-
Content Count
214,428 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyey ee cudurka Coronavirus. Ugu horreyn wuxuu dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay qaataan talooyinka caafimaadka, si loo yareeyo faafitaanka cudurkaasi. “Alle ayaan ka magan-galeynaa cudurkaan halista ah, Bulsho kala duwan ayuu dhibaato u geystay, xitaa Xaramka ayaa loo xiray, sababtu waa in aysan dadku is qaadsiin, yaan la yareysan tallooyinka Caafimaadka, waana xalka ugu fudud ee looga hortagi karo Fayruska, si gaar ah waxa aan fariintaan la wadaagayaa dadka goobaha kala duwan isugu tago” ayuu yiri madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu cudurka sii faafayo marba marka ka dambeysa, isagoo sababta ku sheegay inay yar-tahay feejignaanta dadka Soomaaliyeed. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa carabka ku dhuftay in weli ay dadka isugu tagaan hoteelada, goobaha aroosyada, maqaaxiyada iyo meelaha ah kulanka bulshada. “Cudurku waa uu sii faafaya, waxaa yar feejignaanta dadka, waxa ay isugu tagaan Hoteelada, Goobaha Aroosyada, Maqaaxiyada iyo meelaha ah kulanka Bulshada, Xamarka alle oo dad badan isugu tagaan ayaa loo xiray in aysan dadku isqaadsiin, sidaas awgeed Cudurku ma sahlanyo ee yaan la sahlan, ducada hala badiyo waana xalka kaliya ee looga hortagi karo” ayuu markale yiri madaxweynihii hore ee Soomaaliya. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo wasaarada caafimaadka Soomaaliya ay shaacisay kiisas cusub oo Coronavirus ah, taas oo ah tirada ka dhigtay illaa 25 qof oo karantiil ku jira.
-
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xalay xilka madaxtnimada Galmudug ku wareejiyey madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Kaariye Qoorqoor. Madaxweynihii hore Axmed Geelle Xaaf oo goobta ka hadlay ayaa waxaa uu yiri ” Ummadada, dadkaaga iyo dalkaaga caawa xilbaa ku saaray, ha moodin inuu fudud yahay, waa dhurwaa dhagihii haddii uu rabo, laakin inaan u adkeysato ayaa muhiim ah, inaad u samirto ayaa muhiim ah, inaad dadkaaga Senatarada iyo xildhibaanada inta aaney hadda tagin balama haddii shaqana u dir, haddii kale adiga ayey kaa shaqeynayaan, war ilaahbaa indiin ku dhaarshee aan gobolka u shaqeyno, gobollada waan xoreyneynaa, dekaddana waan furaneynaa”. Dhankiisa, Madaxweyne Cabdi Cabdi Qoor-qoor oo isna hadlay ayaa yiri “Habeen taariikhda Galmudug ka galay baal dahab ah, ..waxaan rabaa inaan si gaar ah u xuso madaxweynihii hore ee Galmudug tanaasulkii, walaalninadii iyo odeynimadii uu u muujiyey Galmudug, iyada oo roonaan iyo u turid Galmudug waxaan aheyn aysan ku jirin ayaa isu tanaasulnay, isna aqbalnay, waa odey Galmudug, waa aabihii Galmudug taariikhda ayaa xusi doonta”. Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoo-qoor ayaa waxaa horyaallo arrimo badan oo dib u heshiisiinta, xureynta deegaanka, dib u dhiska iyo arrimo kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Riyadh)-Wadamada soo saara Shidaalka ayaa waxay ku heshiyeen in la dhimo wax soo saarka dhanka Shidaalka taasi oo ah dadaal lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka dhanka qiimaha ah ee ka dhex qarxay Sacuudiga iyo Ruushka. Wadamada ururka ay ku bahoobeen dalalka soo soo saara shidaalka ee OPEC iyo dalalka kale ee shidaalka dhoofiya ayaa waxay dhimayaan 10 milyan oo barmiil maalinkii. Tan iyo horaantii bishii March, qiimaha shidaalka ayaa waxaa ku yimid hoos u dhicii ugu wayn ku dhawaad muddo 20 sano ah, waxaana arintan loo aaneyay cudurka Corona. Waa hoos u dhigidii ugu waynayd ebed ee wax soo saraka shidaaka caalamka hoose loo dhigo si qiimaha uu sare ugu kaco. Heshiiiskan ayaa waxaa imika soo dhaweeyay hogaamiyayaasha caalamka oo qaarkood ku tilmaamay heshiis wayn. Isniintii dalalka Eeshiya waxaa Foostadii shidaalka ah ay hoos u dhacday in ka badan $1. Waxaa aad hoos ugu dhacay isticmaalka shidaalka saddex meelood hal meel ka dib markii in ka badan 3 bilyan oo qof lagu amray in aysan guriyahooda ka soo baxayn sababo la xidhiidha cudurka Corona. Waxaa xaaladda sii murjiyay ka dib markii Sacuudiga iyo Ruushka uu ka dhex qarxay dagaalka dhanka Shidaalka ah taasi oo sababtay hoos u dhici ugu wayn muddo 20 sano ah. Balse waxaa markii dambe soo dhex galay madaxwayne Trump oo ku baaqay in la soo afjaro khilaafka labada dal ee ugu soo wax soo saarka badan dhanka shidaalka . Madaxwayne Donald Trump ayaa imika soo dhaweeyay heshiiska ay gaareen dalalka soo saara shidaalka ee ku bohoobay ururka Opec. Waxaa uu sheegay in heshiiskan u badbaadinayo kumannan kun oo shaqo gudaha dalka Mareykanka. Madaxwayne Trump ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay madaxwaynaha Ruushka Putin iyo boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan. Source
-
(SLT-Tel Aviva)-Madaxweynaha Israa’iil ayaa diiday codsi uga yimid afhayeenka baarlamaanka Benny Gantz, uu ku doonayay wakhti dheeri ah si xukuumad wadaag uu ula soo dhiso ra’isul wasaare Benjamin Netanyahu. Mr Gantz oo ka tirsanaa saraakiisha sare ee millatariga ayaa afar todobaad ka hor madaxweyne Reuven Rivlin wuxuu siiyay fursad uu ku dhiso xukuumad wadaag ah kadib doorashadii 2-dii bishii march ka dhacday Israa’iil. Natiijada ayaa keentay in xisbiga Netanyahu uu ku guull-dareestay in uu helo awood uu ku soo dhisi karo xukuumada Xigta. Waa markii saddexaad muddo sannad gudaheed ah Israa’iil ay ka dhacdo doorasho aan wali lagu kala bixin. Xisbiga haya tallada ee Netanyahu ayaa bishii hore si lama filaan ah doorashadii afhayeenka aqalka baarlamaanka ugu coddeeyay Gantz, si ay u yaraato caqabada ka heysata dhankiisa. Gants iyo Netenyahu oo kala hoggaamiya labada xisbi ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay lahaa wadahadal, walow aan natiijo midha dhal ah laga gaadhin. Source
-
Kulanti wacan oo wanaagsan dhageystayaal ku soo dhowaada barnaamij wareedka subaxnimo ee Goobjoog qodobada ugu waa weyn waxaa ka mid ah. Warbaahinta Goobjoog ayaa ka Cabanaysa Xadgudub ay Kala kulmaan Wasiir Khadijo Diiriye Iyo Guddoomiye Cabdiqani Carab. Mdaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle ayaa xalay xilka madaxtinimada maamulka Galmudug ku wareejiyay Madaxweynaha cusub Mudane. Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor. Dowladda Soomaaliya ayaa Muqdisho ku soo rogtay Bandow xilliyada habeenkii ah, iyadoo ay sii kordhayaan kiisaska caabuqa Coronavirus. Wasiirka Caafimaadka Soomaliya ayaa sheegtay in ay soo kordheeen kiisas kale oo la xiriira Caabuqa COVID-1, iyo tirada guud oo sare u sii socota. Somaliland ayaa sheegtay in lagu wareejiyey Qalab lagu baaro Cudurka COVID 19 oo ay ka heshay Hey’adda Caafimadka addunka. Haddaba halkaan ka dhageyso qodobadaasi oo intaas ka faahfahsan, waxaana soo jeedinaya Cabdi kariim Cali Aadam iyo Xamdi Mahad Diiriye. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/04/13-0-4-2020.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Askar ka tirsan ciidanka Militariga dowladda Soomaaliya, oo ku sugan degaanka Jannaale ee gobolka Shabeellada hoose, ayaa lagu eedeeyay in ay halkaas ku kufsadeen gabar aan weli qaan-gaarin iyo haweeney xaamil ahayd. Guddoomiyihii hore ee degmada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose, Xassan Macallin Cumar, oo la hadlay idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in askar ka tirsan Militariga Soomaaliya ay degaanka Jannaale kufsi ba’an ugu gaysteen gabar yar oo 13-sano jir ahayd iyo haweeney xaamila. Xassan Macallin, ayaa tilmaamay in gabadha yar ee 13-jirka ah ay ciidanku xoog kaga wateen gudaha degaanka Jannaale, kadibna ay kufsi ba’an u gaysteen, islamarkaana haatan ay xaaladeeda caafimaad liidato. Sidoo kale, wuxuu sheegay in haweeneyda xaamilka ah saddex askari oo ka tirsan Militariga Soomaaliya ee ku sugan Jannaale ay gaari kala dageen, kadibna kufsi fool-xun u gaysteen. Labada dhibbane, ayaa haatan xaaladooda caafimaad lagu dabiibayaa gudaha magaalada Muqdisho, sida laga soo xigtay guddoomyihii hore ee Marka Xassan Macallin Cumar. Taliska Militariga dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaan dhankooda weli ka jawaabin eedaymaha kufsi ee loo jeedinayo ciidamada dowladda ee ku sugan degaanka Jannaale. PUNTLAND POST . The post Militariga Soomaaliya oo la sheegay in ay kufsi ba’an ka geysteen degaanka Jannaale appeared first on Puntland Post.
-
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare uu ka mid yahay dadkii la kulmay wasiiru dowlihii wassaaradda cadaaladda maamulkaasi, Xildhibaan Khaliif Muumin oo shalay u geeriyooday COVID-19. Qoraal uu Madaxweyne Waare soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa wuxuu ku sheegay inuu is-karantiilay muddo todobaad ah. “Ilaaheey uunbaan xanuunsan. Balse OK ayaan ahay. Toddobaadkii tegay ayaan doortay inaan is karantiilo ayada oo ay iga tahay taxaddar iyo inaan tusaale u noqdo dadkayga. Waan sii wadi doonaa inaan sidaas sameeyo si la mid ah dadka.” ayuu yiri Waare. Dhinaca kale wasiiru dowlaha wasaaradda caafimaadka HirShabelle, Muumin Mukhtaar Macalin oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in lagu daba jiro mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaasi iyo dad kale oo la kulmay xildhibaankii u geeriyooday COVID-19. Muumin ayaa tilmaamay in la karantiili doono shaqsiyaadkaasi muddo laba todobaad ah, si loola socdo xaaladooda caafimaad. Soomaaliya oo cabsi badan ka qabta faafitaanka Coronavirus ayaa illaa iyo hadda tirada dadka laga helay cudurka waxay mareysaa 25 qof, kuwaas oo karantiil ku jira. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Subax-13042020.mp3 View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa sheegtay in qalab muhiim ah ay kala wareegtay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO. Wasiirka wasaaraddaasi, Mudane Cumar Cali Cabdullaahi (Bade) ayaa sheegay in qalabkaasi loogu tala-galay baaritaanka cudurka faafa ee Coronavirus. Bade ayaa tilmaamay in markii hore baaritaanka ay u diri jireen dalka Kenya, islamarkaana ay waqti badan ku qaadan jirtay inay jawaabta helaan. Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay inuu u mahad-celinayo ha’yadda WHO oo horay qalabkaan u ballan qaaday, islamarkaana haatan ku wareejisay. Ugu dambeyn wasiirka caafimaadka Somaliland ayaa shaaciyey in aysan jirin illaa iyo hadda kiisas cusub oo la xarira xanuunkasasi. Somaliland ayaa horay u xaqiijiisay illaa labo kiis oo COVID-19 ah, kuwaas oo haatan ku jira xaalada karantiil ah.
-
Madaxweynihii hore ee maamul goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayaa xalay si rasmi ah xilka ugu wareejiyay madaxweynaha Cusub ee maamulkaas, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor. Munaasabad kooban oo xalay ka dhacday magaalada Dhuusamareeb, ayuu Ex. Madaxweyne Xaaf xilka ku wareejiyay madaxweynaha cusub Mr Qoor Qoor, waxaana munaasabadda ka qayb-galay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, xildhibaannada Galmudug, siyaasiyiin iyo marti sharaf kala duwan. Munaasabadda xilka wareejinta, ayaa intii ay socotay waxaa laga jeediyay Khudbado looga hadlay arrimaha ku wajahan siyaasada Galmudug iyo isku tanaasulka la sameeyay. Ex. Madaxweyne Xaaf ayaa isagu dhawaan shaaciyay in uu u tanaasulay danta iyo dhismaha Galmudug, isla markaana uu ka shaqeyn doono dib u heshiisiinta maamulkaas, uuna garab-siin doono madaxweynaha cusub. PUNTLAND POST The post Xaaf oo si rasmiya xilka ugu wareejiyay Qoor Qoor appeared first on Puntland Post.
-
The COVID-19 pandemic possesses a serious threat to populations that are currently living in Somalia IDP sites. Source: Hiiraan Online
-
Guddiga dowladda Puntland u qaabilsan ka hortagga iyo wacyi-gelinta cudurka Coronavirus ayaa xalay shaaciyay Natiijada ka soo baxday baaritaan lagu sameeyay qof looga shakiyay xanuunka COVID-19. Qoraal uu soo saaray guddiga ayaa lagu sheegay in Natiijada ka soo baxday baaritaankii qofka looga shakiyay cudurka Coronavirus uu xaqiijiyay in uu ka caafimaad qabo xanuunkaas. Guddiga ayaa tilmaamay in qofkaas laga shakiyay horay loo karantiilay 2-dii bishan April 2020 islamarkaana baaritaankii lagu sameeyay oo haatan jawaabtiisu soo baxday uu caddeeyay in uusan cudurka qabin. Sidoo kale guddiga ayaa dhammaan dadweynaha Puntlan ku dhiirri-geliyay in taxaddar dheeriya muujiyaan oo raacaan talooyinka caafimaad ee guddiga si looga feejignaado faafidda xanuunka COVID-19. PUNTLAND POST The post Puntland oo shaacisay Natiijada baaritaan lagu sameeyay qof looga shakiyay Coronavirus appeared first on Puntland Post.
-
OPEC and its oil producing allies on Sunday finalized a historic agreement to cut production by 9.7 million barrels per day, following multiple days of discussions and back-and-forth between the world’s largest energy producers. The cut is the single largest output cut in history. Source: Hiiraan Online
-
Taliyaha Ciidanka Booliiska dowladda Federaalka Soomaaliya Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), ayaa xalay shaaciyay in laga bilaabo fiidnimada Arbacada ah April 15 2020 in magaalada Muqdisho lagu soo rogay bandow ka bilaabanaya 8:00 Fiidnimo kuna eg 05:00 Subaxnimo, si looga hortago faafidda COVID-19. Taliyaha Ciidanka Booliiska, waxa uu sidoo kale sheegay in Bandowgu uu saameynayo isu-socodka dadka iyo gaadiidka, ganacsiga, marka laga reebo dukaamada cunnada qalalan laga iibsado iyo xarumaha caafimaadka sida farmashiyayaasha iyo isbitaallada. Gen Xijaar, ayaa tilmaamay in qiimeynta joogtada ah ee lagu sameynayo xaaladda faafidda cudurka COVID-19, lagu go’aamin doono wax ka bedelka bandowgaas. Taliyaha ayaa xusay in Ciidamada amniga la faray, in ay dadka xanuunsanaya ee xaaladaha deg-degga ah la soo gudboonaadaan ay u fududeeyaan in la geeyo goobaha caafimaadka, si ay u helaan daryeelka ay u baahanyihiin. PUNTLAND POST The post Magaalada Muqdisho oo lagu soo rogay bandow habeennimo appeared first on Puntland Post.
-
Somalia-based militant group Al-Shabaab has ramped up kidnappings as a way of beefing up its pool of professionals and gathering intelligence. Source: Hiiraan Online
-
Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xaqiijiyey inuu muddo toddobaad ah ku jiro karantiil la xiriira cudurka Coronavirus, saacado kadib markii ay Caasimada Online sidaas werisay. Madaxweyne Waare ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ku yiri: “Ilaaheey uunbaan xanuunsan. Balse OK ayaan ahay. Toddobaadkii tegay ayaan doortay inaan is karantiilo ayada oo ay iga tahay taxaddar iyo inaan tusaale u noqdo dadkayga. Waan sii wadi doonaa inaan sidaas sameeyo si la mid ah dadka.” Warar ay shalay heshay Caasimada Online ayaa sheegayey inay xanuunsanayaan madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare, wasiir ka tirsan xukumadiisa iyo xubno kale oo ka mid ah maamulkiisa. Mas’uuliyiintan ayaa dhamaantood la kulmay wasiiru-dowlihii cadaaladda HirShabelle Khaliif Muumin oo shalay Muqdisho ugu geeriyooday xanuunka COVID-19 kadib markii dhawaan laga keenay magaalada Jowhar ee xarunta HirShabelle. Guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle ayaa Sheekh Cusmaan Barre ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynaha xanuusan yahay islamarkaana uu muddo 7-aad ah ku jiray xaalad is karantiil ah. “Ma’suuliyiin badan oo ka tirsan HirShabelle ayaa xanuunsan mana heestaan wax daryeel ah,” ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle Sheekh Cusmaan Barre. Guddoomiyaha ayaa mar si toos ah wax laga weydiiyay in Madaxweynaha HirShabelle ku xanuunsanayo Jowhar waxa uu yiri “waa maqlay in madaxweynaha xanuunsan-yahay balse intaas kuuma dhaafi karo.” Hoos ka dhageyso codka guddoomiyaha oo la hadlay Radio Kulmiye https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/04/Guddoomiyaha-Baarlamanka-HirShabeelle-.mp3
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Xuseen Maxamed Gaagaale, oo ka tirsanaa baarlamanka hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in uusan wax qalab ah iyo daawo midna oolin Isbitaalka Martiina islamarkaana wasiiru-dowlihii cadaalada ee HirShabelle Xildhibaan Khaliif Muumin u dhintay daryeel la’aan. Xildhibaan Gaagaale, ayaa sheegay in Isbitaalka ay ka waayeen qalabka Oxygen-ka iyo daawo gabi-ahaanba, waxayna dhaqaatiirta ku wargeliyeen in dibadda ka soo gato daawo iyo in uu dibadda ka raadsado caafimaada, sida uu hadalka u dhigay. “Isbitaalka ma yaalaan wax daawo ah, sidoo kale ma heleysid dhaqtar qofka dura markaa daawo keensato, Oxygen dhan hal xabo ayaa ka yaallo mana yaqaanaan dhaqaatiirta waxaana ku qasbanaaday inaa Isbitaalo kale ka keeno dhaqaatiir ku xirta markii ay baxeena waan waayay cid markale ku xirta,” ayuu yiri Xildhibaan Gaagaale, oo la hadlay idaacadda Kulmiye ee Muqdisho. Xildhibaanka ayaa sheegay in saraakiisha Isbitaalka Martiina iyo kuwa Wasaaradda Caafimaadka Somalia ay u sheegeen in aysan laheyn awood haba-yaratee oo ay wax ugu qabtaan bukaanada Isbitaalka ku karantiilan. Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in dhaqaatiirta Isbitaalka ay diideen daryeelka bukaanada jiifa iyagoo iska dhowraya qatar kaga imaan karta cudurkaan iyo la xisaabtan la’aan halkaasi ka jirta. Wasiiru-dowlihii Cadaaladda ee Maamulka HirShabelle ayaa shalay ku geeriyooday Muqdisho waxayna wararku sheegayaan in loo waayay qalabka karantiilka iyo daawo waxaana hada dhibaatadan oo kale wajahaya dad kale oo ku jira Isbitaalka Martiini. Caasimada Online waxay la xiriirtay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya, balse way diiday inay ka jawaabto arrintan. Hoos ka dhageyso codka Gaagaale https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/04/Codka-Gaagaale.mp3
-
Mid ka mida Madaxweynayaasha Maamul-gobeeladyada Somalia oo is-karantiilay+Xanuunka looga shakisan yahay Wararka ka imanaya Jowhar ee xarunta HirShabelle ayaa sheegaya in halkaasi ay ku xanuunsanayaan madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare, wasiir ka tirsan xukumadiisa iyo xubno kale oo ka mid ah maamulkiisa. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in xildhibaano ka tirsan maamulkaasi ay wajahayaan xaalad xanuun, waxayna dhamaantood la kulmeen wasiiru-dowlihii maanta u geeriyooday xanuunka COVID-19, kaas oo dhawaan laga keenay magaalada Jowhar ee xarunta HirShabelle. Ma jirto cid xaqiijin karta in xanuunada haya xubnahan ay yihiin Coronavirus, hase yeeshee masuuliyiin uu ka mid yahay guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle ayaa sheegay in madaxweynaha xanuusan yahay islamarkaana uu muddo 7-aad ah ku jiray xaalad is karantiil ah. “Ma’suuliyiin badan oo ka tirsan HirShabelle ayaa xanuunsan mana heestaan wax daryeel ah,” ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle Sheekh Cusmaan Barre. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa mar wax laga weydiiyay in Madaxweynaha HirShabelle ku xanuunsanayo Jowhar waxa uu yiri “waa maqlay in madaxweynaha xanuunsan-yahay balse intaas kuuma dhaafi karo.” Guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle Sheekh Cusmaan Barre Maxamed ayaa walaac ka muujiyay xaaladda Hirshabeelle waxa uuna sheegay in HirShabelle aysan haba-yaratee ka muuqan diyaar garowga cudurkaan iyo wacyi gelintiisaba. “HirShabelle waa dayacan-tahay mana jirto wax dedaal ah oo socda oo wacyi-gelin ah waxayna dadkaan ku jiraan xaalad halis ah,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Sheekh Cusmaan Barre oo la hadlay Radio Kulmiye ee Muqdisho. Qaran News
-
Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur oo xalay warbaahinta la hadashay ayaa xaqiijisay in shalay oo keliya 4 kiis oo coronavirus ah laga helay magaalada Muqdisho. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegtay in laba kamid ah bukaannada COVID-19 ee lagu hayo Isbitaal De-Martini ay xaaladdoodu darantahay ayna u baahanyihiin daryeel dheeraad ah. Wasiir Fowsiya waxay ku celisay in xanuunku si aayar ah ugu faafayo bulshada dhexdeeda sidaa darteed ay muhiim tahay in la raaco fariimaha iyo talooyinka caafimaad ee ay kamidka yihiin in guryaha la joogo. 4-ta kiis ee ay xalay shaacisay wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa guud ahaan kiisaska Coronavirus ee laga diiwaan-geliyay gudaha Soomaaliya waxay ka dhigaysaa 25 kiis kuwaas oo 2 kamid ah ay u geeriyoodeen xanuunka. PUNTLAND POST The post Kiisas horleh oo COVID-19 ah oo laga helay magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Mandera (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sare u qaadday afduubka ay ka fulineyso gudaha dalka Kenya, ayada oo beegsaneysa xirfadlayaal wax u tari kara iyo shakhsiyaad ay ka heli karto xog sirdoon, waxaa sidaas weriye wargeyska Daily Nation. Xirfadlayaasha ku nool magaalada Mandera ayaa tani walaac xooggan ay ku abuurtay. Dadka ay beegsaneyso Al-Shabaab waxaa ku jira khubarada caafimaadka, macallimiinta iyo saraakiisha amniga. Ugu yaraan 11 qof oo ah aqoonyahanno dhinacyo kala duwan ah ayey Al-Shabaab ka afduubatay Mandera, sanadkii tegay oo kaliya, sida ku cad xog amni oo uu helay wargeyska Daily Nation. “Waxaan haynaa akhbaar muujineysa in Al-Shabaab ay daneyneyso inay afduubato saraakiisha caafimaad iyo macallimiinta, si ay ugu isticmaasho deegaanada ay maamusho ee gudaha Soomaaliya,” waxaa sidaas yiri sarkaal amni oo ku sugan magaalada Mandera. Sida uu sheegay sarkaalkan, A-Shabaab ayaa inta badan beegsaneysa dadka aan u dhalan deegaanka, ayada oo rumeysan inay yihiin kuwo dhego nugul, marka la geeyo deegaanda ay maamusho. Julius Mwania oo ahaa makaanik baabuurta sameeya, ayaa noqday dhibanihii ugu dambeeyey ee afduubyada Al-Shabaab. Waxaa la waayey bil ka hor. Mwania ayaa waxaa la afduubtay 11-kii Maarso, markii koox hubeysan ay jidka u galeen gaari ku socday Mandera oo ka yimid Nairobi, xilli uu marayey deegaanka Bambo ee Waqooyiga Mandera. Shantii Janaayo, Al-Shabaab ayaa sidoo kale weerartay xaafadda Fino ee ka tirsan county-ga Mandera, halkaasi oo ay ka qafaasheen shan qof. Al-Shabaab ayaa markii dambe sii daysay afar ka mid ah dadkaas, balse waxay la tageen nin lagu magacaabo Maxamed Salaat. Maxamed ayaa la rumeysan yahay inuu ahaa nin xog ogaal u ah howl-gallada amni ee gobolka. Afduubyada Al-Shabaab ayaa dad badan ku qasbay inay deegaanka ka cararaan. Kalkaaliye caafimaad oo ka shaqeeya Isbitalka Mandera County Referral Hospital ayaa 17-kii April 2019 ka baxsaday isku day afduub kadib markii la ogaaday in koox ay raadineysay. Ninkaas ayaa la shaqeyn jiray dhaqaatiirta Cuban-ka ah ee Al-Shabaab ay qafaasheen. Warbixin boolis ayaa muujisay in Shabaab ay doonayeen in ninkaas uu u noqdo tarjumaan. Dhaqaatiirta Cuban-ka ayaa la qafaashay 12-kii April 2019. Dhammaan dadka khubarada ku ah dhinacyada kala duwaan ayaa la sheegay in Shabaab ay u adeegsaneyso inay ka howl-galaan isbitaalada, iskuulada iyo xarumaha kale ee ku yaalla deegaanada ay maamusho.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Imaamka beelaha Mudulood, Imaam Maxamed Yuusuf ayaa shaaciyey in dib loo dhigay shirweynihii beesha, kaas oo lagu waday in maalmaha nasoo aadan uu ka furmo magaalada Muqdisho. Imaam Maxamed ayaa sheegay in dib u dhaca shirka ay keentay khatarta caalamku ka mideysanyahay ee xanuunka Coronavirus, isla markaana shirweynahaas la qaban doono 23-ka bisha Soonfur oo ku beegan 13-ka bisha June ee sanadkan. “Maadaama aan guddoomiyihiisa ahay shirkaana aan horay ula soo wareegay, waxaan ka dhignay waqtiga la qabanayo shirka bisha Soonfur 23-keeda, hadii uusan cudur jirin oo dalku nabad yahay, markaas ayaan dooneynaa in la qabto shirweynaha beesha, markaas oo aan u aragnay in dal iyo dibad la iskaga imaan karo. Kadib markii aan la tashi ka sameynay arrintan aniga iyo duubabka beesha Mudulood” ayuu yiri Imaam Maxamed Yuusuf. Imaam Maxamed ayaa Alle uga baryey in cudurkan uu ka dulqaado mudaha muslimiinta, gaar ahaan dadka Soomaaliyeed oo uu ka dalbaday in ay diintooda u dhowaadaan oo ay Alle ka cabsi la yimaadaan. Sidoo kale cod dheer ayuu Imaamku uga dalbaday beelaha Soomaaliyeed ee ku dagaalamaya qaar la mid ah gobollada dalka in ay joojiyaan colaadaha, waxuuna ugu baaqay in ay ka faa’iideystaan fadliga bisha barakeysan ee Ramadaan oo nagu soo fool leh. “Talooyinka caafimaadka hala qaato, oo qof kasta meeshiisa ha ku ekaado, in kastoo dadkeenu xoogsato wada yahay, hadana waxaan idin leeyahay hala isku gargaaro Soon-qaad ayaa yimid, dadka fuqarada ah hoos haloo fiirsho. Waxaan ahay adoogiin dadka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa in Kitaabka iyo Sunnada ay ku dhegaan, Ilaahey idankiis wax naga halaabaya ma jiri doonaan”ayuu yiri Iimaamka beelaha Mudulood, Imaam Maxamed Yuusuf. Dhamaadkii bishii Febraayo ee sanadkan ayaa shirweyne ay isugu yimaadeen waxgaradka, siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada beesha Mudulood, waxa ay isku raaceen in la qabto shirweyne guud oo ay beeshu isugu timaado, kaas oo la iclaamiyey in uu qabsoomo bishan, balse hadda dib loo dhigay, illaa bartamaha bisha June ee sanadkan.
-
After holding a press conference in Mogadishu, Somali police commander; General Abdi Hassan Mohamed (Hajar), Sunday announced that the Somali government enhances measures of combating COVID-19. The police commander underlined that number of Coronavirus (COVID-19) cases is on the increase in the country, with two COVID-19-related deaths, and the government of Somalia recognizes that accelerating the combating process of the pandemic disease is more important. “Considering the urgency to minimize the spread of the disease within the community, the federal government of Somalia announces that A dusk-to-dawn curfew (8 pm-5 am) would be enforced to Mogadishu from the evening April 15, 2020, until further notice”, the commander said. The curfew will affect all businesses, public, and transport movement except health centers and places offering essential food services. General Abdi Hassan Mohamed confirmed that a regular assessment on the spread of the virus would be maintained, and the outcome of such evaluations would determine the duration of the curfew and if a same curfew to impose other cities in the country. Ordering security forces to help people with the emergence cases to reach health centers, the Police Force Commissioner requested people in Mogadishu to adhere to the curfew and go to homes ahead of the designated times of the curfew, with a view of helping the government to contain the disease and protect the safety and health of the public.
-
Popular Contributors
