Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,428
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. A Turkish air defense system managed to shoot down a Russian-made chopper in the northern region of Libya on Sunday, the Libyan National Army (LNA) confirmed. Source: Hiiraan Online
  2. The newly elected President of Galmudug state, Ahmed Abdi Kariye has officially taken over power from the regional leader, Ahmed Daule Gelle Haf in a ceremony held at the administrative capital on Sunday. The brief ceremony held in Dhusamareeb was attended by lawmakers from both the federal parliament and the Galmudug regional assembly. Speaking during the ceremony, the former leader, Gelle Haf stressed the significance of concession and resolution of differences within the political spectrum in order to move forward as far as the development of the region is concerned. On his part, the new regional leader Ahmed Ali Kariiye alias Qorqor said he will now embark on the state-building efforts since the reconciliation pillar was successful. President Kariye Qorqor is expected to unveil his new line-up of the cabinet which was previously postponed due to the political standoff in the region backed by the Coronavirus health crisis. He emerged the winner in the February elections which its outcome was rejected by the former leader, Gelle Haf and several opposition candidates who later withdraw from the race. View the full article
  3. Wasaaradda caafimaadka iyo hornarinta Somaliland ayaa maanta shaacisay kiisas hor leh oo ku aadan xanuunka Coronavirus, ka dib markii baaritaan lagu sameeyey, iyadoo maalinimadii shalay Somaliland lagu wareejiyey Mashiinka lagu baaro xanuunka Coronavirus. Wasiirka wasaaradda caafimaadka Cumar Cali Cabdullaahi Bade ayaa sheegay in maanta la helay ilaa sedex kiis oo hor leh kuwaas oo laga helay caabuqa COVID-19, waxuuna intaas uu ku daray in kiisaska laga diiwaan geliyey magaalada Hargeysa ee caasimadda u ah Somaliland iyo gobolka Togdheer . Sedexda kiis ee maanta laga helay ayaa waxaa ay ku biirayaan labo kiis oo horay looga diiwaan geliyey Somaliland wadarta guud ayaana ka dhigeysa ilaa 5 kiis , sidoo kale waxaana xusid mudan in dowladda federaalka Soomaaliya horay magaalada Muqdisho uga diiwaan gelisay 27 kiis oo xanuunka Coronavirus ah iyadoo labo ka mid ah ay dhinteen waxaana macquul ah in ay kiisas cusub soo kordhaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Wasiirka Cadaalada Maamulka Hirshabeele Muxayadiin Mukhtaar Macalin ayaa beeniyey warar la baahiyey oo Sheegaya in Madaxweyne Waare uu Xanuunsan yahay. Wasiirka oo Saxaafada la hadlay [...] Source
  5. Boorama (Caasimada Online) – Wararka aanu hadda ka helayno magaalada Boorama ee gobolka Awdal, ayaa sheegaya in bariga magaaladaasi uu saaka ka qarxay dagaal xoogan. Dagaalkan oo saaka ku soo waa-bariisteen dadka reer Boorama, ayaa waxa uu ka dhex qarxay labo beel oo wada degta deegaanka bariga Boorama, sida ay ilo deegaanka ah u xaqiijiyeen Caasimada Online. Labada dhinac ayaa isku adeegsanayey hub kala duwan, iyada oo dhawaaqa rasaasta oo xoogani la maqlayey. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Dagaalkan ayaa salka ku haya dhul-beereed ku yaala bariga magaalada Boorama, kaasi oo ay si weyn ugu muransanaayen labada dhinac ee uu saaka ka dhex qarxay dagaalku. Ilaa hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi oo saacado socda, maadama uu weli uusan joogsan oo ay labada dhinac is weydaarsanayaan hub kala duwan. Mana jirro wax war ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Awdal oo ku aadan dagaalkaasi saaka ka qarxay magaalada Boorama ee ila hadda ka socda iyo ciidamo ku baxayba deminta xiisadaasi. Wixii kasoo kordha isha ku hay Caasimada Online
  6. MUQDISHO, Soomaaliya, 12 Abriil 2020- Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa cambaareeyay go’aanka ay Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhallinyarada uga mamnuucday Warbaahinta Goobjoog tebinta ciyaaraha, ayna dhaqangeliyeen Xiriirka Kubbadda Cagta ee Soomaaliyeed 9 Abriil 2020. Ammarka ayaa ka mamnuucaya warbaahinta Goobjoog iyo shaqaalaheeda tegista garoomada lagu ciyaaro. Wareegtada ka soo baxday wasaaradda Cayaaraha iyo Dhalinyarada, oo nuqul ka mid ahna ay heshay SJS ayaan lagu caddeynin sababta mamnuucista lagu soo rogay Warbaahinta Goobjoog. Shir jaraa’id oo uu qabtay Guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliyeed Cabdiqani Siciid Carab, 9-kii bishan ayaa ku sheegay in Xiriirku uu u hoggaasanamayo ammarka Wasaaradda oo ay soo saartay Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhallinyarada Khadiijo Maxamed Diiriye. Agaasimaha Warbaahinta Goobjoog, Xasan Maxamed Maxamuud ayaa SJS u sheegay in Xiriirka Kubbadda Cagta uu ku wargeliyay in warbaahinta Goobjoog iyo warfidiyeenadeedaba aan loo oggolaan doonin in ay soo galaan garoomada kubbadda, uuna ku tilmaamay ammarkaas mid lagu wiiqayo siyaasadooda tifaftireed. Go’aankan ayaa Warbaahinta Goobjoog geliyay welwel iyo cabsi ay u baqayaan amniga warfidiyeenadooda. “Amarka Wasiirka wuxuu soo sidoo kale faray saraakiisha hay’adaha kale ee Dowladda iyo laamaha amniga inay dhaqan-geliyaan, taasina waxay keentay in aan awoodi weyno in aan shaqaaleheena u dirno goobahaasi sababo amnigooda la xiriira darteed. Waxaan kaloo ka cabsi qabnaa in amarkan uu saameeyo qeybaha kale ee hay’adaha dowladda,” Xasan Maxamed Maxamuud, Agaasimaha Warbaahinta Goobjoog ayaa sidaa u sheegay SJS. Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS waxa uu cambaareynaya go’aanka Wasiirka Ciyaaraha iyo Dhallinyarada oo ah fal lagu doonayo in lagu wiiqo xorriyadda saxaafadda, laguna cabsi gelinaayo warbaahinta madaxa-bannaan, iyadoo lagu horjoogsanayo xaqa helista xogta oo ah mid dastuuri ah. “Aad ayaan uga wel-welsanahay ammarka Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhallinyarada ee lagu bartilmaameedsanayo Warbaahinta Goobjoog, kaasoo xadgudub weyn ku ah shaqada warbaahinta madaxa-bannaan, khatarna gelinaya amniga warfidiyeenada,” Cabdalle Axmed Mumin, Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa yiri isagoo ugu baaqay Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhalinyarada in ay la noqoto mamnuucistan, una oggolaato Warbaahinta Goobjoog tebinta ciyaaraha si is-hor-taag la’aan ah. 29-kii Maarso ayay ahayd markii afar warfidiyeen oo u shaqeynayey warbaahinta goobjoog iyo darwalkooda oo ku jiray howl saxaafadeed ay si kooban u xireen ciidamo ka tiran sirdoonka Qaranka iyagoo muddo kooban ka dib sii daayey iyagoo aan wax dambi ah ku soo oogin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose, Xasan Macallin Cumar ayaa ciidamada milatariga Soomaaliya ku eedeeyey kufsi dhowaan ka dhacay deegaanka Janaale ee gobolkaasi. Xasan Macalin oo wareysi gaar ah siiyey Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in askar ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay Jannaale kufsi ugu geysteen gabar yar oo 13-sano jir ah iyo haweeney Xaamilo ah, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale guddoomiyihii hore ee Marka ayaa carabka ku dhufay in haatan xaaladda caafimaad ee gabadha yar ay aad u liidato, islamarkaana loo geystay kufsi ba’an. Mr Xasan Macalin Cumar ayaa intaasi ku daray in haweeneyda xaamilada ah ciidamadu ay kala dageen gaari ay la socotay, kadibna ay kula dhaqaaqeen kufsi fool xun. Eedeynta loo jeediyey ciidamada dowladda ee qabtay Janaale ayaa ku soo aadeysa, xilli maalmihii dambe dhibaatooyin laga soo warinayey deegaankaasi. Dhowaan ayey sidoo kale aheyd markii kufsi arxan darro ahaa gabdho da’yar ah loogu geystay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.
  8. The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has today called on the Federal Government of Somalia to classify the media as essential service and open up the operating space for the media during the impending curfew imposed on Mogadishu. In a press conference held in Mogadishu on Sunday, 12 April 2020, Somalia’s Police Commissioner-General Abdi Hassan Mohamed (Hajar) said: “considering the urgency to minimize the spread of the disease (coronavirus) within the community, the federal government of Somalia announces that a dusk-to-dawn curfew (8 pm-5 am) would be enforced to Mogadishu from the evening April 15, 2020, until further notice”. The police chief further added that “the curfew will affect all businesses, public, and transport movement except health centers and places offering essential food services”, and ordered the people in Mogadishu to adhere to the curfew and to go their homes ahead of the designated times of the curfew. “In the fight against COVID-19 pandemic, we wish to appeal to the federal government to classify medias as essential services so that media houses are open during the curfew and working journalists are able to pursue their professional duties to discharge a vital public interest mission of keeping citizens informed in line with their right to access to information through provision of current news and enlightening information” said Omar Faruk Osman, NUSOJ Secretary General. NUSOJ acknowledges the bold decision and subsequent actions by the Federal Government to prevent and curb the spread of the coronavirus despite evident challenges, and assures the government of the union’s support towards national efforts to curb the spread of the virus. “The media is unquestionably a critical component in the fight against this global pandemic. Actually, health services, security forces and the media should play a complementary function in this regard, whereby journalists’ movements and work should not be constrained,” added Osman. Access to information is constitutional right as specified by article 32 of the Provisional Constitution which also guarantees and promotes freedom of expression and opinion. If unhampered, the media can play its vibrant role of providing relevant and timely information and education to the public on the current pandemic as well as the measures that the government and citizens can take to curb and prevent infections and spread of COVID-19 pandemic. NUSOJ urges the news medias to be professional in conducting their legitimate journalistic duties and ethical responsibilities as this will go a long way in ensuring that people access accurate, trustworthy, verifiable and valuable information about the epidemic and how they can restrain and stop contamination and its spread in the society. View the full article
  9. Ibraahim Xabeeb oo horay udoo ahaan jiray Xildhibaan ayaa wuxuu dhaca ka qaadey in Wasiirkii Cadaalada Hirdhabeele loo watay Qalab lagu daweeyo Isbitaalka Martine oo [...] Source
  10. Wasaaradda caafimaadka iyo hormarinta Somaliland ayaa sheegay in lagu guulaystay in Somaliland la keeno Meshiinka lagu baaro xanuunka Coronavirus oo dhowaan kiisas ku aadan xanuunkaas laga diiwaan geliyey magaalada Hargeysa. Wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland Cumar Cabdullaahi Bade ayaa xusay in in qalabkaan uu ka soo gaaray Hay’adda caafimaadka Adduunka WHO waxaana uu intaas ku daray in markii hore adkeyd helitaanka jawaabta baaritaanka dadka looga shakiyo xanuunka Coronavirus loona diri jiray adanka Kenya lana sugijiray maalmo. “Waxaannu la soo wareegnay Mashiinkii lagu baadhaayay Xanuunka Coronavirus , waad ogaydeen dhibaataddii innaga haysatay shaybaadhka oo marka aynu hubbino aynu u dirri jirnay dalka Kenya oo uu maalmo ku maqnaan jirey. ayuu yiri wasiir Bade. Wasiirka caafimaadka iyo hormarinta Somaliland oo sii hadlayo ayaa sheegay in hey’adda caafimaadka u soo dirayso Khabiir tabar siiyo kaaliyaasha caafimaadka ee ka shaqeynayo la tacaalidda dadka qabo xanuunka COVID-19 waxaana uu sharaxay awooda uu leeyahay Mashiinka. “Tababarkiinna waxa uu bilaabmayaa labada cisho ee innagu soo socda oo qof khabiirka ah ayaa WHO ka keennaysaa dalka Ethiopia, marka uu Mashiinkaasi shaqadda bilaabo 12-kii saacba waxa uu baadhi karraa ilaa 500 oo ruux, taasinna waxa ay sarre u qaaddaysaa tallooyinkii ay soo jeeddisay Hay’adda Caafimaadka adduunka ee WHO oo ku talisay in ruuxa looga shakiyo markabba lagu sameeyo shaybaadh.”ayuu yiri wasiirka caafimaadka. Wasiirku waxa kale oo uu sheegay inay maanta furreen Xafiis cusub oo ay ugu talo-galleen in ruuxii xaaladdiisa ka shakiyaa uu soo wici karro ama soo garaaci karro telefoonka 988. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Shaqaalaha Dowladda waxaa lagu qaadan karaa oo keli ah hab tartan ah oo waafaqsan Sharciga Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda; Sharciga Shaqada 1972 (Labour Code) iyo mabaadii’da guud ee #Dastuurka KMG ah. Sidoo kale in shaqo bannaan la xayeysiiyo & in qofka lagu xiro shahaado jaamacad waa arrin waafaqsan Sharciga Shaqaalaha Rayidka, Sharciga Shaqada iyo mabaadii’da guud ee Dastuurka KMG (Eeg Qod.3aad ee Xeerka Shaqada, Qoddobada 5aad, 9aad, 10aad, 11aad & 12aad ee Sharciga Shaqaalaha Rayidka & Qod.118aad ee Dastuurka KMG ah). Balse Sharcigu ma ogola in gabar & wiil midna lagu xiro da’. Maxaa yeelay taas waxa ay ka hor imaanaysa Qod.5aad & Qod.9aad ee Xeerka Shaqaalaha Rayidka oo xeerinaya in qof kasta oo haysta shahaado jaamacadeed uu la tartamayo dadka dhiggiisa ah ee u soo tartamay isla jagadaas. Qod.3aad ee Sharciga Shaqada 1972 wuxuu farayaa in qof kasta uu helo fursad loo siman yahay iyada oo aan cidna la takoorin. Da’na laguma xiri karo shaqaalaha rayidka oo aan ka ahayd da’da qaangaarka(18). Eeg Qod. 5aad(2) ee Sharciga Shaqaalaha Rayidka & Qod. 29aad(8) ee Dastuurka KMG ah. Sharcigu ma ogola in astaamo jireed (dherer, qurux iwm) lagu faquuqo muwaadin gaar ah, taas oo ka hor-imaanaysa u-sinnaanta fursada shaqada. Eeg Qod.11aad (3) & Qod.118aad (5) ee Dastuurka, Qod.3aad ee Sharciga Shaqada 1972, & Qoddobada 5aad, 9aad, 10aad, 11aad & 12aad ee Sharciga Shaqaalaha Rayidka. Sidaas darteed, Hay’adaha Dowladda waa in ay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara faquuq iyo kala sooc lagu sameeyo qaar ka mid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed marka ay qaadanayaan shaqaale cusub isla markaasna waa in ay maraan habraaca sharci ee shaqo qorista. W/Q: Senator Abshir Maxamed Axmed, Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka sare ee BFS. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Taliyayaasha Booliska Gobolada Nugaal, Mudug, Bari, Sool, Karkaar iyo Ceyn ayaa tababar Sadex maalmood socdey loogusoo gabagabeeyey Magaalada Garowe. Madaxweyne Deni ayaa dhowaan magacaabay Taliyaashaan [...] Source
  13. Wasiirka Horumarinta Caafimaadka Somaliland Maamulka Somaliland ayaa shaaciyey in saddex xaaladood oo horleh, oo Covid-19 ah laga helay degaano kamid ah Somaliland. Wasiirka Horumarinta Caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdullaahi ayaa maanta shaagay in saddex bukaan laga helay xannuunka Covid-19, kuwaas oo labo kamid ah ay ku noolyihiin magaalada Hargeysa, halka kankale uu ku sugan yahay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal. Wasiir Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa xusay in saddexdan qof oo kamid ahaa afar iyo labaatan qof oo baaritaan loo diray, ay hadda xaaladooda caafimaad wanaagsan tahay. Somaliland ayaa horey u sheegtay in ay hayso labo xaaladood oo Covid-19 ah, waxayna hadda tirada guud ee dadka xannnuunkaas laga helay noqonaysaa Somaliland shan qof oo mid kamid ah yahay Ajnabi. Guud ahaan Soomaaliya ayaa xannuunka Covid-19 laga helay dad ku dhow soddon qof oo intooda badan ku sugan Koofurta Soomaaliya, waxaana u geeriyooday labo kamid ah oo mid yahay Wasiir ka tirsan maamulka Hirshabeelle. Gudaha Soomaaliya wali laguma baaro xanuunkan, waxaana bukaanada looga shakiyo dhacaankooda loo diraa dalka dibadiisa. PUNTLAND POST The post Somaliland oo laga helay kiisas horleh oo ah Covid-19 appeared first on Puntland Post.
  14. Wasiirka arrimaha gudaha waddanka Turkiga Suleyman Soylu ayaa Axaddii shalay is-casilaaddiisa u gudbiyay madaxweyne Reccep Tayyip Erdogan kadib markii uu cambaarayn xooggan kala kulmay bandow uu soo rogay si looga hortago faafidda COVID-19. Balse madaxweynaha Turkiga Reccep Erdogan ayaa diiday in uu aqbalo iscasilaadda wasiirka ee ka dhalatay xannibaada degdega ah ee uu ku soo rogay dalka taasi oo keentay in dadku guryahooda ku yaacaan kadib markii ay dareemeen cabsi iyo argagax la xiriira Coronavirus. Go’aankaas ayaa kumanaan qof ku qasbay in ay ku cararaan suuqyada islamarkaana is dhex yaacaan taasi meesha ka saartay xeerkii kala fogaanshaha bulshada. Waddooyinka magaalooyinka Istanbul iyo Ankara ayaa sidoo kale buuxsamay ayadoo la arkayey safaf dhaadheer oo loo galay dukaamada cuntada bankiyada iyo goobaha kale. Kadib jaahwareerkii ka dhashay xanibaadda ayaa dhaqan-gashay waxaana u hogaansamay inta badan shacabka. Dalka Turkiga waxaa laga xaqijiyay 57,000 kiis oo COVID-19 ah waxaana u dhintay 1,200 oo qof sida ay sheegtay dowladda. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Turkiga oo diiday iscasilaadda Wasiirkiisi arrimaha gudaha appeared first on Puntland Post.
  15. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa goordhoweyd shaacisay in deegaanadeeda laga helay dad hor leh oo qaba cudurka dunida ku faafay ee Coronavirus ama Covid-19. Somaliland ayaa xaqiijisay in maanta laga helay saddex qof cudurkaasi, kuwaasi oo ku kala nool magaalooyinka Hargeysa iyo Boorama. Xukuumada ayaa sheegtay in labo kiis ay yihiin caasimada magaalada Hargeysa, halka midka kalena uu yahay magaalada Boorama ee gobolka Awdal. Tirada kiisaska cudurkaasi ee Somaliland ayaa noqoneysa 5-Kiis, xilli tirada guud ee dalkuna ay noqoneysa 28-Kiis, midaasi oo cadeyn u ah xawliga uu gudaha dalka ugu dhex faafayo cudurkaasi. Somaliland ayaa muddooyinkii dambe aad looga cabsi qabay in cudurku si weyn u dhex-qaado, maadama hore looga helay magaalooyinka Berbera iyo Burco, oo ay xukuumaduna ay soo saarin awaamiir adag oo lagu xakameynayo dhaq-dhaqaaqa dadka. Cudurka Coronavirus ayaa u muuqda mid halistiisu ay ka taagan tahay gudaha Soomaaliya, xili ay magaalada Muqdisho ugu geeriyoodeen Labo ruux, oo midkood ahaa Mas’uul ka tirsan maamulka Hir-Shabelle.
  16. Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa iskaraantiilay sababo la xariiro caabuqa Coronavirus oo kiis ka mid wasiiru dowle ka tirsanaa Hirshabeelle ugu geeriyooday Muqdisho oo lagu baxnaaninayey xaaladiisa. Madaxweynaha oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay in hadda xaaladiisa ay fiican tahay lakiin uu doortay in si shaqsi ah uu si karaantiilo asbuucii la soo dhaafay waxaana uu xusay in ay tahay taxadar. Karaantiilka uu is geliyey madaxwenaha ayaa ku soo aadayo iyadoo wasiiru dowlihii cadaaladda dowlad goboleedka Hirshabeelle Khaliif Muumin Tooxoow uu u geeriyooday caabuqa COVID-19. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. JOHAR (HOL) - HirShabelle president Mohamed Ware has dismissed reports that he is sick after one of his ministers died of COVID-19 noting he is fine but on self-quarantine. Source: Hiiraan Online
  18. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntand, Siciid Cabdullaahi (Deni) oo xalay warbaahinta ugu warramay magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dhismaha ciidamada Xoogga dalka. Deni ayaa marka hore ka digay in la siyaasadeeyo dib u dhiska ciidamada qalabka sida Soomaaliya, iyadoo loo adeegsanayo dano gaar ah ama kuwa kooxeed. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in looga baahan yahay ciidamada Qaranka Soomaaliyeed in ay la yimaadaan hanaan shacabka Soomaaliyeed u qalma, sida uu hadalka u dhigay. “Waan ka digeynaa in ciidamadda qaranka la siyaasadeeyo, la qabiileeyo, la kooxeeyo, dano gaar ah lagu fushado, waan u rajeyneynaa saraakiisha hogaamisa ciidamadu in ay sifadaas ku sifoobaan, oo a ku yimaadaan hanaan shacabka Soomaaliyeed u qalma” ayuu yiri madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Siciid Deni. Ugu dambeyn wuxuu qiray in ciidamadu ay ku soo shaqeeyeen daruufu adag, islamarkaana ay soo muujiyeen dhabar adeeg mudan in lagu xormeeyo, laguna taageero. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay ay ku beegneyd 60-sanad guuradii ka soo wareegtay aas-aaska ciidamada Xoogga dalka oo ka kooban ciidanka Dhulka, ciidanka Cirka iyo ciidanka Badda, walow aan la xusin maalintaan, sababo la xariira Coronavirus.
  19. Gudiga Wacyigalinta Corona Virus yaa sid muuqata guul fiican ka gaaray wacyigalinta ku aadan Cudurka Corona Virus, iyadoo inta badan Shacabkuna ay u hogaansmren. Madaxweynaha [...] Source
  20. Madxaf ku yaalla magaalada Dresden ee dalka Jarmalka ayaa laga helay kaaadhka aqoonsiga ah ee ay qaataan askarta basaasiinta ahi, kaasi oo uu isticmaali jiray, Vladamir Putin oo xilligaasi u basaasi jiray dalkii la oran jiray Jarmalka Bari. Putin oo hadda ah madaxweynaha dalka Ruushka ayaa sannadihii 1980-meeyadii si qarsoodi ah uga howl gali jiray magaalada Dresden, isagoo basaas u ahaa hay’adda Ruushka KGB oo dhanka amniga u qaabilsanayd maamulkii midowga Soviet. Hase ahaatee waxa uu isticmaali jiray kaadh aqoonsi oo muujinaya inuu ahaa askari ka tirsan hay’adda Stasi, oo ahayd laanta dhinaca ammaanka ee jamhuuriyaddii shuuciga ahayd ee horay loo oran jiray Jarmalka Bari. Kaarkiisa aqoonsiga ee uu ugu shaqeyn jiray hay’adda Stasi ayaa la helay iyadoo cilmi baaris lagu sameynayo xiriirkii wada shaqeyneed ee ka dhexeeyay hay’adaha KGB iyo Stasi. Mr Putin oo xilligaas ahaa sarkaal ka tirsan KGB ayaa kaadhkan aqoonsiga ah helay sannadkii 1985-kii. Waxaa loo siiyay si uu ugu shaqeeyo hay’adda Stasi, balse waxaa suuragal ah in aanu iyaga u basaasi jirin. Bayaan ay dhawaan soo saartay hay’ad uruurisa taariikhda hay’addii la oran jiray Stasi ayaa lagu sheegay in Mr Putin kaarkaas loo siiyay in uu fuliyo howlaha KGB, arrintaasi na ay qeyb ka ahayd wada shaqeyn dhex mari jirtay labada hay’adood. Sida dhabta ah, magaca Stasi wuxuu ahaa naaneys ay lahayd wasaaradda amniga qaranka ee xukuumaddii Jarmalka bari. Mr Putin, oo ku dhashay magaalada Leningrad (oo hadda loo yaqaanno St Petersburg), ayaa Jarmalka bari loo diray sannadkii 1985-kii, xilligaas oo uu ahaa 33 sano jir. Waxa uu howsha basaasnimada ah halkaasi ka hayay tan iyo bishii Diseembar ee sannadkii 1989-kii, xiligaasi oo ay xukuumaddii jarmalka bari ku burburtay mudaharaadyo looga soo horjeeday oo lagu taageerayay Dimuqraadiyadda. Kaadhkiisa aqoonsiga ee Stasi waxaa la cusboonaysiin jiray saddexdii biloodba hal mar, sida ay muujiyeen shaabadaha ku yaalla kaadhka dushiisa. Balse ma cadda sababta uu kaadhkiisa ugaga tagay goobta lagu keydiyo feylasha Stasi ee magaalada Dresden. 5-tii bishii Diisambar ee sannadkii 1989-kii, wuxuu goob joog u ahaa dad mudaharaadeyaal ah oo la wareegay xarunta dhexe ee ay hay’adda Stasi ku laheyd magaalada Dresden, iyadoo ciidammadii ammaanka ee uu ka tirsanaa ay qarka u saarnaayeen in ay rasaas ku furan shacabka. Bishii Nofeembar ee isla sannadkaas ayey mudaharaadeyaasha bariga Baarliin dumiyeen darbigii Baarliin. Mr Putin ayaa xilligaas si fiican ugu hadli jiray luuqadda Jarmalka, wuxuuna sheegay in uu si shakhsi ah u dajiyay dadkii mudaharaadayay ee hareereeyay xarunta hay’adda KGB, isagoo markaas siinayay digniin ah in meeshaasi ay ahayd dhul uu leeyahay midowga Soviet. Intii uu waday howshii uu KGB uga hayay magaalada Dresden, Mr Putin waxaa loo dallacsiiyay darajada ciidan ee laba-xiddigle korneyl. Sannadkii 1989-kii, xukuumaddii shuuciga ahayd ee jarmalka bari ayaa Putin abaal marin ku siisay sidii uu daacadda ugu ahaa ciidammada milatariga ee qaranka, sida lagu qoray barta internet-ka ee Kremlin. Markii uu ku laabtay Ruushka, Mr Putin waxaa loo dallacsiiyay inuu noqdo madaxa hay’adda amniga ee federaalka, taasi oo baddashay hay’adda horay loo odhan jiray KGB. Wuxuu madaxweynaha dalka Ruushka noqday sannadkii 2000. Bishii Juun ee sannadkii 2017-kii, Mr Putin wuxuu shaaca ka qaaday in shaqadii sirdoonka ee uu u hayay hay’adda KGB ay qeyb ka ahaayeen macluumaad basaas ah oo “si sharci darro ah loo ururiyay”. Isagoo ka hadlayay Telefishinka Qaranka ee Ruushka ayuu sheegay in dadkii wax u basaasi jiray KGB ay ahaayeen dad “tayo gooni ah leh, si gaar ah wax u go’aamiya, isla markaana dabeecad gaar ah leh”. Putin ma wuxuu basaas u ahaa Midowgii soviet ee Ruushka mise iyaga ayuu basaasi jiray? Heshiis qarsoodi ahaa oo dhex maray hay’adaha KGB iyo Stasi, oo ay BBC-du aragtay ayaa muujinayay in KGB ay 30 askari u joogeen Jarmalka Bari, kuwaasi oo si toos ah ula shaqeyn jiray hay’adda Stasi. Afhayeen u hadlay bogga Internet-ka ee Kremlin oo lagu magacaabo Dmitry Peskov ayaa dadka ku baraarujiyay kaadhka aqoonsiga ee Mr Putin uu hore u isticmaali jiray. “KGB iyo Stasi waxay ahaayeen hay’ado sirdoon oo lamaane ah, sidaas awgeed ma garan kartid sababta ay kaadhadhka noocaas ah u kala badasheen”, Source
  21. Afhayeen Barkhad Batuun iyo Wasiir Faratoon: Mucaarid Muujiyey Lexejeclo iyo Muxaafid la Yimid Masuuliyad-darro Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee Xisbiga WADDANI Md. Barkhad Jaamac Batuun oo saxaafadda la hadlay (Axad, 12 April 2020), ayaa muujiyey astaamaha lagu yaqaan mucaaridnimada dhabta ah ee ku salaysan lexejeclo muwaadinimo, sheegista waxa fiican ee la qabtay iyo tilmaamista khaladaadka jira ama gal-daloolooyinka u baahan in la gufeeyo (Objective criticism), isagoo Madaxweynaha iyo Xukuumadda Somaliland uga mahadnaqay in Guddi Heer Qaran ah loo sameeyo xakamaynta iyo wacyigelinta xannuunka Covid-19., halka uu Wasiirka Khaarajiguna la yimid masuuliyad-darro ah inuu baal-maray nidaamka loo dejiyey in dadka safarka ka yimaada lagu karantimeeyo hudheelo lagu ilaaliyo. “Xisbi ahaana waannu uga mahadnaqaynaa, maantana Mucaarid, muxaafid iyo muwaadinba waa inay intuba mid ka noqdaan badbaabada caafimaadka bulshada Somaliland.” Sidaa waxa yidhi Afhayeen Barkhad Jaamac Batuun oo sidoo kalena ugu baaqay bulshada Somaliland in heegan loo galo aafada cudurkan anfariirka ku riday dunida, kaasoo uu xusay in lagaga bixi karo feejignaan iyo midnimo dhexdeena ah, wacyigelin iyo baraarujin bulshada dhexdeeda ah. “Waxa aynu guud ahaan ku dedaalaynaa in aynu wax tarno dadkeena masaakiinta ah ee aan waxba haysan, agoomaheena, cusbitaallada ay ku jiraan dadka waalan, dadkeena naafada ka ah indhaha iyo dadkeena ay ku gedaaman yihiin duruufaha nololeed. Waxa hadda inoo dhammaanaysa bil khayr qabta (shabcaan), waxaanna inoo soo gelaysa bishii ugu fadliga badnayd bilaha oo ramadaan ah. Sadaqada iyo wax-bixintu waa shayga keliya ee dammiya cadha Ilaahay, waana shayga cimriga dheereeya, waa shayga caafimaadka barakeeya ee ay ku timaado naxariista rabbi, markaa guud ahaanteen aynu ku dedaalno sidii aynu wax u tari lahayn dadkeena baahan,” ayuu yidhi Barkhad Batuun. Afhayeenka Xisbiga WADDANI, ayaa soo bandhigay gal-daloolooyinka ka muuqda shaqada wacyigelinta iyo qaab-dhismeedka Guddida Heer Qaran ee U-diyaargarawga iyo Ka-hortagga Xannuunka Coronavirus (Covid-19) oo Madaxweyne Muuse Biixi uu wareegto ku magacaabay taariikhdu markii ay ahayd 14 March 2020, balse marar kala duwan tiradooda la kordhiyey, Guddoomiyena looga dhigay Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland. “Guddidaas il-duuf badan ayaa runtii jira oo aannu talo ahaan qabno, Madaxweynahana u jeedinayno. Madaxweyne, waad ku mahadsan tahay in aad Guddi Heer Qaran ah samayso, laakiin saddex tiir oo bulshada muhiim u ah ayaan ku jirin Guddida, wayna fiicnayd in dib lagaga daro Guddida. 1) In Guddida Heer Qaran lagu daro cid metelaysa saxaafadda Somaliland, lagalana tashado Ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA), aad ayeynta taasi u qurux badnayd, sababtuna waxa weeyaan saxaafaddu waa cidda keliya ee tebinaysa wararka iyo wacyigelinta Bulshada, door muhiim ah ayeyna maanta kaga jirtaa nolosha ummadda Somaliland. 2) In lagu daro culimada oo culimo aan ka tirsanayn Xukuumadda Somaliland ay ku jiraan Guddida way fiicnaan lahayd, sababta aannu xisbi ahaan sidaas u leenahay waxa weeyaan magaalo kasta oo dalka ka mid ah, xaafad kasta oo ku sii taala, ugu yaraan toban masaajid ayaa ku yaal, masjidkastana makarafoon ayaa saaran. Wacyigelinta Bulshada iyo wax-u-sheegooda qayb weyn ayey culimadu ka qaadanaysaa, waana dadka uu hadalkoodu galo mushtamaca, waayo waxay sheegaan qowlka Ilaahay iyo qawlka Rasuulka (NNKHA). 3) Waxa kaloo uu il-duuf kale ka jiraa Abwaanada oo waa in lagu daro xubin metelaysa Abwaanada Qaranka, taasina muhiim ayey ahayd, waayo hibo hal-abuur ayey leeyihiin, waana dadka samayn karaya hal-ku-dhegyada wacyigelinta, waana dadka meteli karaya, ummaddana u soo bandhigi karaya riwaayado waaqica iyo mashaakilka uu ummadda ku sababi karayo xannuunkaasi. Il-duufka kale ee muuqdaa waxa weeyaan in aanay wacyigelintu gaadhin qaybo badan oo bulshada Somaliland ah, waxa aannu xisbi ahaan ku talinaynaa in loo dhug-yeesho oo loo dheg-raariciyo tallooyinkan; • In Masuuliyad gaar ah la iska saaro in dadka aragga naafadda ka ah ay u heli lahaayeen wacyigelin gaar ah oo waa qayb ka mid ah ummadda, xisbi ahaana ay muhiim noo tahay in mudnaan gaar ah la siiyo. • In waycigelin gaar ah la siiyo dadka maqalka naafadda ka ah, waana inay jirto istaraatiijiyad iyo qorshe lagu wacyigelinayo, ilayn bulshada ay badh ka yihiine. Waxa il-duufku ka taagan yahay dalku waxa uu leeyahay hal Radiyow (Idaacad qudha), waana Radio Hargeysa oo ay Xukuumaddu gacanta ku hayso, idaacaddaas gelinka hore marka aad shido hees ayaa ka baxaysa, gelinka dambe marka aad shidana hees ayaa baxaysa, habeenkiina hees ayaa baxaysa, waxayna ahayd in lagu ibo-furo, laguna xidho wacyigelinta bulshada lagaga wacyigelinayo aafada cudurkan anfariirka ku riday dunida. Waxa kaloo uu il-duuf ka jiraa, sida aannu maqalnay Wasaaradda Warfaafinta waxa ka ka shaqeeya 850 qof oo isugu jira abwaano iyo suxufiyiin, awooddaas Wasaaradda dhextaala ee uu qaranku leeyahay ee suxufiyiinta iyo abwaanadaba leh in iyagana laga shaqaysiiyo, wacyigelintana qayb weyn oo mug iyo miisaan leh ay ka qaataan,” ayuu yidhi Afhayeenka WADDANI. Md. Barkhad Jaamac Batuun, waxa kaloo uu ka hadlay faa’iidooyinka bulshada ugu jira in la karantimeeyo dadka safarka ah ee ka yimaada dalalka dibadda, gaar ahaan meelaha uu sida xooggan ugu faafay xannuunka Covid-19 oo ah Qaaradda Yurub iyo Woqooyiga Ameerika, isagoo soo bandhigay dhacdooyinka wax-ku-qaadashada mudan ee uu kala kulmay goob ku taal Hargeysa uu ku karantimaysnaa muddo 14 maalmood ah, kadib markii uu ka soo laabtay safar dalka dibaddiisa ah. “Muddadii aannu karantimaysnayn candhuuf ayaa la naga qaaday, dheecanno ayaa la naga qaaday, dhiigag ayaa la naga qaaday oo anaga oo caafimaad qabna ayaannu ka soo baxnay, waana Alxamdullilaahi. Waxyaabaha murugada iyo muraaradillaaca lahaa intii aannu madashaas joognay waxa ka mid ahaa muwaadin anaga naga mid ahaa (dadkii la karantimeeyey) oo reer Somaliland ah oo hooyadii dhimatay oo geeridii loo sheegay ayaa bixi kari waayey oo inuu isagu baxo iyo in bulshadu badbaadi waydo, badbaadada bulshada ayaannu eegnay oo waannu joojinay inuu baxo, waxa nagu jiray muwaadin kale oo xaaskiisii foolatay oo qalliin u baahatay oo in isagu baxo iyo in bulshadu badbaado, waxa la qaatay in bulshadu badbaado, waana laba dhibaato in dhibka yar la doorto oo waa qaaciido sharci ah, waxa sidaas loo sameeyeyna badbaadada shacabka ayey ahayd, arrimaha noocaas ah waxa aan idinkula wadaagayaana waxa weeye in aannu idin dareensiino mudnaanta uu caafimaadkiinu leeyahay, arsaaqda Ilaahay (SWT) bixiyana waxa ugu mudan caafimaadka.” Afhayeen Barkhad Jaamac Batuun waxa uu ugu baaqay muwaadiniinta Jamhuuriyadda Somaliland inay sharciga u hoggaansamaan, laguna shaqeeyo isku-xukunka sharciga (rule of law), lana ilaaliyo nidaamka iyo kala-dambaynta, arrimahaas oo uu xusay inay yihiin waxyaabaha lagu yahay qaranka Somaliland. “Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland dhawr maalmood ka hor ayuu yimid magaalada (Hargeysa), madaarka ayuu ka soo degay oo gurigiisa ayuu tegay…Madaxdu waa inay tusaale hoggaamineed u noqotaa muwaadiniintooda oo muwaadiniintu waxay ku dhaqmaan waxa ay madaxdooda ka arkaan. Waxa ay ummaddu isweydiinaysaa sharciga xubin xil ka haysa Xukuumadda u saamaxaya inuu tago xafiiskiisa iyo xaafaddiisa, muwaadinka uu cashuurtiisa qaatana laga dhigo maxbuus? Waxa isweydiin leh askarta ilaalinaysay Wasiirka, darawalkiisii soo qaaday ee guriga geeyey, Wasaaradda uu tegay dadkii joogay sidee ayaa loola dhaqmaa? Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, ahna Guddoomiyaha Guddidaas waxa aannu weydiinaynaa su’aasha ah; muwaadinka maxaa maxbuus ka dhigay, xubinta xil ka haysa Xukuumaddiina maxaa mudnaanta siiyey ee au xafiisyada iyo xaafadahooga u tegayaan? Afhayeen Barkhad Jaamac Batuun hadalkiisa uu duuban waxa uu socday muddo 12 daqiiqo ah, isagoo in ka badan 8 daqiiqo kaga hadlay waano guud oo ah in ummaddu isku naxariisato, mahadnaq ah tallaabada lagu dhisay Guddida Heer Qaran, faa’iidooyinka bulshada ugu jira karantimaynta iyo in la iska ilaaliyo xannuunkan halista ah, naqdi ama dhaliil wax-dhisid ah (constructive criticism) iyo tallooyin muhiim ah oo uu u jeediyey Guddida Heer Qaran, halka qiyaastii ilaa 4 daqiiqo uu kaga hadlay safarka uu Wasiirka Khaarajigu kaga yimid dalka Ingiriiska iyo sida isagoo aan wax karantimayn ah lagu samayn uu u tegay Gurigiisa iyo Xafiiska Wasaaradda Khaarajiga, waxaannu su’aallo arrintaas khuseeya u soo bandhigay Guddida Heer iyo Madaxweyne-ku-xigeenka oo ah Guddoomiyaha Guddida, balse si shakhsi ah uma weerarin shaqsiyada Wasiirka ah, manuu jeedin wax eedayn ah oo si gaar ah ugu socotay Wasiir Faratoon. Hasayeeshee, Wasiirka Arrimaha Dibadda Md. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo waraysi siiyey telefiishanka Bulsho TV xalay, waxa uu si shaqsi ah u weeraray Afhayeenka xisbiga WADDANI oo uu ku sifeeyey inuu yahay; “in shaqada loo siiyey inuu wax caayo”, halka sidoo kale uu Wasiirku been ku tilmaamay hadalka Barkhad Jaamac, balse haddana Wasiir Faratoon waxa uu ka markhaati kacay hadalka Afhayeenka ee ahaa inuu safar dalka dibaddiisa ah ka yimid, iyadoo aan la karantimayna uu si toos ah u tegay Gurigiisa, sidoo kalena tegay Wasaaradda Khaarajiga, taasoo u muuqata in Wasiirku noqday muxaafid isku meeraystay oo aan waaqif ah ummadda uga qancin sababta loogu karantimayn waayey si la mid ah qaabkii loo karantimeeyey dadka ka yimid dalalka dibadda oo hudheelo lagu ilaaliyo muddo 14 maalmood ah. “Arrimahaasi qaarna waa been cad oo aanay waxba ka jirin oo ku tusaysa xil-kasnimada iyo miisaanka uu leeyahay qofka ku hadlaya waxaas beenta ah ee cad, midna sida uu u sheegayo waxba kama jiraan oo iyada qudheeda been ayaan ku sheegi karaa oo anigu kama soo degin Madaarka Cigaal oo madaarkana anigu indhawayd wax diyaarado ah oo yimidba garan maayo,” ayuu yidhi Wasiirku. Waxa kaloo uu qiray inuu ka soo laabtay safar uu ugu maqnaa dalka Ingiriiska oo ka mid ah dalalka uu saamaynta xun ku yeeshay, sida xooggana ugu dhexfaafay xannuunkan Coronovirus, diyaaradna u soo raacay ilaa Madaarka magaalada Addis Ababa, iyadoo muddo afar maalmood ah lagu karantimeeyey hudheel ku yaal Caasimadda Itoobiya, balse markii dambe ay dowladda Itoobiya u ogaalatay inuu u soo baxo dhinac Somaliland, isagoo soo maray dhinaca dhulka, kana soo gudbay xadka Wajaale, xiligana uu si iskii ah isugu karantimeeyey gurigiisa ku yaal Caasimadda Hargeysa. Haddaba, marka aad daawato ama dhegaysato hadalka Afhayeenka xisbiga WADDANI, waxa kuu muuqanaysa in cidda fariintu ku socoto aanay ahayn Wasiirka Arrimaha Dibadda, laakiin ay tahay mid ku socota Guddida Heer Qaran, jawaabta rasmiga ahna laga sugayo Guddida uu hormuudka u yahay Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland. Halkan ka kaga bogo hadalka Afhayeenka WADDANI oo dhammaystiran doodda Wasiirka Khaarajiga Somaliland halkan ka eeg Waxa isku soo ururiyey Suxufi Maxamed Cumar Cabdi (Cirro), Hargeysa, Somaliland. Source
  22. Warbixin uu soo saaray xafiiska isku xirka arrimaha bani’aadanimada Qaramada Midoobay ee OCHA ayaa looga hadlay saameynta cudurka faafa ee Coronavirus uu ku yeeshay Soomaaliya iyo dadaalada lagu xakameunayo cudurkaan ee ka socda dalka. OCHA ayaa sheegtay in 16-kii bishii la soo dhaafay Soomaaliya ay xaqiijisay kiiskii 1-aad ee COVID-19, tan iyo markaasina kiisaska la helay ay kor u dhaafayaan 20 ruux. Sidoo kale warbixinta ayaa waxaa lagu sheegay in wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ay xaqiijisay kiisas laga helay dad aan dalka ka bixin, taasoo muujineysa in cudurka uu bulshada ku dhex faafayo, arintaasina ay ka walaacsan yihiin hay’adaha samafalka iyo Qaramada Midoobay, maadaama ay yar tahay awooda looga hortagi karo. Si kastaba ha’ahaatee xafiiska isku xirka arrimaha ban’aadanimada QM ee OCHA ayaa ka digay inuu sii faafo cudurka Coronavirus, kaas oo saameyn kara awoodda hay’adaha samafalka ay uga jawaabi karaan xaaladaha dhanka bani’aadanimo ee Soomaaliya. View the full article
  23. (SLT-Hargeysa)-Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa soo saartay qorshe qaran oo loogu magac daray “Qorshaha Heer Qaran ee U Diyaar Garawga iyo Ka Jawaabista Covid 19” oo loogu talo galay in qaranku ku shaqeeyo muddoda u dhaxaysa Bishan April illaa Diisambar 2020. Qorshahan oo odoroska miisaaniyadda loo qoondeeyey ku kacayso lacag ka badan 15 Milyan oo Doollarka Maraykanka ayay Wasaaraddu ku sheegtay in ay Miisaaniyaddaasi ku bixi doonto 9 Tiir oo aasaas u ah qorshahan kuwaasi oo ay xustay in ay noqon karaan kuwo mar walba ku tiirsan hadba xaaladda iyo wadciga xanuunkani ka noqdo dalka iyo hadba sida ay arrimuhu isu baddalaan. Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland waxa ay Bulshooyinka Caalamka, Hay’adaha Qaramada Midoobay, Daneeyayaasha Caafimaadka iyo Xukuumadda Somaliland ugu baaqday in ay qaadhaankoodaku daraan sidii loo fulin lahaa qorshahan. Wasaaradda Caafimaadka Somaliland waxa ay qorshahan ku salaysay in uu noqdo qaab u muunad eg hannaankii waddanka Shiinuhu u maareeyey la tacaalidda cudurkan dunida faraha baas ku haya iyada oo dhinaca kalena sheegtay in qorshahani ku salaysan yahay qiyaas ahaan dadka la fili karo in uu Somaliland ka haleelo oo ay ku qiyaastay 6,800 oo qod oo uu ku dhici karo cudurka COVID 19 oo u baahnaan doona Cisbitaallo, daryeello caafimaad iyo adeegyo kaleba. 9-ka Arrimood ee Wasaaraddu qorshahan ku sheegtay in ay ku bixi doonto lacagtan ayaa ah sidan: Isuduwidda heer qaran, qorshaynta & hawlgallada – $2,010,000 Isgaadhsiinta ka jawaabista Halisaha iyo diyaarinta/Abaabulidda Bulshada- $1,330,000 Ilaalinta, Kooxaha Jawaab Degdega ah Bixin Doona & Kiiska Baadhitaan – $900,000 Goobaha Laga Soo Galo- $1,225,000 Shaybaadhka Qaranka Ee Tayada Leh Iyo Helitaanka Ogaanshaha Waqtiga Adeegyada – $700,000 Maareynta kiiska- $3,790,000 La socodka iyo ka hor tagga infakshanka – $1,600,000 Loojistikada iyo Maaraynta saadka – $2,900,000 Taageero nafsiyeed – $750,000 Wadarta Guud ee Miisaaniyadda – $15,205,000 Si kastaba ha ahaatee, Inkasta oo Wasaarada Caafimaadka Somaliland soo ban dhigtay odoroska qorshaha qaran eek a hor tagga iyo ka jawaabista Xanuunka COVID 19 haddana waxa ay dad badani is waydiinayaan halka lacagta intaa le’egi ka iman doonto, cidda maamuli doonta ee hannaan hufan oo ka madhan musuq ugu hawl gali doonta iyo waliba qaabka shaxaysan ee ay ku salaysay baahiyaha kor xusani sida ay u yihiin kuwo la jaan qaadi kara xaaladda iyo curfiga dhaqan dhaqaale ee dalka. Source