Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,428
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta wuxuu Magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Nugaal ka dib Geeridii Gudoomiyihii hore ee Gobolka. Cawil Axmed Maxamed ayaa loo [...] Source
  2. Boorama (Caasimada Online) – Faah-faahino kooban ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo saaka bariga magaalada Boorama ee gobolka Awdal ku dhexmaray labo reerood oo ku muransanaa dhul. Dagaalkan oo ka dhashay muran dhul-beereed ah ayaa waxa uu saaka waabarigii ka bilowday deegaanka Buuraleyda ee Shaylaha iyo Gumarta Boorama, oo magaalada kaga beegan dhinac bariga. Dagaalkan oo ka dhex qarxay Reer Nuur iyo Jibriil Yoonis, ayaa socday muddo saacado ah, kaasi oo labada dhinac ay is-weydaarasanayeen hub culus oo kala duwan, sida ay ilo deegaanka ah u xaqiijiyeen Caasimada Online. Sidoo kale waxa lagu waramayaa in uu dhaawac soo kala gaadhay labada dhinac, inkasta oo ilaa hadda si rasmiya loo xaqiijin karin inay jirto dhimasho ka dhalatay rasaastaasi iyo hubkii kale ee la isku ridayay saacadaha badan. Ciidamada Militeriga Somaliland ee ku sugan Boorama, ayaa iyaguna qeyb ka noqday dagaalkaasi, iyada oo saacado badan ay ku qaadatay soo afjarida xiisadaasi dagaal ee maanta ka qaraxday bariga magaalada Boorama. Xukuumada Somaliland iyo maamulka gobolka Awdal ayaa wax war ah kasoo saarin dagaalkaasi maanta aragagaxa badan ku abuurey bulshada ku dhaqan Boorama ee ka qarxay bariga magaalada.
  3. The two Cuban doctors kidnapped in Kenya by the Somali jihadist group Al-Shabaab this Sunday will have been a year in captivity in Somalia, while the Kenyan government reiterates that they are still “alive” and efforts to free them continue despite the coronavirus pandemic. “We are working every day to ensure that they return home alive. We are very aware of what the families are suffering,” said the spokesman for the Kenyan Executive, Cyril Oguna. This Sunday surgeon Landy Rodríguez and general medicine specialist Assel Herrera will have been in captivity for a year, after their kidnapping by suspected members of Al-Shabaab in the Kenyan city of Mandera (northeast), near the border with Somalia and the target of numerous jihadist attacks in the past. On April 12, 2019, the two doctors were traveling, as usual, in a convoy to the Mandera hospital, accompanied by armed escorts, when they were intercepted after a shooting in which one of the guards who watched over their safety was killed. Although Kenya mobilized the Army and Police to pursue the kidnappers, its troops “failed to provide an effective response to the attack and Al-Shabaab had all day to move the two kidnapped doctors across the border to their areas in Somalia,” as the security consultant Andrew Franklin, a former U.S. Marine settled in Nairobi since 1981, reminded EFE. “They are alive” Since then, Herrera and Rodríguez have neither been seen in public nor have photos or videos been published that give an idea of their fate. Asked if the Kenyan government has received any recent proof that they are alive, Oguna replied: “Yes. We are working with our partners in sharing intelligence information. We have evidence that they are alive.” “But it is a delicate operation,” said the spokesman, stressing that a hasty intervention “would not help,” hence the need to “plan meticulously.” That no evidence of the doctors’ being alive has been released “is neither a good nor a bad sign,” Murithi Mutiga, director of the International Crisis Group (ICG) for the Horn of Africa, told EFE. In any case, Mutiga said, “It is very encouraging that Al-Shabaab did not declare that it has killed them. Normally, when Al-Shabaab kills hostages, it makes it public. Therefore, at least that gives families some hope.” Release in times of coronavirus Like many other countries, Kenya currently uses its resources to combat the coronavirus pandemic with strict containment measures that reduce the mobility of citizens. In this context, a question arises: is the health crisis going to have an impact on the plans to free the doctors? “No. We have troops in Somalia that have been there for a long time and their efforts continue,” replied Oguna, referring to the deployment of the Kenyan army in Somalia since 2011, when it invaded that country in reaction to several kidnappings in Kenya attributed to Al- Shabaab. “Part of our presence there is to ensure that we continue monitoring each movement and working with our partners, so that we don’t lose sight of the whereabouts of the two doctors,” added the spokesman. However, a possible military operation to rescue the doctors is “a very unrealistic option,” according to Mutiga, who believes that “negotiations offer the most promising way to free the doctors.” According to Franklin, “Well-informed sources indicate that negotiations are underway for a rescue between the Cuban government and Al-Shabaab. Those negotiations are being facilitated by several clan elders, although they have also attracted a myriad of negotiators and self-proclaimed intermediaries.” “There is no doubt that Al-Shabaab sees the operation as a source of income,” said the former Marine. Millionaire rescue of “war hostages” Last May, traditional Kenyan and Somali elders who traveled to the Somali region of Al-Shabaab-controlled Jubaland to negotiate on behalf of the doctors claimed to have seen the doctors providing medical assistance to the local population. According to the mediators, the kidnappers even demanded a reward of about 1.5 million dollars for their release, the Kenyan press reported at the time. In that negotiation, “the commanders of the (jihadist) group did not consult with each other or decide on the release of the doctors, but to silence the elderly, they asked for millions of dollars as a ransom that the elderly, Kenya or Cuba cannot pay,” Mohamed Moalin, tax collector in Al-Shabaab-controlled areas in central and southern Somalia, said to EFE. Moalin indicated that Al-Shabaab treats Rodríguez and Herrera as “war hostages” because it considers Cuba an enemy of Islam due to its support for Ethiopia in the conflict that it fought with Somalia between 1977 and 1978 in the dispute for Ogaden, an Ethiopian region of Somali population. “That makes it very difficult for the case to be normalized at the civil level,” which has hampered talks with traditional leaders, argued the tax collector of the jihadist group, which joined Al Qaeda in 2012. Meanwhile, he said, Al-Shabaab takes advantage of the doctors to care for its wounded and train its own doctors under the supervision of Xarasa guards, special security brigades that monitor the hostages’ movements. The Kenyan government, however, continues to stand its ground: “We’ve never paid ransoms to terrorists and that position has not changed,” said Oguna. Cuba’s “tireless efforts” Cuba, which maintains regular contacts with the Kenyan authorities, denied last year that the kidnappers had put a price on the release of the doctors. Without going into details, the Cuban ambassador in Kenya, Ernesto Gómez Díaz, simply explained to EFE that currently “many efforts are being made that should lead to the liberation and return of the two doctors to their families.” View the full article
  4. Burco(somalilandtoday)Daawo:-Siyaasi Maxamed Saleebaan Rooble Oo Shaaciyey Hankiisa Murashaxnimo Kana Hadlay Arimo Badan. Source
  5. The Ministry of Health of the self-declared Republic of Somaliland has announced three more cases of the COVID-19 pandemic. Somaliland’s Minister of Health Omar Abdullahi Bade said the cases were registered in the region’s capital, Hargeisa and Togdheer region. This brings the COVID-19 cases announced by the breakaway region to five. No death has so far been reported. The development comes as Somaliland received medical laboratory equipment to test the COVID-19 virus. Minister Bade revealed that the World Health Organisation delivered the laboratory equipment to Somaliland. He added that the testing machine will have the capacity to test up to 500 people in a day and get results within 12 hours instead of the many days it used to take to get results after sending them to Kenya for testing. The minister announced that the WHO will send a lab expert to Hargeisa to hep train Somaliland medical professionals on testing the deadly disease. Somaliland declared independence from Somalia in 1991 but has never received international recognition. Somalia has so far announced 27 COVID-19 cases and two deaths. View the full article
  6. Somalia’s government has imposed a night curfew in the country’s capital of Mogadishu in a bid to curb the spread of the coronavirus, according to local news outlets. The curfew will commence from 15th April 2020 and will be imposed from the hours of 8 pm to 5 am. The restrictions come after two deaths and over twenty COVID-19 cases were recorded. View the full article
  7. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumadda Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqday go’aamo cusub oo looga hortagayo faafida cudurka halista ah ee Coronavirus ama Covid-19, xili ay saaka shaacisay Kiisas cusub. Somaliland ayaa soo saartay go’aan gebi ahaanba lagu joojinayo in Salaadaha lagu tukado Masaajidda muddo afar todobaad ah, iyada oo dhowaan ay ka hor-yimaadeen qorshe noocan ah Culimada Somaliland, sida ay xog ku heshay Caasimada Online. Xukuumada Muuse Biixi ayaa sidoo kale ku dhawaaqday in muddo afar todobaad ah ay sii xidhnaan doonaan goobaha waxbarashada, si uusan bulshada ugu sii dhex faafin cudurka Coronavirus. Waxa kale oo ay xukuumada Biixi ku amartay Dadka Ajaanibta ah ee deegaanadeeda ku jooga bilaa sharciga inay iskaga baxaan muddo shan maalmood gudahooda. Somaliland ayaa saaka shaacisay in deegaanadeeda laga helay Saddex kiis oo cusub, gaar ahaan Hargeysa iyo Boorama, kuwaasi oo ka dhigay kiisaska guud ee laga helay 5-kiis, halka Soomaaliya oo dhan ay tahay 28-kiis oo cudurkaasi ah.
  8. Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkey Reccep Tayyip Erdogan ayaa Axaddii diiday inuu aqbalo is-casilaadda wasiirkiisa arrimaha gudaha oo ka dhalatay xanibaad deg deg ah oo dalka lagu soo rogay taasi oo hogaamisay in dadku ku cararaan dukaamada ayagoo argagaxsan. Wasiir Suleyman Soylu ayaa la kulmay cambaareyn xooggan kadib markii bandow 48 saac ah oo looga hortagayo faafitaanka cudurka Coronavirus lagu dhowaaqay Jimcihii, ayada oo shacabka la siiyey kaliya ogeysiis laba saac ah. Go’aankaas ayaa kumanaan qof ku qasbay inay ku cararaan suuqyada, taasi oo jebisay xeerkii kala fogaanshaha bulshada. Waddooyinka magaalooyinka Istanbul iyo Ankara ayaa sidoo kale buuxsamay ayadoo la arkayey safaf dhaadheer oo loo galay dukaamada cuntada, bankiyada iyo goobo kale. Isaga oo ka jawaabaya jahwareerka arrintan ka dhashay, ayaa Soylu waxa uu sheegay in go’aanka lagu joojiyey dhaq-dhaqaaqa dadka uu “amray” madaxweynaha. Hase yeeshee, wasiirkan arrimaha gudaha ee awoodda badan islamarkaana 50 jirka ah ayaa Axaddii aqbalay “mas’uuliyadda buuxda ee fulinta amarkan” taasi oo uu sheegay in si daacad ah loo fuliyey. Si kastaba, Erodgan ayaa diiday inuu aqbalo is-casilaadda Soylu. “Wuxuu sii wadi doonaa howlihiisa,” ayuu yiri. Kadib jahwareerkii hore ee ka dhashay xanibaadda ayaa dhaqan-gashay, waxaana u hogaansamay inta badan shacabka. Dalka Turkiga ayaa waxaa laga xaiqijiyey 57,000 kiis oo COVID-19 ah, ayada oo ay u dhinteen 1,200 oo qof, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka. AFP + VOA
  9. Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan M/ Muqdisho ayaa ka hadlay sida ay u arkaan bandowga, xilliyada habeenkii ah ee ay dowladda Soomaaliya saartay caasimadda. Dadweynahan oo la hadlay Shabelle ayaa qaarkood waxa ay soo dhaweeyeen, tallaabadaasi, halka kuwa kalena ay ku dhaliileen dowladda federaalka. Halkaan hoose ka dhageyso codadka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/aaa-1.mp3 View the full article
  10. Wasiirka wasaaradda hormarinta cafimaadka maamulka Somaliland, Mudane Cumar Cali Cabdullaahi (Badde) oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyay dad hor leh oo laga helay caabuqa Corona, kuwaas oo uu tiradoodu ku sheegay illaa saddex qof. Wasiir Bade ayaa shaaciyey in saddexda qof, labo ka mid ah lagu hayo magaalada Hargeysa, halka midka kalena lagu karantiilay magaalada Boorama ee G/Awdal. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Somaliland ay dadaal ugu jirto sidii loo xakameyn lahaa faafitaanka cudurka COVID-19. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/cc.mp3 View the full article
  11. Dowladda Kenya ayaa hal sano kadib sheegtay inay wali ku howlan tahay baadi goobka dhaqaatiir u dhashay dalka Cuba oo Al-Shabaab ay ka soo afduubteen dalkaasi. Dhaqaatiirtaan oo lagu kala magacaabo, Landry Rogriguez iyo Assel Herrera ayaa xilliga la afduubanayay waxay la socdeen kolonyo ku sii jeeday isbitaalka magaalada Mandera. Intaasi kadib kolonyada ayaa waxaa mar-qura weerar ku qaaday dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo toogasho ku dilay ilaaladii la socotay, kadibna kaxeystay labada dhaqtar. Afhayeen u hadlay Kenya oo lagu magacaabo, Cyril Oguna ayaa sheegay in ay ka war hayaan xaaladda dhaqaatiirtaasi, islamarkaana ay ku howlanyihiin bad-baadintooda. Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ka geysta qeybo ka mid ah gobolka Waqooyi Bari ee wadanka Kenya, waxaana afduubkaan uu ka mid yahay afduubyo ay horay ugu geysteen shaqaale caafimaad oo ka howlgalayey gobolkaasi oo xuduud dheer la leh Soomaaliya. View the full article
  12. Xukuumadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday in muddo 4 toddobaad ah la joojin doono in salaadaha lagu tukado masaajidda, iyadoo dadweynaha la faray in ay guryahooda ku tukadaan. Sidoo kale, goobaha waxbarashada ayaa xidhnaan doona afar toddobaad oo kale, xanuunka Coronavirus awgii. Dadka ajaanibta ah ee bilaa sharci ku joogga dalka ayaa loo qabtay in ay dalka kaga baxaan 5 maalmood. Source
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa xilka ka qaaday agaasimihii barnaamijka dhaqan celinta isa soo dhiibayaasha shaqsiyaadka ka tanaasulay fikradaha argagixisada ee loo yaqaan DRP, Maxamed Cali Xuseen. Maxamed Cali Xuseen ayaa xilka looga qaaday warqad uu Ducaale soo saaray 12-kii April 2020, waxaana wararka ay sheegayaan inuu xilka ku waayey is qab-qabsi Maamul. Ilo-wareedyo ka tirsan wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa sheegay in sababaha xilka qaadista agaasimaha ay ku timid kala duwanaasha xagga maamulka ah oo ay isaga wasiirka xilliyo kala duwan isku qabteen. Maxamed Cali Xuseen ayaa xilka loo magacaabay August 2018. Intii uu xafiiska joogay, waxa uu ku guuleystay hagaajinta xiriirka dowladda Dhexe iyo dowlad gobaleedyada oo maamul ahaan ku kala duwanaa mashruucan. Waxa uu si lamid ah soo celiyay kalsoonidii deeq bixiya-yaasha oo iyaga laftooda maamulladii isaga ka horreeyay ay ku kala tageen wax is daba marin iyo musuq maaliyadeed. Shaqaalaha qeybaha xafiiska DRP waxaa ka jiray loolan xagga maamulka ah iyo kala xadid la’aanta howlaha hortabinta leh, laakiin waxa uu qaatay go’aamo lagu kala xaddidayo Barnaamijka Qaran ee Dhaqan Celinta Isa soo dhiibayaasha ka tanaasulay fikradaha argagixisada. Hadda waxa uu leeyahay Mashruuca DRP Xeer iyo Habraacyo uusan ugu imaan Xafiiska muddadii 7-8 sano uu jiray. Ma jirin sharciyad dowladeed oo uu leeyahay barnaamijka laakiin agaasimaha xilka laga qaaday waxa uu ku guuleystay in nuqul dhameystiran uu hor geeyay golaha Wasiirada lana ansixiyay December 2019. Maxamed Cali Xuseen ayaa kamid ah dhallinyarada fara ku turiska ah ee dalka wax ku bartay. Agaasimaha ayaa muddo kasoo shaqeynayay wasaaradda amniga isaga oo Agaasime ka soo noqday qeybaha kala duwan ee Wasaaradda Amniga. Hoos ka arag warqadda xil ka qaadista
  14. Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa sheegay in ay u diyaar-garoobeen sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaanada maamulkaasi. Qoor-Qoor oo ka hadlayey xaflad uu xilka ugala wareegayey madaxweynihii hore ee Galmudug, Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa bulshada iyo maamulka ku boorriyey in ay mideysnaadaan, si looga dul-qaado dhibaatooyinka ay ku hayaan Xarakada Al-Shabaab. Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa balan qaaday inuu gogol u dhigi doono, si ay qeyb-uga qaatan xalinta khilaafyada ka dhexeeya qaar ka mid maamullada dalka iyo dowladda dhexe, taasi oo horay loogu soo guuleystay dib u hishiisinta bulshada Galmudug. View the full article
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan golaha shacabka ayaa ka hadlay arrimo ku aadan cudurka faafa ee Coronavirus, gaar ahaan lacagta shanta Milyan ee ay dowlada u qoondeysay inay kula dagaalanto cudurkaasi. Mahad Salaad oo qoraal soo dhigay bartiisa Faceebook-ga ayaa marka hore nasiib daro ku tilmaamay daryeel xumo la sheegay inuu u geeriyooday wasiiru dowlihii wasaaradda cadaalada HirShabelle, Marxuum Khaliif Muumin, kadib markii loo waayay Oksijiin. Sidoo kale wuxuu is-wediiyey halka la geeyey lacagta ay dowladda federaalka ugu tala-gashay la tacaalida cudurkaan saf-marka ah ee COVID-19. Xildhibaanka ayaa sidoo kale is-weydiiyey mar haddii mas’uul dowladeed uu daryeel xumo u dhintay, sida uu daawo iyo ka war-qab ku heli karo muwaadin danyar ah. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay wax ka qabato arrintaasi, ama ay runta u sheegto dadka Soomaaliyeed. Halkaan hoose ka aqriso qoraalka xildhibaanka:- Shan Milyan oo dollar ayaa dowladu sheegtay in ay u qoondaysay la tacaalida cudurka Coronavirus. Lkn nasiib daro shalay Isbitaal Martiini waxaa daryeel xumo caafimaad ugu geeriyooday Wasiir Hirshabelle Khaliif Muumin kadib markii loo waayay oksijiin (oxygen) uu ku neefsado sida eheladiisa iyo siyaasiin qaraabo la ah marxuumka warbaahinta u sheegeen️ Haddaba su’aashu waxay tahay xagee la geeyay lacagtii loo qoondeeyay la tacaalida cudurkaan. Jeeb dad kale miyey gashay mise jidka ayay ku soo jirtaa. Hadiise mas’uul dowladeed daryeel xumo caafimaad ugu geeriyooday Isbitaalkii dowladu sheegtay diyaarintiisa in malaayiin dollar lagu bixiyay, makula tahay in daryeel caafimaad uu ka heli karo muwaadin danyar ah oo cidina dabo socon?! Waxaan ugu baaqayaa madaxda dowlada in arintaan si degdeg ah wax uga qabtaan, dadkana aysan u loogin cudur iyo daryeel xumo wada jira, hadii kale dadka loo run sheego si dadkooda ay ula tacaalaan. Hon. Mahad Salad
  16. Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer madaxweyne Lr.30 April 13,2020 ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Ku-xigeenadiisa. Madaxweynaha maamulka Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Baahida loo qabo dar-dar gelinta Maamul ee Gobolka Nugaal. Markuu Tixgeliyey: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo. Wuxuu xeeriyey: 1. Waxaa Cawil Axmed Maxamed loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal 2. Waxaa Qaasim Maxamed Cabdi loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Gobolka Nugaal 3. Waxaa Xuseen Xaaji Cabdulle Maxamed loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Gobolka Nugaal Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. View the full article
  17. (SLT-Ankara)-Madaxweynaha Turkey Reccep Tayyip Erdogan ayaa Axaddii diiday inuu aqbalo is-casilaadda wasiirkiisa arrimaha gudaha oo ka dhalatay xanibaad deg deg ah oo dalka lagu soo rogay taasi oo hogaamisay in dadku ku cararaan dukaamada ayagoo argagaxsan. Wasiir Suleyman Soylu ayaa la kulmay cambaareyn xooggan kadib markii bandow 48 saacadood ah oo looga hortagayo faafitaanka cudurka Coronavirus lagu dhoawaaqay Jimcihii, ayada oo shacabka la siiyey kaliya ogeysiis laba saac ah. Go’aankaas ayaa kumanaan qof ku qasbay inay ku cararaan suuqyada, taasi oo jebisay xeerkii kala fogaanshaha bulshada. Waddooyinka magaalooyinka Istanbul iyo Ankara ayaa sidoo kale buuxsamay ayadoo la arkayey safaf dhaadheer oo loo galay dukaamada cuntada, bankiyada iyo goobo kale. Isaga oo ka jawaabaya jahwareerka arrintan ka dhashay, ayaa Soylu waxa uu sheegay in go’aanka lagu joojiyey dhaq-dhaqaaqa dadka uu “amray” madaxweynaha. Hase yeeshee, wasiirkan arrimaha gudaha ee awoodda badan islamarkaana 50 jirka ah ayaa Axaddii aqbalay “mas’uuliyadda buuxda ee fulinta amarkan” taasi oo uu sheegay in si daacad ah loo fuliyey. Si kastaba, Erodgan ayaa diiday inuu aqbalo is-casilaadda Soylu. “Wuxuu sii wadi doonaa howlihiisa,” ayuu yidhi. Kadib jahwareerkii hore ee ka dhashay xanibaadda ayaa dhaqan-gashay, waxaana u hogaansamay inta badan shacabka. Dalka Turkiga ayaa waxaa laga xaqijiyey 57,000 kiis oo COVID-19 ah, ayada oo ay u dhinteen 1,200 oo qof, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka. AFP Source
  18. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Duhur-130420.mp3 View the full article
  19. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Isniin ah maamul cusub u magacaabay gobolka Nugaal. Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland ayaa guddoomiyaha gobolka Nugaal lagu magacaabay Cawil Axmed Maxamed halka ku xigeenkiisa kowaad loo magacaabay Qaasim Maxamed Cabdi. Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka labaad ee gobolka ayaa loo magacaabay Xuseen Xaaji Cabdulle Maxamed sida ku xusan dikreetada ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland. Magacaabistan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dhowaan qarax lagu dilay guddoomiyihii gobolka Nugaal Cabdisalaan Xassan Xirsi (Gu’jir) islamarkaana uu weli socdo baaritaanka la xiriira cidda ku lug lahayd qaraxaas. Hoos ka akhriso dikreetada magacaabista Garoowe : 13 April 2020 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr.30 April 13,2020 ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Ku-xigeenadiisa. Madaxweynaha Dowladda PuntlandMarkuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.Markuu arkay: Baahida loo qabo dar-dar gelinta Maamul ee Gobolka Nugaal. Markuu Tixgeliyey: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo.Wuxuu xeeriyey:1. Waxaa Cawil Axmed Maxamed loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal2. Waxaa Qaasim Maxamed Cabdi loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Gobolka Nugaal3. Waxaa Xuseen Xaaji Cabdulle Maxamed loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Gobolka Nugaal. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo maamul cusub u magacaabay gobolka Nugaal appeared first on Puntland Post.
  20. Ilaaheey uunbaan xanuunsan. But I am ok. I chose to self quarantine for the last week as a precaution and as an example to my people. I will continue to do so as much as people. — Mohamed Abdi Ware (@HShPrezWare) April 12, 2020 Qaran News
  21. NAIROBI (HOL) - A Somali businessman in Nairobi’s Eastleigh area which is predominantly occupied by Somalis has died of COVID19 after he was admitted at a city hospital. Source: Hiiraan Online