Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. PRESS RELEASE Coronavirus – Africa: WHO COVID-19 Africa Update 5 June 2020 BRAZZAVILLE, Congo (Republic of the), June 5, 2020/ — Over 168,464 confirmed #COVID19 cases on the African continent – with more than 73,000 recoveries & 4,700 deaths. View country figures & more with the WHO African Region COVID-19 Dashboard: https://arcg.is/XvuSX Distributed by APO Group on behalf of WHO Regional Office for Africa. View multimedia content SOURCE WHO Regional Office for Africa Qaran News
  2. Waxaan habeenkii Khamiista aheyd ku geeriyooday magaalada Muqdisho fannaanka caanka ah ee Soomaaliyeed Cabdi Tahliil Warsame. Al-fannaan Cabdi Tahiil ayaa u geeriyooday xanuun sanado badan hayey, dal iyo dibadna lagula tacaalay, waxaana ku dhintay da’da 68 jirka. Haddaba, abwaan Cabdikariim Faarax Qaareey Jiir ayaa Cabdi Caziz Gurbiye uga warramay taariikh faneedka fannaan Cabdi Tahliil isaga oo sheegay inuu heesaha ku soo biiray 1964-tii. Abwaan Jiir waxaa uu sheegay in Cabdi Tahliil oo ku dhashay Wardheer oo ku jirta gacanta Itoobiya uu marka uu halkan yimid in muddo ah ka heesi jiray baararka iyo goobaha dadka isugu tagaan ilaa markii dambe uu hees u dhiibay Abwaan Axmed Saleebaan Bidde, waa heestii Onkod. Mar sii horeysay isla abwaan Axmed Saleebaan Bidde ayaa Goobjoog New uga sheekeeyey qaabka uu Cabdi Tahiil ugu dhiibay heeska Onkod ee uu kusoo caanbaxay. Abwaan Cabdikariim Faarax Qaareey Jiir oo taariikh faneedka Cabdi Tahiil sii wado ayaa intaas ku daray in 1974-tii uu Cabdi Tahliil ka soo waday gobolka Berri uu u shaqeynayey dowladda hoose, kuna daray fannaaniin tartan ugu baxeysay dalka Nigeria, markii uu soo noqdana uu ku biiray ururka dhalinyarada iyo hobollada Waaberi. Abwaan Jiir mar uu ka hadlayey fanka Cabdi Tahiil waxaa uu yiri “ Waxaa uu ahaa fannaan cod macaan, caalami ah, codkiisa kusoo baxay, cod nadfiif ah lahaa, oo la jecel yahay”. Ugu dambeyntii, Abwaan Cabdikariim Faarax Qaareey waxaa uu sifeeyey dabeecadda Al-fanaan Cabdi Tahliil isaga oo yiri “ Cabdi Tahliil waxaa uu ahaa fannaan dabeecad wanaagsan, oo dadkoo dhan jecel yihiin, ilaahey ha u naxariisto”. Allaha u naxariistee Cabdi Tahliil waxaa uu lahaa cod macaan, waxaana lagu yaqaanay hees caan ah oo ay ka mid yihiin “Sida Faras Bulaalo”, “Jacayl Aayatiin Leh” iyo qaar kale, saaka ayaa lagu aasay caasimadda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Washington (Caasimadda Online) Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa fariin mahad celin ah u diray dowladda Iran kadib markii ay is weydaarsadeen laba maxbuus oo siyaabo kala duwan labada wadan ugu kala xirnaa. Dowladda Islaamiga ah ee Iran waxey sii deysay askari ka tirsan ciidamada badda Mareykanka halka USA ay xabsiga kasii deysay seynisyahan reer Iran ah oo loo heystay kiis gaar ah. Arintani waxey cadeyneysaa iney labada wadan ee khilaafka ba’an uu ka dhaxeeyay sanadahii dambe ay meel mariyeen heshiiskooda ku aadan is weydaarsiga maxaabiista. Sirous Asgari oo ahaa seynisyahan reer Iran ah isla markaana ku eedeysnaa inuu qalab ka xaday jaamacad ku taala wadanka mareykanka ayaa lasii daayay, sidoo kalana waxey Iran sii deysay Michael White oo ay sanadkii 2018 ka qabteen magaalada Mashhad inkastoo aan la shaacin sababta loox xiray. Wasiirka arrimaha dibadda Iran Mohammad Javad Zarif ayaa soo dhaweeyay sii deynta seynisyahanka halka Trump uu barta twitter-ka kusoo qoray qoraal uu arinta ku xaqiijinayo. “Waxaan taleefoonka kula xiriiray laheystahii hore mareykanka Michael White kaas oo hadda ku sugan Zurich kadib markii ay sii deysay Iran, wuxuu diyaarad ku imaan doonaa U.S wakhti dhaw, gurigiisa ayuuna kusoo laaban doonaa” ayuu Trump soo qoray.
  4. Garoowe (Caasimadda Online) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa walaac badan ka muujiyay nuuca doorasho ay qaban karaan guddi lagu soo xulay hanaanka awood qeybsiga qabiilada (4.5). Deni wuxuu si guud u dhaliilsan yahay guddiyada ay dowladda federaalka dhisto in lagu saleeyo awood qeybsiga beelaha, wuxuuna rajo xumo ka muujiyay iney qaban karaan hanaan doorasho oo ka duwan habka ay ku yimaadeen. “Waxan ka digayaa in nidaamka 4.5 laga dhigo dastuur laguna saleeyo wax walba awood qeybsiga qabiil iyadoo sharci adag laga dhigaayo, ma suuragaleyso arintaas, waxaana ka dhalan kara inuu wadanka dib u laabto” ayuu yiri Deni oo warbaahinta la hadlay. Todobaadkii lasoo dhaafay ayuu madaxweyne Deni u sheegay warbaahinta inta laga xalinaayo khilaafka labada dhinac ineysan aqoonsaneyn tallaabo walba oo ay dowladda u qaado hirgalinta doorasho qaran oo wadanka ka dhacda. Deni iyo maamulkiisa waxey diyaar u yahiin iney kaalin mug leh ka qaataan sidii loogu guuri lahaa iney shacabka soo doortaan qofka ay u arkaan inuu matali karo loogana gudbi lahaa in loo baahdo xulista guddi ku saleysan nidaamka 4.5.
  5. Some $4.5 million has been raised to rebuild the historic and diverse Lake Street area of Minneapolis, after it suffered immense damage amid the protests over the killing of George Floyd that have rocked the nation over the past week. Source: Hiiraan Online
  6. Rome (Caasimadda Online) Shabakadda Fanpage ee laga leeyahay gudaha dalka talyaaniga ayaa shaacisay in ciidamada ammaanka talyaaniga gacanta ku dhigeen afar dhalinyaro ah oo looga shakisan yahay iney maalgaliyeen afduubkii sanadkii 2018 loo geystay Silvia Romano. Afarta dhalinyarada ah laba ka mid ah waa itoobiyaan halka labada kale ay yahiin Soomaali, saddex ka mid ah waxaa da’dooda lagu sheegay 23-jir halka midka mid ah oo 29-jir ah xabsi guri lagu galiyay magaalada Milan oo ay dagan tahay Silvia. Xabsiyo ku kala yaalla magaalooyinka Nuoro, Cagliari iyo San Vittore ayaa lagu xiray, waxaana la fahamsan yahay in ciidamada u tababaran la dagaalanka argagixisada ay dhalinyaradaas su’aalo ka weydiin doonaan kiiska. Warbixinta waxey sidoo kale sheegeysaa in goobahii laga soo qabtay dhalinyarada laga helay caddeymo muujinaya lacagahii ay direen, sidoo kale waxaa la baahiyay iney gobollo badan u safreen si ay lacago ugu aruuriyaan kooxda Al-Shabaab. Intaas kaliya laguma soo koobine, sidoo kale warbixinta waxaa lagu sheegay iney lacago u aruurin jireen ururka xoreynta ogaadeeniya (ONLF), lacag ka badan 10,000 (Toban kun) oo yuuro ayey direen sida la sheegay. Baarayaasha kiiskaan waxey sheegeen in lacagahaas loo diray wadamada Soomaaliya iyo Itoobiya isla markaana lagu iibiyay hub. Bishii May 2019 ayaa lasoo qabtay ragaan la tuhunsan yahay waxaana la filayaa iney maxkamad kasoo muuqdaan dhawaan, wakaaladda wararka talyaaniga (ANSA) ayaana faafisay magacyada shaqsiyaadka la tuhunsan yahay (Isidiin Axmed, Cabdiqani Cusmaan, Saciid Maxamed iyo Rashiid Dubbad). Silvia Romano oo mar dambe la baxday (Caa’isha) waxey heshay xoriyadeeda inta lagu jiro sanadkaan kadib 18-bilood oo ay gacanta ugu jirtay kooxahii ka qafaashay gudaha Kenya.
  7. The UAE's two leading carriers, Emirates and Etihad, on Thursday announced that they will be linking 49 destinations across Asia, Europe and Australia in the next 10 days as airlines increase flights and resume transits with the easing of restrictions on air travel. Source: Hiiraan Online
  8. Veteran Somali musician, Abdi Tahlil Warsame passed away on Thursday night in Mogadishu, Somalia, the government confirmed. Warsame 68, died at a hospital in the outskirts of capital Mogadishu where he has been undergoing treatment. According to the spokesperson of the ministry of Information, Ismael Muktar, the late musician has been in poor health condition for years. Muktar has condoled the death of the prominent musician and sent his heartfelt condolences to the bereaved family and relatives over the untimely tragic loss. Somalia’s minister of Information, Mohamed Abdi Mareeye also sent his deepest sympathies to the family and relatives of the late musician. “Warsame was a great singer and will be remembered for the role he played in promoting Somalia’s art, may Allah rest his soul in eternal peace.” said the minister in a statement. The late singer was a notable member of the famous Waberi national band.
  9. Baladweyne (Caasimadda Online) Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa gaaray magaaladaBaladweyne iyadoo ay wehliyaan saraakiil ciidan, waxeyna safar kaga baxeen magaalada Dhuusamareeb. Warar la helay ayaa sheegaya in taliyaha iyo saraakiisha la socota ay doonayaan iney halkaas ka fuliyaan abaabul dagaal oo ka dhan kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida kuwaas oo kala xira gobolka Hiiraan. Gen. Odowaa oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan taliska qeybta 27-aad ayaa dhawaan ka qeyb galay kulamo looga arrinsanayay duulaan ka dhan ah Al-Shabaab oo laga sameeyo deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug. Taliyaha waxey u aheyd markii ugu horreysay tan iyo magacaabisitiisii uu tago magaalada Baladweyne, wuxuuna doonayaa inuu sii wado hawlgallada ay ciidanka xoogga dalka ku doonayaan iney dalka kaga xoreeyaan kooxaha argagixisada. Saldhig ku yaalla magaalada Baladweyne ayaa lagu soo dhaweeyay taliyaha ciidanka XDS, iyadoo saraakiil ka tirsan taliska 27-aad ee ka hawlgala Hirshabelle ay la qaateen kulan ay uga xog wareysanayeen qorshahiisa ciidan.
  10. (CNN)One of the officers had been on the job four days. One was on his third shift ever. And Derek Chauvin, who pressed his knee into George Floyd's neck for nearly nine minutes, was the field training officer for one of them. Source: Hiiraan Online
  11. Former Defense Secretary James Mattis’ sharp and open criticism of President Donald Trump this week raised broad questions for Republican members of Congress about whether they feel the president is dividing the nation. Source: Hiiraan Online
  12. Somali Health Ministry said the total number of COVID-19 cases in the country had increased to 2,204 after 58 new cases were confirmed on Thursday. Source: Hiiraan Online
  13. FOR years it was probably the world’s worst football stadium — a decaying structure with collapsing stands, its pitch replaced by shrubs and weeds while its walls were riddled with bullet holes. Source: Hiiraan Online
  14. South Sudan’s Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation issued a statement resolving the controversy over its approval of Cairo’s request to establish a military base near the Ethiopian border. Source: Hiiraan Online
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Markii ugu horreysay waxaa muuqaneysa in aragti ama hal go’aan ay isku raaceen shacabka iyo siyaasiinta magaalada Muqdisho kaas oo la aaminsan yahay inuu halis weyn abuuri karo. Baraha bulshada ee Internet-ka, warbaahinta iyo goobaha kulanka dadweynaha ayaa ku arkeysaa dadka Banaadir daga oo go’aan isku mid ah ka qaatay Matalaadda gobalka Banaadir iyo wararka sheegaya in 4. 5 lagu qeybsan doono kuraasta ay helaan. Go’aanka ay qaataan ayaa ah “Muqdisho lama wadalahan ee waa lawada dagan yahay”. Sidoo kale waxaa muuqata iney ka siman yihiin aragtida ah in aysan cid aan iyagu aheyn go’aan ka gaari karin matalaadda gobalka Banaadir ee Golaha Aqalka Sare. Aqoonyahaanka, siyaasiga, dhaqanka, iyo qeybaha kale ee Bulshada ayaa wada abaabul ka dhan ah go’aanka guddiga isku dhafka ah ee labada aqal, waxaana socda kulama isdaba joog ah. Sidoo kale kulamada waxaa qeyb ka ah saraakiil ciidan taas oo ka dhigan in dadkii u dhashay gobalka Banaadir midoobay. Dadkaan oo nuucyo kala duwan isugu jira ayaa u muuqda kuwa u diyaarsan banaanbaxyo ka dhan ah dowladda iyo kacdoon dadweyne, si loo muujiyo rabitaankooda ku aadan matalaadda gobalka Banaadir. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa shalay sheegay in kacdoon uu sababi karo qorshaha kasoo baxay guddiga wadajirka ah ee ku saabsan matalaadda gobalka Banaadir. Sidoo kale baraha bulshada ku kulmaan ayaa waxaa ka socda dagaal xoog leh iyo weeraro lagu qaadayo guddiga warkaan soo saaray. Haddii aan arintaan wax laga badalin ayaa waxaa laga cabsi qabaa in kacdoon ka dhan ah dowladda ka bilaawdo Muqdisho kaas oo qatar ku ah dowlada Soomaaliya oo Muqdisho kaliya awood ku leh, ayna suurta-gal tahay in magaalada laga eryo.
  16. Fannaan Caanka ah Dhulalka Somalida oo Goor dhaweyd geeriyooday Allaha u naxariistee fanaankii weynaa ee Soomaaliyeed Cabdi Tahliil Warsame ayaa ku geeriyooday magaalada Muqdisho, kadib muddo uu ku xanuunsanaa magaalada Xaaladda caafimaad ee Cabdi Tahliil ayaa sii xumaanaysay waayadan danbe, mana jirin daryeel dhammeystiran oo uu ka helay dowladda Soomaaliya. Cabdi Tahliil Warsame wuxuu safka hore kaga jiray fannaaniinta qiimaha mugga weyn ku dhex leh fanka Soomaalida, heesihii uu ku luuqeeyey waxay kaalimaha ugu sarreeya kaga jiraan dhageysiga keydka suugaanta ee ay isticmaalaan bulshada Soomaalidu. Cabdi Tahliil Warsame, sida la hubo wuxuu ku dhashay deegaanka Wardheer sannadkii 1952-kii. Sannadkii 1968-kii fannaanku wuxuu ku luuqeeyey heestiisii labaad ee Onkod, taasoo aad u caan baxday. Heestan oo ilaa maanta kaalmaha hore uga jirta dookha dadweynaha waxaa u dhiibay Abwaan Axmed Saleebaan Bide. Sannadkii 1971-kii wuxuu ka qeyb galay tartankii heesaha hirgalay waxaana ku weheliyay fannaaniin ay ka mid ahaayeen, Cabdulaahi Cumar Xarago, Cabdi Xasan Dige, Cumar Nuur Cabdule iyo Xasan Aadan Samatar. Fannaaniintan dhamaantood waxay ku biireen xidigihii kooxdii Hobalada Waabari. Kooxihii kale ee uu Tahliil la soo shaqeeyey waxaa ka mid ahaa Kooxdii Danan oo uu kamid noqday hogaankii sare ee kooxdaas. Qaran News
  17. Jilib (Caasimadda Online) – Ururka Al-Shabaab ayaa si rasmi ah u bilaabay mashruucii ay ugu magac dareyn carabiyeenta dadka Soomaaliyeed. Mashruucaan oo bilooyin ka hor ay ku dhawaaqday Al-Shabaab ayey hadda waxay kooxdu sheegtay inay soo saartay dufcaddii ugu horeysay oo ka qalin jabiyey barashada Luuqadda Carabiga. Al-Shabaab ayaa sheegtay in dufcadaan ay ka qallin jabisay iskuulka lagu barto Luuqadda Carabiga oo ay ka furtay Magaalada Jilib, kaasi oo lagu magacaabo Alxikma . Xafladda qallib jabinta oo u muuqatay mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Xarakada Al-Shabaab. Al-Shabaab ayaa ujeedada mashruucaan ku sheegtay inay tahay in dadka Soomaaliyeed loo fududeeyo barashada Diinta Islaamka, taasi oo barashda luuqadda Carabiga ay sahli karto.
  18. Dagaal 36 maalmood qaatey oo loogu jiray hal nin inuu neefsado Nitaidas Mukherjee waa nin aad looga yaqaanno gobolka Kolkata, wuxuuna ka shaqeeyaa arrimaha bulshada “Waxaa laga yaabaa inuusan caawa gaarin. Xaaladdiisu si kadis ah ayey aad ugu xumaatay,” sidaas ayey Dr Saswati Sinha ku tiri xaaska nin bukaan ah oo ay telefoonka kula hadleysay xilli ay kusii jeedday isbitaalka, iyadoo markaas sii mareysay waddooyinka lama dagaanka ku yaalla ee magaalada Kolkata, oo dhacda barida dalka Hindiya. Waxay markaas ahayd habeenkii 11-kii bishii April. Hindiya waxay ku jirtay xayiraad dhinaca dhaqdhaqaaqyada ah, oo looga hortagayay faafitaanka cudurka coronavirus. Ninka bukaanka ah, oo lagu magacaabo Nitaidas Mukherjee, wuxuu muddo ku dhow labo isbuuc isagoo cudurka Covid-19 la dhibaatoonaya ku jiray Isbitaalka magaalada ee la yiraahdo AMRI, halkaasoo Dr Sinha ay ka shaqeyso. Fayraska ayaa aad dhulka u dhigay ninkan 52 jirka ah oo ka shaqeyn jiray arrimaha bulshada, wuxuuna leeyahay hay’ad aan faa’iido doon ahayn oo caawisa dadka hoy la’aanta ah iyo kuwa saboolka ah. Fiidnimadii ay taariikhdu ahayd 30-kii bishii March ayaa la geeyay Isbitaalka, isagoo ay qandho daran heysay, neefsashaduna dhibeysay. Markii isbitaalka la geeyay, waxaa la dhigay qeybta lagu daryeelo bukaannada liita, halkaas oo lagula xiray qalabka neefsashada caawiya. Mr Mukherjee iyo xaaskiisa, Aparajita Dhakhaatiirtu waxay sidoo kale siiyeen dawada uu u qaadan jiray xanuunka macaanka, ama sokorowga, waxayna ka qaadeen baaritaanka Covid-19. Habeenkii xigayba waxaa la xaqiijiyay in Mr Mukherjee uu qabo cudurka corona. Wuxuu gaaray heer ay aad ugu sii adkaato neefsashada, oo xitaa la awoodi waayo in kabasho oo biyo ah afka laga siiyo. Markaas ayaa go’aan lagu gaaray in lagu xiro qalabka neefta siiya dadka ee afka qalaad lagu yiraahdo “ventilator”. Muddo saddex isbuuc ka badan ayey qaadatay inuu mar kale soo miyirsado, muddo intaas kasii dheerna waxay ku qaadatay inuu ka maarmo qalabka neefta siinayay. Dad badan oo uu cudurka Covid-19 ku dhacay uma nasiib badneyn sida Mr Mukherjee oo kale. Qiyaastii afar meelood meel ka mid ah bukaannadii qalabka neefsashada lagu xiray ee magaalada New York waxay geeriyoodeen dhowrkii isbuuc ee ugu horreysay gudahooda, sida lagu muujiyay daraasad dhawaan lasoo saaray. Dr Saswati Sinha waxay sheegtay in dadaalkii lagu badbaadinayay Mr Mukherjee uu ahaa khibrad cajiib ah Daraasad kale oo laga soo saaray Britain ayaa sidoo kale lagu sheegay in bukaannadii Covid-19 ee lagu xiray qalabka neefsashada ay ka dhinteen saddex meelood labo meel oo ka mid ah. Waxaa kale oo jiray warar sheegayay in qalabka neefsashada caawiya uusan waxba u tarin bukaannada Covid-19. Intii uu qalabka ku xirnaa Mr Mukherjee waxaa la siinayay dawooyin joojiya shaqada murqaha jirka, si uusan qofka isugu dayin inuu u neefsado si iskiis ah. Habeen ka mid ah bishii April, xaaladda ninkan ayaa kasii dartay. Qandhadii heysay ayaa sare usii kacday, garaaca wadnihiisa iyo wareegga dhiiggana way daciifeen. Dabcan ma jirin cid dooneysay inuu geeriyoodo, dhammaan shaqaalihii isbitaalkana waxay u howl galeen sidii ay u caawin lahaayeen. Markii ay Dr Sinha dib ugu laabatay Isbitaalka, waxay u tagtay dhakhaatiirtii kale oo Mr Mukherjee kula tacaalaya qeybta lagu daryeelo bukaannada halista ah. Muddo saddex saacadood ah ayey ku qaadatay inay xaaladdiisa kusoo laabato sidii ay ahayd markii hore. Ms Sinha telefoonkeeda waxaa ka buuxa sawirro laga qaaday howl wadeennadii daweynayay Mr Mukherjee oo aad u wada daallan “Tani waxay ahayd khibraddii iigu cajiibsaneyd ee isoo martay nolosheyda,” ayey tiri Dr Sinha, oo 21 sano ka shaqeyneysay caafimaadka. 16 sano oo ka mid ah waqtigaas waxay si gaar ah uga howl galeysay qeybta lagu daryeelo bukaannada ay xaaladdoodu liidato. “Daqiiqad kasta waxaa eegeynay qalabka lagula socdo xaaladdiisa, waxaana hubineynay inuu soo roonaanayo iyo inkale. Waxaan nafteyda ku dhahayay, waan u baahan nahay ninkan, ma dooneyno inuu dhinto. Xilligaas wuxuu ahaa bukaanka kaliya ee qabay Covid-19 ee ku jiray qeybta daryeelka khaaska ah,” ayey tiri. Ugu dambeyntii, hal bil kaddib markii isbitaalka la geeyay Mr Mukherjee, xaaladdiisa ayaa soo hagaagtay, wuxuuna muujiyay calaamado caddeynaya inuu ka adkaaday cudurkii. Mr Mukherjee xaaladdiisu aad bay u xumeyd muddo ku dhow hal bil Maalin Axad ah ayuu kasoo kacay miyir-beelkii uu ku jiray. Markii ay xaaskiisa kasoo wacday muuqaal, si toos ah uma uusan arki karin. “Ma garaneynin muuqaal ahaan waxa socday. Indhaha waxba kama arkeynin. Waxaan u jeeday haweeney horteyda taagan, taasoo markii dambe aan ogaaday inay dhakhtaraddeyda ahayd,” ayuu yiri Mr Mukherjee. Dabayaaqadii bishii April ayey dhakhaatiirtu si tijaabo ah uga fureen qalabka neefsashada, iyagoo eegayay inuu 30 daqiiqo kaligiis neefsan karo. Muddo hal bil ah kaddib, waxay ahayd markii ugu horreysay ee uu iskiis u neefsado. Cabsi badan ayuu muujinayay markii laga furay qalabka, dhowr jeer ayuuna qeylo dhaan u diray dhakhaatiirta, isagoo u maleynaya inay neefta ku dhagtay. Mr Mukherjee wuxuu gurigiisa tagay 8 May kaddib markii uu in ka badan hal bil ku jiray isbitaalka Markii la gaaray 3-dii bishii May, si buuxda ayaa looga dambiyay qalabka neefsashada, shan maalmood kaddibna waxaa loo diray gurigiisa. “Runtii wuxuu soo maray xaalad aad u adag. 4 isbuuc ayey heysay qandho daran. kaligiis ma uusan neefsan karin. fayraska ayaa gaarsiiyay heer xun.” ayey tiri Dr Sinha. Hadda oo uu gurigiisa ku sugan yahay, Mr Mukherjee wuxuu billaabayaa nolol cusub. Wuxuu mar dhow awooday inuu socdo isagoo aan garabka laga heynin. Xitaa waxaa soo laabanaya qaar ka mid ah xasuustiisa. Qaran News
  19. From the HOL family, it is with great sadness to inform our valuable readership that one of our regular contributors, Abdiazz Ibrahim Heikal (Heikal Kenneded) has passed away on 2nd June in the United States, Washington DC. Source: Hiiraan Online
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah shaqaalihii gurmadka ahaa ee ka qeyb qaadanayay la tacaalidda cudurka faafa ee Coronavirus ayaa ka cabanaya xuquuq la’aan muddo bilooyin ah. Shaqaalahaan oo la soo xariiray Caasimada Online ayaa sheegay in aysan mushaar helin muddo laba bilood ah dadka qaarkoodna ay qaataan bil kasta mushaar loo qoondeeyay. Shaqaalaha cabanaya oo ka kooban 25 qof ayaa ahaa kuwii qaabilsanaa aaska dadka u dhinta cudurkaan, dhaqidda maydadka, doonidda ama soo qaadida dadka cudurka looga shakiyo ee soo waca Numberka gaaban, halka qaarkoodna ay qaabilsanaayeen in Oksajinka dadka ku xiraan. Mid kamid ah shaqaalaha cabanaya oo la hadlay Caasimada Online ayaa noo sheegay in dhamaan dadka kale ee ku howlan Covid-19 ay xuquuqdooda qaataan bil kasta balse aysan iyagu helin. “Waan raadinay waana ka quusanay helidda mushaarkayna sababtoo ah isku tuur tuur ayuu noqday,” sidaas waxaa yiri mid ka mid ah shaqaalaha cabanaya ee nala soo xariiray. Sidoo kale shaqaalahaan ayaa noo sheegay in markii hore ay qaarkood si lacag la’aan ugu shaqeyn jireen dowladda hoose islamarkaana ay u qaabilsanaayeen arrimaha dayactirka guryaha, dhismaha laamiyada iyo howlaha kale ee la xariira dhismaha ama Fuundninada. Xariiro aan la sameynay maamulka gobalka Banaadir iyo wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa ku guul dareysanay si aan wax uga weydiino eedeymaha loo jeediyay, sababtoo ah kama jawaabin codsigii ahaa inay nala hadlaan.
  21. The incident involving George Floyd was a heinous crime witnessed in real time in the age of social media, a horror of a show in itself – not many see acts of murders as they unfold. Source: Hiiraan Online
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee fanaankii weynaa ee Soomaaliyeed Cabdi Tahliil Warsame ayaa goor dhow ku geeriyooday magaalada Muqdisho, kadib muddo uu ku xanuunsanaa magaalada, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya Geerida Cabdi Tahliil Warsame ayaa waxaa qoraal uu soo dhigay barta twitter-ka ku xaqiijiyey afhayeenka wasaaradda warfaafinat Soomaaliya Ismaaciil Oronjo. “Inaa Lilaahi wa inaa Ileyhi raajicuun, waxaa hadda la ii xaqiijiyay in uu magaalada Muqdisho ku geeriyooday Fanaanka caanka ah Cabdi Tahliil Warsame oo muddooyinkii ugu dambeyn ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho,” ayuu yiri afhayeenka. Xaaladda caafimaad ee fannaa Cabdi Tahliil ayaa sii xumaanaysay waayadan danbe, mana jirin daryeel dhammeystiran oo uu ka helay dowladda Soomaaliya. Cabdi Tahliil Warsame wuxuu safka hore kaga jiray fannaaniinta qiimaha mugga weyn ku dhex leh fanka Soomaalida, heesihii uu ku luuqeeyey waxay kaalimaha ugu sarreeya kaga jiraan dhageysiga keydka suugaanta ee ay isticmaalaan bulshada Soomaalidu. Cabdi Tahliil Warsame, sida la hubo wuxuu ku dhashay deegaanka Wardheer sannadkii 1952-kii. Sannadkii 1968-kii fannaanku wuxuu ku luuqeeyey heestiisii labaad ee Onkod, taasoo aad u caan baxday. Heestan oo ilaa maanta kaalmaha hore uga jirta dookha dadweynaha waxaa u dhiibay Abwaan Axmed Saleebaan Bide. Sannadkii 1971-kii wuxuu ka qeyb galay tartankii heesaha hirgalay waxaana ku weheliyay fannaaniin ay ka mid ahaayeen, Cabdulaahi Cumar Xarago, Cabdi Xasan Dige, Cumar Nuur Cabdule iyo Xasan Aadan Samatar. Fannaaniintan dhamaantood waxay ku biireen xidigihii kooxdii Hobalada Waabari. Kooxihii kale ee uu Tahliil la soo shaqeeyey waxaa ka mid ahaa Kooxdii Danan oo uu kamid noqday hogaankii sare ee kooxdaas.
  23. Garowe (PP News Desk) — Puntland Influential traditional leaders have joined KAAH, the political association of the incumbent Puntland State government. Abdissis Yusuf Harin and Abdullahi Mohamud Jibril, two recognised traditional leaders, have visited the KAAH office in Garowe to throw their weight behind the new political association. KAAH violated Puntland Constitution for enlisting traditional leaders as members Critics of traditional leaders’ involvement in politics have drawn attention to Puntland Constitution. Article 110 of Puntland State Constitution bars traditional leaders from associating themselves with political associations. “To safeguard reputation and neutrality of traditional leaders it is impermissible for them to have role in political associations or parties” stipulates Puntland State Constitution. In its Facebook page KAAH publicised names of elders who have joined it as members Last week KAAH was accused of violating an article in Puntland Constitution about the neutral role of civil servants. Other Puntland political associations seem indifferent to successive violations of Puntland Constitution by the political association of which Puntland State President Said A. Deni is member. Puntland State will conduct pilot local government elections for which registered political associations will contest. Traditional leaders Abdullahi Mohamud Jibriil (left) and Abdissis Yusuf Harin (right) joined KAAH “The role of Transitional Puntland Electoral Commission is ineffectual given repeated violations of the Constitution by a political association. TPEC should have held periodic meetings with political associations about how their are complying with Puntland State Constitution” Saa’id Mohamud, a Bosaso-based political commentator, told Puntland Post. © Puntland Post, 2020 The post PUNTLAND TRADITIONAL LEADERS JOIN KAAH appeared first on Puntland Post.
  24. Bosaso (PP News Desk) — The First Level Court of Bari region has sentenced Ruqiyo Abdirahman Mohammed to death by a firing squad. Ruqiya confessed to have stolen one-year old child who died in her house. “The cause of the child’s death has not been established. The defendant admitted to child theft “ said Abukar Abdinur Jama, Chairman of the First Level Court in Bosaso. The Court Chairman said that Ismail Ali Nur, the husband of Ruqiya, had seen the newly-born baby in his house and that the baby was bigger than the baby his wife had given birth to. “Ismail did not share his suspicion with the law enforcement agencies” said Jama in a statement for the media. The court has sentenced Ismail Ali Nur to three years in jail for facilitating child theft. Both Ruqia and Ismail have the option to appeal against the respective rulings within thirty days. © Puntland Post, 2020 The post A BOSASO COURT SENTENCES A WOMAN TO DEATH appeared first on Puntland Post.