Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,099
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Asmara (Caasimada Online) – Shir saddex-geesood ah oo ay ku kulmeen Madaxweynayaasha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Eritrea Asias Afwerk iyo Masar Cabdulfataax Alsiisi ayaa ku qabsoomay magaalada Asmara, waxaana qoraal kooban ka soo saartay Villa Somalia. Sidoo kale waxaa bayaan wadajir ah soo saaray dowladaha Soomaaliya iyo Masar oo isla qaatay arrimaha la xiriira xasilloonida gobolka, iskaashiga amniga marin-badeedka Badda Cas iyo Baabu Al-Mandab. Shirkan ayaa ku soo aaday, iyadoo uu sii xoogeysaneyo xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, sidoo kalena uu xumaaday xiriirka Itoobiya iyo Eritrea. Caasimada Online ayaa horay u baahisay in Xasan Sheekh Maxamuud, Cabdulfataax Al-Siisi iyo Isaias Afwerki ay dhisi doonaan isbaheysi saddex geesood ah oo ay ku mideysan yihiin dalalka Soomaaliya, Masar iyo Eritrea oo haatan saddexdooda is hayaan Itoobiya. Isbaheysiga lagu dhisayo Asmara ayaa ujeedkiisa waxa uu yahay isbaheysi goboleed muhiim u ah dheelitirka xaaladda Geeska Afrika oo haatan ay ka jirto xiisad culus, arrinta ugu weyn ee iskaashigaan loo aas-aasayo waa ka hortaga damaca guracan ee badda uga jira Itoobiya. Soomaaliya oo ay is hayaan Itoobiya ayaa maalmihii u dambeeyay galaangal xoogan la sameyneysay Masar iyo Eritrea oo iyaguna ay si xun ay isugu dhacsan yihiin Itoobiya. Isbaheysigaan cusub ayaa qalqal hor leh ku abuuraya Itoobiyaanka, waxaana suurtagal ah in ay is dhibaan oo heshiis dalbadan, maadaama isbaheysigaan oo khatar ku yahay jiritaanka Itoobiya. Soomaaliya ayaa leh doorka ugu weyn ee isbaheysigaan, waxaana muhiim ka dhigaya istaraatiijiga dhulka iyo galaangalka guuleystay ee dowladda Soomaaliya ay soo bilowday markii Muuse Biixi uu si sharci darro ah deked iyo dhul badan oo beriga ah ugu saxiixay Itoobiya. The post Daawo: Bayaanka shirkii Asmara iyo qorshaha rasmiga ah ee Masar iyo Somalia appeared first on Caasimada Online.
  2. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiiradda Jubbaland oo looga hadlay xaaladda dalka. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa golihiisa wasiirrada la wadaagay warbixin ku saabsan shirkii uu isaga soo tegay ee Golaha Wadatashiga Qaranka. Madaxweynaha Jubbaland ayaa warbixintiisa golaha wasiirrada ku faahfaahiyey xaaladda siyaasadeed ee dalka, arrimaha amniga iyo hormarinta dalxiiska Jubaland. Madaxweynaha ayaa cadeeyey mowqifkiisa doorashada, isagoo golihiisa la wadaagay waqtiga rasmiga ah ee Jubaland ay geleyso doorashada madaxweynaha iyo baarlamaanka. Inkastoo aan la baahin xogtaan oo golihiisa kaliya uu la wadaagay madaxweynaha Jubaland, hadana ilo wareedyo xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Axmed Madoobe cadeeyey in Jubaland doorasho geleyso bisha 11-aad ee sanadkaan. Sidoo kale wuxuu Madaxweynuhu golihiisa warbixin ka siiyey qodobada la isku mari waayey ee shirka golaha wadatashiga qaranka, kuwaas oo markii danbe sababay in Axmed Madoobe uu Muqdisho isaga tago, isagoo ka xun sida ay wax u socdaan. Axmed Madoobe ayaa diiday in madaxda dowlad goboleedyada loo sameeyo muddo kororsi hal sano ah, kadibna 2025 dhamaadkeeda ay galaan doorasho qof iyo cod ah. Madaxweynaha Jubbaland ayaa ku taliyey in doorasho dadban la geliyo dowlad goboleedyada, lagana baaqsafo muddo kororsi, kadibna loo diyaar garoobo doorasho qof iyo cod ah oo ah hiigsiga Soomaaliya. The post Axmed Madoobe oo isugu yeeray golihiisa wasiirrada, lana wadaagay go’aankiisa appeared first on Caasimada Online.
  3. Madaxweyneyaasha dalalka Soomaaliya, Masar iyo Eritrea ayaa kulan muhiim ah ku yeeshay magaala-madaxda dalka Eritrea ee Asmara. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulankaas war ka soo saartay ayaa sheegtay in hoggaamiyaashu ay ka wada-hadleen arrimo muhiim ah oo ku saabsan gobolka iyo caalamkaba. “Madaxda saddexda dal waxay ku nuuxnuuxsadeen sida ay lagama maarmaanka u tahay in loo hoggaansamo mabaadi’da aasaasiga ah iyo tiirarka sharciga caalamiga ah maadaama ay yihiin aasaaska lagama maarmaanka u ah xasilloonida iyo iskaashiga gobolka, gaar ahaan ixtiraamka buuxda ee madax-bannaanida, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka gobolka” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya. Sidoo kale waxaa qoraalka wasaaradda lagu xusay in ka hortagga faragelinta arrimaha gudaha ee dalalka gobolka, iyo isku dubaridka dadaallada wadajirka ah ee lagu gaarayo xasilloonida gobolka iyo abuurista jawi wanaagsan oo horumar guud ah oo waara dhala ay madaxdu hoosta ka wada xariiqeen. Wasaaradda ayaa sheegtay in dhinacyadu ay ku heshiiyeen in la dhiso guddi saddex geesood ah oo isku dhaf ah oo ka kooban wasiirrada arrimaha dibadda ee Eritrea, Masar, iyo Soomaaliya. Source: goobjoog.com
  4. Mogadishu (HOL) — The United Kingdom and Somalia have introduced a joint resolution on Thursday at the United Nations Human Rights Council (UNHRC) to extend technical assistance for Somalia's human rights reforms and renew the mandate of the Independent Expert on Somalia. Source: Hiiraan Online
  5. In Arabic, “al maghfirah” means forgiveness. Forgiveness — and hope — were on display Tuesday as two dozen people gathered in a desiccated field south of Farmington to break ground on Al Maghfirah Cemetery after a decade of delays and legal challenges. Source: Hiiraan Online
  6. The leaders of Egypt, Somalia and Eritrea – countries which all have strained relations with Ethiopia – have been meeting in the Eritrean capital, Asmara. Source: Hiiraan Online
  7. Shirkadda diyaaradaha Kenya Airways ayaa sheegtay inay hakineyso duulimaadyadii ay ku imaan jirtay dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, laga billaabao 14-ka October. War-saxaafadeed ay soo saartay ayay shirkadda ku sheegtay in ay go’aankan qaadatay ka dib markii ay la kulantay culaysyo iyo caqabado dhanka shaqadeeda oo aysan faah-faahin dheeraad ah ka bixin. Hay’adda duulista rayidka ah ee Soomaaliya ayaa dhowaan mid kamida duulimaadyada diyaaradan muddo kooban ku xayirtay garoonka Aadan cadde ka dib markii la sheegay in muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku safrayay ay dhibaato kala kulmeen. Si kastaba ha ahaatee lama oga in caqabadaha ay shirkadaha diyaaradaha Kenya Airways sheegtay ay yihiin kuwa ay garoonka muqdisho kala kulanto iyo in culaysyadu dhinacyo kale ka haystaan. Source: goobjoog.com
  8. Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ay hoggaaminayso Marwo Marina Walter oo ah Ku-Xigeenka Agaasin Goboleedka Dalalka Carabta ee Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP). Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS iyo wafdigaan ayaa kawada hadlay horumarada Soomaaliya ka sameysay sannadihii la soo dhaafay dhinacyada dowlad-dhiska, horumarinta arrimaha bulshada, soo kabashada dhaqaalaha, amniga, xasillinta degaannada laga saaray kooxda Alshabaab, iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay. Source: goobjoog.com
  9. Presidents Abdel Fattah Al-Sisi of Egypt, Isaias Afwerki of Eritrea, and Hassan Sheikh Mohamud of Somalia met in the Eritrean capital Thursday for a Tripartite Summit focused on strengthening relations between the three countries and addressing regional security concerns. Source: Hiiraan Online
  10. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/10/VID-20241010-WA0026.mp4 Qaran News
  11. 462397236_536394052661409_8234544258943336469_n Qaran News
  12. Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Asmara kulan xasaasi ah kula qaatay dhigiisa Eritrea Isaias Afwerki. Kulankaan ayaa waxay labada hoggaamiye uga wada-hadleen xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Eritrea, gaar ahaan arimaha Geeska Afrika oo Itoobiya ay qalalaase ka abuurtay, iyagoo isla qaatay arrimo dhowr ah. Labada hoggaamiye ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Eritrea, gaar ahaan arrimaha ilaalinta madax-bannaanida, xuduudaha dhuleed iyo midnimada qaranka Soomaaliyeed. Sidoo kale waxay labada madaxweyne tilmeemeen in dhisidda dowlad xooggan oo horumarsan ay mar walba ku xiran tahay dhisidda hay’ado madax-bannaan oo awood leh, sida kuwa amniga iyo difaaca. Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhigiisa Eritrea ayaa sidoo kale ka hadlay kaalinta muhiimka ah ee Eritrea ka qaadato tababarka ciidamada Soomaaliya, iyagoo isku raacay in la ballaariyo iskaashiga dhinacyada kale si looga hortago caqabadaha horumarineed ee Soomaaliya ka jira. Si kastaba, Soomaaliya iyo Eritrea ayaa haatan ka shaqeynaya sidii labada dal ay ugu midoobi lahaayeen cadowgooda Itoobiya, oo iyadu ku kacday xad-gudub ka dhan ah qarannimada Soomaaliya. Itoobiya ayaa heshiis sharci darro ah la saxiixatay Somaliland, kaasi oo u gogol xaaraya in Itoobiya ay hesho dhul badeed, waxaana is-afgaradkan meel adag iska taagtay dowladda federaalka ah oo ayadu caalamka tustay gardarrada Itoobiya iyo cawaaqibta ka dhalan karta. The post Xasan Sheekh iyo Afwerki oo isla qaatay laba arrin oo xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.
  13. STOCKHOLM, Sweden (HOL) — A Swedish appeals court upheld the life sentence of Mohamedamin Abdirisek Ibrahim, a 22-year-old man, for the murder of his pregnant girlfriend, Saga Forsgren Elneborg, in Örebro, Sweden, in April 2023. Ibrahim had challenged the initial ruling, but the appeal court reaffirmed that the evidence overwhelmingly demonstrated his guilt. The Örebro District Court convicted Ibrahim of murder in June 2024 Source: Hiiraan Online
  14. Madaxweynaha dalka Masar mudane Cabdifitaax Casiisi ayaa gaaray magaala madaxda dalka Eritrea ee Asmara, halkaas oo ay si diirran ugu soo dhaweeyeen dhiggiisa Asias Afwerki iyo madax kale oo dowladdiisa ka tirsani. Sidoo kale waxaa dalkaas shalay ka degay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayo. Madaxweynayaasha Eritrea, Masar iyo Soomaaliya ayaa shir saddex geesood ah uga furmaya magaalada Asmara, kaasoo looga hadlayo iskaashiga Gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas. Shirkan ayaa ku soo aaday, iyadoo uu sii xoogeysaneyo xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, sidoo kalena uu xumaaday xiriirka Itoobiya iyo Eritrea. Source: goobjoog.com
  15. Abu Dhabi (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo booqasho rasmi ah ku joogo dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta ayaa kulamo xasaasi ah ka bilaabay magaalada Abu Dhabi. Sheekh Aadan Madoobe ayaa la kulmay dhiggiisa dalka Imaaraadka Carabta Mudane Saqr Ghobash. oo ay ka wada-hadleen arrimo dhowr ah oo ku aadan labada dowladood. Inta uu kulanka socday waxaa diirada lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan labada baarlamaan, iskaashiga iyo wada shaqeynta labada dhinac iyo sidii kor loogu qaadi lahaa. Aadan Madoobe oo madasha ka hadlay ayaa sidoo kale dhigiisa uga mahad-celiyay casuumaada rasmiga ah ee uu u fudiyay iyo qaabilaada kulanka ka dhacay xarunta baarlamaanka Imaaraadka Carabta. Kulamada ayaa sii socon doono, ayada oo Sheekh Aadan Madoobe uu la shiri doono madax kale oo ka tirsan dowladda Imaaraadka, inta uu ku sugan yahay magaalada Abu Dhabi. Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa qeyb ka ah Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta iyo sidoo kale xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ku matala Baarlamaanka Jaamacada Carabta. Imaaraadka ayaa kamid a dowladaha xiriirka xoogan la leh Soomaaliya, waxaana safaro kala duwan dalkaas ku tega madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka. The post Maxaa kasoo kordhay safarka Aadan Madoobe ee Imaaraadka Carabta? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  16. 462522497_1073175517799207_8080640687217960169_n Qaran News
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil ay maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab maanta ka gaysteen gudaha degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kaas oo loo gaystay saddex ganacsato ah oo ku sugnaa degmadaasi. Ganacsatada saddexda ah ee la dilay ayaa ku sugnaa goobahooda ganacsi, waxaana weeraray maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo toogtay, kadibna baxsaday. Wararka ayaa sheegayan in ganacsatadan loo beegsaday kaamirooyin ay ku xireen dukaamadooda, kadib markii ay amartay dowladda Soomaaliya. Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa innoo sheegay in ragga la dila ay indhowanahaan hanjabaad kala kulmayeen kooxda Al-Shabaab, balse ugu dambeyn la khaarijiyay. Sidoo kale waxaa goobta uu dilku ka dhacay gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo maydadka marxuumiinta kasoo qaaday halka lagu dilay, waxaana la geeyay xarunta C.I.D. Dilkan waxaa ka horreeyay mid kale oo isna xaafadda Suuqa Xoolaha dhowaan loogu gaystay ganacsade Cabdinaasir Daahir Diirshe oo goobtiisa ganacsi ku xiray Kaamiro CCTV, waxaana toogasho ku dilay rag afka soo duubtay oo ugu tegay xaruntiisa ganacsi. Horay sidaan oo kale Al-Shabaab ayaa u beegsatay goobo ganacsi oo lagu xiray kaamirooyinka CCTV, kadib amar kasoo baxay dowladda, waxaana xarumaha qaar lala beegsaday qaraxyo u geystay khasaarooyin lixaad leh. Inta badan ganacsatada ayaa u hoggaansamay amarka dowladda, laakiin waxa ay u noqdeen dhibanayaal, maadaama ay beegsanayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab. The post Saddex ganacsato ah oo lagu dilay Muqdisho + Sababta ka dambeysa appeared first on Caasimada Online.
  18. Cutubyo ka tirsan ciidamada difaaca Puntland oo ka gadoodsan mushaar la’aan ayaa saaka qabsaday kantaroolka waqooyiga Gaalkacyo. Ciidamadani oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka ayaa la xaqiijinayaa in ay gebi ahaanba qabsadeen kantaroolka waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Sarkaal ka tirsan ciidamada gadoodsan ayaa sheegay in ay ka cabanayaan mushaar iyo xuquuq mudda bilo ah kaga maqan dowladda islamarkaana dalbanayaan in sida ugu dhakhsaha badan loo siiyo xuquuqdooda. Dhinaca kale dowladda Puntland weli kama jawaabin cabashooyinka mushaar la’aanta ee ka imaanaysa ciidamada iyo shaqaalaha kuwaasi oo la sheegay in aysan mudda bilo ah qaadan wax mushaar ah. PUNTLAND POST The post Puntland: Ciidamo ka gadoodsan mushaar la’aan oo qabsaday kantaroolka waqooyiga Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.