Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,428
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa ay soo saartey go’aano ku saabsan dhinaca Waxbarashada, loogana hortagayo Cudurka Coronavirus. War-Saxaafadeed kasoo baxey Xafiiska Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa lagu shaaciyey qodobo ay kamid yihiin in la joojiyey bixinta Cashirada Dugsiyada Sare ee Sanad dugsiyeedka 2019/2020. Wasaaradda ayaa sheegtay in arday kasta loo qiimeyn doono heerka uu cashirada ka marayey markii ay wasaaradda Waxbarashada ku dhawaaqday in la hakiyey waxbarashada oo ku beegneyd 19 Bishii hore. Sidoo kale Wasaaradda ayaa sheegtay in ardayda ay u fadhiisan doonaan imtixaanka dugsiyada sare, iyadana ay soo gudbin doonto waqtiga iyo qaabka uu noqon doono imtixaanka. Haddaba halkaan hoose ka akhriso qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada
  2. Wararka ka imaanaya gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegaya in xiisad u dhexeysa laba maleeshiyo beeleed maanta laga dareemayo qeybo ka mid ah gobolkaasi. Xiisada oo ah mid xoogan ayaa waxaa dhaq dhaqaaqeeda maleeshiyaadka labada dhinac ay ka wadaan agagaarka degmada Xudun ee gobolkaasi. Wararka ayaa sheegaya in xiisadaan ay salka ku heyso dil la xariiro aano Qabiil oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay halkaasi. Xaalada ayaa haatan aad u kacsan, waxaana dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeedo ay ka socdaan deegaano ka tirsan gobolka Sool. View the full article
  3. Qaar ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ee ku dhaqan M/Muqdisho ayaa ka aragti dhiibtay wadahadallada dowladda federaalka iyo Somaliland oo weli hakad ku jira. Shabelle oo la hadashay waxgaradkaan ayaa waxay ku baaqeen in la sii amba qaado wadahadallada labada dhinac. Sidoo kale waxay dalbadeen in wadahadalladaasi laga qeyb-geliyo odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, si la’isugu soo dhawaado. Dhinaca kale Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ah waxgaradka Muqdisho ayaa baaq nabadeed u diray beelaha ku dagaalamaya qeybo ka mid ah dalka. Xaad oo la hadlayey Idaacadda Shabeelle ayaa maleeshiyaadka diriraya ka dalbaday inay wax weliba ku dhameeyaan wadahadal, si looga baaqsado inuu markale dhiig daato . Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmihii dambe dagaal beeleedyo kala duwan ay ka soo cusboonaadeen gobollada Jubbada Hoose, Shabeelaha Hoose iyo Galgaduud. View the full article
  4. Ciidamada badda Kenya ayaa gacanta ku dhigay laba doon oo siday Qaad si sharci darro la rabay in loo soo marsiiyo Jasiirada Lamu, si loo soo gudbiyo gudaha Soomaaliya. Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay inay horay u hayeen xog ku saabsan in ay jiraan doomo si sharci darro ah Qaad ugu gudbinaya Soomaaliya. Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa Nairobi ayaa daabacay in Qaadka ay sideen doomaha ee la qabtay uu qiime sare ku kacayey, islamarkaana ay gubeen ciidamada ammaanka, maadaama Kenya la galiyey go’doon, si loo yareeyo khatarta Coronavirus. Daily Nation ayaa sidoo kale qoray in ciidamada badda Kenya ragii la socday doomahaasi ay gacanta u galiyeen ciidamada ammaanka xabsigana loo taxaabay.. Si kastaba ha’ahaatee dowladda federaalka ayaa horay u mamnuucday Jaadkii Soomaaliya uga iman jiray Itoobiya iyo kenya, taasi oo qeyb ka ah dadaalada lagu xakameynayo Coronavirus oo laga helay dalal dhaca geeska Africa oo Soomaaliya ay ka mid tahay. View the full article
  5. Wasiirka caafimaadka Somaliland, Cumar Cali Cabdullaahi (Badi) oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey gaargaar caafimaad oo ay ugu deeqday dowladda Imaaraadka Carabta. Bade ayaa sheegay daawooyin iyo qalab caafimaad oo loogu talagalay xakameynta cudurka Coronavirus ay ka heleen Imaaraadka, isagoona uga mahad-celyey deeqdaasi. Somaliland ayaa xaqiijisay illaa iyo hadda labo kiis oo ka mid ah cudurka COVID-19 oo weli fara ba’an ku haya wadamo badan oo ku yaalla caalamka. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/ll.mp3 View the full article
  6. Qaar ka mid ah wadayaasha gaadiidka iyo kuwa mooto Bajaaj-ka ayaa xilligaan walaac xoogan ka muujinaya burbur xoogan oo ka muuqda jidka Taleex oo isku xira wadooyinka muhiimka ah ee Maka Al-Mukarrama iyo Wadnaha ee magaalada Muqdisho. Wadayaasha qaarkood oo u warramay Shabelle ayaa sheegay inay dhibaato ku qabaan marinka wadadaasi oo wax dayactir ah aan helin sanadihii ugu dambeeyey. Sidoo kale gaadiidleydaan ayaa ka dalbaday maamulka gobolka Banaadir inuu wax ka qabto cabashadooda, una dhiso wadadaasi maadaamo laga qaado lacago canshuuro ah. Hakaan hoose ka dhageyso warbixinta https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/aaa.mp3 View the full article
  7. Saraakiisha Maxkamadda Ciidamada ay sheegay in tallaabo laga qaadayo dadkii ka dambeeyey dhibaatadii ka dhacay degmada Walanweyn ee gobolka Sh/ Hoose. Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ka hadlay kulan dhexmaray saraakiisha ciidamada iyo odayaasha degmada ayaa sheegay in Ciidamada iyo Saraakiisha Danab ay amar Maxkamadeed u qabaan inay nolol ama geeri ku keenaan qofkii maanta ka ddib dhibaatooyin u geysta muwaadin Soomaaliyeed, isagoo xusay in cidii isku daydo in ay difaacdo dambiile , iyadana la qaban doono. Guddoomiyaha ayaa qiray in wixii Walanweyn ka dhacay ay ahaayeen wax ka fog Diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed isagoo sheegay in dadkii ka dambeeyay dhibaatadaas ay mari doonaan ciqaabta ay muda nyihiin. Kulankaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka caddaaladda Koonfur Galbeed, guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose iyo mas’uuliyiin kale. View the full article
  8. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Duhur-080420.mp3 View the full article
  9. Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Midowga Africa ayaa Ururka Caafimaadka Adduunka iyo hoggaankeeda ka difaacay weerar xooggan oo kaga yimid madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kaasi oo Talaadadii ku hanjabay inuu ka joojinayo maal-gelinta. “Waxaa aad igaga yaabay inaan ogaaday ololaha dowladda Mareykanka ee ka dhanka ah hoggaanka WHO,” ayuu Moussa Faki Mahamat ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka. “Ururka Midowga Africa wuxuu si buuxda u taageersan yahay WHO iyo Dr Tedros,” ayuu yiri Mahamat, isaga oo tixraacaya agaasimaha WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus oo u dhashay Ethiopia. Isaga oo weriyayaasha la hadlaya ayaa Trump wuxuu Talaadadii sheegay in WHO “ay u muuqato inay u eexaneyso China,” islamarkaana dowladdiisa “ay eegi doonto inay ka joojiso maal-gelinta,” Mareykanka waa dalka maal-gelinta uga badan uu ka helo Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO. Trump ayaa si gaar ah u cambaareeyey talada ay WHO kusoo jeedisay inaan la xadidin duulimaadyada caalamiga ah si loola tacaalo faafitaanka cudurka Coronavirus, oo kasoo billowday China. Ayada oo uu sii xumaaday faafitaanka cudurka ee gudaha Mareykanka, ayaa China waxay dhalleeceyn xooggan kala kulantay xubnaha Jamhuuriga, oo ku saabsan sida ay ula tacaashay cudurka, waxaana Trump uu shaki ka muujiyey sax ahaanshaha xogta China ee ku saabsan heerka dhimashada cudurka ee dalkaas. Faki ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay isku xiraan jawaabahooda ka dhanka ah faafitaanka cudurka. AFP + VOA
  10. Ciidamada badda dowladda Kenya oo howgallo roonda ah ka waday xeebta Lamu ayaa waxa ay gacanta ku dhigeen labo doomood oo qaad u siday magaalada Muqdisho, waxaana ciidamada ay meel fagaara ah ku gubeen qadkaasi oo la sheegay in lacag gaaraysa rubuc million doolar uu ku qiimaysnaa. Doomahaan siday qaadka oo gaarayay laba doon ayaa la sheegay in lagu qabtay meel xeebta Lamu u jirta 100-KM, sida uu xaqiijiyay Irungu Macharia oo ah wakiilka Kenya u qaabilsan gobalka Lamu. Ciidamada ayaa sheegay in goobta la yiraahdo Barakuda ay ku gubeen qaadkaasi habeenkii Taladada, doomahaas ayaana damacsanaa in xeebta Jasiiro ay ka soo dajiyaan qaadkaasi. Dowladda Soomaaliya ayaa horey u mamnuucday in dalka la keeno qaadka maadaama xayiraad dhinaca duulimaadyada ah la saaray dalka, waxaana dadka ka ganacsada qaadka ay doonayaan si dhuumaalaysi ah ay ku soo galiyaan, iyada oo marar badan qaad la keenay Soomaaliya lagu gubay qeybo ka mid ah magaalooyinka dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Nairobi (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dalka Kenya ayaa saacadihii la soo dhaafay gubay Qaad la doonayey in loo soo gudbiyo gudaha Soomaaliya. Jaadka oo lagu siday labo Doomood ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamada Badda Kenya ee ka howlgala gobolka Lamu, gaar ahaan biyaha Badweynta Hindiya. Sarkaalka dowladda Kenya uga wakiilka ah gobolkaasi oo lagu magacaabo Irungu Macharia ayaa sharraxaad ka bixiyey, sida lagu qaabtay Qaadkaasi. “Dambiilayaashu waxa ay sheegteen in Magaalada Kiunga oo ku taal Soohdinta Lamu ee Soomaaliya ay u wadaan Geedaha la isku daaweeyo, balse waxa aan ka warqabnay Ganacsigooda Qarsoodiga ah ee Soomaaliya ay usoo gudbiyaan” ayuu yiri Macharia. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in taallabada ay tahay mid lagu dhaqan-gelinayo go’aankii lagu mamnuucday isu gudubka dalalka, sababo la xiriira Corona. “Dadku waa ay ogyihiin oo waa ay la socdaan in Dowladdu mamnuucday isu gudubka Dalalka, sababtu waa go’aanka lagu xakameynayo Faafidda Xannuunka Coronavirus, sidaas oo ay tahay waxa aan xadideynaa dhaq-dhaqaaqyada nuuc waliba si go’aanka uu dhaqangalo”. ayuu markale yiri Irungu Macharia. Sida ay ogaatay Caasimada Online Qaadka la gubay ayaa wuxuu ku kacayey lacag dhan shan iyo laabatan milyan oo shilinka Kenya ah, una dhiganta $234,802. Soomaaliya ayaa inta aysan mamnuucin duulimaadyada caalamiga ah iyo kuwa gudaha wuxuu Qaad fara badan maalin-walba uga imaan jiray dalka Kenya, balse waxaa la joojiyey markii kiisas ka mid ah Coronavirus laga helay gudaha magaalada Muqdisho.
  12. ISTANBUL (AFP) - President Recep Tayyip Erdogan has stepped up measures to stem rapidly growing coronavirus cases in Turkey but his refusal to impose a full lockdown to keep the economy afloat is drawing criticism. Source: Hiiraan Online
  13. (SLT-Hargeysa)-Hay’adaha Caafimaadka ee dawlad deegaanka Soomaalida ayaa xuduudka Wajaale ee dhinaca Itoobiya shalay ka qaaday haweenay u dhalatay qoomiyada Oromada oo lagu arkay astaamaha xanuunka Covid_19. Sahra Maxamed oo da’deeda lagu sheegay 45 jir ayaa ka timid magaalada Burco, waxaana la sheegay in markii ay u talowday xuduudka dalkeeda Itoobiya lagu arkay astaamaha xanuunkan, waxaana lagu qaaday gaadhi ambalaas ah iyadoo la geeyay magaalada Jigjiga si loogu sameeyo baadhis dheeraad ah. Xoggo uu wargeyska Geeska Afrika ka helay xafiiska caafimaadka ee magaalada Jigjiga ayaa sheegay in gabadha oo ka timid Burco, ay shalay isu martay Burco ilaa wajaale. Gabadha ayuu naqasku si deg-deg ah u qabtay iyadoo ku jirta mid ka mid ah bangiyada Itoobiya ee ku yaaLla Wajaale, waxaana qabatay xumad saa’id ah. Markaas ayaa loo qaaday cisitaal ku yaalLa magaalada Jigjiga. Waxa ay dhakhaatiirta Jigjiga qaar ka mid ahi Geeska Afrika u sheegeen in haweenaydu leedahay astaamo muujinaya in xanuunku hayo sida qufac, xumad joogto ah iyo naqaska oo qabanaya, waxaana xalay lagu xidhay Oxygen. Haweenaydan ayaa la filayaa in isla maanta dhiigeeda lagu sameeyo baadhis buuxda, iyadoo magaalada Jgijiga la keenay qalabka shabyaadhka ee xanuunkan. Warbaahinta baraha bulshada ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa aad u baahiyay warkan, waxaanay sheegeen in haweenaydan lagu xareeyay goob loogu tallo galay dadka xanuunkan looga shakiyo. Source
  14. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa inuu mar kale isugu yeedho Xildhibaannada Golaha Wakiillada, si loo hor-geeyo labadii Xubnood ee xisbiyada WADDANI iyo UCID u Matalaya Komiishanka cusub ee Qaranka oo ay goluhu hore u diideen. Ma jiro war rasmiya oo ka soo Xafiiska Madaxweynaha iyo dhinacyada Arrintani khusayso, balse Ilo-wareedyo ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in Madaxweynuhu uu isugu yeedhayo Mudaneyaasha Golaha Wakiillada, si mar kale loo hor-keeno Xubnaha Xisbiyada Mucaaradka ah u matalaya Komiishanka, si loo ansixiyo. Madaxweynaha Somaliland iyo Guddoomiyeyaasha labada Xisbi Mucaarad ee WADDANI iyo UCID, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa Maalmihii u dambeeyay yeelanayey kulamo xidhiidh ah, kuwaasi oo lagaga wada-hadlayey sidii golaha wakiilada looga hawlgeli lahaa si ay u ansixiyaan labada xubnood. Fadhiga aan Caadiga ahayn ee la sheegay in Madaxweynuhu isugu yeedhayo Wakiillada, ayaa qayb ka ah waxyaabihii ay Madaxweynaha iyo Hoggaamiyeyaasha Axsaabtu kaga wada-hadleen kulamada ay yeesheen. Cabdikariin Yaasiin Sheekh Dalmar oo WADDANI u soo Magacaabay inuu u matalo Komiishanka cusub ee doorashooyinka iyo Cabdifataax Ibraahim Xasan oo UCID soo Magcaabay ayaa hore loo hor-geeyay Mudaneyaasha Golaha Wakiillada, balse midkoodna ma helin Codadkii uu ku ansixi lahaa, balse Madaxweyne Biixi ayaa wakhtigaa sheegay inuu dib ugu celinayo Golaha Wakiillada. Source
  15. London (PP ) — The legendary Somali oud player and song writer Ahmed Ismail Hussein ( Hudeidi) passed away today in London, aged 92. Born in Aden in 1928, Hudeidi arrived in Somalia early 1960s to continue an artistic endeavour he had started in Aden, then known as the Crown Colony. Hudeidi with the novelist Nadifa Mohamed in Hargeisa His signature oud style enriched the songs of countless singers, deservedly earning him the appellation Boqorka Cuudka (The King of Oud). His contemporaries include the late Abdullahi Qarshe whom Hudeidi, in a 1993 interview, credited with “teaching me how to play the lute”. The last concert in honour of Hudeidi In February 2020 Ayan Mohamoud MBE organised an event to honour Hudeidi for his artistic contribution to the Somali culture. The concert featured songs, speeches and anecdotes about Hudeidi, some of whose students at the event vowed to carry on promotion of the Somali culture. Prominent Somali singers including Fadumo Abdllahi Kahin, Khadija Qalanjo, Sir Mohmud, and Murtiile attended the event. Hudeidi wrote many patriotic songs. Somaliland President Mr Muse Bihi Abdi and the Chairman of Waddani Party have sent a message of condolence to the family of Hudeidi. © Puntland Post, 2020 The post THE KING OF OUD PASSES AWAY IN LONDON appeared first on Puntland Post.
  16. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Bahda fanka iyo suugaanta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Ismaaciil Xuseen “Xudeydi” oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 07/08/2020, dalka Ingiriiska gaar ahaan magaalada London. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey tiir ka baxay fanka iyo suuganta oo uu ka mid ahaa dadkii dhidibada u taagay fankii hore iyo kan casriga ahba, isagoo ku soo galay da’da 18 sanno jir, kana bilaabay magaalada Cadan ee dalka Yemen, maantana uu da’a 92 sanno jir ku hoyday, waxaanu ka mid ahaa dad fara-ku-tiris ahaa oo ay ka mid ahaayeen, abwaan Cali Sugulle Cigaal (Dun Carbeed) abwaan Cabdilaahi Qarshe, iyo macalinkiisi Cabdi Xandule Shanle oo wax ka bedelay kagana tegay taariikh suugaanta, gaar ahaan dhinaca cuudka. Waaxaanu ku dhashay magaalada Berbera ee Gobolka Saaxil, 1928-kii, waxaanu door weyn kulahaa halgankii xornimo doonka ee 1960 ay Somaliland maxmiyadii boqortooyada ingiriiska kaga qaadatay xornimadeeda, isagoo ku suntan taariikho badan oo ma guuraan ah marxuumku. Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Bahda fanka iyo suugaanta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
  17. Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay Go’aano Cusub oo ku aadan Waxbarashada sannad dugsiyeedka 2019/2020. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada ayaa waxaa lagu shaaciyay in la joojiyay qaadashada casharadii waxbarashada dugsiyada ee sannad dugsiyeedka 2019/2020 oo ay hadda ka harsan tahay muddo ka yar afar isbuuc; Sidoo kale Qoraalka Wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in Ardayda sannad dugsiyeedka dhamaaday lagu qiimeyn doono heerkii ay daruusta ka marayeen xiligii lagu dhawaaqayay xeritaanka dugsiyada. Wasaaradda waxbarashada ayaa ku wargelisay ardayda iyo macalimiinta xilliga la qaadayo imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare sanad dugsiyeedka 2019/2020, waqtiga la qaadayo, xilliga la qaadayo, xogta la xiriirta diyaar garowga imtixaanka in dib laga soo sheegi doono. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo Coronavirus awgiis u joojisay Casharradii sanad-dugsiyeedka 2019/20 appeared first on Puntland Post.
  18. The immediate former president of Galmudug state Ahmed Dualle Geelle Haaf has returned to Galkayo city following a short trip to Dhusamareb this week. Sources say Haaf’s return came after talks with his successor Qoor-Qoor ended in fruitless as the Somali state is trying to open a new page for its history after a long political dispute. There have been efforts to convince Haaf to hand over the power smoothly to the newly elected president, who is now based in Dhusamareb where is expected to be inaugurated. Galmudug has been beset by political rivalry since its establishment due to the deep divisions among the stakeholders and the continued interference from Mogadishu. View the full article
  19. Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa saaka garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa ka degtay diyaarad siday gargaar oo ka timid dalka Imaaraadka Carabta. Diyaarada oo caga-dhigatay garoonka caalamiga ee Cigaal ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay siday gargaar caafimaad oo uu Imaaraadka ugu deeqay Somaliland. Gargaarka ayaa isugu jira daawooyin iyo agab caafimaad oo loogu talagalay xakameynta cudurka faafa ee Coronavirus. Wasaaradda caafimaadka Somaliland oo la wareegtay deeqda ayaa u mahad-celisay dowladda Imaaraadka Carabta gargaarkaas u soo dirtay. Somaliland ayaa illaa iyo hadda xaqiijisay labo kiis oo ka mid ah cudurka COVID-19 oo weli fara ba’an ku haya wadamo badan oo ku yaalla caalamka.
  20. Legendary Somali artist and music composer, Ahmed Ismail Hussein alias “Hudeydi” has passed away in London on Wednesday. The 92-year-old famously known as the King of Oud succumbed to coronavirus after he was admitted to London hospital four days ago. He was born in Berbera in 1928 and rose to become of the most celebrated artist and music composer in the Somali speaking nation. Hudeydi rose to fame and played in Somalia during the 1950s and 1960s. He moved to the United Kingdom in 1973 where he performed at private functions such as family weddings and taught others the instrument. One of the most popular songs of the late king of Oud is Ur Hooyo or my mother’s womb dedicated to his brother in 1968. The late artist will be buried in London. Messages of condolences and tribute have poured in the social media for Hudeydi. View the full article
  21. Wararka ay Puntlandi.com helayaan waxay sheegayaan in Isbadal heer Gobol iyo heer Degma ah lagu samaynayo Maamulka Gaalkacyo. Wasiirka Arimaha Gudaha Maxamed Dhabancad ayaa ku [...] Source