-
Content Count
214,458 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Qareennada u doodaya Weriye Cabdi casiis Gurbiye ayaa sheegay in si aan sharciga waafaqsaneyn loo maray habka xiridda Weriyaha Goobjoog Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo maalintii labaad u xiran Dowladda Federaalka. Warqad Qareennada u doodaya Gurbiye ay u gubiyeen Maxkamada Gobolka Banaadir ayay ku muujiyeen sharci darrada uu ku xiran yahay Weriyaha oo hada ku xanuunsanaya xabsiga uu ku xiran yahay. Qaadista iyo dhageysiga Dacwad Ciqaab oo la xiriirta 220 xeerka ciqaabta Soomaaliyeed iyo talaabooyinka kale ee la xiriira sida soo saarista amarka qabashada iyo horkeenista ee uu jidanayo xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed waxa ay awoodeedu tahay maxkamadda degmada sida ay dhigayaan . Qodobaka 2aad farqaadiisa 4aad ee xeerka Nidaamka Garsoorka ee Tr. yahay Lr 1. Soo baxay 12-06-1962. Qodobada 2aad farqadiisa 2aad ee xeerka habka ciqaabta Soomaaliyeed ee tirsigiisu yahay Lr 1 soo baxay 1963. Qodobada 8aad farqadiisa 3aad ee Sharciga nidaamka Garsoorka ee tirsigiisu yahay Lr 34 soo baxay 11-09-1974. Hadaba waxa muuqanaysa in amarka ah soo qabashada iyo horkeenista ee ka soo baxday Maxkamadda Gobolka Banaadir aysan ahayn mid awood sharci ah ku fadhida, maadama ikhtisaaskaasi ay leedahay Maxkamada iyo Garsoorka degmada uu degan yahay Cabdicasiis Gurbiye. Qareenada iyo Sharciyaqaanada ayaa dalbanaya sii deynta Weriye Cabdicasiis Gurbiye oo soo qabashadiisa iyo horkeenista Maxkamadda Gobolka Banaadir ay hareer marsan tahay xeerka Habka Ciqaabta Soomaaliyeed. Goobjoog News. Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, oo kamid ah culimada ugu waaweyn ee Somaliland, ayaa si adag uga hor-yimid go’aanka ay xukuumada Muuse Biixi ku xidhayso Masaajidda deegaanadeeda, sababo la xiriira cudurka faafa ee Coronavirus ama Covid-19. Sheekh Maxamed Dirir ayaa ka dhawaajiyey in xiligan aysan jirin khatar weyn oo sababi karta in la xidho Masaajidda ku yaala Somaliland, xili ay weli furan yihiin Meelaha lagu qayilo, isla markaaana uu si toos ah u soo galo Qaadku. Somaliland ayaa shalay sheegtay inaysan awood ciidan u laheyn joojinta Qaadka, midaasi oo la yaab ku noqotay dad badan, maadama ay Somaliland ku doodo inay tahay dal madax-banaan oo awood u leh maamulida xuduudaheeda. Sheekh Dirir ayaa ku taliyay in Xukuumada Muuse Biixi ay go’aankeeda ka dhigto arrin ikhtiyaari ah oo qofkii awooda uu tagi karo Masaajidda, halka ka kalena uu ku tukan karo gurigiisa. “Tafsiir kalena wuu barbar socdaa oo dadku waxay aad noogu celcelinayaan laba meelood oo aad looga baqayo in bahalkaasi aad inooga soo galo labadiiba waa laga yara gabaday oo waa diyaaradda iyo qaadka, dayuuradiina dadbay keenaysaa, qaadkii oo juudaan, iyo baras iyo virus iyo waaliba sita isaguna wuu marayaa, dawladuna waxay tidhi kaas ma taataaban karayno” ayuu yiri Sheekh Maxamed Dirir. Wuxuuna intaas kusii daray “Jamacayaga ha taataabanin ayay dadku leeyihiin, anaga waxa qaadka nooga xaasaasisan jamaca, markaas haddii la leeyahay qaadku waa xaasaasi jamacuna waa xaasaasi ayay dadku leeyihin. Masjidkuna ma sahlana arrintiisu, taariikhda islaamka marka dib loogu noqdo mararka qaar waxa dhacayay cuduro aad u khatar badan oo shan kun ilaa toban kun dhimanaysay maalintii”. “Weligeed may dhicin in masaajid loo xidho ama xajka iyo cumarada la xidho, taariikhdu waxay leedahay buugaag lagu qoro, dadku way dhiman jireen waanay soo cumraysan jireen soona xaji jireen. Markaas inagoo ku mahadinayna guddiga iyo xukuumadda dedaalada waxay ku soo ururaysaa, Alle khatar inaguma keenee hadday khatar ka baqano iyo cudurkaasi inuu halkan ka faafi karo daniba way xidhi doontaa laakiin inta ka horaysa ikhtiyaar ha ahaado. Culimada 98% iyo dadweynaha arrinta ikhtiyaari halaga dhigo oo yaan qasab laga dhigin ayay qabaan oo qofkii doonaana gurigiisa haku tukado kii doonaan masaajidka”. Xukuumada Somaliland ayaa dhowaan soo saartay go’aan ay ku joojinayso in Masaajidda lagu tukado Salaadaha, xili ay weli deegaanadeeda uu soo galo Qaadka, oo ka yimaada dalka Itoobiya oo la daala dhacaya cudurka halista ah ee Coronavirus, iyada oo Madaarka Hargeysa ay ka soo dagto diyaarada Ethiopian Airlines oo dad kasoo qaada wadamo uu ka jiro cudurkaasi. Somaliland ayaa guud ahaan deegaanadeeda laga helay 5-kiis oo la xiriira cudurka Coronavirus, iyada oo laga cabsi qabo in tiro intaasi ka badan uu haleelo cudurkaasi, maadama aysan weli xukuumadu soo saarin go’aano si dhab ah uga hortagaya faafida cudurkaasi.
-
Waxaa saacadaha soo socda lagu wadaa in Muqdisho uu si rasmi ah kaga dhaqan-galo bandow dowladda dhexe ay ku soo rogtay Caasimadda, si loo xakameeyo Covid-19 Bandowgaan ayaa wuxuu saameen doonaa guud ahaan magaalada Muqdisho, iyadoo uu istaagi doono isku socodka dadka iyo gaadiidka. Sidoo kale waxaa la hakin doonaa goobaha ay dadka ay ku kulmaan, sida maqaayadaha lagu shaaxo iyo kuwa laga cunteeyo. Koroneul Cabdi Aadan Barre oo ah khabiir dhinaca amniga ah ayaa sheegay in bandowgaan uu saameyn ku yeelan doono shacabka, marka loo eego dhaq dhaqaaqa habeenkii ah. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay fiicnaan laheyd in loo dhib-yareeyo shacabka oo uu tilmaamay inay u badan yihiin dad danyar ah. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Cod-Zakariye.mp3 View the full article
-
MOGADISHU (HOL) - Prime Minister Hassan Ali Khaire has directed the Ministry of Finance to swiftly deliver COVID-19 funds to the regional states and the Banadir Regional Administration to curb the spread of the virus. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa maanta cafis u fidiyey maxaabiis ku xirnaa xabsiga magaalada Baydhabo ee G/ Baay. Maxaabiista ka faa’iideystay cafiska Madaxweynaha ayaa waxaa tiradooda lagu sheegay illaa 11 maxbuus, kuwaas oo ku eedeysanaa dambiyo kala duwan. Halkaan hoose ka aqriso: View the full article
-
Waxaa maanta lagu aasay qabuuro ku yaalla Iskool Buluusiya fanaankii caanka ahaa ee Cumar Cabdulle Shooli oo xalay ku geeriyooday gudaha magaalada Muqdisho. Fanaanka oo 2-dii sano ee la soo dhaafay xanuunsanaa ayaa u geeriyooday cuduro is-biirsaday oo ay ka mid yihiin Dhiikar iyo Sokor, sida ay sheegeen caruurtiisa. Allaha u naxariistee marxuumka ayaa ifka uga tegay 21 ubad ah oo isugu jira gabdho iyo wiilal, kuwaas oo ku kala nool, gudaha dalka iyo dibaddiisa. Aaskiisa oo aan si weyn loo maamuusin, ayaa waxaa ka qeyb galay oo kaliya dad kooban oo tegay qabuuraha Iskuul Buluusiya oo fanaanka lagu aasay. Halkaan hoose ka dhageyso Warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/WARKA-ISMACIL-TURKI-aaska.mp3 View the full article
-
Six people including a Kenya police reservist who were killed by alleged Alshabaab militia at Khorof Harar in Wajir County have been buried with locals seeking answers from the government. Source: Hiiraan Online
-
Terminal operator DP World has ordered eight Liebherr rubber tyred gantry cranes for its terminal in Berbera, Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Haweenay 50 sano ka hor ogaatay June Almeida Haweeneydii ugu horeysay ee ogaatay fayraska corona ee bina’aadamka ku dhaca ayaa ahayd gabadh uu dhalay nin darawal bas ahaa oo u dhashay Ireland. Gabadhan ayaa iskuula isaga tagtay iyada oo 16 sano jira ahayd. June Almeida ayaa noqtay haweenay sheybaarka ku ogaatay sawirada fayraska waxayna aad isugu mashquulisay ogaanshiyaha cudurka saf-mareenka ah ee imika caalamka ka jira. Covid-19 ayaa hadda ah fayras, balse waa nooc ka mid ah coronavirus oo ay horey shaaca uga qaaday Dr Almeida sannaddii 1964, taasi oo ay ku ogaatay sheybaarkeeda St Thomas oo ku yaalla magaalada London. Haweenaydan ku taqasustay cudurada fayraska ah ee faafa waxay dhalatay bishii June sannadkii 1930, waxayna ku kortay meel u dhaw Alexandra Park oo ku taalla waqooyiga-bari ee magaalada Glasgow. Coronaviruses waa koox fayrasyo ah kuwaas oo leh wax u eg koofida boqorka marka lagu eego qalabka shaybaarka. Iskuulka ayay isaga baxday, mana aysan lahayn waxbarasho aasaasi ah, balse waxay shaqo ka heshay sheybaar lagu magacaabo Glasgow Royal Infirmary. Markii dambe waxay u wareegtay magaalada London oo ay waxbarsho dheeraad ah ka heshay. Waxa ay guursatay sannadii 1954-tii nin u dhashay dalka Venezuela oo lagu agacaabay Enriques Almeida, oo farshaxanka sameeyay. Cilmi-baaridda Hargabka Lammaanahan iyo gabadhooda yar waxay u wareegeen magaalada Toronto ee dalka Canada waana halkaas meesha ay ku soo bandhigtay xirfaddeedii aadka u sareysay ee culuumta shaybaarka, sida uu sheegay George Winter, oo wax ka qora cilmiga caafimaadka. Waxay soo bandhigtay qaabka ugu wanaagsan ee lagu ogaan karo sawirka fayraska iyada oo la adeegsanayo shaybaaro casri ah. Winter ayaa BBC u sheegay in hibadeeda laga aqoonsaday dalka Britain, sannadii 1964 oo ay ka shaqaynaysay isbataalka St Thomas’s oo ku yaalla magaalada London, kaas oo ah isbataalka hadda lagula tacaalayo fayraska Covid-19, laguna daweeyay ra’isul wasaaraha Britain Boris Johnson. Waxaa ay sidoo kale la shaqaysay Dr David Tyrrell, oo sameynayay cilmi-baarid ku saabsan hargabka ama duriga. Dr Almeida ayaa sheegtay in ay jiraan feyrisyo la mid ah hargabka. Dhaqaatiirta waxay ka mid yihiin dadka halista ugu jira in ay qaadaan fayraska corona. Waxay farta ku fiiqday wax noqday Feyriskii ugu horeeyay ee coronavirus. June Almeida ayaa geeriyootay 2007, iyada oo ay da’deedu ahayd 77. 13 sano ka dib geerideedii waxay helaysa aqoonsi ku saabsan in ay tahay qofkii ka shaqeeyay in la fahmo fayraska hadda ku faafay caalamka oo dhan. Qaran News
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Duhur-150420.mp3 View the full article
-
Qaahira (Caasimada Online) – Sarkaal boolis ah iyo toddoba la tuhunsan yahay inay yihiin mintidiin ayaa habeenkii Talaadada ee xalay lagu dilay is-rasaaseyn dhex martay kadib markii wasaaradda arrimaha gudaha ay heshay xogta weerar la rabay in lagu qaado Kirishtanka Kaniisadda Coptic, sida ay wasaaradda sheegtay. Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in saddex boolis oo kale lagu dhaawacay iska hor-imaadka. Bayaan kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in akhbaarta ay heshay ay muujineysay in koox Takfiiri ah oo ku sugan bariga magaalada Qaahira ay qorsheyneysay howl-gal argagixiso oo lagu beegsanayo Kirishtanka Coptic, inta lagu guda jiro toddobaadka ay u dabaal-degaan ciidda Easter Sunday. Kirishtanka Kaniisadda Coptic, oo ah 10% shacabka Masar ee 100-ka milyan ah, ayaa ah bulshada Kirishtanka ee ugu badan Bariga Dhexe. Waxay maalinta Easter Sunday u dabaal-degaan 19-ka April. Masar ayaa ereyga Takfiiri u adegesata inay ku qeexdo Mintidiinta Islaamiga ah ee dalkaas. Hub iyo rasaas ayaa laga helay goobta uu iska hor-imaadka ka dhacay, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha. Dacwad-oogaha Masar ayaa sheegay in koox baarayaal ah loo diray goobta uu iska horimaadka ka dhacay oo ku taalla degmada Al-Amiriya ee magaalada caasimadda ah. REUTERS + VOA
-
(SLT-Hargeysa)-Muftiga weyn Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, ayaa sheegay inaanay jirin xaalad khatar ah oo sababaysa in masaajidada la xidho, waxaanu ku taliyay in laga dhigo ikhtiyaari qofkii doonaana uu masaajidka ku tukado kii doonaana gurigiisa. Sheekh Dirir oo xalay salaadii Cishe ka dib hadal ka jeediyay masaajidka Adino ee uu tukiyo, wuxuu sheegay in dadku isweydiinayaan su’aalo ay ka mid yihiin sababta ay xukuumadu u xidhi weyday jaadka iyo diyaaradda Ethiopia ee ay ugu mashqulayso masaajidada. Sheekh Maxamed, wuxuu sheegay in culimadii ay guddiga ka hortagga faafitaanka Covid19 sheegeen inay la tashadeen ay iyaguna shalay hadleen oo sheegeen in taladoodu ahayd in taladoodu ahayd marka ay xaaladu adkaato ee ay daruuri noqoto Sheekh Maxamed, oo soo xiganaya ugu horayn hadal uu shalay yidhi wasiirka warfaafintu, wuxuu yidhi “Wasiirka warfaafintu dadka waxaanu kula talinay ayuu yidhi guryahoda inay ku tukadaan, taasi waa sax, sidaas uu u fasiray hadday tahay sax weeye dadka waayeelka ah iyo dadka xanuunsanaya ee uu cudurkani khatarta ku yahay in la yidhaahdo iktiyaar ayaad u leedihiin ama la yidhaahdo yaan sidii jamaca loo adkaynin ee qofkii doonaana masaajidka haku tukado, kii doonaana gurigiisa.” Sheekha oo hadalkiisa sii wataa wuxuu yidhi “Tafsiir kalena wuu barbar socdaa oo dadku waxay aad noogu celcelinayaan laba meelood oo aad looga baqayo in bahalkaasi aad inooga soo galo labadiiba waa laga yara gabaday oo waa diyaaradda iyo qaadka, dayuuradiina dadbay keenaysaa, qaadkii oo juudaan, iyo baras iyo virus iyo waaliba sita isaguna wuu marayaa, dawladuna waxay tidhi kaas ma taataaban karayno, jamacayaga ha taataabanin ayay dadku leeyihiin, anaga waxa jaadka nooga xaasaasiasn jamaca, markaas haddii la leeyahauy jaadku waa xaasaasi jamacuna waa xaasaasi ayay dadku leeyihin.” Sheekh Maxamed, wuxuu intaas ku daray “Masjidkuna ma sahlana arrintiisu, taariikhda islaamka marka dib loogu noqdo mararka qaar waxa dhacayay cuduro aad u khatar badan oo shan kun ilaa toban kun dhimanaysay maalntii, weligeed may dhicin in masaajid loo xidho ama xajka iyo cumarada la xidho, taariikhdu waxay leedahay buugaag lagu qoro, dadku way dhiman jireen waanay soo cumraysan jireen soona xaji jireen.” Sheekh Dirir, wuxuu hadalkiisa ku soo gunaanaday “Markaas inagoo ku mahadinayna guddiga iyo xukuumadda dedaalada waxay ku soo ururaysaa, Alle khatar inaguma keenee hadday khatar ka baqano iyo cudurkaasi inuu halkan ka faafi karo daniba way xidhi doontaa laakiin inta ka horaysa ikhtiyaar ha ahaado. Culimada 98% iyo dadweynaha arrinta ikhtiyaari halaga dhigo oo yaan qasab laga dhigin ayay qabaan oo qofkii doonaana gurigiisa haku tukado kii doonaan masaajidka. Source
-
Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Senoter Abshir Maxamed Axmed ayaa ka tacsiyeeye geeridii ku timid Allaah u naxariistee fanaankii caanka ahaa ee Cumar Shooli oo habeenimadii xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho oo muddooyikii dambe ku xanuunsanaa. Guddoomiyaha oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa Facbooka ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo qoyskii uu ka baxay uga tacsiyeey geerida ku timid fanaanka isaga oo Allah uga baryey inuu naxariistiisa siiyo guddoomiyaha ayaa yiri. “Waxaan #TACSI tiiraanyo leh u dirayaa qoyska iyo eheladii hoobalkii weynaa #CumarCabdulleShooli oo caawa ku geeriyooday magaalada Muqdisho. Waxaan Eebe uga barayayaa marxuum Cumar Shooli in uu dembi dhaaf ballaaran siiyo, jannadiina ka waraabiyo. Aamiin. Marxuum Cumar Shooli waxa uu ahaa hoobal xusuus lama ilaawaan ah ku reebay ummada Soomaaliyeed gaar ahaan ardayda kuwaas oo ku xusuusta fannaanka heestii KEDIS oo lagu daahfuri jirey tartan aqooneedkii Kedis ee subaxa Jumcaha lagu qaban jirey Golaha murtida & madadaalada. Hobaladii Soomaaliyeed gabal ayaa u dumay. Dhowr maalmood ka hor waxaa iilka loo qaaday boqorkii kabanka isla markaasna ahaa fannaan curiye ah AUN Axmad Ismaaciil (Xudeydi), caawana waxaan la tiiraanyeysanahay geeridii hobalkii Cumar Shoole. Eebow janneey. Aamiin”‘. Allah u naxariistee Marxuum Cumar Cabulle ayaa habeenimadii xalay ku geeriyooday Isbiyaalka Aadan Cadde fanaanka ayaana labadii bilood ee tahgay ku xanuunsanaa isbitaalka oo lagu baxnaaninaayey xaaladdiisa caafimaad. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Badhan (PP News Desk) — A traditional leader from Las Qoray has levelled serious allegations against the Mayor of Erigavo Ismail Haji Nur. Suldan Ahmed Bashir Du’ale recounted how clashes at Waqdari erea North of the administrative capital of Sanaag began several months ago. Erigavo Sanaag faces accusations for partiality “Militias from an Erigavo-based subclan have occupied Waqdari. We lodged a complaint with Erigavo administration about the serious trespass into a communal area. We went to Erigavo and remained there for three months in the hope of finding a solution to the problem” Suldan Du’ale said in a statement for the media to present his side of the story. “Before lodging the complaint we have spoken to the elders of the occupying militias. They proposed a wider inter-clan talks. We objected to their proposal because, the matter is specific to the two subclans involved who, due to long-standing interactions, have ties whose members know each other well.” Sultan Du’ale alleged that the intervention of Erigavo Mayor in the form of an order to stop the construction of a Mother and Child Health Centre at the occupied area and withdraw occupying militias has not been enforced. “The Mayor instructed occupying militias not to abide by the edict” Suldan Du’ale said. While there is no evidence that Erigavo Mayor acted partially in this case, the silence of the regional administration over feuding and the Mayor’s shared subclan affiliation with militias that committed the trespass raise questions about competence and commitment to protecting communal agreements. Suldan Du’ale: Trespass into a communal territory caused the conflict Sultan Bashir said: “Land rights of the two subclans are clear. We have documents showing how the British Empire demarcated territories” for clans that had signed Protectorate Agreements. In 1995 the late Somaliland President Mohammed Haji Ibrahim Egal sponsored the Erigavo Communal Agreement. The agreement laid foundations for respect for citizens and property rights in Sanaag. Suldan Du’ale accused Ismail Haji Nur of failing to honour his duty to act impartially to all citizens. Somaliland Minister of Interior has not launched an inquiry into Waqdari territorial dispute that might engulf the whole region. © Puntland Post, 2020 The post A TRADITIONAL LEADER ACCUSES SOMALILAND MAYOR IN ERIGAVO OF FANNING HOSTILITIES AT WAQDARI appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi (Deni) ayaa maanta cafis u fudiyey maxaabiis ku xirnaa mamulkaasi. Qoraal ka soo baxay xafiiska Deni ayaa waxaa lagu sheegay in illaa 194 maxbuus uu madaxweynuhu u fudiyey cafis, kuwaas oo ku eedeysnaa dambiyo fudud. Sidoo kale warkaan ayaa waxaa lagu sheegay in u jeedada ay tahay, sidii loo xakameyn lahaa faafitaanka cudurka COVID-19. Puntland aya dhinaca kale sheegtay inay bilowday qorshe lagu diyaarinayo haamaha keydiya Oxygen-ta, si loo helo Oxygen ku filan deegaanada maamulkaasi oo dhan. Todobaadyadii u dambeeyey Puntland ayaa waday dadaallo ay uga hortageyso cudurka faafa ee Coronavirus, iyadoo soo saaray go’aanno looga hortagayo xanaankaasi. Soomaaliya ayaa illaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyey illaa 60 kiis oo cudurka ka mid ah, kuwaas oo intooda badan haatan lagu karantiilayo gudaha magaalada Muqdisho
-
The Ethiopian government and the UN’s food body Tuesday launched a hub inside an international airport in the capital Addis Ababa to distribute livesaving supplies across the African continent against COVID-19. Source: Hiiraan Online
-
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay warqad maalmo ka hor ka soo baxday wasaaraddaasi taasi oo lagu soo bandhigayey in Taleefishinka Qaranka uu u baahan yahay gabdho shaqaale ah oo leh muuqaal war-baahineed. Hadalkaas ayaa si weyn u qabsaday baraha bulshada waxaana eedeymo kala duwan loo jeediyey madaxda wasaaradda warfaafinta oo uu ugu horreeyo wasiir Maareeye. Qoraalka ay maanta soo-saartay wasaaradda warfaafinta ayaa lagu sheegay in hadalladaasi ay yihiin kuwo dacaayad ah oo meel kaga dhacaya sharafta wasiirka, waxaana sidoo kale qoraalka lagu sii sheegay in warqaddaasi ay si qaldan u soo baxday islamarkaana aysanba ahayn warqad rasmi ah. Dhanka kale war-murtiyeedkan waxaa lagu caddeeyay in tallaabo laga qaaday shaqsigii soo daabacay warqaddaasi. Ugu dambeyn waxaa wasiir Maareeye lagu tilmaamay in uu yahay Aabbe dhalay gabdho sidaas ay tahayna uusan wasiirku ku kadsoomayn in uu gabdhaha Soomaaliyeed aflagaaddeeyo. Halkan ka akhriso warsaxaafadeedka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Popular Contributors
