Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Ceerigaabo)- Xukuumadda Somaliland ayaa soo afjartay tabasho ay Buuraha gobolka Sanaag u galleen Jabhad la magac baxday Xaqdoon. Jabhadan iyo xubno ka mida golaha wasiiradda Somaliland ayaa in todobaadyadii u danbeeyay uu wada hadal u socday ayaa maanta ku soo dhammaaday guul, kaasi oo lagu soo afjaray tabashadii ay qabeen jabhadaasi la magac baxday Xaqdoon. Waxaana arrintani dhammeystirkeeda iyo soo afjaristeeda qayb libaax leh ka qaatay wasiiro in dhaweydba ku sugnaa deegaanka Ceel Afweyn. Source
  2. Wasiir ku xigeenka Cusub Hodon Siciid Xassan Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo Khamiis ah wasiir ku xigeen cuusb u magacaabay Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland, wuxuu Wasiir ku xigeeenka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha u magacaabay Hodon Siciid Xassan oo horay u ahayd Agaasimaha Waaxda Dimuqoraaddiyaynta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland. 22-kii bishii tagtay ee May 2020, Madaxweyne Deni ayaa xilkaasi Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada, Shaqalaha, Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha u magacaabay Maxamed Axmed Xasan oo loo yaqaan (Heersare), balse ninkii la magacaabay ayaa diiday Booska. 13-Agoosto 2019, Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa Hodon u magacaabay Agaasimaha Waaxda Dimoquraaddiyaynta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, waxaana ay xilkaasi haysay in ka badan sagaal bilood, ka hor intaan maanta laga dhigin Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo Wasiir ku xigeen cusub u magacaabay Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa kulankoodii Khamiis-laha ahaa oo maanta ku yeesheen aaladaha la iska arko, waxay ku meel mariyeen istaraatiijiyadda la dagaalanka musuq maasuqa ee lagu dhaqmi doono sanadaha 2020-ka illaa 2023-ka. Qorshahan ayaa waxa uu waqtigiisa inta badan saameyn doonaa xukuumadda soo socota ee beddeleysa tan hadda jirta. Sidoo kale kulankii maanta ayey goluhu ku meel mariyeen heshiisyada caalamiga ah ee la dagaallanka musuq maasuqa, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xukuumadda. Wasiirka caddaalada ayaa golaha uga mahad celiyay ansixinta istaraatiijiyadda iyo heshiisyada caalamiga ah ee qaybta ka qaadanaya dadaallada lagula dagaalayo musuq maasuqa, sidoo kalena sare loogu qaadayo isla xisaabtanka iyo daah furnaanta si loo ilaaliyo amaanada ummadda. Qeybtii hore ee kulanka waxaa shir guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, waxaana looga hadlay arrimaha kala ah, xaaladda cudurka COVID-19, fulinta heshiiska IMF iyo DF iyo amniga dalka. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa dhamaan wasiirrada faray in la dardar geliyo fulinta qorshayaasha wasaaradaha si loogu guuleysto dadaallada lagu xaqiijinayo himilooyinka ummadda Soomaaliyeed. Qeybihii dambe ee kulankii maanta waxaa shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed, waxaana looga hadlay dedejinta fulinta mashaariicda horumarineed ee qaybta ka qaadanaya dib u soo kabashada dalka.
  4. Magaalada Dhusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa maanta ka dagay Diyaarad siday Agab caafimaad oo ka yimid dhanka Dowlada Soomaaliya. Agabkaan oo nocyo kala duwan iskugu jira ayaa waxa logu talagalay Dagmoyinka Balanbal iyo Cabudwaaq oo maalmahan u sameyn ku yeeshay caabuqa Covid19 Agabkan Caafimaad ayaa waxaa gudomay Madaxweyne kuxigeenka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid waxaana uu uga mahadceliyay Dowlada Soomaaliya sida ay uga so jawaabtay codsigii ay u direen. Diyaaradda ayaa siday Dhakhaatiir, Daawo, iyo Agab kale oo loogaga hortagayo Xanuunka Safmarka ah ee ka dilaacay Degmada Caabudwaaq ee Covid 19. Qalabka ay wado diyaarada ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah, Ventilatorro loo isticmaalo Oxygen-ka ama Neef bixiyayaal oo gaaraya ilaa 10 L iyo PPE iyo Gloves iyo Face Mask Cloves, iyo Antiseptics, oo loogu gurmanayo shacabka ku nool Degmada Caabudwaaq iyo deegaanada ku xeeran. Waxaa wehliya daawada Dhakhaatiir dhawr ah oo bukaanada xanuunsan Samples ka qaadi doona si loo xaqiijiyo bukaanada xanunsan oo ay horay u soo gudbiyee Bahda Caafimaadka Degmada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Xeer ilaalinta gobolka Minnesota ayaa dacwado kusoo oogtay saddex askari oo wehliyey askariga caddaanka ah ee lagu eedeeyey inuu dilay George Floyd, oo ahaa nin kasoo jeeday bulshada madow ee Mareykanka. Xeer ilaalinta ayaa sidoo kale sare u qaaday darajada eedda dilka loo haysto askariga la eedeeyey ee muuqaallo la baahiyey la arkay isaga oo luqunta jilibka kaga haya George Floyd oo dhulka yaalla, kaasi oo halkaas ku dhintay. Eedda loo haysto askariga dilka ku eedeysan oo markii hore ahayd darajada saddexaad ee dilka, ayaa waxaa hadda lagu soo oogay dacwad ah darajada labaad ee dilka. Dilka loo geystay George Floyd ayaa sababay in magaalooyin badan ee wadanka Mareykanka ah ay ka dhacaan mudaharaadyo waaweyn kuwaas oo watay rabshado galay asbuucii 2aad dibad baxayaasha ayaana dalbanayey in askartii lwehilisay askariga dilka geystay in la soo xiro. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Tripoli (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Libya ayaa Arbacadii dib u qabsaday garoonka weyn ee diyaaradaha ee magaalada Tripoli, taasi oo inta badan magaalada caasimadda ka wada saareysa ciidamada Jeneral Khaliifa Xaftar. Muuqaallo lasoo dhigay online-ka ayaa muujinaya ciidamada dowladda taageersan oo gawaarida dagaalka ku dhex wada garoonka oo ay yaallaan diyaarado ay madaafiic ku dhaceen, islamarkaana sawirro isaga qaadaya. Qabsashada garoonka ayaa kaabeysa bil ay guulo badan gaareen ciidamada dowladda, oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga (Drones) ay ka caawiyeen in ciidamada Khaliifa Xaftar ee fadhigeedu yahay Bariga Libya laga sifeeyo waqooyiga galbeed ee dalka. Militariga dowladda ayaa sheegay in qabsadeen garoonka, islamarkaana ciidamada Khaliifa Xaftar ku riixeen degmada deriska la ah ee Qasr Ben Gashir. Ilo-wareedyo militari oo ku dhow Xaftar ayaa sidoo kale xaqiijiyey in ciidamadooda ay ka baxeen garoonka. Libya ayaan lahayn wax dowlad dhexe ah oo dalka oo dhan wada maamusha tan iyo 2011, waxaana ay u kala qeybsaneyd magaalooyin ay kala maamulaan dowladda caalamu aqoonsan yahay in kooxda Khaliifa Xaftar oo sidoo kale sheegata dowladnimo. Xaftar ayaa bishii April ee 2019 billaabay weerar uu doonayo inuu ku qabsado caasimadda Libya, hase yeeshee waxaa bilihii dhowaa hakiyey faro-gelin ay Turkiga ku sameeyeen dalkaas, ayaga oo taageeraya ciidamada dowladda. Khaliifa Xaftar ayaa waxaa taageera Masar, Imaaraadka Carabta iyo Ruushka, halka dowladda ay gacan ka heleyso Turkiga iyo Qatar. Ayada oo Xaftar inta badan laga saaray caasimadda, ayaa waxaa hadda dagaallada soo socda la filayaa inay ka dhacaan koonfurta iyo koonfurta bari ee Tripoli, gaar ahaan magaalada Gharyan oo ay haysato dowladda, iyo magaalada Tarhouna oo ay maamulaan ciidanka Xaftar. REUTERS + VOA
  7. Caasimadda wadanka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa saaka waxaa wadooyinkeeda isugu soo baxay dad careysan kuwaas dalbanaayo in xabsiga laga sii daayo nin askari ah oo u la sheegay in uu u xiran yahay dowladda, dibad baxayaasha ayaa wadooyinka ku gubaayo Taayarro. Askariga xiran oo la sheegay inuu ahaa duulliye ayaa magaciisa lagu sheegay Fu’ad Yousuf Ali, ayaa hadal-hayntiisu baraha bulshada qabsatay, kadib markii uu muuqaal isaga soo duubay gudaha xabsiga, isagoo sheegay in lo gaystay dulmi ,islamarkaana uu ku dhex xiran yahay suuli aan nadaafadeeda aysan wanaagsaneyn sida muuqaalka ku yiri. Maxbuus Fu’ad, ayaa sheegay in markii hore xabsiga loo geliyay, kadib cabasho uu ka muujiyay dulmi ka haystay saraakiisha isaga maamusha waxaana uu sheegay in badalkeeda uu ku muteystay xabsi la dhigay Fu’aad Yuusuf Xaaska maxbuuska xiran oo muuqaal soo duubtay soo gelisay baraha bulshada ayaa shacabka Jabuuti ka dalbatay, in ay garab istaagan iyada iyo saygeeda, oo sida ay sheegtay dulmi iyo xaq-darro ku xiran yahay sida ay sheegtay. “Aniga oo Fu’aad Yuusuf Cali xaaskiisa ah waxaan shacab weynaha u sheegayaa Fu’aad maanta dhibka iyo halka uu ku jiro waa uu idiin tusay wax idinka qarsoon majirto Fu’aad maalintii uu hoygiisa ka baxayey dhimasho waa uu u bareeray markii uu dowladda farageliyey ama uu xaqiisa doontay nin xaqiisa doonta Jabuuti wuu ogaa in hoggaa iyo meel kale la gelinayo lakiinn waxaan idiin sheegayaa inuu geesi qaran yahay isaga oo suuli ku jiro ayuu muuqaal soo duubayaa waxaan u sheegayaa shacabka Jabuuti anigu gambada cad waan xirtaye adinku ma is xoreyseen” ayey tiri. Dowladda Jabuuti weli kama hadlin dhacdadaaas, oo saacadihii u dambeeyay baraha bulshada qabsatay, inkastoo la soo sheegayo in ay saaka awood ciidan u adeegsanayso shacabka dibax-baxyada dhigaya waxaana la ogeyn halka ay biyo shuban doonaan kacdoonka shacabka ee ka dhashay askariga sheegay in dulmi uu ka tirsanaayo dowladda. Madaxweynaha Ismaïl Omar Guelleh, ayaa marar kala duwan lagu eedeeya xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda insaanka, kuwaas oo u badan xabsi iyo ciqaab la mariyo kooxaha mucaaradsan dowladdiisa, Guelleh, oo markii u horraysay xilka madaxtinimada Jibouti ku guulaystay sannadkii 1999, ayaa saddex jeer oo dambe dib loo doortay sannadihii 2005, 2011 iyo 2016 waxaana dhammaan doorashooyinkaas ayaa lagu tilmaamay kuwa uu ku shubtay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. North Eastern leaders have thanked President Uhuru Kenyatta for retaining Aden Duale as the National Assembly Majority Leader amid the Jubilee purge. Source: Hiiraan Online
  9. North Eastern leaders have thanked President Uhuru Kenyatta for retaining Aden Duale as the National Assembly Majority Leader amid the Jubilee purge. Source: Hiiraan Online
  10. The Federal government of Somalia has announced that it will ease the ban imposed on domestic flights in the coming week. Government officials have confirmed. Somalia’s minister of Transport and Aviation, Mohamed Abdullahi Salad Omar said, domestic flights will resume later this week and that travelers are required to observe health guidelines issued by the health ministry to contain the spread of the deadly pandemic. The transport and aviation authority also urged the crews to follow the guidelines of the ministry on their service. Somalia suspended both domestic and international flights in March as part of the precautionary measures to control the spread of corona virus (COVID-19). The latest move come amid concern about the sharp surge in the number of confirmed cases in Somalia due to the limited capacity to contain the spread of the virus because of the fragile healthcare system The country has so far 2,146 confirmed cases, with 79 fatalities and 406 recoveries, according to figures compiled by the U.S.-based Johns Hopkins University. The disease has spread across the world since emerging in central China late last year, killing over 388,000 people, infecting over 6,500, 000 people and prompting a wave of travel restrictions worldwide. However, a vast majority of those who get infected recover from the illness.
  11. Prof Xasan Sheekh Cali Nuur “Saddex Sano Iyo Bar Villa Somalia Kama Shaqaynin Wax Xal U Ah Soomaaliya” https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/vvv.mp4 Source: goobjoog.com
  12. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Md. Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo maalmihii ugu dambeeyey booqasho ku joogay Gobolka Sool ayaa waxa uu shalay Kulan gaar ah oo aan ujeeddiisa la shaacin la yeeshay odayaal iyo wax-garad ka yimid dhinaca Maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland, kulankaasi oo aan warbaahinta wax xog ah laga siin. Kulankan ayaa Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Md. Saleebaan Yuusuf Cali Koore iyo Cuqaasha iyo waxgaradka ka yimid dhinaca Maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland waxa uu ku dhex maray sida wararku sheegayaan deegaanka Bohol Waraabe oo dhanka Bari ka xigta Deegaanka Tukaraq oo u dhaw xuduudda Somaliland iyo Soomaaliya kaasi oo muddo dhawr saacadood ah ay labada dhinac kulan fool ka fool ah ku yeesheen. Kulankan ay Cuqaal iyo waxgarad ka yimid Puntland ay deeganka Bohol-waraabe kula yeesheen waftiga ka tirsan xukuumada Somaliland ee uu hoogaminayay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka Iyo wacyi-galinta, Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxey shirkaasi oo ka qabsoomay deegaan bannaan ah oo barwaaqo ah sida ay muujinayaan sawirrada shirkaasi laga soo qaaday oo lagu baahiyay Baraha Bulshadu. Illaa hadda ma cadda ujeedada kulankan iyo waxa uu daarnaa, labada dhinacna warbaahinta ugama ay warramin waxa ay ahayd ujeedadiisu balse waxa uu kulankaasi ku soo beegmayaa wakhti xaaladda Gobolka Soo lee dhinaca xuduuddu in muddo ah iska daganayd oo aanay ka dhicin waxa shaqaaqo ama dagaal ahi balse dhinaca kale uu kulankaasi ku soo beegmayo iyada oo dadka deegaankaasi gaar ahaan kuwooda u janjeedhay dhinaca Maamul Goboleedka Puntland ay muddoba saluugsanaayeen siyaasadda Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdillaahi Deni iyo gaar ahaan siyaasadihiisa ku aaddan deegaamada Gobolka Sool. Source
  13. Saint Paul (Caasimada Online) – Saddex sarkaal oo boolis ah ayaa Arbacadii lagu soo oogay dacwado la xiriira inay gacan ka gaysteen dilka George Floyd, oo ahaa nin madow ah oo gacanta booliska Minneapolis ku dhintay, sida uu sheegay xeer ilaaliyaha gobolka Minnesota Keith Ellison. Derek Chauvin, oo ah sarkaalka afaraad, kaasi oo horey loogu eedeeyey darajada heerka saddexaad ee dilka iyo tan labaad ee dil aan ulakac ahayn, ayaa waxaa iminka sare loo qaaday dacwaddiisa ayada oo lagu soo oogay dacwad ah darajada heerka labaad ee dilka, sida uu sheegay Ellison. Darajada heerka saddexaad ee dilka ayaa waxaa lagu muteysan karaa ugu badnaan 25 sano oo xabsi ah, halka darajada heerka labaad ay keeni karto ugu bandnaan 40 sano oo xabsi ah. “Halkan ayaynu joognaa maanta, sababtoo ah George Floyd nalama joogo,” ayuu yiri Ellison oo ah dimoqraadi, isaga oo ka hadlayey shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada St. Paul ee caasimadda gobolka Minnesota. Ellison ayaa sheegay in maxkamadeynta saraakiishan ay qaadna karto bilooyin, wuxuuna ku booriyey shacabka inay dulqaad yeeshaan. “George Floyd wuxuu ahaa qof macno leh, wuxuu ahaa qof la jecel yahay. Wuxuu muhiim u ahaa qoyskiisa, noloshiisa qiimo ayay lahayd. Waxaana u raadin doonaa caddaalad isaga iyo idinkaba,” ayuu yiri. Ellison ayaa intaas ku daray in “aysan fudududaan doonin” in lagu guuleysto kiiska maxkamadda, iyo in dambiga lagu helo saraakiisha la eedeeyey.
  14. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Qorshaynta Somaliland, Ahna Afhayeenka Xisbiga Kulmiye ee Haya Talada Somaliland Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) ayaa Markii ugu ugu Horeysay Ka Hadlay Wararka Sheegaya In uu Iska Casilay Xilkaasi. Qoraal Kooban Oo uu ku Baahiyay Degelka Uu ku leeyahay Twitterka ayaa Waxa uu ku duray Dadka Faafiyay Wararkaas Oo uu ku sifeeyay in ay been Yihiin “Wax aan dani ugu jirin bay gelin hore iyo gelin dambe u taaganyihiine may dantooda ku foofaan. Dadka beentan iyo xasarradan wareejinaya tolow yaa u warrama. Dadkii goormaa ladoorshay oo beenta ka doorbideen runta. Inta caqligu ku hadhsanyahay waxan u sheegayaa inaan waxba ka jirin arrinkan ayaamahan la wareejinayay, kolley dadkii waalli u badaye.” Ayuu Yidhi. Source
  15. Prof Xasan Sheekh “ Sharciga Doorashooyinka Qaranka Isaga Ayaa Iska Hor Imaanaya Xalna Uma Ah Dalka ” https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/Sharciga-Doorashooyinka_1.mp4 Source: goobjoog.com
  16. Garowe (PP News Desk) — Three Puntland political associations have agreed to a merger plan. In a meeting held at Marti-soor Hotel in Garowe, Qarandoon, Xaqsoor and Daryeel agreed to unite under Mustaqbal, a new political association. The three political associations are already registered with Transitional Puntland Electoral Commission but have yet to meet the criteria to become political associations that will contest pilot local government elections in Puntland. The new political association will have to register with TPEC once the three political associations legally cease to exist. Mohammed Ismail Mohammed (aka Siibad): The Interim Chairman of Mustaqbal was elected for his political experience The three political associations elected Mohammed Ismail Mohammed, a Puntland Parliament MP, to become the Interim Chairman of Mustaqbal. Common political idealogy and goals have necessitated the unification of the three political associations. This strategy may boost the chances of Mustaqbal to become one of three associations that will graduate to a political party in Puntland State after the planned pilot local government elections take place. Born out of merger, Mustaqbal has revitalised Puntland democratisation process There is a growing interest to transform Puntland political landscape from a tradition-bound political system in which politicians from certain social groups take turns on Puntland presidency. The outcome from such political arrangements dating back to 1998, when Puntland was founded, has been political and economic stagnation, centralisation and resistance to political accountability. © Puntland Post, 2020 The post THREE PUNTLAND POLITICAL ASSOCIATIONS MERGE appeared first on Puntland Post.
  17. Haweenay uu ku dhintay Cunug ay xaday oo dil toogasho ah lagu xukumay+ninkeeda oo….. G. maxkamadda Abukar Cabdinuur Jaamac Maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Bari ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay eedaysane Ruqiyo Cabdiraxmaan Maxamed oo lagu helay in ay xadday ilmo sannad-jir ah kaas oo ku dhintay gurigeeda. Guddoomiyaha maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Bari Abukar Cabdinuur Jaamac oo xukunka ku dhawaaqay ayaa sheegay in eedaysane Ruqiyo ay qiraal ka tahay dambiga lagu soo oogay ee ah in ay xadday gabar sannad jir ahayd taasi oo gurigeeda ku dhimatay sabab kastaba ha u dhimatee. Sidoo kale sayga qaba haweeneydaas la xukumay oo magaciisu yahay Ismaaciil Cali Nuur ayay maxkamaddu ku xukuntay saddex sannadood oo xarig ah inkastoo aan lagu helin caddayn muujinaysa in uu qayb ka ahaa xatooyada ilmahaasi yar. Maxkamadda ayaa sheegtay in labada xukmane oo kala ah haweeneyda iyo saygeeda ay haystaan mudda 30 cisha ah oo Rafcaan qaadasho ah. Qaran News
  18. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/Xalka-Soomaaliya_1.mp4 Source: goobjoog.com
  19. Prof Xasan Sheekh Cali Nuur oo ka mid ah barayaasha Jamaacada Umadda ayaa sheegay in ay dhamaatay waqtigii sida ay rabaan siyaasiinta Soomaaliyeed. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/Siyaasiinta.mp4 Source: goobjoog.com
  20. La taliyaha maamulka isboortiga Gobolka Banaadir Cabdiqaadir Xaaji (Dacar) ayaa sheegay in bulshada kubbadda cagta ay doonayaan in ay is badal sameeyeen mas’uuliyeenta Xiriirka Kubbadda Cagta. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/web.mp4 Source: goobjoog.com
  21. Janaraal Xaftar oo laga qabsaday garoonka diyaaradaha Tripoli Wararka ka imaanaya dalka Liibiya waxay sheegayaan in dagaalyahano taabacsan dowladda ay Qaramada Midoobey taageerto ee Liibiya inay dib u qabsadeen garoonka diyaaradaha, waxaana halkaas laga saaray ciidammada Janaraal Khaliifa Xaftar oo horey halkaas gacanta ugu hayay. Waxaa in muddo ah hakad galay howlaha garoonkan balse dadka falaanqeeya siyaasadda waxay sheegayaan in arrintani ay tahay guul wey oo usoo hoyatay dowladda. Waxay arrintani imaaneysa xilli ay socdaan dadaallo diblumaasiyadeed oo lagu xallinayo colaadda Liibiya, hogaamiyeyaasha ka tirsan labada dhinac waxay u safrayaan dalalka dibadda si ay ugu qeybgalaan wadahadallada. Saraakiil sare oo ka tirsan dowladda waxay ku sugan yihiin Ruushka, Sidoo kale waxaa jiraa warar sheegayo in Xaftar uu u safray dhinaca Masar Qaran News
  22. Qaar Ka mid shacabka Muqdisho oo aragti kala duwan ka bixiyay doorashada Dalka ka dhacaysa 20201 iyo sida ay tahay in loo wajaho. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/ddddddd.mp4 Source: goobjoog.com
  23. Shacabka Magaalada Garowe oo ka aragti dhiibtay xalinta khilaafkii Madaxwaynaha Puntland Saciid Deni iyo Ku xigeenkiisa Axmed . https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/Voxpop-Puntland_1.mp4 Source: goobjoog.com