-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Waxaa dhawaan guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka loo gudbiyey warqadaha diiwaan-gelinta xisbiga xukuumadda ee Nabad iyo Nolol oo guddoomiye ku-meel gaar ah looga dhigay ra’iisul wasaare ku-xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar. Wararka soo baxayay ayaa sheegaya in musharaxa Xisbiga Nabad iyo Nolal uu noqon doono Madaxweynaha Soomaaliya islamarkaana uu ka qeyb geli doono tartanka siyaasadeed ee Soomaaliya. Haddii ay sax tahay arrintaan waxaa loo arkaa in xisbiga lugta saaray wadadii guul darrada, hase yeeshee waxaa jira hal sabab oo kale oo keeni karta wadadii guusha ee Xisbiga. Siyaasiin badan ayaa aaminsan in hadii musharaxa Xisbiga Nabad iyo Nolal noqdo Kheyre uu xisbigaasi guuleysan karo ama uu kaalmaha ugu horreeyo ka geli doono doorashada Soomaaliya waxaana sababta lagu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu kalsooni fiican ka heysto bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan siyaasiinta, bulshada rayidka, iyo odayaasha. Sidoo kale waxaa la sheegaa inuu kalsooni weyn ka heesto maamulada dalka ka jira islamarkaana uu dhismahooda ku bixiyay xoog badan, sida Galmudug, Koonfur Galbeed iyo xariirka wanaagsan ee kala dhaxeeya HirShabeelle. Sidoo kale Kheyre waxaa saacidaya dadka uu ka dhashay ee Hawiyo iyo beelaha kale Digil iyo Mirifle, Daarood iyo kuwa kalaba oo tabasho weyn ka qaba Madaxweynaha Soomaaliya. Haddii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo noqdo musharaxa Xisbiga waxay weyn doonaan dhamaan beelaha aan kor ku soo sheegnay codadkooda balse hadii Kheyre noqdo musharaxa Xisbiga waxay si dhib yar ku heli doonaan codadka beelaha aan soo sheegnay iyo kuwa kale. Farmaajo ayaa waxaa cadaawad iyo dhibaatooyin badan ka tirsanaya beelaha aan soo xusnay oo mid walba uu qalad ka galay. Tusaale, beelaha Digil iyo Mirifle waxay xusuustaan xasuuqii Baydhaba ee December 2018 oo shacab badan lagu laayey. Hawiyaha ayaa ka carreysan madaxdii hore ee dalka oo garoonka Muqdisho lagu bah-dilay. Ogaadeenka ayaa dareemaya halista dowladda ku hayso Jubaland, halka Puntland ay dowladda ku eedeysay inay caqabad ku noqotay. Mucaaradka ayaa guul weyn u arka in Farmaajo noqdo musharaxa Xisbiga waxayna aaminsan yihiin in guul darro weyn ay ku dhici doonto Xisbigaasi balse waxay cabsi ka qabaan in Kheyre noqdo musharaxa Xisbiga, taas oo badali karta rajada ay qabaan mucaaradka ama cabsi weyn gelin karta. Ra’iisul wasaare Kheyre ayaan ilaa hadda qeyb ka ahayn xisbiga Nabad iyo Nolol, mana cadda sababta iyo qorshihiisa siyaasadeed ee mustaqbalka. AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Sacuudiga iyo Israel ayaa billaabay kulamo qarsoodi ah bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay, kuwaas oo ku saabsan sidii Sacuudiga loogu dari lahaa golaha Islamic Waqf ee maamula masjidka Al-Aqsa ee magaaladda Qudus. Golaha Islamic Waqf waa guddi ay magacawday Dowladda Jordan si ay ula socdaan goobaha Muslimiinta ee magaaladda Qudus waxayna sheegtaan in ay yihiin maamulka ugu sarreeya ee al-Aqsa islamarkaana aysan hoos tagin sharciga Israel. Wada-hadallada waxaa la weriyay in ay ku qabsoomeen qorshaha muranka badan dhaliyay ee Madaxweyne Donald Trump uu u bixiyay “Heshiiska Qarniga”, sida ay dublamaasiin sheegeen. “Waa wada-hadallo sir iyo xasaasi ah oo ku qabsoomay daah ku jir iyo awood yari kuwaas oo dhexmaray koox yar oo dublamaasiyiin ah iyo saraakiil sare oo ka kala yimid Israel, Sacuudiga iyo Maraykanka waxaana wada-hadalladu qayb ka ahaayeen hirgelinta heshiisa qarniga,” ayuu sarkaal sare oo Sacuudiga u dhashay u sheegay wargeyska Israel kasoo baxa ee Israel Hayom. Wargeysku waxaa uu sidoo kale wariyay in Golaha Jordan kasoo jeeda ay u tageen Israel iyo Maraykanka islamarkaana ay u sheegeen in ay yareeyeen diidmadooda ka dhanka ahayd Sacuudiga si ay uga hortagaan saameynta Turkiga ee sii kordhaysa. Si kastaba, Jordan ayaa dooneysa inay heysato maqaamkeeda sare ee ilaalinta meelaha barakeysan, Sacuudiguna uu maalgelin doono ururadda muslimiinta ah ee jooga bariga Qudus, si meesha looga saaro maal-gelinta Turkiga. Danjire Carbeed ayaa wargeyska Israel Hayom u sheegay: “Hadii golaha Jordan ay u ogolaadaan Turkiga in uu Qudus ka shaqeeyo isagoo aan qas ka sameyn Al-Aqsa, sanada yar gudahood ayaga ayaa meesha laga saarayaa. Waxay Sacuudiga uga baahanyihiin saameyn iyo dhaqaale si ay u gooyaan Madaxweyne Erdogan.” “Israel iyo Sacuudiga halkaan waxaa ugu jira dano ah In Sacuudigu taageero fulinta qorshaha heshiiska Qarniga iyo inta lagu jiro hanaanka dhul goosiga Israel. Sacuudigu waxaa uu sidoo kale la yimid taageradda Imaaraadka iyo Baxreyn,” ayuu yiri danjiraha carbeed ee aan magaciisa la shaacin. Sacuudiga waxaa la siin doonaa maqam ah kor joogteyn, si aan loo waxyeeleyn maqaamka Jordan ee ah Ilaalinta goobaha barakeysan ee Qudus, sida uu wargeysku sheegay. Xriirka u dhaxeeya Falastiin iyo Sacuudiga ayaa xumaa mudda labo sano ah, sababo la xiriira boqortooyadda oo xiriir dhow la leh madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo taageeradda ay u muujisay heshiiska qarnig Qaran News
-
War cusub oo ka soo baxay sida laga yeelayo Gurigii uu ku dhashay majixinjixe Adolf Hitler +Sawirro Dowladda Austria ayaa shaaca ka qaadday in gurigii uu ku dhashay kali taliyihii dalka Jarmalka, Adolf Hitler loo baddalayo saldhig boolis. Howshan oo la filayo inay soo gabagabowdo sanadka 2023-ka ayaa ayaa la qorsheeyay inay ku baxdo lacag dhan qiyaastii €5m ($5.6m; £4.5m). Xukuumadda ayaa sanadkii 2016-kii si khasab ah ku iibsatay gurigaas kaddib markii uu xoogeystay muran salka ku haya dhismahan. Saraakiisha ayaa hadda ku dhawaaqay in guriga la dhalan rogi doono bisha November ee sanadkan, sidaasina uu ku noqon doono xarun rasmi ah oo ay booliska leeyihiin. Horay ayaa loo sheegay in gurigaas qadiimiga ah laga sameyn doono saldhig ciidan, laakiin imika waxaa la asteeyay waqtiga howshaas la fulinayo. Shirkad dhismaha ka shaqeysa oo laga leeyahay isla waddanka Austria ayaa qaadatay qandaraaska dhalan rogidda gurigaas caanka ah. Tallaabadan ayaa la filayaa in lagu joojin doono booqashada ay dadka taageera maamulkii Naaziga ku tagi jireen dhismahan ku yaalla meel u dhow xadka kala qeybiya Jarmalka iyo Austria. Qaran News
-
Boqortooyada Sucuudiga iyo Ruushka oo ka heshiiyey khilaaf uu sababay cudurka Coronavirus Sacuudi Carabiya iyo Russia ayaa gaaray heshiis horudhac ah oo muddo bil ah lagu dheereynayo dhimis ay ku sameeyeen wax soo-saarkooda saliidda cayriin, si sare loogu qaado qiimaha saliidda caalamka. Ruushka iyo Sacuudiga ayaa horraantii sanadkan waxaa dhex maray dagaal dhinaca saliidda ah, waxaana suuqyada caalamka ay kusoo fasaxeen saliid badan ayaga isku xumeynaya, taasi oo qiimaha saliidda dhulka gaysay. Sacuudiga ayaa hoggaamiya ururka OPEC, halka Russia ay hoggaamiso dalalka aan xubnaha ka ahayn ururkaas ee saliidda soo-saara, waxaana labada dhinac la isku yiraahdaa OPEC+. Waxay isku raaceen inay wax soo-saarkooda saliidda ka dhimaan 9.7 milyan oo barmiil maalinkii ama 10% guud ahaan wax soo-saarka caalamka, bilaha May iyo June, si qiimaha sare loogu qaado kadib markii cudurka Coronavirus uu hoos u dhigay qiimaha. “Sacuudiga iyo Ruushka waxay hadda isku raaceen in heshiiskaas lagu daro bil kale oo dheeri ah,” waxaa sidaas yiri il-wareed ka tirsan OPEC oo la hadlay wakaaladda wararka Reuters. “Heshiiskan ayaa waxaa dhaqan-galkiisa shuruud ah in dalalkii aan u hogaansamin heshiiskii May ay dhimaan wax soo-saarkooda bilaha soo socda,” ayuu yiri. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga dowlad goboleedka Hir-Shabeelle u qaabilsan baaritaanka dadkii lagu laayey deegaanka Gololey ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegay in xogo muhiim ah oo ay heleen ay muujinaayaan in la heli karo faahfaahino ku saabsan dadkii ka dambeeyay falkii lagu laayey dhakhaatiirtii deegaanka Gololey. Wasiirka amniga Hir-Shabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre oo wareysi siiyey Idaacadda Kulmiye ee magalaada Muqdisho kana mid ah xubnaha Hir-Shabeelle u qabilsan baaritaanka dhacdadaas, ayaa sheegay in haatan ay helayaan cadeymo hor dhac ah, isla markaana sida ugu dhaqsiyaha badan ay warbixin dhameystiran u soo saari doonaan. Wasiir Kheyre oo ka gaabsaday in si dhameystiran uu u soo bandhigo cadeymaha ay heleen illaa hada ee ku xeran dhacdadii lagu laayey dhakhaatiirta, ayaa sheegay in raadad badan ay u muuqdaan hadii uu hada shaaciyana ay dhib u keeni karto baaritaanka socda. Wasiirka ayaa xaqiijiyey in la hayo gaari Caasi ah, milkiilihii lahaa iyo laba nin oo wadayaal ka ahaa gaariga, kuwaas oo hada loo soo gudbiyey xarunta dembi baarista booliska Soomaaliya ee CID-da ee Muqdisho, si loo baaro. Wasiirka amniga Hir-Shabeelle waxa uu sheegay in gaarigaas looga shakisanyahay in uu yahay kiin dhakhaatiirta la laayey looga qaaday xaruntii ay ka shaqeynayeen ee deegaanka Gololey. Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in dadka loo xiray dhacadaas ee baaritaanadu ku socdaan ay ka mid yihiin qaar ka mid ah shaqaalihii xarunta caafimaad kala shaqeynayey dhalinyarada la laayey, kuwaas oo shaqada ka baxay saacad ka hor inta aan la kaxeysan dhakhaatiirta la dilay. Qaar ka mid ah shaqaalaha xarunta caafimaadka ee dhakhaatiirtii la dilay ay ka howlgelayeen ayuu cadeeyey in Muqdisho loo soo qaaday si loo baaro, halka kuwo kalena ay ku xiranyihiin saldhigga booliska ee degmada Balcad. “Dad Soomaaliyeed oo intaas dhan oo la xasuuqay baaritaankoodu dabcan mudo ayuu qaadanayaa, laakiin waxaan rijeyneynaa, in waqti dhaw oo aana hadda cayimi karin aan soo bandhigno warbixin waafi ah oo dadka Soomaaliyeed ay ku qancaan” ayuu yiri wasiirka aminiga Hir-Shabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre. Ugu dambeyn wasiirka ayaa balan qaaday in baaritaankoodu uu noqon doono mid dhan walba ka dhameystiran, isla markaana uusan lamid noqon doonin kuwii hore ee natiija la’aanta ku dhamaan jiray. Hoos ka dhageyso wareysiga https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/06/Maxamed-Cabdiraxmaan-Kheyrre-Wasiirka-amniga-HirShabeelle.mp3
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Waxa muddooyinkii dambe isasoo tarayey siyaasiyiinta kasii qul-qulaya xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, kuwaasi oo gebi ahaanba baneeyey kuraastii golaha dhexe ee xisbigaasi. Asad Muuse Kibaar oo kamid ahaa xubnaha golaha dhexe ee xisbiga Waddani ayaa shaaciyay inuu baneeyay xilkaasi, xili uu xisbigu wajahayo loolan adag oo kaga imanaya xisbul xaakimka Kulmiye. Asad Kibaar ayaa waraaqda is-casilaadiisa u gudbiyay guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, Mudane Cabdiraxmaan Ciro. “Guddoomiye waxaan kula socodsiinayaa anigoo ah ‘Asad Muse Kibar’ inan iska casilay xubinimadii Gollaha dhexe iyo xubinimadii xisbigaba sababo aniga ii gaar ah” ayuu ku yiri waraaqdiisa istiqaalada oo nuqul kamid ah uu soo gaaray Caasimada Online. Wuxuuna intaas sii raaciyay “Waxaanan kaga mahad-celinayaa mudadii aan soo wada-shaqeeynay iyo sidii wanaagsaneyd ee usoo wada-shaqeynay”. Asad ayaa door weyn kasoo qaatay xiligii ololaha doorashada madaxtinimada Somaliland oo xisbiga Waddani uu loolan adag ugu jiray hanashada kursiga ugu sareeya Somaliland, walow uu markii dambe Kulmiye ku gacan sareeyay. Inkasta oo ay si dhab ah u cadeyn sababta rasmiga ah ee uu isku casilay, haddana waxa uu ku gaabsaday inuu xilkaasi u baneeyay sababo aan la xiriirin arrimo siyaasadeed. Xisbiga Waddani ayaa u muuqda mid noqday tusbax furtay iyada oo marba marka kasii dambeysa ay ka hayaamayaan siyaasiyiin miisaan culus ku leh xisbiga dhexdiisa, kuwaasi oo hore usoo xero galiyay taageerayaal badan.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirro, Xildhibaano iyo Senatarro ka soo jeeda beelaha Mogadishu Clan ayuu caawa shir uga socdaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Xubnahan caawa ku shirsan Muqdisho ayaa ka arinsanaya maqaamka gobolka Banaadir iyo metelaada 7-da xubnood ah ee la sheegay in laga siinayo Aqalka Sare. Xubnaha shirka ka qeyb galaya waxaa ka mid ah wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale, wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Cabdi Canshuur, wasiirka Ganacsiga, wasiiru dowlaha Gaadiidka, wasiir ku-xigeenada Dekedaha iyo Dhalinyarada, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo ku xigeenadiisa Howlaha Guud iyo Maaliyadda gobolka Banaadir. Guddiga wadajirka ah ee baarlamaanka Soomaaliya u qaabilsan arrimaha dhameystirka sharciga doorashooyinka dalka ayaa todobaadkan shaaciyey in gobolka Banaadir Aqalka Sare looga qoondeeyay todoba kursi oo ku imaanaya nidaamka awood qeybsiga beelaha ee 4.5. In metelaadda gobolka Banaadir uu ku yeelanayo Aqalka Sare lagu qeybiyo 4.5, ayaa ka dhigan in dhamaan beelaha Soomaaliyeed ay si siman u qeybsan doonaan qoonda uu gobolka Banaadir ka helo kuraasta dowladda federaalka. Arrintaas ayaa dhalisay inay iska soo daba dhacaan digniino ku aadan in aan la xaqirin dadka reer Muqdisho iyo in aan gobolka Banaadir laga abuurin kacdoon dadweyne. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah mas’uuliyiinta ka halay arinta maqaamka Muqdisho ayaa guddiga isku dhafka ah ee ka kala socda Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee gobolka Banaadir u soo qoondeeyay 7-da xubnood ku tilmaamay mid baal maray dastuurka dalka, isla markaana marin habaabinaya dadka Soomaaliyeed. Xildhibaanka ayaa sheegay in dadka dega gobolka Banaadir ay canshuur bixiyeyaal yihiin, isla markaana aysan sax aheyn in niyadda laga dilo, isla markaana guddiga soo saaray arintaan ay ka shaqeynayaan in laga hor yimaado dowladda federaalka oo kacdoon shacab uu dhaco.
-
Maamulka Iskaashatada Gadiidlayda Dal Dhis Oo U Kala Abtiriyey Gadiidlaydii Ku Jirey Shirkadaasi + Fadeexado Musuq Maasuq Oo Dul Hoganaya Maamulka Iskaashatada Gadiidlayda Dal Dhis Oo U Kala Abtiriyey Gadiidlaydii Ku Jirey Shirkadaasi + Fadeexado Musuq Maasuq Oo Dul Hoganaya Maamulka Iskaashatada Gaadiidley Dal Dhis [Xogo Hoose ] Gudoomiyaha Iskaashadatada Gadiidleyda Daldhis Ee Magaalada Berbera Oo Ukala Abtiriyey Gadiidleydii Ku Jirey iskaashatadaasi Waxana Gudoomiyuhu Uu Bedka Soo Dhigey Qabyaalada Qaawan Oo Uu Ku Kala Dhowaysanayo Gadiidley Isagoo Gebi Ahaanba Si Cad Oo Qabyaaladaysan Uga Reeba Shaqooyiinka Gadiidleyda Kazoo Jeeda Bariga Berbera . Dhinaca Kale Gudoomiyaha iskaashatada Gadiidleyda Daldhis Ayaa Ah Masuul Nidaam Xaq Daro Ah Ku Fadhiya Isla Markaana Mudo Xileedkiisi Uu Dhamaadey Inkasto Badhasaabka Gobolka Saaxil Uu Amar Dhowaan Kusoo Saarey In Mudo 3 Bilood Ah Ay Saamilayda iskaashatada Daldhis Ay Maamul Cusub Ku Doortaan Hadana Waxa Soo Faro Geliyey Maayirka Magaalada Berbera Oo Si Cad Udiidey In Gudoomiye Cuusb La Dooorto . Halka Hoose Ka Akhri Warqadii Badhasaabka Gobolka Saaxil Soo Saarey ! Gudoomiyaha Iskaashatada Gadiidleyda Daldhis Oo Marar Badan Laga Cawday Ayaan Gebi Ahaanba Waxba Laga Qaban ,Mar Kasta Oo Cabasho Laga Muujiyona Waxa Uu Dabada Geliya Maayirka Magaalada Berbera . La Soco Qaybta Labaad Fadeexadaha Musuq Maasuq Ee Dul Hoganaya Maamulka Iskaashatada Gadiidleyda Daldhis . Xigasho #SOMALILANDFUTUREPOLICY ONLINE NEWS Source
-
MINNEAPOLIS -- The former Minneapolis Police officer who pressed his knee into George Floyd's neck was charged with second-degree murder and the three other officers on scene during his killing are charged with aiding and abetting second-degree murder, according to court documents. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya ayaa ka hadlay arrinta maqaamka gobolka Banaadir, isaga oo guddiyada labada aqal ee baarlamaanka u qaabilsan dhameystirka sharciga doorashooyinka ku dhaliilay 7-dii xubnood ee Aqalka Sare ay uga qoondeeyeen. Xildhibaan Jeesow ayaa ku tilmaamay guddigaas isku dhafka ah ee ka kala socda Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare mid baal maray dastuurka dalka, isla markaana marin habaabinaya dadka Soomaaliyeed. Xildhibaanka ayaa sheegay in dadka dega gobolka Banaadir ay canshuur bixiyeyaal yihiin, isla markaana aysan sax aheyn dadkan niyadda laga dilo, guddiga soo saaray arintaana waxay ka shaqeeyeen in laga hor yimaado dowladda federaalka oo kacdoon shacab uu dhaco. “Waxaan leeyahay shacabka degan gobolka Banaadir, waxaas waa wax imaan doona baarlamaanka dheg ha u dhiginina, Muqdisho waa caasimaddii dadka ku noolna ma jirto meel kale oo metelaad ay ku leeyihiin, labayna mid noqonee in Aqalka sare oo dhan la iska dhaafo dhibkiisa, ama in Aqalka Sare loo qeyb sado 4.5, laakiin shacabka Banaadir waxaan leeyahay ha is dejiyeen arintaan baarlamaanka ayey imaan doontaa mana ogolaan doonee.” “Horta wax la yiraahdo 4.5 oo dastuurka ku qoran ma jiraan, guddiguna laba arimood ayey isku qaldeen, waxaan ay soo bandhigeena waa wax hadhow baarlamaanka imaan doona, laba arimood ee ay isku qaldee waa wax dastuuri ah iyo heshiis is af garad ah, gobolka Banaadir maqaamkiisu waa dastuuri waa khasab in dastuurka lagu qoro, mana aha wax guddi sameyn karo oo go’aan ka gaari karo” ayuu yiri. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa soo bandhigay seddax qodob oo dastuuri ah oo golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya uu ku dhisanyahay, kuwaas oo kala ah: Dastuurku waxa uu qeexayaa in Aqalka Sare in 18-ka gobol ee Soomaaliya, min seddax kursi ay kasoo galaan. Dastuurku waxa uu qeexayaa in min sideed xubnood ay dowlad goboleedyada dalka kasoo galaan Aqalka Sare. Iyo qodobka sedaxaad oo ah in dastuurku waxa uu qeexayo in Aqalka Sare lagu soo dhisi karo hanaan ay dadku ku wada heshiiyaan. “Markaan sii fiirino qodobka ah wax dadku ku heshiiyaan halagu soo dhiso Aqalka Sare, waa in lagu heshiiyaa waxa uu noqonayo gobolka Banaadir, oo saamileyda siyaasada dalku ay isku waafaqaan gobolka Banaadir ma dowlad goboleedbuu noqonayaa? Mise dowlad goboleed ay ku dhex taalo caasimadda Soomaaliya oo dowladda dhexe ay degantahay, arintaas waa mid u baahan in si qota dheer looga wada hadlo” ayuu yiri xildhibaan Jeesow. Xildhibaan Daahir Jeesow ayaa sheegay in guddigii arrimaha dastuurka ee baarlamaankii 9-aad ay soo bandhigeen dhowr arimood oo lagu xalin karay arinta maqaamka gobolka Banaadir, kuwaas oo uu ka xusay in degmo ka mid ah 17-ka degmo ee gobolka Banaadir midkood laga dhigo caasimada Soomaaliya, inta kalena dowlad goboleed ka mid ah dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka. “Waxaan qabaa in 54-ta kursi ee Aqalka Sare lagu soo xulo 4.5 sidaasna ay ku soo galaan dadka degan gobolka Banaadir, in 18-ka gobol ee dalka oo gobolka Banaadir uu ku jiro ay min seddax kursi u qaataan, iyo in loo noqdo sideedii gobo lee dalka sharcigii la sameeyay 1960-kii markii dalku xorriyada qaatay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaan Daahir. Hoos ka dhageyso wareysigan oo uu siiyey KNN https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/06/waraysi-daahir-amin-jeesoow.mp3
-
Maxaa Loo Curyaaminayaa Shirkaddaha FLY DUBIA iyo Air Arabia? Madaxweyne Biixi, ayaa diiday ergo uu hoggaaminayay guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland oo madaxweynaha ugu tegay sidii uu shaqadooda ugu fasaxi lahaa labadan shirkadood oo hore xukuumaddu u joojisay in ay ka hawlgalaan Garoomada Somaliland. Madaxweyne Biixi, ayaa Ergadan u sheegay in aan labadan shirkadood waddanka ku joogin Sharci balse sarkaal ka tirsan hay’adda Duulista ayaa sheegay in shirkadahani waddanka ku joogaan sharci kuwaas oo la mid ah sharciga ay waddanka ku joogaan Ethiopian Airline iyo Air Jabuuti. Labadan Diyaaradood ayaa hore Duullimaadyadooda u joojiyay kadib markii Dawladda Imaraadka Carabtu joojisay dhammaan Duullimaadyada Caalamiga ah ee waddankaasi balse hadda waxa soo baxaya warar sheegaya in madaxweyne Biixi, doonayo in shirkadahan uu lugta u qabto shirkadda Ethiopian Airline oo tartan weyni kala dhexeeyo FLY DUBIA iyo Air Arabia. shirkadda Ethiopian Airline oo uu wakiil ka yahay Wiil uu abti Ruma u yahay madaxweyne Biixi, oo lagu magacaabo Cabdiqafaar, ayaa doonaysa in ay si fiican uga faa’idaysato suuqa Duullimaayada oo Kooto uu madaxweyne Biixi ugu xidho sida Ilo xogogaal ah xaqiijiyeen. Labadan Diyaaradood ayaa hore u diiday dalab uga yimi Dawladda Soomaliya oo ahaa in ay Muqdisho ka hawl-galaan halka Ethiopian Airline aqbashay oo ay hadda ka hawlgasho. FLY DUBIA iyo Air Arabia ayaa door muhiim ah ka qaatay kobaha Dhaqaalaha Somaliland sidoo kalena haddii madaxweyne Biixi, ku adkaysto go’aankiisa waxa suuragal ah in ay si weyn u dhaawacdo Cilaqaadka Somaliland iyo Imaraadka Carabta iyo weliba mashaariicda waa weyn ee Imaraadku ka wado Somaliland sida Berbera Corridor iyo DP World oo maalgelinaysa dekedda Berbera. Labadan shirkadood ayaa waxa iska leh Dawladda Imaraadka Carabtab waxana ay u muuqataa in madaxweyne Biixi, cilaaqaadka Imaraadka Carabta ka doorbidayo Lacag gaar ah ee ka soo gasha Diyaaradda uu wakiilka ka yahay wiilka uu Abtiga u yahay ee Ethiopian Airline. Labadan shirkadood ayaa Somaliland waxa uga hawlgalayay shaqaale badan kuwaas oo weli u xanniban amarka madaxwyne Biixi. Sidoo kale waxa labadan shirkadood la shaqaynayay ilaa 40 shirkadood oo waddaniya kuwaas ah kuwa Tigidhada jara oo iyana weli xidhan maadaama oo ay ku tiirsanaayeen Duullimaadyada FLY DUBIA iyo Air Arabia. Source
-
Gaalkacyo (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa hadlay doorka maamulkiisa uga aaddan dhismaha dekedda magaalada Hobyo, oo si weyn ay dad reer Galmudug ay ugu taamaan dhismeheeda. Qoor Qoor ayaa sheegay in dhismaha dekedda Hobyo ay u qalab qaateen, isla markaana aysan la sugi doonin gacmo shisheeye isku tashina lagu dhisi doono, sida uu sheegay. “Dekedda dhismeheeda waan ku soconaa, dowlado iyo dad naga taageera waan u baahanahay hadaan heleyno, laakiin ma sugi doono, jeebabkeena ayaan ka dhiseynaa, reer Galmudug-na waa dadka ugu hantida badan dalka wayna isku filanyihiin midnimo, wadajir, towfiiq iyo taley rabeen waana heystaan maanta Hobyo ayaana ka howlgeleynaa” ayuu yiri Madaxweyne Qoor Qoor. Sidoo kale Qoor Qoor ayaa sheegay in nabadu ay muhiim u tahay horumarka deegaanka, haatanna ay ku dhaqaaqeen in dadka ay ka xareeyaan hubka, isla markaana ay wadaan mideynta awooda dhinacyada hubeysan ee Galmudug, iyaga oo qarameynaya maleeshiyaadka hubeysan ee aan cidna ka amar qaadan. “Waxaan ognahay meel aysan nabad ka jirin horumar kama jiri karo, sidaas darteed waxaan go’aansanay in aan soo xareyno hubka gacmaha goonida ah ku jira, waxaan mideyneynaa awooda, waxaana mideynta ciidamada Galmudug ku dhalineynaa, kuna ilaalineynaa nabadda deegaanka, waxaan ku hor istaageynaa colaadaha iyo isku dhacyada beelaha ee soo laa-laabtay, waan tababareynaa ciidamada, hada kadibna amar ayey qaadanayaan, wiilal hubeysan oo sida ay u fekeraan u dhaqmaya Galmudug kama sii jiri doonaan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Hoos ka dhageyso codka madaxweyne Qoor Qoor https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/06/Qoor-qoor.m4a
-
Mogadishu ( PPM) — For the first since 1969 Somalia may conduct one person, one vote elections. Political alliances are getting formed around issues such as secularism and political Islam. Somalia’s brush with political Islam dates back to 1992, when Al Itihad Islami forces set up a base in Bosaso to control the city and port. As an armed group Al Itihad Islami did not share the goals of Somali Salvation Democratic Front (SSDF), the armed, clan-based group that controlled what was known as Northeast regions before Al Itihad had appeared on the scene. Al Itihad showed discipline and relied on militias from diverse clan backgrounds in a country that was increasingly becoming defined by clan fiefdoms. The clashes between Al Itihad and SSDF Forces in 1992 foreshadowed what would engulf the rest of Southern Somalia as highly organised, armed, religious groups had begun to pounce at the opportunity to supplant warlordism. The attempt by warlords to shore up their waning influence through funds from the United States to form the Alliance for Counterterrorism faltered in 2006. The Union of Islamic Courts (UIC) decisively defeated the coterie of warlords and challenged the Transitional Federal Government (TNG) then based at Baidoa. UIC forces captured a large swathes of territories in Southern Somalia. Their rhetoric that the Transitional Federal Government was “a puppet of Ethiopia” galvanised many young men into joining UIC campaigns. The attempt on the life of the former TFG President Abdullahi Yusuf in Baidoa and the declaration of war against Ethiopia served to undermine the growing sympathy many people had had for UIC. A two-year war between TFG forces and Ethiopian Army on one side against UIC under the muqawama (resistance) rubric came to an end in 2009, when the Alliance for the Reliberation of Somalia and TFG signed an agreement in Djibouti. The agreement stipulated the withdrawal of Ethiopian troops, paved the way an enlarged parliament, the resignation of Abdullahi Yusuf Ahmed and election of Sharif Sheikh Ahmed in Djibouti as the TFG President. President Sharif Sheikh Ahmed was in power for three years and eight months, making the TFG the longest-serving post-1991 transitional administration (2004-2012). President Hassan Sheikh Mohamud ( in power from September 2012 to February 2017) unseated him to lead a permanent government for the first time since 1991. During preparations for 2017 elections Sharif Sheikh Ahmed campaigned on anti-corruption platform and pledged to return to government coffers public properties that the politicians of the incumbent administration illegally sold or misappropriated. Both Sharif Sheikh Ahmed and Hassan Sheikh Mohamud are now united under the Forum for National Parties. Is this a sign that a segment of Somali Islamists have entered post-Islamism stage? According to Professor Asef Bayat Post-Islamism“refers to a political and social condition where, following a phase of experimentation, the appeal, energy, and sources of legitimacy of Islamism get exhausted even among its once-ardent supporters. Islamists become aware of their system’s anomalies and inadequacies as they attempt to normalize and institutionalize their rule.” SomaliIslamists’ evolution fits Professor Bayat’s definition of Post-Islamism. Unlike Saudi Arabia, the exporter of Salafi school of thought to Somalia, where a deal between monarchy and religious leaders leaves politics to the domain of the monarchy, Somalia is does not have a political arrangement that can prevent Islamists’ political programme falling into the hands of extremists. “Religion has become an aspect of the political marketplace in Somalia. It divides Somalis more than rival clan interests do” said a political analyst in Mogadishu. Somali post-Islamists political programme comes across as incendiary. They have a tendency to simultaneously appeal to clan and religious sentiments to bolster their political capital. The Somali post-Islamist politicians’ hope lies inreviving old alliances on which UIC was built. Sharif Sheikh Ahmed, the former UIC leader, banks on support of former colleagues active in politics of which Jubaland President Ahmed Madobe is prominent. Mukhtar Robow, though still in active in politics following the disastrous attempt to contest South West elections, remains an ally of Sharif Sheikh Ahmed’s. The 2021 elections pose formidable challenges to the Somali transition from fragile status to democratic governance. © Puntland Post Monthly, 2020 Click here to download a full webzine The post Has Somalia entered a post-Islamism stage yet? appeared first on Puntland Post.
-
Qudus (Caasimada Online) – Sacuudiga iyo Israel ayaa billaabay kulamo qarsoodi ah bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay, kuwaas oo ku saabsan sidii Sacuudiga loogu dari lahaa golaha Islamic Waqf ee maamula masjidka Al-Aqsa ee magaaladda Qudus. Golaha Islamic Waqf waa guddi ay magacawday Dowladda Jordan si ay ula socdaan goobaha Muslimiinta ee magaaladda Qudus waxayna sheegtaan in ay yihiin maamulka ugu sarreeya ee al-Aqsa islamarkaana aysan hoos tagin sharciga Israel. Wada-hadallada waxaa la weriyay in ay ku qabsoomeen qorshaha muranka badan dhaliyay ee Madaxweyne Donald Trump uu u bixiyay “Heshiiska Qarniga”, sida ay dublamaasiin sheegeen. “Waa wada-hadallo sir iyo xasaasi ah oo ku qabsoomay daah ku jir iyo awood yari kuwaas oo dhexmaray koox yar oo dublamaasiyiin ah iyo saraakiil sare oo ka kala yimid Israel, Sacuudiga iyo Maraykanka waxaana wada-hadalladu qayb ka ahaayeen hirgelinta heshiisa qarniga,” ayuu sarkaal sare oo Sacuudiga u dhashay u sheegay wargeyska Israel kasoo baxa ee Israel Hayom. Wargeysku waxaa uu sidoo kale wariyay in Golaha Jordan kasoo jeeda ay u tageen Israel iyo Maraykanka islamarkaana ay u sheegeen in ay yareeyeen diidmadooda ka dhanka ahayd Sacuudiga si ay uga hortagaan saameynta Turkiga ee sii kordhaysa. Si kastaba, Jordan ayaa dooneysa inay heysato maqaamkeeda sare ee ilaalinta meelaha barakeysan, Sacuudiguna uu maalgelin doono ururadda muslimiinta ah ee jooga bariga Qudus, si meesha looga saaro maal-gelinta Turkiga. Danjire Carbeed ayaa wargeyska Israel Hayom u sheegay: “Hadii golaha Jordan ay u ogolaadaan Turkiga in uu Qudus ka shaqeeyo isagoo aan qas ka sameyn Al-Aqsa, sanada yar gudahood ayaga ayaa meesha laga saarayaa. Waxay Sacuudiga uga baahanyihiin saameyn iyo dhaqaale si ay u gooyaan Madaxweyne Erdogan.” “Israel iyo Sacuudiga halkaan waxaa ugu jira dano ah In Sacuudigu taageero fulinta qorshaha heshiiska Qarniga iyo inta lagu jiro hanaanka dhul goosiga Israel. Sacuudigu waxaa uu sidoo kale la yimid taageradda Imaaraadka iyo Baxreyn,” ayuu yiri danjiraha carbeed ee aan magaciisa la shaacin. Sacuudiga waxaa la siin doonaa maqam ah kor joogteyn, si aan loo waxyeeleyn maqaamka Jordan ee ah Ilaalinta goobaha barakeysan ee Qudus, sida uu wargeysku sheegay. Xriirka u dhaxeeya Falastiin iyo Sacuudiga ayaa xumaa mudda labo sano ah, sababo la xiriira boqortooyadda oo xiriir dhow la leh madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo taageeradda ay u muujisay heshiiska qarniga.
-
Qaran News
-
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta isugu yimaadeen wasiiirka gaadiidka iyo duulista Hawada ee xukumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) wasiir Ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta Aadan Isaaq, madax ka socotay Xafiiska Madaxweynaha, ururka diyaaradaha iyo sidoo kale Shirkadaha duulimaadyada ayaa lagu shaaciyay in dib loo furi doono duulimaadyada gudaha dalka iyadoo la ilaalinaya sharuucda caafimaadka. Wasiirka Gadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa sheegay inay sameeyeen shuruuc lagu hagayo dadka safrayo si loo adkeeyo dadaalada lagu xakameynayo cudurka Coroonavirus. Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Axmed Macali Xasan iyo Xasan Xaashi Muxumed guddoomiyaha Guddiga adeegga diyaaradaha ayaa sheegay inay u diyaar garoobeen dib u furista duulimaadyada dalka. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane Aadan Isaaq ayaa sheegay in Wasaaraddu ay diyaarisay fariimo wacyigelin ah oo looga digayo qatarta cudurka COVID-19 dhawaana ay ku wareejin doonaan maamulka garoonka diyaaradaha si bulshada ay ula socdaan fariimahaas. Wasiirka Gadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa shaaciyay in bilawga todobaadka soo socdo dib loo furi doono duuliyaadyada gudaha oo muddo xayiraad ugu jiray xanuunka safmareenka ah ee COVID-19. Dhinaca kale Wasiirka Gadiidka iyo Mas’uuliyiinta kale ayaa kormeeray sida loo dhaqan galiyay sharuucda lagu hagayo dadka safrayo laga bilaabo hoolka Sahal oo ah halka marka ugu hore uu ka bilaabanayo safarka, gelista garoonka iyo sidoo kale ka bixintaanka, iyadoo ay marayaan ilaa shan baaritaan.waxaana sidoo kale la isku raacay in maalintii ay bixi karaan shan diyaaradood oo aadaya shanta maamul goboleedka taasi oo ay isku raaceen Wasaaradda, Hay’adda Duulista Rayidka, maamulka garoonka iyo ururda diyaaradaha matalayay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Shaqaaqo Dhimasho iyo Dhaawac Sababtay oo laba Beelood ku Dhexmartay Deegaanka Buuhoodle iyo Dedaalo lagu xakameynayo oo socda. Xildhibaan Cabdixakiin Cumar Faarax Budeeya kana mida mudanayaasha golaha guurtidda Somaliland ayaa ugu baaqay beelaha walaalaha ah ee deegaanka Gocon-dhaale, oo dhinaca waqooyi kaga began degmadda Buuhoodle ku diriray in colaada joojiyaan, halkan hoose ka DAAWO Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sheegtay inay qasab tahay in dowlad goboleedyada dalka lagala tashado qabashada doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan. Arrintan ayaa waxaa looga hadlay kulankii guddi hoosaadka Tubta Siyaasadda loo dhan yahay ee xafiiska Kheyre lagu qabtay laba maalmood ka hor, kaasi oo ay ka qeyb-galeen golaha wasiirada iyo guddiga madax-banaana ee dorashooyinka qaran. Kulanka ayaa lagu go’aamiyey in baahi degdeg ah loo qabo wada tashi loo dhanyahay oo ay yeeshaan dowladda Federaalka iyo dhammaan dowlad goboleedyada, si loo hirgeliyo doorasho loo dhan yahay oo xilligeeda ku qabsoonta. Xubnaha guddiga ayaa si wadajir ah hoosta uga xarriiqay muhiimmadda ay leedahay in la helo heshiis siyaasadeed oo gogosha u xaara in loo gudbo arrimaha farsamo ee doorashooyinka, kadibna loo soo bandhigo qorsho cad oo waqtiyeeysan. Ilo-wareedyo ku dhow xafiiska Kheyre ayaa Caasimada Online u sheegay in ra’iisul wasaraaha uu doonaya inuu casuumo wakiilo ka socda dowlad goboleedyada, si arrintan loogala hadlo. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Shirkii Golaha wasiirrada Khamiistii la soo dhaafay ka shaaciyay in shaqada ugu muhiimsan ee dowladda hortaalla xilligan ay tahay hiegelinta doorashada. Go’aanka xukuumadda ee ah in doorashada lagala tashado maamul goboleedyada ayaa siyaasad ahaan diidaya fikirka madaxweyne Farmaajo oo qaba in maamul goboleedyada aysan shaqo ku lahayn doorashooyinka oo ay u taallo guddiga doroashooyinka iyo wasaaradda arrimaha gudaha. Farmaajo ayaa qaba in xildhibaanada iyo senator-da ay maamul goboleedyada wakil uga yihiin dowladda, loona baahneyn in si gaar ah loola macaamilo.
-
Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona waxay ku xaqiijisay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay 57 xaalado cusub oo COVID-19. Waxaa cudurka ka bogsooday 26 qof. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in 30 kamid ah bukaannada la xaqiijiyay ay rag yihiin halka 27-ka kale ay yihiin haween. 34 ka mid ah bukaannada cusub waxaa laga diiwaan geliyay Gobalka Banaadir, Somaliland, 18 iyo Jubbaland 5 qof. Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 2,146 waxaa bogsootay guud ahaan 406 ruux. Halka 79 ruux oo kale ay u geeriyoodeen cudurka. Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa ugu baaqday mawaadiniinta Soomaaliyeed guud ahaan inay qaataan talooyinka caafimaad iyo wacyi gelinta looga digayo qatarta cudurka, qaybta uga aadanna ay ka qaataan dadaallada ka hor tagga iyo xakeynta Feyruska Karoona. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
The district commissioner of Burdhubo town in Somalia’s Gedo region has survived an assassination attempt on Tuesday night after Somalia’s Islamist militant al-Shabab fighters launched an attack on the district headquarters in the town. According to local reports, Alshabab targeted the District commissioner of Burdhubo district Abdullahi Sharif who was at that time in a meeting with other government officials. Following the attack, government forces guarding the district commissioner responded triggering fierce clash between the two sides. Residents said heavy exchanges of gunfire between the two warring sides were heard in the town. “Alshabab stormed the district’s headquarter and engaged a fierce fight with government forces which lasted for several hours,” a local resident told Caasimada Online via phone. “There are casualties from al shabaab and government forces, but we have no exact figure,” he added. The injured soldiers were rushed to the hospitals in the town for medical treatment while the district commissioner was reported to have sneaked to a nearby Ethiopian military base where he sought refuge. The Al-Qaida linked group Alshabab claimed responsibility for the attack through their affiliated media sites saying they targeted the district commissioner though he escaped unhurt. The militants group added that they inflicted heavy tolls on government soldiers in the town. The latest attack comes barely weeks after the militant group carried out a similar attack on a military base manned by Somali forces in the town. Reports from the town of Burdubo indicate that the situation is now calm and government forces are conducting operations. Al-Shabab has lost control of several towns, including the capital Mogadishu in the past years but still controls large swathes of territory in rural areas which troops have been mounting operation to ensure that rural Somalia is liberated too. Burdhubo town which is currently under the control of the federal government of Somalia was liberated in 2014 by Kenya Defense force and Somali forces in a joint operation.
-
Dad degan xaafadda Waxaracadde ee degmada Hiliwaa ee gobolka Banaadir ayaa waxaa ay sheegeen in dhul ay leeyihiin ay xoog ah kaga dhacayaan xubno ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, saraakiil ciidan iyo ganacsato waxaana ay sheegeen in markii maamulka gobolka ay u dacwoodeen la meermeeriyey . Dadkaan oo maanta kulan cabasho ah ku yeeshay Muqdisho ayaa xusay in dhulkaan ay sharcigiisa ay heystaan muddo gaareyso 37 sano iyaga oo intaas ku daray in dhulkaan uu yahay mid sharcigiisa ay heystaan sida uu sheegay mid ka mid ah dadkaan cabanayo. “Markaan ugu tagnay dhulkii aan ilaalinaynay intaas oo muddo 37 sano ah aan sugeynay oo aan dhowreynay oo dhaqaaluhu naga galay oo awal siyaasad aanan ku helin ee wax gatay aan u badan nahay waxaa nala yiri markii aan niyi Decomentigan ayaan ku leenahay dhulkaan aad faleysaan oo dhisaysaan ayaa nala yiri dad dhintay ayaa Decomentigan qoray ee ka dabataga” ayuu yiri. Sidoo kale dadkaan ayaa sheegay in dacwadooda ay gaarsiiyeen maamulka gobolka weliba ay la kulmeen guddoomiye Cumar Maxamuud Filish, iyaga oo sheegay inuu guddoomiyaha uusan dib u qaabil sida uu sharaxayo markale. “Markaan hadalnay oo ka u gudnay maamulkiina nin ayaa fadhiyey la yiraahdo Ilkaweyne waxaa uu nagu yiri halkaan waxaan ka socda Decomentigeyga, waan ka sii gudubnay duqa magaalada ayaan u tagnay muddo dheer ka dib waa uu naqaabilay dad ka mid kuwa meesha jooga ayuu nayiri u taga, dib umaanan arag duqiina dib manooqaabilin ayuu yiri. Dhanka kale mid ka mid ah dadka sheegay in ay leeyihiin dhulka la sheegay in ay booba ku hayaan xubno ka tirsan maamulka gobolka saraakiisha ciidanka iyo ganacsatada ayaa nasiib darro ku tilmaamay in dowladda hadda jirta ay diido waraaqo ay saxiixday dowladdii kacaanka oo ka iibsatay dhulka. “Qaranka waxaan u sheegeynaa sharci nooma sameynin kan qaata nama dhihin qarankii Soomaaliya soomaray wixii uu ka tagay waxa nagu haysta naga waa inaad fujinmaysaan waxaan leenahay dowladdaaney dadka shacabka ah oo hoostiina jooga sharcigii dowladdii ay uga tagtay inaad ilaalisaan ayaa la idin ka rabaa” ayuu yiri. Cabashada ka soo yeertay dadkaan degan degmada Waxaracade ee degmada Hilwaa ayaa cabashadooda waxaa ay ku soo aadaysaaiyadoo moddooyinkii dambe gobolka Banaadir iyo maxkamadaha ay ku soobadanayeen dadka ka cabanayo boob lagu haayo dhulalka ay sharcigooda heystaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xaawo Cabdi ( Caasimadda Online) – Kooxda Daacish ee ka dagaalanto gudaha Soomaaliya iyo qeybo kamid ah Adduunyada ayaa la sheegay inay ka dambeysay qaraxii 31-kii May ka dhacay deegaanka Xaawa Cabdi ee duleedka Muqdisho kaasoo lagu dilay dad badan oo Shacab ah. Muuqaal ay soo saartay Dowladda Soomaaliya laguna faafiyey warbaahinta Dowladda oo looga hadlayey qaraxaas ayaa waxaa lagu sheegay inay qaraxaas sheegatay Kooxda Daacish, waxaana muuqaalka dhexdiisa lagu arkay qoraal Carabi ku qornaa oo la sheegay inay soo saartay kooxdaas. Qoraalkaas ayaa waxaa lagu sheegay in kooxda Daacish ay qarax ka dhacay duleedka Muqdisho ku dishay in ka badan 10 askari oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya, balse sida aad wararkeena hore ku akhrisateen waxaa ku dhintay 10 qof oo Shacab ah oo qaarkood ay isku qoys ahaayeen, Sidoo kalana waxaa ku dhaawacmay in ka badan 15 qof. Kooxda Al-Shabaab oo inta badan sheegata qaraxyada Muqdisho iyo hareeraheeda ayaan sheegan qaraxan, taasi oo ayideysa sheegashada kooxda Daacish ee Soomaaliya. Haddii warka kasoo baxay Dowladda uu sax noqdo, qaraxaan wuxuu noqonayaa midkii ugu khasaaraha badnaa oo ay Daacish sheegato isla markaasna ay ka fuliso gudaha Soomaaliya. Kooxda Daacish ee Soomaaliya oo fadhigoodu yahay Gobolka Bari ayaan awood badan ku lahayn Koonfurta dalka, iyagoo dagaal kala dhaxeeyo Alshabaab iyo dowladda Federaalka.
