-
Content Count
214,458 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubaland ayaa maanta shaaca ka qaaday in kiisaaskii ugu horreeyey oo Coronavirus ah laga helay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulkaas. Guddiga ka-hortagga cudukra Coronavirus ee Jubaland ayaa shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen Kismaayo ku sheegay in laba qof oo reer Kismaayo ah laga helay cudurkan. Labada qof ayaa baaritaankooda loo diray magaalada Muqdisho oo lagu soo xaqiijiyey, sida guddiga uu sheegay Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan 20 kiis oo kale oo baaritaankooda loo diray magaalada Muqdisho, kuwaas oo la filayo in natiijadooda dhowaan la shaaciyo. Waxaa intaas dheer boqolaal kiis oo la tuhunsan yahay oo ka jira magaalooyin dhowr ah oo ka tirsan Jubaland, balse aan la xaqiijin, sida guddiga ay sheegeen. Labada qof ee laga helay COVID-19 ayaa waxaa hadda lagu karantiilayaa xarun ay Jubaland ugu talo-gashay oo ku taalla Kismaayo. Kismaayo ayaa noqoneysaa magaaladii 7-aad ee dalka Soomaaliya oo cudurka laga helo kadib Muqdisho, Jowhar, Hargeysa, Burco, Berbera iyo Boorama. Dowladda Soomaaliya ayaa shalay shaacisay in kiisaska guud ee dalka ay gaareen 60 qof. Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa la filayaa in warbixinteeda soo socota ay kusoo dirto kiisaska Kismaayo iyo kuwa kale ee dalka kusoo kordhay.
-
Wasiirka wasaaradda amniga Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle Xilibaan, Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre oo goor dhaw lahadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Caawa Salaada Cisho wixi ka dambeeya degaannada Hirshabeelle uu ka dhaqan gali doono Bandow socon doona illaa Salaadda Subax, kaas oo looga golleeyahay ka hortaga Cudurka Covid19. Laamaha amniga Hirshabeelle ayuu Wasiirka ugu baaqay inay dhaqan galiyaan amarrada lagu soo rogay degaannada Hirshabeelle Wasiirka ayaa mas’uuliyiinta 2 da Gobal ugu baaqay inay ka qey qaataan la dagaallanka qaadka oo si qarsoodi ah loosoo galiyo qeybo ka mid ah Hirshabeelle. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Qodobada ugu waa weyn barnaamij wareedka galab ee GoobjoogFM ayaa kala ah: Ciidamada Dowladda Somaliya oo Muqdisho ku xiray Agaasime ku xigeenka Warbaahinta Goobjoog. Faahfaahino dheeraad ah oo ka soo baxaya Qarax barqannimadii maanta ka dhacay Magalad Muqdisho. Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Wasiirada Qorsheynta, Arrimaha Gudaha & Gargaarka ku amray in ay ka warqabaan Dadka u saameyay Cudurka CORONA. Faah-faahinno kala duwna oo ka soo baxaya Weerar lagu qaadey Saldhig ay Ciidanka Kenya ku leeyihiin Jubbada hoose. Sheekh Shariif Sh Axmed oo ku baaqay in aan la siyaasadeyn Coronavirus oo in ka badan 50 qof laga diiwan geliyay Somaliya. Kiisaskii ugu badnaa ee Coronavirus oo laga helay magaalada Muqdisho. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/04/Bar-waredka-galabnimo-14-04-2020-ok.mp3 Haddaba halkaan ka dhageyso qodobadaasi oo intaas ka faahfahsan, waxaana soo jeedinaya Xamdi Baraale iyo Anfac Aadan Cabdi Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ku-xigeenka Agaasimaha Goobjoog Media Group Cabdicasiis Axmed Gurbiye ayaa maanta xabsi loo taxaabay, kadib markii looga yeeray xarunta Degmada Hodan ee magaalada Muqdisho. Agaasimaha Goobjoog Media Group Xasan Maxamed Maxamuud ayaa xaqiijiyay xariga Cabdicasiis Gurbiye kaas oo meel ku dhac ku ah xoriyatul qowlka iyo madax bannaanida warbaahinta. Weriye Cabdicasiis Axmed Gurbiye ayaan ilaa iyo hada la ogayn sabaha xarigiisa ka dambeeya, hase yeeshee shalay wuxuu bartiisa facebook kusoo qoray in madaxweyne Farmaajo “uu qaatey” ventilator (mashiinka neefta siiya sanbabada marka shaqada joojiyaan) loogu deeqay Isbitaal Martiini! “Ogow, waxaa xaqiiq ah in ventilator aanu horay u laheyn Martiini, markii deeq ay heleen si bukaankii loo badbaadiyo ka warama haddii Madaxweyne, ra’isul wasaare, wasiirro iyo xildhibaanno kala qaataan? Yaa u maqan muwaadinka?!” ayuu ku yiri qoraalkiisa. Maamulka degmada Hodan ilaa iyo hada kama soo bixin wax war ah oo la xiriira xariga Cabdicasiis Gurbiye Maamulka Goobjoog ayaa wada dadaalo lagu doonayo sidii lagu sii dayn lahaa Agaasime ku xigeenka Goobjoog Cabdicasiis Axmed Gurbiye.
-
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa agab caafimaad ugu deeqday dowladda Soomaaliya, si looga hortago faafidda xanuunka Coronavirus. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Fawsiya Abikar Nuur, ayaa maanta oo Talaado ah kula wareegtay gegidda diyaaradaha caalamiga ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho shixnad agab caafimaad oo 23.4 Tan oo ay soo dhiibtay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, oo ay ku jireen maaskaro, dareeraha gacmaha lagu nadiifiyo iyo galoofyada ilaalinta leh si wax looga qabto faafidda cudurka safmarka ah ee Coronavirus. Dowladda Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay dowladda Imaaraadka kaalmadooda caafimaad, waxayna sheegay in ay u aragto haddiyad muujinaysa heerka wanaagsan ee xiriirka u dhexeeya labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya. Munaasabadda lagu guddoomayay kaalamadani ayaa waxaa goob-joog ka kala ahaa Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka, Mudane Xamsa Siciid Xamsa iyo Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdiqaadir Axmed-Khayr Cabdi. PUNTLAND POST The post Imaaraadka oo agab caafimaad ka dajiyey Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Cali Daahir Ciid ayaa kulamo looga hadlayo amniga ka wada degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Kulamadaan ayaa waxaa ka qeyb galay saraakiisha ammaanka, maamulka degmadaas iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Sidoo kale waxaa kulamada lagu soo qaaday, sidii looga hortagi lahaa dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Halkaan hoose ka dhageyso warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/ggg.mp3 View the full article
-
Goobjoog Media Group journalist arrested over COVID-19 post
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Mogadishu (HOL) -The Deputy Director of Mogadishu based Goobjoog Media Group Abdiaziz Ahmed Gurbiye was Tuesday morning arrested in Mogadishu. Source: Hiiraan Online -
Ciidaamada Dowladda iyo kuwa Booliska Hirshabelle ayaa xiray xuduuda uu gobolka Hiiraan la wadaago Itoobiya, kaasi oo muddooyinkaan Qaad laga soo gudbinayey. Sidoo kale ciidamada ayaa maanta howlgallo lagula dagaalamayo qaadka waxa ay ka sameeyeen Beledweyn, iyadoo ganacsatada keenta iyo kuwa uga ganacsado gudaha magaalada lagu war geliyay in ay xarig iyo lacag ganaax ah mutaysan doonaan cidii jabisa amaradda laga soo saaray. Dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada dalka ayaa dadaal ugu jira ka hortaga xanuunka Covid-19, kaasi oo kiisaska laga helay dalka ay gaarayaan illaa 60 ruux . View the full article
-
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaare geystay oo barqanimadii maanta ka dhacay agagaarka isgoyska Fagax ee magaalada Muqdisho. Qaraxa oo ahaa nooca miinada ayaa la sheegay in lala damacsanaa gaari Cabdi Bile ah oo ku socdaalayey wadada aada dhanka xaafadda Jamhuuriyaha ee degmada Kaaraan. Warar ay heshay Shabelle ayaa sheegaya in gaariga uu saarnaa sarkaal lagu magacaabo Saney Cabdulle Gaab oo ka tirsan ciidamada milatariga Soomaaliya Qof goobjooge ah oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa ka waribixiyey, wuxuuna tilmaamay in qaraxaasi uu ku dhintay hal qof, saddex kalena ay ku dhaawacmeen. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/qaxa.mp3 View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ayaa maanta ogolaatay in la dajiyo Markab siday shixnad u badan cuntooyinka daruuriga ah, kaasi oo muddo labo todobaad ku dhow ku xanibnaa dekedda Berbera. Markabkaasi oo ka yimid dalka Sacuudiga, gaar ahaan magaalada Jiddah ayaa 1-dii April soo istaagay dekedda magaalada Berbera, ee ay gacanta ku hayso shirkada DP World. Sida ay ogaatay Caasimada Online, markabkaasi siday shixnada cuntooyinka ah ayaa muddadaasi u xanibnaa lacag ay DP World ku leedahay ganacsadaha Oomaar, kaasi oo ah wakiilka markabkaasi oo lagu magacaabo Kotakaya. Muran dheer kadib xukuumadda Biixi ayaa soo kala dhex-gashay DP World iyo Markabkaasi ku xanibnaa dekedda, iyada oo go’aamisay in Markabkaasi gebi ahaanba laga rogo shixnada uu sido. Xukuumada iyo DP World ayaa la filayaa inay shixnadaasi la fasaxin kadib marka la dajiyo, midaasi oo lagula xisaabtamayo ganacsade Oomaar, sida uu Caasimada Online u sheegay mid kamid ah ganacsatada uu u raran-yahay markabkaasi. Markabkaasi mudada ku xanibnaa dekedda Berbera ee maanta la ogolaaday in la dajiyo, ayaa waxa uu siday Cuntooyinka daruuriga ah ee loogu isticmaalka badan yahay xiliga Ramadaanka, maadama muddo yar ay inaga xigto bishaasi barakeysan.
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Duhur-14042020.mp3 View the full article
-
Garowe (PP News Desk) — The Transitional Puntland Electoral Commission has appointed Ubah Abdulkadir Abshir as the new Secretary General of TPEC whose governing body held a meeting at its premises in Garowe today. Ubah will replace Liban Salah Mohamud, who was appointed as TPEC Secretary General in November 2016. Ubah’s experience will stand TPEC in good stead Ubah holds Masters in Economics and Public Adminstration and has fifteen years of experience of working with governmental and non-governmental organisations. TPEC has a mandate to conduct the first pilot local government elections to take place in Puntland. No date has been set for local government elections. © Puntland Post, 2020 The post TPEC APPOINTS A NEW SECRETARY GENERAL appeared first on Puntland Post.
-
Imaaraadka Carabta oo Gargaar caafimaad ku wareejiyey Dawladda Somalia+Sawirro Diyaarad sidda gurmad caafimaad, kana timid dalka Isu Taga Imaaraadka Carabta ayaa saaka soo caga dhigatay garoonka Aadan Cadde. Deeqdaan oo ay la wareegtay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa waxaa loogu tala-galay ka hortaga cudurka Coronavirus. Wararka ayaa sheegaya in diyaaradda ayaa keentay todobo tan oo gargaar ah oo ay dowladda Imaaraadku ugu deeqday Soomaaliya iyo 20 tan oo ka timid hay’adda WHO. Waa gargaarkii ugu horreeyey ee uu Imaaraadku soo gaarsiiyo Muqdisho , tan iyo markii uu ka dilaacay cudurka saf-marka ah ee Coronavirus. Sidoo kale Imaaraadka ayaa horay gargaarkaan mid la mid ah uga dajijyey magaalooyinka Hargeysa iyo Garoowe ee maamullada Somaliland iyo Puntland. Soomaaliya ayaa la daala dhaceysa xakameynta cudurkaan oo marba marka ka dameysa soo ridanayo dad hor leh, waxaana tirada haatan ay mareysaa illaa 60 kiis. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed ayaa waxaa looga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan cudurka COVID19. Ugu horreyn ururka ayaa walaac ka muujiyey faafitaanka cudurka, kadib markii shalay wasaaradda caafimaadka ay shaacisay kiisaskii ugu badnaa ee xanuunkaasi. Sidoo kale uruka dhaqaatiirka Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in dadka laga helay cudurka Coronavirus ay ka mid yihiin shaqaalaha wasaaradda caafimadka, taas oo kor u qaadeysa walaaca laga qabo cudurka COVID-19 oo fara ba’an ku haya caalamka. Ururka dhaqaatiirka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale dalbaday in si deg-deg ah loo qalabeeyo isbitaalka Martiini, loona diyaariyo shaqaale caafimaad, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in xaalad halis ah iyo daryeel la’aan ay ka jirto isbitaalkaasi. “In Si deg deg ah loo qalabeeyo isbitaalka (De-mertino Hospital) loona dhameystiro wax yaabaaha asaasiga ah ee isbitaal looga baahanyahay sidoo kalane si deg deg ah loo diyaariyo shaqaalihii caafimaad ee ka shaqeyn lahaa loona dhameystiro dhamaan waxyaabaha laga maarmaanka u ah oo ey ku shaqeyn lahaayeen sida qalabka PPE, N95, FACE MASK, GLOVES iyo wixii kale oo ey u baahdaan”ayay ku taliyeen Dhaqaatiirtu Ugu damgeyn waxay ku baaqeen in loo midoobo la dagaalanka cudurkaan, lana helo siyaasad mideysan, si looga hortago faafistiisa. “In lahelo siyaasad midaysan loogana hortagayo xaaladda Xanuunka COVID-19 ayna hormuud ka noqdaan kaadiriinta Caafimaadka Dalka maadaama ey yihiin dadkii u lahaa aqoonta iyo khibradda labadaba”. Halkaan ka aqri Talooyinka Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed. KU: MADAXWEYNAHA DOWLADDA FADARAALKA SOMAALIYA KU: RAYSULWASARAHA DOWLADDA FADARAALKA SOMAALIYA OG: WASIIRKA WASARADA CAAFIMAADKA IYO DARYEELKA BULSHADA DFS UJEEDO: TALO-SOOJEEDIN MUHIIM AH OO KU WAJAHAN CUDURKA COVID-19 Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed wuxuu walwal badan ka muujinayaa xaalada cudurka COVID19 ee dalka Soomaaliya, gaar ahaan maalmihii ugu danbeeyay oo ey soo bateen bukaanada laga helay xanuunka eyna kana mid noqdeen shaqaalaha wasaarada caafimadka, sidoo kalena ee bukaanadii ugu horeeyay ee u dhinteen Xanuunka ayna Wasaarada Caafimadka Soomaaliya ku dhawaaqday in ay billaabatay in xanuunku ku faafay Bulshada Dhexdeed ( Community Transmission) taa oo ey ka dhalan karto in ay aad u bataan bukaanada uu soo ridanayo xanuunka COVID-19 maalmaaha soo socdo. Sidaas darted ururka dhkhaatiirta somaliyeed waxuu u soo jeedinayaa dhamaan Madaxda Qaranka sida Madaxweynaha, Raiswasaaraha, Wasiirka Caafimadka Soomaaliya iyo qof walba oo qeyb ka ah howlaha looga hortagayo Xanuunka COVID-19 talooyinka soo socda: 1. In Si deg deg ah loo qalabeeyo isbitaalka (De-mertino Hospital) loona dhameystiro wax yaabaaha asaasiga ah ee isbitaal looga baahanyahay sidoo kalane si deg deg ah loo diyaariyo shaqaalihii caafimaad ee ka shaqeyn lahaa loona dhameystiro dhamaan waxyaabaha laga maarmaanka u ah oo ey ku shaqeyn lahaayeen sida qalabka PPE, N95, FACE MASK, GLOVES iyo wixii kale oo ey u baahdaan. Ururka dhakhaatiirta Soomaaliyeed wuxuu diyaar u yahay inuu ku taageero Aqoon, Farsamo ,Hogaamin,iyo wixii kale loo baahanyahay. Date: 13-04-2020 Mogadishu- Somalia نقـابة أطبـــــــاء الص ــــومال مقديشوا ـ ال صومال URURKA DHAKHAATIIRTA SOOMAALIYEED Ref: GCCSMA04012020 Address: KPP, Wadnaha Street, Hodan District, Mogadishu-Somalia/www.sma.org.so/ E-mail:-info@sma.org, Tell: +252617002850, +252615334486, Mobile: +252615968488 2. Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed wuxuu madaxda qaranka u soo jeedinayaa, maadaama uu bilawday in uu xanuunku ku faafo bulshada dhexdeeda bukaanada uu soo ridanayana ay aad u badan doonaan sida la filayo ayna adkaan doonto in hal isbitaal lagu daweeyo in dhamaan isbitaalada leh adeega Oxygenka iyo ICU ga ( Centralized Oxygen and ICU) in laga dhigo Xarumaha sida gaarka ah loogu daaweeyo Xanuunka COVID-19. Xarumahaas waxaa ka mid ah Isbitaalada ( Ex-Digfer Hospital, Yerdemeli Hospital, Ex-Deva Hospital, Sheikh-Zayid Hospital).Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed wuxuu diyaar u yahay in uu ka qeyb qaato ka shaqeysiinta, Hagida iyo la socodka dhamaan howlaha isbitaaladaa ee qabanayaan. 3. Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed wuxuu madaxda qaranka u sheegaya in ay dayacan yihiin Shaqaalihi Caafimaadka Dalka kuwa ka shaqeeya isbitaalada dawladda iyo isbitaalada gaarka looleeyahayba ayna qatarta ugu badan ugu jiran in uu ku dhaco xanuunka maadaama ay taagan yihiin aaga hore la dagaalanka Xanuunka COVID-19 ayna xarumahaas imaanayaan bukaano badan oo leh calaamadaha xanuunka. Ururka dhakhaatiirta somaliyeed wuxuu ku talinayaa in loo helo qalabka ay xirfadleyda caafimaadku isaga ilaaliyaan COVID-19 sida PPE, N95 Facemask. Haddii qalabkaas la waayo waxaa dhaceyso in shaqaalaha caafimadku Qatar galaan ama shaqadi ay bulshada u hayeen adkaaneyso in ey sii wadaan. 4. Culays ayaa ka jira soo referr garaynta bukaanada looga shakiyay xanuun ka Covid-19 ee lagu arko xarumaha caafimaadka, sida ka jawaabista taleefonada xarunta soo wicidda, si fudud u helidda Ambulance qaadda bukaanka sidaa si lamida in lakordhiyo xarumaha baaritaanka cudurka. Ururka Dhakhaatiirta Somaliyeed wuxuu soo jedinayaa in la xoojiyo wadashaqaynta xarumaha lagula tacaalayo COVID-19 iyo Isbitaalada laga soo diro bukaanada. 5. Ururka Dhakhaatiirta Soomaliyeed wuxuu soo jeedinayaa in lahelo siyaasad midaysan loogana hortagayo xaaladda Xanuunka COVID-19 eyna hormuud ka noqdaan kaadiriinta Caafimaadka Dalka maadaama ey yihiin dadkii u lahaa aqoonta iyo khibradda labadaba. Waxaan allah ka baryeynaa in uu umada soomaaliyeed meel walbo oo ey joogaan uu ka badbaadiyo halista Cudurka COVID-19 Dhamaad
-
Ku xigeenka Agaasimaha Goobjoog Media Group ayaa xabsi loo taxaabay , ka dib markii looga yeeray xarunta Degmada Hodan ee magaalada Muqdisho. Cabdicasiis Axmed Gurbiye ku xigeenka Agaasimaha ayaa ilaa iyo hada aan la ogayn sabaha xarigiisa ka dambeeya. Agaasimaha Goobjoog Media Group Xasan Maxamed Maxamuud ayaa xaqiijiyay xariga Cabdicasiis Gurbiye kaas oo meel ku dhac ku ah xoriyatul qowlka iyo madax bannaanida warbaahinta. Maamulka degmada Hodan ilaa iyo hada wax war ah oo la xiriira xariga Cabdicasiis Gurbiye kama soo bixin. Maamulka Goobjoog Media Group ayaa wada dadaalo lagu doonayo sidii lagu sii dayn lahaa Agaasime ku xigeenka Goobjoog Cabdicasiis Axmed Gurbiye. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dowlada Imaaraatka Carabta, oo kaashaneysa hey’adda qaramada midoobay u qaabilsan caafimaadka ee (WHO), ayaa waxay Somaaliya u soo dirtay diyaarad gargaar oo sidda 27 tan oo ah Agab caafimaad oo lagula tacaalo cudurka Corona Virus. Diyaaraddan ayaa sidday 7 tan oo gargaar ah oo ay Dowladda Imaaraadku ugu deeqday Soomaaliya, iyo 20 tan oo (WHO) uga deeqay Soomaaliya, iyadoo Agabkaan Caafimaad lagu wareejiyay Wasaaradda caafimaadka ee DFS. Deeqdan ayaa waxa ay dowladda Somalia ka caawineysaa in ay qalabeyso goobaha lagu daweeyo dadka uu soo rito xanuunka Corona virus iyadoo sidoo kale u suura galin doonta shaqalaha cafimaadku iney si dardar leh ula tacaalaan cudurkan. Safiirka dowladda Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya Danjire Mohammed Ahmed Al-Othman Al Hammadi, ayaa sheegay in Dowladda Imaaraadku ay taageero buuxda la garab taagan tahay Dowladda iyo shacabka soomaaliyeed xilligaan adag si loo xoojiyo dadaallada looga hortagayo COVID-19. Safiirku wuxuu intaas ku daray in Dowlada Imaaraadku, iyadoo la kaashaneysa hey’adaha caalfimaadka Dunida ee WHO, ay ka caawisay Dadl badan, iyada oo kaalmo deg deg ah gaarsiisay dalalkaas sidii ay u xoojiyaan dadaallada looga hortagayo COVID-19. Deeqdaan ayaa kusoo aadeysa xilli ay Dowladda iyo shacabka Soomaliyeed ay u baahan yihiin in lagu garab istaago la tacaalidda cudurka Corona virus iyo xakameynta faafitaankiisa intaba. View the full article
-
Jowhar (Caasimada Online ) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare oo u warramay BBC-da ayaa ka hadlay xaaladda maamulkaasi oo uu cabsi xoog leh ku abuuray cudurka Coronavirus, kadib markii uu u geeriyooday wasiiru dowlihii wasaaradda cadaaladda HirShabelle, marxuum Khaliif Muumin. Waare ayaa wareysigaan ku sheegay in cudurka uu saameyn ku yeeshay howlaha guud ee maamulkaasi, islamarkaana la joojiyey kulamadii golaha wasiirada iyo baarlamaanka. “Annaga hadda labo arrimood ayaa noogu daran, maskaxdeenna, tamarteenna iyo walwalkeennana aan isugu geyneynaa. Midda koowaad waa saameynta caafimaad ee uu keeni doono cudurkaan, Alle hanaga fududeeyee, tan labaad ee kasii walwalka badanna waa saameynta iyo dhibaatada dhinaca dhaqaalaha ee ka dhalan doonta.” ayuu yiri Waare. Sidoo kale Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare oo wax laga weydiiyey arrimaha doorashada maamulkaasi oo fooda nagu soo haya ayaa sheegay in illaa xaaladda Corona dhinac u dhacdo aysan u oollin talo ku saabsan doorashada, sida uu hadalka u dhigay. “Alle hanaga fududeeyee, haddii aysan nagu dheeraanin, oo uu dhammaado waqti doorashada la qaban karo, dabcan in uu Alle naga fududeeyo ayaan rajeyneynaa, laakiin taladaas ma aha talo maanta noo taalla, waa talo aan u gali doonno si wadar ah oo ka tashi ah, waqtigii uu Alle arrintaan dhinac noo dhaafsiiyo”. ayuu markale yiri. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan xaalad karantiil ah Madaxweyne Waare iyo dhammaan xubnaha kale ee maamulkiisa, kadib geeridii ku timid Wasiir Khaliif oo Axadii la soo dhaafay magaalada Muqdisho ugu dhintay cudurka faafa ee Coronavirus. Xaaladda COVID19 ee Soomaaliya ayaa haatan ka sii dareysa, iyadoona kiisaskii ugu badnaa cudurka ay shalay xaqiijisay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.
-
Ubax Cabdullaahi Abshir Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland, ayaa Maanta oo Talaado ah magacaabay Xoghayaha Guud ee Guddiga, kadib kulan ay ku yeesheen Xaruntooda Magaalada Garoowe. War-saxaafadeed ka soo baxay Guddiga, oo ku taariikhaysan 14 April 2020 ee ku beegan Maanta, ayaa lagu sheegay in Xoghayaha Guud ee Guddiga Doorashooyinka Puntland loo magacaabay Ubax Cabdullaahi Abshir. Jagada Xoghayaha Guud ee Guddiga, waxaa horay u hayay Liibaan Saalax Maxamuud (Gegiroor) oo xilkaasi loo magacaabay 24 November 2016, islamarkaana la soo shaqeeyay Guddigii hore ee Doorashooyinka Puntland. Gabadha haatan loo magacaabay Xoghayaha Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland, waxay Shahaahada Heerka Labaad ee jaamacadda ka haysataa Dhaqaalaha iyo Maamulka Dowladda, waxaana ay in ka badan 15-sannadood la soo shaqeysay Hay’ado Dowladeed iyo kuwa gaar loo leeyahay. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Xoghaye cusub oo loo magacaabay Guddiga Doorashooyinka Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa warar dheeraad ah laga helayaa qarax khasaare geystay oo ka dhacay xaafadda Jamhuuriye degmada kaaraan ee gobalka Banaadir, waxaana qaraasi ka soo baxaya warar kala duwan. Sida Goobjoog News ay u xaqiijiyeen dadka deegaanka qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa waxaa lala beegsaday gaari ay la socdeen askar ka tirsan ciidanka dowladda, inkastoo qaraxa uusan haleelin gaarigaasi waxaana khasaare kala duwan uu soo gaaray dad shacab ah. Inta la xaqiijiyay 4 qof oo rayid ah ayaa ku dhaawacantay qaraxa waxaana sidoo kale goobta ku bur buray mootooyinka loo yaqaan bajaajka. Goobta uu qaraxu ka dhacay waxaa soo gaaray ciidamo ka tirsan dowladda kuwaas oo bilaabay baaritaano kala duwan waxaana la sheegay in ciidamadii halkaasi gaaray ay muddo kooban ridayeen rasaas. Wali ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkaan inkastoo weerarada nuucaan ah looga bartay inay sheegtaan dagaalamayaasha Al shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Popular Contributors
