-
Content Count
214,482 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa guddi wasiirro ah u magacaabay inay u gurmadaan dadka ay dhibaatadu kasoo gaartay daadadkii ku rogmaday magaalada Qardho ee gobolka Bari. Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa warbaahinta u aqriyay magacyada xubnaha guddiga loo magacaabay arrintaas iyo shaqada loo xilsaaray. Xubnahaas oo dhamaantood ah wasiirro ayaa ka kooban sideed, waxayna kala yihiin. 1 – Cabdi Maxamed Sabriye Wasiirka arrimaha gudaha, Guddoomiye 2 – Maxamed Burci Xamsa Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka, Xubin 3 – Maxamed Cabdi Xayir Maareeye wasiirka Warfaafinta, Xubin 4 – Jamaal Maxamed Xasan Wasiirka Qorsheynta, Xubin 5 – Marwo Fowsiya Maxamed Shiikh Wasiirka Tamarta iyo Biyaha, Xubin 6 – Cabdi Canshuur Xasan Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, Xubin 7 – Maxamuud Xayir Ibrahim Wasiir Dowlaha Maaliyadda, Xubin 8 – Maxamed Saciid Cabdullaahi Wasiir Ku-xiggeenka Caafimaadka, Xubin Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa amray xubnaha guddigan in sida ugu dhaqsiyaha badan ugu gurmadaan dadka ku waxyeeloobay daadadkii kusoo rogmaday magaalada Qardho ee gobolka Bar ee Puntland. Halkan ka Daawo Maareeye oo akhrinaya magacyada guddiga iyo shaqada loo xilsaaray
-
Somali Health Ministry on Tuesday confirmed 48 new cases of coronavirus, bringing the total number of infections to 548. Fawziya Abikar, Health Minister of Somalia said two patients succumbed to the deadly virus in the latest cases, bringing the total number of fatalities to 28. She said five people recovered from the deadly virus, raising the total number of recoveries to 19. According to the minister, 31 of the latest cases are males while 17 are female patients. She said 41 of the cases were detected in Banadir, an administration area that covers the capital Mogadishu, three in regional Jubaland state and four in Southwest State. The majority of the cases, including the first fatality, have no travel history, signifying local transmission of COVID-19. The World Health Organization (WHO) has warned that further transmission of the virus can be expected. The WHO and the United Nations Population Fund (UNFPA) said Tuesday they have provided specialized capacity for testing coronavirus cases in the semi-autonomous region of Somalia. The WHO and the UNFPA are also working together to enable laboratory capacity to be in place in Garowe under the leadership of the Ministry of Health to ensure needed testing capacity for COVID-19. The Horn of Africa nation has instituted measures to contain the possible spread of COVID-19 including closing schools, banning large gatherings and suspending international and domestic passenger flights. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Bar-___-Qubanaha-Wararka-Shabelle-28042020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa salaadii makhrib kadib degmada Shibis ee gobolka Banaadir ku toogtay nin hubeysan oo sida la sheegay weerar geysan rabay. Ciidamada ayaa ninkaas ku dilay xaafada Maanaboliyo ee degmada Shibis, waxaana la sheegay in uu watay waxyaabaha qarxa. Sawirro laga soo qaaday meydka ninka la dilay oo la baahiyey ayaa muujinaya Bambo gacmeed korka u saaran, taas oo saraakiisha ciidankii toogtay ay sheegeen in uu watay, weerarna uu ku fulin rabay. Weli lama oga in qofkaas ay ciidamadu toogteen uu ka tirsanaa Al-Shabaab, balse dilal galbihii lasoo dhaafay Muqdisho ka dhacay ayey mas’uuliyadooda dusha u riteen Al-Shabaab. Xalay salaadii makhrib kadib ayey aheyd markii koox ka tirsan Al-Shabaab ay masjid ku yaalla xaafadda Jaamacadaha ee degmada Hodan ku hor toogteen sarkaal ka tirsanaa booliska Soomaaliya, kana howlgelayey garoonka Aadan Cadde. Dilka sarkaalkaas ayaa waxaa mas’uuliyadiisa sheegtay Al-Shabaab. Hase yeeshee galabtii ka horeysay ee Axadii todobaadkan ayey ciidamada ammaanku degmada Dharkenley ku toogteen laba nin oo hubeysanaa, kuwaas oo dil u geystay nin ganacsade ahaa inta aan la dilin ayagana.
-
Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta xaqiijisay inay geeriyoodeen 2 qof oo kamid ahaa bukaannadii laga helay cudurka COVID-19. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay la diiwaan geliyay 48 xaalado cusub oo COVID-19 ah, ayna bogsoodeen 5 ruux oo kamid ah dadkii horay looga helay xanuunka. 41 kamid ah xaaladaha cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, 4 waxaa laga helay deegaannada dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, 3 ruux oo kalena waxaa laga diiwaan geliyay dowlad gobaleedka Jubaland. 31 kamid ah Bukaannada cusub waa rag, waxaana dumar ah 17-ka xaaladood oo kale. Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay waxey noqdeen 528, waxaa ka bogsooday 19 ruux, waxaana guud ahaan dalka ugu geeriyooday 28 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Qardho (SMN) – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta booqasho ku tegay magaaladda Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar, oo ay ka dhacday fatahaad ka dhalatay Roobabkii ka da’ayey gobolkaasi maalmahan. Deni, ayaa Bulshada Qardho la qeybsaday xaaladda Bani’aadantinimo ee ay ku jiraan, iyo khasaaraha naf iyo maal leh ee ka dhashay Biyaha magaaladda kusoo rogmaday. Wuxuu Madaxweynuhu ka qeyb galay Aaska dadkii ku geeriyooday daadadka kusoo fatahay magaaladda, isagoo tacsi u diray ehelada iyo qoysaska dadkii geeriyooday. Madaxweyne Deni ayaa ku dhex lugeeyay magaaladda isagoo kormeeray goobaha burburku gaaray si uu usoo arko sida ay wax u dhaceen, wuxuu booqday boqolaal qoys oo ku barakacay daadadkii kusoo fatahmay xalayto magaaladda, isagoo la Kulmay bulshada oo uga warbixinaysay khasaaraha jira. Wuxuu Madaxweynuhu sheegay in maamulkiisa uu sameeyay Guddi heer Wasiir ah oo Ganacsataduna qeyb ka yihiin, kuwaasi oo ka shaqeyn doona gurmadka Qardho, Madaxweynaha ayaa baaq u diray Dadweynaha Puntland iyo Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Beesha Caalamka sidii looga wada qeyb qaadan lahaa xaaladda bani’aadantinimo ee ka jirta maanta Qardho. View the full article
-
Shacabka magaalada Belad-weyne ee Gobolka Hiiraan ayay cabsi la soo deristay maalmihi ugu danbeeyay maadaama la gudagalay xiliga gu,ga oo roobab badan ay da,een, walalka ugu weeyn waxa uu yahay fatahaad la mid ah tii sanadkii hore in uu sameeyo webiga Shabelle ee magaaladaas dhexmara. Biyaha webiga ayaa sare u kacay maalmihii la soo dhaafay, iyadoo Maamulka gobolka Hiiraan uu bilaabay caro tuur lagu sameynayo hareeraha Wabiga iyo goobaha ay Biyuhu ka soo baxaan. Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa kormeeray goobaha qaar ee Wabiga, isagoo uga digay shacabka biyo farabadan oo ku soo wahahan Magaalada Beledweyne. Sanad walba ayaa Wabiga Shabeelle ee mara Gobolada labada Shabeelle iyo Hiiraan waxaa uu sameeyaa fahataado sababa inay dad badan barakacaan. Goobjoog Newsm Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) –Askari ka tirsan ciidamada midowga Afrika ee AMISOM oo ku sugan Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay in laga helay cudurka Coronavirus. Askarigan ayaa noqday kii ugu horeeyey oo ka tirsan AMISOM oo laga helay cudurka COVID-19, waxuuna u dhashay dalka Uganda, sida laga soo xigtay ilo wareedyo ka tirsan AMISOM. Askarigaas ayaa ka howlgalayey dekedda magaalada Muqdisho oo dhaq-dhaqaaqeedu badan yahay. Sida aan ku helnay xogta askarigan kama bixin Soomaaliya mudo lix bilood ah, waxaana la aaminsan yahay in cudurkaas uu ku dhacay intii uu ku sugnaa gudaha Soomaaliya. Ilo ka titrsan AMISOM oo diiday in magacooda la sheego ayaa intaasi ku daray in howlagalka AMISOM uu qaaday tallaabooyin caafimaad oo looga hor tegayo cudurka Coronavirus. AMISOM ayaa xarumaha ciidamadeeda ka dhaqangelisay wacyigelin joogto ah, goobo karaantiil iyo goobo lagu faraxasho, si loo dhowro badqabka ciidanka. Soomaaliya ayaa waxaa guud ahaan laga diiwaan-geliyey 528 kiis oo COVID-19 ah, dhimashada ayaa gaartay 28 qof, halka 19 qof oo kalena ay kasoo bogsatay, sida lagu sheegay warbixintii ugu dambeysay ee wasaaradda caafimaadka.
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Habeen-28042020.mp3 View the full article
-
Wafdi ka socda xukuumada soomaaliya gaar ahaan gudiga Qaran ee arrimaha isku duba ridka Covid-19 ayaa gaarey magaalada baydhabo halkaasi oo ay gaarsiiyeen qalab iyo dawooyin caafimaad waxaana sidoo kale ay qiimeyn doonaan goobaha loogu tala galey in lagula tacaalayo Caabuqa iyo isbitaalada lagu karantiilo bukaanada uu so rito cudurkaan Guddiga ayaa sidoo kale kulamo la qaadan doona Madaxda Dowlad-goboleedka Koofur galbeed ee Soomaaliya iyo wasaaradaha ku mideysan la tacaalida Covid19. Gudigaan oo ay hogaaminayaan masuuliyiin ka tirsan Xafiiska Ra’iisulwasaaraha Dalka Xasan Cali Khayre ayaa lagu wadda iney socdaalkooda baydhabo soo gababeeyaan isla maanta si loo diyaariyo qorshayaal lagu gaarayo Dowlad- goboleedyada kale ee Dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta booqasho ku tegay magaaladda Qardho ee gobolka Karkaar oo ay ka dhacday fatahaad ka dhalatay Roobabkii ka da’ayey gobolkaasi maalmahan. Madaxweynaha Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Bulshada Qardho la qeybsaday xaaladda Bani’aadantinimo ee ay ku jiraan, iyo khasaaraha naf iyo maal leh ee ka dhashay Biyaha magaaladda ku soo rogmaday. wuxuu Madaxweynuhu ka qeyb galay Aaska dadkii ku geeriyooday daadadka kusoo fatahay magaaladda, isagoo tacsi u diray ehelada iyo qoysaska dadkii geeriyooday. Madaxweyne Deni ayaa ku dhex lugeeyay magaaladda isagoo kormeeray goobaha burburku gaaray si uu usoo arko sida ay wax u dhaceen, wuxuu booqday boqolaal qoys oo ku barakacay daadadkii kusoo fatahmay xalayto magaaladda, isagoo la Kulmay bulshada oo uga warbixinaysay khasaaraha jira. Wuxuu Madaxweynuhu sheegay in ay Dowladdu sameysay Guddi heer Wasiir ah oo Ganacsataduna qeyb ka yihiin, kuwaasi oo ka shaqeyn doona gurmadka Qardho, Madaxweynaha ayaa baaq u diray Dadweynaha Puntland iyo Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Beesha Caalamka sidii looga wada qeyb qaadan lahaa xaaladda bani’aadantinimo ka jirta maanta Qardho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon, ayaa shalay laga qaaday dheecanadiisa si looga baaro cudurka halista ah ee Coronavirus/Covid-19, iyada oo lagu arkay calaamado kamid ah kuwa lagu aqoonsado cudurkaasi. Sida ay xog ku helayso Caasimada Online, Baaristii shalay lagu sameeyay Wariye Coldoon ayaa waxa kasoo baxday Natiijo hordhac ah, oo ku saabsan xaaladdiisa. Cabdimaalik Coldoon ayaa Baaristii koowaad lagu xaqiijiyey inuusan qabin cudurkaasi, balse uu qabo cudur kale oo aan la aqoonsan, kaasi oo mararka qaar neefta ku dhajinaya Coldoon, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Wasaarada caafimaadka Somaliland. Baaritaanka natiijadaasi ka soo baxday ayaa waxa lagu sameeyay Isbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa, inkasta oo dheecaanadiisa loo sii dirayo dalka dibediisa si loo sugo natiijada kasoo baxday baaritaanka hordhaca ah ee xaqiijineya inuusan Coldoon qabin xanuunka dadka badan ku laayay gudaha Soomaaliya. Sida ay Caasimada Online u sheegen Dhakhaatiirtii shalay ku booqatay xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa, Wariye Coldoon ayaa waxa laga dheehan karayey xanuun badan oo ka muuqda, iyada oo tabar daro baahsanina soo wajahday, midaasi oo uu sababay xanuun ilaa hadda aan si rasmi ah loo xaqiijin, iyada oo uu hoos u dhacay shakigii ahaa inuu qabo Coronavirus. Siyaasiyiin iyo Wariyayaal badan ayaa dalbaday in xabsiga laga sii daayo Cabdimaalik Coldoon, iyagoo marar kala duwana dalabkaasi si toos ah ugu gudbiyay Madaxweyne Muuse Biixi oo u muuqda inuu weli ka dhago adeygayo fulinta dalabaadka tirada badan ee ku aadan sii deynta Coldoon.
-
Muqdisho (SMN) – Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta xaqiijisay inay geeriyoodeen 2 qof oo kamid ahaa bukaannadii laga helay cudurka COVID-19. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay la diiwaan geliyay 48 xaalado cusub oo COVID-19 ah, ayna bogsoodeen 5 ruux oo kamid ah dadkii horay looga helay xanuunka. 41 kamid ah xaaladaha cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, 4 waxaa laga helay deegaannada dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, 3 ruux oo kalena waxaa laga diiwaan geliyay dowlad gobaleedka Jubaland. 31 kamid ah Bukaannada cusub waa rag, waxaana dumar ah 17-ka xaaladood oo kale. Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay waxey noqdeen 228, waxaa ka bogsooday 19 ruux, waxaana guud ahaan dalka ugu geeriyooday 28 View the full article
-
Kadib Daadadkii kusoo rogmaday Magaalada Qardho ayaa waxaa ka barakacay Shacab farabadan oo Guryohoodii ay isugu jiraan wax burburay iyo kuwo Biyo dhex fadhiyaan. Madaxweynaha [...] Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay tiro cusub oo dad ah oo laga helay cudurka Coronvirus iyo kuwa kale oo dhintay.. Qoraal kasoo baxay wasaaradda caafimaadka eyey maanta ku xaqiijisay inay geeriyoodeen 2 qof oo kamid ahaa bukaannadii laga helay cudurka COVID-19. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay la diiwaan geliyay 48 xaalado cusub oo COVID-19 ah, ayna bogsoodeen 5 ruux oo kamid ah dadkii horay looga helay xanuunka. 41 kamid ah xaaladaha cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, 4 waxaa laga helay deegaannada dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, 3 ruux oo kalena waxaa laga diiwaan geliyay dowlad gobaleedka Jubaland. 31 kamid ah Bukaannada cusub waa rag, waxaana dumar ah 17-ka xaaladood oo kale, sida lagu sheegay qoraalka wasaaradda. Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay waxey noqdeen 228, waxaa ka bogsooday 19 ruux, waxaana guud ahaan dalka ugu geeriyooday 2
-
Somaliland: Tirada Dadka Uu Hayo Covid 19 Oo Hoos U Dhacday
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland ayaa shaacisay in Qofkii saddexaad uu ka bogsaday Xanuunka Dunida ku faafaya ee Covid_19. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo Saxaafadda la wadaagay War-bixinta Maalinlaha ah ee la xidhiidha xanuunka Covid_19, ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin Wasaarad ahaan in qofkii saddexaad uu ka bogsaday Xanuunka Covid_19. Qofkan saddexaad ee Agaasimuhu sheegay inuu ka bogsaday xanuunka ayaa hoos u dhigaya Tirada Dadkii uu Xanuunku Somaliland ku soo ritay, waxayna hadda noqonaysaa in saddex Qof oo keliya uu hayo xanuunku. Source -
Guddoomiyaha deegaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho, Cabdiraxmaan Axmed Cali Garyare oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay inuu saameyn ku yeeshay Covid-19. Cabdiraxmaan Garyare ayaa tilmaamay in dhibaatada ugu daran ay wajahayaan dadka barakacayaasha ah oo aan muddooyinkii la soo dhaafay helin wax gargaar ah, kadib markii hay’adaha Samafalka ay hakiyeen shaqooyinkooda, sababo la xariira Corona. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa intaasi ku daray in haatan xaalad adag oo dhanka nolosha ah ay wajahayaan qoysaska barakacayaasha ah ee ku dhaqan halkaasi. Dhinaca kale wuxuu carabka ku dhuftay inay sharciga la tiigsan doonaan qof alaala oo lagu soo qabto isagoo bishaan Ramadaan sameynaya waxyaabo aan banaaneyn. Garyare ayaa ugu dambeyn xusay inay sameyn doonaan howlgallo lagu soo qab-qabanayo dadka ma Soomayaasha ah ee ku sugan deegaankaasi. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/ppppppp.mp3 View the full article
-
Dhakhtarad safka hore kaga jirtay la dagaalanka Coronavirus oo isdishay Dhakhtar ka howlgalaysay magaalada New York, oo ka mid ahayd dadkii safka hore ugu jiray la dagaalanka coronavirus ayaa isdishay. Dr Lorna Breen, oo ahayd madaxa qaybta daryeelka degdega ee isbitaalka Allen ee magaalada New York ayaa u dhimatay dhaawacyo ay isgaarsiisay maalintii Axadda ahayd, sida ay booliska sheegeen. Aabaha haweenaydan 49 sano jirka ah, Dr Philip Breen, ayaa yiri, “Dadaalkii ay shaqadeeda ugu jirtay ayaa dilay.” Tirada kiisaska dhimashada ee magaalada New York ayaa gaarty 17,500. DR LORNA BREEN Qaran News
-
Muqdisho (caasimadda online) – Qaar ka mid ah qabri qodayaasha magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay culeys badan kala kulmayaan tirada dadka ku dhimanayo magaalada oo sii badanaya. Mid kamid ah qabri qodayaasha oo lagu magacaabo Cali Maxamed lana hadlay telefishinka Shabelle ee magaalada Muqdisho, kaasoo ka shaqeeyo hal goob oo dadka lagu aaso, ayaa sheegay inay maalintii qodaan 30-40 qabri, islamarkaana ay maalmaha qaar ka tagaan iyagoo dhammaan dad ku aasay. “Maalintii waxaan qodnaa 30-40 god, mararka qaar waxaan ka hoyanaa iyadoo 10 kaliya aan waxba lagu aasin, halka maalmaha qaar dhammaan la isticmaalo,” ayuu yiri. Cali Maxamed ayaa sheegay in dadka ay aasaan dhammaantood ay kawada sinaayeen inay ku jireen darees cad oo uu ula jeeday kuwa loo geliyo dadka uu ku dhaco cudurka coronavirus. “Waligey intaan shaqadaan ku jiray ma arkin inaan hal goob hal maalin ku aasno tiro intaan la eg, dhammaan dadka aan aasnay waxay ka sinayeen inay ku jireen dhar cad cad,” ayuu sii raaciyey. Illaa hadda si rasmi ah looma xaqiijin karo dadkaan tirada badan ee maalin kasta lagu aasayo Muqdisho inay u dhinteen cudurka coronavirus oo ay dowladda Soomaaliya sheegtay inuu si weyn ugu faafay magaalada. Waxaa aad u yar tirada dadka ay maalin kasta dowladda ka baari karto cudurka, taasi oo horseeday in dad badan ayaga oo qaban xanuunka ay iska socdaan magaalada. Caasimada Online ayaa horey u qortay in dadka magaalada ay ka cabanayaan xanuun isku mid ah oo cusub, islamarkaana leh astaamaha Coronavirus, oo ku dhacaya. Halkaan hoose ka daawo warbixinta qabri qodayaasha.
-
Wasiir ka tirsanaa dowladda Jabuuti oo u geeriyooday Corona
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Waxaa Jabuuti ku dhintay wasiirkii madaxtooyada u qaabilsanaa dhanka maalgashiga, Ali Geulleh Aboubaker, sida ay xaqiijinayaan wararka lag helayo dalkaasi. Allaha u naxariistee marxuumka ayaa maalmihii u dambeeyey la xanuunsanaa cudurka faafa ee Coronavirus oo fara ba’an ku haya jamhuuriyadda Jabuuti. Taariikhda marxuun Ali Geulleh Aboubaker Wuxuu ka mid ahaa oo lagu xasuusta asaasayaashii jabhaaddi la dagaalantay 1991-kii dowladdii Waqtigaas uu hogaaminayay madaxweyne Hassan Guuled Abtidoon, ujeedkii ugu Weynaa ee dagaalkan ayaa waxa uu ahaa sidii aay Canfarta saami culus uga heli lahayd dowladda. Masuuliyiinta jabhaadii Canfarta Frud oo uu ka mid ahaa marxuunku ayaa waxa aay aqbaaleen inay wadahadal la furaan dowladda ugu dambeynna waxa ay aqbaaleen inay qaatan heshiiskii lagu magaacabay Ambaaca 26 Desembar 1994-kii . Heshiiskii kadib waxaa loo magaacabay marxuunka madaxa xafiiska madaxweyne Jabuuti oo uu 17 mamuulayay sidoo kale sanadkii 2016-kii waxaa uu noqday madaxii ololaaha doorashadii madaxweyne Geulleh . MarkiI uu ku guulestay madaxweyne Ismaacill Cumar Geulleh xilka 12 may 2016-kii ayuu u magaacabay wasirka malgashiga madaxtooyada Jabuuti . Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa tacsi u diray qoyskii u ka baxay marxuunka iyo dadki uu u dhaawa intaba isaga oo ku amaanay doorkii uu ku laaha nabadda iyo horomarka dalka Jabuuti. View the full article -
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta booqasho ku tegay magaaladda Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar, oo ay ka dhacday fatahaad ka dhalatay Roobabkii ka da’ayey gobolkaasi maalmahan. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Bulshada Qardho la qeybsaday xaaladda Bani’aadantinimo ee ay ku jiraan, iyo khasaaraha naf iyo maal leh ee ka dhashay Biyaha magaaladda kusoo rogmaday. Wuxuu Madaxweynuhu ka qeyb galay Aaska dadkii ku geeriyooday daadadka kusoo fatahay magaaladda, isagoo tacsi u diray ehelada iyo qoysaska dadkii geeriyooday. Madaxweyne Deni ayaa ku dhex lugeeyay magaaladda isagoo kormeeray goobaha burburku gaaray si uu usoo arko sida ay wax u dhaceen, wuxuu booqday boqolaal qoys oo ku barakacay daadadkii kusoo fatahmay xalayto magaaladda, isagoo la Kulmay bulshada oo uga warbixinaysay khasaaraha jira. Wuxuu Madaxweynuhu sheegay in ay Dowladdu sameysay Guddi heer Wasiir ah oo Ganacsataduna qeyb ka yihiin, kuwaasi oo ka shaqeyn doona gurmadka Qardho, Madaxweynaha ayaa baaq u diray Dadweynaha Puntland iyo Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Beesha Caalamka sidii looga wada qeyb qaadan lahaa xaaladda bani’aadantinimo ka jirta maanta Qardho. Halkaan ka daawo muuqaalka iyo sawirro PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo booqday boqollaal Qoys oo ku bara-kacay Fatahaadda Qardho appeared first on Puntland Post.
-
Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu uga hadlay cudurka Coronavirus oo haatan fara ba’an ku haya Somalia. Madaxweynihii dowladdii KMG aheyd ayaa sheegay in xaaladda dalka ay mareyso meel adag, islamarkaana loo baahan yahay in la’iska wada kaashado ka hortagga Covid-19. “Khatarta Coronavirus ee dalkeenna waxay maraysaa xaalad adag oo u baahan in aad loo raaco talooyinka dhakhaatiirta caafimaadka ay noo soo gudbinayaan sida, Sanka & afka oo la xirto, in gacmaha oo saabuun lagu dhaqo,in Gacmaha oo laga ilaaliyo afka,sanka & indhaha iyo in la kala fogaado ugu yaraan laba mitir.” ayuu yiri Sh. Shariif. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in xanuunkaan oo ay wax ka qaban waayeen dowlado waa weyn aysan haatan Soomaaliya awood u laheyn xakameyntiisa. “Xanuunka Covid-19 waxaa la itaal daran oo wax ka qaban la dowladahii aduunka ugu awoodda badnaa, sidaa awgeed Soomaaliya awood badan uma lahan ka hortagga cudurkaan, laakiin haddaan iskaashanno oo fariimaha caafimaadka aan wadajir u fulinno waxaan ku guulaysan karnaa.” ayuu yiri markale Madaxweynihii hore. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo Soomaaliya uu si weyn ugu sii faafayo cudurka Coronavirus oo illaa iyo hadda la shaaciyey kiisas gaaraya ku dhowaad 500 oo ruux. View the full article
-
Popular Contributors
