-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Mekelle (Caasimada Online) – Xisbiga Tigrayga Itoobiya ee TPLF ayaa ku adkeystay go’aankooda ah inay qabtaan doorashooyin, ayaga oo ku gacan seeray diginin iyo hanjabaad kaga timid ra’iisul wasaare Abiy Ahmed. Bayaan kasoo baxay TPLF ayaa lagu diiday dib u dhigista ay dowladda ku sameysay doorashooyinka ayada loo adeegsanayo fasiraad lagu sameynayo dastuurka. Bayaanka ayaa sidoo kale ku eedeeyey xisbiga Abiy Ahmed uu hoggaamiyo ee Prosperity Party inuu galay dmabiyo waa weyn, oo ay ka mid yihiin inuu ka tanaasulay madax-banaanida iyo danaha amniga qaranka ee dalka, jebinta dastuurka, iyo dagaal ku qaadista kuwa la jira dastuurka, sida TPLF. “Xisbiga Prosperity Party wuxuu sidoo kale halis gelinayaa amniga dalka isaga oo adeegsanaya akhbaaraad been abuur ah,” ayaa lagu yiri bayaanka. TPLF ayaa sidoo kale dhaliishay muuqaal laga baahiyey warbahainta dowladda 28-kii May, oo aheyd sanad-guuradii 29-aad ee kasoo wareegtay markii ciidamada TPLF ay galeen magaalada Addis Ababa kadib dagaal 17 sano socday oo ay la galeen taliskii Derg ee Mengistu Haile Mariam. Muuqaalladan ayaa muujiyey xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo loo gaystay maxaabiista siyaasadeed intii ay xukunka hayeen TPLF. TPLF ayaa baahinta muuqalladan ku macneysay “ku baaqista xasuuq” iyo isku day lacag loogu iibsanayo awoodda. TPLF ayaa ugu ugu baaqay guddiga doorashooyinka qaranka inay doorashada ku qabtaan waqtigeeda, si waafaqsan dastuurka, haddii ay taas dhici weysana uu gobolka Tigray sii wadi doono u diyaar garowga qabashada doorashooyinka. Waxay sidoo kale ku eedeeyeen ra’iisul wasaare Abiy Ahmed inuu inkirayo xuquuqda dadka ay u leeyihiin inay iskood isku maamulaan iyo inuu qaadayo dagaal ka dhan ah gobollada. Xafiiska Abiy weli kama jawaabin eedeymaha cusub iyo go’aanka TPLF.
-
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa markii ugu horreysay ka hadashay islamarkaana mowqif aan la fileyn ka muujisay qorshaha ay Israel ku goosaneyso qeyb ka mid ah Daanta Galbeed ee dhulka Falastiin. Sarkaal sare oo u dhashay dalka Imaaraadka Carabta ayaa maanta sheegay in tallaabo kasta, oo hal dhinac, oo Israel ay ugu darsaneyso qeybo ka mid ah Daanta Galbeed, ay dib u dhac weyn ku noqon doonto hanaanka nabadda Bariga Dhexe. Ra’iisul Wasaareaha Israel Benjmain Netanyahu ayaa sheegay in golahiisa wasiirada ay 1-da bisha July billaabi doonaan wada-xaajoodyo ku saabsan qorshaha Israel ay madax-banaanideeda ugu dabaqeyso dhul ka mid ah kan Falastiin. Netanyahu ayaa sheegay in qorshaha nabadda Bariga Dhexe ee uu bishii Janaayo soo jeediyey madaxweyne Trump uu ballan-qaadayo aqoonsashada deegaanada Yahuudda ee Daanta Galbeed inay yihiin dhul Israel. Falastiiniyiinta ayaa si aad ah u diiday qorshaha nabdda Trump, sababtoo ah waxa uu inta badan Israel u sharciyeynayaa dhulkii ay ku qabsatay dagaalka, oo ay ku jiraan dhammaan deegaanada Yahuudda ee ay dhistay, taasi oo ah wax Israel ay raadineysay tobaneeyo sano. “Sii socoshada hadalka ku saabsan ku darsashada qeybo ka mid ah dhulka Falastiin waa in la joojiyaa,” ayuu yiri wasiiru dowladaha arrimaha dibedda Imaaraadka Carabta Anwar Gargash, oo qoraal soo dhigay twitter-ka. Waa markii ugu horreysay oo Imaaraadka Carabta ay si rasmi ah ugu hadlaan qorshahan, waxaana ay imaneysa ayada oo lagu xanto in ayaga iyo Sacuudiga ee xiriir hoose la leeyihiin Yahuudda. Waxay horey uga aamuseen xadgudub badan oo Yahuudda ay kula kacaan Falastiiniyiinta. Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa horey ugu eedeeyey qaar ka mid ah dalalka Carabta inay taageerayaan qorshaha madaxweyne Donald Trump, oo uu ku qeexay “Khiyaano Qaran.” “Qaar ka mid ah dalalka Carabta ee taageeraya qorshaha noocan ah waxay sameynayaan Khiyaano Qaran oo ka dhan ah Qudus, shacabkooda iyo guud ahaan bani’aadannimada” ayuu Erdogan u sheegay madax goboleedyada xisbigiisa oo uu kula kulmay Ankara. Erdogan oo ah hoggaamiye diinta ku adag, una ololeeya xuquuqda Falastiin, ayaa si gaar ah u magacaabay Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Masar, Baxreyn iyo Jordan Qaran News
-
Wasiir ka tirsan Xukumada Somaliland oo shaaciyey in Xanuunka Coronavirus Haleelay+Xaaladuu galay Waxaan sameeyey Baadhitaanka caabuqa Covid19, jawaabtuna positive bay noqotay Xaaladayduna way fiican tahay. Wax xanuun ah oo aan dareemaya ma jirto #Somaliland #COVID19 — Mohamed Ahmed (Awad) (@CAWADAYN) June 1, 2020 Qaran News
-
Maqaamka Banaadir ay yeelanayso lagalama tashanaayo niman kayimid :- Gibilleey, Garoowe, Caabudwaaq, Kismaayo iyo Ceel-barde. Lama waydiin doono nin aan kasoo jeedin Banaadir aayaheeda, ma goyn karo maqaankeeda, xaq uma lahan, waana riyo maalmeed kuwa ku haasaawaaya in maqaamka Muqdisho ay iyagu sameyn karaan. Sharci uma lahan nin deegaankii uu lahaa maamul iyo astaan usameystay in uu warbaahinta kayiraahdo dhaxalkii Muqdisho qaybteeda wax ku leeyahay. Dastuurka Kmg ee noo yaalla xittaa waxaa kaweyn jiritaanka dadkii lahaa dhulkaan ee dulqaadnimada ku aqbalay in umadda Soomaaliyeed leyskugu keeno, ee ogolaaday in kaligood canshuur laga qaado, ee ogolaaday in ganacsigoogada wixii laga canshuuro lagu dhiso gobolllada dalka. Muqdisho waa noolyihiin dadkii lahaa, waana meel ku caan ah in laga muuniyo midnimada Soomaaliyeed in ay muqaddas tahay, waa goobtii ogolaatay wadajirka iyo wada noolaashaha dhamaan shacabka Soomaaliyeed, waa goobta kaliya ee aan leheyn in nin Soomaaliyeed lagu heyb sooco. Banaadir waa magaalo ka ilbaxsan magalooyinka kale ee dalka ee dadkeeduna aaminsan yihiin jiritaanka dowladnimada Soomaaliyeed. Muqdisho ma aqbali doonto keeyga anigaa leh, kaagana kula lihi, waana muhiim in aan fahamkaa ay wada yeeshaan dallaaleeyda rabta in ay wax duudsiiso dad soo jeeda.
-
20:20 1June A music producer on a trip to Djibouti to listen the national radio station’s music archive discovered some of the country’s best musicians [...] The post Unlocking Djibouti’s ‘best kept secret’ appeared first on . Source
-
Madaxweyne, iga ogolow inaad wax yar i raacdo. Adiga oo raalli ah bal soo kac. Askarta iyo shaqaalahaagaba waan ka tagaynaa. Annaga oo maanta joogna ayaan safar gaaban shalay ku booqanaynaa. Waan ogahay inay howl badan kuu taal. Ha ka walwalin ma soo daahayno. Dhaqso waan soo laabanaynaa. Waxaad suuraysataa adiga oo jooga 2016. Xaggeed taagan tahay hadda? Ma qolka fadhiga ee gurigaaga? Ma meel Hotel ah oo aad rag kula showrayso? Mase baabuur ayaad keligaa ama adiga iyo qoyskaaga saaran tihiin? Kolleyba madaxtooyo ku ma jirtid. Kolleyba xafiiska bannaankiisa dad tiro badan oo inay kula kulmaan raba kuu ma taagna. Kolleyba shaqaale jadwalkaaga kala hagaya oo waqtiga aad quraacanayso iyo xilliga aad shaaha cabayso kuu kala sheegaya ma kula joogaan. Haa, waan hubaa in dharka aad hadda wadato aad gacantaada ku soo gashatay, ama ugu badnaan carruurtaada ama xaaskaaga qiimaha badan ay qaanadda kaaga soo saareen. Shaki iiga ma jiro in uusan kula joogin qof kuu qaabilsan xiritaanka iyo hagaajinta garabaatiga iyo suudka aad wadato. Ii sug oo ha na dhaqaajin aan wax yar halkeenna ku nasanee. Bal istus madaxtooyada Soomaaliya saacaddaan sida ay u taal iyo waxa yaal. Waxaa ku jira nin wax walba oo aad adigu gacantaada ku samaysatay ay isaga dad carbisan oo caabboon u sameeyeen. Waa nin aanan adiga kaa oday iyo itaal roonayn. Waa nin, sida adiga, siyaasi ah oo in uu meesha uu hadda joogo yimaado u soo galay tartan aad adigu hore u gashay, hadda ka dibna aad gali doonto. Mudane, aan hal su’aal ku weyddiiyo. Sannadka soo socda maxaad ku hamminaysaa? Isla aniga aan jawaabta kaa boobee, waxaan u malaynaa inaad inta ila yaabtay, niyadda iska leedahay “waxaan ma waalan yahay. Maxay tahay su’aasha rakhiiska ah ee uu kuula yimid. Ma oga miyaa inaad tahay musharrax madaxweyne oo doonaya inuu sannadka soo socda ku fadhiisto kursiga ugu sarreeya dalka?!” Waa run inaad musharrax tahay. Waxaa kale oo run ah in kursiga aad u ordayso ay sidoo kale u ololeynayaan dad badan oo uu xitaa ku jiro ninka hadda ku fadhiya. Su’aal kale aan kugu celiyee, ka warran haddii tartanka baas ee kursiga loogu jiro la iska dhaafo, oo ninka ku fadhiyo loo daayo? Maya maya, ha igu xanaaqin su’aal keliya ayaan ku weyddiiyay wax kale ma samaynine. Waa rune, maxaan horta tartan iyo dhibkiisa ka falaynaa? Muxuu dalkaan uga baahan yahay isbedbeddel joogta ah oo aan xasillooni wax lagu maamulo lahayn? Ka warran haddii aan madaxweynaha hadda jooga ka ogolaanno baaqiisa ah “Qabyo Ninkeedaa Dhammeystira”, oo aan ugu faataxayno in dib loogu doorto kursiga, si uu u dhammeystiro howlaha qabyada ka ah? Ma igu diidday? Ma waxaad i leedahay “nin wax qabyeeyay dhammeystir ka ma rabno, ee ha na dhaafo.” Ma waxaad i xasuusinaysaa in isbeddelka hoggaanka, qabashada doorasho caddaalad ah iyo xukun-isku-dhiibkaba ay yihiin dhaqanno wanaagsan oo ay dowladnimadu ku bullaasho? Waan kugu raacay intaasba, ee na wad aan dib kuugu celiyo xafiiskaagii madaxtooyada ee aan kaa soo waday. Marti badan ayaa ku sugaysa ee na dedeji bal. Waa kan xafiiskaagiye gal. Nabadgeliyo. Mudane waa aniga oo kugu soo laabtay. Waxaan illoobay inaan kuu sheego hal arrin oo markaan kaa tagay ka dib igu soo dhacday. Madaxweyne, meeshi aad joogi jirtay rag ayaa hadda jooga, oo meesha aad hadda joogto u soo socda. Haddii aadan dheeraad wanaagsan ku soo kordhin karin, xikmadda ugu yar ee ay dadkaasu kaa mudan yihiin waa intii aad adigu ninkii meesha kaaga horreeyay ka muteysatay oo ahayd “ha la ila tartamo, si aan u haysto ama la iiga helo!” Wax aanan shalay adiga ku qaban, maanta dad ha u quurin. Wax aanad shalay adigu qaadan lahayn, maanta lagaa ma qaadan doonee. AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Wasiirka Maalgashiga Somaliland Maxamed Axmed Cawad, ayaa sheegay in laga helay cudurka COVID19 haatanna ay xaaladdiisa caafimaad wanaagsan tahay, sida uu ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Twirterka. Wararka aanu helay waxa ay sheegayaan inay jiraan laba wasiir oo ka tirsan xukuumadda Somaliland oo laga helay cudurka halista ah ee COVID 19. Agaasimaha guud ee waasaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr. Maxamad Cabdi Xergeeye, oo khadka taleefan kula hadlay wariye Nuuradiin, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warka sheegaya in laba wasiir laga helay cudurka Covid -19. Dr. Xergeeye, waxa uu ii sheegay in aanay jirin wax wasiirro ah oo cudurka laga baadhay. Wararka aanu helayno ayaa waxa ay sheegayaan inay jiraan wasiirro kale oo laga baadhay cudurka balse laga waayay. Source
-
Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/06/Bar___Qubanaha-Shabelle-010620.mp3 View the full article
-
Qoryooley (Caasimada Online)-Ururka Al-Shabaab ayaa deegaan lagu magacaabo Doon-Buraale oo dhaca duleedka degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose waxay goob fagaare ah gacanta Midig uga jareen nin ka tirsanaa dadka deegaanka. Ninka ay Al-Shabaab gacantiisii midig ka jareen waxaa lagu magacaabaa Cismaan Manuurey Maxamed, waxuuna ka mid ahaa dadka ku nool deegaanka Doon-Buraale, iyagoo ku eedeeyeen in geystay fal xatooyo ah. Nin sheegtay qaadiga maxkamadda Al-Shabaab ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa dadkii la isugu keenay fagaaraha ninka gacanta looga jaray ka hor sheegay in Cismaan uu jabsaday dukaan ganacsi oo ku yaalla deegaanka, kaas oo sida uu sheegay uu ka qaatay lacag dhan lix malyan oo Shilin Soomaali ah. Maalin ka hor Al-Shabaab ayaa goob fagaare ah oo ku taalla duleedka isla degmadan Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose waxay ku dileen nin oday ahaa. Ninkaas ay dileen Al-Shabaab oo lagu magacaabi jiray Abuukar Xaaji Cumar ayaa ahaa 50-sano jir, waxayna ku eedeeyeen in uu ahaa saaxir shantii sano ee lasoo dhaafay. Marar badan ayaa sidaan oo kale Al-Shabaab, waxay siyaabo kala duwan deegaanada ay maamulaan uga fuliyeen xukuno ay u badan tahay toogasho, waxayna dadkaas badankood u soo jeediyaan eedo ay ka mid tahay basaasnimo.
-
Madaxweynaha Dowlad Goboledka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed( Laftagareen) oo maalmahaan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa lagu wareejiyay Ciidamo ka tirsan Booliska Gaarka ah oo horay maamulka uusan u laheyn kuwaas oo dhwaanahaan Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku tabareysay Muqdisho. Munaasabad Ciidamadaan lagu wareejinayay ayaa waxaa ku sugnaa Taliyeyaasha Ciidanka Booliska iyo Asluubta Soomaaliya, kuwa Koonfur Galbeed iyo madax kale ,waxaana Ciidamadaas loogu talo sugida amniga deegaannada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, waxaana la filaayaa in maanta wixii ka dambeeyo ay u wareegaan DGKG Madaxweynaha dowlad goboledka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa sheegay in Ciidamada looga baahan yahay inay fuliyaan howlgallo kala duwan oo ka dhan ah Al-Shabaab waxaa uu sheegay in Ciidamadaan ay sigaar ah uga howlgelayaan Gobolka Shabeellaha Hoose,waxaana uu Ciidamada iyo saraakiishooda uu ugu baaqay inay si wanaagsan Shacabka ula dhaqmaan waxaan uu yiri. “Dad dhalinyaro ah oo soo tababartay oo tababr fiican soo qaatay oo deegannadooda u soo tababartay in ay wax u qabtaan ayaa tihiin, waxaad jeceshihiin in la idiin howlgeliyo xarumihii la idinka soo qoray aad tagtaan oo annagana aan jeceleen maanta ayey diyaar tahay sida ugu dhaqsiyaha badan waan u baxaynaa waa la diyaar garoobaayaa” Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sheegay in Ciidamadaan ay yihiin kuwo niyad wanaagsan oo u diyaar ah howlgallo,isaga oo sirasmi ah ugu wareejiyay dodlad goboleedka Koonfur Galbeed waxaana uu yiri. ” Ciidan uruursan oo sidaas u joogay xaruntooda in muddo ah waaye waxaan ku amaanaya taliyihii gacanta ku haayey in sida uu kuu sheegayo ay ka dhab tahay, ciidan howlgal u diaar ah niyad wanaagsan soo shaqo tagay oo u baahnaa in ay dhaqaaqaan oo howlgaan u baahan waaye oo dhalinyaro ah samir iyo dulqaadna muujiyey intii loo maqnaa waxaan ku talo galnay maanta in ciidankaan mas,uuliyadiisii aan ku wareejino maamuka Koonfur Galbeed” Cabdullaahi Xaamud wasiirudowlaha xafiiska Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya ayaa kula dardaarmay in si wanaagsan ay u shaqeeyaan waxaana uu xusay in ay heli doonaan xuquuqda ay ku leeyihiin dowladda sida uu hadalka u dhigay. “Waa inaad howshiinna qabsataan oo nabadda keentaan waa lama huraan, annagana dowlad ahaan dowladd dhexe ama Koonfur Galbeed ha ahaato wixii saacidaad ah oo idiin sameyn karno inaan idiin samayno inaan waa waajib ina saaran adinkana waajibkiina aad ka soo baxdaan annagana aan waajibkeenna aan ka soo baxno”ayuu yiri Xaamud. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Somalia’s Health minister announced on Monday evening that the country’s number of coronavirus cases had risen to 2023. In a press briefing, Dr Fawzia Abikar Nur said that over the past 24 hours, the central laboratory in Mogadishu had recorded 47 positive cases, 38 of the patients being male and 9 female. The minister added one patient succumbed to the deadly virus, bringing the total number of fatalities to 79. The minister also said 13 more people have recovered, bringing the total number of recoveries to 361. The health minister added that the majority of the cases were recorded in the self-declared region of Somaliland which has 28, Banadir nine while Puntland and Jubaland have five cases each. “I urge you to adhere to orders and advice given by State institutions,” the minister also said, noting that it was possible to contain the spread of the virus. The federal government has recently provided facilities to help infected people in Mogadishu and delivered equipment and other supplies to some member states with a promise for the same for the rest. The Horn of African nation has instituted measures to contain the possible spread of COVID19, including closing schools, banning large gatherings, and suspending international and domestic passenger flights to combat the spread of COVID-19 which has wreaked havoc across the world, affecting the global economy, killing over 370,000 people and infecting over 6 million worldwide.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal kasoo baxay xaafiiska safaaradda Soomaaliya ee dalka Sudan ayaa lagu soo bandhigay shuruudo laga doonayo dadka Soomaaliyeed ee ku xayiran dalkaas, isla markaana doonaya in dib loogu soo celiyo Soomaaliya. Safaaradda ayaa qoraalkan ku sheegtay in codsi la xariira in dalkooda dib loogu celiyo uu ka soo gaaray midowga ardayda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Sudan iyo muwaadiniinta kale. Safaaradda ayaa qoraalkan ku soo ban dhigatay illaa afar qodob oo shuruud looga dhigay qofkii doonaya in dalka dib loogu soo celiyo, iyadoo lagu wargeliyay dadka in waqtiga ay heystaan uu aad u kooban yahay. Shuruudaha laga doonayo dadkaas oo lagu soo koobay afar qodob ayaa kala ah: Waa in uu yahay qof ku xaniban dalka Sudan. Copy baasaboor aan dhacsaneyn bogga hore eek u qoran macluumaadka shakhsiga iyo Visa-hiisa oo aan dhacsaneyn ka hor COVID-19. Qofku waa in uu iska bixin karaa tikidhka. Haduu arday yahay waa in uu dhameystay Jaamacadda, isla markaana uu keenaa cadeyn muujineysa. Ugu dambeyntii qoraalka safaaradda Soomaaliya ee Khartum waxaa lagu yiri, “Qof Walba markuu buuxiyo shuruudaha kor ku xusan, waxaa laga doonayaa in uu iska soo baaro maalmo ka hor safarkiisa cudurka Coronavirus, si loo hubiyo badqabkiisa.”
-
Agaasimaha guud ee waasaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr. Maxamad Cabdi Xergeeye, oo aan hadda taleefan kula xidhiidhay, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warka sheegaya in laba wasiir laga helay cudurka Covid -19. Dr. Xergeeye, waxa uu ii sheegay in aanay jirin wax wasiirro ah oo cudurka laga baadhay. Source
-
A cargo plane carrying humanitarian aid dispatched by the government of Djibouti has arrived in the central town of Beledweyne, the regional capital of Hiiraan on Monday The humanitarian supplies were meant to assist hundreds of people displaced by floods in the region. Djiboutian troops serving under AMISOM handed over the supplies to the leader of Hirshabelle state, Mohamed Abdi Ware for distribution. Mohamed Barqad, a military commander of the Djiboutian troops along with the regional leader, members of the regional parliament and cabinet discussed ways to deliver the supplies to the families badly affected by the floods. President, Mohamed Abdi Ware expressed gratitude to the government of Djibouti for the good gesture they made during these difficult times. “I want to express our deep gratitude to the president of Djibouti, Ismael Omar Gelle, the people of Djibouti and its troops serving under the AMISOM peacekeeping mission for providing a continuous humanitarian support.” Waare added that his administration via the Federal Republic of Somalia also received USD 600,000 earlier this year to mitigate the effects of flash floods in the central town of Beledweyne and its neighboring towns. Beledweyne is a town in central Somalia with high-rise buildings and a vibrant commercial activity. Although it is frequently affected by seasonal rains, this year was different. The Shabelle River was so swollen with water from the highlands of neighboring Ethiopia that, in late October, its banks burst and almost completely flooded the town leaving thousands of people homeless.
-
Warbaahinta Puntland Post, ayaa xog faahfaahsan ka heshay Kulan saacado qaatay, oo Maanta Xarunta Madaxtooyada Puntland ku dhexmaray Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Isimadii dhex-dhexaadinayay isaga iyo Madaxweyne ku xigeenka. Kulanka oo ku bilowday, Qado Sharaf Madaxweynuhu u sameeyay Isimadii dhex-dhexaadinta, oo ay weheliyaan Guddoonka Baarlamanka, ayaa soo geba-gaboobay casar liiqi Galabta, sida ay xaqiijiyeen ilo’ wareedyo ku sugan Madaxtooyada Garoowe. Madaxweyne Deni, ayaa Isimada iyo Guddoonka Baarlamanka uga warramay, Arrimaha ay ku muransan yihiin isaga iyo Madaxweyne ku xigeenka, oo ku salaysan Awoodaha Dastuurku siinayo mid kasta iyo sida ay tahay in loo wada ilaaliyo ku dhaqanka Dastuurka. Mudane Deni, ayaa sheegay in uu ixtiraam la’aan ka tirsanayo Madaxweyne ku xigeenka, taasi oo ay dheertay ku xad-gudubka Dastuurka iyo Nidaamka Dowladiga ah, oo ay waajib tahay in la wada-ilaaliyo, xataa haddii khilaaf kasta jiro. Deni ayaa tusaale u soo qaatay, Dikreetooyin ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne ku xigeenka, oo sida uu sheegay Xad-gudub iyo Fowdo ku ahaa Nidaamka Dowliga ah, isagoo xusay in aysan Dastuurka iyo Shuruucda meelna ka soo gelin in Dikreeto Madaxweyne uu buriyo Madaxweyne ku xigeen. Kadib markii uu Hadalkiisa dhammaystay, ayay Isimadu Madaxweyne Deni ku war-geliyeen, in ay Maalinta Berri Xarunta Madaxtooyada ku wada-hadal siin doonaan isaga iyo Madaxweyne Ku xigeenka, si loo dhammeeyo Khilaafkooda. Isimada iyo Guddoonka Baarlamanka, ayaa markii ay Madaxtooyada ka baxeen sii maray Guriga Madaxweyne ku xigeena, waxaana ay u sheegeen in uu Maalinta Berriya yimaado Xarunta Madaxtooyada, halkaas oo lagu wada-hadalsiin doono isaga iyo Madaxweyne Deni. Deni iyo Axmed Karaash, ayaa labaduba aqbalay Kulanka Isimadu soo jeediyeen, waxaana ay caddeeyeen in ay ku qanci doonaan wixii Isimadu go’aamiyaan. PUNTLAND POST The post Deni iyo Karaash oo Maalinta Berriya lagu wada-hadal siinayo Madaxtooyada Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Maamulka magaalada Garbahaarey ee xarunta Gobalka Gedo ayaa la wareegay gargaar caafimaad oo ay Dowladda Federalka ugu talagashay ka hortagga faafidda cudurka safmarka ee COVID-19 oo ay ku wareejiyeen mas’uuliyiin ka socotay xafiiska Ra’iisalwasaare Kheyre iyo Wasaaradda Caafimaad oo maanta gaaray magaaladaasi. Mas’uuliyiinta Maamulka Degmada Garbahaarey iyo Wafdiga ka socday dowladda federaalka ayaa kormeer ku tegay Isbitaalka Guud ee magaalada si ay u ogaadaan xaaladaha dhabta ah ee magaalada Garbahaarey ka jirto. Guddoomiyaha degmada Garbahaarey Xasan Sheekh Cilmi ayaa dowlada federalka Soomaaliya uga mahadceliyay deeqdan caafimaad ee maanta la soo gaarsiiyay oo loogu talagalay ka hortagga faafidda cudurka COVID-19, isagoo intaa ku daray inay ku soo aaday xilli baahi weyn loo qabay agabka la soo gaarsiiyay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
The Somali health ministry on Monday confirmed 47 new cases of coronavirus, bringing the total number of people who have tested positive to 2,023. Fawziya Abikar, the health minister said the majority of the cases were recorded in the self-declared region of Somaliland which has 28, Banadir nine while Puntland and Jubaland have five cases each. Abikar said 13 patients recovered from the respiratory disease, bringing the total number of people who have been discharged from hospitals to 361. The minister said one patient died in the last 24 hours, bringing the total number of fatalities since the pandemic was reported in the country to 79. She said 38 of the latest cases are male while nine others are female. The Horn of African nation has instituted measures to contain the possible spread of COVID19, including closing schools, banning large gatherings, and suspending international and domestic passenger flights. View the full article
-
Shirka Guddi hoosaadka Tubta Siyaasadda loo dhanyahay oo maanta lagu qabtay Muqdisho ayaa lagu falanqeeyay sidii loo fulin lahaa amarkii Ra’iisul Wasaaraha ee ahaa in Xukuumaddu si buuxda uga shaqayso hirgalinta doorashada dalka oo xilligeeda lagu qabto. Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda, mudane Xasan Cali Khayre ayaa furay shirka Guddi hoosaadka Tubta Siyaasadda loo dhanyahay, waxaana guddoomiyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar). Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibrahim (Xaliimo Yareey) ayaa sheegtay in ay guddigu diyaariyeen tallaabooyinka farsamo ee laga sugayay guddiga si loo hirgeliyo doorasahada. Kulanka ayaa looga dooday baahida deg dega ah ee loo qabo wada tashi loo dhanyahay oo ay yeeshaan dowladda Federaalka iyo dhammaan dowlad goboleedyada, si loo hirgeliyo doorasho loo dhan yahay oo xilligeeda ku qabsoonta. Xubnaha guddiga ayaa si wadajir ah hoosta uga xarriiqay muhiimmadda ay leedahay in la helo heshiis siyaasadeed oo gogosha u xaara in loo gudbo arrimaha farsamo ee doorashooyinka, kadibna loo soo bandhigo qorsho cad oo waqtiyeeysan. Wasaarraddaha Amniga, maaliyadda iyo arrimaha gudaha ayaa iyana soo bandhigay qorshaha uga aaddan doorshooyinka. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Shirkii Golaha Wasiirrada Khamiistii la soo dhaafay ka shaaciyay in shaqada ugu muhiimsan ee dowladda hortaalla xilligan ay tahay hiegelinta doorashada. Goobjoog NewsK Source: goobjoog.com
-
Waxaa maanta dib looga celiyay magaalada Muqdisho muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku go’doonsanaa dalka Uganda tan iyo markii uu caalamka kala xirxiray xanuunka safmarka ah ee Coronavirus, islamarkaana hakiyay duulimaadyadii isaga kala kooshi jiray wadamada caalamka. Muwaadiniyiinta oo tiradooda gaareysay 84 qof ayaa waxaa u badnaa arday wax ka baraneysay Jaamacadaha dalkan Uganda, iyadoo Safaaradda Soomaaliya ee dalkan Uganda ay gacan weyn ka geysatay Muwaadiniyiinta in dib loogu celiyo magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe kaddib markii Muwaadiniyiintan ay Safaaradda u gudbiyeen codsi ah in loo fududeeyo in dalka dib looga celiyo, iyadoo safaardda ka jawaabtay codsiga Muwaadiniyiintaas. Haddaba qaar ka mid ah dadkii maanta ka dhoofay garoonka caalamidga ah ee Entebbe oo ka hadlay dareenkooda ku aadan inay dalkii dib ugu laabtan ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin dib ugu guryo noqoshada dalkooda Hooyo, ayna uga mahadcelinayaan Madaxda iyo shaqaalaha Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Uganda kaalinta ay ka qaadatay howshan. 84-ka qof ee maanta dib loogu celiyay Soomaaliya ayaa dhamaantood la hubiyay bedqabkooda caafimaad, si gaar ah feyruska Karoona kahor inta aysan halkan ka safrin. Safaaradda Soomaaliya ee dalkan Uganda ayaa sido kale waddo dadaalo dib looga celinayo muwaadaniinta kale oo ku xaniban dalka Uganda. Intaas kaddib Muwaadiniinta ayaa maanta gelinka dambe ka soo degay garoonka diyaaradaha caalamiga Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halka inta hartayna ay u gudbeen dhanka magaalada Garoowe ee caasimadda Gobolka Nugaal iyo dowlad Goboleedka Puntiland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee XFS Mudane Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta gudoomiyay shir ay ka qeybgaleen dhamaan masuuliyiinta sar-sare ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Gudigga Baarlamaanka ee La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka iyo Gudigga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka oo ku qabsoomay hannaanka muuqaal-shireedka qadka internetka. Kulanka ayaa intii uu socday looga arinsaday sii ambaqaadidda howlaha ka harsan dhameeytirka dastuurka, waxaana sidoo kale laga dooday qorshe-howleedka lagu dhameeystirayo geedi-socodka dib-u-eegista dastuurka oo ay horay Wasaaradda iyo labada Guddi si wadajir ah u diyaariyeen. Wasiir Saalax Jaamac oo ugu horeeyn kulanka furay ayaa ka hadlay howlaha taagan oo ay ugu muhiimsanyihiin arrimaha u baahan in xal-siyaasadeed laga gaaro isaga oo sheegay inay udub-dhexaad u yihiin fulinta qorshe-howleedka dhameeystirka dastuurka. “Sida aad ogtihiin arrimaha masiiriga ah ee u baahan in wadaxaajood-siyaasadeed laga galo ayaa iminka ah horutabinta ugu muhiimsan ee ka mirodhalin karta geedi-socodka lagu dhameystirayo dastuurka, inaga ka wasaarad ahaan waxaanu gelinay dedaal badan in horay loo dhaqaajiyo arrimahaas inaga oo wasaaradaha kala duwan ee dowladda dhexe la yeelanay kulamo-howleedyo si Xukuumadda Federaalka ay aragti mideysan uga yeelato dhameeytirka dastuurka kadibna ay u fududaato in wadaxaajood-siyaasadeed ay ka galaan hogaanka sarre ee dalka” ayuu yiri Wasiir Saalax. Dhanka kale, Gudoomiyaha Gudigga Baarlamaanka ee La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Mudane Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) iyo Gudoomiyaha Gudigga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Prof. Maxamed Daahir Afrax ayaa si wadajir ah waxa ay uga hadleen qaar kamid ah qodobada dastuurka ee u baahan in si degdeg ah xal-siyaasadeed looga gaaro si loogu guuleysto fulinta qorshe-howleedka dhameeystirka dastuurka. Gebogabadii, Wasiir Saalax oo kulanka soo xiray ayaa waxa uu ka dhawaajiyay in la dardargelin doono arrimaha wacyigelinta dadweynaha ee arrimaha dastuurka si dadka Soomaaliyeed ay xog badan uga helaan qodobada dastuurka ee dib-u-eegista lagu sameeyay islamarkaana aragtiyadooda uga dhiibtaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (PP News Desk) — The President of Somaliland Government Muse Bihi Abdi has inaugurated the first part of Berbera Corridor Road. “I commend the project staff for finalising the first part of the road. Barbera Corridor and Erigavo Road Project are important infrastructure initiatives in Somaliland. As you know our land is divided into a coastal plain and plateau with different temperatures.“ said President Bihi. President Bihi (third from left) inaugurating the first phase of Berbera Corridor Road The engineer in charge of the road construction said the plan was to inaugurate 20 KM road but rain and substandard service delivered by local contractors affected the delivery of the project. The Berbera Corridor road differs from Somaliland roads not only in terms of width — 11.3 feet — but also has a 40 ton capacity to handle heavy haulage trucks. Contractors will finalise the project by September 2021 due to the delay in the first phase of the project. The flagship Berbera Corridor Project will provide Berbera Port with a competitive edge in the Horn of Africa trade. © Puntland Post, 2020 The post SOMALILAND PRESIDENT INAUGURATES THE FIRST PART OF BERBERA CORRIDOR ROAD appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda Soomaaliya ayaa war kasoo saartay shirka guddi hoosaadka Tubta Siyaasadda loo dhanyahay ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho, kaas oo diiradda lagu saaray sidii fulin lahaa amarkii Ra’iisul Wasaaraha ee ahaa in xukuumaddu ay bilaabeyso hirgalinta doorashada dalka, taas oo ku dhacda waqtigeeda. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa furay shirka guddi hoosaadka Tubta Siyaasadda loo dhanyahay, waxaana guddoomiyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed. Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibrahim ‘Xaliimo Yareey’ oo ka qeyb gashay shirkaas ayaa sheegtay in guddigeedu diyaariyey tallaabooyinka farsamo ee laga sugayay si loo hirgeliyo doorasahada dalka la filayo inay ka bilaabato dabayaaqada sanadkan. Kulanka ayaa looga dooday baahida deg degga ah ee loo qabo wada tashi loo dhanyahay oo ay yeeshaan dowladda federaalka iyo dhammaan dowlad goboleedyada, si loo hirgeliyo doorasho loo dhan yahay oo xilligeeda ku qabsoonta. Xubnaha guddiga ayaa si wadajir ah hoosta uga xarriiqa muhiimmadda ay leedahay in la helo heshiis siyaasadeed oo gogosha u xaara in loo gudbo arrimaha farsamo ee doorashooyinka, kadibna loo soo bandhigo qorsho cad oo waqtiyeeysan. Wasaarradaha amniga, maaliyadda iyo arrimaha gudaha ayaa iyaguna soo bandhigay qorshaha uga aaddan doorshooyinka dalka. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa shirkii golaha wasiirrada Khamiistii lasoo dhaafay ka shaaciyay in shaqada ugu muhiimsan ee dowladda hor taalla xilligan ay tahay hirgelinta doorashada dalka oo waqtigeeda ku dhacda.
-
Shirka Guddi hoosaadka Tubta Siyaasadda loo dhanyahay oo maanta lagu qabtay Muqdisho ayaa lagu falanqeeyay sidii loo fulin lahaa amarkii Ra’iisul Wasaaraha ee ahaa in xukuumaddu si buuxda uga shaqayso hirgalinta doorashada dalka oo xilligeeda lagu qabto. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa furay shirka Guddi hoosaadka Tubta Siyaasadda loo dhanyahay, waxaana guddoomiyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar). Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibrahim (Xaliimo Yareey) ayaa sheegtay in ay guddigu diyaariyeen tallaabooyinka farsamo ee laga sugayay guddiga si loo hirgeliyo doorasahada. Kulanka ayaa looga dooday baahida degdegga ah ee loo qabo wada tashi loo dhanyahay oo ay yeeshaan dowladda Federaalka iyo dhammaan dowlad goboleedyada, si loo hirgeliyo doorasho loo dhan yahay oo xilligeeda ku qabsoonta. Xubnaha Guddiga ayaa si wadajir ah hoosta uga xarriiqay muhiimmadda ay leedahay in la helo heshiis siyaasadeed oo gogosha u xaara in loo gudbo arrimaha farsamo ee doorashooyinka, kadibna loo soo bandhigo qorsho cad oo waqtiyeysan. Wasaarraddaha Amniga, Maaliyadda iyo Arrimaha gudaha ayaa iyana soo bandhigay qorshaha uga aaddan doorshooyinka. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Shirkii Golaha wasiirrada Khamiistii la soo dhaafay ka shaaciyay in shaqada ugu muhiimsan ee dowladda hortaalla xilligan ay tahay hiegelinta doorashada. PUNTLAND POST The post Xukuumadda oo billowday fulinta amarkii Ra’iisul Wasaare Khayre ee Doorashada 2020-2021 appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Laba ka tirsan golaha wasiirrada Somaliland ayaa maanta laga helay cudurka COVID-19 sida ay ii xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan wasaaradda Caafimaadka. Sidoo kale waxa jira wasiirro kale oo laga baadhay Corona Virus balse laga waayay. Source
-
Soomaali ku xayirneyd Uganda oo dalka dib loogu soo celiyey
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Waxaa maanta dib loogu soo celiyay Muqdisho muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku go’doonsanaa dalka Uganda, tan iyo markii uu caalamka kala xir-xiray xanuunka safmarka ah ee Coronavirus, islamarkaana hakiyay duulimaadyadii isaga kala kooshi jiray caalamka. Muwaadiniinta oo tiradooda ay gaareysay 84 qof ayaa waxaa u badnaa arday wax ka baraneysay Jaamacadaha Uganda, iyadoo safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi ay gacan weyn ka geysatay in muwaadiniintan dib loogu soo celiyo magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe, kaddib markii ay dadkaasi safaaradda u gudbiyeen codsi ah in loo fududeeyo in dalka dib loogu soo celiyo, iyadoo safaaraddu ay ka jawaabtay dalabka muwaadiniintaas. 84-ka qof ee maanta dib loogu soo celiyay Soomaaliya ayaa dhamaantood la hubiyay bad-qabkooda caafimaad, si gaar ah feyruska Karoona, ka hor inta aysan soo safrin. Safaaradda Soomaaliya ee Uganda ayaa sido kale haatan wadda dadaalo dib looga celinayo muwaadiniinta kale oo ku xaniban gudaha wadankaasi. View the full article
