaalada Kacaan Iran ayaa la sheegay inuu ku hawllana raadinta xogta Nasrallah ka hor inta aan la dilay oo ay ku jirto goobta uu ku suganyahay iyo illaa muddada uu joogo, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Reuters. Warbixinta ayaa intaa ku dartay in hoggaamiyaha sare ee Iran Cali Khamenei uu isku dayay inuu badbaadiyo Nasrallah balse waxaa la dilay hoggaamiyaha Xisbullah iyo wakiilkii Iran ee loo diray si uu uga dhaadhiciyo in uu u gaaro Iran. Sidoo kale warbixinta ayaa sheegtay in hadda boqollaal ruux oo ka tirsan Xisbullah la xiray kuwaasoo ay ku jiraan xubnihii soo iibiyay nidaamkii isgaarsiinta Xisbullah ee la qarxiyay. PUNTLAND POST The post Xubno ka tirsan Ilaalada Kacaanka Iran oo loo xiray dilka hoggaamiyihii Xisbullah appeared first on Puntland Post.
-
Xaaladda Bariga dhexe ayaa wali ku sugan mid aan cago badan ku taagneyn ka dib markii Israa’iil ayaa duqeysay bartamaha magaalada Beyrut ee caasimadda Lubnaan, duqeymahaas oo la xaqiijiyay in lagu dilay ugu yaraan lix qof. Duqeynta ayaa timid saacado kaddib marki ay ciidamada Isra’il ee galay Koofurta Lubnan ay la kulmeen khasaarihi ugu cuslaa ilaa iyo hadda, kaddib marki uu millatariga Isra’il Arbacadi shalay sheegay in dagaalka Lubnan looga dilay 8 askari oo uu ku jiray sarkaal sare. Maamulka Isra’iil waxa uu sheegtay in ay xalay saqdi dhexe kaddib duqeysay bartilmaameedyo ku yaalla Beyrut. Goob joogayaal ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in ay maqleen daryanka madaafiic culus. Ilo wareedyo dhanka amniga ah ayaa iyaguna xaqiijiyay in meelaha la garaacay uu ku jiro dhisme ku yaalla xaafadda Bachoura oo aad ugu dhaw aqalka baarlamaanka, waana marki ugu horreysay ee ay duqeymaha cirka ah ee Isra’il u soo gaaraan agagaarka xarumaha dowladda Lubnan. Dhinaca Gaza, Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in ugu yaraan 51 qof lagu dilay 82 kalana ay ku dhaawacmeen duqeymo cirka ah oo ay Isra’il Arbacadi ku qaadday magaalada Khan Younis. Isbitaallada Gaza ayaa sheegay in meydadka la keenay ay ku jireen 7 dumar ah iyo 12 carruur ah oo kan ugu yar uu jiray 22 bilood. Ciidanka Isra’il wali kama aysan hadlin duqeymahaasi uu dhiigga badan ku daatay. Source: goobjoog.com