-
Content Count
214,458 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kismayo ( PP News Desk) — Al-shabaab executed yesterday six men for spying for the Federal Government of Somalia, Jubaland and South West State. Al-shabaab court in Jamaame district put six men on trial and sentenced them to death by firing squad in public. Al-shabaab authorities in Jamaame urged locals to witness the execution of the men in the town square. Al-shabaab-affiliated media stated Aadan Cabdullaahi Xaaji Aadan Boorow, Maxamada Iidow Aadan and Cusmaan Cabdulle Afrax were “found guilty of spying for the Federal Government of Somalia”. Maxamed Iidow Aadan and Hilowle Bashiir Aadan “were convicted of working for South West State intelligence servicel. Al-shabaab “found the sixth man, Xassan Hafow Saney, guilty was of spying for Jubaland State”. Al-shabaab is facing intense pressure from drone attacks. Its counter-intelligence unit, amniyat, arrested fifteen men in Lower Jubba and Upper Jubba regions. Nine of the men were released. Al-shabaab prosecutors presented at the hearings devices the six men were allegedly using to gather and send intelligence about Al-shabaab leadership and operational capabilities. © Puntland Post, 2020 The post AL-SHABAAB EXECUTES SIX MEN FOR ESPIONAGE IN JAMAAME appeared first on Puntland Post.
-
The US military on Wednesday denied killing a Somali civilian in a strike last week against Al-Shabaab militants, providing rare details of its operations against the jihadist group affiliated with Al-Qaeda. Source: Hiiraan Online
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) –Ahlu-Sunna Waljamaaca ayaa cadeysay in aysan jirin wax heshiis ah oo dhexmaray iyaga iyo dowladda federaalka ama maamulka Madaxaweyne Qoor Qoor toona. War-saxaafadeed uu soo saaray Sheekh Maaxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah hoggaanka sare ee ururkaas ayaa eedeymo badan loogu soo jeediyay dowladda federaalka. “DFS waxa ay xoogga saartay burburinta heshiiskii taariikhiga ahaa ee Jabuuti, si ay meesha uga Ahlu-Sunna Waljamaaca, ayna gobollada dhexe ugu abuurto kooxaha xagjirka ah ee Al-Shabaab iyo Daacish, iyadoo ka dhistay maamul aan loo dhameyn, kana turjumeyn labadii maamul ee horay u midoobay”ayaa lagu yiri qoraalkan kasoo baxay hoggaanka Ahlu-Sunna. War-saxaafadeedkan ayaa sidoo kale lagu yiri, “Waxaan cadeyneynaa in uusan jirin heshiis ay gaareen ASWJ, DFS iyo maamulka ay dowladdu uga dhistay Galmudug sida dul saarka ah ee laga keenay Muqdisho.” Ahlu-Sunna ayaa qoraalkan ku sheegtay in aysan qeyb ka aheyn dhismaha maamul ee dowladda federaalku ay ka wado Galmudug, waxayna ugu baaqeen bulshada reer Galmudug in ay u istaagaan ka hortagga waxa ay ku sheegeen kooxaha xagjirka ee kusoo duulay dalka, sida lagu yiri qoraalka. “ASWJ waxa ay mar kasta diyaar u tahay in bulshadeeda ay ka badbaadiso in lagu dhex faafiyo afkaarta xagjirka ah si aysan bulshada dhexdeeda uga dhalan afkaarta is qarxinta iyo is gaaleysiinta”ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay hoggaanka Ahlu-Sunna. Ugu dambeyntii qoraalkan Ahlu-Sunna waxa ay ku sheegtay in beesha caalamka iyo umadda Soomaaliyeedba ay u cadeynayso in DF iyo cid kasta oo ku gacan siisay ay ka shaqeeyeen burburinta Galmudug iyo in dagaal lala galo ASWJ si ay fursad ugu siiyaan Al-Shabaab in ay dib ugu soo laabtaan deegaanadii ay ASWJ ka xoreysay 12-sano ka hor, sida lagu yiri qoraalka, balse Ahlu-Sunna aysan aqbali doonin arintaas mas’uuliyad xumadii ka dhalatana ay qaadaneyso dowladda federaalka.
-
(SLT-Hargeysa)-Suldaanka guud ee Beesha bariga Burco, Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cali Muuse, ayaa ka digay tafaraaruqa iyo kala fogaanshaha, waxaanu ku taliyey in mar walba maslaxadda laga taliyo. Suldaanka guud ee Beesha barriga Magaalada Burco Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali Muuse, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay aragtidiiisa ku waajahan xanuunka Coronavirus, iyo khatartiisa, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Waan ducaynayaa, waxaana u ducaynayaa umadda muslimiinta ah meel kasta oo ay dunida ka joogaan, waxaana ugu ducaynayaa inuu ALLE ka badbaadiyo cudurkan xun, ciddii uu hayo ee u jiiftana inuu ALLE ka caafimaadiyo, adduunyadu waa imtixaan, ee ALLE xaqa mar walba ha ina wafaajiyo, ALLE isaga ayaa leh 12 ka biloodba, laakiin bisha Ramadaan waa bil ka duwan bilaha kale, waana bishii ALLE dartii loo soomayey, ee bishiina khayr qaba, camal suuban iyo cibaado suuban ALLE ha inagu gaadhsiiyo, wanaaga iyo ajarkuna wuxuu ku jiraa in dadka masaakiinta ah la quudiyo, qof walba wixii karaankiisa ah wax ha taro dadka masaakiinta ah”. Mar uu Shacabka baaq u diraayey wuxuu yidhi “Colaadi iyo dagaal dhib iyo khasaare mooyee wax faa’iido ah oo ay leeyihiin ma jiraan, ee ALLE ta roon mar walba ha ina wafaajiyo, oo jidka toosan ha inagu rido mar walba, ee tafaraaruqa aynu ka dheerano, wax kasta oo dhib keenayana aynu iska ilaalino, oo aynu masalaxada mar walba ka talino” Dhinaca kale wuxuu Suldaan Cabdilaahi ku baaqay in la qaato tallooyinka iyo wacyigelinta la wado ee ku saabsan ka hor taga xanuunka Coronavirus. Source
-
Muqdisho (SMN) – Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa degaanka Jamaame ee gobolka Jubadda Hoose waxay ku dileen lix qof oo ay ku eedeeyeen in ay jaajuus u ahaayeen dowladda Soomaaliya iyo qaar kamid ah maamulada. Warbaahinta internet-ka ee ku hadasha afka xarakada ayaa sheegtay in goobta lagu fuliyey dil wadareedka ay joogeen shacab fara badan. Hoos akhriso magacyadda shaqsiyaadka la toogtay Maxamada Iidow Aadan oo loo yaqaano Tareeso, waxaa lagu eedeeyay in uu la shaqeynayay Sirdoonka Dolwadda federaalka. Aadan Cabdullaahi Xaaji Aadan Boorow, waxaa lagu eedeeyay in uu la shaqeynayay sirdoonka Dowladda federaalka. Cusmaan Cabdulle Afrax waxaa lagu eedeeyay in uu la shaqeynayay Sirdoonka Dowladda federaalka. Xassan Hafow Saney waxaa lagu eedeeyay in uu la shaqeynayay sirdoonka maamulka Jubbaland. Maxamada Cali Madkeerow (Qoryooley) waxaa lagu eedeeyay in uu la shaqeynayay Sirdoonka maamulka Koonfur galbeed. Hilowle Bashiir Aadan waxaa lagu eedeeyay in uu la shaqeynayay Sirdoonka maamulka Koonfur Galbeed. Marka laga soo tago sheegashadda Al-Shabaab, ma jiro wax jawaab ah oo eedeyntaas ay kasoo saareen dhinacyadda la tilmaamay in ay la shaqeynaayey xubnahaas dilka toogashadda lagu filay shalay oo Arbaco ahayd. View the full article
-
Source
-
Muqdisho (SMN) – War-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya ayaa looga hadlay kufsi dhawaan ka dhacay deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelada Hoose oo lagu eedeeyay ciidanka milatariga Soomaaliya ee ku sugan deegaankaasi. Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa war-saxaafadeedka ay soo saartay ku sheegtay in wasaaradda ay soo gaartay dacwadda kiis kufsi ah oo loo geystay laba gabdhood,kaas oo ka dhacay Janaale. Sidoo kale wasaaradda gaashaandhiga ayaa warka kasoo baxay ku cambaareysay falkan kufsiga ah oo wasaaradda ay ku tilmaantay mid xad gudub ku ah diinta Islaamka,xeerka ciqaabta ciidanka xooga dalka iyo dhaqanka Soomaaliyeed. Si kastaba ha’ahaatee, wasaaradda gaashaandhiga Soomaaliya ayaa sheegtay in maxkamadda milatariga ee ciidamada qalabka sida ay wado baaris ku aadan kiiskan kufsiga ah ee ka dhacay deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelada Hoose. Wasaaradda ayaa dhinaca kale balan qaaday in ay ciqaab marsiin doonto cid walba oo ay ku cadaato eedeynta kufsigan lagu kala kacay labo gabdhood oo deganaa deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelada Hoose. Falalka kufsiga ee ka dhacaya koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa inta badan soo noq noqda,waxaana soo badanaya kiisaska kufsiga ee lagu kala kaco gabdho da’yaar aad u yar oo ay kamid yihiin labo gabdhood oo lagu kufsaday degmada Afgooye ee gobolka Shabeelada Hoose. View the full article
-
(SLT-Garoowe)-Maamulka Puntland ayaa xalay ku dhawaaqay in la joojiyay salaadaha jamaca lagu tukado ee masaajidada iyo ta jimcaha, iyadoo kaliya masaajida laga aadaamayo lagana aqiimayo. Go’aankaan ayaa lagu xusay war kasoo guddiga ka hortagga cudurka coronavirus, waxaana amarkaan uu dhaqan galayaa maanta oo khamiis ah oo ku beegan 16-ka bisha April, illaa amar dambe ayuu socon doonaa. Waxaa kale oo warkaan lagu sheegay in la kordhiyay bandowga habeenimo ee saaran magaalooyinka Puntland, kaasoo markii hore ku eekaa shalay arbacadii, balse waxaa la kordhiyay muddo laba toddobaad ah. Puntland waxay xustay in aanay jirin wax kiisas ah oo ku saabsan cudurka Coronavirus oo laga diiwaan galiyay degaanadeeda, iyadoo sii xoojisay tilaabooyinka lagula dagaalamayo Qaadka iyo wax kasta oo horseedi kara faafitaanka cudurka. Source
-
Kooxda Al-shabaab ayaa Arbacadii Shalay Dil-wadareed ku fulisay, lix nin oo ay ku eedaysay in ay basaasiin u ahaayeen dowladda Soomaaliya, Jubaland iyo Koonfur Galbeed. Al-shabaab ayaa raggaas ku laayay fagaare ku yaalla degmada Jamaame ee gobolka Jubada Hoose, kadib markii maxkamadda Al-shabaab ee Jamaame ay amar ku bixisay in dil-wadareed lagu fuliyo, maadaaama ay ku eedaysay basaasiin. Kooxda ayaa dadka degaanka oo ay ku jiraan carruur iyo haween, waxay ku amartay in ay u soo daawasho tagaan qaabka loo fulinayo dil-wadareedka, si loogu cabsi geliyo falkaas argagaxa leh. Warbaahinta Al-shabaab, ayaa saddex kamid ah shakhsiyaadka dil-wadareedka lagu fuliyay, waxay magacyadooda ku sheegtay Aadan Cabdullaahi Xaaji Aadan Boorow, Maxamada Iidow Aadan iyo Cusmaan Cabdulle Afrax oo dhammaantood Al-shabaab ku eedaysay in ay la shaqeynayeen Sirdoonka dowladda Soomaaliya. Sidoo kale, Maxamed Iidow Aadan iyo Hilowle Bashiir Aadan oo kamid ah ragga la toogtay, ayay Al-shabaab ku eedaysay in ay basaasiin u ahaayeen dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, halka Xassan Hafow Saney ay ku eedaysay in uu ka tirsana Sirdoonka Jubaland. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo dil-wadareed ka fulisay degmada Jamaame ee gobolka Jubada Hoose appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Rag ku hubeysan bastoolado ayaa xalay, sidda la sheegay, waxay nin ganacsade ahaa ay ku dileen gudaha degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir gaar ahaan xaafada Tabakaaya-Madow. Marxuumka dilka loo geystay oo magaciisa lagu soo koobay Cabdullaahi ayaa sidda ay dadka degaanka u sheegeen Shabelle waxa uu ahaa ganacsade ka ganacsatada daawooyinka oo uu Farmashiye ku lahaa xaafada Tabakaaya-Madow. Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo gaarey meesha, iyagoo baaritaano ka sameeyay nawaaxiga goobta uu falka dilka ah ka dhacay. Goobjooge ku sugnaa xiliga falka uu dhacayay halkaas ayaa Shabelle uga waramay sidda ay wax u dhaceen. Lama ogga cidda ka dambeysa dilka marxuumka, balse dilkaan ayaa waxa uu qeyb ka yahay dilal soo laablaabtey oo xiliyadda qaar ka dhaca magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya. View the full article
-
Baydhabo (SMN) – Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa ganacsatada Soomaaliyeed uga digay in ay kordhiyaan maciishadda xili dalka uu ku jiro xaalad looga hortagyo Covid-19. Laftagareen ayaa sheegay in aysan habooneyn in ganacsatadu ay ka faa’iideystaan marxaladda lagu jiro isla markaana ay sarre u qaadaan qiimaha badeecooyinka xili uu sheegay in dowladda federaalka ay canshuur dhaaf u sameysay badeecooyinka kasoo dega dekada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Maalmihii lasoo dhaafay waxaa sarre u kac laga dareemayey qiimaha maciishada daruuriga ah oo saameyn ku yeelatay dadka danta yar, balse dowladda dhexe waxay shaacisay in canshuur dhaaf ay u sameysay badeecooyinka qaar gaar ahaan kuwa quutul daruuriga ee kasoo dega dekada Muqdisho. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Waxaa xalay guud ahaan caasimada ka dhaqan galay bandowgii dhawaan dowladu ay ku dhawaaqday ee xiliga habeenkii ah. Masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo taliska booliska Soomaaliya ayaa xalay u kuurgalay qaabka uu ku bilowday bandowga maadaama habeenkii ugu horeeyay uu ahaa. Masuuliyiinta howlaha shaqo ku tagay isgoosyada muhiimka ah ee caasimada waxaa kamid ahaa gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka gobolka, Maxamed Cabdulaahi Tuulax iyo taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Xijaar. Tuulax ayaa ugu horeyn la hadlay warbaahinta waxaana uu ka warbixiyay howsha bandowga sida ay ku socoto. Xijaar ayaa dhankiisa shacabka uga mahadceliyay sidda ay u qaateen awaamiirta dowlada, ciidankana waxa uu ku amaanay sidfa ay waajibaadkooda shaqo u gudanayaan. Bandowgaan xalay ka dhaqan galay Muqdisho ayaa salka ku haya ka hortag la doonayo in lagu xakameeyo faafitaanka fayruska Corona, oo haatan waddanka gaar ahaan Muqdisho ku sii faafaya. View the full article
-
(SLT-Muqdisho)-Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay inay geeriyoodeen 3 qof oo kamid ah dadkii uu gudaha dalka ku helay cudurka COVID-19, taas oo tirada guud ee dhimashada ka dhigeysa 5 qof. Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Soomaaliya, Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa warbxinta maalinlaha ah ee arrimaha COVID-19 ku sheegtay in sidoo kale la diiwaan geliyay labaatan xaaladood oo cusub. Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaadhay 80 xaaladood. Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa ugu baaqday dadka Soomaaliya inay si saxan u qaataan tallooyinka caafimaad ee qaybta ka ah qorshaha xakameynta cudurka maadaama uu si xawaare leh dalka ugu faafayo, muhiimna ay tahay in laga wada shaqeeyo bed-qabka umadda. Source
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka subax. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Subax-16042020.mp3 View the full article
-
Diktreeto ka soo baxday Xafiiska madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa gebi ahaanba lagu joojiyay dhoofinta Birta, Maarta iyo Macdanta laga dhoofiyo gudaha Puntland, ee loo iib-geeyo dalka dibaddiisa. Dikreetada oo lagu socod-siiyay lix kamid ah Wasaaradaha Puntland iyo Taliska Booliiska, ayaa lagu sheegay in la joojiyay dhoofinta Birta, Maarta iyo Macdanta laga dhoofiyo degaannada Puntland, ee loo iib-geeyo dalalka dibadda. Taliska Booliiska Puntland, ayaa si gaar ah loogu amray in uu tallaabo sharciga waafaqsan ka qaado, cid kasta oo lagu qabto dhoofinta Birta, Maarta iyo Macdanta, si loo dhaqan-geliyo amarka madaxweynaha Puntland. Balse, waxaan dikreetada lagu xusin sababta keentay in la joojiyo dhoofinta Birta, Maarta iyo Macdanta laga raro Puntland ee loo dhoofiyo dalalka dibadda. Hoos ka akhriso Dikreetada PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo joojiyay Macdantii laga dhoofin jiray gudaha Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Faallo:Sifo Sharci ah ha Lagula Dagaalamo Cidkasta oo Faafisa Been-abuur iyo Macluumaad Khuraafaad ah Dalalka Adduunku waxa ay xiligan ku hawlan yihiin laba dagaal oo isbarkan oo kala ah; dagaalka lagu xakammaynayo xannuunkan halista ah ee Coronovirus ama covid-19 iyo dagaal kale oo ah sidii wax looga qaban lahaa wararka been-abuurka ah ee laga faafinayo xannuunkan saamaynta xun ku yeeshay caalamka, iyadoo ay macluumaadyada khaldan iyo wararka been-abuurka ah ay khalkhal xooggan ku hayaan bulshada. Shirkadaha Isgaadhsiinta iyo kuwa xidhiidhka bulshada (Social Media) ee ay ka mid tahay Shirkadda Facebook, ayaa iyaguna dhinacooda ku jira dagaal xooggan oo ay ku doonayaan inay wax kaga qabtaan dadka faafinaya been-abuurka iyo wararka samayska ah (fake news) ee la xidhiidha xannuunkan Covid-19, waxayna maalin walba hawada ka saaraan boqolaal kun oo ciwaanno been-abuur ah (fake accounts) iyo sidoo kale ciwaanno sax ah oo dadka isticmaalaa ay ku baahiyeen waxyaabo been ah iyo macluumaadyo halis ku ah caafimaadka bulshada. Haddaba, dalka Jamhuuriyadda Somaliland oo ka mid ah meelaha dagaalka kula jira xannuunkan Covid-19, ayaa sidoo kale waxa uu la daalaa-dhacayaa wararka beenta iyo macmalka ah (fake news) ee laga faafinayo cudurkan halista ah, waxaanna baraha xidhiidhka bulshada oo uu ugu muhiimsan yahay facebook-gu lagu baahiyaa macluumaadyo lagu jaho-wareerinayo dadka rayidka ah, waxaanna wararkaas ugu dambeeyey qaar la faafinayey 48-kii saacood ee u dambeeyey oo ay ka mid yihiin inay baxsadeen laba qof oo ka mid ah saddex ruux oo la sheegay in xannuunkan Coronovirus laga helay. Waxa kaloo jira in mararka qaarkood fasiraad khaldan laga bixiyo ama si marin-habaabin ah loo faafiyo go’aannada soo baxa ee lagu xakammaynayo xannuunkan Covid-19, taasoo bulshada ku abuurta jaho-warareer, waxaanna taas tusaale u ah qodob ku jiray go’aan soo baxay 13 April 2020, kaasoo u dhignaa; “Guddidu markay daristay qodobka 6-aad ee talo-soo-jeedinta ah ee culimadu ay soo saareen 4-tii April, kuna aaddanaa ka-hortagga cudurka COVID-19, una dhigan sidan; “In shareecadeenna suubban ay u bannaysay ummadda in jamcaha iyo jamaacada laga maqnaan karo, haddii la helo, lana xaqiijiyo daruuro adag, sida; xannuunada faafa, IWM, Iyo baaqyada bahda caafimaadka Somaliland ee ku aaddan xannuunka COVID-19,” waxa ay guddidu bulshada Somaliland faraysaa in muddo 4 toddobaad ah ay masaajidada ka maqnaadaan, taas oo ka billaabmaysa 15-April-2020, ayna ku tukadaan guryahooda, si looga baaqsado faafidda cudurka, waxaa mu’addiniinta masaajidda la farayaa in ay eedaanka salaadda ku daraan guryihiina ku tukada (Salluu fii rixaalikum). Qodobkan ahaa in dadku ku tukadaan guryahooda, waxa laga bixiyey turjumaad been-abuur ah oo sheegaysa in albaabada loo xidhayo masaajidada lagu cibaadaysto, waxayna taasi sababtay in culimada iyo dadku ka cadhoodaan, diidmana ka muujiyaan, iyagoo soo daliishaday Aayado qur’aan ah oo tilmaamaya ciqaabta Ilaahay (SWT) marinayo cidda amarta in la xidho masjid Ilaahay oo lagu cibaadaysto, balse Dowladda Somaliland iyo Guddida Heer Qaran midkoodna ma sheegin, mana amrin in masaajidada la xidho, sida saxda ah ee uu qodobkaasi u qornaana waxay ahayd in guryaha lagu tukado, si loo kala yareeyo culayska ay leeyihiin dadka ku cibaadaysta masaajidada. Hasayeeshee, Guddida Heer Qaran ee U-diyaargarawga iyo Ka-hortagga Xannuunka Covid-19, ayaa qoraal ay faafiyeen ku caddeeyey inay dacwad ka gudbiyeen shaqsiyaad lagu haysto inay faafiyeen warar been-abuur ah, iyadoo ay tallaabadaasi tahay mid muhiim ah oo lagaga hortegayo macluumaadka beenta ah ee loo gudbinayo dadka muwaadiniinta iyo bulshooyinka kale ee ku nool dalka Somaliland. Qoraalka Guddida oo faahfaahsan waxa uu u qornaa sidan; “Waxa aannu Dacwad ka gudbinay shakhsiyaad dhawr ah oo Bulshada dhexdeeda ku faafiyay warar been-abuur ah (Fake news) oo ku saabsan xaaladaha Cudurka Coronavirus, kaas oo aynu dhammaanteen si wadajir ah maanta ula dagaalamayno. Waxa aannu caddaynaynaa; Inaanu jirin Bukaan la xaqiijiyay in Cudurkani haleelay ama Muwaadin Karantiin ku jira oo baxsaday ama xogtiisa la waayay. In Muuqaalka baraha Bulshada wareegaya ee loo turjumay inuu yahay Bukaan uu haleelay Cudurku oo Gaadiidka dadweynaha laga dejinayaa uu yahay mid xaqiiqada ka fog, isla markaana muuqaalkaasi baraha Bulshada lagu arkay dabayaaqadii sannadkii hore oo ka horraysay intii xaaladda cudurkani soo gaadhay dalkeena iyo guud ahaan qaaradda Afrika. Xilligan adag warka been-abuurka ah ee ku saabsan cudurkani, wuxuu khatargelin karaa nolosha shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxaannu abuuri karaa Jaho-wareer Bulsho, kaas oo liddi ku ah wacyigelinta iyo dedaalada ka hortagga ee Guddidu ku hawlantahay, sidaas darteed waxa aannu xil iska saari doonaa in aanu ka ilaalino in Bulshada lagu dhex faafiyo warar noocaas, sidoo kalena waxa aannu Booliiska iyo Hay’adaha Garsoorka la kaashan doonaa sidii talaabo sharci ah looga qaadi lahaa ciddii ku kacda falal noocaas ah. Waxaan uga mahadcelinaynaa Booliiska, Xeer-ilaalinta, Culimada, Ururada Bulshada, Ganacsatada, Haweenka, Dhallinyarada iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee Bulshada sida wanaagsan ee ay noola shaqaynayaan Guddi ahaan, waxaanan rajaynaynaa inaan dedaaladeena kor u sii qaadno innaga oo isku duuban.” Haddaba, waxa muhiim ah in si sax ah, run ah, xaqiiqdana ku fadhida loo iftiimiyey waxyaabaha ay ka gaabiyaan ama gal-daloolooyinka ka muuqda Xukuumadda Somaliland, Guddida Heer Qaran iyo Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee la xidhiidha xannuunkan Coronavirus, iyadoo mar walba dhiilasha iyo toosinta lagu salaynayo dhinaca wanaagsan ee wax dhisidda ah (Objective Criticism), taasoo ah in waxa wanaagsan ee la qabtay la tilmaamo, wixii khaldana si sax ah loo soo bandhigo, si loogu wada faa’iideeyo bulshada Somaliland. Hasayeeshee, wax fiican maaha in qofku uu si ku-talo-gal ah ama dhayalsi ah ama aqoon-darro ku jirto uu bulshada ugu dhex faafiyo warar been-abuur ah oo aanay waxba ka jirin, looguna talogalay in khalkhal-gelin lagu abuuro, diinteena islaamkuna ma ogola in la faafiyo beenta iyo macluumaadka aan runta ahayn, taasoo ifka iyo aakhiraba lagu mutaysan karo dambi iyo ciqaab adag. Suxufi Maxamed Cumar Cabdi (Cirro), Hargeysa, Somaliland. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa digniin xooggan u jeediyey ganacsatada Soomaaliyeed, isaga oo uga digay inay kordhin qiimaha maciishadda dalka Kheyre ayaa arrintan sabab uga dhigay maadaama shalay ay dhaqan gashay canshuur dhaaf ay dowladda u sameysay maciishadda daruuriga ah ee dalka lasoo geliyo. Hadalka ra’iisul wasaaraha ayaa yimid ayada oo ay jirto cabsi xooggan oo laga qabo inay yaraato maciishadda dalka soo gasha, sababo la xiriira cudurka Coronavirus, taasina ay horseedo in ganacsatada ay sare u qaadaan qiimaha maciishadda, kadibna ay dhalato xasarad xagga cuntada ah. Si arrintan looga hortago, ayaa dowladda federaalka Soomaaliya waxay maalinkii Talaadada ku dhowaaqday in canshuur dhaaf loo sameeyay qaar ka mid ah cunnada quutul daruuriga ee dalka soo gasha, taas oo lagu sheegay qoraalka in looga hor tegayo koror ku yimaada qiimaha maciishada. Talaabadan ayey sheegay dowladdu in loo golleeyahay in saameyn aysan ku yeelan maciishada dalka tallaabooyinka looga hor tegayo faafidda cudurka Coronvirus. Raashika canshuur dhaafka loo sameeyay waxaa kamid ah Bariiska iyo Timirta oo ay sheegtay xukuumaddu in loo sameeyay canshuur dhaaf dhan 100%, halka Burka iyo Saliidda loo sameeyay canshuur dhaaf dhan 50%.
-
Saudi operatives had stolen Washington Post columnist Jamal Khashoggi's passport from his Washington home to force him to go to the embassy, Deputy Chairman of the ruling Justice and Development Party (AK Party) Yasin Aktay said, citing a close mutual friend of the slain journalist. Source: Hiiraan Online
-
Pandemic could trigger social unrest in some countries: IMF
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
WASHINGTON (Reuters) - New waves of social unrest could erupt in some countries if government measures to mitigate the coronavirus pandemic are seen as insufficient or unfairly favoring the wealthy, the IMF said in a new report on Wednesday. Source: Hiiraan Online -
Taliyaha Booliiska dowladda Federaalka SoomaaliyaJeneraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), ayaa si rasmiya u shaaciyay in uu magaalada Muqdisho ka dhaqan-galay, Bandow ay xilliyada Habeenkii ah ku soo rogtay dowladda si looga hortago COVID-19. “Waxaan doonayaa in aan mar kale ku wargeliyo shacabka Soomaaliyeed, in uu dhaqangalka bandowgu uu bilaabanay caawa 8:00 haddii Alle idmo, sidaas darteed waxaan muwaadiniinta sharafta leh fareynaa in ay u hoggaansamaan”. Ayuu yiri Taliyaha ciidanka Booliska oo xalay warbaahinta la hadlay Gen Xijaar ayaa sheegay in uusan bandowga saameyn doonin, xarumaha caafimaadka, goobaha lagu iibiyo raashinka qalalan iyo saxafiyiinta oo uu sheegay inay Ummadda u hayaan shaqooyin muhiim ah. Isagoo ciidanka ka dalbaday inay caawiyaan bukaanada xanuun ee doonaya in la geeyo goobaha caafimaadka. PUNTLAND POST The post Bandow xalay ka dhaqan-galay magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Saudi Arabia is doing so to honor a formal request form the government of Ethiopia to suspend repatriation temporarily Source: Hiiraan Online
-
Popular Contributors
