Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Guulaha amni iyo kuwa siyaasadeed oo ay Soomaaliya gaartay sanadihii la soo dhaafay waxay halis ugu jiri karaan dib-u-noqosho haddii aysan tallaabo degdeg ah ka qaadin beesha caalamku, si ay uga caawiso in mas’uuliyiinta guduhu ay ka hortagaan dhibaatooyinka waawayn ee bani’aadamimo ee ay sababeen isugaynta raadka ay reebeen daadadka ba’an ee ayaxa iyo saamaynta baahsan ee cudurka COVID-19. War qoraal oo xalay ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNSOM), kuna saxiixnaa Justin Brady, Isku duwaha Xafiiska Qaramada Midoobey ee Arrimaha Bani’aadanimada ee Soomaaliya ahna Madaxa Hay’adda OCHA ee Geeska Afrika ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay halis ugu jirto dib u dhac ku yimaada guulihii ay ku tallaabsatay sanadihii tagay. Soomaaliya hababka wax qabsashadu aad ayey uga yar tahay kuwa dalalka deriska la ah. Sidaa daraadeed, saamaynta [daadadka, ayaxa iyo COVID-19] maahan mid bani’aadamnimo oo fudud, balse waxay leedahay suurtagalnimo inay dib-u-celiso qaar ka mid ah guulihii amni iyo kuwii siyaasadeed ee ay beesha caalamku maalgelisay tobankii sanadood ee tegey, ”ayuu yiri Justin Brady oo ka tirsan QM Xafiiska Isu-duwidda Arrimaha Bani’aadamnimada (OCHA) ee Soomaaliya. “Waxaan u baahan nahay inaannu sii wadno wada shaqaynta isla markaasna ballaarino iskaashiga aannu la leenahay ganacsatada gaarka ah, bulshada rayidka iyo inaan wadashaqayn dheeraad ah la yeelanno qurba joogta,” ayuu ku daray MdBrady, oo ah madaxa xafiiska OCHA ee waddamada Geeska Afrika. Ku dhawaad 500,000 oo dad ayaa ku barakacay fatahaadihii dhowaan ka dhacay Gobollada Dhexe ee Soomaaliya, xilli waddanku uu la tacaalayo ayax daran oo beeraha galay kaas oo khatar ku ah amniga iyo nafaqada cunnada dad badan. Isla waqti ay Soomaaliya wax ka qabanayso faafitaanka safmarka COVID-19. Md. Brady ayaa sheegay in digniinta QM ay tixgalineyso daciifnimada qaab dhismeedka Soomaaliya, taasoo ka dhigaysa dalka mid aad uga nugul wadamada kale ee gobolka, wuxuuna ku baaqayaa “in cududda la iskugu geeyo si looga hortago waxa ugu xun.” Dad ka barakacay fatahaadaha Laga soo bilaabo bishii Nofeembar ee sannadkii lasoo dhaafay, QM waxay si dhow ula shaqaynaysaa maamullada gudaha iyo saaxiibada, si loo go’aamiyo isla markaasna loo gaaro baahiyaha degdegga ah ee dadka Soomaaliyeed oo ay saameeyeen fatahaaduhu, kuwaas oo ay ku jiraan in la diro agabka gargaarka degdegga ah iyo bixinta adeegyo nafo-badbaadin ah, iyadoo loo marayo saaxiibbada goobta joogga ah. Gargaarka ayaana illaa maanta socda. “QM waxay bixisaa hoy iyo agabyo aan cunto ahayn sidoo kale waxay eegeysaa suuragalnimada cudurrada faafa sida shuban-biyoodka, daacuunka iyo nafaqo-darrida oo inta badan soo ifbaxa waqtiyada fatahaadaha,” ayuu yiri Md Brady.
  2. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/Mythbusters_PSA-1.mp4 Source: goobjoog.com
  3. Kulan todobaadle ah oo maamulka gobolka Banaadir yeeshay ayaa booliiska gobolka Banaadir looga mahadceliyey sida ay u sugeen amniga caasimadda inta lagu jiray bishii Ramadaan. Kulankan oo ahaa midkii todobaadlaha ahaa waxaa shir guddoominayey guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish, waxaana ku sugnaa madaxda iyo mas’uuliyiinta booliika gobolka Banaadir. Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in kulanka muhiimadiisa aheyd dardargelinta Amniga iyo arrimaha nadaafadda. Sidoo kale Afhayeenka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in la ganaaxi doono kuwa bacaha dhiga jidka si looga hortago arrimo badan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Muqdisho (Caasimad Online ) – Korneyl Macow Cabdullaahi Cali oo ka tirsanaa saraakiishii hore ee NISA ayaa sheegay inay suur-gal tahay inuu kooxda Al-Shabaab u gacan galo hubkii ay dhowaan Masar ugu deeqday dowladda federaalka ah ee Somalia. Macow oo wareysi siiyey Idaacadda Shabelle ayaa tilmaamay in labo hab ay Al-Shabaab ku heli karaan hubkaasi, sida inay weerar ku qaadaan aag, kadibna ay ciidamada uga furtaan hubka ama inay ka iibsadaan suuq madow, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in hubkaan oo ay ku jiraan kuwa culus uu xad-gudub ku yahay sharciga caalamiga ah iyo sidoo kale cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya. Korneyl Macow C/laahi Cali oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Soomaaliya ay xilligan u baahan tahay hubka yar-yar ee ay heystaan Al-Shabaab, si ay ugula daagalanto, isaga oo sheegay in hubka waa weyn loogu talagalay difaaca xuduudaha laga soo galo dalka. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladda dalka Marsar ay culeys iyo isla-xisaabtan kala kulmi doonto golaha ammaanka ee Qaramada Midoowbay, iyagoona wax ka weydiin doono hubka aan lala ogeyn ee ay soo gelisay gudaha Soomaaliya. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan Mareykanka oo mug weyn ku leh golaha ammaanka uu walaac ka muujiyey hubka ay Masar ugu deeqday Soomaaliya. Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/06/Wareysi-Kornel-Macow-sarkaal-hore-oo-Nisa-ah.mp3
  5. Ciidamo hubaysan oo saaka muuqaal isaga soo duubay gudaha Gobolka Gardafuu oo ku yaalla bariga fog ee Puntland ayaa sheegay in ay ka go’een dowladda Puntland islamarkaana ay noqdeen ciidamo degaanka ah oo taageersan dowladda Federaalka Soomaaliya. Saraakiil u hadashay ciidankaas ayaa sheegay in ay caddaalad-xumo ka tirsanayaan xukuumadda Puntland oo sida ay sheegeen dhegaysan wayday cabashooyin ka jira Gobolka Gardafuu sidaasi darteedna ay go’aansadeen in ay ka baxaan Puntland. Saraakiisha ayaa sidoo kale tilmaamay in ay diiddan yihiin in Ciidamada Badda Puntland ee PMPF la geeyo Gobolkaasi Gardafuu maadaama sida ay sheegayan Gobolka aysan ka jirin Kooxaha Argagixisada ah ee PMPF-tu la dagaallanto. Sidoo kale waxay baaq u direen dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay ka dalbadeen in ay taageerto ciidamadooda inkastoo aysan wax gaar ah ka codsan. Halkaan ka daawo muuqaalka PUNTLAND POST The post Ciidamo ku sugan Gobolka Gardafuu oo sheegay in ay ka go’een Puntland appeared first on Puntland Post.
  6. Wararka Idaacadda Shabelle ay ka heleyso dalka Koonfur Afrika ayaa waxa ay sheegayaan in muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa kuwa ku ganacsada dalkaasi uu u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray jir-dil ay u geysteen ciidamada Booliska ee wadankaasi. Ganacsadaha Soomaaliyeed oo magaciisa lagu soo koobay, Maxamed ayaa waxaa la sheegay in xilli uu ku sugnaa magaalada Pretoria in ay Boolsika ugu tageen goobtiisa ganacsi, kadibna ay jir-dil xoogan u geysteen. Mid ka mid ah Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa wuxuu sheegay in sababta loo jir-dilay ay tahay in uu ka mid ahaa dadka aan u hoggaansamin bandowga lagu soo rogay magaalada, sababo la xiriira cudurka faafa ee Cronavirus, islamarkaana muwaadinka Soomaaliyeed uu u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray jir-dilka loo geystay. Dhinaca kale kooxo burcad ah ayaa waxay dhaawac ugu geysteen xaafadda Uitsig ee Cape Town, muwaadin kale oo Soomaaiyeed, xilli uu ku sugnaa goobtiisa ganacsi. Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Ismaaciil Axmed ayaa waxaa haatan lagu daweynayaa isbitaalka Tygerburg, sida ay xaqiijiyeen ehelladiisa, iyaga oo sheegay in xaaladdiisa caafimaad ay haatan tahay mid wanaagsan. Koonfur Afrika ayaa waxaa aad loogu dhibaateeyaa Soomaalida ku nool, waxaana kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ay had iyo jeer u geystaan dil iyo inay boobaan hantidooda. View the full article
  7. Loading bags of wheat at Dar Es Salaam Harbour in Tanzania. COVID-19 is an opportunity to expedite the launch of the African Continental Free Trade Area (AfCFTA) Agreement, argues FAO’s Jean Senahoun. Photo: ©FAO/Giuseppe Bizzarri When the African Continental Free Trade Area (AfCFTA) Agreement was launched on 21 March 2018, African leaders did not imagine that the tenets of the agreement could possibly save the continent from a pandemic-fueled food and economic crisis. The world has been grappling with the crippling economic effects of the COVID-19 pandemic since February 2020. The crisis persists, threatening to affect the entire food system, especially in Africa. The pandemic has created shocks globally with negative impacts on intra-African trade, with GDP expected to drop precipitously from 2.4 percent in 2019 to -2.1 to -5.1 percent in 2020 according to the World Bank, marking the first recession in the region in 25 years. Most African economies, especially those of commodity exporting countries, will be the hardest hit. However, there is a lifeline for Africa. One of the principal objectives of the AfCFTA is to expand intra-African trade, improving the flow of goods and services across countries and boosting economic growth through increased agro-processing and a strategy of diversification and industrialisation. Since its signing by 54 states, few tangible results of AfCFTA can be identified and most states are still in the ratification process. The process has been slow, with the bureaucracies of countries and existing economic blocs churning to make it a reality. Africa is a net importer of food, with staple foods such as wheat, rice and maize being some of the largest imports. With current lockdowns leading to delays in ports and critical connection points for trade, Africa faces the risk of disruption to its critical supply chains. If this happens, the most vulnerable 200 million people in Sub-Saharan Africa, identified by FAO as already food insecure, will be the ones to bear the brunt of this shortage. There is also the potential disruption in the supply of crucial agricultural inputs (fertilizers, pesticides, livestock feed, etc.), crippling local production. COVID-19: an opportunity to expedite the launch of the AfCFTA COVID-19 presents an opportunity for African countries to accelerate the shift towards a single market and for the continent to make a paradigm shift to be able to fend for itself and reduce its dependence on food imports. This will open up continental trade routes and economic opportunities in the long-term, but presents an even greater short-term advantage: it allows African countries to keep their food systems alive to avert what could be one for the worst food crises in its history. The question is, how can countries do this? Lowering intra-regional import tariffs facilitates the movement of agricultural products that will help address the immediate concern around the possibility of low food supplies and general food insecurity, while laying the foundation for long-term policies. Africa’s agricultural exports comprise mostly cash crops like cocoa, coffee and spices, which have relatively limited markets in Africa, while basic food products are imported, indicating the need to prioritise a more diverse trade basket of goods. Governments must also build buyer-supplier networks, connecting small and medium scale producers, including smallholder farmers, to buyers locally and regionally. A large part of this step is the removal of discretionary constraints such as import and export restrictions that distort trade, to connect these producers to their markets. It is essential to remove non-tariff barriers like transport and logistics bottlenecks, which have long been a deterrent for the efficient movement of goods and services between African countries. Finally, governments must implement policies to support local production. These policies must seek to develop regional value chains, strengthening national food production capacities and linkages to regional markets, which in turn provide a strong basis for countries to export and boost inter- and intra-regional trade in the long-term. AfCFTA provides a viable platform for import substitution, promotion of regional agricultural value chains and more diversified supply chains, and local production and consumption of goods and services. This is a golden opportunity to expedite the launch of the AfCFTA in phases to mitigate the food-system and economic effects of the COVID-19 pandemic. Regulatory bodies must ensure that governments do not use trade-related measures such as import and export restrictions irresponsibly, keeping the spirit of the agreement at the forefront of its implementation. The circumstances are unfortunate and the stakes are high, but if handled properly, Africa could emerge from the shadow of COVID-19 a stronger, more self-reliant continent. ENDS The post Rising from a crisis – A more self-reliant Africa after Coronavirus? appeared first on Puntland Post.
  8. Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka Soomaaliya,Maxamed Siciid C/laahi ayaa sheegay mar uu ka hadlayey saameynta cudurka Coronavirus ee Soomaaliya in tiro sax ah oo baaritaano cilmiyeysan lagu ogaaday aysan heyn dowladda federaalka Somalia Hadalkan ayuu wasiirku ku sheegay wareysi gaar ah oo uu siiyey Idaacadda Shabelle, wuxuuna ka hor imaanayaa warbixino ay isla wasaaradda uu mas’uulka ka yahay si maalinla ah ula wadaagto shacabka, kuwaas oo lagu xaqiijinayo kiisaska Covid19. Wasaarada caafimaadka ayaa kiisaska xanuunkan u kala qaada marka ay dadweynaha la wadaageyso dad uu hayo cudurka, kuwo u dhintay iyo in ka bogsootay, balse wasiir ku xigeenka caafimaadka ayaa hoosta ka xariiqay in tirada ay hoos u sii dhaceyso. Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/06/Cod-1-soofeysane-.mp3 View the full article
  9. Korneyl Macow Cabdullaahi Cali oo ka mid ah saraakiishii hore ee hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka oo u warramay Shabelle ayaa sheegay in dalal badan oo uu ka mid yahay Mareykanka ay walaac xoogan ka muujiyeen in hub ay Masar ugu deeqday Soomaaliya u gacan-galo dagaalyahanada Al-Shabaab ee ka dagaalama dalka. Sarkaalkan ayaa carabka ku dhuftay in hubkaasi oo ah mid culus lagu soo galiyey suuq madow gudaha Soomaaliya,maadaama ay saaran tahay cunaqabateyn hubka ah. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in 2 qaab ay Al-Shabaab ku qabsan karaan hubkaasi, sida inay weerar ku qaadaan ciidanka, kadibna ay ka furtaan hubka ama inay ka iibsadaan suuqa madow, iyagoo ka faa’iideysanaya daruufta askariga Soomaaliyeed. Halkaan hoose ka dhageyso ka dhageyso wareysiga. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/06/Wareysi-Kornel-Macow-sarkaal-hore-oo-Nisa-ah.mp3 View the full article
  10. Muqdisho (Caasimada Online ) – Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, ahaana Duqii Muqdisho, Taabid Cabdi Maxamed oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka hadlay arrinta maqaam u sameynta magaalada Muqdisho oo weli uu muran ka taagan yahay. Taabid ayaa qoraalkiisa ku sheegay inay jiraan dad diidan inuu matalaad yeesho gobolka Banaadir, inkastoo uusan shaacin dadkaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay cadaalada ku jirto in dadka Muqdisho ay doortaan cida u noqoneysa hoggaankooda heer gobal iyo heer qaran. Hoos Ka Akhriso Qoraalka uu soo dhigay Taabit Cabdi Bartiisa Facebook. Waqti dheer waxey bulshadeenu sugeysay iney codkooda ku doortaan cida u noqoneysa Hoggaankooda heer Gobal iyo heer Qaran. Rabitaankaasi wuu xoogan yahay balse wili waxaa muuqata iney jiraan dad raadinaya in aan marxaladdaas la gaarin, oo abuuraya mowjado kale oo dano gaar ah xambaarsan. Shacabku iney doortaan cida ay rabaan waa midda ugu fudud ee lagu heli karo caddaalad, isla-xisaabtan dhab ah iyo hoggaan heelan. Soomaaliya waxey taal meel aanu ka qaadi karin hoggaan ku yimid hab qabiil, laaluush iyo mid ay Dowladdo shisheeye dhabarka ku sitaan. Si ay u guuleystaan dadaallada awoodda loogu celinayo gacanta Dadweynaha, waa inaan u wada midownaa arrinkaas. Kuwa ka cararaya codka dadweynaha waxaa la gudboon iney kala saaraan masiirka Qaranka iyo maalin-joogga qofka. Anigoo fahamsan waqtiga dhiman, meesha la taagan yahay, nooca sharciga ee aan qaadanay iyo gaabiska jira, ayaan hadana waxaan mar walba xoojinayaa in la helo matalaad bulsho oo xoog leh, kuna timaada hannaanka xisbiyada badan, soona afjarta qolo-qolo doorata, loona gudbo ummad Qaran doorata.
  11. Ottawa (HOL) - As unrest continues throughout America as a result of the brutal death of George Floyd at the hands of Minneapolis police, the city of Ottawa is bracing itself for the conclusion in a similar case involving the murder of a black man at the hands of its police force. Source: Hiiraan Online
  12. Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) ayaa shir-gudoomiyay kulanka degmooyinka ee Maamulka Gobolka Banaadir, oo todobadkii mar la qabto waxaana kulankaasi goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir, Taliyaha qeybta guud gobolka Banaadir ee ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Saadaq Cumar Xasan, guddoomiyaasha degmooyinka, Taliyaasha saldhigyada iyo taliye qeybeed yada gobolka Banaadir iyo sidoo kale gudoomiye ku xigeenada maamulka gobolka banaadir iyo taliyaha Booliska ee Gobolka Banaadir. Shirkan oo dhowr qodob looga hadlay ayaa looga mahadceliyay ciidanka amniga ee qaabilsan gobolka Banaadir sida ay ugu guuleesteen sugida amniga Caasimadda bishii barakeysneed ee Ramadaan iyo sida ay ula shaqeeyeen maamulka gobolka banaadir iyo maamulada degmooyinka, waxaa sidoo kale looga hadlay qodoba ay kamid yihiin arimaha wacyigalinta Covid-19, Canshuuraha,iyo Nadaafada. “Waxaan uga mahadcelnineynaa Ciidamada Amniga Sugida amniga Caasimada bishii kheyrka badneed ee inoo soo dhammaatay ee Ramadaan sida ay u sugeen amniga iyo sida ay ula shaqeeyaan shacabka sidoo waxaan bogaadinayaa doorka aan ka qaadanay ka hortaga cudurka safmarka ah ee Covid-19 oo saameyn ku yeeshay Caasimada ‘ayuu ku daray Guddoomiye Cumar (Filish). View the full article
  13. Faah faahino dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayaan duqeymo diyaaradeed oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay degmooyin la tirsan gobollada Jubbooyinka. Saraakiil ciidan ayaa sheegay in duqeymaha ay ka kala dhaceyn degmooyinka Jilib iyo Jamaame, islamarkaana lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen Al-Shabaab. Sidoo kale saraakiisha waxa ay sheegeen in duqeynta Jilib lagu dilay saraakiil uu ka mid yahay hoggaamiyihii degmadaasi, Sheekh Abuu Basma iyo saraakiil kale. Duqeyntan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada DANAB oo kaashana saaxibada Soomaaliya ee ka caawiya la dagaalanka Al-Shabaab. Sidoo kale duqeyn kale ayaa la sheegay inay ka dhacday degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, taas oo lala beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab, wallow aan faah faahin rasmi ah weli laga helin duqeyntaas. Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka oo kaashanaya ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababarn ayaa inta badan duqeymo diyaaradeed ka fuliya deegaano iyo degmooyin dhaca Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article
  14. Pretoria (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Koonfur Afrika ayaa sheegaya in ciidamada Booliska dalkaasi ay si arxan darro ah u jir-dileen muwaadin Soomaaliyeed oo ku sugnaa wadankaasi, kaas oo markii dambe u geeriyooday dhaawaca loo geystay. Marxuumka geeriyooday oo magaciisa lagu soo koobay, Maxamed ayaa ka mid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi Koonfur Afrika. Sababta loo jir-dilay ee uu marxuumka u geeriyooday ayaa waxaa lagu sheegay inuu jabiyey bandowga lagu soo rogay wadankaasi, sida ay Boolisku sheegeen. Wararka ayaa sheegaya in dhacdadaan ay ka dhacday magaalada Pritoria oo ay Soomaalida ku badan tahay, iyadoona Maxamed loogu tagay goobtiisa ganacsuiga “Maxamed waxa uu ahaa qof firfircoon, waxaa jirdilay Ciidamada Booliiska oo ugu dambeyn u geeriyooday waxyeelada gaartay, dalkaan waxaa saaran bandow saacado ah, Askarta waxa ay garaacaan guud ahaan dadka jabiya ama socda xiliyada Bandowga.” sidaasi waxaa yiri qof ka mid ah Ganacsatada Soomaalida ee dalka Koofur Afrika. Dhinaca kale waxaa lagu soo warramayaa in kooxo burcad ah saacadihii la dsood haafay muwaadin kale oo Soomaaliyeed ay ku dhaawaceen dalkaasi, gaar ahaan Cape Town. Ruuxa la dhaawacay oo magaciisa lagu sheegay, Ismaaciil Axmed ayaa waxaa lagu soo warramayaa in haatan xaaladiisu ay tahay mid yare wanaagsan. Wadanka Koonfur Afrika ayaa ka mid ah dalalka sida daran loogu dhibaateeyo ganacsatada iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool magaalooyinka dalkaasi.
  15. Guddoomiyaha Xisbiga Hayaan Cabdixabiib Yasin Guddoomiyaha Xisbiga Hayaan Cabdixabiib Yasin Warsame, ayaa hambalyo iyo bogaadin u jeediyay xallinta kala ra’yi duwanaantii u dhexaysay Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan. Qoraal ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Xisbiga Hayaan, ayaa lagu bogaadiyay bisaylka Siyaasadeed ee labada mas’uul u muujiyeen Shacabka Puntland iyo dhammaan Umadda Soomaaliyeed, maadaama ay ka heshiiyeen Kala aragti duwanaantii dhexdooda ahayd. “Dabeecadaha hoggaanka fiican bay ka mid tahay in marka ugu danbeysa go’aan la wada qaato oo hal aragti lagu midoobo” ayaa lagu yiri Qoraalka Qoraal ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Xisbiga. “Xalka waara waxa uu ka bilowdaa kala aragti duwanaansho, kadibna xalka waxa laga dhex helaa dooda wada-tashiga, isku tanaasulka iyo turxaan-bixinta, halkaas oo go’aan lagu midoobo ama looga danbeeyo hogaanka ugu sareeya” ayuu sii raaciyay Qoraalka. Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa Hoggaanka Dhaqanka Puntland iyo Guddoonka Baarlamanka uga mahadceliyay kaalinta ay ka qaateen xallinta kala aragti duwanaantaasi u dhexaysay Madaxda sare ee Dowladda Puntland. PUNTLAND POST The post Xisbiga Hayaan oo bogaadiyay xallinta Kala ra’yi duwanaantii Madaxda sare ee Puntland appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/06/Warka-Subx-03062020.mp3 View the full article
  17. VANCOUVER (NEWS 1130) – Many Americans believe our prime minister is doing a better job than their president in handling the COVID-19 pandemic — and they apparently want to trade. Source: Hiiraan Online
  18. The decision is a giant step for activists as protests rise across the country, and could drive other districts to do the same. Source: Hiiraan Online
  19. Whenever a national disaster occurs, the country’s army plays a huge role in rescue operations and in protecting the Somali people. Source: Hiiraan Online
  20. Dadka degaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa maalmihii u dambeeyay soo sheegayay in Ciidamada Somaliland ay halkaasi ka wadaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo u muuqda xiisad dagaal islamarkaana ka duwan sidii hore. Somaliland ayaa maalmihii la soo dhaafay gaadiid iyo ciidamo cusub keentay degaankaasi Tukaraq sidoo kalena waxay isku ballaariyeen fariisimo horleh kuwaas oo ka baxsan halkii ay horay u joogeen Ciidamada Somaliland. Waxaa jirtay in dad kala duwan oo ku sugan Tukaraq ay sheegeen in xiisad colaadeed ka aloosantahay degaanka maadaama ay Somaliland Ciidamo cusub keentay halkaasi sidoo kalena ay isku fidisay fariisimo horleh. Haddaba weriyaasha gobolka Sool qaarkood oo Puntland Post xiriir la samaysay ayaa dhinaca Somaliland ka soo xigtay in aysan jirin xiisad colaadeed oo Tukaraq ka aloosan balse ay jiraan ciidamo cusub oo Somaliland halkaasi gaysay kuwaas oo beddelay qayb kamid ah ciidamadii horay u joogay degaanka. Ciidamada cusub oo qaybtood dhowaan tababaro soo dhammaystay ayaa fariisima horleh ka samaystay degaanka Tukaraq taas oo dadka qaarkood u maleeyeen xiisad dagaal sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan Somaliland oo arrintaas ka jawaabay. ©PUNTLAND POST The post Muxuu la xiriira dhaqdhaqaaqa Somaliland ka waddo Tukaraq? appeared first on Puntland Post.
  21. The Delegation of the European Union (EU) to Somalia conducted another special flight for the WHO country office in Somalia to airlift lifesaving medicine and other emergency hospital supplies to Jowhar, Kismayo and Baidoa Source: Hiiraan Online
  22. MOGADISHU, June 2 (Xinhua) -- The UN on Tuesday called on the international community to help Somalia avert a major humanitarian crisis due to the combined effect of devastating floods, desert locusts and the widespread impact of COVID-19. Source: Hiiraan Online
  23. Masar, UAE & 3-dal oo Yurubiyan ah oo ku dhawaaqay isbaheysi ka dhan ah Turkiga Dowladda Masar ayaa ku dhawaaqday xulufo ka dhan ah Dowladda Turkiga oo ay ku jiraan Greece, Qubrus, Imaaraadka Carabta, iyo Faransiiska si looga hortago dhaq-dhaqaaqa Turkiga ee Libya iyo badda Meditareeniyaan-ka. Ku dhawaaqistaan ayaa waxay timid kadib shir muuqaal ah oo ay wasiiradda arrimaha dibadda dalalkan yeesheen 11-kii May, sida xog cusub lagu ogaaday. War ay soo saareen ayey ku sheegeen, in xulufaddu ay diiradda saari doonto ka hortagista dhaq-dhaqaaqa Turkiga ee Qubrus, halkaas oo ay Turkiga ku eedeeyeen in uu si sharci darro ah dhulka wax ugala baxayo. Xulufaddu waxay sidoo kale cambaareeyeen xadgudub ay sheegeen in Turkigu uu ku sameeyay hawadda Greece. Midowga Europe ayaa 16-kii May cambaareeyay howlgallo khayraad baaris ah oo Turkigu ka waday Qubrus tan iyo bishii April ee sanadkaan. Warka xulufadda waxaa sidoo kale lagu cambaareeyay ficiladda Turkiga ee Libya iyo heshiis isfaham ah oo ay labada Dowladood ka gaareen xuduudda Meditareeniyaan-ka iyo iskaashi militariga iyo amniga ah. Heshiiskaas waxaa ay Dowladuhu kala sixiixdeen bishii November 2019. Bishii May 14-keedii, shirkadda baarista shidaalka ee Turkiga ayaa codsi u gudbisay Dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Libya, kaasi oo ay kaga dalbatay ogolaansho ay shidaal baaris uga sameyso dhinaca bari ee badda Meditareeniyaanka. Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa 17-kii May waxa uu sidoo kale Ra’iisul wasaaraha Libya Fayez al-Sarraj lala hadlay tallaaboyinka lagu fulinayo isfahamka la gaaray. Xulufadda liddiga ku ah Turkiga waxa ay cambaareeysay dagaalka ka socda Libya, waxayna Turkiga ugu baaqday in uu joojiyo dagaalamayaasha shisheeye ee ay uu ka waday Suuriya islamarkaana geeyay Libya. Dhaq-dhaqaaqa military-ga Turkiga ee Liibiya ayaa beddelay jihadii dagaalka u dhaxeeyay xukuumadda Tripoli iyo dagaal-ooge, Jeneral Khaliifa Xaftar. Ciidanka Xaftar waxay dib uga gurteen garoonka Al-Watiya kadib weerar adag oo ay ku qaadeen ciidamada Dowladda oo gacan ka helaya kuwa Turkiga, sida uu sheegay Axmed Al-Mismari oo ah afayeenka ciidanka Khaliifa Xaftar. Warka kasoo xulufada ka dhanka ah Turkiga waxaa lagu soo geba-gabeeyay in ay sii wadi doonaan wadatashiyo joogto ah oo lagu xaqiijinayo dadaalka xulufada ee ah in Turkiga lagu hayo gacanka Meditareeniyaanka. Warkaani waxaa uu kiciyay caradda Ankara. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay in Ankara ay ku guuleysatay in ay ka hortagto qorshihii burburinta ee dalalka Imaaraadka, Masar iyo Ruushka iyo dadaalkooda ay ku taageerayaan afgambiga Libya. Masar iyo Imaaraadka Carabata waxay si furan u tageeraan Jeneral Khalifa Xaftar. Madaxweynaha Masar Cabdul Fitaax Al-sisi ayaa ku dhawaaqay December 2019 “waan taageereynaa Khalifa Xaftar, kamana tagi doono.” Bishii April ee sanadkaan Imaaraadka Carabta ayaa amaanay dadaalka Khalifa Xaftar ee ka hortagga maleeshiyaadka xagjirka ah ee Libya, sida hadalka loo dhigay. Tariq Fahmy oo ah professor cilmiga siyaasadda ka dhiga jaamacadda Qaahira ayaa u sheegay wargeyska Al-Monitor, “Xulufadda shanta dhinac waxay ku guuleysteen hadafkoodii ugu horreeyay ee inay soo jeediyaan dareenka Ankara, taasi oo ku cad warka wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ay ku weerartay wadamadaas.” Waxaa uu sheegay “in ka mid noqoshadda Faransiiska ee xulufadaas ay muhiimad ku fadhiso, maadaama loo arko awood ka tirsan Midowga Yurub, kaasi oo ka qayb qaadan kara cuneqabateyn lagu soo rogo Turkiga.” Fahmi waxaa uu intaas ku daray in “Faransiisku uu door muhiim ah ka cayaari doono xulufadda sababtoo ah waa xubin joogto ah oo ka tirsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, sidaas darteedna waxaa uu codka qayaxan dul saari karaa go’aan kasta oo la xiriira dhaq-dhaqaaqa Turkiga ee Libya.” Qaran News
  24. Amiiro Sucuudiyaana oo dhisay gole xukumadeed oo Kursiga Boqortooyada ka tuura Maxamed Bin Salmaan Nin u ololeeya arrimaha Sacuudiga ayaa shaaca ka qaaday warbixin ku saabsan gole ay sameynayaan mucaaradka Sacuudiga iyo dibad jooga siyaasadeed oo ay ku jiraan saddax xubnood oo ka tirsan qoyska boqortooyadda, si awoodda looga xayuubiyo dhaxal suge Maxamed bin Salmaan. “Golaha isku xirka mucaaradka Sacuudiga waxaa uu ka koobanyahay 18 xubnood, oo ay ku jiraan saddax amiir. Goluhu kuma uusan baaqin mudaaharaad ama amar diido shacbi ah iyo halgan hubeysan midna. Keliya waxaa uu ku xadidan yahay in lala xiriiro hogaamiyeyaasha dunida iyo guddiyadda caalamiga ah,” ayuu Abdul Rahman al-Suhaimi u sheegay Aljazeera. Suhaimi waxaa uu intaas ku daray in baarlamaanada dalalka muslimka ah, dalalka gacanka Persia, xubnaha congress-ka Maraykanka iyo baarlamaanka Europe in arrinta la gaarsiiyay. Waxaa uu intaas raaciyay in goluhu uu taageerayo in Ahmed bin Abdulaziz Al Saud uu awoodda la wareego islamarkaana uu noqdo dhaxal sugaha isagoo hiigsanaya hadaf ah in Sacuudigu uu noqdo boqortooyo dastuuri ah oo baarlamaankeeda laso doorto. “Waxaan boqor Salmaan ugu baaqeynaa in uu wiilka booska ka saaro, uuna u magacaabo amiir Axmed bin Abdulcaziiz. 17 waddan oo muslim ah ayaa arrintaan taageeray, laakiin Boqor Salmaan ayaan ka sugeynaa in uu soo saaro,” ayuu yiri Suhaimi. Warkaani waxaa uu imaanayaa iyadoo ay xiran yihiin xubno badan oo ka tirsan qoyska boqortooyadda, saaxiibadoodna waxay ololeeyeyaal saameyn leh ka shaqaaleysiiyeen Maraykanka si ay xiriirkooda Madaxweyne Trump ugu riixaan in la dhameeyo “Dacwad-oogista siyaasadeed” ee uu wado Maxamed bin Salmaan, xilli uu ku mashquulsan yahay la tacaalidda mashaakilka dhaqaale ee Coronavirus. Sida lagu sheegay warbixin uu daabacay The New York Times, dad u dhow muwaadiniinta Sacuudiga ee siyaasadda u xiran ayaa la xiriiray qareeno jooga Washington waxayna billaabeen olole iyo dadaal la doonayo in lagu dhameeyo cadaadiska siyaasadeed ee uu wado 34 jirka maamula boqortooyadda Sacuudiga. Waxay rajeynayaan in ololahoodu uu keeno xaalad loo riyaaqo oo wax ka beddeshay xaaladda xuquuqda aadana Sacuudiga iyo xitaa in ay tallaabo qaadaan maxkamadaha caalamiga ah si loo sii daayo dadka xiran. Horaantii sanadkaan Maxamed bin Salmaan waxaa uu billaabay olole cusub oo uu ku xiray xubno boqortooyadda ka tirsan kuwaas oo uu ku eedeeyay isku day afgambi oo ay xilka uga tuurayaan aabihiis. Qaran News