Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,836
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ka sameeyey qeybo ka mid ah degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa lagu baadi goobayey rag hubeysan oo dil qorsheysan ka geystay gudaha degmadaasi. Saraakiisha horkaceysay baaritaanadaasi ayaa sheegay in kooxda dilka fulisay ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, islamarkaana ay ay ku raad-joogaan, sida ay hadalka u dhigeen. Al-Shabaab ayaa intra badan weeraro gaadmo ah ka fuliya gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle. View the full article
  2. Somalia is deploying surveillance teams and specialized vehicles to prevent desert locust swarms ravaging crops and pastures, and destroying the livelihoods of hundreds of thousands of people, United Nations and government officials said on Monday. Source: Hiiraan Online
  3. The signs for Dahabshiil, the Somali money transfer company, are a familiar sight in some London's streets. Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho(Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Khayre oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa faah faahin ka bixiyey wadahadal qadka taleefanka ah oo uu la yeeshay wasiirka arrimaha dibedda Ruushka Sergey Lavrov. Khaye ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay Ruushka ka dalbatay inay ka gacan siiyo la dagaalanka cudurka saf-marka ah ee Coronavirus. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu Sergey Lavrov kala hadlay xoojinta xiriirka labada iyo adkeynta iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Ruushka. “Waxaan wada-hadal muhiim ah la yeeshay Wasiirka Arimaha Dibadda Ruushka H.E Sergey Lavrov. Waxyaabaha ugu muhiimsan ee laga wada hadlay waxaa ka mid ah xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashi ku aadan dadaallada lagu xakameynayo Covid19.” ayaa qoraalkiisa ku yiri R/wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya. Ruushka ayaa la filayaaa inuu ka jawaabo codsiga Khayre, islamarkaana uu Soomaaliya u soo diro qalab caafimaad iyo dhaqaatiir ka qeyb qaadata xakameynta Covid-19. Kiisaska Coronavirus ee Soomaaliya oo marba marka ka dambeysa sii kordhaya ayaa illaa hadda waxaa la diiwaan-geliyey illaa 237 qof oo haatan ku jira xaalad karantiil ah.
  5. Waxaa isa soo taraya baaqyada nabadeed ee loo jedinayo beelo walaalo ah oo saacadihii la soo dhaafay ku dagaalamay qeybo kamid ah gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya. Senator Nuuro Faarax Jaamac oo ka mid ah Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo wareysi siisay Shabelle ayaa ugu baaqday maleeshiyaadka diriraya inay xabada joojiyaan, islamarkaana ay wax weliba ku dhameeyaan wadahadal. Sidoo kale waxay intaasi ku dartay in waqtiga haatan lagu jiro aysan habooneen in dagaalladu ay sii socdaan. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/cc-1.mp3 View the full article
  6. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa daahfuray ololihii ugu horeeyay ee lagu buufinaayo sunta ka hortaga faafinta cudurka Covid-19 oo si adag u saameeyay Caalamka. Booyada siday sunta looga hortago cudurka faafa ee Coronavirus ayaa lagu buufinayay qaar kamid degmooyinka gobolka Banaadir waxaana ololahaani daah-furkiisa goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir. Cumar Filish oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in ololaha uu socon doono illaa laga adkaanayo kiisaska cudurka Coronavirus ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Muqdisho ay la mid tahay magaalooyinka kale ee caalamka ee uu ka socdo ololaha lagula dagaalamayo cudurka Covid-19. Muqdisho ayaa ah meesha ugu badan ee laga diiwaan-geliyey kiisaska Coronavirus, iyadoona haatan tirada guud ay mareyso illaa 237 ruux oo ku jira xaalad karantiil ah. Halkaan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  7. Faah faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa iska hor imaad khasaare geystay oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal. Is-rasaaseynta oo u dhexeysay ciidamo ka wada tirsan kuwa maamulka Puntland ayaa waxaa ku dhintay hal askari, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay is-rasaaseynta dhex-martay ciidamadaasi oo ku soo aadeysa, xilli bandow habeenkii ah uu ka dhaqan-galay magalaadaasi. Sidoo kale ma jiro weli war rasmi ah oo ka soo baxay Puntland oo ku aadan iska hor imaadkaasi. Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana si caadi ah ku socda dhaq dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka intaba. View the full article
  8. Wasaaradda Caafimaadka XFS oo soo saartay warbixinteedii maalinlaha aheyd ee cudurka Covid 19 ayaa ku shaacisay tiradii ugu badneyd la diiwaan geliyo mudo 24-saac gudahood. Warbixinta waxaa lagu sheegay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay gudaha Soomaaliya laga diiwaan geliyey 73 qof oo qaba cudurka COVID-19, kuwaas oo noqonaya tiradii ugu badneyd oo halmar ay shaaciso wasaaradda caafimaadka. 51 kamid ah 73-da qof ee laga helay cudurkaas waa lab halka 22-ka kalena ay dhadig, waxayna tirada guud ee dadka loo diiwaan geliyey in uu ku dhacay COVID-19 ay gaartay 237 xaaladood oo qaar ay ka bogsoodeen qaarna u dhintay. Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa horey u sheegtay in kiisaska cudurka ee laga helayo dalka ay sare u sii kaceyso maalinba maalinta ka dambeysa, loona baahan yahay shacabka iney ku dhaqmaan talooyinka ka hortaga ah si loo yareeyo faafida cudurkan. View the full article
  9. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Subax-21042020-SX.mp3 View the full article
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa xalay waddooyinka iyo suuqyada qaar ee magaalada Muqdisho ku buufiyey sunta looga hortago faafista cudurka halista badan ee Coronavirus, iyadoona uu ololahaan daah-furay Cumar Filish. Maamulka gobolka ayaa arrintaan u adeegsaday booyado gaar ah oo sunta laga soo buuxiyey, si looga hortago Feyruska sababa xannuunka Corona. Guddoomiye Filish oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in ololaha uu socon doono illaa laga adkaanayo kiisaska cudurka Coronavirus ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in la gaarsiin doono dhammaan xaafadaha kale ee caasimadda iyo goobaha kale ee muhiimka ee dadka isugu tagaan. Filisha ayaa sidoo kale intaasi ku daray in Muqdisho ay la mid tahay magaalooyinka kale ee caalamka ee uu ka socdo ololaha lagula dagaalamayo cudurka Covid-19. Ugu dambeyn wuxuu ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed inay ka qeyb qaataan xakameynta cudurkaan, una hoggaansaman awaamiirta dowladda. Muqdisho ayaa ka mid ah meelaha uu sida daran u saameeyey Coronavirus, iyadoo laga diiwaan-geliyey illaa 237 kiis, waana tirada ugu badan ee guud ahaan Soomaaliya. .
  11. Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo warbaahinta kula hadlay magaalada Beledweyne ayaa si adag uga jawaabay codsi uu dhowaan madaxweyne deni u diray ganacsatada Puntland oo la xiriiray in aysan wax Raashin ah u rarin meel ka baxsan Puntland si loo beekhaamiyo Raashinka yaalla gudaha Puntland. Guddoomiye Jeyte ayaa sheegay in hadalka madaxweyne Deni uu saamayn xooggan ku yeeshay gobolka Hiiraan maadaama dadka ku nool Hiiraan noloshoodu ay ku tiirsantahay Raashinka laga keeno dekedda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Mudane Jeyte ayaa ku hanjabay in haddii aysan Puntland ka laaban go’aankaas ay dadka Reer Hiiraan ganacsigooda la aadi doonaan dekedaha kale ee Soomaaliya islamarkaana ay joojin doonaan Khudaarta loo iib-geeyo degaannada Puntland Isagoo hadalkiis sii wata ayuu sidoo kale sheegay in ay canshuur xad-dhaaf ah ku soo rogayaan Khudaarta loo iib-geeyo degaannada Puntland si ay u joogsato khudaartaas. Hoos ka daawo hadalkiisa oo dhan PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo hanjabaad culus u diray Puntland appeared first on Puntland Post.
  12. As the COVID19 pandemic rages across the world, what is becoming all too clear is that the most disadvantaged countries with weak or non-existent public health care systems and finite resources will feel the brunt of the Source: Hiiraan Online
  13. President Donald Trump has said he will sign an executive order to temporarily suspend all immigration to the US because of the coronavirus. Source: Hiiraan Online
  14. CAIRO — Across the Muslim world, the fasting month of Ramadan that begins this week will be unlike any other in memory as the coronavirus pandemic alters the rituals and rhythms of centuries-old traditions and practices. Source: Hiiraan Online
  15. Hargeysa (Caasimada Online) – Dawladda Turkiga ayaa markii u horeysay ka hadashay dadaalada lagu rabo in dib loogu furo wada-hadalada mudada badan hakadka ku jirey ee Soomaaliya iyo Somaliland. Mehmet Yilmaz, Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa si weyn usoo dhaweeyay kulankii ay dhowaan Addis Ababa ku yeeshen Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi, kaasi oo uu garwadeen ka ahaa Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed. isagoona lahaa qorshaha kulankaasi. Safiirka ayaa kulankaasi ku tilmaamay horumar muhiim ah oo laga gaaray wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, midaasi oo dhalineysa isku soo dhawaansho labada dhinaca ah, gaar ahaan Madaxda. Mehmet Yilmaz ayaa sidoo kale bogaadiyey raali-gelintii uu reer Somaliland siiyey Madaxweyne Farmaajo, taasi oo ku aadaneyd xasuuqii dowladdii kacaankii ay ka geysatay deegaanada Somaliland. Yilmaz ayaa ka dhawaajiyey in dowladda Turkiga oo ay Somaliland u aragto mid la safan dowladda federaalka ay dhex-dhexaad ka tahay wada-hadalada labada dhinac, isla markaana ay ka shaqeyn doonto isku soo jiidkooda. Safiirka ayaa waxa kale oo uu soo dhaweeyay cid kasta oo dabada ka riixeysa furitaanka wada-hadaladaasi iyo dadaalada dib loogu furayo, midaasi oo ay ka qeyb tahay qorshayaasha Abiy Axmed uu ka leeyahay Wada-hadalada. “Dhawaan waxaa dhacay horumar aad muhiim u ah, oo ku saabsan mawduucan. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo madaxweynaha Somaliland ayaa ku kulmay Itoobiya. Raali gelin baa dhacday, Waxayna ahayd horumar taagan oo aad u wanaagsan, gaar ahaana raali gelintii madaxweynaha Soomaaliya iyo weliba aqbalaadiisii arrintan, waxaan u aragnaa in ay tahay natiijo wanaagsan” ayuu yiri Safiirka Turkiga ee Soomaaliya. Wuxuuna intaas kusii daray “Keliya waxay u baahan tahay in la isku duba-rido, oo la dhamaystiro. waayo Wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya wuxuu leeyahay dhinacyo kala duwan. Sida siyaasadda iyo warbaahinta oo kale. Waxaan mar-walba leenahay dadka hawshan qaban doona, hagi doona, ee isku duba-ridayaa, waa dhinacyadda uu wadahadalku u dhexeeyo”. “Waxaan rabaa in aan mar kale ku celiyo in doorkayagu yahay dhex-dhexaadin. Sidaas darteed Anagu keliya waxaan joognaa booska dhex-dhexaadinta ah, taas anagoo ka duulayna, ayaan dhinacyadda ka rabnaa in ay anaga na hagaan. Dabcan, anagu tallooyin iyo soo jeedin ba waanu ku lahaan karnaa.ayuu yidhi danjiraha Turkiga u jooga Muqdisho”. Dadaalada lagu rabo inay dib u furmaan Wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa muddooyinkii dambe sii kordhayey, iyada oo ay soo if-baxdeyna qorshayaal uu Abiy Axmed dabada ka riixayo si ay u furmaan wada-hadaladaasi.
  16. Negative prices signal traders would pay to have oil taken off their hands as supply glut tests storage capacity. Source: Hiiraan Online
  17. Somalia oo shaacisay in Kiisaska Covid 19 ee laga helay Muqdisho aad u korodhay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa caawa soo saartay warbixinteedii maalin laha aheyd ee cudurka Coronavirus, waxayna ku shaacisay in tiradii ugu badneyd oo loo diiwaan geliyo mudo 24-saac gudahood inay qabaan xanuunka COVID-19. Warbixinta waxaa lagu sheegay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay gudaha Soomaaliya laga diiwaan geliyey 73 qof oo qaba cudurka COVID-19, kuwaas oo noqonaya tiradii ugu badneyd oo halmar ay shaaciso wasaaradda caafimaadka. 51 kamid ah 73-da qof ee maanta laga helay cudurkaas waa lab ama rag, halka 22-ka kalena ay dumar yihiin, waxayna tirada guud ee dadka loo diiwaan geliyey in uu ku dhacay COVID-19 gaartay 237 kiis oo qaar ka bogsaday qaarna u dhintay. Warbixinta caawa soo baxday waxaa sidoo kale lagu sheegay in hal qof maanta loo diiwaan geliyey in uu u dhintay Coeonavirus, waxayna tirada guud ee dhimashada cudurkaas gaartay sideed ruux. Sidoo kale qof kale ayaa kasoo bogsaday xanuunkaas, sida lagu shaaciyey warbixinta, waxayna tirada dadka ka bogsaday COVID-19 gudaha Soomaaliya gaartay 4 qof. Warbixinta wasaaradda caafimaadka Soomaaliya laguma xusin halka ay ku kala noolyihiin dadkaas loo diiwaan geliyey 24-kii saac ee lasoo dhaafay in ay qabaan Coronavirus, sidoo kale laguma xusin goobaha ay ku kala noolaayeen kan u dhintay iyo kan ka bogsadayba. Qaran News
  18. Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo xalay warbixin horleh ka soo saartay Xanuunka Covid 19, ayaa shaacisay kiisaskii ugu badnaa ee dalka laga diiwaan geliyo mudo 24-saac gudahood. Warbixinta Wasaaradda ayaa lagu sheegay, in 24-kii saac ee lasoo dhaafay gudaha Soomaaliya laga diiwaan geliyay 73 bukaan oo qaba xanuunka Coronavirus, kuwaas oo noqonaya tiradii ugu badnayd oo halmar ay shaaciso wasaaradda caafimaadka. 51 kamid ah 73 bukaan ee laga helay xanuunkaas waa lab, halka 22-ka kalena ay dhadig yihiin, waxayna tirada guud ee dadka loo diiwaan geliyay COVID-19 ay gaartay 237 xaaladood sida wasaaraddu sheegtay. Sidoo kale, warbixinta Wasaaradda waxaa lagu sheegay in 24-saac ee la soo dhaafay xanuunka COVID-19 uu ka bogsaday hal qof mid kalena u dhintay. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in kiisaskii ugu badnaa COVID-19 laga helay dalka appeared first on Puntland Post.
  19. SEOUL (Reuters) - North Korean leader Kim Jong Un was not gravely ill, two South Korean government sources said on Tuesday, following reports he had undergone a cardiovascular procedure and was now in “grave danger”. Source: Hiiraan Online
  20. Saudi Arabia put to death 184 people in 2019 - a record number for the kingdom - despite a decline in executions worldwide, Amnesty International says. Source: Hiiraan Online
  21. Saudi Arabia oo shaacisay go’aan ku saabsan labada Xaram iyo bisha Ramadaan Dowladda Sacuudiga ayaa Isniintii dheereysay mamnuucidda dadweynaha ee ay kusoo rogtay Masjidka Xaramka iyo Masjidka Nebiga NNKH, taasi oo la sheegay inay sii socon doonto ilaa dhammaadka bisha Ramadan, si looga hortago faafitaanka cudurka Coronavirus. Go’aanka ayaa waxaa lagu sheegay qoraal ay barta twitter-ka soo dhigtay Waaxda Arrimaha Labada Masjidka u qaabilsan qasriga boqortooyada. Labada Masjid ayaa la sheegay in salaadda lagu tukan doono bisha Ramadan, hase yeeshee aan loo ogolaan doonin dadweynaha, taasi oo macnaheedu yahay in imaamyada un ay tagi doonaan. Labada Masjid ayaa waxay leeyihiin Taleefishino oo si toos ah saaladda looga daawado caalamka, taasi oo sii socon doonta, balse aan loo ogolaan doonin shacabka. Go’aankan ayaa yimid maalin kadib markii Golaha Sare ee Culimada Sacuudiga ay ugu baaqeen muslimiinta caalamka inay saaladaha ku tukadaan guryahooda inta lagu guda jiray bisha barakeysan ee Ramadan, haddii dalalka ay joogaan lagu soo rogo amar ah in bulshada kala fogaato, si loo xakameeyo faafitaanka cudurka Coronavirus. Bisha Ramadan ayaa billaabaneysaa dabayaaqada toddobaadka soo socda, waxaana muslimiin badan ay isku diyaarinayaan Taraawiixda. “Marka hore, Muslimiinta waa inay adeecaan go’aanada mas’uuliyiinta dalalkooda ama kuwa ay ku nool yihiin, ee looga gol leeyahay in lagu joogteeyo caafimaadka dadka, laguna xadido faafitaanka cudurka Coronavirus,” ayaa lagu yiri bayan kasoo baxay Golaha Sare ee Culimada Sacuudiga, oo ay baahisay Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee SPA. “Marka xigta, Dhammaan Muslimiinta waa inay soo ka fogaadaan isu-imaatinka, sababtoo ah waa waxa ugu weyn ee horseeda faafitaanka fayruska…waana in Muslimiinta xusuusnaadaan in bad-baadinta nolosha qofka ay tahay cibaado Allah loogu dhowaado.” Qaran News
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Shacabka gobalka Banaadir oo dhan waxaa ka dhaxeeya hal machiin oo ah nooca laga qatao oksajiinta (Ventilator) oo ay dowladda heyso, kadib markii laga joojiyay Isbitaalada gaarka loo leeyahay qaabilaadda dadka u baahan Oksajiin. Baaritaan ay sameysay Caasimada Online ayaa waxaa ku ogaanay in wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ay maamullada Isbitaalada gaarka loo leeyahay ku amartay in aysan qaabili karin bukaan neeftu ku dhegtay oo u baahan Oksajiin, hadii ay qaabilaan-na lagala noqon doono ruqsada shaqada. Dhamaan Isbitaalada magaalada Muqdisho ayaa fuliyay amarkaan waxaana durba laga dareemay magaalada Muqdisho, iyadoo ay dadku ku dhiban yihiin halka Oksajiin ee yaala Martiini kaas oo dadka kaafin karin. Sababta looga joojiyay ayaa lagu sheegay in dadka ay neeftu qabato ama u baahan Oksajiin ay soo maaraan hubin ku saabsan in ay qabaan Covid-19, maadaama neef qabatintu ay qeyb weyn ka tahay calaamadaha Covid-19 sida ay sheegeen masuuliyiinta wasaaradda. Arrintan ayaa looga gol leeyahay in lagu xaqiijiyo in qof qaba COVID-19 uu ayada oo aan laga war-hayn cudurka ku faafiyo isbitaallada gaarka loo leeyahay. Haddii ay go’aankaas u hogaasameen Isbitaaladii Muqdisho waxaa durba si weyn banaanka u timid in aysan dowladda Soomaaliya awoodin in ay baahidaasi qeyb yar oo kamid ah daboosho. Boqolaal shacab ah oo u baahan Oksajiin ayaa saacadihii la soo dhaafay wajahay xaalado adag halka qaarkoodna ay u dhinteen Oksajiin la’aan sida ay noo sheegeen dhaqaatiir iyo xubno qoysaska kamid ah. Maadaama aysan dowladda Soomaaliya awoodin in ay kaafiso baahida caafimaad ee dalka ka jirta maxaa diidaya in Isbitaalada loo fasaxo ama la kordhiyo qalabka Oksajiinka si loo badbaadiyo nolasha dad badan? waa su’aal ay is weydiinayaan dadka Muqdisho. Hadda, hadii aad habeen u baahato Oksajiin haba-yaraatee rajo kama qabtid inaa hesho, haddii aad u baahato maalin-na waxay u baadan tahay 60% in aadan helin maadaama dowladda kaliya ay heysato hal Oksajiin oo yaala Martiina kaas oo kaafin karin dadka u baahan caawinta neefta.
  23. Iiraan oo u hanjabtay ciidamada badda ee Mareykanka Ciidamada badda ee Mareykanka ayaa sheegay in maraakiibta Iiraan “ay aad ugu soo dhawaadeen iyagoo xawaare dheer ku socda” Milatariga Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa Mareykanka ku eedeeyay inay “Ficilladii shirkadda filimada ee Hollywoodka ku wo u eg” ka dhigeyso arrin isbuucii hore ka dhacday biyaha Khaliigka. Mareykanka ayaa markii hore sheegay in maraakiib dagaal oo ay Iiraan leedahay ay fuliyeen tallaabo “dhibaateyn ah” kaddib markii ay Arbacadii aad ugu dhawaadeen 6 markab oo ay leeyihiin iyagu. Laakiin ciidanka Iiraan ayaa sheegay in ay kordhiyeen roondada ay ka sameeyaan biyaha Khaliijka kaddib markii ay maraakiibta dagaalka ee Mareykanka hotaantii bishan wadadda ka hor istaageen markab ay Iiraan leedahay. Xiisadda u dhaxeysa labada waddan ayaa sare u kacday kaddib markii uu Mareykanka bishii January dalka Ciraaq ku dilay janaraal u dhashay Iiraan. Iiraan ayaa si weyn uga carootay dilka Qaasim Suleymaani Bayaan kasoo baxay taliska milatariga Iiraan ayaa lagu faahfaahiyay labo dhacdo oo la sheegay in Mareykanka ay ku xannibeen markabka Iiraan, “iyagoo tallaabooyin halis ah qaadayay iskana dhaga tirayay digniinaha”. Wuxuu bayaanka intaas ku daray in Iiraan ay “jawaab adag” ka bixin doonto fal kasta oo daandaansi ah. Arrinta dhacday Arbacadii ayaa timid hal maalin kaddib markii rag hubeysan – oo la aaminsan yahay inay ka tirsan yihiin ciidamada Iiraan – ay gacanta ku dhigeen marka uu ka babbanayay calanka Hong Kong oo marayay biyaha gacanka Cumaan, islamarkaasna ay ula dhaqaaqeen dhinaca biyaha Iiraan ka hor inta aysan sii deynin. Sidii Mareykanka u sheegay waxa dhacay? Taliska ciidamada badda ee Mareykanka ayaa Milatariga Iiraan ku eedeeyay inay fuliyeen “ficillo khatar abuurayay” oo ka dhan ah maraakiibtooda. 11 markab oo ay Iiraan leedahay ayaa marar badan u dhawaaday 6 markab oo ay leeyihiin ciidamada badda ee Mareykanka iyo kuwa ilaalada xeebaha “Waxayna arbacadii maraakiibta reer Iiraan masaafe aad u dhow u jirsadeen kuwa Mareykanka iyagoo xawaare dheerna ku socda”, sida lagu sheegay warka kasoo baxay Mareykanka. Mareykanka ayaa intaas ku daray inay digniino dhowr ah bixiyeen, laakiin aysan maraakiibta Iiraan dhag jalaq u siinin waxaasoo dhan. BREAKING: 11 Iranian #IRGCN vessels repeatedly conducted dangerous & harassing approaches against U.S. naval ships operating in international waters of North Arabian Gulf. U.S. crews took actions deemed appropriate to avoid collision. Details: https://t.co/ZVKPKv738o pic.twitter.com/lKJgDz0l2N — U.S. Navy (@USNavy) April 15, 2020 Saraakiisha Ciidanka Badda ee Mareykanka ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqyada noocaas ah ay halis u yihiin inay sababaan iskudhac dhex mara labada dhinac, ayna yihiin kuwo kasoo horjeda shuruucda biyaha caalamiga ah. Maxaa ka dhacay Khaliijka? Xiriirka u dhaxeeya labada waddan ayaa xumaa muddo tobannaan sano ah. Laakiin xiisadaha ayaa cirka isku shareeray kaddib markii uu Mareykanka ka baxay heshiiskii laga gaaray xakameynta barnaamijka bacriminta nuclear-ka ee Iiraan islamarkaana uu dib u giijiyay cunaqabateynnadii saarnaa xukuumadda Tehran. Sanadkii lasoo dhaafay ciidanka Iiraan ayaa qabsaday barkab uu ka babbanayay calamka Britain, iyagoo ka aargoosanayay markab ay Iiraan leedahay oo gacanta lagu dhigay isagoo maraya biyaha ay Britain leedahay ee Gibraltar. Labada markab ayaa ugu dambeyntii lasii daayay. Mareykanka ayaa horay Iiraan ugu eedeeyay inay weerartay lix markab oo ku sugnaa gacanka Cumaan iyo inay fulisay weerarro lagu bartilmaameedsaday warshadaha saliidda sifeeya ee Sacuudiga. Hase ahaatee Iiraan ayaa beenisay inay ku lug lahayd falalkaas. Cadwaadda u dhaxeysa Washington iyo Tehran ayaa sii xoogeysatay bishii January, markaasoo Mareykanku ay dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa madaxda milatariga Iiraan. Janaraal Qaasim Suleymaani ayaa lagu dilay duqeyn ay diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyd ee Mareykanka ka fuliyeen dalka Ciraaq. Iiraan oo tallaabadaas ka carootay ayaa gantaallo la dhacday saldhigyo uu Mareykanka ku leeyahay Ciraaq. Qaran News
  24. Makkah (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa Isniintii dheereysay mamnuucidda dadweynaha ee ay kusoo rogtay Masjidka Xaramka iyo Masjidka Nebiga NNKH, taasi oo la sheegay inay sii socon doonto ilaa dhammaadka bisha Ramadan, si looga hortago faafitaanka cudurka Coronavirus. Go’aanka ayaa waxaa lagu sheegay qoraal ay barta twitter-ka soo dhigtay Waaxda Arrimaha Labada Masjidka u qaabilsan qasriga boqortooyada. Labada Masjid ayaa la sheegay in salaadda lagu tukan doono bisha Ramadan, hase yeeshee aan loo ogolaan doonin dadweynaha, taasi oo macnaheedu yahay in imaamyada un ay tagi doonaan. Labada Masjid ayaa waxay leeyihiin Taleefishino oo si toos ah saaladda looga daawado caalamka, taasi oo sii socon doonta, balse aan loo ogolaan doonin shacabka. Go’aankan ayaa yimid maalin kadib markii Golaha Sare ee Culimada Sacuudiga ay ugu baaqeen muslimiinta caalamka inay saaladaha ku tukadaan guryahooda inta lagu guda jiray bisha barakeysan ee Ramadan, haddii dalalka ay joogaan lagu soo rogo amar ah in bulshada kala fogaato, si loo xakameeyo faafitaanka cudurka Coronavirus. Bisha Ramadan ayaa billaabaneysaa dabayaaqada toddobaadka soo socda, waxaana muslimiin badan ay isku diyaarinayaan Taraawiixda. “Marka hore, Muslimiinta waa inay adeecaan go’aanada mas’uuliyiinta dalalkooda ama kuwa ay ku nool yihiin, ee looga gol leeyahay in lagu joogteeyo caafimaadka dadka, laguna xadido faafitaanka cudurka Coronavirus,” ayaa lagu yiri bayan kasoo baxay Golaha Sare ee Culimada Sacuudiga, oo ay baahisay Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee SPA. “Marka xigta, Dhammaan Muslimiinta waa inay soo ka fogaadaan isu-imaatinka, sababtoo ah waa waxa ugu weyn ee horseeda faafitaanka fayruska…waana in Muslimiinta xusuusnaadaan in bad-baadinta nolosha qofka ay tahay cibaado Allah loogu dhowaado.”
  25. Maamulka gobolka Banaadir ayaa bilaabay olole degmooyinka gobolka looga buufinayo xanuunka COVID-19 oo kiisas badan laga helay magaalada Muqdisho. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa daahfuray ololihii ugu horeeyay ee lagu buufinaayo sunta ka hortaga faafinta cudurka Covid-19. Booyada siday sunta looga hortago cudurka faafa ee Coronavirus ayaa lagu buufinayay qaar kamid degmooyinka gobolka Banaadir waxaana ololahaani daah-furkiisa goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir. Barnaamijkaas ayaa la doonayaa in laga sameeyo degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir si loogu xakameeyo faafidda cudurka Coronavirus. PUNTLAND POST The post Maamulka Gobolka Banaadir oo bilaabay olole lagu buufinayo COVID-19 appeared first on Puntland Post.