-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdulaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta lagu heshiisiiyay madaxtooyada maamulkaas ee Garowe ka dib kulan saacado qaatay oo halkaasi ka dhacay. Kulanka lagu heshiisiiyay madaxda ugu sareysa Puntland ayaa waxaa soo qaban qaabiyay isimada maamulkaasi waxaana sidoo kale qeyb ka ahaa guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawil waxaana kulanka ka dib qoraal ka soo baxay madaxtooyada maamulkaas lagu sheegay in la dhameeyay khilaafaadkii madaxda Puntland u dhaxeeyay. Horey waxaa u jirtay in khilaaf xooggan uu soo kala dhex galay madaxweyne Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Karaash kadib markii la isku qabtay arrimo la xiriira maamulka madaxtooyada waxaana khilaafka labadaasi masuul uu gaaray heer warbaahinta hadallo xanaf leh la isku mariyo. Halkan ka akhriso qoraalka madaxtooyada Puntland Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Baarlamaanka Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Ismaaciil Maxamed Warsame iyo xubno ka mid ah hoggaanka dhaqanka Puntland. Kulanka ayaa looga hadlay kawada shaqeynta midnimada, amniga iyo horumarka Puntland waxaana lagu guuleystay in meesha laga saaro kala aragti duwanaan dhinaca maamulka iyo shaqada ah oo u dhexeysay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka. Dowladdu waxay Bulshada Puntland ugu baaqaysa inay ka shaqeeyaan dowladdnimada, meel ugasoo wadajeestaan cadowga, iskana ilaaliyaan waxkasta oo khalkhalgelinaya nidaamka , amniga iyo jiritaanka Puntland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Majority Leader in the National Assembly Aden Duale on Tuesday survived the purge being undertaken by President Uhuru Kenyatta in the ongoing Jubilee party leadership changes. Source: Hiiraan Online
-
Riyadh (Caasimada Online) – Nin u ololeeya arrimaha Sacuudiga ayaa shaaca ka qaaday warbixin ku saabsan gole ay sameynayaan mucaaradka Sacuudiga iyo dibad jooga siyaasadeed oo ay ku jiraan saddax xubnood oo ka tirsan qoyska boqortooyadda, si awoodda looga xayuubiyo dhaxal suge Maxamed bin Salmaan. “Golaha isku xirka mucaaradka Sacuudiga waxaa uu ka koobanyahay 18 xubnood, oo ay ku jiraan saddax amiir. Goluhu kuma uusan baaqin mudaaharaad ama amar diido shacbi ah iyo halgan hubeysan midna. Keliya waxaa uu ku xadidan yahay in lala xiriiro hogaamiyeyaasha dunida iyo guddiyadda caalamiga ah,” ayuu Abdul Rahman al-Suhaimi u sheegay Aljazeera. Suhaimi waxaa uu intaas ku daray in baarlamaanada dalalka muslimka ah, dalalka gacanka Persia, xubnaha congress-ka Maraykanka iyo baarlamaanka Europe in arrinta la gaarsiiyay. Waxaa uu intaas raaciyay in goluhu uu taageerayo in Ahmed bin Abdulaziz Al Saud uu awoodda la wareego islamarkaana uu noqdo dhaxal sugaha isagoo hiigsanaya hadaf ah in Sacuudigu uu noqdo boqortooyo dastuuri ah oo baarlamaankeeda laso doorto. “Waxaan boqor Salmaan ugu baaqeynaa in uu wiilka booska ka saaro, uuna u magacaabo amiir Axmed bin Abdulcaziiz. 17 waddan oo muslim ah ayaa arrintaan taageeray, laakiin Boqor Salmaan ayaan ka sugeynaa in uu soo saaro,” ayuu yiri Suhaimi. Warkaani waxaa uu imaanayaa iyadoo ay xiran yihiin xubno badan oo ka tirsan qoyska boqortooyadda, saaxiibadoodna waxay ololeeyeyaal saameyn leh ka shaqaaleysiiyeen Maraykanka si ay xiriirkooda Madaxweyne Trump ugu riixaan in la dhameeyo “Dacwad-oogista siyaasadeed” ee uu wado Maxamed bin Salmaan, xilli uu ku mashquulsan yahay la tacaalidda mashaakilka dhaqaale ee Coronavirus. Sida lagu sheegay warbixin uu daabacay The New York Times, dad u dhow muwaadiniinta Sacuudiga ee siyaasadda u xiran ayaa la xiriiray qareeno jooga Washington waxayna billaabeen olole iyo dadaal la doonayo in lagu dhameeyo cadaadiska siyaasadeed ee uu wado 34 jirka maamula boqortooyadda Sacuudiga. Waxay rajeynayaan in ololahoodu uu keeno xaalad loo riyaaqo oo wax ka beddeshay xaaladda xuquuqda aadana Sacuudiga iyo xitaa in ay tallaabo qaadaan maxkamadaha caalamiga ah si loo sii daayo dadka xiran. Horaantii sanadkaan Maxamed bin Salmaan waxaa uu billaabay olole cusub oo uu ku xiray xubno boqortooyadda ka tirsan kuwaas oo uu ku eedeeyay isku day afgambi oo ay xilka uga tuurayaan aabihiis.
-
Masuul sare oo Somali-Kenyana , Madaxweynaha Kenyana Saaxiib dhaw la ah oo ka badbaaday mooshin xilka qaadis oo lala maaganaa Aadan Barre Ducaale Hogaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa maanta ka badbaaday qorshe la doonayay in xilka looga qaado kaddib markii isbeheysiga haya talada ee Kenya uu isbaddallo ku sameeyay xubnaha ka tirsan ee jagooyinka kala duwan ka haya laba aqal ee baarlamaanka iyo sanetka. Ducaale oo la hadlayay BBC-da ayaa u sheegay in sababta uu uga badbaaday xil ka qaadista ay tahay in xubnaha ka tirsan xisbiga ay kalsooni ku qabaan shaqada uu ka hayo baarlamaanka. “Badbaadada Ilaahey ayaa iska leh….kalsoonida golaha baarlamaanka oo maanta madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka ay joogeen dhib ayay kalsooni ii siiyeen… shaqadii aan ka qabtay xisbiga sida in aan baarlamaanka ku hoggaamiyay, arrimihii dowladda oo aan sidii la rabay uga soo baxay anigoo weliba kalsooni ka heysta xitaa dhinaca mucaaradka,” ayuu yiri xildhibaan. Wuxuu sheegay in kursiga uusan kusii fadhin doonin isla markaana uu banneen doono marka uu soo afjarmo waqtigiisa. Ducaale waxaa korsiga hoggaanka Aqlabiyadda Baarlamaanka loo dhiibay ka dib doorashadii 2013-kii, waxaana mar kale loo kordhiyay ka dib doorashadii 2017-kii. “Toddobo sanno ayaan kursigan hayay. InshaaAllah kuma fadhin dooni marka uu waqtiga dhammaado waan ka degayaan, waxaana ku wareejinayaan qofka kale, waa xafiis dastuuri ah oo dhisan oo nadaamsan”. Ducaale ayaa meesha ka saaray in kala qeybsanaan uu soo kala dhexgalay xisbiga haya talada ee Jubilee kaas oo dhowaanahanba isbaddallo ku dhawaaqayay taas oo saameyn ku yeelatay dad magac ku lahaa siyaasadda. Ducaale wuxuu ka mid ahaa 212 xildhibaan oo ka qeybgalay kullan uu Uhuru Kenyatta u qabtay xildhibaannada xisbigiisa ka tirsan. Qaar ka mid ah siyaasiyiintii xilalka sare hayay ee kullankaas aan tagin ayaa shaqada laga tuuray. Waxaa uu sidoo kale sheegay in doorashada soo socota marka la gaaro ay shaaca ka qaadi doonaan tallaabada xigta balse haatan ay ku howlan yihiin fullinta ballanqaadkii ay sameeyeen. Aadan ducaale oo ka hadlay sida uu xil ka qaadista uga badbaaday Haddaba Ducaale, maka badbaadi karaa isbaddallo kale oo lagu sameeyo xisbiga, wuxuu ku jawaabay: “Labo sanno ayaa soo hartay inta uu baarlamaanka dhammaanayo, labadaas sanno waxaan ku shaqeynayaa si daacad ah oo caddaalad ah, aniga oo waddankeyga ku shaqeynayo, fiirinayana danta guud ee waddanka, ayaan filayo in aan sii shaqeeyo labada sanno ee soo hartay”. Ducaale oo sidoo kale ah xildhibaanka degmada Gaarisa ee gobolka Waqooyi bari ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay shakhsiga saddexaad ee ugu awoodda badan dowladda Kenya, marka laga soo tago madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka. Qaran News
-
(SLT-Garoowe)-Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland ayaa sheegaya in kulan xasaasi ah oo ka dhacay lagu xaliyay khilaafkii ka dhaxeeyay madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa. Ismada dhaqanka iyo Gudoomiyaha barlamaanka Puntland ayaa ku guulaystay in soo gabagabeeyaan khilaafkii Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karash Munaasabad ka dhacay xarunta madaxtoyada ayaa gacanta laysugu saaray Masuuliyiinta ugu saaraysa Puntland oo galabta balan qaaday in aanu soo laaban doonin khilaaf ku soo noq noqday dhegaha shacabka Puntland. Heshiiskaan ayaa ka kooban dhowr qodob waxaana khilaafkaan uu soo jiitamayay in muddo ah iyada oo ugu dambeyntii xal laga gaadhay. Source
-
Bristol's only Somali foster family call for others to help
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
The only Somali foster carers in Bristol have called for others from the same background to join them. Source: Hiiraan Online -
Policymakers in the United States have a bifurcated approach toward Egypt. On the one hand, human rights abuse under President Abdel Fattah el Sisi upset scholars, Congress, and even privately some diplomats. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Dowladda PuntlandSiciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Baarlamaanka Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Ismaaciil Maxamed Warsame iyo xubno ka mid ah hoggaanka dhaqanka Puntland. Kulanka ayaa looga hadlay kawada shaqeynta midnimada, amniga iyo horumarka Puntland waxaana lagu guuleystay in meesha laga saaro kala aragti duwanaan dhinaca maamulka iyo shaqada ah oo u dhexeysay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka. Dowladdu waxay Bulshada Puntland ugu baaqaysa inay ka shaqeeyaan dowladdnimada, meel ugasoo wadajeestaan cadowga, iskana ilaaliyaan waxkasta oo khalkhalgelinaya nidaamka , amniga iyo jiritaanka Puntland. PUNTLAND POST The post Khilaafkii Deni iyo Karaash oo si rasmiya oo loo xalliyay appeared first on Puntland Post.
-
La taliyaha maamulka isboortiga Gobolka Banaadir Cabdiqaadir Xaaji (Dacar) ayaa sheegay in bulshada kubbadda cagta ay doonayaan in ay is badal sameeyeen mas’uuliyeenta Xiriirka Kubbadda Cagta. “Xiriirka kubbadda cagta waa ha’yadda weyn kama jiran wax hormar balaraan marka laga reebo tartamada gudaha lagu qabto mana jiraan wax horomarin,iyadoo caalamka Soomaaliya uu sanad walib ku taageero dhaqaaqo badan si kor loogu qaado kubbadda cagta Soomaaliya” ayuu la taliyaha ciyaaraha Gobolka Cabdiqaadir Xaaji Dacar u sheegay Goobjoog Sports Tan iyo 2014 Xiriirka Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya waxaa maamuliyay Cabdiqani Saciid Carab iyo ku xigeenadiisa,waxaana sanadihii lasoo dhaafay lagu dhaliilay wax qabad la’aan iyo dayaacad fara badan oo ka jirta waaxyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya. “Xiriirka malahan shaqsiyaad gaar ah wuxuu u dhaxeeyaa Soomaali oo dhan nimanka iminka maamula ma ogala in ay dhagaystaan bahda kubadda cagta talooyinkooda,waxayna taasi caqbad ku tahay geedi socodka iyo horomarka kubbadda cagta” ayuu hadalkiisa raaciyay la taliyaha maamulka ciyaaraha Gobolka Cabdiqaadir Muxidiin Xaaji Dacar. Dad badan ay ku qanacsaneen hanaanka maamulka Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya waxaan lagu eedayaa in waqtiga ugu badan mas’uuliyeenta hogaamisa ay ku lumiyaan is qab qabsi joogta ah iyo arimo kale oo ka baxsan wixii loo igmaday. “Hadii si sax uu u shaqeyn lahaa Xiriirka Kubbadda cagta waxaa la arki lahaa guulo waaweyn oo muuqda bulshadeena,balse inta ugu badan madaxda Xiriirka waqtikooda ugu badan waxaa hareeyay is qab qabsi joogta ah iyo arimo kale aan habooneyn” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Cabdiqaadir Dacar. Wuxuu sheegay in Dalka iyo dibada ay joogaan dad aqoon yahano ah oo kaalin wanaagsan ka qaadan kara mustaqbalka dhaw horomarinta Xiriirka Kubbadda cagta Soomaaliya,balse aysan haysan fursado ku haboon oo ay ku soo bandhigi karaa aragtidaada iyo qorshahooda ku aada horomarka. “Waxaan u baahahay in fursad la siiyo dhallinyarada aqoonta wanaagsan ee ka soo bixi karta hogaaminta hanaanka shaqo ee Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya,balse hadafkayga waa in aan waqtiga dhaw aragnaa in uu dhaca is badal” ayuu Goobjoog Sports ugu waramay Cabdiqaadir Dacar. Si kastaba bisha 2022 ayaa ku eg yahay mudada xileynta guddoomiye Cabdiqani Saciid iyo mas’uuliyeenta kale ee Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya,iyadoo bahda kubadda cagta ay ku haminayaan in ay arkaa is badal ka dhaca Xiriirka. W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegay in maamulkiisa uu dadaal badan ku bixin doono sidii maleeshiyaadka tira badan looga qaadi lahaa hubka. Qoor-Qoor ayaa sheegay inay doonayaan in ay mideeyaan awoodda Galmudug, islamarkaana maleeshiyaad beeleedyadda ku biirin doonaan ciidanka maamulkasi. “Galmudug maanta waxaan ka xareyneynaa hubka gacmaha Gooni goonida ah ku jira oo aan awooda Mideyneyno , awoodaasi iyo Hubkaasi waxaan ku dhalin doona Nabadeynta degaanada ka Galmudug iyo ka hortagga dagaal beeleedyada”ayuu yiri Qoor-Qoor. Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday in qorshahaan hub ka dhigista uu sii soconayo,si Galmudug nabadeedu u xoogeysato. Wasiirka amniga Galmudug ayaa saacadihii lasoo dhaafay lagu wareejiyay maleeshiyaad iyo hubkii ay wateen, isagoo sheegay in kuwa kalana sidaas oo kale loogu wareejin doono. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka isgaadhsiinta iyo Teknolojiyadda JSL Cabdiwali sheekh Cabdillaahi Suufi ayaa shaaciyay in laga helay cudurka halista ah ee COVID 19. Wasiir Cabdiwali ayaa noqonayaa wasiirkii labaad ee Somaliland shaaciya in laga helay Covid 19. Qoraal uu soo saaray oo arrinta kaga hadlayo ayaa waxa uu ku yidhi sida tan: “Aniga oo ka duulaya mas’uuliyadda iga saaran badqabka iyo caafimaadka qoyskeyga iyo ka bulshada aan xila u hayo waxa aan si iskay ah (Personal) isaga baadhay Caabuqa COVID-19, kadib markii aan iska shakiyay, baadhitaankaa oo natiijadiisu noqotay ‘Positive’. Ujeeddada ugu weyn ee aan isku baadhay waa in aan qayb ka noqdo dadaalka lagaga hortagayo Covid-19 islamarkaana lagu xakamaynayo faafida xanuunkani ku faafayo bulshada dhexdeeda siiba dadka u nugul oo ay ka mid yihiin dadka waaweyn iyo dadka qaba xanuunada lala noolaado oo uu Covid-19 khatar ku yahay. Markii aan ogaaday natiihada waxa aan islamarkiiba baadhitaan aan ku sameeyey xubnihii qoyskeyga iyo shaqaalaha Wasaaradda oo jawaabta aanu sugayno. Imika caafimaadkaygu aad ayuu u fiican yahay, shaqadii aan qaranka u hayayna guriga ayaan ka soo shaqeeya, iyada oo aan qayb guriga ka mid ah isku Karantiimay muddo 14 maalmood ah sida dhakhaatiirtu igula taliyeen. Dhammaan bulshada, gaar ahaan madaxda iyo dadka magaca leh waxa aan u soo jeedinayaa in ay iska baadhaan Covid-19 si ay nafahooda iyo kuwa dadka ay jecel yihiin u badbaadiyaan, bulshadana tusaale ugu noqdaan. Ugu dambayn, waxan mahadnaq balaadhan u jeedinayaa hawlwadeenada caafimaadka JSL oo heegan ugu jira samato bixinta dhamaan bulshada Somaliland. Guryaha jooga Kala fogaada Gacmaha maydha Taxadirku waa muhiim” Source
-
Faah faahino kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax khasaare geystay oo maanta ka dhacay deegaanka Hoosingow ee gobolka Jubada Hoose. Qaraxa ayaa lala beegsaday sida dadka deegaanka ay innoo sheegeen kolonyo ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa Kenya oo marayey halkaasi. Sidoo kale waxaa qaraxa xigay rasaas xooggan oo ay fureen ciidamada lala beegsaday, mana cada khasaaraha dadka shacabka ka soo gaaray rasaastaasi. Dhanka kale Al-Shabaaab ayaa sheegatay qaraxan, waxaana ay baahisay in ay ku dishay ugu yaraan 2 askari sidoo kalena ay ku gubtay Gaari uuraal ah oo ay wateen ciidankaasi. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM oo ku aadan weerarkaasi qaraxa loo adeegsaday. Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro dhaba-gal ah ku qaada ciidamada huwanta ee isaga kala goosha gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ugaaska guud ee Mudulood, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas oo u warramay Dalsan TV ayaa si adag uga hadlay arrinta maqaamka magaalada Muqdisho, gaar ahaan 7 xubnood ee gobolka Banaadir laga siiyey Golaha Aqalka Sare. Ugaaska oo si adag uga hoyimid arrintaasi ayaa sheegay inay tahay dulmi iyo ihaano loo loo geystay saddexda million ee ku nool gudaha caasimadda, sida uu hadalka dhigay. Sidoo kale wuxuu sheegay in aysan aqbali doonin todobada kursi ee gobolka Banaadir loo qoondeeyey, islamarkaana loo qeybsan doono nidaamka 4.5. Ugaas Maxamuud Cali Ugaas oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dowladda federaalka ay gacan bidixineyso maqaam u sameynta Muqdisho, iyada oo ay u yaallaan howlo kale oo ka muhiimsa , sida u diyaar-garowga doorashooyinka soo socda 2020 illaa 2021-ka. Waxa kale oo uu ka dalbaday madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay dib u dhigaan arrinta caasimadda, haddii aysan si sax ah meel u saari karin xuquudeeda. ”Dowladda waxaan leennahay howlo kale ayaa idiin yaalla howlihiinna kale ku mashquula.” ayuu yiri Ugaaska Mudulood. Sidoo kale wuxuu shaaciyey in Muqdisho la xaqiray, marka la bar-bar dhigo magaalooyinka kale ee dalka, isaga oo tusaale u soo qaatay Garoowe. “Yuu yahay ninka dhihi kara Garoowe wax matala malahan masiirna malahan ee xuquuqda dadkaasi waxaa ka talinayaa baarlamaanka Puntland, cida reer Garoowe u sheegi karta oo marsiin karta yey tahay canshuur ka qaadan karta, iyadoo xuquuq laheyn.” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Ugaasku. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dadka degan magaalada Muqdisho, gaar ahaan aqooyahanada, siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka inay isugu yimaadaan shirweyne si ay uga arrinsadaan masiirkooda iyo aayaha caasimadda.
-
Somaaliland ayaa maanta shaacisay natiijada dad looga shakisnaa cudurka Saf-mareenka ah ee Coronavirus, kuwaas oo baaritaano lagu sameeyey qaarkood laga helay xanuunka. Warbixin ka soo baxday wasaaradda caafimaadka maamulkaasi ayaa siddan u qorneyd:- Baadhitaanka 24kii saacadood ee u danbeeyey la sameeyey waa 80 Lix iyo labaatan qof (26) ayaa laga helay xanuunka, 22 waa Somalilander, halka 4 qof ay udhasheen Hindiya. Bukaanadan 19 qof waa rag, 7 qofna waa dumar Bukaanadan waxa ay kala degan yihiin: Hargeysa 13 qof, Borama 7 qof iyo Berbera oo ah 6 qof Waxaa xanuunka ka bogsaday 5 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Sideed iyo Afartan (48) View the full article
-
Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta gacanta lagu dhigay gaari la sheegay in lagu afduubtay, ka hor inta aan la dilin dhalinyaradii dhowaan lagu laayey deegaanka Gololey oo ka tirsan degmada Balcad. Ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa qabtay gaariga oo ah kan Soomaalida ay u taqaano Hoomeyda. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo u warramay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in sidoo kale gacanta lagu dhigay darawaalkii gaariga waday, milkiilihii iyo nin kale oo la sheegay inuu gaariga u kireysnaa maaalintii uu dhacayey falkaasi, kuwaas oo uu tilmaamay in loo soo gudbiyey xarunta dambi baarista CID-da. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in laanta CID-da la geeyey qaar ka mid ah shaaqaalaha ka shaqeeya xarunta caafimaadka ee laga watay sideedii dhalinyarada aheyd ee la dilay, kadibna meydadkooda lagu soo dhigay tuulada Gololey ee gobolka Shabeelaha Dhexe Arrintaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo haatan ay socdaan baaritaano ku aadan dhacdadii deegaanka Gololey oo loo saaray guddi xaqiiqo raadin ah oo maalmo ka hor gaaray deegaankaasi, si ay ula kulmaan waxgaradka iyo dadka deegaanka intaba. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/06/Cod-balcad-gololey-.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/06/Warka-Duhur-02062020.mp3 View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Wasaaradda caafimaadka Soomaaliland ayaa maanta ku dhawaaqday natiijada kasoo baxday baadhitaan dhinaca caafimaadka oo lagu sameeyay dhowr qof oo looga shakisnaa xanuunka Covid 19. Warka kasoo baxay wasaaradda caafimaadka ayaa lagu sheegay 80 qof oo baadhitaanka lagu sameeyay in 26 ka mid ah laga helay xanuunka Covid 19. Warbixinta ayaa lagu muujiyay in 22- ka mid ah dadkaa ay u dhasheen Soomaaliland 4-kalana ay u dhasheen dalka Hindiya. Da’da Bukaanadan cusub waxa ay u dhaxaysaa: (10jir ilaa 19jir = 2 qof) (20jir ilaa 29jir = 9 qof) (30jir ilaa 39jir = 7 qof) (40jir ilaa 49jir = 6 qof) (50jir ilaa 59jir = 1 qof) (60jir ilaa 69jir = 1 qof) Bukaanadan waxa ay kala degan yihiin: Hargeysa 13 qof, Borama 7 qof iyo Berbera oo ah 6 qof Waxaa xanuunka ka bogsaday 5 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Sideed iyo Afartan (48) qof. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar aan helnay ayaa sheegaya in dood ay ka taagan cidda la siinayo qandaraaska maqaayad laga dhex furayo tiyaatarka qaranka oo dhowaan dib loo furay. Ganacsato Soomaaliyeed oo dhowr ah ayaa doonaya inay helaan qandaraaskaas, hase yeeshee waxay ka cabanayaan wasiirka warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ay sheegeen inuu doonayo inuu qandaraaska si kale ku bixiyo. Wararka ayaa sheegaya in wasiir Maareeye uu qanadaraaska siiyey xildhibaan iyo nin kale oo ganacsato ah, oo ay isku dhow yihiin ayada oo aan tartan la gelin, taasi oo ay qalad ku tilmaameen. Maareeye iyo xubnaha qandaraaska la siiyey ayaa lagu warramay inuu ka dhaxeeyo heshiis hoose oo lacag kasta oo laga faa’iido maqaayadda lagu qeybsanayo. “Maadaama tiyaatarku yahay xarun qaran, waxay ahayd in qandaraaska si shaacsan bulshada loogu soo bandhigo, looguna tartamo,” waxaa sidaas yiri qaar ka mid ah ganacsatada lasoo xiriiray Caasimada Online. Dooddan ayaa gaartay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, oo sida la sheegay joojiyey bixinta qandaraaska, islamarkaana ku amray wasiirka inuu joojiyo. In qandaraaska la siiyo xildhibaano ama xubno dowladda ka tirsan ayaa ka hor-imaneysa xeer uu soo saaray Kheyre sanadkii 2018, kaasoo mamnuucaya in xubno ka tirsan dowladda ay ku lug yeeshaan qandaraasyada dowladda bixineyso, si loo yareeyo musuq-maasuqa. Wasiir Meereeye oo aan xiriir la sameynay si aan wax uga weydiino arrintan nooma jawaabin.
