Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Trump oo galay Kaniisad+Hogaamiyayaasha Diinta Kiristaanka oo ka biyo diiday qadiyadaas & hab-dhaqankiisaba Madaxweyna Donald Trump ayaa muran badan ku abuuray sawirkan Madaxweyna Donald Trump wuxuu xalay isasoo sawiray isagoo kitaabka masiixiyiinta gacanta ku haya, oo hor taagan kaniisadda St John’s Episcopal, oo ka soo horjeedda Aqalka Cad. Maantana wuxuu booqan doonaa macbadka St John Paul II, oo laftiisa ku yaalla isla magaalada Washington. Laakiin sida uu Mr Trump ugu weecday dhinaca diinta ma aysan soo dhaweynin qaar ka mid ah wadaaddada, xilli uu waddanka Mareykanka dhib weyn kala kulmayo arrimaha la xiriira cudurka safmarka ah iyo dibadbaxyada siyaasadeed. Mariann Budde, oo ka mid ah wadaad diimeedyada ayaa yiri: “Madaxweynuhu wuxuu iska isticmaalay kitaab, hadallada uu adeegsadayna ma aha kuwo uu fasax u heystay, taasina way naga yaabisay.” James Martin, oo isagana ah baadari kale oo xiriir la leh Vatican-ka ayaa bartiisa Twitterka kusoo qoray hadallo uu ku dhaliilayo madaxweyne Trump. “Aan wax kala caddeeyo. Kitaabku ma aha wax lagu gabbado. Kaniisaddu ma aha meel loogu talagalay in la isku sawiro. Diintu ma aha qalab loo adeegsado siyaasadda. Alle ma aha wax aad ciyaar ka dhiganeysid.” ayuu kusoo qorat Twitter-ka. Mr Trump si cad uma uusan sheegin sababta uu tallaabadaas u qaaday. Laakiin faallooyin kala duwan ayaa laga bixinayaa xeeladdan uu adeegsaday ee ku saabsan dhinaca diinta. Sanadkii 2016-kii, Mr Trump wuxuu ku guuleystay 81% ka mid ah codadka dadka caddaanka ah ee masiixiyiinta ah, gaar ahaan kuwa heysta mad-habta katoliga. Markii la isbarbardhigo isaga iyo haweeneydii xilka madaxweynaha kula tartameysay, 60% ka mid ah dadkaas waxay u codeeyeen Trump, halka 37% kaliya ay codadkooda siiyeen Hillary Clinton. Arrintan ayaa kusoo aadday xilli ay Mareykanka muddo hal isbuuc ah gilgilayeen mudaharaadyo looga soo hor jeedo dilkii George Floyd, oo ahaa nin madow ah oo 25-kii bishii lasoo dhaafay ku dhintay gacanta booliska. Trump oo ku hanjabay inuu milatari u adeegsanayo soo afjaridda rabshadaha Madaxweynaha Mareykanka ayaa ka digay inuu howlgalin doono milatari kala eryi karo dadka uu sheegay inay xasiloonidarrada ka wadaan dalka Mareykanka oo dhan. Wuxuu Trump ku dhaliilay maamullada magaallooyinka iyo baraasaabyada gobollada in ay ku guul dareysteen xakameynta mudaharaadyada iyo “iney difaacaan shacabka” sidaa darteed uu ciidama milatari oo rabshadahaasi soo afjaro howlgelinayo. Mudaharaadyada looga soo horjeedo dilka loo geystay George Floy ayaa maalinti toddobaad ka socda dalka Mareykanka. Xilliga uu Mr Trump aqalka cad warbaahinta kula hadlayey, boolisku waxay sunta indhaha ka ilmeysiisa ku kala eryeen boqollaal dibadbaxayaal ah oo mudaharaad halkaasi ka waday Qaran News
  2. Wasiirka Biyaha Dowladda Suudaan Yaasir Cabbaas ayaa sheegay in ay dib u bilaabayaan kulamo ku saabsan xal u helidda Muranka Biyaha Xireenka webiga Niilka oo ay la yeelan doonaan mas’uuliyiin ka socda dalalka Masar iyo Itoobiya. Wakaaladda Wararka Dowladda Suudaan ayaa wasiir Cabbaas ka soo xigatay in ay laba Wefdi oo ka socda Masar iyo Itoobiya ay kulamo gaar gaar ah la yeelan doonaan Arbacada Barriya si dib loogu bilaabo Wada-xaajoodka saddex geesoodka ah ee Muranka Biya Xireenka Webiga Niilka. Saddexda waddanka waxaa u dhexeeya Muran ku salaysan Biya Xireenka ay Dowladda Itoobiya ka dhisayso Webiga Niilka kaas oo ay diiddan yihiin dalalka Suudaan iyo Masar balse Khilaafka ugu adag ayaa haatan ka dhexeeya Masar iyo Itoobiya. Khilaafkaas ayaa sidoo kale saameeyay Xiriiirkii Dibloomaasiyadeed ee labada Waddan ( Masar iyo Suudaan) kaasi oo aad hoos ugu dhacay sababa la xiriira Biya Xireenka Webiga Niil. PUNTLAND POST The post Suudaan oo sheegtay in dib loo bilaabayo Wada-xaajoodkii Muranka Webiga Niilka appeared first on Puntland Post.
  3. Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) ayaa shir-gudoomiyay kulanka degmooyinka ee Maamulka Gobolka Banaadir, oo todobadkii mar la qabto. Kulankaasi waxaa goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir, Taliyaha qeybta guud gobolka Banaadir ee ciidanka Booliiska Soomaaliya S/Guuto Saadaq Cumar Xasan, guddoomiyaasha degmooyinka, Taliyaasha saldhigyada iyo taliye qeybeed yada gobolka Banaadir iyo sidoo kale gudoomiye ku xigeenada maamulka gobolka banaadir iyo taliyaha Booliska ee Gobolka Banaadir. Qoraal ka soo baxay Xafiiska duqa Muqdisho ayaa lagu sheegay in kulanka loogu mahadceliyay ciidanka amniga ee qaabilsan gobolka Banaadir sida ay ugu guuleesteen sugida amniga Caasimadda bishii barakeysneed ee Ramadaan iyo sida ay ula shaqeeyeen maamulka gobolka banaadir iyo maamulada degmooyinka. “Waxaan uga mahadcelnineynaa Ciidamada Amniga Sugida amniga Caasimada bishii kheyrka badneed ee inoo soo dhammaatay ee Ramadaan sida ay u sugeen amniga iyo sida ay ula shaqeeyaan shacabka, maamulka gobolka banaadir iyo maamulada degmooyinka” ayuu qoraalku ka soo xigtay guddoomiye Cumar Finish oo kulankaas ka hadlay. PUNTLAND POST The post Laamaha Amniga gobolka Banaadir oo looga mahadceliyay xaqiijinta Amniga appeared first on Puntland Post.
  4. Xisbiga Hayaan ayaa kadib markii uu daraasad ka sameeyay suurtagalnimada in doorasho qof iyo cod ah ay ka dhici karto Soomaaliya wuxuu soo saaray Tala-soojeedin ku aaddan doorashada madaxtinimada dalka ee soo socota. Xisbiga ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray kaga digay in qalalaase siyaasadeed la geliyo dalka waxaana uu ku baaqay in la qabto doorasho xor ah oo madax-bannaan islamarkaana wakhtigeeda ku qabsoonta. Sidoo kale Xisbiga ayaa soo jeediyay in madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyadu ay gaaraan heshiis ku meel gaar ah iyagoo u danaynaya baahida loo qabo in isbeddel deg deg ah yimaado. War-saxaafadeedka Xisbiga Hayaan ayaa sidoo kale madaxda dowladda Federaalka ugu baaqay in ay ka tanaasulaan wixii mudda kororsi ah iyagoo u turaya nabadda dadka iyo dalka. Dhinaca kale Xisbiga ayaa Beesha Caalamka ku boorriyay in ay gogosha wada-hadalka ballaariyaan oo aysan ku kooban madaxda wakhtigoodu gabaabsiga yahay. Halkaan ka akhriso war-saxaafadeedka Xisbiga Hayaan PUNTLAND POST The post Xisbiga Hayaan oo war ka soo saaray doorashada madaxtinimada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  5. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta markii u horeysay ka hadlay baaq xasaasi ahaa oo dhawaan kasoo baxay qaar kamid ah bulshada reer Somaliland, kaasi oo loogu magac daray ‘baaq shacab’. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa si cajiib ah uga jawaabay qeybo kamid ah baaqaasi, taasi oo lagu dhaliilayay hanaanka loo wado aqoonsi raadiska iyo maxsuul la’aanta lugaha la gashay 30-ka sanno. Muuse Biixi ayaa sheegay inay wax badan u qabsoomeen Somaliland, xili ay qaar kamid ah bulshadu rumeysan tahay in gebi ahaanba lagu khasaaray madax-banaanid ay ku doodo Somaliland. Sidoo kale waxa uu wax lala yaabo ku tilmaamay dadka reer Somaliland ee ku baaqaya in dib loo soo celiyo midnimadii luntay. “Somaliland, 30-kaa sano Dawlado ma ictiraafin, dhaqaale buuran lama siinin, IMF waxba ma siinin, Cidi wax u sheegan mayso, 30-kaa sanadoodna way koraysay oo maalinba Tallaabo ayay qaadaysey, waana Qarankaa dhisan ee aan Cidna aqoonin Ilaahay mooyaane, waa kal-samaanta iyo Isku Kalsoonida, waa wax wada qabsiga, waa marka wax la kala tirsado isku tanaasulka, waa marka aad wax qoonsato Qaranka dhowr, laakiin Dantaada sheego” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi. Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaan la yaabay, Dad halkan jooga ayaa waxay yidhaahdaan Midnimo iyo Dalkii jiray iyo waxaa soo hadal qaada oo halkee ka socotaa? Soomaalidu inay midowdo, Sharaf yeelato oo ay wax noqoto waynu ugu jecel nahay”. “Markaa Ninka maanta Xamar u hadaaqaya ama hadal-haya ama Somaliland u dhaleecaynaya xiriir uu Xamar la yeesho iyo wuxuu ka doonayo berito ama Ninka Baarlamaanka Xamar ee la hadal hayo Gaashaanka u tumanayoow, waar ma Qaran-baad eegaysaa mise naftaada”.
  6. Any forced evictions of internally displaced persons in Mogadishu or other parts of Somalia would risk spreading Coronavirus among the most vulnerable populations, agencies have warned. Source: Hiiraan Online
  7. Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/06/Bar___Qubanaha-02062020.mp3 View the full article
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Guddiga isku dhafka ah ee loo xil saaray dhammeystirka xeerarka doorashooyinka qaranka xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow ayaa wareysi uu siiyey BBC-da farriin ugu diray beelaha Muqdisho ee u doodaya in magaalada ay hesho xuquuqda ka maqan. Ibraahim Isaaq Yarow, oo kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed, ayaa sheegay in go’aan ka gaarista matalaad uu helo gobolka Banaadir ay tahay arrin u taalla baarlamanka oo cid gaar ah aysan waxba ka dhihi karin. “Arrinta matalaadda Aqalka sare ee gobolka Banaadir, cid gaar ah waxba kama dhihi karto. Sidaas darteed arrintaas waxay ka mid tahay waxyaabaha baarlamaanka hortagi doona ee uu xal ka gaari doono,” ayuu yiri. Waxa uu sidoo kale sheegay in Muqdisho ay tahay magaalo dadka kasoo jeeda ay ka kooban yihiin umadda Soomaaliyeed oo dhan, oo aanay ahayn beel gaar ah. “Dadka kasoo jeeda deegaankaas – oo umadda Soomaaliyeed oo dhan ka koobanna – dadaal badan bay wadeen, baaqyo badan bay soo jeediyeen, oo ay leeyihiin xuquuq baan leenahay, waana in goleyaashii nalagu matalo, waxaana u baahan nahay in baaqeenna laga jawaabo,” ayuu yiri. Hadalka Ibraahim Siaaq Yarow ayaa imanaya ayada oo guddiga uu hoggaamayo uu dhowaan soo jeediyey in gobolka Banaadir 7 xubnood laga siiyo Aqalka Sare, balse lagu qeybiyo habka 4.5. Qorshahaas ayaa waxaa aad uga horyimid beesha Mudulood oo ah beesha ugu badan ee degta Muqdisho, hase yeeshee hadalkan cusub ee kasoo yeeray Ibraahim Isaaq Yarow ayaa caddeyn u ah sida ay u luntay saameyntii ay beeshan ku lahayd siyaasadda Soomaaliya, oo hadda ay mareyso in aayahooda ay go’aamiyaan dad gobollo kale ka yimid, ayaga oo aan waxba ka qaban karin, haddii ay hadlaanna aanay jirin cid dhageysata. Waxaa horey u jiray tijaabooyin dhowr ah oo la qaaday si gobolka looga dhigo mid aanay beel gaar ah sheegan karin kuwaas oo lagu guuleystay kadib markii Muduloodka ay ka hadli waayaan, waxaana tallaabada guddigan uu qaaday loo arkaa tijaabadii ugu dambeysay. Halkan ka aqriso warbixintaas.
  9. Authorities in Somalia’s Hirshabelle state reported that they managed to track down the minibus driver who transported the 8 civilians after they were forcefully abducted by unidentified gunmen on Wednesday and were brutally executed with their bodies dumped in the outskirts of Gololey village near Bal’ad district the following day. The driver whose name is yet to be released has been detained and transferred to the criminal Investigation Department in Mogadishu for further interrogation. Mohamed Ali Madobe, a clan elder at the village where the young men were killed says the car belonged to a civilian and the armed men allegedly carjacked the owner whom they forced him to follow their command leading to the kidnap of the health workers at Zamzam Foundation in Galooley village. Meanwhile, the clan elder further said the driver will help the police authorities to detect those criminals who committed the heinous crime so that justice is served. The executions shocked the residents of Balad town, triggering protests against what they called the “brutal execution of civilians.” The protesters, wearing red piece of cloth in their heads, marched through main streets of the town Friday, calling on the authorities to immediately arrest those involved in the brutal execution. The federal government, the United Nations and international groups condemned the incident, called for a transparent and thorough investigation.
  10. Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa ku dhawaaqday xulufo ka dhan ah Dowladda Turkiga oo ay ku jiraan Greece, Qubrus, Imaaraadka Carabta, iyo Faransiiska si looga hortago dhaq-dhaqaaqa Turkiga ee Libya iyo badda Meditareeniyaan-ka. Ku dhawaaqistaan ayaa waxay timid kadib shir muuqaal ah oo ay wasiiradda arrimaha dibadda dalalkan yeesheen 11-kii May, sida xog cusub lagu ogaaday. War ay soo saareen ayey ku sheegeen, in xulufaddu ay diiradda saari doonto ka hortagista dhaq-dhaqaaqa Turkiga ee Qubrus, halkaas oo ay Turkiga ku eedeeyeen in uu si sharci darro ah dhulka wax ugala baxayo. Xulufaddu waxay sidoo kale cambaareeyeen xadgudub ay sheegeen in Turkigu uu ku sameeyay hawadda Greece. Midowga Europe ayaa 16-kii May cambaareeyay howlgallo khayraad baaris ah oo Turkigu ka waday Qubrus tan iyo bishii April ee sanadkaan. Warka xulufadda waxaa sidoo kale lagu cambaareeyay ficiladda Turkiga ee Libya iyo heshiis isfaham ah oo ay labada Dowladood ka gaareen xuduudda Meditareeniyaan-ka iyo iskaashi militariga iyo amniga ah. Heshiiskaas waxaa ay Dowladuhu kala sixiixdeen bishii November 2019. Bishii May 14-keedii, shirkadda baarista shidaalka ee Turkiga ayaa codsi u gudbisay Dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Libya, kaasi oo ay kaga dalbatay ogolaansho ay shidaal baaris uga sameyso dhinaca bari ee badda Meditareeniyaanka. Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa 17-kii May waxa uu sidoo kale Ra’iisul wasaaraha Libya Fayez al-Sarraj lala hadlay tallaaboyinka lagu fulinayo isfahamka la gaaray. Xulufadda liddiga ku ah Turkiga waxa ay cambaareeysay dagaalka ka socda Libya, waxayna Turkiga ugu baaqday in uu joojiyo dagaalamayaasha shisheeye ee ay uu ka waday Suuriya islamarkaana geeyay Libya. Dhaq-dhaqaaqa military-ga Turkiga ee Liibiya ayaa beddelay jihadii dagaalka u dhaxeeyay xukuumadda Tripoli iyo dagaal-ooge, Jeneral Khaliifa Xaftar. Ciidanka Xaftar waxay dib uga gurteen garoonka Al-Watiya kadib weerar adag oo ay ku qaadeen ciidamada Dowladda oo gacan ka helaya kuwa Turkiga, sida uu sheegay Axmed Al-Mismari oo ah afayeenka ciidanka Khaliifa Xaftar. Warka kasoo xulufada ka dhanka ah Turkiga waxaa lagu soo geba-gabeeyay in ay sii wadi doonaan wadatashiyo joogto ah oo lagu xaqiijinayo dadaalka xulufada ee ah in Turkiga lagu hayo gacanka Meditareeniyaanka. Warkaani waxaa uu kiciyay caradda Ankara. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay in Ankara ay ku guuleysatay in ay ka hortagto qorshihii burburinta ee dalalka Imaaraadka, Masar iyo Ruushka iyo dadaalkooda ay ku taageerayaan afgambiga Libya. Masar iyo Imaaraadka Carabata waxay si furan u tageeraan Jeneral Khalifa Xaftar. Madaxweynaha Masar Cabdul Fitaax Al-sisi ayaa ku dhawaaqay December 2019 “waan taageereynaa Khalifa Xaftar, kamana tagi doono.” Bishii April ee sanadkaan Imaaraadka Carabta ayaa amaanay dadaalka Khalifa Xaftar ee ka hortagga maleeshiyaadka xagjirka ah ee Libya, sida hadalka loo dhigay. Tariq Fahmy oo ah professor cilmiga siyaasadda ka dhiga jaamacadda Qaahira ayaa u sheegay wargeyska Al-Monitor, “Xulufadda shanta dhinac waxay ku guuleysteen hadafkoodii ugu horreeyay ee inay soo jeediyaan dareenka Ankara, taasi oo ku cad warka wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ay ku weerartay wadamadaas.” Waxaa uu sheegay “in ka mid noqoshadda Faransiiska ee xulufadaas ay muhiimad ku fadhiso, maadaama loo arko awood ka tirsan Midowga Yurub, kaasi oo ka qayb qaadan kara cuneqabateyn lagu soo rogo Turkiga.” Fahmi waxaa uu intaas ku daray in “Faransiisku uu door muhiim ah ka cayaari doono xulufadda sababtoo ah waa xubin joogto ah oo ka tirsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, sidaas darteedna waxaa uu codka qayaxan dul saari karaa go’aan kasta oo la xiriira dhaq-dhaqaaqa Turkiga ee Libya.”
  11. Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa taageero u muujiyey hadalkii Ra’iisul Wasaare Kheyre uu hoosta uga xariiqay in xukuumadiisa ay ka go’antahay in dalka doorasho la isla ogolyahay ay ka dhacdo xilligeeda. Madaxweyne Deni ayaa bogaadiyay hadalkaas kasoo yeeray Ra’iisul wasaaraha, isaga oo ka dalbaday in hadalkaas uu ficil u bedelo. “Waxaan rabaa in aan ku bogaadiyo golaha xukuumadda federaalka iyo Ra’iisul wasaaraha uu ka jeediyey shirkii u dambeeyay ee Khamiislaha, kaas oo golaha uu kula dardaarmay sidii doorashadu waqtigeeda ugu dhici laheyd, doorasho saamileyda siyaasada dalku ay ka tashadeena ay u dhici laheyd, runtii hadalkaas waa mid mugleh, waana hadalkii ay Puntland ku baaqi jirtay,” ayuu yiri Deni. Isaga oo hadalkiisa sii watay ayuu yiri, “Waxaan u baahanahay hadalkii Ra’iisul wasaaraha oo ficil ah, oo wado sax ah loo maray, weli waxaan muuqan shirarkii aan ku baaqnay marar badan, kuwaas oo ahaa in dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah ay kulmaan, si ay uga arinsadaan doorashada nagu soo fool leh, in dib u dhac uusan ku imaan xilliga doorashada waa arin muhiim ah.” Madaxweyne Deni ayaa sheegay in wax kasta oo saamileyda siyaasada dalka aysan ku heshiin aysan Puntland aqbali doonin. “Baarlamaanka aan xulashada shacabka Puntland ku imaan ee hada waqtigiisa ay ka harsantahay afar bilood go’aan nagama gaari karaan arintaas si cad ayaan u sheegeynaa, in lagu kadsoomana ma rabno, go’aanka Puntland golayaasheeda kala duwan ayuu dhex yaallaa iyo waxgaradkeeda, iyaga ayaana masiirkooda ka tashan doona,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Madaxweyne Deni oo khudbadiisii bilaha aheyd ka jeedinayey Garowe. Hoos ka dhageyso codka Deni https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/06/Deni.mp3
  12. Garowe (PP News Desk ) — Puntland traditional leaders have ended the constitutional crisis caused by conflicting interpretations of the role of the Vice President in ministerial appointments. Influential traditional leaders of Puntland today met Puntland President Said A. Deni and Vice President Ahmed Elmi Karaash separately to bring to an end a political rift that had brought the government of the Federal Member State to standstill. Garaad Saleebaan ( first from left, seated) and Islaan Essa (second from right) have led elders’ mediation effort Traditional leaders held a meeting today with President Deni and Vice President Ahmed Karaash to publicise the outcome of elders’ mediation effort. Puntland Parliamentary Speaker Abdirashid Jibril and the First and Second Deputy Speakers attended the meeting. In a press release traditional leaders noted the successful reconciliation between Puntland President and Vice President. “We have resolved political differences between the Puntland President and Vice President. We urge people in Puntland to support unity and governance and refrain from any actions that jeopardise cohesion and security” reads the press release. It is not clear if the agreement will rescind the cabinet reshuffle made recently by Puntland President without proper consultations with the Vice President. © Puntland Post, 2020 The post TRADITIONAL LEADERS RESOLVE CONSTITUTIONAL CRISIS IN PUNTLAND appeared first on Puntland Post.
  13. Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee Xukumadda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in 24-saac ee lasoo dhaafay guud ahaan dalka laga diwaan galiyay 66 kiisoo ah cudurka safmarka ah ee Covud-19. Wasaaraddu waxa ay sheegtay in Gobolka Banaadir laga helay 33,deegaanada Soomaaliland 26, deegaanada Punland 7 . 42 labo rag,halka 24 ay yihiin haweenka sidoo kale waxaa ka bogsooday 19 qof markii lala tacaalay. Wasaaradda Caafimadka iyo daryeelka bulshada ee xukumadda federaalka Soomaaliya waxa ay sheegtay in tirada guud ee cudurka safmarka ah ee Karoona dalka oo dhan ay gaartay 2’089 waxaana ka bogsooday 380 ruux halka ay u geeriyoodeen 79. Wasiirka wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee Dowladda Soomaaliya Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa markale bulshada Soomaaliyeed ugu baaqday inay qaataan fariimaha wacyigalinta ka hortaga cudurka safmarka ah ee Covid-19,si looga wadashaqeeyo xakameynta iyo dabar goynta qatarta cudurkaan Karoona Feyruska. View the full article
  14. Hargeysa (Caasimada Online) – Xiisada ka dhex aloosan Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland, Baashe Maxamed Faarax iyo Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, Faysal Cali Waraabe ayaa sarre usii kacday kadib markii uu Baashe ku hanjabay inuu jagada ka tuurayo Faysal. Guddoomiye Baashe ayaa sheegay inuusan marnaba ogolaaneyn inuu dib usoo noqdo Guddoomiye Faysal oo isagu jagada madaxtinimada Somaliland u tartamay muddo saddex jeer ah, isla markaana ku guul-dareystay doorashooyinkaasi. Baashe ayaa ku hanjabay in mar afaraad uusan jagada madaxtinimada u tartami doonin Faysal, oo dhawaan eedeymo la xiriira doorashada u jeediyay guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland. “Isagu wuxuu ku fadhiyaa (Guddoomiye-nimad UCID) Xeer anagu aanu qornay, Annaguna waxaanu ku fadhinaa Dastuur, markaa haddii uu ka waantoobi waayo guddoomiye Faysal, Guddoomiye Xisbi sidan uu yahay ku ahaan maayo, saddex doorasho ayuu galay saddexdiiba wuu dhacay, wuxuu doonayaa inuu mid afraad (galo) waxaanu ballan-qaadaynaa inaanu mid afraad isku taagin” ayuu yiri Guddoomiye Baashe. Sida ay ogaatay Caasimada Online, hanjabaada guddoomiye Baashe ayaa hirgeli doonta dhawaan, xili uu golaha horkeeni doono xeer u diidaya in musharaxiinta madaxweynaha ay isasoo sharaxaan wax ka badan saddex mar. Qorshaha uu xeerkaasi ku hor-geynayo golaha ayuu uga dan leeyahay inuu meesha kaga tuuro guddoomiye Faysal oo ay xiligan xiisada xoogan kala dhaxeyso.
  15. Wasaaradda caafimaadka iyo daryeel bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta warbixinteeda maalin laha ah ku sheegtay in dalka laga diiwaan geliyey kiisas cusub oo Coronavirus ah 24-kii saac ee tagtay kuwaas oo gaarayo 66 xalaadoo, taas oo guud ahaantirada dadka uu ku dhacay xanuunka ka dhigeyso 2,089 qof. Wasaaradda ayaa sheegtay in kiisas maanta la helay 33 ka mid ah laga diiwaan geliyey gobolka Banaadir waana tiro aad u badan markii loo eego maalmihii tagay oo laga diiwan gelinayey kiisaskii ugu yaraa waxaana sidoo kale 26 xaaladood laga helay Somaland iyo dowlad goboleedka Puntland laga xusay kiisas gaarayo 7 kiis oo COVID-19. Wasaaraddu maanta masheegin muwaadin dalka ugu dhintay xanuunka, waxaa dib uga soo caafimaaday 19 ruux taas oo guud ahaan dadka ka soo biskooday COVID-19 ka dhigeyso 380, kiisaska cusub 42 ka mid ah waa Rag halka 24 kale yihiin Dumar, waxaan jirin kiisas laga soo wariyey maamullada Jubbaland Galmudug iyo Koonfur Galbeed. Googjoog News Source: goobjoog.com
  16. War qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Puntland ee magaalada Garoowe ayaa lagu sheegay in xal laga gaaray khilaafkii Madaxweynaha maamulkaasi, Siciid Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Karaash. Qoraalka ayaa waxaa lagu shaaciyey in kulan ka dhacay xarunta madaxtooyada, islamarkaana ay goob-joog ahaayeen isimada Puntland lagu go’aamiyey in meesha laga saaro kala aragtii duwanaantii u dhexeysay labadaasi mas’uul. Halkaan hoose ka akhriso:- Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegey in la xaliyey khilaafkii ka dhex oognaa madaxda sare ee maamulkaasi. “Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Baarlamaanka Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Ismaaciil Maxamed Warsame iyo xubno ka mid ah hoggaanka dhaqanka Puntland”. “Kulanka ayaa looga hadlay kawada shaqeynta midnimada, amniga iyo horumarka Puntland waxaana lagu guuleystay in meesha laga saaro kala aragti duwanaan dhinaca maamulka iyo shaqada ah oo u dhexeysay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka”. “Dowladdu waxay Bulshada Puntland ugu baaqaysaa inay ka shaqeeyaan dowladdnimada, meel ugasoo wadajeestaan cadowga, iskana ilaaliyaan waxkasta oo khalkhalgelinaya nidaamka, amniga iyo jiritaanka Puntland.” View the full article
  17. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/06/Warka-Habeen-02062020.mp3 View the full article
  18. Taliska ciidanka illaalinta nabad-gelyada wadooyinka ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta xarunta fiish taraafiko ee degmada shangaani ku soo bandhigay Cabdi Liibaan cabdi oo 15 jir aan gaarin da’da wadista gadiidka dadweynaha sida uu qabo sharciga gadiidka qodobkiisa gadiidka daweynaha kaasi oo xalay ciidamada ay kusoo qabteen wadada yugaandha ee loo yaqaano sidoo kale buundo labaad. Taliyaha Ciidanka illaalada nabad-gelyada wadooyin General Maxamed Yuusuf Madaale oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in qof ka yar 22 sano uusan wadi Karin gaadiidka dadweynaha marka laga reebo gadiidka gaarka ah islamarkaana uu ka digay inaan lagu aaminin gadiidka dadweynaha qof aanan gaarin heerka da’da loogu talagalay si loo ilaaliyo masuuliyada ka saaran bulshada. “ Qof aanan gaarin 22 sano ma wadi karo gadiidka dadweynaha sida caasiga bii’elka iyo sidoo kale Mooto Bajaajka si loo qaato masuuliyadda dadweynaha raacaya gadiidkaasi, sidaa daraadeed waxaa dhammaan milkiilayaasha gadiidka aan ogeysiineynaa inay nala qaataan si aan sharciga u dhowrno.Ayuu yiri Generaal Maxamed Yuusuf Madaale. Sidoo kale General Maxamed Yuusuf Madaale waxa uu faray waalidiinta Cabdi liibaan Cabdi inay yimaadan xarunta talista ciidanka illaalda wadooyinka si wax looga weydiiyo arrimaha wiilkooda. “Waxaan rabnaa inay yimaadaan xarunta taliska ciidanka illaalada nabad-gelyada wadooyinka waalidiinta Cabdi Liibaan Cabdi si aan wax uga weydiino ogaasha in wiilkooda uu yahay darawal ka xeeyo gadiidka dadweynaha .ayuu ku daray Taliyaha . Udug dambeynta waxa uu Generaal Maxamed Yuusuf Madaale kusoo gabagabeeyay in sidoo kale dadka kala gadanayo gadiidka ay ukala wareejineyso waaxda iibka gadiidka sidaa daraadeed looga baahanyahay inay yimaadaan islamarkaan ay bixiyaan canshuurta dowladda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Garoowe (Caasimada Online) – Khilaafkii u dhaxeeyey madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Karaash ayaa lagu guuleystay in la xaliyo, sida lagu sheegay war kasoo baxay madaxtooyada Puntland. Khilaafka ayaa waxaa xalintiisa ku guuleystay qaar ka mid ah Isimada Puntland iyo guddoonka baarlamanka, oo maalmihii u dambeeyay ku howlanaa dhex-dhexaadinta Deni iyo Karaash. War-saxafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu shaaciyay in meesha laga saaray kala aragti duwanaantii dhinaca maamulka iyo shaqada ee u dhexeysay Madaxweyne Deni iyo ku-xigeenkiisa, kadib kulan ay maanta oo Tallaado ah Madaxtooyada Garowe ku wada qaateen Madaxda ugu sarreysa Puntland iyo qaar kmid ah Isimada dhaqanka. War-saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan hoose. “Madaxweynaha Dowladda PuntlandSiciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Baarlamaanka Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Ismaaciil Maxamed Warsame iyo xubno ka mid ah hoggaanka dhaqanka Puntland”. “Kulanka ayaa looga hadlay kawada shaqeynta midnimada, amniga iyo horumarka Puntland waxaana lagu guuleystay in meesha laga saaro kala aragti duwanaan dhinaca maamulka iyo shaqada ah oo u dhexeysay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka”. “Dowladdu waxay Bulshada Puntland ugu baaqaysaa inay ka shaqeeyaan dowladdnimada, meel ugasoo wadajeestaan cadowga, iskana ilaaliyaan waxkasta oo khalkhalgelinaya nidaamka, amniga iyo jiritaanka Puntland.”
  20. HARGEISA (HOL) - Somaliland Minister of Investment Mohamed Ahmed Awad has tested positive for COVID-19 becoming the senior most official in the break-away region to contract the disease. Source: Hiiraan Online
  21. (SLT-Riyadh)-Nin u ololeeya arrimaha Sacuudiga ayaa shaaca ka qaaday warbixin ku saabsan golle ay sameynayaan mucaaradka Sacuudiga iyo dibad jooga siyaasadeed oo ay ku jiraan saddax xubnood oo ka tirsan qoyska boqortooyadda, si awoodda looga xayuubiyo dhaxal suge Maxamed bin Salmaan. “Golaha isku xidhka mucaaradka Sacuudiga waxaa uu ka koobanyahay 18 xubnood, oo ay ku jiraan saddax amiir. Goluhu kuma baaqin mudaaharaad ama amar diido shacbi ah iyo halgan hubeysan midna. Keliya waxaa uu ku xadidan yahay in lala xidhiidho hoggaamiyeyaasha dunida iyo guddiyadda caalamiga ah,” ayuu Abdul Rahman al-Suhaimi u sheegay Aljazeera. Suhaimi waxaa uu intaas ku daray in baarlamaanada dalalka muslimka ah, dalalka gacanka Persia, xubnaha congress-ka Maraykanka iyo baarlamaanka Europe in arrinta la gaadhsiiyay. Waxaa uu intaas raaciyay in goluhu uu taageerayo in Ahmed bin Abdulaziz Al Saud uu awoodda la wareego islamarkaana uu noqdo dhaxal sugaha isagoo hiigsanaya hadaf ah in Sacuudigu uu noqdo boqortooyo dastuuri ah oo baarlamaankeeda laso doorto. “Waxaan boqor Salmaan ugu baaqeynaa in uu wiilka booska ka saaro, uuna u magacaabo amiir Axmed bin Abdulcaziiz. 17 waddan oo muslim ah ayaa arrintaan taageeray, laakiin Boqor Salmaan ayaan ka sugeynaa in uu soo saaro,” ayuu yidhi Suhaimi. Warkaani waxaa uu imaanayaa iyadoo ay xiran yihiin xubno badan oo ka tirsan qoyska boqortooyadda, saaxiibadoodna waxay ololeeyeyaal saameyn leh ka shaqaaleysiiyeen Maraykanka si ay xidhiidhkooda Madaxweyne Trump ugu riixaan in la dhameeyo “Dacwad-oogista siyaasadeed” ee uu wado Maxamed bin Salmaan, xilli uu ku mashquulsan yahay la tacaalidda mashaakilka dhaqaale ee Coronavirus. Sida lagu sheegay warbixin uu daabacay The New York Times, dad u dhow muwaadiniinta Sacuudiga ee siyaasadda u xidhan ayaa la xidhiidhay qareeno jooga Washington waxayna billaabeen olole iyo dadaal la doonayo in lagu dhameeyo cadaadiska siyaasadeed ee uu wado 34 jirka maamula boqortooyadda Sacuudiga. Waxay rajeynayaan in ololahoodu uu keeno xaalad loo riyaaqo oo wax ka beddeshay xaaladda xuquuqda aadana Sacuudiga iyo xitaa in ay tallaabo qaadaan maxkamadaha caalamiga ah si loo sii daayo dadka xidhan. Horaantii sanadkaan Maxamed bin Salmaan waxaa uu billaabay olole cusub oo uu ku xidhay xubno boqortooyadda ka tirsan kuwaas oo uu ku eedeeyay isku day afgambi oo ay xilka uga tuurayaan aabbihii. Source
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbi siyaasadeedka Nabad iyo Nolol ayaa shalay si rasmi ah looga diiwaan-geliyey xarunta guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaran, kadib markii uu gudbiyey warqadaha codsiga diiwaan-gelinta, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online. Xisbigan ayaa waxaa guddoomiye ku-meel gaar ah looga dhigay ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, sida aan xogta ku helnay. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uusan qeyb ka ahayn xisbiga, islamarkaana aan xitaa lagu war-gelin diiwaan-gelintiisa. Mahdi Guuleed ayaa kulankii Tubta Siyaasaddda ee shalay ka dhacay xafiiska Kheyre kaga dhowaaqay diiwaan-gelinta xisbiga, waxayna ahayd markaas un markii uu ra’iisul wasaaraha ka war-helay. “Markii Mahdi Guuleed uu arrintan shaaca uga qaaday kulanka Tubta Siyaasadda, waxay lama filaan ku noqotay ra’iisul wasaaraha iyo wasiiro badan, waxay ahayd arrin aan horey loo sii ogeyn,” waxaa sidaas Caasimada Online u sheegay wasiiro kulanka fadhiyey, waxaana xaqiijiyey xafiiska Kheyre. Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in madaxweyne Farmaajo uu amray Mahdi Guuleed diiwaan-gelinta xisbiga, ayada oo Kheyre aan lagala tashin, Mahdi Guuleed-na uu fuliyey amarka madaxweynaha. Mahdi iyo Farmaajo ayaa la rumeysan yahay inay aad isugu dhow yihiin. Xisbiga aan illaa hadda la ahayn wax xubno ah, waxaana la sheegay in xitaa ajendihiisa siyaasadeed aan la qoin. Kheyre ayaa toddobaadkii tegay qaaday tallaabo lama filaan isaga oo sheegay inay qasab tahay in dalka ay doorasho uga dhacdo waqtigii loogu talo-galay, taasi oo madaxweynaha uu diidan yahay, waxaana soo baxaya inuu jiro khilaaf labada dhinac ah. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa muddo lagu xamanayey inuu doonayo inuu isu sharxo madaxweyne, inkasta oo wararkaas ay qaboobeen bilihii dhowaa, una eg tahay inuusan sidaas sameyn doonin. Diiwaan-gelinta xisbiga cusub ayaa imaneysa ayada oo toddobaadyadii dhowaa xukuumadda lagu eedeynayey in sababta aysan weli xisbi u sameysan ay tahay, inay dooneyso muddo kororsi iyo inaysan doorasho dalka ka qaban.
  23. Wasiirkii Labaad ee ka tirsan Xukumada Somaliland Oo Shaaciyay In Laga Helay Cudurka Halista Ah Ee COVID 19 Wasiirka isgaadhsiinta iyo Teknolojiyadda JSL Cabdiwali sheekh Cabdillaahi Suufi ayaa shaaciyay in laga helay cudurka halista ah ee COVID 19.Wasiir Cabdiwali ayaa noqonayaa wasiirkii labaad ee Somaliland shaaciya in laga helay Covid 19. Nuxurka Qoraal wasiirku soo saaray ayaa u dhignaa sidatan:- “Aniga oo ka duulaya mas’uuliyadda iga saaran badqabka iyo caafimaadka qoyskeyga iyo ka bulshada aan xila u hayo waxa aan si iskay ah (Personal) isaga baadhay Caabuqa COVID-19, kadib markii aan iska shakiyay, baadhitaankaa oo natiijadiisu noqotay ‘Positive’. Ujeeddada ugu weyn ee aan isku baadhay waa in aan qayb ka noqdo dadaalka lagaga hortagayo Covid-19 islamarkaana lagu xakamaynayo faafida xanuunkani ku faafayo bulshada dhexdeeda siiba dadka u nugul oo ay ka mid yihiin dadka waaweyn iyo dadka qaba xanuunada lala noolaado oo uu Covid-19 khatar ku yahay. Markii aan ogaaday natiihada waxa aan islamarkiiba baadhitaan aan ku sameeyey xubnihii qoyskeyga iyo shaqaalaha Wasaaradda oo jawaabta aanu sugayno. Imika caafimaadkaygu aad ayuu u fiican yahay, shaqadii aan qaranka u hayayna guriga ayaan ka soo shaqeeya, iyada oo aan qayb guriga ka mid ah isku Karantiimay muddo 14 maalmood ah sida dhakhaatiirtu igula taliyeen. Dhammaan bulshada, gaar ahaan madaxda iyo dadka magaca leh waxa aan u soo jeedinayaa in ay iska baadhaan Covid-19 si ay nafahooda iyo kuwa dadka ay jecel yihiin u badbaadiyaan, bulshadana tusaale ugu noqdaan. Ugu dambayn, waxan mahadnaq balaadhan u jeedinayaa hawlwadeenada caafimaadka JSL oo heegan ugu jira samato bixinta dhamaan bulshada Somaliland. Guryaha jooga Kala fogaada Gacmaha maydha Taxadirku waa muhiim” Qaran News
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha, waxgaradka, aqoonyahannada, haweenka iyo dhallinyarada Beesha Jidle Gugundhabe, ayaa qoraal ay soo saareen uga digay go’aan ay sheegeen inuu kaligiis ku yahay shakhsiga hadda ku matala beesha Golaha Shacabka Xil: Maxamed Cabdullahi Xasan (Nuux) oo isku dayaya in deegaan-doorashada kursiga u wareegsado Koonfur Galbeed. Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran KU: Guddiga Diyaarinta Xeerarka Dhammaystirka Sharciga Doorashooyinka =Muqdisho= KU: Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS =Muqdisho= KU: Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare BFS =Muqdisho= OG: Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka =Muqdisho= OG: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabelle =Jowhar= OG: Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabellle =Jowhar= OG: Ra’sulwasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya =Muqdisho= OG: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaalya =Muqdisho= Ujeeddo: Warqad Cabasho Odayaasha, waxgaradka, aqoonyahannada, haweenka iyo dhallinyarada Beesha Jidle Gugundhabe oo uu ugu horreeyo ugaaska Beesha Jidle, Ugaas Cabdinaasir Ugaas Nuurre Ugaas Cusmaan, oo maalmahan kulamo isdaba-joog ah lahaa ayaa waxay ka digayaan go’aan uu kaligiis ku yahay shakhsiga hadda ku matala beesha Golaha Shacabka Xil: Maxamed Cabdullahi Xasan (Nuux) oo isku dayaya in deegaan-doorashada kursiga u wareegsado meel uu filayo inuu kaga shuban karo codadka doorashada 2020/21. Xildhibaan Nuux oo haatan ku fadhiya kursi dhiig leh wuxuu doonayaa inuu soo celiyo taariikh la mid ah tii uu 2016-dii ka geystay magaalada Jowhar, isagoo isticmaalaya awoodda Xukuumaddii markaas jirtay oo ku taageertay boobka, ugu dambeyntiina kursigiisa ugu soo wareejisay magaalada Muqdisho. Haddaba, Odayaasha, waxgaradka, aqoonyahannada, haweenka iyo dhallinyarada oo uu horkacayo Ugaaska Beesha waxay ugu baaqayaan xafiisyada ay warqaddan ku socoto iyo kuwa ogeysiinta leh: In deegaan doorashada kursiga Beesha uu yahay magaalada Beled Weyne ee caasimadda Gobolka Hiiraan, Dawlad-goboleedka HirShabelle, halkaas oo ah deegaanka ugu ballaaran ee beeshu degto, laguna duubo, laguna aasoay ugaaasyada beesha. Beeshu waxay xubin ku lahayd Golihii deegaanka B/weyne wixii ka horreeyay 1991-kii. Waxaan si qadarin iyo xushmad leh ugu wargelineynaa dhammaan xafiisyada in beesha xaqeeda aan qof shakhsi ah oo wata dano gaar ah aanan loogu afduubi karin. Beeshu waxay ka digeysaa in tallaabo kasta oo kursigaas loogu wareejiyo meel aan hoggaanka dhaqanka beesha lagala tashan inay horseedi doonto boob dhiig ku daato oo la mid ah tii dhacday 2016-kii, taasina ay mas’uuliyaddeeda qaadi doonaan xafiisyada iyo mas’uuliyiinta arrintaas ku lug yeesha. Ugaas C/naasir Ugaas Nuurre Ugaaska Beesha, xubinna ka ah 135ka saxiixe