Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Why Covid-19 is proving to be an important reality check for Somalia’s economic “reforms” under the debt relief programme “Flight to quality” is a well-known aspect in times of financial markets stress. It simply means the United States dollar (USD) is generally the one thing everyone wants. The expectation is that the USD is backed by the US Federal Reserve (the lender of last resort) which can ease any dollar market crunches. This market confidence in the currency sustains the dollar as the global trade currency and is shared equally by large global corporates as well as the hawker selling watermelons on carts in Hamarweyne market. The dollar is, in essence, the ultimate safe haven. However, the mistake is to assume it can be a substitute for a country’s national currency. The perils of riding on the greenback We are now in the midst of a Covid-19-induced market-wide stress and a large number of companies are stuck in a double-bind: rapidly depleting revenues because of the global lock-downs and continued commitments to meet liabilities (eg. fixed costs, supply chains and debts) falling due often in dollars. All of this means the demand for the greenback has peaked, pushing the dollar to appreciate against a basket of other currencies. Given Somalia uses it as a de-facto national currency, it is not difficult to see the adverse consequences. Somalia’s Shilin is mostly counterfeit and the Central Bank of Somalia (CBS) has not issued any new currency denominations for 30 years. The Shilin is not used for key goods or services and all economic transactions are in dollars. This over-reliance on the dollar means the country is materially exposed to what happens in global financial markets. A country’s currency is the vital artery that supports its economic well-being and critical to its path to sustainable economic development. Somalia remains unique in the world as having a recognised government but without a viable national currency. Somalia’s monetary system, which is anchored on the dominant (USD) currency, makes its economy vulnerable to the financial markets’ acrobatics and global economic stress events happening today. Second, most of the dollar liquidity inflows into Somalia (eg. the remittance from overseas from which a significant proportion of the population directly or indirectly benefits) are used to buy imported consumer goods “Bariis, Baasto, Barafuun” and eventually materialise as outflows over time, hence Somalia’s large current account deficit. Without a central bank with sufficient USD liquidity buffers, the effects of dollar scarcity become easily amplified in the economy, leaving households and the wider financial system exposed to the risks of dollar illiquidity. How Covid-19’s is exposing the illusion of “reforms” When there is a scramble for dollars, as we see today, two things happen: businesses start to hoard USD and increase prices, injecting inflationary pressures into the economy; and wider economic activities grind to a halt (i.e. most households defer non-essential expenditures, other economic activities – eg. construction, wage payments stop). The dollar market sizes up quickly. In other countries, this will be the time when the central bank steps in and uses its monetary policy levers to open up dollar liquidity lines by purchasing the local currency through open market operations, thereby bringing down the overall demand for dollars. The central bank also supports the government’s fiscal stimulus to mitigate the hit to livelihoods. Somalia’s problem is that dollar is the de facto national currency and there is no monetary policy lever to pull. In fact, the Central Bank of Somalia cannot do anything. When the central bank does nothing, further consequences follow: the liquidity held outside of Somalia is both reduced and trapped (because of reliance on cash transportation in bags and lack of access to inter-bank payment and settlement systems), whilst outflows from Somalia continue as people transact in dollars for their daily necessities. This is why Hawala companies are the first to feel the dollar squeeze, hence their rationing of remittances. In the absence of dollar liquidity lines, or the banking infrastructure that can shift liquidity into the country quickly, investments and remittances, sent through the Hawalas, also dry up. Overtime, the whole economy starts to seize up as cash runs out and viable businesses become illiquid with ruinous wider economic consequences. Moreover, this liquidity risk could be the contagion that breaks the Electronic Mobile Money Transfer (E-MMT) system – currently the main payment system artery of the country. If, because of dollar scarcity, enough people realise that they would be better off having cash in hand, rather than in an E-MMT wallet (flight to quality again) and there is a chorus of “Doolarkayga ii Soo Bixi”, the liquidity crunch in Somalia would be much worse indeed in the weeks and months ahead. Credible reforms or mere recrudescence? Having USD as the country’s monetary and economic backstop is economically perilous. Somalia had the opportunity to implement currency reforms but these opportunities were squandered. The country is exposed to these financial markets acrobatics precisely because it neither has a viable national currency nor anchored in any of the basic key reforms (eg. regulation of mobile money operators, banking payment system infrastructure) that would have mitigated these risks. We may of course all recall that most of these reforms were in the IMF Staff Monitored Programmes (SMPs) in one shape or form. The first SMP in May 2016, that was agreed with the then Federal Government of Somalia, included a structural benchmark on “initiating the first stage of comprehensive currency reform”. That was five years ago and we are still talking today about why the country has no viable currency! Over the years, Somalia “successfully” completed SMPs I, II, III and IV, all of which included several other milestones on currency, monetary policy, central bank and other fiscal milestones. If we were to believe the official announcements, Somalia is now at the debt-relief “Decision Point”, having apparently delivered on all of these reform benchmarks. It does not of course take much to see the inherent contradictions in this story. Sacrificing important reforms for a spot of good news on the debt relief journey is never in Somalia’s national interest. Perhaps, this is a sign of low expectations for Somalia and these reform achievements are convenient milestones to tick off. That is why it is important not to be caught up in this collective euphoria about the Decision Point. The Shilin travesty is an obvious example of what happens when ends (debt relief) is prioritised over means (locking in credible reforms first). Somalia would have been in a much better place today to mitigate the economic impact of Covid-19 if the right reforms were in place. This is why Covid-19 is an important reality check for many and shows once more that reforms in Somalia are merely comforting illusions. You can contact Abdi Ali @ abdirahman.ali3@gmail.com Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are those of the authors and do not necessarily reflect the official policy or position of Caasimada Online. For publication please email your article caasimada@live.com. Thank You
  2. Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo jeedisay in dadka ay guriyahooda ku oogaan Salaada Taraawiixda sababo ku aadan Coronavirus. Baaqaan ayaa wuxuu kasoo baxay kulan ay Jimcada maanta ah yeesheen madaxda Wasaaradda iyo Culimadda Soomaaliyeed. Cumar Faaruuq Sheekh Cabdicasiis, agaasimaha guud ee Wasaaradda kaasoo bayaanka kasoo baxay kulanka u akhriyey saxaafadda, ayaa sidoo kale ku baaqay in loo hogaan-samo bandowga Muqdisho. Bandowga oo lasoo horumariyey ayaa bilaaban doona todoba fiidnimo wuxuuna ku eg-yahay shanta aroornimo ama subaxnimo. Dowladda Federaalka Somaaliya ayaa xaqiijisay 328 kiis oo ah Coronavirus, 16 dhimasho ah iyo lix qof oo ka caafimaadey cudurkaas dilaaga ah, sidda ku xusan qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka dalka. View the full article
  3. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-habeen-24042020.mp3 View the full article
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday in la mamnuucay in salaadaha Cishaha iyo Taraawiixda lagu tukado masaajidada magaalada Muqdisho. Qoraal kasoo Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta iyo Culumada Soomaaliyeed ayaa lagu amray in salaadaha Taraawiixda iyo Cishaha guryaha lagu oogo, loona hoggaansamo amarka dowladda ee bandowga habeenkii, si looga hor tago faafidda safmarka COVID-19. Bandowga ayaa markii hore billaabin jiray 8-da habeennimo, hase yeeshee waxaa lagu sameeyey is-beddel, waxa uuna laga billaabo habeenka koowaad Ramadan billaabanaya 7-da habeennimo, oo ah xilli aan weli la gaarin salaadda Cishe. Go’aankan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee dowladda Soomaaliya ay Masaajiddada uga mamnuucdo qaar ka mid ah salaadaha, ayada oo maalmo ka hor ay ka laabatay go’aan la qorsheeyey oo la doonayey in lagu xiro masaajidada gebi ahaanba. Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa maalmo ka hor amartay in la xiro goobaha weysaqaadka iyo musqulaha ama suuliyada ee masaajidada. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horay u soo saartay go’aano adag oo lagu xakameynayo faafitaanka cudurka Coronavirus, iyadoo mamnuucay isu imaatinada dadka, soona rogtay Bandow xilli habeenkii ah
  5. Gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada dagmada Kaxda ee gobolka Banaadir Cali Cadow Maxamuud oo u waramay Raadiyaha Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaalada dadka dan-yarta ee ku nool kaamamka barakacayaasha ee ku yaala dagmadaasi. Mr Cali ayaa sheegay in dadkaasi markii hore ay dhib ku ahayd nolosha maareynteeda, haddana ay ku dul-dhalatay bisha barakeysan ee Ramadaan. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu tilmaamay in ka maamul ahaan ay isha ku hayaan xaalada dadka dan-yarta, wuxuuna ugu baaqay dadka shacabka in ay dadkaasi masaakiinta ah afuriyaan oo kaalin ay ka qaataan Dhanka kale, gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada dagmada Laxda ee gobolka Banaadir ayaa digniin u diray dadka masoomayaasha ah iyo kuwa maqaayadaha u shida intaba, ka maamul ahaana ay talaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonaan. Hadalka maamulka dagmada Kaxda ayaa kusoo aadaya xilli gudaha dagmadaasi ay ku sugan yihiin dad badan oo barakacayaal ah kuwaa oo haatan wajahaya xaalad adag oo dhanka nolosha ah maadaama la guda-galay bisha barakeysan ee Ramadaan. View the full article
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Xisbiyada Qaran ee Soomaaliya ayaa maanta soo saaray war-murtiyeed ay uga hadlayaan heshiisyada ay gaareen dhinacyadii siyaasadeed ee isku hayey Galmudug iyo Jubaland. Heshiisyadan ayaa waxaa gaaray Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug iyo Madaxweynihii hore ee Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle (Xaaf). Sidoo kale waxaa heshiis gaaray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane: Axmed Maxamed Islaam iyo madaxda Golaha isbedel-doonka Jubbaland. Madasha ayaa sheegtay inay aaminsan tahay in heshiisyada la gaaray ay fure u yihiin deminta colaadaha sokeeye ee ka aloosan qaybo ka mida deegaannada Soomaaliyeed, ayna horseedayaan xoreynta deegaannada kale ee ka tirsan Galmudug iyo Jubbaland kuwaasoo ku jira gacanta Argagixisada. Waxay ugu baaqday dhinacyada gaaray heshiisyada kor ku xusan inay ka dhabeeyaan meel marinta qodobada lagu heshiiyay lagana fogaado wax waliba oo dhaawici kara Midnimada. Madashu ayaa ugu dambeyn ugu baaqday Dowladda Federaalka Soomaaliya inay ku dayato dadaalada heshiisiinta siyaasadeed ee ka socda dalka ayna la heshiiso maamul goboleedyada. Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhan
  7. Waxaan maanta magaalada Muqdisho Covid 19 ugu geeriyoodey Dr. Yusuf Axmed Hiraabe oo si aad ah looga yaqaanno magaaada. Haddaba, Halkan Ka Akhriso Taariikhdiisa oo Kooban: Dr. Yusuf Axmed Hiraabe, waxaa uu ku dhashay Xamar sanadkii 1958-ddii. Waxaa uu waxbarashada hoose/ dhexe ka dhameeyey Xamar Jabab halka sare uu ka dhigtay Howl-wadaag: 1979-kii. Jaamacadda waxaa uu dhigtay umadda, gaar ahaan kuliyadda Luqadaha(Carabi, Ingiriis) 1989-kii. Dhanka kale, 1993-95: waxaa uu dhiganayey Machad Kharduum ee dowli ah, waxaa uu Master ka sameeyey Carabi,. Dr. Yusuf Axmed Hiraabe, waxaa uu 2012-dii PHD oo dhanka waxbarashada ah ka qaatey Jaamacadda Niileyn, ee Suudaan. Shaqo: Somali Marine: Maamulka ka tirsanaa New Afrika, Kormeere Samafalka: 1998-99. Shabeelooyinka iyo Hiiraan. 2006-2011: Jaamacadda Niileyn. 2012: 4 sano, madax ka ahaa Daar Al-Xikma. Waxaa uu sidoo kale uu ka tirsanaa kooxda Saaciduun Bil Xaq. Gooboog News Source: goobjoog.com
  8. Madasha Xisbiyada ka dhisan magaalada Muqdisho ee la baxay Xisbiyada Qaran, ayaa bogaadiyay Heshiisyada laga gaaray khilaafaadkii Siyaasadeed ee ka jiray Galmudug iyo Jubaland. War-murtiyeed ka soo baxay Madasha Xisbiyada, ayaa loogu hambalyeeyay Heshiiskii Siyaasadeed ee ay gaareen madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, kaasi oo lagu dhammeeyay khilaafaadkii ka dhashay doorashadii ka dhacday Galmudug February 2020. War-murtiyeedka Madasha, ayaa sidoo kale lagu bogaadiyay Heshiiska ay gaareen madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo mucaaradkii ka horjeeday, Heshiiskaas oo lagu dhammeeyay khilaafaadkii ka dhashay doorashadii bishii Agoosto 2019 ka dhacday dowlad goboleedka Jubaland ee dib loogu doortay Axmed Madoobe. Sidoo kale, Madashu waxay dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqday in ay ku dayato dadaallada dib u heshiisiinta ee ka socda gudaha dalka, islamarkaana ay la heshiiso dowlad goboleedyada muraacaradsan. PUNTLAND POST The post Madasha Xisbiyada Muqdisho oo soo dhaweeyay dib u Heshiisiinta ka dhacday Galmudug iyo Jubaland appeared first on Puntland Post.
  9. Madasha Xisbiyada Qaran ayaa qoraal soo saaray ayaa soo dhoweeyay heshiisyada siyaasadeed ee Galmudug iyo Jubbaland. Source: goobjoog.com
  10. Jabuuti (Caasimada Online) – Saldhigyada ciidamada Mareykanka ee Jabuuti ayaa la geliyey xaalad caafimaad dadweyne oo deg deg ah oo looga gol leeyahay taxaddar, kadib markii ay sare u kaceen kiiska cudurka Coronavirus ee dalkaas. Taliyaha ciidamada Mareykanka ee howl-galka Geeska Afrika Michael Turello ayaa bayan uu soo saaray ku sheegay in “tallaabadan taxaddarka ah” ay siineyso awood dheeri ah oo uu kula tacaalo faafitaanka cuudrka COVID-19. “La-dagaalanka COVID-19 waa ahmiyaddeyda koowaad,” waxaa sidaas yiri Turello. “Ku dhowaaqisa xaalad caafimaad dadweyne oo deg deg ah, waxay ciidamadeena iyo kuwa dalka na marti-geliya ka dhigeysaa sida ugu caafimaadka iyo bad-baadada badan, uguna macqluusan.” Bayaankan laguma sheegin in wax kiisas Coronavirus ah laga helay ciidamada Mareykanka iyo shaqaalaha rayidka ah ee ku sugan dalka Jabuuti. Ciidamada Mareykanka ayaa Jabuuti ku leh laba saldhig oo kala ah Camp Lemonnier Djibouti iyo Chabelley Airfield, iyo dekad yar. Jabuuti oo ah dalka ku yaalla marin muhiim ah oo laga galo badda cas, ayaa waxaa laga diiwaan geliyey 985 kiis oo COVID-19 ah, taasi oo 400 ka badan kiisaskii toddobaad un ka hor. Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa xaqiijisay in 5,901 oo kiis oo Coronavirus ah laga helay ciidamada Mareykanka, shaqaalaha rayidka ah iyo qoysaskooda ku kala sugan caalamka oo dhan, iyo 25 dhimasho. AFP + VOA
  11. Faahfaahino Dheerada oo ka soo baxay Qaraxyadii lala beegsaday Saldhigyada Amisom ku leedahay Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan qaraxyadii saaka lagu weeraray saldhiga ciidamada AMISOM ku leeyihiin degmada Baraawe ee gobolka Sh/hoose. Labo gaari oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa saaka lagu weeraray saldhiga oo ku yaalla duleedka Baraawe meel ku dhow garoonka dayuuradaha degmadaas, iyadoo dadka degaanku sheegeen iney qaraxyada ka dib maqleen rasaas xooggan inkastoo aan la soo sheegin iska imaad dhacay qaraxyada ka dib. Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa sheegay in weerarka ay soo qaadeen Al-shabaab uu fashilmay, lagana hortagay. “Naftood haligayaal watay 2-gaari oo waxyaabaha qaraxa ay ku ra-ranyihiin ayaa isku dayay in ay gudaha u galaaan Garoonka Diyaarada Baraawe, marka laga soo tago in iyaga ay dhinteen ma jiro qasaare kale oo ka dhashay qaraxa, ciidamada Xoogga Soomaaliyed iyo AMISOM ayaa si buuxda gacanta ugu haya amaanka Garoonka Maleeshiyaadka Argagixisada shabaab isku day walba ay sameeyaan waxaa hortaagan naftood hurayaaal u shaqeynaya Dadkooda” ayuu yiri guddoomiye Najax. Al-Shabaab ayaa iyana war ay soo saartay ku sheegtay mas’uuliyada qaraxyadaas, waxayna intaas ku dareen in laba Gaari oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ay ku weerareen xerada, isla markaana ay khasaaro ku isugu jira dhimasho iyo dhaawac gaarsiiyeen ciidanka Uganda oo ka tirsan AMISOM. Weli si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay qaraxyadan, waxaana degan xaalada degmada Baraawe oo maanta si weyn looga hadal hayo qaraxyadan oo ah kuwii ugu horeeyey ee halkaas ka dhaca tan iyo markii halkaas laga saaray ku dhowaad shan sanadood ka hor. Qaran News
  12. Muqdisho (SMN) – Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed ayaa ka hor-yimid qoondada ay ka heleen dumarka Golaha Wasiiradda cusub ee Galmudug. Batuulo Axmed Gabale, gudoomiyaha ururkaas, ayaa sheegtay in wax laga xumaado ay tahay in 23 wasiir ay kaliya dumar ka yihiin laba qura. Iyaddoo hadalkeeda sii wadata, waxay sheegtay in maamulada dalka qaarkood aysan ixtiraam badan siinin fulinta qoondada haweenka. Hogaamiyeyaasha siyaasadda ayay cod dheer ugu boorisay in ay xoojiyaan kaalinta ay haweenka kaga qaadan karaan go’aanada siyaasadda Qaranka. Liiska wasiirada cusub ee Galmudug oo xalay lagu dhawaaqay waxaa haweenka ay ka heleen jagooyinka Wasaaradaha Haweenka iyo Qurba-joogta. View the full article
  13. Dhakhtar dacwad ka gudbiyey madaxweyne Trump Qareenka u doodaya dhakhtarkan ku takhasusay dhinaca cilmi baadhista dawooyinka ayaa sheegay macmiilkiisa inuu shaqadiisa ku waayey maadaamaa uu ka horyimid fikirka Donald Trump ee ku aaddanaa sida lagu daweyn kara Covid19. Dr Rick Bright ayaa hoggaaminayey wakaalad ay dowladda Mareykanka leedahay oo loo xil saaray iney dawo u soo saarto cudurka safmarka ee Coronavirus. Wuxuuna Dr Rick sheegay shaqada in looga eryey maadaamaa uu ka hor yimid dawada hydroxychloroquine ee looga tala galay ka hortagga cudurka duumada ama malaariyada oo uu Trump boggiisa Tweetarka uu soo dhigay iney dawo u tahay Coronavirus. Madaxweyne Trump wuxuu sheegay “inuusan weligii maqal” Dr Bright. Madaxweyne Trump ayaa mar sii horreysay sheegay isticmaalka dawada hydroxychloroquine iyo dawada kale ee chloroquine ay yihiin kuwa lagula tacaali karo Covid-19. Inkastoo ay khubradu ka digeen isticmaalka dawada hydroxychloroquine ay khatar aad u badan leedahay. “Waxaan dareemeynaa oo aan doonayaa inaan caddeeyo inuu Dr Bright hal arrin uu ka horyimid taasoo ah dawooyin khatarta badan in dadka lagula taliyo iney u isticmaalaan daweynta Covid-19, dawooyinkaasi oo ay ka mid tahay chloroquine, dawooyinkaasi haddii si khaldan loo isticmaalana ay dhimasha badan sababai karaan” ayuu yiri qareenka dhakhtarkaasi. Wargeyska Poletico ayaa ku warramay iney hayaan E-mail uu Dr Bright uu dareenkiisa ku aaddan dawada uu ku soo qoray balse si cad uu ugu qeexin aragtidiisa. Sida uu dhigayo sharciga dalka Mareykanka cabshada qofka waa la aqbalayaa haddii uu shaqsiga dacwoonaya uu aaminsan yahay in lagu xadgudbay xaqa uu u leeyahay inuu dalka u shaqeeyo. Talaadadi ayey wasaaradda caafimaadka Mareykanaka shaacisay Dr Bright in laga qaaday xilka agaasimanima ee uu ka hayey Hay’adda cilmi baarista iiyo horumarinta Bimedical (Barda) iyada oo ay wasaaraddu Dr Bright u magacawday xil kale oo ka mid ah Machadka Caafimadka Qaranka (NIH). Dr Rick Bright Maalinti xigtay oo ku beegneed Arbacadina Dr Bright wuxuu qoray warqad uu ku sheegay in xilka looga qaaday maadaamaa uu ka hor yimid marin habaabin shacabka lagu marin habaabin lahaa dawooyinka hydroxychloroquine iyo chloroquine in lagu daweyn karo cudurka safmarka ee Covid-19. “Anigu waxaan ka fakarayey sidi aan ula iman lahaa dawa kale oo xal u noqon karta cudurka, waxaanna si adag uga hor imid dawa aan la xaqiijin oo khatarteeda leh si aan shacabka Mareykanka u badbaadiyo” ayuu yiri Dr Bright. Madaxweyne Trump oo Arbacadi bixinayey fahfaahin ku saabsan Coronavirus oo arrinta dhakhtarka wax laga weydiiyeyna wuxuu ku jawaabay: “Aniga weli ninkaasi ma maqal”. “Ninkan wuxuu sheegay shaqada in shaqada laga eryey. Wey dhici kartaa, mana dhci karto. Balse waa inaad dhinaca kalana aad dhageysataan.” Dr Bright wuxuu hay’adda Barda uu ku biiray 2016-kii. Qaran News
  14. Garowe (SMN) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo dhaweeyay heshiiska ay gaareen dhinacyadda Jubaland. Deni oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in talaabadaas ay xoojineyso wadashaqeynta iyo horumarka guud ahaan waddanka. Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu rajeeyay in uu miradhali doono heshiiska oo uu ku tilmaamay mid yimid xiligii loo baahnaa. Hogaamiyaha oo sii hadlaya ayaa wuxuu soo jeediyey in wax kasta oo ku aadan khilaafka siyaasadeed ee dowlada federaalka iyo Jubaland xal laga gaaro. Puntland ayaa kamid ahayd dhinacyaddii loogu mahadceliyey qoraalka heshiiska madaxweynaha Jubaland iyo golaha isbedel doonka Jubaland. Shalay ayay ahayd markii ay magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya lagu saxiixay heshiiska oo lagu soo afjaray khilaafka iyo ismari-waaga siyaasadeed. View the full article
  15. Weeraro qaraxyo loo adeegsaday ayaa lagu qaaday Garoonka Diyaaradaha magaaladda Baraawe oo ay saldhig ciidan ku leeyihiin AMISOM. Labo gaari oo walxaha qarxa lagu soo raray ayaa lagu weeraray saldhiga ciidamada Uganda ee Garoonka Diyaaradaha Baraawe, qaraxyada ayaa geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac, sidoo kale waxaa burbur gaaray garoonka oo dhawaan xariga laga jaray. Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weeraradaas, oo ay tilmaameen in ay la beegsadeen ciidamada Uganda ee ka tirsan AMISOM, uuna jiro khasaaro ka dhashay oo ay soo bandhigi doonaan. Dhanka kale Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa ka hadlay weerrarka, wuxuuna sheegay in xubno ka tirsan Al-shabaab oo watay labo gaari oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ay isku dayeen in ay gudah galaan Garoonka Diyaaradaha Baraawe, balse laga hortagay. Guddoomiye Najax ayaa tilmaamay inay weerarkaas ku dhinteen oo kaliya xubnihii waday gawaarida. Ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijin kara khasaaraha dhabta ah ee ka dhacay halkaas, iyadoo ay yar tahay wararka madax bannaan ee laga heli karo Baraawe. PUNTLAND POST The post Weerar lagu qaaday garoonka diyaaradaha Bawaawe appeared first on Puntland Post.
  16. Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxyo is-miidaamin ah oo Jimcadda maanta ah ka dhacay degaanka Embareeso oo 10 KM u jira magaaladda Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose. Maxamed Cali Yuusuf, ku xigeenka amniga iyo siyaasada Baraawe oo la hadlay Raadiyaha Shabelle, ayaa sheegay in ciidamadda xoogga iyo kuwa AMISOM ay fashiliyeen weeraradaas. Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu ganafka ku dhuftay wararka sheegaya in madaafiic lagu weeraray Baraawe. Al-Shabaab ayuu ku eedeeyay in ay ka dambeysay wax uu ku sheegay dhagartaas. Dhanka kale, xarakada Al-Shabaab oo qaadatay mas’uuliyadda falalkaas ayaa xustay in ay khasaaro u geystay ciidamadda dowladda iyo AMISOM, wallow aysan shaacin tiradda rasmiga ah. Illaa iyo haatan ma cadda bartilmaameedka, balse waxaa loo maleynayaa garoonka cusub ee diyaaradaha Baraawe kaasoo bishii hore ee Maaj uu xariga ka jaray ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre. Baraawe oo ah xarunta rasmiga ah ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Al-Shabaab laga xoreeyay sanado kahor, hase ahaatee, waxay ku sugan yihiin nawaaxiga magaladda. View the full article
  17. Xaalad cabsi ah ayaa mar kale kasoo cusboonaatey Mandera ee gobolka waqooyi bari Kenya kadib dagaal duleedka magaaladaas ku dhexmaray ciidamadda Jubaland iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya. Iska hor-imaadka oo Arbacadii todobaadkan ka dhacay aaga loo yaqaano BP1 ayaa sababay khasaaro naf iyo maal si gaar ah waxyeelo soo gaarey xafiiska maaliyadda ismaamulka Mandera. Wargeyska Daily Nation ayaa qoray in ciidamada Jubaland oo ay wehliyaan askar Kenyaan ah ay huriyeen colaada xilli ay socod roondo ah damacsanaayeen in ay ku hubiyaan dhaqdhaqaaqa magaalada. Onesmus Kyatha, taliyaha booliska Mandera oo muujiyey sidda uu uga xun yahay waxa dhacay, ayaa ka gaabsaday in uu bixiyo macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan dagaalka iyo mowqifkooda. “Waa wax naga careysiinaya balse waan eegi doonaa haddii ay sii socdaan. Ma ahan wax na quseeya, balse waxay ka dhacayaan dal kale,” ayuu hadalkiisa ku daray isagoo u waramay warbaahinta gudaha. Kadib markii loogu awood-sheegtay dagaalkii ka dhacay Beledxaawo 2-da bishii lasoo dhaafay ee Maaj, ciidamada Jubaland ayaa saldhigyo ka sameystay tuulada Koromey oo dhacda duleedka Mandera. Wararka ayaa intaas ku daraya in ay halkaas ka wadeen is-uruursi iyo abaabulka guluf ka dhan ah ciidamadda dowladda. Ciidamadaan waxaa lasoo wariyey in uu hor-boodayo Cabdirashiid Janan, wasiirka amniga Jubaland, kaas oo Dowladda federaalka ay sheegtay in uu ka baxsaday xabsi ku yaala Muqdisho ayna ku raadjoogto. Ma cadda goobta uu haatan ku sugan yahay Janan, balse muddooyinkii u dambeysay wuxuu joogay gudaha Kenya. Isku-dhaca haatan soo cusboonaadey ayaa kusoo aadaya xilli dhinacyadda ay xoojiyeen abaabulka isla markaana xoojiyeen difaacyadooda, taas oo sarre u qaadey cabsida laga qabo dagaal kale iyo walwalka dadka. View the full article
  18. Labada degmo ee Howlwadaag iyo Kaaraan oo ku wada jira Groupka A, is araga 1-aad ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa caawa ku madlan barnaamijka tartan aqoobeedka Shabelle oo galaya habeenkiisa labaad, kadib marii xalay lagu daah-furay Wadajir iyo Dharkenley. Degmooyinkaan dariska ah oo galay bar-bar dhac ayaa soo bandhigay tartan aad u xiiso badan oo ay u riyaaqeen daawadayaasha TV-ga Shabelle iyo sidoo kale dhageystayaasha Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho, iyadoona caawa la sugayo tartanka xiisaha leh ee u dhexeeya degmooyinka Howlwadaag iyo Kaaraan. Tartamayaasha labada degmo oo ka wada tirsan gobolkaan Banaadir ayaa haatan wada diyaar garowgii ugu dambeeyey ee tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle. Howlwadaag iyo Kaaraan waa labo degmo oo magac iyo miisaan ku leh tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan, balse la arki doonee degmada badisa ama guuleysata. Sanadkaan taaba-gelinta tartan aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle waa dalada Somali Forex Association, halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University ee magaalada Muqdisho. View the full article
  19. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka duhur. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Duhur-240420.mp3 View the full article
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – QM ayaa shaacisay qorshe raadinaya 500 oo milyan oo dollar oo loogu diyaar-garoobayo ka fal-celinta cudurka Coronavirus ee Soomaaliya iyo saameynta bini’aadamnimo iyo midda dhaqan-dhaqaale ee uu keenay, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska QM ee Soomaaliya. Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka. WAR SAXAAFADEED QORSHAHA U DIYAAR GAROWGA IYO KA FALCELINTA COVID-19 EE SOOMAALIYA Maanta, Qaramada Midoobay iyo saaxiibbada kale waxay daaha ka rogeen Qorshaha U-Diyaar Garowga iyo Ka falcelinta Covid-19 (Country Preparedness and Response Plan-CPRP) ee Soomaaliya si loola tacaalo saameynta bini’aadamnimo iyo midda dhaqan-dhaqaale ee uu keenay xanuunka Koroona Fayras “Saameynta Koroona Fayras waa mid aad u daran” ayuu yiri Mr. Adam Abdelmoula, Ku xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ahna Iskudubbaridaha Arrimaha Bini’aadamnimada ee Soomaaliya. “Ahmiyadda koowaad waxay tahay in laga taxaddiro in xanuunku uu u faafo si xad dhaaf ah ayadoo loo marayo in qatarta cudurkani leeyahay dadka lo sheego, dadkana laga baaro xanuunka iyo weliba in dabaggal lagu sameeyo dadka la macaamilay qof xanuunkan lugu arkay.” Ilaa markii Soomaaliya ay xaqiijisay xaaladdii ugu horreysay ee Koroona Fayras 16 Maarso, kiisasku waxay noqdeen kuwo iska soo daba dhacaya cirkana isku sii shareeraya ilaa ay gaareen 286 xaaladood 22kii Abriil. Dadka xanuunkani soo ritay waxaa ka mid ah 15 howlwadeenno caafimaad ah. Muddadan, cudurkan saf mareenka ah wuxuu saameeyay dhaqaalaha iyo hab nololeedka; waxaa hoos u dhacay badeecadihii dibedda laga keeni jiray, maciishadda ayaa sara u kacday, lacagihii Soomaaliya loo soo diri jirayna hoos ayay u dhaceen, xirnaashaha dugsiyada ayaa saameyn ku yeelatay ku dhowaad 1 milyan oo caruur ah. Qorshahan oo loogu talo galay in lugu howl galo lix ilaa sagaal bilood, wauxuu u fududeynayaa hay’adaha samafalka iyo kuwa horumarintaba iney dib u eegaan mashaariicdooda lana jaanqaadaan xaaladaha is bedbedalaaya iyo weliba iney sara u qaadaan howlaha ay hayaan si loo yareeyo saameynta xanuunka COVID-19. Ujeeddadu waa iney is dhameystiraan gargaarnka samalka ah, mashaariicda horumarinta iyo dhismaha nabadda. Qorshahan fulintiisa wuxuu dhameystirayaa qorshayaasha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliyeed uga jawaabeyso faafitaanka xanuunka Koroona Fayras “Waxaan si dhow ula sahqeyneynaa Dowladda federaalka ah, dowlad goboleedyada iyo saaxiibbada kalaba si mashaakilkan aan horay loo arkin loola tacaalo,” ayuu yiri Mr. Abdelmoula. “Waxaan ugu yeerayaa deeq bixiyaasha iney taageeraan qorshahan soona dedejiyaan kaalmadooda si hay’adaha samafalka ay ugu suurtagasho iney sara u qaadaan gurmadka ku aaddan xanuunka COVID-19.” Qorshaha CPRP wuxuu raadinayaa adduun lacageed oo gaaraya US$500 oo milyan. Wuxuu mhiimad siinayaa dadka aadka u nugul oo ay ku jiraan 2.6 milyan oo qof oo ku barakacsan gudaha waddanka, kuwaas oo ku nool xerooyin ama kaamam isku raran ah oo gaaraya ilaa 2,000 oo kaam oo ay adagtahay iney helaan adeegyada aasaasiga ah ee caafimaadka iyo fayadhowrka. Qorshuhu wuxuu sidoo kale tixgelin siinayaa dadka da’da ah-oo ku dhowaad boqolkiiba 2.7 ka ah dadka Soomaaliyeed-iyo dadka saboolka ah ee ku nool magaalooyinka kuwaas oo saameynta ugu xun uu ku yeelan karo xanuunka Koroona Fayras. Safmareenka Koroona Fayras wuxuu ku soo aaday xilli Soomaaliya ay la daalaa dhaceysay mashaqooyin bini’aadamnimo oo dabadheeraaday, oo ay sababeen sannado colaado ah, isbedello dhanka cimilada ah iyo faqri aad u baahay. Sannadkan waxaa xaaladda uga sii daray cudurro, fatahaado la saadaalinayo iyo ayax ku habsaday dhul ballaaran. Qorshaha CPRP oo dhameytiran halkan ka soo rogo
  21. Hargeysa — Somaliland Government has issued a decree to temporarily suspend Khat imported from Ethiopia during the month of Ramadan. The former Somaliland Interior Minister Dr Mohammed Abdi Gabose last week criticised President Muse Bihi Abdi for not taking the threat of Covid-19 seriously. Nairobi — The President of Jubaland State Ahmed Mohammed Islan signed agreement with three rivals, who questioned the legitimacy of the 2019 election in Kismayo. The Federal Government of Somalia does recognise the administration of Ahmed Madobe. Dhuusamareeb — Galmudug President Ahmed Abdi Kariye yesterday publicised the cabinet of his new administration. A Federal MP, Ahmed Fiqi, is in the new cabinet. If Fiqi accepts the portfolio he will be required to resign as an MP. Mogadishu — The Federal Government of Somalia changed nighttime curfew hours to 19:00 PM to 5:00 PM. The Commander of Somali Police General Abdi Hassan Mohammed instructed Somali restaurants to introduce take-away services from 17:00 PM every day during Ramadan. © Puntland Post, 2020 The post PUNTLAND POST NEWS IN BRIEF appeared first on Puntland Post.
  22. Like most countries around the globe, Somalia finds itself in the throes of the COVID-19 pandemic. The number of known infections has risen dramatically in the last weeks. Sweeping public restrictions have followed suit in a bid to curb the spread of the disease. Source: Hiiraan Online
  23. DHUSAMREEB (HOL) - Newly elected Galmudug President Ahmed Abdi Kariye has unveiled a 23 member cabinet comprising of two women. Source: Hiiraan Online