Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Puntland, Siciid C/laahi Deni oo xalay Garoowe ugu warramay warbaahinta ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021-ka. Deni oo shaaciyey mowqifka maamulkiisa ee ku aadan doorashooyinkaasi ayaa sheegay in aysan ku kalsooneyn guddiga howsha wada ee lagu saleeyey nidaamka beelaha ee 4.5. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Puntland aysan aqbali doonin dhammaan hanaanka doorashada Soomaaliya, haddii aan la tashi lagala sameynin. “Xubnaha Guddiga ah ee howsha loo dhiibay waa kuwo lagu keenay awood qaybsiga Beelaha 4.5, waxa aan ka digeynaa in nidaamka qabaliga ah laga dhigo Dastuur, Puntland waxa ay meel dheer ka taagan tahay ku kalsoonaanta guddi ama Hay’ado sharci dajin oo lagu saleeyay beelaha oo ah kuwo lasoo xulay oo aan ahayn kuwo la doortay in maslaxada dalka loo dhiibo.” ayuu yiri Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Ugu dambeyn Siciid Deni ayaa ku eedeeyey xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya inay ka gaabisay waxyaabo badan oo muhiim u ahaa doorashooyinka, islamarkaana ay wado marin habaabin sababi karta, sida uu hadalka u dhigay in dib loogu laabto halkii laga yimid. View the full article
  2. Ugu yaraan 5,600 oo qof ayaa lagu qabtay magaalooyin ku yaal dalka Mareykanka tan iyo markii ay bilowdeen banaan-baxyadda looga soo horjeeday geerida George Floyd. Sidda lagu sheegay Warbixin ay daabacday Wakaaladda AP dhammaan dadkaan ayaa waxaa xiray Ciidanka Ilaaladda Qaranka oo bilaabay howlgal ay ku doonayaan in ay ku joojiyaan banaanbaxyadda. Qabqabashada ayaa imaaneysa iyadoo mudaaharaadyada magaalooyinka qaar ay noqdeen kuwo rabshado wata. Madaxweynaha Mareykanka ku booriyay booliiska iyo gudoomiyeyaasha in ay si xoog ah ku joojiyaan banaanbaxyadda. Magaalada Minneapolis, oo uu Floyd ku dhintey, ilaa 155 ayaa la qabtay. Qaar ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn Mareykanka ayaa sameeyay qabqabasho tiro badan, oo ay ku jiraan ku dhawaad 800 magaalada New York iyo in ka badan 900 Los Angeles. View the full article
  3. Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, ahaana Duqii Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo wareysi siiyey Shabelle ayaa si weyn u dhaliilay kuraasta 7 xubnood ee loo qoondeeyey in Muqdisho ay ku yeelato Aqalka Sare ee BF Soomaaliya. Madaale ayaa tilmaamay in arrintaasi ay tahay khalad hor leh oo laga galay caasimadda oo ay ku nool yihiin in ka badan saddex million oo dad ah. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in maqaam u sameynta Muqdisho ay noqon doonto caqabad ama xeen-daab aan laga gudbi karin, sida uu hadalka u dhigay. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/06/Cod-sakariye-1.mp3 View the full article
  4. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo xalay khudbad ka jeediyay xarunta madaxtooyada caasimadda Garoowe, ayaa sheegay in xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay waddo qorshe halis ah, oo lagu marin-habaabinayo doorashada madaxtinimada dalka. Madaxweyne Deni, wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku fashilantay, in mudadii ay jirtay dalka gaarsiiso doorasho qof iyo cod ah, haatana ay waddo qorshe halis badan oo dalka dib loogu celinayo doorasho ku dhisan hannaanka 4.5, taasina aysan Puntland marnaba aqbali doonin. Mudane Deni, ayaa sheegay in qorshahaas ay Villa Somalia waddo uu dalka u horseedayo, in dib loogu laabto wadadii Soomaaliya ku burburtay, islamarkaana uu sababi karo khilaaf ay adagtahay in dib dambe la isu’gu soo noqdo. Madaxweynaha ayaa sheegay, in heshiiskii 2016 dhexmaray Puntland iyo dowladda Federaalka lagu go’aamiyay, in aan mar dambe dib loogu laaban doorasho ku salaysan nidaamka 4.5, isagoo caddeeyay in aysan Puntland mar kale yeeli doonin nidaamkaas. Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in haddii lagu laabto hannaanka 4.5 uu dalka dib ugu celin doono khilaaf siyaasadeed iyo colaad keenta isku dhacyo hubaysan, oo waddanka dib uga bilowday, taasina aan sinnaba loo aqbali Karin. Hoos ka daawo hadalkiisa PUNTLAND POST The post Deni oo sheegay in Villa Somalia wado doorasho dalka ku celinaysa dagaal sokeeye appeared first on Puntland Post.
  5. Laba ka tirsan golaha wasiirada Somaliland ayaa laga helay cudurka faafa COVID-19 sida ay xaqiijisay wasaaradda caafimaadka maamulkaasi. Sidoo kale waxa lagu soo warramayaa inay jiraan wasiirro kale oo laga baaray Coronavirus, balse laga waayay xanuunka. Wasiirka maalgashiga Somaliland, Mudane Maxamed Axmed Cawad ayaa shaaciyey in laga helay cudurka Covid-19, wuxuuna qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ku sheegay in haatan xaaladdiisa caafimaad ay fiican tahay. Somaliland ayaa ka mid ah meelaha uu sida weyn u saameeyay cudurka saf-mareenka ah ee Covid-19. View the full article
  6. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo xalay hadal ka jeediyey Garoowe ayaa ka warramay marxaladda kala guurka ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021-ka. Siciid Deni ayaa sheegay in aysan ku kalsooneyn guddiga howsha wada oo ay shaacisay in lagu saleeyey nidaamka beelaha ee 4.5, wuxuuna tilmaamay in Puntland aysan aqbali doonin dhamaan hanaanka doorashada Soomaaliya haddii aan la tashi lagala sameynin. “Xubnaha Guddiga ah ee howsha loo dhiibay waa kuwo lagu keenay awood qaybsiga Beelaha 4.5, waxa aan ka digeynaa in nidaamka qabaliga ah laga dhigo Dastuur, Puntland waxa ay meel dheer ka taagan tahay ku kalsoonaanta guddi ama Hay’ado sharci dajin oo lagu saleeyay beelaha oo ah kuwo lasoo xulay oo aan ahayn kuwo la doortay in maslaxada dalka loo dhiibo.” ayuu yiri Madaxweynaha maamulka Puntland. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay xildhibaanada labada Aqal iyo golaha wasiirada Soomaaliya ee ka soo jeeda Puntland aysan ku matalin hanaanka doorashada, maadaama aysan ku imaan doorasho shacab, balse lagu ay ku yimaadeen xulasho. Madaxweyne Siciid Deni oo hadalkiisa sii wata ayaa ku eedeeyey xukuumadda federaalka Soomaaliya inay ka gaabisay waxyaabo badan oo muhiim u ahaa doorashada, islamarkaana ay wado marin habaabin sababi karta, sida uu hadalka u dhigay in dib loogu laabto halkii laga yimid. “Marin habaabinta Xukuumadda waxa ay dhalin kartaa in lagu kala tago nidaamka Dowladda oo aan ognahay halka uu ka yimid, sidoo kale waxa ay dib u dhigeysaa dalka oo waxaa ka dhalan karo khilaaf ay adkaantoodo in dib la isaga yimaado” ayuu yiri Madaxweyne Deni.” ayuu markale yiri, Siciid Cabdulllaahi Maxamed (Deni). Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in la gaaro heshiis siyaasadeed, ka hor inta aan la guda gelin howlaha doorashooyinka, si looga hortago khilaafaadyo hor leh oo yimaada.
  7. To be frank I love politics. This is because politics is the battleground for ideas and discourse in order to engineer a good society. Unfortunately, the nation that brought me to this world has been in turmoil which decapitated the human capital. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/06/Warka-Subax-020620.mp3 View the full article
  9. Xiisad colaadeed ayaa saaka oo Talaado ah ka aloosan degaanka Tukaraq ee gobolka Sool kadib markii ay maalmihii u dambeeyay halkaasi isku ballaarinayeen ciidamada Somaliland ee ku sugan gobolkaasi Sool. Somaliland ayaa gaadiid hubaysan soo dhoobtay jiidda u dhexaysa labada ciidan ee Puntland iyo Somaliland waxaana ay saddexdii maalmood ee u dambaysay wadday dhaq dhaqaaqyo ka duwan kuwii hore inkastoo aan weli la ogaan ujeedkooda. Goob-joogayaal ku sugan Tukaraq ayaa soo sheegaya in Somaliland ay gaadiid hubaysan iyo ciidamo horleh ka keentay Taliska Gooja-cadde kuwaas oo gelinkii dambe ee shalay soo gaaray jiidda Tukaraq oo ay isku hor fadhiyaan Ciidamada Puntland iyo Somaliland. Wararku waxay intaas ku daraya in sidoo kale dhinaca Puntland ay saaka ka socdaan dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ku wajahan xiisadda ka dhalatay ciidamada Somaliland ku soo gurayso gudaha degaanka Tukaraq. Somaliland iyo Puntland ayaa marar hore ku dagaallamay degaanka Tukaraq iyo nawaaxigiisa balse mudooyinkii u dambeeyay xiriir wanaagsan ayaa ka dhexeeyay labada dhinac welina ma cadda sababta kicisay dhaq dhaqaaqyada ciidan. PUNTLAND POST The post Xiisad dagaal oo ka aloosan degaanka Tukaraq appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan lagu taageerayay dadaallada dowladda Soomaaliya ee ku aadan Jubaland loo dhanyahay oo ay ka qeybgalaan dhammaan beelaha dega Jubooyinka iyo Gedo ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho. Waxaa kulanka soo qaban qaabisay beesha Dagoodiye oo ka mid ah beelaha dega Jubaland, waxaana kulanka goobjoog ahaa siyaasiyiin, waxgarad iyo dhalinyaro. Kulanka intii uu socday ayaa si qota dheer looga hadlay doorka dhaqanka ee dib-u-dhiska Jubaland iyo in lagu garabsiiyo dowladda Soomaaliya dadaalkeeda ku aadan dhismaha Jubaland. Waxaana ugu dambeyntii beesha Dagoodiye kulankooda ay ka soo saareen qodobo dhowr ah , waxaana ugu muhiimsanaa: 1 – Beeshu waxay dowladda federaalka ugu baaqeysaa in ay sii laba jibaarto dadaalka dhismaha Jubaland loo dhanyahay, waxaana ku baaqeynaa in dowladda ay qabato Shir dib-u-heshiisiin ah oo dhammaan beelaha ay ka soo qeybgalaan si loo helo jubaland cadaalad ku dhisan. 2 – Beesha Dagoodiye marna ma ilaabi doonto dilkii arxandarada ahaa ee Axmed Madoobe uu u geestay nabadoon Maxamed Nuur Cismaan oo ahaa Nabadoonkii beesha ee Jubaland, iyo Barakicintii uu u geestay Beesha iyo Dhulboobka uu wali ku hayo beesha. 3 – In Beesha Dagoodiye aysan aqoon saneen maamulka rajiimka Axmed Madoobe: Marna beeshi ma aqbaleyso maamul ku dhisan eex, nin jecleysi ku tagri fal awoodeed iyo sad bursi oo qoriga uu sharci . 4 – In beeshu marn gorgortan kama gali doonto boobka uu Axmed Madoobe ka geestay Kismaayo iyo burburintii Xaafadii Buula Dagoodiye iyo Dhulkii uu sida sharciga baal marsan ku boobay, waxayna aaminsan tahay in cadaaladu mar un shaqeyn doonto, Axmed Madoobana loo maxkamadeyn doono arrintaas iyo gabood falkii uu u geestay waxgaradka beesha ee Jubooyinka iyo Gedo. 5 – Dowladda federaalka waxaan ugu baaqeynaa in ay dhowrto wax wada lahaanshaha beelaha wada dega Jubaland. 6 – Waxa kaloo beesha Dagoodiye Beelaha kale ee dega Jubaland ugu baaqeysaa in la qadariyo dhaqanka rasmiga ah ee beelaha ee soo jireenka ah. 7 – waxaan uga digeynaa ragga leh damaca siyaasadeed in ay ka digtoonaadaan wax walba oo xasad iyo dhibaato ka dhex abuuraya bulshada deegaankaa. 8 – Ugu dambeyn waxaan ku baaqeynaa in duulaanka qaawan ee maleeshiyaad huwan shaati maamul ay ka wadaan Deegaanka Goryaale ay joojiyaan, oo aan la hurin colaad sokeeye oo uu dhiig ku daato, Dowladda Fereaalka Soomaaliya, Dowlad Deegaanka iyo maamulka KGS waxaan si deg deg ah ugu baaqeynaa in arrintaas joojinteeda ay qeybka qaataan oo masuuliyad ay iska saaraan inta uusan dhib dhicin.
  11. “Nine men who are blood brothers like us - Eight of them being from the same mother like you; And the other one has another mother like me - And the eight are deceiving the man like you; And the man is figuring out the tricks like me...” Source: Hiiraan Online
  12. MINNEAPOLIS — An independent autopsy commissioned by George Floyd’s family found he died of asphyxiation due to neck and back compression, the family’s attorneys said Monday. Source: Hiiraan Online
  13. In his first substantial comments since the killing of George Floyd, fiery Minneapolis police union president Lt. Bob Kroll blasted the city's handling of the ensuing riots in a letter to the rank-and-file, in which he told officers that they were being made "scapegoats" for the continued violence. Source: Hiiraan Online
  14. African refugees living in Minneapolis were already struggling with their "American dream" when George Floyd died in police custody. Source: Hiiraan Online
  15. Abdirahman “Abcos” Ahmed and his wife, Sagal Aden, have opened Afra Grill on Morse Road, bringing “African inspired, American made” food to the Northland area. Source: Hiiraan Online
  16. The only Somali foster carers in Bristol have called for others from the same background to join them. Source: Hiiraan Online
  17. China's Foreign Ministry called on the US on Monday to prevent racial discrimination against minorities following the death of George Floyd, an unarmed black man who died last week after being pinned down by a white police officer in the state of Minnesota. Source: Hiiraan Online
  18. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo xalay Shacabka u jeediyay Khudbaddiisa billaha ee “La-hadal dadweynaha” ayaa markii u horraysay ka hadlay Khilaafka u dhexeeya isaga iyo madaxweyne ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan. Madaxweyne Deni, ayaa sheegay in Puntland uusan ka jirin Khilaaf sharciya iyo mid siyaasiya toona, balse ay jirto kala ra’yi duwanaan la xiriirta dhanka maamulka dowladda, taasi oo sida uu sheegay ay buun-buunin ku sameeyeen dad uu ku tilmaamay cadowga Puntland. Madaxweynaha, ayaa sidoo kale sheegay in kala ra’yi duwanaantaas ay ka dhalatay, isbeddelo lagu sameeyay mas’uuliyiin dowladeed, kuwaas oo ku saabsanaa dardar gelinta maamulka iyo tayaynta hay’adaha dowladda. Mudane Deni, wuxuu sheegay in mar kasta oo isbeddelo lagu sameeyo mas’uuliyiinta dowladda ay ka dhalato kala ra’yi duwanaan maamulka dhexdiisa ah, maadaama aysan dadka oo dhan raalli gelin Karin isbeddelada yimaada. Ha yeeshee, wuxuu tilmaamay in shuruucda iyo Dastuurka Puntland ay yihiin kuwa sugan oo aan marnaba khilaaf iyo muran gelin, isagoo xusay in cid kasta sharcigu ka sarreeyo. Halkan ka daawo Hadalka madaxweyne Deni PUNTLAND POST The post Deni oo markii u horraysay ka hadlay Khilaafka u dhexeeya isaga iyo Axmed Karaash appeared first on Puntland Post.
  19. The Twin Cities has so far had a third night of calm following last week’s unrest. Source: Hiiraan Online
  20. The arrest gives some support to local officials' claims that outside agitators may be partially responsible for violence in Minneapolis. Source: Hiiraan Online
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa degan dad ilaah xaalkooda ogyahay. Waxay aqbalaan wax kasta oo Soomaalida gobollada kale ee dalka aan lagu dayi karin, inay ogolaadaan iska daa’e. Waxay markii hore ogolaadeen in magaalada aysan wax matalaad ama saami ah ku yeelan hananaka siyaasadda dalka, ayada oo ay wakiil ka yihiin dad dadkooda ku iibsada dantooda shakhsiga ah (Adiga ayaan kaa hadlayaa Shariif Sheekh Axmed), kadibna kuwii xaqooqda la duudsiiyey kama dhiidhin. Waxay ogolaadeen inay dul degto dowlad aysan wax matalaad ah ku lahayn, oo qaadata dhammaan dakhliga gobolka soo gala, kadibna usoo celisa wax ka yar 15%, inta kalena ay kala qaataan dad ka yimid gobollada kale ee dalka oo magaalada ugu soo shaqo taga magaca dowladnimo Soomaaliyeed. Waxay ogolaadeen welina raali ka yihiin in Imaamyadooda iyo Ugaasyadooda ay noqdaan caado qaatayaal laga biilo Villa Somalia, oo qof kasta oo isku daya inuu u qeyliyo xuquuqda magaalada ayaga aamusiya, inta aanba la gaarin kuwa magaalada usoo shaqo taga ee ay dhibeyso inay maqlaan in laga hadlo xuquuqdeeda. Waxay ogololaadeen in qof ka yimid Puntland uu guddoomiye degmo ka noqdo Cabdcasiis oo dadka degan ay yihiin Mudullood, ayada oo jidkan ay uu jeexay siyaasi aan ka fakarin cawaaqibka mustaqbalka ka dhalan kara ficilladiisa (Adiga ayaan kaa hadlayaa Taabit Cabdi), inkasta oo uu Farmaajo ku cadaadiyey. Hadda Cabdicasiis waxay noqotay degmo sharciyan qof aan Puntland kasoo jeedin loo magacaabin karin, waxaana taas caddeeyey markii guddoomiyihii hore ee geeriyootay lagu beddelay mid kale oo ku beel ah. Waxay sidoo kale ogolaadeen in qof kasoo jeeda Koonfur Galbeed loo magacaabo xogahayaha maamulka gobolka, inkasta oo markii dambe lagu beddelay qof reer Hiiraan ah. Waxaa hadda ku xigay in guddi isku dhaf ah oo ka socda labada Aqal ay Axaddii soo jeediyeen in 7 kursi lagu daro Aqalka Sare, kuwaas oo ka iman doona Muqdisho, ayada oo lagu qeybsan doono nidaamka 4.5, oo macnaheedu yahay in dad aan gobolka u dhalan ay matali doonaan danihiisa. Waxaa yaab leh in guddigan oo uu madax ka yahay Ibraahim Isaaq Yarow oo kasoo jeeda Koonfur Galbeed, ay go’aaminayaan aayaha Muqdisho, halka kuwa u dhashay gobolka aysan wax talo iyo tusaale ah ku lahayn, oo ay diyaar u yihiin inay aqbalaan wixii ay usoo go’aamiyaan dad ay ka tiro, awood iyo dhaqaale badan yihiin intaba. Arrinta walaaca leh ayaase ah in qorshaha awood ku qeybsiga Muqdisho ee 4.5 uu yahay horudhaca hindise ka weyn oo soo socda. Waa tijaabadii ugu dambeysay ee la marsiinayo dadka aan damiirka iyo dadnimada lahayn ee magaalada dega. Waxaan shaki ku jirin in haddii qorshahan uu meel maro, oo aan laga hortagin inay xigi doonto inaad aragto in duqa Muqdisho loo magacaabo qof kasoo jeeda Puntland, ama Somaliland ama Gedo, oo aan Muqdisho u dhalan. Haddii 4.5 lagu qeybsado wakiilada Muqdisho ee Aqalka Sare, maxaa diidayda in xilka duqa Muqdisho uu noqdo mid wareegto ah oo beelaha u mara hab 4.5 ah? Dadka Muqdisho waxaa la marinayaa tijaabadii ugu dambeysay, baal aan aragno sida ay uga gudbaan.
  22. Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo xalay kulan la qaatay Haweenka ku nool koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in uu mudnaanta kowaad siin doono hirgelinta Amniga iyo Xasiloonida Galmudug. Madaxweyne Qoor Qoor wuxuu sheegay in si lo helo Galmudug Xasiloon ay xukuumaddiisu Hubka dhigis ku samayn doonto cid kasta oo Hub ku dhex wadata Galmudug oo aan ka tirsanayn maamulkiisa cusub. Sidoo kale wuxuu sheegay in xukuumaddiisu ay qaramaynayso malayshiya-beeleedyada hubaysan ee jira Galmudug isagoo tilmaamay in lagu dari doono ciidamada kala duwan ee maamulka si ay nabadda uga qayb-qaataan. Hoos ka daawo Muuqaalka PUNTLAND POST The post Madaxweyne Qoor Qoor oo sheegay in uu Hub ka dhigis rasmiya ka samayn doono Galmudug appeared first on Puntland Post.
  23. Dowladda Puntland ayaa soo dhowaysay hadalkii ka soo yeeray Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo muujiyay sida ay uga go’antahay in doorashada madaxtinimada dalku ay wakhtigeeda ku qabsoonto. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo xalay khudbad ka jeediyay madaxtooyada Garoowe ayaa ku bogaadiyay Ra’iisul wasaaraha hadalkiisi ku aaddanaa in dalka ay ka dhacdo doorasho wakhtigeeda qabsoonta islamarkaana heshiis lagu wada yahay oo si xasilooni ah u dhacda. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in hadalkaasi Ra’iisul wasaare Khayre uu yahay hadal mug iyo miisaanleh balse u baahan in loo beddelo ficil iyo in laga dhabeeyo sidii doorasho loo dhanyahay oo xasilooni ay dalka uga dhici lahayd. Balse wuxuu ka digay in la qabto doorasho aysan heshiis ku ahayn dhammaan saamileeyda Siyaasadeed ee dalka Soomaaliya taasi oo uu sheegay in dowladda Puntland aysan marnaba aqbali doonin. Halkaan ka daawo Muuqaalka PUNTLAND POST The post Puntland oo Ra’iisul wasaare Khayre ku taageertay in doorashada wakhtigeeda la qabto appeared first on Puntland Post.
  24. Hargeysa (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa muddooyinkii dambe waday qorshayaal iyo dadaalo uu ku rabay inuu ku dhex-dhexaadiyo Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland, kuwaasi oo ugu dambeyntiina ku dambeeyay fashil, sida uu shaaciyay wargeyska The Reporter. Wargeyska The Reporter ee kasoo baxa caasimada dalka Itoobiya ee Addis Ababa, ayaa qoray in dadaaladii Abiy ay fashilmeen, xili ay ka caga jiidayaan labada dhinac inay si toos ah isugu yimaadaan miiska wada-hadalka. Wargeyska ayaa xusay in maalmihii u dambeeyay Madaxda Soomaaliya iyo Somaliland ay hawada isku marinayeen hadalo kulul, midaasi oo uu ku tilmaamay bilowga fashilka qorshaha Abiy ee isku soo dhaweynta labada dhinac. The Reporter ayaa xiisada ka dhex oogan Dowladda federaalka iyo Somaliland ku macneeyay kuwo god madow kusii ridaya rajada laga lahaa inay wada-hadlaan, taasi oo meesha ka saareysa rabitaanka Itoobiya ee uu hogaaminayo Abiy Axmed. Sidoo kale waxa uu Wargeysku si cad u sheegay in labada dhinac ay gebi ahaanba diideen inay yeeshaan kulan, midkaasi oo gogol xaadh u noqon laheyd inay dib u furmaan wada-hadalada mudada badan hakadka ku jira. Abiy Axmed ayaa muddooyinkii dambe waday qorshayaal cusub oo ku wajahayo dib u furista wada-hadaladaasi, isagoo gacan ka helaya safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, kaasi oo ka dhan ahaa madax-banaanida ay ku doodo Somaliland. “Bilihii u dambeeyay Soomaaliya iyo Somaliland waxay is dhaafsanayeen hadalo kulul, dhexdhexaadintii Abiye Axmed uu sameeyayna way fashilantay” ayaa lagu yiri warbixinta Wargeyska. Wuxuuna intaasi sii raaciyey “Labada dhinacba (Soomaaliya iyo Somaliland) waxay diideen inay si toos ah isu arkaan oo ay kulan yeeshaan”. Xiisada siyaasadeed ee ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Somaliland ayaa u muuqata mid sii fogeynaysa inay madaxda labada dhinac iskugu yimaadan miiska wada-hadalka.
  25. Xisbiga Tigray-ga oo ku adkeystay mawqifkooda doorashada,Kuna Gacansaydhay hanjabadii Abiy Axmed Xisbiga Tigrayga Itoobiya ee TPLF ayaa ku adkeystay go’aankooda ah inay qabtaan doorashooyin, ayaga oo ku gacan seeray diginin iyo hanjabaad kaga timid ra’iisul wasaare Abiy Ahmed. Bayaan kasoo baxay TPLF ayaa lagu diiday dib u dhigista ay dowladda ku sameysay doorashooyinka ayada loo adeegsanayo fasiraad lagu sameynayo dastuurka. Bayaanka ayaa sidoo kale ku eedeeyey xisbiga Abiy Ahmed uu hoggaamiyo ee Prosperity Party inuu galay dmabiyo waa weyn, oo ay ka mid yihiin inuu ka tanaasulay madax-banaanida iyo danaha amniga qaranka ee dalka, jebinta dastuurka, iyo dagaal ku qaadista kuwa la jira dastuurka, sida TPLF. “Xisbiga Prosperity Party wuxuu sidoo kale halis gelinayaa amniga dalka isaga oo adeegsanaya akhbaaraad been abuur ah,” ayaa lagu yiri bayaanka. TPLF ayaa sidoo kale dhaliishay muuqaal laga baahiyey warbahainta dowladda 28-kii May, oo aheyd sanad-guuradii 29-aad ee kasoo wareegtay markii ciidamada TPLF ay galeen magaalada Addis Ababa kadib dagaal 17 sano socday oo ay la galeen taliskii Derg ee Mengistu Haile Mariam. Muuqaalladan ayaa muujiyey xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo loo gaystay maxaabiista siyaasadeed intii ay xukunka hayeen TPLF. TPLF ayaa baahinta muuqalladan ku macneysay “ku baaqista xasuuq” iyo isku day lacag loogu iibsanayo awoodda. TPLF ayaa ugu ugu baaqay guddiga doorashooyinka qaranka inay doorashada ku qabtaan waqtigeeda, si waafaqsan dastuurka, haddii ay taas dhici weysana uu gobolka Tigray sii wadi doono u diyaar garowga qabashada doorashooyinka. Waxay sidoo kale ku eedeeyeen ra’iisul wasaare Abiy Ahmed inuu inkirayo xuquuqda dadka ay u leeyihiin inay iskood isku maamulaan iyo inuu qaadayo dagaal ka dhan ah gobollada. Xafiiska Abiy weli kama jawaabin eedeymaha cusub iyo go’aanka TPLF. Qaran News